General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Horn, I remmeebr you making a meal out of this I remmeber that Tribal Militia took over this area you said? How ever they went to Mogadishu made their case, which is what? Police chief and security advisor, how ever who is the governor? Sh/hoose oo guddoomiyaha uu u ahaa C/qaadir Sheekh Max'ed Nuur Who is the deputy and the mayor of Marka? Afgooye, adding two men has changed the admin of the people? Thus who is the governor of Juba? Who is the mayor of Kismayu? Its a nonsence what you seem to be advocating, that one will fight for change of admin?
  2. Ra`isul wasaare Geedi Oo Maanta Xariga Ka Jaray Dhowr Wasaaradood. Posted to the MOL June 17, 2007, 12:14 pm Maanta ayaa Raysal wasaaraha dowladda fadaraalka soomaaliya Cali Maxamed Geedi ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey taasoo xariga looga jarayey wasaaradaha kala ah Kalluumeysiga, Dalxiiska, Macdanta iyo biyaha, Xanaanada iyo Xoolaha, Howlaha guud iyo Beeraha. "Xaafiisyada wasaaradahaani wixii ka dambeeya waqtigaan waa mid furan oo shaqeynayaa ilaa amar dambe sidaana waxaa Yiri Pro:Cali Maxamed Geeddi" Wasiirrada Wasaaradahan maanta xariga laga jaray qaarkood oo kala ah Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed wasiirka Dalxiiska, Maxamed Nuuraani Bakar Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Cabdalla Boos Axmed Wasiirudowlaha Howlaha Guud iyo Guryeynta, oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in shaqadooda ay si rasmi ah uga billaabaan magaalada Muqdisho. Dhamaan goobahaan ayaa waxa ay yihiin kuwa hal meel kuwada yaala gaar ahaan agagaarka dhismaha ninka lagu magacaabo Jirse Xuseen ee xaafada shangaani ka soo horjeeda xaruntii xaawo taako ee Magaalada Muqdisho. Waxaa wararki intaasi ay raacinayaan in furitaanka Xafisyada Wasaaradahaan ee maanta markii ugu hoersay si wadajir looga hirgaliyey la sheegay in ay maalgaliyeen Hay’addaha qaramada Midoobay. Cismaan Xasan Cali(Fantastic)
  3. Indeed adeer, but all truth is not found only in Gedonet.com and clan power is not only in your hands. Thus be careful what you wish for, uncle A/Qasin is no longer here to the rescue. I know you understand what I mean saxib
  4. Adeer, I do not doubt that you are informed of your clans intentions quite well. Though those intentions are not important since yours is a single perspective. Kismayu will be treated as any other town. Like Mogadishu no one will allow the admin to be over. Afgaduud is a single individual as unimportant as Hiiraale who is stuck in Bardheere, even further away from kismayu than Bulagaduud. As for the Col, we expect a new operation to start, disarming the bandits who seem to be killing and looting the public inside the city. Like the TFG stated there will be no coup against any admin. This is true of Kismayu, and the Lower Shabbele. The resistance of the old occupiers means nothing in the true picture.
