
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Saraakiishii ka socotey Somaliland oo xalay gelinkii dambe ka baxay Laaska Magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool waxaa gelinkii dambe ee habeenkii xalay guure kaga baxay xubno ka socda maamulka Somaliland oo habeen hore soo gaarey magaaladaas. Ka bixitaanka magaalada Laas Caanood ee guddoomiye kuxigeenka kuwaad ee golaha baarlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Cadde, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Somaliland. Ka bixitaanka wafdigan ee magaalada Laas Caanood ayaa ka dambeysey kadib markii odayaasha iyo waxgaradka gobolku ay la kulmeen wafdigaas una sheegeen in ay magaalada Laas Caanood ka baxaan iyadoo la eegayo maslaxadda guud. Maamulka gobolka Sool, ayaa sheegay in wafdiganu uu ahaa mid arrimo dhaqan u yimid balse aanu ahayn wafdi siyaasad ku socdey. Axmed Maxamed Jaamac SBC Laas Caanood
-
Garoowe: Madaxweynaha Jabuuti oo ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro dib u heshiisiinta dalka 29. July 2007 Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Dhambaalkan oo ahaa mid taageero ah oo Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu ugu hambaleyaynayey Madaxweyne Yuusuf dadaalka dib u heshiisiineed ee dowladda Federaalka ugu jirto sidii wada hadal wax walba loogu dhameyn lahaa. “Anigo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabbuuti iyo kan shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmeddadaalka dib u heshiisiin ee dowladdiisu ay u gashay sidii beelaha Soomaaliyeed u gaari lahaayeen heshiis buuxa” ayaa lagu yiri dhambaalkaasi . Dhambaalkan ayaa sidoo kale lagu magacaabay ergay cusub oo dowladda Jabuuti wakiil uga ah shirka dib u heshiisiinta kaasoo lagu magacaabo Yuusuf Cumar uuna wakiil buuxa ka yahay dowladda Jabuuti. Dhambaalkan ayaa ku soo aaday xili dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Jabuuti xiriirka ka dhaxeeya uusan aheyn mid wanaagsan, walow haatan ay soo ifbaxayaan xiriiro iyo isu soo dhowaansho labada dowladood. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
NRC: 4.5 to be abolished, victory for common sense
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
It was created by the Arta conference and built up the TNG at the time. However it will now be abolished. Victory indeed. -
Muqdisho: Guddoonka shirka beelaha oo maanta sheegay in shirkan kadib la tir tiray 4.5 29. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Shirkii maalmahanba ugu socday beelaha Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ayaa maanta looga hadlay qodobo xasaasi ah taasoo ugu weynayd raali gelin ay beelaha ****** iyo ******* u fidiyeen beelaha beesha ....., iyadoo horay labadaasi beelood ugu cowday iney u geysteen mudadii fowdada xadgudubyo iyo tacadiyo. Duubabka beelaha Hawiyr sida Nabadoon Macallin Haaruun oo u hadlayey beesha ****** ayaa isagu halkaasi raali gelin ugu jeediyay beesha Shanaad isagoo caddeeyay inuu ka mid ahaa saxiixayaashii shirkii Carte u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti in beesha Shanaad ay tahay mid bar ah, isagoo cafis weydiistay bulshada ku abtirsada beesha Shanaad. Sidoo kale nabadoon Cabdi Yare oo u hadlayey beesha ******* ayaa raali gelin buuxda u fidiyay labadaasi beelood kana cadsaday iney cafiyaan isagoo qirtay iney u geysteen xadgudubyo Dhinaca kale beelaha iyo beesha ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay in wax walba ay ku iloobi karaan in la baabiyo nidaamka 4.5-ka kaasoo ay u gudbiyeen shir guddoonka. Intaa kadib ayaa guddiga shir