Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo Booqasho ku maraya dalka Rwanda Xafiiska Madaxweynaha Sunday, April 10, 2011 Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Shariif Sheekh Axmed oo booqashu ku marayay beryahan Bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta booqasho ku tagay Magaala madaxda dalka Ruwanda ee Kigali. Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwo Louise Mushikiwabo, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Gen. James Kabarebe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Musa Fazil Harerimana ,Abaandulaha Ciidamada Cesar Kayizari iyo Qonsulka Soomaaliya Sooyaan Cali Cumar. Madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo Qonsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Rwanda Sooyaan Cali Cumar Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu la shiray Madaxweynaha dalka Ruwanda Mudane Paul Kagame.
  2. In ka badan 100 haween oo Seminaar Muqdisho loogu qabtay Isniin, Abriil 11, 2011 (HOL) – Hay'adda Uinted Youth Somali (UYS) ayaa maanta siminaar ku saabsan sida looga bad-baadin karo ubadka adeegsiga dagaalada iyo guurka qasabka ah ugu qabatay 100 haween ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka socday qaybaha bulshada. Siminaarkan oo diiradda lagu saarayay xaaladda dalka uu ku jiro iyo sidii haweenka ay door muuqda uga qaadan lahaayeen ka hortagida caqadabaha taagan ee ugu weyn caruurta loo adeegsaday dagaallada iyo guurka qasabka ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, mas'uuliyiin ka socday ururada haweenka iyo guddiga haweenka ee hay'adda UYS ayaa ka qaybgalay siminaarka, waxaana sidoo kale siminaarka ka qaybgalay haween ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee xuquuqul insaanka Xaawo C/llaahi Qayaad oo siminaarka furtay ayaa ugu horreyn ka hadashay dhibaatada dalka ka taagan, in caruurta iyo ubadka loogu adeegsado dagaalada, isla markaana la dareensiiyo fikrado qaldan, waxaana ay xustay in maskaxda qaldan ee lagu shubayo caruurta aanay ahayn mid laga leeyahay dano gaar ah. Xildhibaanad Xaawo Qayaad ayaa xustay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelin caruurta, iyadoo kula dar-daarantay waalidiinta in caruurtooda ku ilaaliyaan waxbarashadooda iyo inay ku tarbiiyaan anshaxa wanaagsan si ay uga hortagaan in caruutooda loo adeegsado dagaallada. Sidoo kale, xildhibaanad Raabaco Sheekh Maxamed oo iyadana siminaarka hadal ka jeedisay ayaa tilmaantay in loo baahan yahay in waalidka xil iska saaro caruurtiisa, isla markaana ku toosiyo wadada saxda ah, iyadoo dhibaatada hadda jirta ay tahay shaqo la'aan dhallinyarada loo sameeyo shaqo abuuris, si looga hortago in dagaalka loogu adeegsado. Agaasimaha waaxda horumarinta haweenka Maryan Macallin ***** oo dul-martay lixda qodob ee ajandayaasha siminaarka ka mid ahaa ayaa soo qaadatay in qoyska looga baahan yahay inuu yeesho wada-shaqeyn dhab ah, iyadoo sheegtay in waalidku uu xaq u leeyhay in gabadhiisa uu u guuriyo qofka ay jeceshahay, iyadoo kasoo horjeestay in gabadha lagu guuriyo guur qasab ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kaloo ka hadashay siminaarka guddoomiyaha degmada Wardhiigley ahna guddoomiyaha guddiga haweenka ee UYS marwo Deeqa C/qaadir Axmed oo uga mahad-celisay qabsoomida siminaarka hay'adda UYS oo sheegtay inay ku tallaab-satay suuro-gelinta isku keenidda haweenka qaybahooda kala duwan inay isku weydaarsadaan fikradahooda si ay u noqdaan kuwo wax lagu dhiso. Marwo Deeqa C/qaadir ayaa intaa ku dartay in loo baahan yahay in waalidka uu door muuqda ka qaato abaabinta caruurta, isla markaana mar walba ku ilaaliyo waxbarashadiisa, si aanay u dhicin in caruurta ay jid qaldan maraan.
  3. Isniin, Abriil 11, 2011 (HOL) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xilkiisa, kaddib xaflad ka dhacday dugsiga sare ee booliiska, isagoo sheegay in ciidamada booliiska looga baahan yahay inay nabadda Muqdisho soo celiyaan. Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo xilkan loo magacaabay horraantii bishan ayaa xalfadda uu xilka kula wareegayay waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan DKMG ah iy xildhibaanno, kuwaasoo hadallo ay ka jeediyeen xafladda kaga hadlay shirka ka dhacaya Nairobi, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay shirqool lagu kala jarayo Soomaaliya. "Ciidanka booliiska waxaa saaran waajib muqadas ah oo ah inay nabadda Muqdisho soo celiyaan, ayna ka hortagaan kuwa amaan-darrada ka wada caasimadda," ayuu yiri Jen. Maye oo ka hadlay xafladda. Taliyaha cusub ee booliiska oo salaan sharaf ka qaatay boqolaal ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo uu tababar uga socday Iskoolka booliiska ayaa tacsi u diray askar ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo Xarrakatul Shabaab ay bishii hore la beegsatay askar tababar ku qaadanayay saldhigga Sarandi ee degmada Xamar-jajab. "Mar haddaan danta Qaranka ka shaqeynayno dhaawac iyo dhimasho waa lagama maarmaan inay yimaadaan, balse muhiimaddu waa in wax laga qabto ammaanka Muqdisho, waayo dadku waxay u baahan yihiin inay helaan nabad ay ku shaqeystaan," ayuu yiri taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya. Jen. Shariif Maye ayaa ka mid ahaa taliyeyaal uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ciidanka booliiska iyo milateriga Soomaaliya, lamana oga sida uu wax uga qaban karo ammaanka Muqdisho oo taliyeyaashii ka horreeyay ay wax ka qaban waayeen. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com
  4. Chimera how much do you squat and really need to buy my self some cargo pants, after so many years of muay thai, my quadriceps and calves are ridiculous, Really like those thin boy suits but could not pull it of. and change the headline to trousers waryaa
  5. Estonia to Forge Diplomatic Ties with Somalia by Steve Roman Friday, April 08, 2011 At its weekly meeting on April 7, the government decided to support a proposal by Foreign Minister Urmas Paet to open diplomatic relations with Somalia. "Establishment of diplomatic relations with Somalia is directly connected to Estonia's participation in Atalanta, the European Union military operation for protecting ships in the vicinity of Somalia from pirate attacks," Paet said in a Foreign Ministry press release. He noted that Estonian teams working on ATALANTA have to interact with ships sailing under the Somali flag, a process that would be made easier by formal diplomatic relations. Paet added that establishing diplomatic relations with as many countries as possible would provide better protection for Estonian citizens and better represent the country. Estonia currently has diplomatic relations with 168 states, the most recent additions to the list being Haiti and the Indian Ocean island nation of Comoros, which were added last year.
  6. Mr Armus Baeta : Xiriir Diblomaasiyadeed Baanu La Yeelaneynaa Dawlada Kmg Ah... Xukumada wadanka Estooniya ayaa markii ugu horeysey sheegtey inay xiriir diblomaasiiyadeed ka sameynayso dawlada kmg ha ee soomaaliya si ay ula dagaalanto kooxaha burcad badeeda soomaalida ah ee dhibaatada ku haya maraakiibta caalamka u kala gooshta. Urmas Baet oo ah Wasiirka arrimaha dibedda dawlada Estooniya ayaa tibaaxay inay dawladiisu diyaar u tahay inay dawlada kmg ah ee soomaaliya la sameyso xiriir wanaagsan oo dhaxal gal ah,waxaana uu sheegey inuu xiiriirkaasi ku saleysnaan doono sidii burcad badeeda soomaaliyeed dagaal loola gali lahaa isla markaasna loo yareyn lahaa dhibaatada ay geystaan. Waxaa arrintan lagu sheegey Warsaxafadeed maanta ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibedda wadanka Estonia waxaa warsaxafadeedkaasi si toos ah loogu sheegey inay dawladoodu damacsan tahay inay xiriir wanaagsan la sameyso dawlada kmg ah ee soomaaliya isla markaasna qayb ka noqoto Barnaamijka loo yaqaano Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda soomaaliyeed. Wasiir Armus Baet waxa uu sheegey in xiriirkaasi ay dawlada dalka soomaaliya ula sameyn doonaan sida ugu macquulsan isla markaasna meel looga soo wada jeesan doono kooxaha burcad badeeda soomaalida,waxaana uu *****lka ka qaadey in burcad badeedu dhibaato xoog leh ku hayaan caalamka. Waxaana uu xusay inay xiriir kaasi oo kale ah la yeelan doonaan wadamo kale oo arrimahaasi iyana ka shaqeeya. Si kastey ahaataba waxaa hadalkan ka soo baxay wasarada arrimaha dibedda dalka Estonia ku soo beegmayaa xilli ay Ciidamo badan oo midawga yurub ahi ay ku sugan yihiin xeebaha soomaaliya isla markaasna sheegaan inay wax ka qabanayaan arrimaha burcad badeeda soomaaliya balse uma eka kuwo ku guuleystey arrimahaasi. Waana markii ugu horeysey ee wadanka Estonia oo sheego inuu xiriir la sameynayo dawlada soomaaliya wixii ka dambeyey intii dawladii dhexe ee soomaaliya dhacday. Keynaan Xirsi Xaashi Gedonet.com@gmail.com
  7. Liqaye

