General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xaalada magaalada ayaa ah mid qasan iyadoo ay ka jirto cabsi baahsan oo ka imanaysa shacabka ku nool gudaha magaalada cabsida koobaad ayaa ka imanaysa dhinaca amaanka ee gudaha magaalada iyadoo cabsida kalana ka imaanayso ciidamo kale oo dul fadhiya magaalada kuwaasoo ay hogaaminayaan maamulkii degmada oo horay looga eryay. source
  2. Burcadkii Magaalada kismaayo Xaalufeenta ku hayey oo dib ugu cararey gudaha Magaalada kismaayo ka dib dagaalkii galabta oo ay jab xun kala kumeen ciidamada xooga dalka somaliyeed Warar goordhaweyd inaga soo gaarey magaalada kismaayo, ayaa waxeey Sheegayaan in maleeshiyadii kismaayo abaabulka dagaal ka wadey ilaa iyo saakey, ay dagaal ku soo qaaden tuulada yoontey waxeeyna wararku sheegayaan in lagu soo jabshey dagaalkii ay ku qaaden ciidamada dowlada fedaralka kmg uu fadhigoodu ahaa tuulada Buulo-gaduud iyo yoonteey Dagaalkan oo socdey mudo ka yar 30 daqiiqo, ayaa lagu jabshey maleeshiyaadkii ka soo weerar tagey dhinaca magaalada kismaayo, ayadoo halkaasi loogu geystey jab aad u weyn, lagana furtey baabur badan oo tikniko ah. Goordhaweyd aan la xiriirney sargaal ka tirsan ciidamada xooga dalka Somaliyeed oo ku sugan xerada ciidanka ee Lug low ayaa wuxuu inoo xaqiijiyey in weerar lagu soo qaadey saacadu markeey aheed 5tii galabnimo, ayna is difaacen, wuxuu kaloo inoo xaqiijiyey in burcadii soo weerartey ay magaalada kismaayo gudaha ugu carareen waa siduu hadalka u dhigeye. Dhinaca kale magaalada kismaayo ayaa aad u kacsan halkaasi oo ay ka wadaan maleeshiyaadkii jabka kala soo kulmey dagaalkii galabta ka dhacay yoontey abaabul iyo dilal loo geesanayo shaqsiyaad caan ka ah magaalada kismaayo oo ay ku tuhmayaan in ay la shaqeynayeen ciidanka xooga dalka somaaliyeed. Lama oga halkeey ku danbeen doonto xaaladan dagaal oo cirka ku shareeran Wixii war ah oo kusoo kordha kala soco shabakada carmooyin.com
  3. Listen to the militia commander of the clan, who clearly explains his clans lack of muscleto deal with the admin and government forces in Bulu Gaduud.
  4. The man was fighting the Barre regime, he should not blamed for anything that happened after that point. A famous man, may Allah give him mercy.
  5. European Commission names envoy for Somalia NAIROBI, June 18, 2007 (AFP) - The European Commission on Monday announced the appointment of a special envoy to Somalia to help in restoring stability in the war-ravaged Horn of Africa nation. Georges-Marc Andre, a former charge d'affaires in Gambia and the bloc's chief delegate to Burundi, will "help establish a peaceful and secure environment in Somalia ...," it said in a statement. Andre, a Belgian, will be based in Nairobi. Somalia, a nation of some 10 million people, has been wracked by internecine war since 1991 that has defied numerous attempts to restore a functional central authority. Source:Agence France-Presse (AFP)
  6. ^^^I am siting the latest update on his condition as sourced from various Somali sites including Somaliweyn, Allpuntland and Puntlandpost. My news comes from there. May Allah retsore the brother to full health. Madaxtooyadda DFKMGS, oo xaqiijisay in Afhayeenka Madaxweynaha caawa lagu dhaawacay Muqdishu Mogadishu, Isniin, June 18, 2007 Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyadda DFKMGS, C/waaxid Maxamuud Xasan, ayaa caawa u xaqiijiyey Idaacadda Somaliweyn in Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Maxamed Maxamuud "Xuub-sireed" lagu dhaawacay Isgoyska Degmadda H/wadaag ee Magaalladad Muqdishu. Agaasimahaasi, waxa uu beeniyey wararka sheegayo in si xun loo dhaawacay Afhayeenka, isagoo tilmaamay inay Dhakhaatiirta daawaynayso Afhayeenka ay sheegeen inuusan xaallad khatar ah ku jirin Xuub-sireed, oo ay haatan la tacaalayaan Dhakhaatiirta Ciiddamadda Ugandhese-ka ee