guddoonka shirka ay soo saareen go’aan ah in laga bilaabo shirkan kadib aysan jiri doonin lana baabi’iyay nidaamka .5-ta iyado si simmana ay wax u qeybsan doonaan beelaha Soomaaliyeed. Gabagabadii kulanka oo ay maanta si wada jir ah labada gelin u kala guddoominayeen Md. Cali Mahdi iyo kuxigeenkiisa C/raxmaan Guul Wade ayaa waxaa goobtii shirka hareeray buuq ka dhashay ciidamada nabadgelyada iyo qaar ka tirsan wariyeyaasha ka qeybgalayey kulankaasi oo duubanayey muran ka dhashay qodobka is masaamaxa beelaha kaasoo ay wariyeyaasha ku mudeysteen in qaarkood la jirdi dilo lagana qaado qalabkii ay ku howlgalayeen. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Secessionist outcry against the man Riyaale
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ma Tan Baa Inoo Danbaysay Cabdiraxmaan Aaden Dhamac — ------- — 28 July, 2007 Shacabka Somaliland hiil iyo hooba wey u hureen halganka dalkooga. Waxaana maanta run noqotay in aanu dadku dadkii hore aheyn oo dareenkii iyo damiirkii waayo jiri jiray manta ay bastii tahay dadkuna uu hurdo dheer oo koma ah galay aduuna la socon. Somaliland 5 sanadood oo doorasha xalaal ah baa nalagu xukumaa aynu laheyn ayaa gabaabsi ah. Waxaynu ka dagaalanay ee rag badani dhiigoogu u hureen beri hore ayaa la ilaabay. Cadaalad darada wadanka ka jirtaa waa xad dhaaf. xag iyo xaqdaro ma kala soocna. Maxkamad sharci oo umada kala hagi kartaa ma jirto. Dad aan ilaahay ka baqeynin dhuuni qaatayaal ah ayeynu maxkamad ku sheganaa. Riyaale waxba yaan la eedeyn kuwa durbaanka u tumayaa ee sacabka kala hortaga malin walba waa inaka. Diktatooriyad hadii ay jirto inaka ayaa sameynay. Wax ay soo socotaba maanta waxay noqotay in muwaadaniin dadka iyo dalkaba xurmo ku leh jeelka loo taxaabo. Meel ay tastuurka kaga taalo xadhigooguna aanay jirin. Umadu reer Somaliland gob ayaad tihiin ayaa qancisa. Waxay daahir riyaale u doorteen si sharaleh. Waxaanu ugu abaal guday dhaqankii Siyaad Bare. Nin kii baxayaa indhaha ayaa casaada ayey Somalidu ka maah maahdaa. Maanta waa in xukumadan dastuurkii xaqdhawri weyday, ee ku tumatay umadii soo dooratay sida ugu dhakhsiyaha badan jilaafha loo laabaa lagana faraxashaa. Dhamaantoodna maxkamad cadaalad ah la soo tagaa. Cabdiraxmaan Aaden Dhamac -
Dictaatooriyada Maamulka Riyaale Axmed Maxamed Saleebaan — Toronto, Canada — 28 July, 2007 Goor may reer Soomaaliland u dambaysay qofkii talaabo qaadoba in jeelka loo taxaabo. Maamulkan mucagaga ah ee sharciga iyo xuquuqal aadamigaba ku tumanaaya wa in layska qabtaa. Maamulkani waxa uu dadaal iyo dagaal kula jiray ilaa iyo maalintii hogaanka loo dhiibay oo geed gaaban iyo mid dheerba uu u fuulay sidii uu u burburin lahaa Soomaaliland. Nasiib daro se ilaahay marnaba ka muu aqbalin kumanay guulaysan. Umalaynmaayo in ay caqli xumo iyo maamul xumo ka tahay. Xaqiiqdu se waxay tahay in ay qowlaysatadani doonayaan in ay wadankan u dhameeyaan oo ku milaan kana mid dhigaan sida xaalada Soomaaliya ay tahay. Xaalada manta wadanka ka taagan iyagaa abuuray oo gaadhsiiye halkay marayso. Bal reer Soomaalilandow u fiirsada waxa arimo isdaba yaal ee ay abuureen ee taagan ilaa immika; (a) Maaliyadii oo aan wali khilaafkeedii la xalalin sanadkii loogu tala galayna uu dhamaad ku dhowyahay, iyagaana ku fadhiya. (b) Gudidii doorashada oo wali cakiran oo la rabo in si indho daro ah loo ansaxiyo labadan nin. Soomaalidu waxay tidhaahdaa khalad khalad laguma saxo. Hadii uu khalad dhacay oo sadexdii nin ee aan fulin shuruudihii ay kaga mid noqon lahaayeen gudida doorashada mid ka mid ah la ansaxiyey, miyey garan waayeen in ay