Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. Sabti, Abriil 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan wasiir-u-dowlaha gaashaandhigga Cabdi Max'ed Abtidoon, taliyaha ciidamada Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo AMISOM ayaa maanta booqasho ku tagay fariisimaha ay ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin degmada Boondheere. Sheekh Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxay socod ku mareen dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo dhufeysyo ku yaalay degmadaas oo la sheegay in laga saaray xoogagga Xarrakatul Shabaab. "Waxaad sameyseen dulqaad iyo geesinimo - waxaadna ku samarteen duruufo badan, laakiin waxaa la idin kaga baahan yahay inaad salaadda tukataan oo aad joojisaan isticmaalka jaadka iyo wixii la midka ah akhlaaqdiinana aan wanaajisaan," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ciidamadii uu kula kulmay fariisimahaas. Sheekh Shariif wuxuu u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan inay dalka nabad kusoo celiyaan, isagoo xusay inaan loo baahnayn in dadka ay dhibaateeyaan taas badalkeedana ay u gargaaraan. "Haddii la arko askari labisan qof walba wuxuu is-leeyahay tolow muxuu damacan yahay, idinka ayaa la idin kaga baahan yahay inaad shacabka ka saartaan fikirkaas aadna ogaataan inaad tihiin kuwo naftooda u hibeeyay dadka iyo dalka Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Shariif. Booqashada madaxweyanaha Soomaaliya uu ku tagay fariisimaha ciidamada ee ku yaalla degmada Boondheere ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu booqasho ku tagay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga iyo kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM. Sheekh Shariif ayaa booqasho uu ku tagayo xeryaha ciidamada waday tan iyo markii uu sanadkan bilowday, waxaana uu sheegay in talaabadan ay tahay mid ay dowlada KMG ah ku doonayso inay dib u soo celiso nabaddii Soomaaliya 20-sano kaddib. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Sabti, Abriil 30, 2011 (HOL) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DKMG ah ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari la sheegay inuu shalay gallinkii dambe toogasho ku dilay askari kale oo ay wada-shaqeynayeen. Askariga dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdi C/llaahi Dhuxul op 25-jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inuu toogtay 5:30 galabnimo ee shalay oo Jimco ahayd askari kale oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Xasan oo ay kawada tirsanaayeen hal guuto. "Markii maxkamadu ay ka dhageystay markhaatiyaal caddeeyay in in Cabdi C/llaahi Dhuxul uu toogasho ku dilay C/risaaq Cali Xasan, maxkamaddu waxay go'aansatay inay ku xukunto iyadoo cuskanaysa diinta Islaamka iyo sharciyada ciidamada," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo warbaahinta la hadlay. Xukunkan ayaa ka dhacay mid ka mid ah aagagga ay ciidamada DKMG ah kaga sugan yihiin Muqdisho halkaasoo la sheegay inay ahayd halkii askariga kale lagu dilay, iyadoo aan la sheegin sababta keentay in askariga uu dil u geysto askari kale sidoo kelana lama sheegin xilliga xukunka dilka ah lagu fulin doono askariga dilka lagu xukumay. "Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay la wareegtay qorigii uu dilka ku geystay gacan ku dhiiglaha la xukumay kaasoo ahaa AK-47 iyo 16-rasaas ah oo ku jirtay," ayuu Muungaab hadalkiisa raaciyay. Xukunkan ayaan ahayn markii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu ku riddo askari dil u geystay askari kale, waxaase tan iyo markii uu billowday sannadkaan ay dilal ku xukuntay askar ka tirsan ciidammada DKMG ah, kuwaasoo qaarkood xukunka lagu fuliyay halka kuwo kalena ay weli xabsiyada ku jiraan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa sheegaya inay halkaasi isaga baxayaan ciidamada xarakada Al-Shabaab, kaddib markii ciidamada Dowladda oo markoodii hore ku sugnaa degaanka Bohol Bashiir ay u soo ruqaansadeen tuulada Yurkud oo 65Km u jirta magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay in ciidamada labada dhinac ay sameynayaan xeelado Milateri, iyadoo kuwa xarakada Al-Shabaab la sheegayo inay dib u gurasho sameynayaan isla markaana goobaha ay ku sugan yihiin ay ka sameynayaan dhaqdhaqaaqyo. Dhinaca kale ciidamada Dowladda oo si aad u hubeysan ayay sheegayaan dadka degan degmooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa ku soo wajahan halkaasi iyagoona raxan raxan u socda ayaa la sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo ay kala hortageen kuwa xarakada Al-Shabaab. Wararku waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jiraan magaalada Baydhaba, iyadoo ciidamada xarakada Al-Shabaab ay halkaasi ku xirxireen in ka badan toddobo ganacsatada magaalada ka tirsan, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay iska dhega tireen awaamiir ay horay u soo gaarsiiyeen, taasi oo la sheegay inay la xiriirto bixinta lacago lagu amray inay geeyaan xarumaha Al-Shabaab ee magaalada Baydhaba. Dhinaca kale Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa soo galay deegaano ka mid ah Gobolka Bay, iyadoo Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Bay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG ah, waxaana la sheegayaa in ciidamada Dowladda ay ku sii siqayaan gobolka Bay. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  4. Would you allow Faroole to appoint the election oversight committee if he was running for re-election?
