General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Who are these well respected people? He does not know but never the less makes the report. Be careful you dont get arrested reporter.
  2. Who are these well respected people? He does not know but never the less makes the report. Be careful you dont get arrested reporter.
  3. Puntland Celebrates the 1st of July Independence Day Sunday, 01-Jul 2007 Puntland celebrated first of July Independence Day, the President, the Vice President, the Speaker of the house, Puntland Government Officials, Traditional leaders, Business leaders and the visiting TFG delegation attended this event at the Presidential Palace in Garowe. The celebration featured speeches, the national anthem and other patriotic themes performed by local Artists. The head of the delegation from the Transitional Federal Government, Deputy Minister of Defense Mr. Salad Ali Jeele said that “This is the celebration day for all of us; it’s also a day to remember those who sacrifice their lives for our independence” The President H.E. Mohamud Hersi stated, he still remembers first independent day which unified Somalia. The President added, "I hope that all Somalis around the world can celebrate this day with great pride, I also pray that peace will return to all parts of Somalia Insha'Allah" The President also urged Puntlanders to be aware of those who want destabilize Puntland, “Puntland is a part of Somalia and we will continue to cooperate with the Transitional Government of Somalia in the building of a Federal State".
  4. The next generation will lead us to the promised land
  5. Oslo: Waa Sawirada Dabaaldagga Xafladdii 1-Luulyo (2007) Ee Norway
  6. ^^^If you can find any news and pics on it by all means provide it.I dont make up the news saxib just provide it. Adeer, Bossaso, Galkacyu, Carmo, Badhan, LA, Qardo,Dhahar are major Somali towns and cities. Shame you dont like them, anyhow I ahev provided the news of Baidoa as well as Mogadishu one has to read. Why you got upset at the Puntland news is yours to explain and live with.
  7. Baydhabo:-(KP)DFKMG ah maamulkeeda Gobolka Bay oo sheegay in abaal marin la siin doono cidii soo sheegta koox argagaxiso ah . Maamulka gobolka Bay ayaa maanta daboolka ka qaaday qof waliba oo ku dhaqan magaalada Baydhabo la abaal marin doono hadii uu soo sheego kooxo ku guda jira falal argagixiso oo ka dhan ah maamulka gobolka. Gudoomiyaha gobolka Bay Max'ed Max'ud Bar Baar oo maanta duhurkii ka hadlay isu soo bax lagu maamuusayay maalinta 1-da Luulyo oo ka dhacay Isbartiibada Baydhabo,ayaa u sheegay dadweyne aad u fara badan in ay qeyb ka qaataan adkeynta amaanka guud ee gobolka. Xaaji Barbaar waxaa dhinaca kale uu sheegay in bandowgii saarnaa magaalada Baydhabo oo xalay la khafiifiyay iminka caadi lagu soo celiyay isla markaana bandowga uu shaqeynayo cidii jabisana sharciga la horkeeni doono. Masuuliyiin kamid ah Saraakiisha Cidamada Booliska oo iyana ka hadlay dibad baxa ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in shacbiga magaalada ay muhim tahay in ay ka qeyb qaataan adkeynta amaanka magaalada,iyo la dagaalanka waxa uu ku sheegay Qas wadayaasha ku jira Baydhabo. Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com,Baydhabo,Soomaaliya