labadan nin bedelkoodii keenaan ay sida xanjada ku dhegenyihiin. Waxaana ayaan daro noqotay in ay Guurtadii iyo qaybtii fulintu(xukuumadu) isku milmeen. Saleebaan gaal ayaa hogaan iyo maamul yaqaanana hayga hadho. © Maanta oo kooxdii doonaysay in ay xisbi furatona loogu jawaabay hanjabo iyo xabsi, iyadoo aan si sharci ku jiro loo qancin in aanay furankarin xisbi waqtigan xaadirka ah. Hadaba su'aashu waxa ay tahay goormuu jeel noqday xal?. Sadexdaa arimood ee aan kor ku xusayba waxay yihiin arimo distoori ah oo caqli iyo wada hadal u baahan in lagu xaliyo. Ina Riyaale iyo afartan habaabinayaaba waxay ilaabeen cawaaqib xumada ay leedahay qof aan waxba gaysan oo jeel loo taxaaba. Afwayne ayey meel gaadhsiin lahayd hadii uu jeel xal yahay. Wadankani waxa uu ku soo dhismay oo halkan ku soo gaadhay waa wada hadal, is dhegaysi, iyo is ixtiraam. Maamulkani se astaamahaaso dhan daaqaduu ka tuuray, Soomaalilandna ilaahaybay leedahay. Bulsha waynta reer Soomaalilandna hawl iyo talo wayn ayaa u taala, taana waxay ku gaadhi karaan iyagoo codkooda muu jiya, oo maya yidhaahda maamulkan facaayilkiisa. WSC; Axmed Maxamed Saleebaan Toronto.
-
Hargaysa: Riyaale jails secessionist leaders in BARRE prison
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baaq Ay Soo Saareen Gudida Wada Jirka ee Beelaha Bariga iyo Galbeed Burco Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 28 July, 2007 "Sida aan Maalmahan maqlaynay ficilkeeduna u muuqday Saaka Subaxnimadii Taariikhdu ahayd 23/7/2007 Waxaa dhacday Xadhig Sharci daro ah, oo ay fulisay Dawlada kuna fulisay Madaxdii Sare ee Ururka Qaranka, hadaba waxaan u aragnaa Xadhigaas in uu yahay mid sharci daro ah, oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeerarka Wadanka u yaala, kaas oo ina xasuusinaya Dhibtii ummadani uu soo markiyey Nidaamkii hore ee Digtaytarka ahaa. Hadaba Gudida Wada jirka ahi ee Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco waxay Canbaaraynayaan Xadhigaas Sharci darada ah. Waxaanay soo jeedinayaan In Si Bilaa Shuruud ah, oo Deg deg ah Loogu Soo Celiyo Madax Banaanidoodii iyo Xoriyadoodii. Dawladuna ay ka korto Cagajuglaynta iyo Cabudhinta aan waafaqsanayn Dimuqraadiyada iyo Shuruucda Wadanka u yaala, laguna kala baxo wixii muran sharci ah ee Yimaada Distoorka iyo Xeerarka Wadanka u degsan, Waxaa kale oo ay Beeluhu ku dareen Qabaan in ay Dawladu Arimahaas uga jeedo Xaalad Abuur lagu caqabadaynayo doorashooyinka. Magacyada Gudida 1 Axmed Xuseen Jaamac Soodaani 2 Cawil Xaaji Aadan Axmed 3 Shariif Abokor Dhuux Yare 4 Siciid Xasan Nuur 5 Maxamed Axmed Yaasiin 6 Mijir Qaadi Maxamuud 7 Nuux Cabdi Jaamac (Cadde) 8 X.Xasan X Maxamuud X Guuleed (Beeldaajiye) 9 Cabdi Axmed Iidle 10 Dayr Maxamed Cilmi 11 Cawil Quule 12 Axmed Maxamed Jaamac Axmed Dheere 13 Nuux Cismaan Abokor 14 Maxamed Salaan Faroole 15 Maxamed Nuux Maxamed 16 Faarax Maxamed Cabdi Sagul 17 C/raxmaan Yusuf (Dhadhan) 18 Yusuf Xasan Xayd (Boodh) 19 C/raxmaan Yuusf Cabdi (Casoowe) 20 Eng Xasan Kayse 21 Wali Xaaji Muuse 22 Maxamuud Aadan Dheri 23 Maxamed Cabdi (Dhuux Weyne) 24 Yaasiin Maxamed 25 Maxamed Muuse X Cabdi (Cawil Galaydh) -
Hargaysa: Riyaale jails secessionist leaders in BARRE prison