  5. Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa soo baxaya khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland, kaasoo in mudo ah soo jiray, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka dhawaajiyay in Dowladda KMG ay halis ku tahay amniga iyo nidaamka ka jira Puntland isagoo ku eedeeyay dhibaatooyinka mudooyinkii danbe ka taagnaa deegaanada PL, in ay ka danbeyso Dowladda KMG. Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa iyadana jawaab kulul ka bixisay eedeynta Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole u jeediyay Dowladda KMG oo uu ku tilmaamay iney qas iyo nabadgelyo xumo ka abuureyso deegaanada Puntland. “Hadafka Dowladda KMG ah waa Nabbadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ,weligeedna qorshaha kuma darsan hurin colaad mana haboona in lagula soo galgasho fitnada ka taagan qeybo ka tirsan maamulada dalka jira ee la doonayo in damac Siyaasadeed lagu gaaro”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada C/kariim Xasan Jaamac oo ku sugan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta. Wasiirka ayaa been aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay in DKMG ah ay abaabusho kooxo Mucaarad ah oo xsilooni darro ka abuura Puntland, balse ay jiraan kulamo ay la yeelato dhamaan qeybaha Bulshada ee gobolada Soomaaliya si buu yiri looga gacan siiyo horumarinta deegaanadooda gaar ahaan dhinacyada Sugidda amniga iyo maamul sameynta. “Dowladda waxaa ku jira dad xilkasa ama kuwo ka turjumaya deegaanada Puntland marka waxaa haboon inaan eedeyn ama damac siyaasadeed lagu raadin warar aan jirin waana xaqiiqo in Kooxaha Nabbad-diidka ah ee Shabaab iyo mucaaradkii Gal-gala ay lug ku leeyihiin rabshadaha ka taagan Puntland, anagoo horay ugu tacsiyeynay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay dilalkii ka dhacay Puntland “ayuu yiri sii raaciyay wasiirka Warfaafinta. C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in shaqsiyaad ka tirsan Dowladda oo uu sheegay iney ku fashilmeen siyaasadda dalka ay doonayaan iney xasilooni daro ka abuuraan Puntland, hase ahaatee Madaxweyne Faroole ayaa horay nabadgelyo xumada ka jirta Puntland ku eedeeyay Kooxaha ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya. Waxaa kaloo uu Md. C/raxmaan Faroole uu ku eedeeyay Dowladda KMG in Jabhadda SSC ay taageero dhinac walbo ay ku bixiso sidii ay Puntland rabshado ugu abuuri lahaayeen hase ahaatee uu tilmaamay in ujeeadadii loo abuuray lagu guul dareystay. Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay xaqiijiyaan qabsoomida doorashada bisha August lagu baaqay, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in C/raxmaan Faroole uu ku jiro damac dhinaca Madaxtinimada Soomaaliya.
  6. Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddiyadii uu dhowaan soo magacaabay guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya aanu ahaynin kuwo loo maray dhabihii saxdda aha ee sharciga iyo nidaamka dhisida guddiyada. Doorashadda dalka. Madaxweyne Sh. Shariif sheikh axmed ayaa sheegay in loo bahanyahay in marka wax la dhisaayo la marro Dariiqa sharciga ah siweeyna loo ilaaliyo isla markaana la tixgeliyo duruufaha adage ee uu dalku marayo, waxaa uuna isweeydiiyay Madaxweeynaha awoodda uu guddi doorasho ku magacaabi karo qof musharax ah, sida shariif Xasan sheikh aadan oo kale taas oo uu tilmaamay in ay tahay mid liddi ku ah sharciga u degsan dalka. Mdaxweynaha Dawladda Federaalka soomaliya Md Shiikh shariif ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Dowladu hadda ay ku jirto olole ballaaran oo dalka oo dhan lagaga Sifeynayo Maliishiyaadka kooxdda Al-Shabaab, sidaasi darteedna loo baahneyn in aanan sinaba loogu mashquulin wax loogu yero doorasho iyo waxyaabo kale oo xagal daawcinaya dadaaladda socda ee la xiiriira xoreynta dadka iyo dadka. Madaxweynaha dawladda Federaalka dalka soomaliya Md Shariif ayaa waxa uu hadalkan sheegay xilli ciidamada Dowladdu ay horumar balaaran ka soo hooyen guuid ahaan dalka sida Goboladda Kuunfureeyd, kuwa dhexe iyo magaaladda muqdisho oo ay howlgallo kuwii ugu weeynaa ka wadeen , taas oo ah yididiilo wanaagsan iyo horumar muuqda oo dalka lagaga sifeynayo kooxdda Al-Shabaab. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  7. Uganda to increase it’s Troops in Somalia. Hiiraan Online Monday, April 25, 2011 The Ugandan government is to send 4,000 more troops to Somalia to take part efforts of stabilizing the country. The request which was made by the Ugandan Defence forces Generals was presented before the Ugandan parliamentary committee on Defense and Internal Affairs. "Although our forces are gaining ground, there is still need of sending more troops to eliminate Alshabab from the country, which controls most of the south and central Somalia," said the Commander of Ugandan Land Forces Lt. Gen. Katumba Wamala. “We see reduced al-Shabab activity both in Somalia and in the region but if we can finish them we will not be having them disturbing the peace.”. he added. “ We lost 90 Soldiers in our mission to Somalia .we will continue our struggle and we will support the Transitional Federal Government of Somalia in its efforts to gain control”. Said General Wamala. There is currently 4,600 Ugandan troops in Somalia, under the African Union Mission to Somalia (AMISOM). In recent weeks, Alshabab has been beaten back from areas in the capital, Mogadishu and some key towns in Gedo and Lower Jubba following an offensive by pro-government forces. The decision of the Ugandan government also comes after a day Alshabab failed to take control Dhusa-Marreb, Head Quarters of Galgadud Region of Somalia after Ahlu-Sunna Waljamaa regained control.