  5. Afhayeenka gobolka Banadir oo ka war bixiyay Howl-gallo amaan sugid ah oo ka socda Muqdisho Mogadoshu 17, June.07 ( Sh.M.Network) Maamulka gobolka Banadir ayaa ka war bixiyay howl-gallo ay sheegeen in amaanka gobolka Banadir ay ku sugayaan uu ka bilowday xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho sida uu sheegay Afhayeenka gobolka Banadir Max'ed Maxudiin Cali. Madaxa warfaafinta gobolka Banadir ahna afhayeenka maamulka gobolka, Max'ed Muxudiin Cali oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in gobolka Banadir uu si rasmi ah ugu bilowday xalay sugidda amaanka, isagoo ka war bixiyay howl-gallo xalay ciidamada booliska ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho oo ay ku soo qabqabteen kooxo burcad ah oo dhaca iyo boob u geysanaya dadka socotada ah, inkastoo uu ka gaabsaday tirada burcadda ah oo ay qabteen. Mar waxa lag weydiiyay Afhayeenka ciidamada Ethiopia ee saakay lagu arkayay wadada wadnaha waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay ka wadaan halkaasi howl-gallo amaan sugid ah. Howl-galladaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay hadalkii shalay ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho inta uusan ka ambabixin garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa tibaaxay in sugidda amaanka gobolka Banadir la adkeeyo si loo helo nabadgalyo. Sidoo kale Afhayeenka waxa uu ka hadlay Bandow lagu soo rogay degmada Deyniile waxa uu sheegay in ay qeyb ka tahay arinkaasi sugidda amaanka gobolka Banadir. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen, xilli ciidamo Ethiopian iyo kuwa Somali ah ay howl-gallo amaan sugid ah ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Click here to find shabelle news in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  6. Wasaaraddii Boosta iyo is gaarsiinta oo maanta dib loo furay (WYNET)Muqdisho:-Waxaa maant dib loo furay wasaraddii boosta iyo gaarsiinta ee magaalada Muqdisho. Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday dhimihii hore ee wasaaraddii boosta iyo isgaarsta (WBI) ee magaalada Muqdisho oo iyada bur bur xoogani ka soo gaaray dagaaladii sokeeye. Munaasabadaan oo uu ka soo qayb galay wasiirka wasaarada boosta iyo isgaarsiinta Cabdi Max’ed Tarax oo sheegay sheegay sida loogu baahan yahay in si weyn wax looga qabto isgaarsiinta Soomaalida dayac tirna lagu sameeyo dhismaha wasaarada. Mar uu ka hadlayey isgaarsiinta Soomaaliya iyo hadda halka ay taagan tahay ayuu sheegay in Soomaaliya xagga Isgaarsiinta meel heersare ah kaga jirto marka loo eego Africa taasi ay ku timid dadaalka dadka ganacsatda Soomaalida, waxaanu hay’adaha is gaarsiinta ka codsaday inay qayb qaataan dhismaha wasaarada. Dhinaca kale masuuliyiin ka socotay Shirkada Telcom Soomaaliya oo munaasibadaan ka soo qayb galay ayaa sheegay inay ka qayb qadan doonaan dayac tirka wasaaradda. Xarunta wararka Waayaha.net
  7. RW Geedi oo maanta xarigga ka jaray ilaa 8 wasaaradood Mogadoshu 17, June.07 ( Sh.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Geedi ayaa maanta xarigga ka jaray ugu yaraan 8 wasaaradood oo ka howl-bilaabaya maanta magaalada Muqdisho. Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Prof. Cali Max'ed Geedi Munaasabad aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen inta badan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee ku sugan Muqdisho uuna ka soo qeybgalay Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max'ed Ghedi oo ka dhacday maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu furey wasaaradaha kala ah:- 1. Wasaaradda Beeraha. 2. Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda. 3. Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta. 4. Wasaaradda xanaanada xoolaha 5. Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta. 6. wasaaradda Macdanta iyo biyaha. 7. Wasaaradda hidaha sare iyo Tacliinta. 8. Wasaaradda Deegaanka. Munaasabaddii lagu furey wasaaradahaasi ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Ra'isulwasaaraha Somalia, Cali Max'ed Geedi iyo wasiirada hogaaminaya wasaaradahaasi, iyadoo RW Geedi uu ku adkeeyay wasaaradahaasi in ay gutaan waajibaadkooda. Wasaaradaha Hidaha Sare iyo Tacliinta iyo wasaaradda deegaanka ayaa waxaa xafiis looga furey xaruntii wasaaradda warfaafinta halkaasi oo si toos ah ay ugu shaqeynayaan. Inkastoo aysan aheyn markii ugu horreysay oo laga furo Muqdisho xafiisyo wasaaradeed ayaa hadana wasaaradahaan waxa ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo si wada jir ah ay furitaankooda dowladda ugu dhawaaqdo. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  8. We can dance this dance all the time, if it was kindness your clans men waited for the Bulu-Gaduud group then you are right. However we shall see in a day or so correct?