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirguddoonka Golaha Wakiillada Oo Cambaareeyey Xadhiga Hoggaamiyayaasha Ururka Qaran Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 July, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa cambaareeyey xadhiga hoggaanka ururka Qaran. Waxayna ugu baaqeen Xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso muwaaddiniintaas. Shirguddoonka Golaha Wakiilladu warsaxaafadeed uu caawa soo saaray, waxa uu ku sheegay in qofna aanu dembiile ahayn ilaa maxkamad horteed dembi kaga caddaado, sidaa darteed, waxa uu ku baaqay Shirguddoonka in xorriyadooda loo soo celiyo. "Ma jiro Qof sharciga ka sarreeya, " ayuu yidhi warsaxaafadeedka Shirguddoonku, waxana uu sheegay in muranka ku saabsan sharciyadda ururka Qaran loo maro sharciga, garsoorka hortiisana la isku qanciyo. Shirguddoonka Wakiilladu waxa uu ku tilmaamay xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran mid lagu degdegey. Waxana uu ugu baaqay xukuumadda iyo shacbigaba inay ka fogaadaan wixii nabadda iyo xasiloonida wax u dhimaya. Waxa kale oo uu shacbiga guud ahaan, Caasimadda iyo goboladaba ugu baaqeen inay ilaashadaan nabadgelyada. Warsaxaafadeedkan caawa ka soo baxay Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaan laga sii deynin warbaahinta dowladdu gacanta ku hayso, iyadoo la gaadhsiiyey Radio Hargeysa iyo Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo ee lagu magacaabo Telefishanka Qaranka. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa. E-mail: dubad@Somaliland.com -
Hargaysa: Riyaale jails secessionist leaders in BARRE prison
General Duke posted a topic in Politics
A truly remarkable turn around in fortune for the secessionist camp the ever irrepressible Dahir Riyaale Kahin strikes again at the heart of the secessionists. Riyaale Oo Xabsiga Mandheere Dhigay Dr. Gaboose Iyo Ku Xigeenkiisii (Hargeisa}28.7-7 Daahir Riyaale Kaahin ayaa xabsiga mandheera ku hubsaday Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Guddoomiye kuxigeenka ururkaas INj.Maxamed Xaashi Cilmi iyo masuuliyiin kale , iyadoo sitoos ah loogu dhaadhiciyay Xabsiga Mandheera................................................ Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga. Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera. Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo. Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda uu FDaahir Riyaale kaahiin gacanta ku hayey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa. Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera. Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas. widhwidhonline@gmail.com Widhwidh Online News Desk..Media Center -
Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The President of the Transitional Federal Government of Somalia makes an Official Visit to Puntland Saturday, 28-Jul 2007 The President of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG), H.E. Abdullah Yusuf Ahmad arrived in Garowe, Puntland on a three-day official visit, the main objectives of the visit are to hold talks with Puntland President and Government, to meet traditional community leaders, business Leaders, members of the Puntland Parliament and the general public. The President was received at the airport by the President of Puntland State of Somalia H.E. Mohamud Musse Hersi, the Speaker of the Puntland Parliament Hon. Ahmed Ali Hashi, Puntland Government officials, members of the Puntland Parliament, and local government officials. The visiting delegation was taken to the presidential offices in Garowe for a reception. H.E. Mohamud Musse Hersi made a short speech welcoming President Yusuf and his delegation to Puntland. President Yusuf thanked the Government of Puntland and its people for their warm welcome. President Yusuf stated, “We come here to see you and to talk to the Puntland Government, to thank you for your support to the cause of Somalia as a nation, we will also