  8. Isniin, Abriil 25, 2011 (HOL) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay 4,000-askari oo dheeraad ah ku xoojinayso ciidamadeeda ku sugan dalka Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan xal ka gaarista colaadaha ka taagan muddad dheer. Saraakiisha ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in codsi ku aaddan arrintan ay u gudbiyeen guddiga difaaca baarlamaanka dalkooda si go'aan looga gaaro in loo diro ciidanka Soomaaliya iyo in kale. "Inkastoo ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya ay guulo gaareen, haddana waxaa loo baahan yahay in meesha oo dhan laga saaro Xarrakatul Shabaaba oo ka talisa dalka intiisa badan," ayuu yiri taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda Lt. Gen. Katumba Wamala oo la hadlay saxaafadda dalkiisa Sabtidii todobaadkan. "Waxaan arkaynaa in dhaqdhaqaaqyada Xarrakatul Shabaab ay caqabad ku yihiin ammaanka Soomaaliya iyo midka gobolka oo dhan, laakiinse haddii aan meesha ka saarno caqabad kuma noqon karaan nabadda," ayuu hadalkiisa raaciyay. Dalka Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya 4,600-askari, kuwaasoo AMISOM ka tirsan, waxaana la sheegaan in ciidamadaas kuwa Burundi ka socda ay gacanta ku hayaan 60% magaalada Muqdisho. Lt. Gen. Wamala, wuxuu sheegay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay iyagu bilaabeen saddex sano ka hor, ayna ka caawiyaan dowladda Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahayd weerarada kaga imaanaya xoogagga hubeysan ee Xarrakatul Shabaab. "Howlgallada aan ka wadno Somalia waxaan ku waynay 90-askari oo ciidankeena ka mid ahaa," ayuu yiri taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda, iyadoo ciidamada AMISOM ay maalin walba dagaal kula jiraan Xarrakatul Shabaab oo isku dayaysa inay dalka oo dhan qabsato. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  9. Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda nabadgelyo oo maalmihii ugu dambeeyay farahooda ka baxay, waxayna Wasiiradu ka hadleen sababaha keenay falalka ka socda gobolada Puntland ay maamusho, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso oo saddexdii toddobaad ee u dambeysay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan, qaraxyo lala beegsanayo madaxda Puntland. Wasiirada Puntland waxay kulankooda uga doodeen halka ay salka ku hayaan dembiyada dhacaya, waxayna Wasiiradu isku raaceen in dilalka abaabulan ay labo weji yihiin, sida aanooyinka qabiil ee u dhaxeeya beelaha wada degan Puntland, halka qaar ka mid ah Wasiirada ay sheegeen in dembiyada iyo qaraxyada ka dhacaya gobolka Mudug ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo xiriir la leh xarakada Al-Shabaab. Md. Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirka amniga Puntland iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saciid Xasan Shire ayaa Warbaahinta la hadlay, iyagoona ka warbixiyay go'aanada ka soo baxay kulanka Wasiirada Puntland, hase yeeshee guud ahaan ayay sheegeen in Dowladdu dardar gelineyso inay ka hortagto falalka nabadgelyo xumo ee degaanada ka jira. "Waxaan ka xunahay in qabyaalad wax la isu yeelo, taasi oo ka horjeeda nidaamka dowliga ah iyo shareecada Islaamka" ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo ku booriyay shacabka gobolka degan inay ka qeyb qaataan sidii ay uga hortegi lahaayeen nabadgelyo xumida degaanadooda ka jirta. Dhinaca kale Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Saciid Xasan Shire ayaa isagana ka hadlay dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Sanaag, wuxuuna ugu baaqay beelaha wada degan gobolka ay ka shaqeeyaan nabadgelyada isla markaana joojiyaan colaadda dhexdooda ka oogan, wuxuuna Wasiirku ku hanjabay in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo iyadu dembi gasha. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  10. Waxaa malmahanba ay shirar aan kala joogsi lahay ka dhacayen magalada Garoowe ee gobalka Nugal shirkaas oo uu soo qaban qabiyay Faroole isgoo ujedadisu aheeyd sidii bulshada ku dhaqan gobalka Nugaal ay ugu tagerilahayd damaciisa ah inuu dagaal ku qaado maamulka dhawan lagu dhawaqay ee RAAS CASEYR STATE OF SOMALIA maamulkaas oo ka madaxbanaan Puntland inteeda kale yeshayna madaxweyne iyo ku xigeen,gole barlamaan iyo gole wasiir dhamantodna ku sugan wadanka gudihiisa kadib markii ay ku gacan seyreen saladinta, aqoon yahanada, culumo awdiinka, ganacsatada iyo qaar kamida sarakisha ciidanka puntland ayaa waxaa soo baxaya inuu faroole hada uu ababul ugu jiro sidii uu burcad badeed iyo maleshiyo beleed beled u soo hubayn lahaa. Mamulka RAASCASEYR oo ka dhashay shirar iyo wada tashiyo mudaba uga socday dalka iyo dibada dadka degaanka degan ayaa shir weyne loo dhanyahay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan bulshada dhinacyadeda kala duwan waxuu ka dhacay 10/2/2011-20/2/2011 magaalada BAARGAAL kaas oo lagu go aan saday in ay dadka degamadaas dagani ay sameystaan maammul ka shaqeya danahooda kadib markii ay ku khasareen isku sarsigii iyo wada lahanshihii puntland ayaa lagu dhawaqay mamulka RASCASEYR STATE OF SOMALIA