  8. Bosaso:-(KP)Carmo Oo Si Weyn Looga oogay Munaasabada 1da Luulyo Iyo Xarunta Gobolka Mudug Ee Gaalkacyo iyana Sidee baa Looga Xusay Munaasabada 1da Luulyo. Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xalay waxaa laga xusay Maalinta Qaranimada Somaliya ee 1da Luulyo taasi oo xalay ka dhacday xarunta Tababarka Carmo halkaasi oo ku sugan yihiin boqolaal ciidamo Booliis ah kuwaasi oo halkaasi tababar uga socdo waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi lagu maamuusayay Maamilnata 1da Luulyo oo ah maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta ayna sameeysteen Dowlad ay ku mideeysan yihiin. Xafladan ayaa waxaa gaada ka ciyaar ku soo bandhigay Ciidamada Booliska ee halkaasi tababarka uga socdo waxaana ayna la saaray calanka Somaliya iyada oo ay ugu horeyn halkaasi uu ka hadlay Taliyaha tababarka Ciidamada Somaliya Mr Gaani waxaana uu gaani uu xusay muhiimada ay leedahay maalintani oo ku tilmaamay maalin ay umada soomaliyeed qiiimo balaaran u leh ayna mudan mudan tahay in la xuso waxaana uu sidoo kale uu sheegay in ay maanta farxad ay umada soomaliyeed ay u leedahay maadaama ay umada soomaliyed ay sanadkani ay xusayaan iyaga oo dowlad soomaliyeed leh waxaana uu dhamaan ciidamadaii booliska iyo Shacabkii reer carmo dhamaantood uu ugu hambalyeey Munaasabadan Qiimaha Leh. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Carmo Mr cawad oo isna shegay sida uu ugu faraxsan yahay maalintan qiimaha badan waxaana uu sheegay in uugu hambalyeeynayo dadweynha Soomaliyeed qiimaha Maalintan ay leedahay waxaana uu ku tilmaamay maalin ku suntan Qaluubta Dadka Soomaliyeed. Xafladan Lagu Maamuusayo maalinta 1da Luulyo ah ayaa sidoo waxaa ay ka dhacday magaalooyinka waaweyn Ee Punt land sida Bosaso Garowe Iyo Qardh. Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxay kala mid ahayd magaalooyin kale ee Somaliyeed xusida Munasabada 1da luulyo waxaana Xaflada ka dhacday Xarunta Gobolka Mudug ka soo Qaybgalay Xafladaasi Gudoomiyaha Gobolka Dhuubane Duqa Gaalkacyo isimo waxgarad iyo Aqoonyahano ku sugan Gaalkacyo. Waxa hallkaasi heeso ku saabsan 1da Luulyo ka soo jeediyay Faaniniinta Gobolka mudug sidoo kale waxaa halkaasi gabayo iyo Baraarujin ka soo Jeediyay Abwaano dhamaantood waxaana ay ka sheekeeyeen Qiimaha ay maalintani ay leedahay. ugu dameyntii waxaa hadalkii halkaasi oo xiray Gudoomiyaha Gobolka dhuubane waxaana uu dhuubane uu dadkii halkaasi isugu soo baxay uu gaarsiiyay salaan uu uga waday Madaxweynaha Punt land Mahamud muuse hirsi Cadde sidoo kale waxaa uu mr. Dhuubane uu ku dheeraaday amaanka Gobolka weaxaana uu tibaaxay mr dhuubane in ay jiraan dad khal khal ku haya amaanka Pun tland Siiba Gaalkacyo waxaana uu tilmaamay in ciidamada Booliska ay haatan ay gacnta ku hayaan dad lagu qab qabtya Qaskaasi ay gobolka ka wadaan. Xafladaasi ayaa ku soo afmeerantay jawi farxadi ku dheehan tahay iyada oo dadkii soo xaadiray Xafladaasi ay ku kala tageen iyaga oo is marxabeenaya. Mahamud Said Salaad askar75@hotmail.com
  9. Yusuf oo wadahal ugu baaqey kooxaha dagalamaya 1 Jul 1, 2007 - 1:58:56 AM Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay kooxaha ka horjeeda hadafka dowladda Federaalka ah in ay yimaadaan miiska wada hadalka kana soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan furmi doona si ay ugu sheegtaan waxa ay tabanayaan oo ay ka tirsanayaan dowladda Soomaaliyeed ee dalka ka dhalatay. “Waxaan ugu baaqeynaa kuwa fidnada wada iney miiska wada hadalka yimaadaan, ayna joojiyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dad aan waxba galabsan, aqoonyahanada iyo saraakiisha iyo waxgaradka” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xalay khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda lagu xusayey kowda Luulyo oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in hadii wada hadal iyo baaq nabadeed ay dhegaha ka fureystaan kooxaha qaska wada ay dowladda iyo shacbigaba ku qasban yihiin iney ka hortagaan kuwa diidan dowladnimada magacey doonaan ha sheegtaane ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay in qof dad Muslim ah oo waxba galabsan in la laayo ku kacaya aysan sheegan Karin iney yihiin Muslimiin waayo shareecadda Islaamka iyo mida caalamiga ah ayaa qabta in aan waxba loo geysan cid aan waxba kuu dhimin. Madaxwaynaha ayaa horay u sheegay in aysan shirka ka soo qayb gali karin kooxo siyaasadeed halka kooxaha ka soo horjeeda DF ay shuruudo ku xireen in ay wadhadal la galaan xukuumada. Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa shacbiga Somaliyeed ugu baaqay munaasabada Kowda Luulyo teeda xigta iney ku gaaraan nabad iyo badhaadhe ayna gacmaha is qabsadaan shacbiga si ay ugu guntadaan dib u dhiska dalkooda oo mudo ku jiray dagaale sokeeye iyo burbur. Gabagabadii munaasabadaas oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir, marti sharaf qaar ka tirsan halgamayaashii SYL, Fannaaniinta Waaberi, kuwa Heegan, Barbaarta gaashaaman iyo ciidamada Baanbeyda Muusikada oo halkaasi ka garaacayey heesihii xornimo doonka taasoo ay ilaa waagu ka baryo halkaasi ka socotay kuna soo gabagabowday jawi degan. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
  10. Crowds celebrate Somali festival Sunday, July 01, 2007 By Bonnie Washuk LEWISTON - The city's Multi-Purpose Center seemed to be transformed into a colorful, joyous, distance place Saturday night as the fifth annual Somali-American independence festival was celebrated. Festival coordinator Omar Ahmed explained the festival is held every year to celebrate Somali's July 1 independence from Italy and the United Kingdom, and the U.S.' July 4 independence. The festival encourages "the two communities to come together so that we can have the best of time," Ahmed said as African music played in the background. The two communities are immigrants and nonimmigrants. The event also appreciates diversity, and this year is celebrating Lewiston winning the All-American City award. "It's very happy, very fun," Ahmed said. Margaret Main of Lisbon Falls, who was sitting in the bleachers waiting for the entertainment to begin, said this was the first Somali festival she's attended. She came with her husband, who works for the city of Lewiston. "I just want to learn a little bit of understanding about the culture Somalis have," she said. Near to her was Fadumo Tahlil of Portland, who was there to read poetry. Tahlil said the day was not to worry. Most Somalis have family and friends still in war-torn Somalia who weigh heavy on their minds every day. Saturday was a time to not to think about the suffering, but to celebrate the culture, Tahlil said. Asked what she likes best about the Somali culture, Tahlil immediately said "the clothing." In her flowing Somali dresses, scarves and wraps, "I feel more like a woman," she said with a smile. Within minutes, four dancers seemed to illustrate her point. The Rwandan dancers moved to the center of the room, two dressed in red, two in white. With smiles and grace, they captured everyone's attention as they swayed. Asha Wilson, 3, of Lewiston, laughed as she dashed out and momentarily danced with the woman before running back to her mother. As in most events, there were speeches and tributes. Behind the stage was a large American flag and a blue-and-white Somali flag. The "Star-Spangled Banner" was played, then the Somali national anthem was sung. A few boys wore white shirts with the Somali national logo of blue and a white star. In his speech Ismail Ahmad, who works as a cultural skills trainer, said that in Lewiston, Somalis have for their children "blessed peace," security, shelter and food. "This we could not guarantee in refugee camps and in our country." He asked festivalgoers to think of those who could not be there with them. It's not easy to journey from Somalia to the United States, but they have done it. "We proudly call Lewiston our home, to the amazement of many," Ahmad said. They consider Maine their "home sweet home." Lewiston Mayor Laurent Gilbert began his remarks by offering a few greetings in the Somali language. His effort made the faces of several light up as they applauded. Gilbert said the