share with you the progress that federal government has made in terms of security and national reconciliation. The talks between the TFG delegation and the Puntland Government will focus on issues related to security, and cooperation between the two governments. -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No adeer I am talking about the US, China, Russia, Britian and France and the remaining members of the council that supports the TFG. Every day that goes by the people realise the anti-governemnt groups have no real option other than to promote falsehood and violence. Somalia is back.. -
Mogadishu: huge demo in support of NRC: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Audio -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dawlada France oo ogolaatay inay bixiso kharashka ku baxaya ciidamada dalka Brundi Addis-ababa (WNT)-Wararka imaanaya magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dawlada France ay balan qaaday kharashka ku baxaya ciidamada Brundi ee lagu wado inay yimaadaan dalka Soomaaliya. Dawlada France ayaa balan qaaday in bixin doonto kharashka ku baxaya ciidamo nabad illaalin ah oo ka imaanaya dalka Brundi oo lagu waday inay horay u yimadaan dalka Soomaaliya dhawr jeerna dib dhac uu yimid. Ciidamadan oo hadda muddo bil ah dib u dhacay ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan koonfurta Soomaaliya bartamaha bisha August,kuwaasi oo warar hoose ay sheegayaan inay saldhig ka dhigan doonaan gobolada Jubbooyinka. Arintaan ayaa ku soo began tahay xilli uu wasiirka arimaha gudaha dalka France uu ka sharqamiyey in QM ay taageeraan sidii Soomaaliya nabad loo soo dabaali lahaa,looguna dirin lahaa ciidamo ka socda golaha ammaanka. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
France oo ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Soomaaliya Addis-abab (WNT)Dawlada France ayaa ku baaqday in qaramada midoobay u diraan ciidamo nabada ilaalin ah dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan , nabad iyo xasilin soo dabaalidadalka Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibada dalka France Bernard Kouchner oo la hadalyey wakaalada wararka AFP ayaa u sheegay sida ay muhiim u tahay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Soomaaliya iyo gobolka Dafour ee dalka Suudaan. Bernard Kouchner ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia R/wasaaraha dawlada FS Cali Max’ed Geedi waxaanu sheegay caalamka oo fara gelin ku sameeya xaalada hadda ay Soomaaliya ku sugan tahay inuu wax ka badali karo. Wasiirka arimaha dibada ee dalka France ayaa iyaga sheegay sida uu u taageersan yahay ciidamada ka socda dalka Brundi oo lagu wado dhowaan gaaraan dalka Soomaaliya,kuwaasi oo mudo bil ah dib ugu dhacay xilligii loogu tala galay,waxaa uu carabka ku adkeeyey sida dawladiisu ay u danaynayso in arinta Soomaaliya QM ay wax ka qabtaan. Dhankiisana R/wasaare Geedi ayaa oo axaafada la hadalay ayaa ammaan ujeediyey doorka ay ka ciyaareen ciidamada Ethiopia iyo ku Uganda xaalada Soomaaliya. Bihii aan ka soo gudubnay ayey golaha ammaanka ee QM midoobay si aan diiranayn uga jawaaben baaq uu ujeediyey R/wasaaraha dawlada FS oo ku aadanaa in ciidamo nabad ilaalineed loo diro dalka Soomaaliya. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net -
^^^Adeer desperate words dont mean a thing. The NRC is continuing and the Somali's and the world are supporting it and welcoming this genuine attempt inside Somalia. While those who are desperate and hate the fact that their clan millitias are being disarmed will continue to cry foul.