tarikhdu markay aheeyd 17/4/2011 Madaxweynaha mamulka raas caseyr Eng Farah Mohamud Yusuf Dooxajoog maruu lahadlayay warbahinta gudaha isagoo ku sugan casimada mumulkas ee caluula ayuu u sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ka hor yimadan rabitanka shacabka degankaas ay ka hortagayaan iskana difacayaan. Sidoo kale waxaa warbaahinta gudaha la hadlay taliyaha guud ee cidamada RAASCASEYR STATE OF SOMALIA jen: Mohamed Xirsi Cumar isagoo sheegay in hadii maleeshiyada uu Faroole ka ururinayo Garoowe soo damaciyaan degankan ay u dhigayaan cashar lama ilawana isla markaana ay hada ku jiraan heegankii ugu danbeeyay xaduduhuna ay xiran yihiin bad iyo biri ilaa iyo iminka ma jirto wax wan wan wada hadal oo labada qoloba ay diyaar u yihiin waana suura gal in xili kasta uu ka qarxo dagaal faraha looga gubtay kaas oo masuliyadiisa uu qadayo faroole iyo inta ku caqligaa. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  11. China willing to play constructive role in peace process in Somalia: FM BEIJING, April 25 (Xinhua) -- Chinese Foreign Minister Yang Jiechi said Monday that China will continue to play a constructive role in the peace process and rebuilding of Somalia, together with the international community. China has consistently supported the peace process in Somalia and the transitional government's efforts to restore domestic peace, said Yang when holding talks with Mohamed Abdullahi Omaar, deputy prime minister and foreign minister of the Somali transitional government. Yang said China cherishes the traditional friendship with Somalia and is willing to make joint efforts with the Somali side to further promote bilateral ties. Omaar thanked China for helping Somalia in its development over the years, adding that he hopes China will continue providing valuable support for the peace process and the rebuilding of his country. Omaar said that Somalia attaches importance to China's role in international issues and will continue its adherence to the one-China policy. The two sides also exchanged views on regional and international issues of common concern. Omaar arrived in China on Saturday for a working visit at the invitation of Yang. Source: Xinhua
  12. Dowlada Iran ayaa carabka ku dhufatay in ay Somaliya ka taageri doonto dhinaca howlgalada nabad ilaalinta. Sida ay sheegtay wakalada wararka u faafisa wadanka Iran ee layirahdo IRNA Iran ayaa dooneysa iney ciidamo usoo dirto dalal dhowra oo colaaduhu a la dageen gaar ahaan wadanka Somaliya ay sheegtay in Iran ay aad uga xuntahay colaada mirirtay ee ka taagan gayiga Somaliya. Isagoo lahadlyay kumanaan askarta wadankaasi Iraan iyo masuuliyiin kale magalada Tehran ee dalkasi Iran major General Axmed Reza oo ah janaraalka ugu sareeya ee ciidamada dhulka wadanka Iran waxaa uu sheegay in ay dowlada Iran diyaar u tahay in ay ka qeybqaadato howlgalad nabad ilaalinta ee ka soconaya dalalka ay dagaalada ka jiran waqtigani, gaar ahaan ayaa waxaa uu janaralkani ka dhawaajiyay in ay aad uga walacsantahay dowlad Iran marxaladaha ay haatan mareyso arinta Somaliya isagoo soo hadal qaaday in aney ku filayn ciidamada tirade yarleh ee ilaaliya goobaha dowalda ee muhimka ah sidi uu hadalkiisa ku macneeyay. Inkasta oo aan hore loga maqlin dowalda iran ciidamo ay keeneyso somaliya si ay uga midnoqdaan ciidamada caalamiga ah ee taageraya dowlada madaxweyne Shariif ayaa hadana waxaa Iran ay ka dhabeysay balanqaad ay hore u sheegtay in ay ciidamo dhanka bada ah u soo diri doonto xeebaha Somaliya, si a halkaasi ugu ilaaliyaan amaanka maraakiibta isaga goosha biyaha caalmiga ah iyo xeebaha wadanka Somaliya halkaas oo ay Qatar dhanka burcada badaha ahi ay ka taagantahay taaso hoos u dhigta isku socodkii marinbiyoodyada gacanka Cadan iyo biyaha caalamiga ah. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  13. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka, gaar ahaana ka tirsan guddi hoosaadyada Golaha ayaa ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimaha shirka dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ka qeyb galay Shariif Xasan, hase yeeshee markii uu u soo bandhigay go'aanadii ka soo baxay shirka Nairobi ayaa waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray Xildhibaanada. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah mudanayaasha kulanka la yeeshay Guddoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay in go'aanka Baarlamaanka ee mudada saddexda sano ah ku kororsaday ay tahay mid lama taabtaan ah, wuxuuna sheegay inay kahor yimaadeen markii Shariif u sheegay in Baarlamaanka dib uga laabto saddexda sano. "Sharciyan marka Baarlamaanka go'aankiisa wax laga bedelayo lix bil kaddib ayuu dastuurka dhigayaa" ayuu yiri Xildhibaan Cashara oo sheegay in inta badan qodobada ka soo baxay shirka Nairobi ay dhaawac ku yihiin dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka Golaha Baarlamaanka. Dhinaca kale Xildhibaanada kulanka la yeeshay Shariif Xasan oo iyagu intooda ku taageeray ka qeyb galkiisa shirka Nairobi, ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Mudanayaasha ka hadlay kulankaasi Xildhibaan Cumar Islow oo sheegay iyagu inuusan waxba ka quseynin shirka Nairobi iyo qodobadii ka soo baxay, isagoona sheegay in go'aanka Golaha Baarlamaanka uu yahay lama taabtaan, waxaana la sheegay in Shariif Xasan uu ugu dambeyn ogolaaday in baarlamanka loo daayo 3-da sano ee uu kordhistay