  9. Kismaayo:(pp)- Odayaal ka soo jeeda Beesha........ oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Puntlandpost u sheegay inaysan jirin cid awood leh oo weerari kara ciidamada Beesha Kablalaxa iyo kuwa dowlada ee ku sugan ee deegaanka Buulo-gaduud , waxayna ku tilmaameen kuwa sheeganaya inay waqti wax u qabteen inay soo dedejinayaan dagaal looga safaynayo deegaanka Waamo. source
  10. Horn, Adeer you seem to be all over the place, now you speak for the officers of the TFG and tell us how they are. Anyhow the man has made the statement as well as the TFG. There will be action soon, even the police chief has said they need help. No need to rush anything the admin 35 km away will return without much fuss and the 200 militia will be sent for retraining.
  11. Ciidamo boolis iyo Militari ah oo ka howl-galaya magaalada Kismayo Click here to find this article in English Kismayo 17, June.07 ( Sh.M.Network) Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in amaanka magaalada Kismaayo ay si wada jir ah ay wax uga qabanayaan ciidamada Militariga iyo kuwa booliska, xilli amaanka magaaladaasi uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay. K/simaha abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka Muuse Taakoow ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Millitariga oo gacan ka helaya kuwa booliska ay howllo amaan ku sood abaalid ah ka bilaabayaan magaalada Kismaayo xilliyada soo socda. Waxa uu ku booriyay ciidamada Millitariga iyo kuwa booliska in ay u diyaar garoobaan howl-galka la doonayo in lagu xasiliyo magaalada Kismaayo oo dhowaan Bilaabanaya. Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay amaanka magaalada Kismaayo uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay. Mas'uulkaan ayaa waxa uu ka codsaday Odayaasha dhaqanka in ay la shaqeeyaan ciidamada Millitariga iyo kuwa booliska ayna gacan ku siiyaan howlahooda ku aadan xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo. Abaanduulaha mar uu ka hadlaya xiisadaha ka oogan deegaanka Beerxaano ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in uu baaq u jeedinayo odayaasha dhinacyada isku haya halkaasi isla markaana haddii aysan joojin xiisadahaasi ay xoog ku kala dhex gali doonaan. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli amaanka magaalada Kismaayo uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii ay ku soo bateen maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan oo dhac iyo dilal u geysanaya dadka. Click here to find this article in English
  12. A clan war is not necessary. Its all big talk, the TFG will not allow these groups to hold the city nor to start clan wars. We are watching your contdown..
  13. Ciidamada DFKMG oo sheegay in ay hawlgalo Nabada lagu sugayo ay ka bilaabayaan Kismaayo Last Updated::2007-06-17 15:19:01 Kismaayo:- Kusimaha abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka G/sare Muuse Taakoow ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la bilaabi doono hawlgalo ay ciidamada Dowlada ku sugayaan amaanka gobalada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo. Col.Taakow ayaa sheegay in xaalada magaalada Kismaayo indhawaale ay ahayd mid faraha kasii baxaysay asagoo sheegay in ciidamada Militariga iyo kuwa Booliiska ay si wada jir ah ay hawlgalkan u bilaali doonaan. Wuxuu sheegay Sarkaalkan in heegan la gelayey dhamaan ciidamada Dowlada, isla markaana looga baahan yahay Shacabka iyo Cuqaasha deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlahan amni sugida ah bilaabi doona. Dhawaaqan kasoo yeeray ciidamada Dowlada ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Taliyihii ciidamada Booliiska Magaalada Kismaayo uu shaaca ka qaaday in aysan waxna ka qaban karin xaalada amaan xumo ee magaalada Kismaayo ka taagan, halkaasi oo ay buuxda gacanta ugu hayaan maleeshiyooyin aan cidina ka amar qaadan. Col.Taakow ayaa sidoo kale sheegay in Xiisada colaadeed iyo dagaalada Qabiil ka socda Deegaanka Beerxaani ay il gaar ah ku hayaan, isla markaana doonayaan ciidamada Dowlada in ay kala dhex galaan beelaha halkaasi ku dagaalamay, amniga iyo maamulka deegaankana ay dowlada la wareegto. Dhaq dhaqaaq xoogleh ayaa laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Kismaayo ayadoo ciidamada deegaanadaasi ku sugan ay soo buuxinayeen daafaha magaalada todobaadyadii lasoo dhaafay. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  14. lol. Thats only for ex transitional Presidents like "Mudane" A/Qasin whose safety is important to us. As for this renegade former Barre spy, all he does is anger his neighbours. Thats quite sad really considering he is a grown up.