-
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Juje, adeer the days when clan militias did what ever theyw anted in Mogadishu is over. A national governemnt is here and getting stronger, weither you repeat the word "Ethiopia" forgetting that "Uganda" is there and the "security council of the UN" RECOGNISES the TFG. Its all great, also dont ever mention "Eritrea" where your insane leaders are holed up in. -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdi ka socda beesha Caalamka oo dhawaan soo gaaray Muqdisho, kana qaybgalaya shirka Qaran . July 28 2007 Radiofreesomalia.com Wafdi ka socda beesha Calaamka ayaa goordhaweyd kasoo dagay garooonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana wafdigaan ay gaareen goobta uu ka socdo shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed, iyagoo ka qaybgalaya shirka Qaran. Wafdigaan oo ay geeyeen xarunta uu shirka ka socda ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay ka socdaan UN-ka oo ay ka socdeen saddex xubnood oo wakiil ka ah Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, Xubin ka socda safaaradda Norway ee Nairobi, Xubin ka socda safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo xubin kale oo ka socda Safaaradda Masar ee Magaalada Nairobi. Xubnahaan oo lagu soo dhaweeyay goobta uu shirku ka socdo ayaa waxay qayb ka yihiin shirka oo xilligaan si toos ah uga socda xaruntii gaadiidka Booliiska oo loo dayactiray, waxayna dhageysan doonaan fikrada salaaddiinta qaar iyo iyagoo u kuurgalaya qaabka uu shirka u socdo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnahaan ay kulammo la yeelan doonaan saacadaha ay ku sugan yihiin Muqdisho xubno ka tirsan Beelaha ****** oo iyagu laba dhinac u kala jaban iyo sidoo kale xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku simaha Ra’iisul waasaraha Soomaaliya Prof. Saalim Caliyoow Ibroow oo Muqdisho ku sugan. Gallinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa inay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hor inta aysan ka dhoofin Muqdisho ku qaban doona shir jaraa’id oo ku aaddan wixii ay la kulmeen intii ay Muqdisho joogeen iyo siyaabaha ay u yimaadeen Muqdisho. Wafdigaan ayaa noqonaya wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda calaamka oo soo gaaray Muqdisho inta uu socdo shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo lagu sheegay inay jawaab u tahay eedeyn ay dowladda Federaalka u jeedisay calaamka, taasoo ay ku sheegeen inay caalamku ka lug jiidayaan sii socoshada shirka Qaran. -
Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Dowlada Fedaralaka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay caasimada Puntland ee Garoowe Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyay markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaasi oo ay dadweyne fara badan ku soo dhoweeyeen. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyay u sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu u dejin lahaa xiisadaha ka taagan Puntland, xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka, wuxuuna mahad celin ballaaran u jeediyay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Puntland ee halkaasi ku soo dhoweysay. Madaxweyne Yusuf ayaa wuxuu sheegey Mudo Sadax maalmood ah inuu Puntland ku sugnaan doono isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse, Golaha Wasiirada, Golaha wakiillada, isimada Puntland iyo waxgaradka kale. in laga hortago Musuq maasuqa oo reer Puntland ayaa ka biyo diidsan Makiinadaha lacagta daabaca makiinadahaasi oo ukeenay sicir barar gobolada Puntland. Booqashada C/llaalhi Yuusuf ee Garowe ayaa ku soo beegmaysa xilli uu qalalaaso la xidhiidha sicir barar uu ka oogan yahay deegaanada maamul gobolleedka Puntland, iyadoo dadweynaha reer Garowe ay magaaladaasi ka dhigeen mudaaharaad rabshado wata oo ay uga andacoonayeen sicir bararka ku baahay degaannada Puntland, mudaaharaadkaasoo sababay dhaawac dad rayid ah iyo ciidamada Puntland, iyadoo sidoo kale xayiraad ku soo rogay goobaha ganacsiga iyo howlaha maamulka Puntland. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse ayaa ku eedeeyey arrimaha Garoowe ka soo ururka Islaamiga ah ee Al-islaax iyo Maxaakiimtii Islaamiga ah kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay qas ka sameeyeen maamulka Puntland. Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ah sidii uu Madaxda Puntland iyo wax garadkeeda ugu adkeen lahaa in ay usuurtoobin cadowga maleegaya burburinta puntland. Jaamac Faarax AllSomali Online -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