Xaruunta Caafimaad ku leh Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Madaxweyne Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdishu. Mar wax laga weydiiyey wararka sheegaya inay Dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina sheegeen inaysan waxba ka qaban karin dhaawaca Xuub-sireed, waxa uu sheegay inaysan taasi maqlin, inkastoo uu qiray in dhaawaca Xuub-sireed la geeyey Isnitaalka Madiina, ka hor inta aan loo sii gudbinin Isbitaalka AMISOM ee ku dhex yaalla Madaarka Caalamiga ee Aadan Cadde. Dhinaca kale, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sida ay tahay xaalladda Afhayeenka Madaxweynaha DFKMGS, Xuub-sireed, oo caawa lagu tacshiiradeeyey Isgoyska Wadadda H/wadaag ee Magaalladda Muqdishu. Wararka Loo-qaateenka ah, ayaa waxay sheegayaan inuu Afhayeenku ku dhaawacmay tacshiirad ay isweydaarsadeen Ciiddamo ka tirsan kuwa DFKMGS iyo Ilaaladda Gaarka ee la socotay, kadib, markii ay kala shakiyeen. Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijin kara sababaha rasmiga ee dhalisay in Afhayeenka DFKMGS la dhaawaco. Inta badan Ciiddamadda DFKMGS ee ilaaladda ka haya Waddooyinka muhiimka ee Magaalladda Muqdishu, waxay habeenkii xayiraad ku sameeyeen Waddooyinka, si aysan Kooxaha wax qarxiya aysan ugu soo dhex dhuumanin gaadiidka yaryar ee isticmaala waddooyinkaasi. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho
  7. Midowga Yurub oo ergey gaar ah u soo magacaabay Somalia. Mogadishu 18, June.07 ( Sh.M.Network) Midowga Yurub ayaa maanta ergey gaar ah oo cusub u soo magacaabay Somalia, ergeygasi oo fadhigiisa noqon doona magaalada Nairobi sida lagu sheegay war qoraal ah oo caawa la soo dhigey Internetka. Ergeygan oo la yirahdo Georges-March Andre una dhashay dalka Belgiumkla ayaa ka qeyb qaada doono sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Somalia. ergeygan cusub ee MidowgaYurub u soo magacaabay Somalia ayaa horey ugu qeybsanaa Midowga Yurub arimaha dacwadaha ee dalka Gambia, isagoo hadda ka hor madax ka aha wafdi Midowga Yurub uu u direy dalka Burundi. Ergeygaan ayaa ka caawin doona Somalia sidii loo nabadeyn lahaa islamarkana amaan loogu soo dabaali lahaa sida lagu yiri qoraalka. Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli dhowaan dowladda Mareykanka ay ergey gaar ah u soo magacowday arimaha Somalia, kaas oo la yiraahdo John Yates.
  8. ^^^loool, you are hoping for internalconflict after the defeat. Typical
  9. Xuubsireed seems to be ok, some wounds nothing major he is doing his job thats all. The sites closest to him have reported this including Somaliweyn.com.
  10. ^^^Did Blair and Brown agree on everything over the past 10 years? Though they kept power for all that time. Disagreement is healthy but they are working overtime cleaning up the city. A simple example is Darwish[NSS], Qaybdeed[Police], Dheere[Admin] all working together taking weapons out of the hands of the public. Cabdirashiid Seed, Yuusuf Beriberi, Azhari, Yuusuf Weyrax, Dhiigsokeeye,Xuseen Idimaale, Daahir Mire Jibriil, Cabdirisaaq Axmed Cali, C/risaaq Durqun,Xiif Cali Taar Juje, the men in the central themse of the article are still holding the posts they did before. Thus whats the point?
  11. Emperor, Xiin indeed is a brave soul no doubt about that. Though he seems to have believed the cries of the fake opposition groupings. Who are only measuring success at Puntlands failure
  12. ^^^Yey also sacked his right hand man Aydeed and Hiiraale and the men listed below Cabdirashiid Seed, Yuusuf Beriberi, Azhari, Yuusuf Weyrax, Dhiigsokeeye,Xuseen Idimaale, Daahir Mire Jibriil, Cabdirisaaq Axmed Cali, C/risaaq Durqun,Xiif Cali Taar Each man above still hold the position they did in the TFG before. Advisors, Officers, Speakers and diplomats for the Somali governemnt. Thus whats your point and that of the article?