  15. I am planning to go back as well in the near future. Mogadishu is back to being a city again. A capital city
  16. Faisal Warrabe is clown. He can do nothing to the peopel of SSC. The funny thing is some people defend his views.
  17. Look at the clown chief, even he is now going back on what he said earlier. What was it a new alliance, thes emen are a joke.
  18. DOXA: Sheekh Shariif Sheekh Axmed: "Waxba kama jiraan Isbahaysi mucaarad ah oo aan ku dhisnay Dalka Eritrea hadalkaasna waa been" Posted to the Web Jun 14, 09:48 Doxa (PP) – Guddoomiyihii Maxkamadihii Midoobay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Doxa ee Dalka Qatar ayaa sheegay in aanu jirin xisbi mucaarad ah oo lagu dhisay Asmara kana soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ethiopia. Sheekh Shariif oo wareysi kooban siiyay Shabakadda Asharqalawsat ee ka soo baxda London ayaa been aan sal iyo raad la hayn ku tilmaamay wararka sheegaya in isbahaysi ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Ethiopia lagu dhisay Asmara. “Waxaan innagu qabnaa fikir gaar ah oo ah in dalka ay ka baxdo Ethiopia, ee ma ahan fikirkeenna in aan isbahaysi xilligaan sameynno” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlayay Asharqalawsat. Shariifka ayaa carrabka ku dhuftay in Maxkamaduhu ay fikir gaar ah qabaan, wuxuuna sheegay in aanay jirin xisbi ay isku fikir yihiin oo ay la galeen heshiis ah inay dhisaan xisbiyo ka dhan ah Somalia iyo Ethiopia. Guddoomiyihii Maxkamadaha wuxuu sheegay in iyagu ay weli qabaan fikirkoodii ahaa inay dalka isaga baxdo Ethiopia, wuxuuna sheegay inay markaas diyaar u yihiin inay wadahadallo la yeeshaan qof walba oo Soomaali ah oo nabad iyo wadahadal u diyaar ah. Mar uu ka hadlay dhanka Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dib loo dhigay qabashadiisa, ayuu sheegay inuusan kaas ku tilmaami karin shir, balse ay tahay in marka hore dalka laga saaro Ethiopia, dabadeedna loogu yeero wadahadallo daacad ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan sheegay in kulammo ka dhacay dalka Qatar ay ku aasaaseen isbahaysi, kaasoo ka hortagaya Dowladda Federaalka iyo Ethioipa, waxaana hadalkaan uu burinayaan hadalkii hore ee Sheekh Shariif. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  19. Allamagan, obviosuly you are an indicator on who is a Somali nationalist. Geel-Jire, the ONLF struggle will loose support if they align themlselves with loosers like Xasan Dahir who wants to sue this struggle for his own good. These movements ahve realised their interest does not lie with being isolated and that even Adis Ababa wants them to be in line with the courts so they can say its "Al Qaeda" thus they have played a good hand by not joining this clown group in Asamara. My earlier point is that while I deeply care for Somali's every where those in Djibouti, NFD and the ****** one has to prioritise what could these Somali groups do for the those in the republic throught the civil war period. The answer is nothing much other than hosting a conference in Carta Djibouti. Its high time we took care of our burned house, then we can be of use to our brothers. Good luck to the ONLF, but my priority is restoring order to the republic of Somalia which will be a beacon of hope and open its arms to all Somali's, insha Allah.