    Garowe town

    Ghelle every thing has got a beggining Garowe town is beautiful and clean, and more importantly it was purpose choosen for a regional admin and has expanded very well. But more importantly I.A when the skycrapers are built they shall be built and owned by somalis rather than parasitic communities of indians and lebanese, that is why the growth in somalia is so spectacular, its being done by somalis in the context of bitter tensions, lack of governance. Anyway nice town. Mashallah.
  8. Liqaye

    Garowe town

    Pics for skyscraper forum
  9. Liqaye

    Garowe town

    Garowe city plan.....
  10. Liqaye

    Garowe town

    [Pictures taken from Skyscraper city].
  11. Liqaye

    Bring it!!!!

    They look like their going to kiss while spewing out declarations of love in Elizabethan English.
  12. Monday, March 28th, 2011 | Posted by admin Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) oo Galabtay soo bandhigay qalab ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata Jaamacadda Galkayo University (GU). Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) oo Galabtay soo bandhigay qalab ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata Jaamacadda Galkayo University (GU). � Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) ayaa Galabtay waxa ay soo bandhigeen qalab isugu jira Computer iyo Laab kaa soo ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Galkayo University (GU). � Xafladii lagu soo bandhigayay qalabkaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin fara badan waxaana halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin isagoo u mahad celiyay dhamaan dadkii isku xilqaamay in ay deegaankan ka hirgaliyaan Jaamacad ay wax ku bartaan u badkooda. � Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin waxa uu kula dardaarmay Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU) in ay sameeyaan dadaal dheeraad ah si mustaqbalka dhaw wax ugu qabtaa Dadkooda,Dalkooda iyo Diintooda. � Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Wasiirka Iskaashiga Iyo Xiriirka Caalamiga Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Jaamacadda Galkayo University (GU) ee laga furay deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug. � Wasiirku waxa uu sheegay in deegaankan dhawr sano ka hor waxbarshadu ay aad u liidatay bulshaduna ay la yaabi jireen iskuulada ka furan deegaanka nasiib wanaag maantay deegaanka waxaa ka furan Jaamacad taasina waxaa ay cadeyn u tahay in ay Galmudug gaartay horumar dhanka waxbarshada ah. � Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladiiay Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) ku soo bandhigayeen qalabka isugu jira Computerka iyo Laabka ayaa waxa ay kala ahaayeen sidatan: � 1. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin. 2. Wasiirka Iskaashiga Iyo Xiriirka Caalamiga Cumar Maxamuud Rooble, 3. Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka C/qaadir Jaamac Saalax. 4. Wasiir Ku xigeenka Kaluumeysiga Dakadaha Iyo Kheyraadka Cilmi Kulan Geedi. 5. Aasaasihii Ahne lataliyaha Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. C/risaaq Maxamed Dalmar. 6. Hormuudka Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac. 7. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. Maxamed Axmed Wehliye. 8. Jeneraal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre). 9. Mudane Cali Xaashi Dhoorre 10. Yaasiin sheikh Cali Naaleeye. � � Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram) Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com Tell: 00252690-753825 Rayigaada waad ka dhiiban kartaa Qoraalkan http://www.codkamudug.com/?p=4067