  13. Emperor, Xiin is one of those being accused of becoming a new age King as brother Juje pointed out. Thus his [Xiins] clan are all to blame. Shame really his efforts on here have been to no avail.
  14. looooooool. These people are loosing the plot here is another article of this style. source Clan fantasies and hyperbole are masked as some sort of relevant argument; old lady hearsay is used as facts, who is loosing the plot?
  15. Geel-Jire, bravo you got it mate. If "hero" Chavez does it, why are they making noise about when the TFG does it?
  16. ^^^You have a point there brother. One should notify these nation and Finland in particular what this terrible man and his party is doing.
  17. Its funny how hero Chavez can take such an action?
  18. Chavez Closes Opposition TV Station CBS News Interactive: About Venezuela (CBS) CARACAS, Venezuela Venezuela's oldest private television station went off the air at midnight Sunday as thousands banged on pots and pans in protest against President Hugo Chavez's decision not to renew the license of the opposition-aligned channel. Fireworks exploded across Caracas as crowds of Chavez's supporters celebrated the expiration of Radio Caracas Television's license and the birth of a new public service station that was created to replace it. Radio Caracas Television was the sole opposition-aligned TV station before it was forced off the air early Monday. "We are living an injustice," said Eyla Adrian, a 35-year-old presenter, her eyes welling with tears. "I wish that tonight would never come." Chavez said Saturday he was democratizing the airwaves by turning RCTV's signal over to a public service channel. "That television station became a threat to the country so I decided not to renew the licence because it's my responsibility," Chavez said. RCTV's top executive, Marcel Granier, said on a morning talk show that Chavez's action "marks a turn toward totalitarianism." Meantime, a new, state-run station, Venezuelan Social Television, will begin broadcasting Monday, using the same frequency occupied by Radio Caracas
  19. MUQDISHO: Hubkii ugu badnaa oo maanta lagu soo qabtay baaritaan hub oo laga sameeyay xaafado Muqdisho ku yaalla Posted to the Web Jun 18, 14:55 Muqdisho (PP) – Ciidammada Ethiopian-ka ah iyo kuwa Soomaalida ee baaritaananda hubka ka waday Muqdsiho ayaa waxay maanta hub badan kala soo baxeen xaafadaha Kaaraan, C/casiis iyo Degmada Yaaqshiid oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Banaadir. Ciidammadaan ayaa waxay hubka ugu badan ka soo bixiyeen laba garaash oo ay kala lahaayeen Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Eng. C/qaadir Eenoow iyadoo labadaas geerash lagala soo baxay hub isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culclus. Garaashka Eng. C/qaadir Eenoow oo ku yaalla Degmada C/casiis ayaa waxaa laga soo saaray hub isugu jira kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa kale ee ay ciidammadu garabka ku xambaartaan, iyadoo la tusay saxaafadda. Sidoo kale Garaash uu leeyahay Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku yaalla Degmada Yaashiid ayaa isagana waxaa laga soo saaray hub aad u fara badan oo isugu jira kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa kale ee fudud, waxaana sidoo kale la tusay saxaafadda. Hubka laga soo saaray labadaan garaash ayaa ahaa midka ugu badan ee maanta laga soo bixiyay xaafadaha Muqdisho, ee baaritaanka lagu sameeyay, waxaana tani ay noqonaysaa howgalkii ugu horreeyay ee lagu guulaysto in hub cadadkaan oo kale ah lagu soo saaro. Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka xubnaha laga soo qaaday garaashyadooda hubka noocan ah, waxaana lagu wadaa in howsha hub ururinta ah ay sii socoto maalmaha soo socda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  20. Saxaafadda oo loo soo bandhigay Tekniko iyo hub fara badan oo maanta laga soo bixiyey Xarun uu Eng. C/qaadir Eenow. ku leeyahay Xaafadda Mariino ee Magaalladda Muqdishu Mogadishu, Isniin, June 18, 2007 Taliye-ku-xigeenka Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Cabdi Maxamed Fiidow "John", ayaa maanta lagu wareejiyey Tekniko iyo hub fara badan o oay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ka soo bixiyeen Xaruun uu Ganacsade Eng. C/qaadir Eenow ku leeyahay Xaafadda Mariina ee Degmadda C/casiis ee Magaalladda Muqdishu. Jeneral John, waxa uu Faahfaahin ka bixiyey noocyadda hubka lagala wareeegay Eng. Eenow, isagoo carrabka ku dhuftay inuu hubkaasi yahay mid khatar ah oo halis ku ahaa deganaanshaha guud ee Ummadda. Jeneral Fiidow, waxa uu sheegay in hubkaasi la helay kadib, markii ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka sameeyeen hawlgalkaasi, wuxuuna xusay inuu Hawlgalkaasi qeyb ka yahay sidii Magaalladda looga ururin lahaa hubka. "Magaalladda Muqdishu, waxaa jooga hubkii iyo kooxihii geysan jirey Qaraxyadda, waana arrinta aan ku daba-joogno" ayuu yiri Jeneral Cabdi Maxamed Fiidow, oo gaashaanka ku dhuftay inay Boliska hebeenkii ka seexdaan Hawlgalka lagu ugaarsanayo kooxaha miinooyinka iyo qaraxyadda ka geysta qeybo ka mid ah Magaalladda Muqdishu. Dhinaca kale, Garaashka Engoneer Eenow, ayaa lagu soo bandhigay hubkii faraha badnaa ee halkaasi laga helay, kuwaasi oo kala ah:- * Qoriga lagula dagaalamo Diyaaradaha ee SAM 2 oo hal xabbo ah. * Qoryaha Dhuun-shilko oo 2-xabbo ah. * Qoryaha Lidka Diyaaradaha ee Zuu oo 2-xabbo ah. * Qoriga Brown Fifty oo 3-xabbo ah. * Qoriga loo yaqaano Zuu-badeed oo 1-xabbo. * Qoryaha Jebshaha oo 7-xabbo ah. * Qoryaha Fudud ee AK 47 iyo Faal oo aan cadad lahayn * Boobaha Culus ee BKM (Daba-miishaar) oo 1-xabbo ah. * Noocyo kala duwan oo rasaas ah. *Gantaalka Garbaha laga gano ee Seven. Sidoo kale, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay dhowr Gawaaridda la dul-saaro qoryaha culus, oo kala ah Jeemis iyo Land-cruiser Pick Up.
  21. lool. They are Somali all skinny and dark. Though you might have body builders working for some groups?
  22. Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadeedii Hargeysa iyo jawaabta xukuumadda Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 16 June, 2007 Hargeysa (Somaliland.org) – Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, Ethiopian Airlines ayaa hakisay duullimaadyada diyaaradaheedu ku yimaaddaan Hargeysa. Shirkadda Diyaaradaha ItoobiyaShirkadda Ethiopian Airlines waxay joojisey laba duullimaad oo Addis Ababa – Hargeysa ah oo maanta u qorshaysnaa, isla markaana masuuliyiinta shirkadda ee Hargeysa ayaa ku wargeliyey maamulka Madaarka Hargeysa maanta in diyaaradoodu aanay imanayn, taas oo lagu ogaadey go'aanka shirkaddu ku joojisey duullimaadyadeeda. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa isaguna caawa xaqiijiyey in diyaaradda Itoobiyaan Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii Somaliland. Waxana uu sheegay in taasi ay ka dambeysey go'aan xukuumadda Somaliland gaadhey oo salka ku haya khilaafka ka dhashay baadhista madaxda qaranka. Wasiirka oo u warramay warbaahinta dowladda waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland go'aansatay in la hakiyo duullimaadyada Ethiopian Airlines inta la isla meel dhigayo dadka la baadhayo iyo dad maamuuska qaran leh ee ka reebban baadhista. Wasiirku waxa uu sheegay inay Shirkaddaa iyo xukuumadda ay u socdaan wadahadallo ku saabsan arrintaas. Hase yeeshee, warar aan ka hellay ilo ku dhowdhow xafiiska Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegaya in go'aanka lagu hakiyey duullimaadyada diyaaradda ee Hargeysa ay gaadhey Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka cadhootay diidmadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu diidey in la baadho Khamiistii markii uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Hargeysa, taas oo dood iyo muran dheer oo ay wehelisey hanjabaado xubnaha Shirguddoonku ugu sheegeen masuuliyiinta diyaaradda in ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aanay joojin dhaqankaas. Baadhistan waxaa hore loogu fuliyey weftigii Madaxweynaha, taas oo dad badani ka cadhoodeen. Dhinaca kale, Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa sheegay in goluhu u yeedhi doono Wasiirka Duulista Hawda si wax looga weydiiyo arrimahan. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.