  14. April 20, 2011 - QOL - Shabaabka Degmada Mahdaay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa bilaabay in ay burburitaan islamarkaana ay lafaha ka soo fagaan qabuuraha culumaa’udiincaanka ah dalka Soomaaliya ee uu ka mid yahay Awoowga Madaxweyne Shariif Deegaanada la isku yiraah Afarta Tuulo oo asal ahaan uu ka soo jeedo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ah goobaha ay ku aasnaayeen culumaa’uddiin laga tixgeliyo Gobolka Sh/Dhexe iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale Tuulo u dhow deegaanka Miirtuugo ayaa Shabaabka ka sameeyeen qabuuro faagis, iyagoo la soo baxay lafihii Sheekh Muuse Cigale oo ahaa Madaxweyne Shariif Awoowgiis, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in maliishiyada lafaha Sheekha la baxday ay hareereeyeen tuulada iyagoo ku hubeysnaa Tikniko fara badan. Qabriyada la bur buriyay ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale caalimkii, Sheekh Axmed Gabale oo xushmad iyo qadarin ku dhex lahaa dadka Soomaaliyeed isla markaana dad badan oo xanuunsanaa ay ku reysteen tuftiisa barakeysneed. Waxaa kaloo la sheegayaa in qabri kale oo ku caasnaa wadaad caan ah iyana lagu bur buriyay deegaanka la yiraahdo Bur-Dheere, halkaas oo la sheegay inay ka mid aheyd goobaha ay ku aasnaayeen mashaa’ikhda caanka ah dalka. Arrintan ayaa qeyb ka ah howlo qabuuro bur burin iyo mid faagis ah oo horay Shabaabka uga sameeyeen Gobolada dalka, waxaana culumaa’udiinka Ahlusuna ay ku eedeeyen Shabaab inay suulinayaan magacii mahsaa’ikhdii soomaaliyed, isla markaana lafahooda u iib geynayaan dalalka kale.
  15. Somalia oo loo balan qaadey in loogu deeqi doono Buseska London. Waxaa Bartamaha bisha ayna ku jirno ee April waqooyi galbeed ee Magaalada London ka dhacey kulan ay isagu yimadeen aqoonyahano, siyaasiyiin soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah madaxda dowlada ingriisaka oo uu ugu horeeyo Mayarkii hore ee London Mr Ken Livingstone. Kulankan oo ka dhacey Friend’s House ayaa lagu soo dhaweenaayay duqa magaalada Muqdishu Mudane Mohamud Amed Nuur ”Tarzan”, taasi oo loogu hadlaayay marxlada Magalada Muqdishu ka taagan waqtigan, horumarka, waxqabadk iyo isbedelka 9 bilood ee la soo dhaafey inta uu xilkaas hayey TARZAN. Kulankan ka hor ayaa Waxaa kulan wada qaatay Mr Livingstion oo ahaa Maayirkii hore ee London isla markaana hada u sharaxan Qabashada Xilkaasi iyo Eng Baana Ali oo ka mid ah Maamulka Waaxda Socdaalka Dhulka ee London (London Transport) kana mid ah Maamulka Mashaariicda (Project managers) kaasi oo u shaqeeya Muddo 13 sanadood. Eng. Baana Ali iyo Mr Ken Livingstone ayaa ka wada hadlay sidii buseska duqoowey ee London loogu deeqo wadanka soomaaliya maadaama ay London Transport ay ugu deeqdo busueska marka ay duqoowaan wadamada dhibaatooyinka ka jira ama u baahan kaalmada noocan oo kale ah. Mr Livingstone oo kulankiisa gaarka ahaa ka dib la hadlay Jaaliyada Soomaalida iyo Madaxda kala gedisan ee kulankaasi isugu timid ayaa soo dhaweeyay Fikirka iyo Talada uu usoo jeediyay Eng. Baana Ali oo ka mid ah Maamulka (London Transport Project Manage). "Waxaan Soomaalida u sheegayaa hadii aan ku guuleesto Doorashada Duqa Magaalada London in aan ugu deeqi Doono Mashaariicda Buseska Duqooway oo aan horey ugu deeqi jirnay Dowlado kale, kaasi oo aan kala kaashaneeno Howlwadeeno ka tirsan London Transport" Ayuu yiri Livingstone. Mayorkii hore ee London ayaa ku celiyay in suurta gal nimada Arrinkaasi ay noqon karto hadii uu ku guuleesto doorashada soo socota, asigoona ugu baaqay Soomaalida in ay is diiwaan geliyaan si ay ugu qeyb qaataan codbixinada ka dhacaya dalka Britian. "Eng. Baana waxa uu ii balan qaaday in uu Arrinkaasi igala shaqeyn doono, waana mid hubanti ah Maadaama uu asiga igu dhaliyay in uu igala shaqeyn doono balse, waxaan soomaalida ugu baaqayaa in ay is diiwaan geliyaan si ay codbixinta ugu qeyb qaataan" Ayuu yiri. Mr Livingstone waxuu ahaa Mayorkii ugu horeeyey oo loo dorto London waxuuna hayey labo teeram oo is xiga. waana shaqsi gacan ka geysta sidii uu wax ula qaban lahaa jaaliyadaha kala gedisan ee ku nool dalka Britian gaar ahaan London, Asigoona inta badan kalsoonida ka heysta soomalida ku nool london. Talaabadaan ayaa hadii ay romowdo waxa ay fursad u noqoneesa shacabka soomaaliyeed iyo dalka soomaaliya oo xilligaan u baahan in loo fidiyo taageero dhan waliba ah, iyadoona Dalka Britian 3 sano mar ay is badal ku sameeyaan Buseska ka howlgala Magaalada London. Ugu Danbeyntii Waxa uu mas,uulkaan baaq u jeediyay Aqoon yahanada kala gedisan ee ku sugan Dalka Britian kuwaasi oo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u abuuri lahaayeen fikrado, iyo Barnaamijyo wax tar u leh dalkooda, taasi oo ay ugu faa ideenayaan buu yiri shacabkooda iyo dalkooda.