  13. Xoogaga Ahlusuna oo Qaaday Jidgooyooyin Ladhigay Wadad Laamiga Gaalkacyo Ciidamada Xoogaga Ahlusuna ee Badbaada Qaranka oo Kaashanaya Shacbka Magaalada Gaalkacyo ayaa Kuguulaystay in ay in ay Kooxo Burcad Jidgooyin Dhigtay Jidka Laamiga halkaasikaqaadaan Saragaal katirsan Ciidamada Ahlusuna ayaa Cawa Idacaadaha Gaalkacyo kasheegay in ay Dagaal lagaleen Burcad waxaana kadhshay dhaawaca 4 ruux oo laba kamid ah ay ahyeen bucada halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah oo gacansiinayey 24 kamidah burcada ayaan xirnay guud ahaana wadada aayn kafaarijnay ayuu yiri Sh.Axmed C/laahi oo katirsan Saraakiiha Xoogaga Ahlusna ee Badbaada Qarnka Baryihii Lasoo dhaafay ayaa Waxaa qilaaf sababay in jidgooyooyin ladhigo waxaa uu kadhexjiray maamulka galmudug waxaana maanta guud ahaanba qaaday Xoogaga Ahlusuna
  14. Jaaliyadda galmudug ee waqooyiga ameerica oo hambalyeysay Gudoomiyaha maxkamada bandiiradley Canada-hobyonet) Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan waqooyiga ameerica ayaa si weyn u soo dhoweysay howlha isbaaro qaadidia ee ay ku guuleysteen shacabka kala duwan oo ay ugu horeeyaan culumaawudiinka galmudug statae. Jaaliyadda oo kulan looga hdlayo howlihii baaxadda ahaa ee isbaaro qaadista wadada u dhexeysa galkacyo ilaa bandiiradley isugu yimid ayaa ka hadlay sidii loo taageeri lahaa howshaasi muhiimka u ah sooc celinta nabadda ee galmudug stste. Gudoomiyaha jaaliyadda waqooyiga ameerica oo hobyonet.com qadka telefoonka kula hadlay markii shirka uu dhamaaday ayaa ii sheegey in kulanka lagu taageeray howsha quruxda badan ee bulshada galmudug ku dhaqaaqqn taasi oo ah mid geesinimo badan. Jaaliyadda ayaa amaan gaar ah u soo ujeedisey Macalin salaad Cali Muuse oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Bandiiradleey ee galmudug iyagoo ku amaaney gacanta uu ka geystay sidii howlahaasi isbaaro qaadista ah u hirgeli lahayd waxayna ku booriyeen culumada kale ee galmudug inay arimahaasi ku dadaalaan. kulanka ayaa waxaa uu ku soo idlaadey jawi aad u wanaagsan iyadoona lagu faataxeysrtay in alle uu nabaddii ku soo celiyo isla markaana abaaraha uu ka dul qaado guud ahaan dalka gaar ahaan galmudug. Waxgaradka reer galmudug ee shirka timid Gudoomiyaha- C/risaaq Xuseen Qaadi Xuseen Xirsi Cali (Dhabac) C/raxmaan Aw-aadan Daahir Abshir Cali Nuuradiin Macalin maxamed C/laahi Galmudug C/casiis Cabdulle Cali Saalax Yuusuf Xirsi Siciid Abshir Cali C/risaaq Xaashi Cali (Ilbir) Abshir Cawaalle Qeybdiid Maxamed Sh.Xuseen (Cure) Cismaan Maxamuud Nuur Maxamed Axmed urur C/rashiid Keeytoon Ibraahim Xirsi Xaliimo Maxamed Sahal Falis Yaasiin Isxaaq C/qaadir Aadan Tubaako C/raxiim Maxamed Cali Tifafatiraha hobyonet www.hobyonet.com
  15. Caasimaddii quruxda badnayd geedo booc iyo cali garoob baa is qabsaday bahala cigooda la garan waayay baa fiidkii ka qayliya ama ka ciya LooooooL bwahaha...
  16. Tartan aqooneedkii Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Albeder oo kusoogaba gabooyay xarunta school-kaas ee Gaalkacyo Galkacyo-hobyonet) Waxaa manta kusoo gabagabooyay xarunta Dugusiga hoose dhexe ee albeder tartan aqooneedkii u dhexeeyay Ardayda wax kabarata dugsigaas oo loo kalaqeybiyay 8 group oo kala ah Caspian sea,Arbian sea,Red sea North sea,Black sea,White sea,Adriatic sea, Sea of japan. Tartankan oo in kabadan afar bilood kasocday xarunta school-kaas ee magaalada gaalkacyo ayaa waxaa kama danbeys iskugu yimid Red sea and Adriatic sea waxaana 18 kubadisay Read sea halka ay Adriatic sea ay keensatay 14 dhibcood waxaana natiiijadaas kudhawaaqay macalin Bulxan oo kamid ahaa gudigii tartankaas . Ugu horeyna waxaa ka hadlay maamulaha Dugsiga hoose iyo dhexe ee albeder Jaamac Iidle Cabdi oo u mahad celiyay dhamaan Ardada albeder sidoo kalena amaanay ujeediyay Read sea iyo Adriatic sea didaalkii ay sameeyeen loona baahan yahay iney siiwadaan