addition of Somalis and other immigrants to Lewiston "have added to the fabric of our city. It is with your help we've become an All-America City." After the speeches, more dancing brought out more smiles. A group of young girls wearing identical pink-and-black dresses showed off Somali moves. After a group of boys, wearing matching striped shirts, performed a different style of Somali dance. Meanwhile a young men's dance group, wearing white shirts that read Somali, were waiting their turn to perform. They came to Lewiston from Connecticut. Sitting together taking in the celebration was Terry Waite, in typical American clothes, and her young Somali friend, wearing a brightly colored long dress and head scarf. Waite works at Lewiston High School. She came after being invited by the Somali girl. Admiring her young friend's outfit, Waite said Somali girls at Lewiston High School always look so feminine. The festival is sponsored by the African Immigrants Association. Festival coordinator Ahmed was pleased with the attendance. People were slowly filling the center, and more were walking down Birch Street. Each year more come, Ahmed said. Source: Sun Journal, July 01, 2007
  11. Maamulka Gobolka Mudug iyo Madaxda Amal Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maamulka sare Ee Amal Bank G.G/Mudug oo xariga ka jaraya xarunta amal plaza
  12. Daawo-Sawiro: Xawaaladda kala gudbinta lacagaha ee Amal Express oo dhisme wayn oo ay ugu magacdartay amal Plaza ka furtay magaalada Galkacyo iyadoo lacag ka badan 25000$ ugu yaboohday Agoonta magaalada galkacyo labadeeda dhinac. Xawaalada Amal Bank & Money transfer oo kamida xawilaadaha ka shaqeeya kala gudbinta lacagaha ayaa maanta xariga ka jartay dhisma wayn oo loogu magac daray Amal Plaza dhismahaasi oo ay shirkadu ka dhistay Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo xafladii maanta deeq farabadan ay xawilaada amal ugu deeqday agoonta magaalada galkacyo ee Koonfurta iyo waqooyiga magaalada lacagtaas oo uu ku yaboohay Vise Chairmanka Shirkada amal ahna maareeyaha Amal Bank and trade Abdidaahir Cali Xirsi dhagasayn. Xafladii maanta xariga looga jaray dhismaha xawilaada amal express ay ka hirgalisay magaalada galkacyo oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Madaxda Gobolka mudug, Madaxda hay'adaha, Dhakhaatiirta Gobolka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotelka wayn ee Taar city iyadoo siwayn loo soo agaasimay xafladaasi. Xafladii maanta lagu qabtay hotel taar oo ay ka hadleen madax waaawayn oo ka tirsan Shirkada amal Bank uuna kamid yahay maareeyaha guud ee amal Bank Yuusuf Cali shire iyo madax sar sare oo ka kala socday xafiisyada shirkada amal ay ku leedahay wadamada aduunka ayaa siwayn looga war bixiyay wax qabadka shirkada amal iyo sidoo kale hawlaha ay ka fuliso wadanka somalia iyadoo dadwaynihii xaflada ka qayb galay la daawad siiyay sawiro muujinaya dhismayaasha shirkada amal ay ka hirgalisay wadanka gudihiisa iyo dibadiisa. Madaxda shirkada amal ayaa shirkii maanta ku balan qaaday lacag gaaraysa 25000$ iyadoo lacagtaasi loogu deeqay agoonta ku nool magaalada galkacyo in loogu dhiso school labada dhinacna ee ay ka kooban tahay magaalada galkacyo laga hirgalinayo iskuulo ay agoontu wax ku bartaan si loo garab istaago agoonta ku tabaalaysan wadanka gudihiisa. Xafladii maanta oo ahayd mid siwayn loo agaasimay ayaa lagu casuumay bahda warbaahinta iyadoo ay ka soo qayb galeen saxafihiin ka socotay TVyada SBC iyo ETN ee ka hawl gala magaalada bosaso iyo dhamaan idaacadaha kudaha ee ka hawl gala Puntland iyo somalia inteeda kalaba goobta xafladana siwayn loogu arkayay saxafihiin kala gadisay oo ay ka muuqanayso astaamaha idaacadaha iyo TVyada ay ka socdaan. Abdinuur Mohamed Seeraar qalay2005@hotmail.com Galkacyo Puntland State of somalia.