  16. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka, gaar ahaana ka tirsan guddi hoosaadyada Golaha ayaa ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimaha shirka dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ka qeyb galay Shariif Xasan, hase yeeshee markii uu u soo bandhigay go'aanadii ka soo baxay shirka Nairobi ayaa waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray Xildhibaanada. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah mudanayaasha kulanka la yeeshay Guddoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay in go'aanka Baarlamaanka ee mudada saddexda sano ah ku kororsaday ay tahay mid lama taabtaan ah, wuxuuna sheegay inay kahor yimaadeen markii Shariif u sheegay in Baarlamaanka dib uga laabto saddexda sano. "Sharciyan marka Baarlamaanka go'aankiisa wax laga bedelayo lix bil kaddib ayuu dastuurka dhigayaa" ayuu yiri Xildhibaan Cashara oo sheegay in inta badan qodobada ka soo baxay shirka Nairobi ay dhaawac ku yihiin dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka Golaha Baarlamaanka. Dhinaca kale Xildhibaanada kulanka la yeeshay Shariif Xasan oo iyagu intooda ku taageeray ka qeyb galkiisa shirka Nairobi, ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Mudanayaasha ka hadlay kulankaasi Xildhibaan Cumar Islow oo sheegay iyagu inuusan waxba ka quseynin shirka Nairobi iyo qodobadii ka soo baxay, isagoona sheegay in go'aanka Golaha Baarlamaanka uu yahay lama taabtaan. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  17. Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay Degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalkaasi ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 7-qof oo dhinacyadii dagaalamaysay ah, iyadoo dagaalku ahaa mid saakay uu ka dhacay tuulada Buusaar oo ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka Howlgalada ciidamada ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dhinacooda dagaalkaasi, ayna ku qabsadeen hub kala duwan iyo saddex ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada Dowladda. Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in dagaalkaasi ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee la xariirta in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen. Dhinaca kale dagaalka ayaa ku soo adaaya xilli uu Gobolkaasi booqanaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  18. Madaxda dowladaha Bariga africa ayaa taageeray go'aanka golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku aadanaa mudo kordhinta sanadka ah ee xukuumadda KMG ee soomaaliya. Madaxda dowladaha Bariga Africa oo shalay kulan ku yeeshay xarunta dalka Tanzania ee Darassalam ayaa carabka ku dhuftay in waqti u kordhinta xukuumadda KMG ay qeyb ka qaadan karto dardar gelinta nabadda maadaama ay iminka ku howlantahay sidii ay gacanteeda ugu soo celin laheyd talada dalka iyo nabadeynta guud. Madaxda ayaa sidoo kale bayaan ay soo saaren gabagabadii kulanka waxey ugu baaqeen beesha caalamka in la taageero ciidamada Amisom ee ka howl gala dalka Soomaaliya, taageera lasiiyo Amisom ayayna ku sheegeen madaxdu in ay tahay mid qeyb weyn ka qaadan karta soo celinta amniga iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya. Kulanka Madaxda bariga Africa ay ku taageereen go'aanka waziirada dowladda KMG ee Soomaaliya ee ka dhacay Darassalam ayaa waxa ka qeyb galay madaxda dowladaha Kenya, Uganda, Burundi, iyo tanzania oo isgu marti gelinayay kulanka. Gabagabadii Kulanka ayaa madaxdu waxey ammaan ballaaran usoo jeediyeeen dowladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamadoodu ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasoo caawinaya dowladda KMG ee Soomaaliya oo baadi goob ugu jirta xal u helidda dhibaatooyinka baahsan ee ka oogan dalka. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  19. Sarkaal u hadlay ciidamada dawlada kmg ah ee soomaaliya oo lagu magacaabo Col: Cabdilahi Macalin Nuur ayaa Warbaahinta u sheegey inay ciidamadoodu gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab halka ay qaar kalena ay dileen,waxaana uu sheegey inay dagaalkaasi ciidamada dawladu ku guuleysteen isla markaasna saxafada u soo bandhigi doonaan askartii ay Alshabaab ka qabteen. Sidoo kale sarkaalkan waxaa uu sheegey inay ciidamadoodu qabsadeen Dugsgisii Dhagaxtuur,waxanaa uu sheegey inay ciidamada dawladu hadda ku sugan yihiin farisiimahaasi isagoo balan qaadey inay saxafada geyn doonaan halkaasi saacadaha inagu soo aadan si ay dadka soomaaliyeed ugu soo bandhigaan guulaha ciidamadoodu maanta ka gaareen dagaaladaasi.