waxabarashada oo aysan halkaas uga harin wuxuuna tusay iney yihiin kuwii mustaqbalka dalka wax uqaban lahaa maadaama sida uu sheegay dalku haatan marayo meel xun loona baahan yahay iney waxbarashada meel fiican kagaaraaan. Sidookale waxaa lagu soodhaweeyay hadalka agaasimaha waaxda tababarada iyo imtixaanaadka ee Wasaarada waxbarashasa Galmudug mudane Muuse Cali Salaad oo isna halkaas kajeediyay hadalo ay si aad ah u xiiseynayeen dhamaan ardadii kusugnayd xarunta school-ka kadib markii uu xusay dhibatada ay leedahay aqoon la’aantu sidoo kale wuxuu kasheekeeyay taariikhda iskuulka hoose iyo dhexe ee albeder wuxuuna hoosta kaxariiqay in manta Macalimiinta wax kadhiga albeder qaar kood ay yihiin kuwii lagu aas ,aasay iskuulkaas kuwo kalana ay wax kabartaan jaamacada magaalada gaalkacyo iyo Jaamacada dalka dibadiisa xushmadna ay u hayaan iskuulka iyagana looga baahan yahay iney Kudaydaan kuwii ka horeeyay . Waxaa ugu danbeyn halkaas kahadlay gudoomiyaha ururka ardeyda Galmudug Yuusuf sheikh cali limi yare oo kubooriyay kuwii laga badiyay iyo kuwii kale ee badiyay iney didaalka sii wadaan ayna kafogaadaan waxyaabaha dhaqanka aan kufiicneyn. School-ka hoose iyo dhexe ee albeder ayaa kamid ah iskuuladii ugu horeeyay ee deegaanada Galmudug laga furay waxaana iskuulka hada wax kabarata arday aad ufarabadan oo kunool magaalada gaalkacyo. Burhaan c/laahi xaashi- gaalkacyo- galmudug Burhaan712@hotmail.com
  17. Maamulka Gobalka Mudug ee ee Galmudug oo kuguulaystay iney kasaaraan ciidamada daraawiishta oo lawaregay saldhiga booliska ee Gobalka Mudug Galkacyo-hobyonet) Maamulka Gobalka Mudug ee ee Galmudug oo kuguulaystay iney kasaaraan ciidamada daraawiishta oo lawaregay saldhiga booliska ee Gobalka Mudug. Maamulka Gobalka mudug ee galmudug ayaa manta ku guulaystay iney kasaaraan ciidamo katirsan kuwa daraawiishta ee galmudug oo mudo kooban lawareegay salidhiga Booliska ee Magaalada gaalkacyo kadib markii Ciidamadaas sida lasheegay ay kacaroodeen ciidamo katirsan Booliska oo kabaxsatay xabsiga gaalkacyo oo lagu eedeeyay iney kulug lahaayeen nin habeen dhaweyd howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ay kudileen duleedka magaalada Gaalkacyo. Waxaana mudo xirnaa wadooyinka soogala salidhaga Booliska ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu arkayay ciidamo aad u xoogan oo katirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo halkaas kusugan waxaana markii danbe halkaasi booqday xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobalka Mudug iimaan xasan jiirow iyo xubno kale oo aad looga yaqaano gobalka waxayna mudo wadahal kulajireen qaar katirsan horjoogayaasha Ciidamada iyagoo ugu danbeyn kuguulaystay iney katagaan Ciidamadu salidhiga Booliska. Gudoomiyaha gobalka mudug Iimaan Xasan Jiirow oo kadib kulankii ay layeesheen ciidama lahadlaayay saxaafada ayaa sheegay in lagu daba jiro maxaabiistii xabsiga kabaxsatay islamarkaana laxaliyay wixii sababay qilaafka hada wixii kadanbeeyana aney soonoq doonin arinta noocaan oo kale ah. Waa markii ugu horeysay ee Ciidamada Daraawiishta galmudug ay si xoog ah ula wareegaan Salidhiga Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug . W.D.Burhaan c/laahi xaashi-galkacyo Burhaan712@hotmail.com
  18. A_Khadar;710087 wrote: :D ^^ You need help XX. Brotherly advice, seek pro help. We are in one nation?? Really, why Soomaali ugu cararaysaan if we are one nation? You and many succissionists here are completely confused. I believe this project is something you spoon fed in your childhood and now you all so confused and close to break down mentally. Take a break like your old friend Libaaaha did. God help you saaxiib nothing else I can say to you. Ridiculous state of affairs, and ridicule is all they deserve...