  20. Muqdisho:Hubkii ugu badnaa oo ay ,qabato dawlada Soomaaliya ,oo maanta lugu soo bandhigey caasumada Soomaaliya. 15. juni 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Dawlada Soomaaliya ayaa ,waxa ay maanta soo bandhigtay ,hubabkii ay ku qabtay hawlgaladii caasumada ka socday,todobaadyadii la soo dhaafay. Xaflada lugu soo bandhigay hubkaan ayaa,waxa ay ka dhacday Jaamacada Umada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiirku xigeenka gaashaandhiga dawlada Soomaaliya Salaad Cali Jeelle,Taliyaha nabadsugida Qaranka Col.Darwiish,Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb. Wasiirku xigeenka wasaarada gaashaandhiga ee dawlada Soomaaliya Salaad Cali Jeele ayaa ,wuxuu sheegay in hubkaan ay soo bandhigeen uu yahay ,kii ugu badnaa ee lugu soo qabto magaalada Muqdisho,wuxuuna ku tilmaamay hubka ugu casrisan qaarada Africa. Salaad Cali Jeele wuxuu ,sheegay in ay hubkaasi adeegsanayeen,kooxaha ka soo horjeeda nabad ka dhalata caasumada Soomaaliya,waa sida uu hadalka udhigaye. Wasiirku xigeenku wuxuu ciidamada dawlada Soomaaliya ,ee soo qabtay hubkaan uga mahadceliyay sida geesinimada leh ,ee ay ku galeen ,goobaha uu ku kaydsanaa. Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu ,sheegay in uu mahadcelin balaaran ujeedinayo ,ciidamada Booliska Soomaaliya iyo ciidamada dawlada Itoobiya,wuxuuna sheegay in ay soo qabteen hub,kooxo uu ku tilmaamay nabad diidayaal doonayeen ,in ay ku waxyeeleeyaan Umada Soomaaliyeed. Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ciidamada dawlada Itoobiya,kuwa Midowga Africa ,ayaa waxaa lasheegay in hubkaasi lugu wareejinayo Midowga Africa,gaar ahaan ciidamada ka socda dawlada Ugandha. Hubkaan maanta ay soo bandhigtay dawlada Soomaaliya,ayaa waxaa lugu soo qabtay ,hawlgaladii ay sida wada jirkaa ufuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,wixii ka danbeeyey markii la weeraray guriga raysal wasaaraha dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  21. Wakiilkii shirkada Amal oo la sii daayay 14 Jun 14, 2007 - 5:29:02 PM Waxaa xoriyaddiisa dib u helay madaxii shirkadda xawaaladda ee Amal C/weli Muuse Maxamed oo mudo todobo maalmood ah ku jiray xabsi ay leedahay dowlada Federalka KMG kaasoo ay xafiiskiisa ka soo qabteen ciidamada nabadsugida dowladda Soomaaliya. Cabdi Weli oo mudo todobaad ah ay su’aalo weydiinayen saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugida dowladda KMG isagoo sheegay in markii la qabtay loo gudbiyay xaruntii danbi baarista kadibna lagu xiray halkaasi oo ay ku jireen maxaabiis tira badan. Madaxa shirkadda Amal oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sidii loola dhaqmay iyo sababta loo xiray, isagoo amar lagu siyay inuu fasaxan yahay markii loo baahdana loo yeeri doono. Dhinaca kale waxaa xabsigaasi ku jira weli Maxamed Rooble Jimcaale Gaabaale iyo Xusen Cali Wehliye Cirfo iyo wadadada loo yaqaan Tabliiqa oo laga soo xiray masjidka Al-Huda ee loo yaqaan afarta Minaradood oo ku yaala nawaaxiga degmada Huriwaa kuwas oo DF sheegtay in lagu tuhunsan yahay iney ka danbeeyan falalka qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka jira Muqdisho. Horay waxaa xabsigaasi looga sii daayey Xaaji Cabdi Iimaan Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, Ganacsade Deylaaf iyo xubno kale oo dowladdu u aqoonsan tahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira Muqdisho. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
  22. The meeting will take place a month or even two insha Allah. Has it been canceled? NO Has the funds arrived? Yes Has the deadline been posative for catching more bombers? Indeed
  23. by Diaspora supporters of the spiteful anti-TFG pseudo-religious, clan-driven extremist forces, and secessionists who surreptitiously allied themselves with the TFG when they saw the threat from the UIC and now want to destroy the TFG or any government that may appear on the horizon.
  24. The location is the issue saxib. These people instead of buying land build Public property, looted private property and farms. Hence all the noise. How can a man who pretends t be religious loot public property and build a mansion on it? Others built in the middle of the roads, what idiocy, how were the vehicles going to travel? Anyhow now things are being cleared up, bomb away but you wont get back the looted properties.