  20. April 18, 2011 - QOL - Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in aan la horkeeni karin wixii ka soo baxay Shirkii Nairobi Isagoo la hadalay saxaafada Ismaaciil Axmed Nuur Guddoomiyaha Guddiga ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayuu sheegay inaan la horkeeni karin baarlamaanka KMG Soomaaliya dhamaan wixii ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay dalka Kenya oo ay saldhigeysay Qaramada Midowday. “Baarlamaanku ma aha meel qof walba sida uu rabo uu ka yeelo, waayo Guddoomiyaha Baarlamaanku waxa uu horay u sheegay inuu kala tashanayo Baarlamaanka shirkaasi intaan la aadin, mana usan yeelin taas ee iskiis ayuu isaga tagay, haddana waxa uu leeyahay Baarlamaanka ayaan horgeynayaa qodobadii ka soo baxay, taas ma wax caqliga geli karaa” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil. Xildhibaan Ismaaciil waxa uu intaasi ku daray inaysan marna aqbali doonin in qodobadii ka soo baxay shirkii Kenya la horgeeyo Baarlamaanka, wuxuuna si kulul u weeraray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG uu ka diiday in la dhimo mudada ay Baarlamaanku xilka ku korarsadeen, laakiin sida uu yiri nasiib daro uu ka aqbalay Mahiga in la dhimo waqtiga Baarlamaanka uu korarsaday. “Dalka Soomaaliya Gumeysi kuma jiro waana dal xor ah, Qaramada Midoobayna uma taliso, mana aha in sidii la rabo la isaga dhaqmo, waxa lagu wado joogana waa axdiga KMG, haddii loo hogaasami waayana cid waliba siday rabtey yeelaysaa” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo intaasi ku daray in Guddoomiyaha Baarlamaanka aan lagu kalsoonaan Karin hadda ka dib, maadaama uu kala qeybiyey Baarlamaanka.
  21. Wixii ka danbeeyay markii dagaalada ay ka dhaceyn qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa jiryay dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadeen xoogaga Shabaab ee ku sugan guud ahaan dalka Soomaaliya, magaalada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha sida tooska ah looga dareemayo dhaqdhaqaayadaasi ayadoona halkaasi ay ka soconayaan dadaalo ay shabaab ku doonayaan in ay uga dhaadhiciyaan dadka deegaanka in ay la galaan dagaalada ka soconaya Muqdisho waxaana ilaa haatan Jowhar ay ka midtahay magaalada ugu badan oo laga taageero Shabaab. Magaalada ayaa la sheegayaa in haatan uu ka soconayo Qafaal ayadoona kooxda Shabaab Qafaalka ay ka bilowday Degmada Jowhar ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxayna Ciidamada Shabaabku yihiin kuwo wata dareys cagaaran, waxayna qafaal ku bilaabeen Haweenka iyo ragga socda wadooyinka magaaladaasi. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in qafaalka uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo qafaalka ay wadaan Ciidamada Shabaabka, Dadka ku dhaqan Degmada Jowhar ayaa saxaafadda u sheegay in xataa Gaadiidka dadka la istaajinayay iyadoo dadka lagala degaayay , waxaana gebi ahaanba istaagay gancsigii magaalada Jowhar, iyadoo dadku xireen goobahooda ganacsiga si ay uga badbaadaan qafaalkaasi qasabka ah. Magaalada Jowhar dhawaan waxaa laga keenay Odayaal la sheegay in ay ka qeyb galayaan dagaalka ka soconaya Muqdisho ayadoona aysn ahaeyn markii ugu horaysay oo ay shabaabku ka qabqabtaan deegaanada dad rayid oo ku qasabayaan in ay kala qeyb galaan dagaalada Muqdisho.