  13. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo si weyn looga xusay Kowda Luulyo Munaasabado ballaaran si weyna looga soo shaqeeyey ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Boosaaso iyo madaxtooyada magaalada Garoowe. Munaasabadahan oo lagu weynaynayey kowda Luulyo oo ku beegan 47 guuradii ka soo wareegtey madaxbannaanadida koofurta Soomaaliyo israaca labada gobol ee koonfur iyo waqooyi. Boosaaso: Xaflad ballaaran ayaa saaka lagu qabtay magaalada Boosaaso gaar ahaan xarunta dawladda hoose taas oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa degmada Boosaaso. Munaasabadda maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxaa si gaar ah uga dhex muuqdey fannaaniinta walaalaha gobolka Bari iyo mas'uuliyiinta heer gobol ilaa heer Puntland, halkaas oo lagu soo bandhigay suugaan waddani ah iyo ereyo baraarujin ah oo ka warbixinaya ahmiyadda ay leedahay Kowda Luuliyo oo ah 'maalinta madax bannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed'. Xafladdani ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf, duqa degmada Boosaaso ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah. Garoowe: Sidoo kale, waxaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta madaxtooyada lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ku saabsan Kowda Luulyo taas oo ay ka qayb galeen kana hadleen madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud, wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, iyo wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle. Mas'uuliyiintii ka hadashay xafladdan ayaa dhammaantood ka markhaanti kacay ahmiyadda ay leedahay Kowda Luulyo waxana ay ka jeediyeen halkaasi, khudbado taariikh u badan oo ku saabsan gobanimada Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse ayaa hambalyo u jeediyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ummadda reer Puntland. Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay markii ugu horreysey dadweynaha reer Puntland kala qayb galaan munaasabadd kowda Luulyo oo ku beegan maalinta israaca labada gobol iyo madaxbannaanida gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Carmo: Degmada Carmo oo ay kutaalo kuliyad lagu tababaro ciidanka Police-ka Somaliyeed ayaa kamida meelaha sida weyn looga xusay munaasibadan waxaana habeenimadii xalay saqdii dhexe kulyada Carmo lasaaray calanka Somalia iyadoo latumayey muusiga calanka ee soomaaliyeey toosoo. Ciidamada police-ka ee kuliyadaasi uu tababarku uga socdo ayaa gaado kaciyar goobtasi kumaray habeenimadii xalay oo dhana waxaa guud ahaan degmada Carmo iyo kuliyada kasocday munaasibado lagu xusayo 1-da Luulyo. Badhan: Xaflad qiimo badan oo ay qiiro ka muuqatey ayaa maanta lagu qabtay xarunta ururka haweenka Alnasar ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan. Munaasabadda maanta lagu qabtay magaalada Badhan ayaa waxaa dhambaal hambayo ah ummada Soomaaliyeed u diray guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Nuur iyadoo uu sidoo kale khudbad qiimo leh uu ka jeediyey halkaasi, duqa degmada Badhan Maxamed Axmed Bulbul. Xafladdan ayaa waxaa ka qayb galay odayo dhaqameedka gobolka, ururada bulshada rayidka ay wakiillada hay'adaha caalamiga ah ee ka hawl gala gobolka Sanaag iyo ciidamada qalabka sida. Xafladdan ayaa waxaa si gaar ah uga muuqdey guurtida gobolka iyo culimaa'udiin iyadoo qaybaha saxaafaduna ay ka tebinayeen wararka halkaasi. Ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga gobolka Sanaag ayaa socod iyo gaaddo ka cayaar ku dhex maray faras magaalaha magaalada Badhan. Gaalkacyo: Xarunta maamulka gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo waxa maanta lagu qabtay xaflad la isku arkay oo ku aaddan Kowda Luulyo oo ah maalintii ay heeryadii gumeysiga iska tuureen gobollada koonfureed isla markaasna ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Munaasabaddan oo ay ka hadleen odayaal u soo joogey xilligii gumeysigu uu dalka ka huleelayey isla markaasna calanka la saarayey ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa khudbadona ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdirashiid Dhuubane iyo duqa degmada Gaalkacyo Muxiyadiin Axmed Biixi. (Warbixinahan waxa isku doo dubbaridey weriyayaasha SBC ee gobollada) Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  14. GOBOLADA PUNTLAND OO SI WAYN LOOGA DABAAL DEGAYADA KOWDA LUULIYO OO KU BEEGAN 47GURADII KA SO WAREEGTAY MADAXNIMADA SOMALIYEED Bosaso.xaflado waawayn ayaa maanta ka dhacay gobolada Puntland kuwaas oo lugu maamuusayo ahmiyada iy doorka ay ku leedahay kowda luuliyo bulshada somaliyeed oo ah maalin aan la ilaawi karin Meelaha sida wayn looga xusay waxaa ka mida xaruntamaha dowlada DPGL oo kala ah Garoowe Baran Bosaso ceerigaabo Qardho Gaalkacayo iyo meelo kale maalinimadii maanta ayaa waxa dadka gobolada puntland gaar ahaan gobolaka bari ay danohoodii u joojiyeen inta badni xuska 1bisha luuliyo waxaan laga dareemayey dadwaynaha u helanaan iyo qadarin gaara oo ay siinayaan bishan kowdeda hadaba waxaa ay Munaasibada haasi ka dheceen Magaalada Bosaso Xarumaha Gobolka iyo dowlada hose Garoowe Madaxtoyada Puntland Baran Qalaalka shiraka ee degmadaasi baran Qardho xarumaha dolada iyo xaafadaha qaarkood GaalkacayoHoteelada wawayn ee shirarka iyo meelo kale Munaasibadahaasi maanta ayaa waxay ku abuureen dadkii somaliyeed Gaar ahaan Gobolada Puntland Qiiro iyo xusuus dheer oo muwaa dinimo ah Maanta oo ah 1 Lulio ahna maalintii xornimada Qaranka Soomaaliya ahaydna maalintii midowga Gobalada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee xornimda qaatay 26ka Jun, ayaa ah maalin baroordiiq ka mudan shacabka Soomaaliyeed oo dib ugu dhacay gacanta gumaysi Waxaa dareenka shacabka Soomaaliyeed Maanta uu xasuusinayaa geesiyaashii u soo halgamay xornimadooda laga soo bilaabo halgankii Ax'ed Iimaan(Ax'ed Gurey) sanadkii 1527-1543,kii Hogaamiyihii daraawiishta Sayid Max'ed C/lle xassan 1900-1921,dagaaladii Talyaaniga ku qabsaday koonfurta SoomaaliyaLama hilmaami karo dadaalkii ku baxay uraradii halganka u dhismay ee hormuudka uu u ahaa kii dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL 1943 waxaana maanta ka hadlay oo waqtigaasi aad iyo aad uxusuusta dadbadan oo ilaa waqtigaas nasiib u yeeshay inay ku noolaadaan dalka somalia waaya maanta Munaasibadahaasi kaga warbixiyey sida xaalku ahaan jirey dakii waqtigaas ay ka soo wareegtay tariikhda dheer wadanka ku noolaa. Munaasibadahan kala duwan waxaa maanta khudbado ka soo kala jeediyey Madaxda sare ee Puntland Sida madaxwayanaha DGPL Madaxwane ku xigeenka iyo Masuuliin ka soctey DFKGSoo ku sugnaa wayahan dame Gobolada puntland sidoo kale Gobolada oo idil waxaa ku sugan Gobolwalba Masuuliyin khudbado ka jeedinasy sida gudoomiyaasha iyo golayaasha degaanka Golaha wasiirada cidii ka joogta waxaana dhamaan Masuuliyiinta oo idili ay Muhiimada ugu wayn siinayeen Qiimaha ay leedahay 1luuliyo. Maxamed axmed ciise Bosaso Puntland Dhahar.com