  22. Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaalida Belgium iyo Danjire Nuur Cadde Axad, April 17, 2011(HOL): Magaalada "Gent" ee wadanka Belgium waxaa shalay munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dowladaha Yurub Amb. Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu wehliyey qunsulka safaarada Soomaalidu ku leedahay Beljam-ka Cali Ibraahim, waxaana munaasabadaasi soo dhoweynta ah oo ku dhacday jawi ay ka wada maqsuudeen dhammaan dadkii ka soo qeybgalay soo qabanqaabiyey, xil gaar ahna iska saaray inuu is-tuso Jaaliyadda iyo safiirka Cali baashi oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Gent, waxaana munaasabada ka soo qeybgalay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka wadanka Beljamka, wejiyadii kulankaasi soo xaadirayna waxaa ka mid ahaa Cali Max'ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii gobolka Banaadir xilligii TNG-dii Carta, iyadoo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen xubno metelayey Jaaliyadaha Soomaalida ee degan wadanka Holland. Kulanka waxaa guddoominayey weriye Max'ed Abuukar Sheekh Xassan (Max'ed deeq) oo hadalka u qeybinayey waxgaradka iyo wefdiga safiirka, waxaana ugu horreyn ka hadlay Xassan Kaabir oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida Beljam-ka, wuxuuna soo dhoweyn kaddib uu safiirka uga warbixiyey baahida ay Soomaalidu u qabaan helitaanka safaarad ay Soomaalidu ku soo hirato oo laga furo Brussel, wuxuuna tilmaanay in ay joogaan Soomaali badan oo markii ay wadanka Beljamka magangelyo weydiisteen lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan, shaqadaasuna ay tahay shaqadii ay safaarad qaban laheyd. "Warqado aqoonsi ah oo cadeynaya Soomaalinimadiina keena ayaa lagu xujeeyaa Soomaali badan oo Beljamka iyo Holland joogta" ayuu yiri Xassan Kaabir. Cabdi Faarax Gaani oo ka mid ah cuqaasha mujtamaca Soomaalida Beljam-ka oo isna munaasabada ka hadlay wuxuu sheegay in Soomaalida ku dhaqan Beljamka intii muddo aheydba ay ku soo caano-maaleen midnimo iyo wadajir, taasina ay ku timid biseyl iyo wadaninimo Soomaalida dhexdeeda ah, wuxuuna u soo jeediyey Soomaalidii ka soo qeybgashay munaasabada in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isu-garab taagi lahaayeen safiirka Nuur Cadde, ulana shaqeyn lahaayeen intii karaankood ah. "Siyaasadda wejiyada badan ee Soomaaliya ka socota waa wax aad u fool xun, nama saameyn innaga taa, waanu ka badbaadnay, waxaana nahay Soomaali isku xiran oo meel u wada socota" ayuu yiri Cabdi Faarax Gaani, wuxuuna ku celiyey "Annagu wadankan qaxooti baan ku nahay, waxaa inala gudboon inaan ka shaqeyno sidii wadankeenu nabad ku noqon lahaa, Soomaaliya oo nabad ah inaan ku noolaado ayaan doonayaa, meel aan la i oraneyn yaa tahay iyo halkeed ku socotaa oo warqado iyo sharci toona aan lays weydiineyn" Ugaas Cali Max'ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa martidii kulanka lagu casuumay ayaa hadal uu fadhiga ka jeediyey wuxuu kaga hadlay howlaha horyaala safiirka cusub iyo sida uu uga niyad-san yahay in safiirku howlahaasi uu si hufan uga soo dhalaalo, wuxuuna Soomaalidii kulankaasi ka soo qeybgashay u soo jeediyey in haddii meel nabad ah la joogo inaan wadankii la hilmaamin, oo meel kasta oo dunidda aad kaga nooshahay iyo si kasta oo aad maqsuud ugu tahay qurbaha inaad tahay ajnabi wadankiisii ka soo dagaagay. "Anigoo ku kalsoon xirfada shaqo-aqooneed ee Nuur Cadde waxaan rajeynayaa in Soomaalida wadanka Biljamka degan ama guud ahaan Yurub uu wax wanaagsan la qaban doono safiirka" ayuu yiri Ugaas Cali, oo ku ammaanay safiirka inuu ka mid yahay wadaniyiinta naadirka ah ee ay Soomaalidu haysato. "Hub halis ah ayaa maalin walba dadkeena lala dhacayaa waad maqleysaan, waxaa waajib inagu ah inaan Soomaali ILLAAHEY u barino in TIIHA ku dhacay uu ILLAAHEY ka qaado" ayuu yiri Ugaas Cali.
  23. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xaflad sagootin ah loogu sameeyey Gabdhaha Kubadda Koleyga Muqdisho City Axad, April 17, 2011(HOL): Xaflad sagootin ah ayaa galabta loogu sameeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Gabdhaha Kubadda Koleyga Muqdisho City, kuwaasoo maalinta berri ah la filayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga qeyb galayaan tartanka Intercity Cup (Caasimadaha) oo 19.04.2011 halkaasi ka furmi doona. Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Muqtaar Sh. Shuute Sh. Cali Maye, guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka C/kaafi Hilowle, Guddoomiyaha Oleympicada gobolka Banaadir Mr. C/xakiin waxaana halkaasi loogu jeediyay Gabdhaha K/Koleyga ee Muqdisho City dardaaran iyo dhiirigelin. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Muqtaar Sh. Shuute oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko gabdho sedan isugu xiran oo ka qeybgalaya kulan wadamada Afrika ay ku tartamayaan Kubadda Koleyga wuxuuna u rajeeyey inay ka soo hooyaan guul, isagoo kula dardaarmay inay tafaraaruqa iska illaaliyaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Gabdhaha K/koleyga ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Gabdho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan Kulan ay ku tartamayaan Caasimaddaha, ayna matalaan Caasimadda Muqdisho, wuxuuna kula dardaarmay inay dedaal dheeri ah muujiyaan si ay u hantaan Koobka. Gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City ayaa waxaa tababare u ah gabadha lagu magacaabo Faadumo Aweys Muudey oo ah gabar caan ku ah ciyaarta K/koleyga waxaana tababare kuxigeen u ah Carfoon Weheliye, halka Mulki Nuur Muudey oo loo yaqaano (Mulki Jeenyo) ay ka mid tahay ciyaartoyda kooxda oo iyaduna ka mid aheyd xidigihii kooxdii K/koleyga ee Naadigii Jeenyo. Ugu dambeyntiina Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Muqtaar Shuute ayaa u balan qaaday in Wasaaradu ay ka caawin doonto kooxda dhanka Tashiilaadka si loo kobciyo Mooralka gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City, waxaana sidoo kale taageero dhaqaale u fidiya kooxdan Maamulka Gobolka Banaadir. Garad Salad Hersi Press Officer Office of the Prime Minister Mogadishu, Somalia