France's Kouchner calls for urgent UN force in Somalia Aweys Osman Yusuf Mogadishu 28, July.07 ( Sh.M.Network)- French Foreign Minister Bernard Kouchner said Friday the United Nations should urgently send a peace force to Somalia, where he suggested such a deployment would be easier than in Sudan's Darfur. French Foreign Minister Bernard Kouchner and Somalia Pm, Ali Mohamed Ghedi "The urgency is great," Kouchner told AFP after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in the Ethiopian capital Addis Ababa. "In Somalia, we could intervene and retrieve the situation a little." Kouchner said it would be easier for the UN to act in Somalia than in Darfur -- the western region of Sudan where civil war has raged since 2003 -- because there would be no restrictions on where the UN troops came from. Khartoum has said that only African peacekeeping troops can be deployed by the UN if it intervenes in Sudan. Violence has been escalating in Mogadishu, where Islamist insurgents are launching attacks almost daily on the government, which is supported by Ethiopian troops and African Union peacekeepers. Uganda has deployed at least 1,500 troops in Mogadishu, a vanguard of around 8,000 troops the African Union is struggling to assemble to help Somalia's weak government. A bloody power struggle has enveloped Somalia since dictator Mohamed Siad Barre was ousted in 1991. The UN Security Council last month gave a cool response to a call from Gedi for the immediate deployment of a UN peace force in his strife-torn country. (AFP) -
Dowladda Talyaaniga oo ugu deeqday shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed lacag gaaraysa..," July 28 2007 Radiofreesomalia.com Ergayga Talyaaniga uga wakiilka ah Soomaaliya oo soo gaaray maanta Muqdisho, isagoo ay wehliyaan xubno kale oo ka socda beesha Caalamka ayaa hadal ka jeediyay shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed sheegayna inay Taliyaanigu lacag ugu deeqeen shirka Qaran. Giuseppe Cassini ayaa daboolka ka qaaday in dowladdiisu ay ugu deeqday shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed lacag gaaraysa 400-kun oo Dollar, isagoo sheegay in dowladdiisu ay si weyn u soo dhaweynayso shirka Qaran. Mr. Cassini ayaa sheegay in sababta uu u yimid Muqdisho ay tahay inuu wax badan ka ogaado habsami u socodka shirka Qaran, wuxuuna sheegay inuu ergada shirka ka qaybgalaysa uga sido Dowladdiisa hambalyo ku aaddan shirka Qaran ee Soomaaliya. “Taliyaanigu wuxuu ku faraxsan yahay shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed kaasoo aan u aragno ayuu yiri inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed oo soo jiitamayay sanadaha badan” ayuu yiri Giuseppe Cassini ergayga gaarka ee Somalia oo la hadlayay ergooyinka shirka Qaran ka qaybgalaya shirka Qaran. Mr. Cassini; ayaa waxay u tahay markii labaad ee uu soo booqdo Muqdisho, tan iyo intii loo magacaabay ergayga gaarka ee Talyaaniga uga wakiilka ah Soomaaliya, waxaana socodkiisii kan ka horreeyay uu ahaa mid uu la socday wasiir ku xigeenka Talyaaniga Mss. Partisio Santinelli oo Muqdisho soo gaartay, sheegtayna in shirka Qaran loo baahan yahay in laga qaybgeliyo xubnihii Maxkmadaha Xubnaha kale ee socodka ku wehliyay oo ka socday Norway, Masar iyo UN-ka ayaa waxay iyagu ka hadleen shirka iyagoo sheegay inay u yimaadeen Muqdisho indho-indheynta shirka Qaran qaabka uu ku socdo. Radiofreesomalia
-
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'iisal wasaaraha DFKM oo kulamo la yeeshay wasiirka arrimaha dibada Faransiiska iyo Alpha Oumar Konari Last Updated::2007-07-28 14:41:33 Adis Ababa:-Ra'iisal wasaaraha DFKM Cali Maxamed Geedi ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibada faransiiska Bernard Kushner iyo guddoomiyaha ururka midowga Africa Alpha Oumar Konari isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii ay gacan uga siin lahaayeen xukuumadiisa nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Geedi ayaa shalay booqasho shaqo ku tagay magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo kula yeelanayo madaxda Africa iyo kuwa Ethiopia si uu uga codsado in dawladdiisa gacan laga siiyo xasilinta dalka Soomaaliya. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Adis Ababa ayuu Ra'iisal wasaare Geedi ku sheegay in kulamadii uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada faransiiska iyo Alpha Oumar Konari ay ahaayeen kulamo wax ku ool ah isagoo tilmaamay in uu ka codsaday dawlada Faransiiska iyo midowga Africa in ay laba jibaaraan kaalmada ay siiyaan DFKM. Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id kaga hadlay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu u furan yahay cid kasto oo ka soo horjeeda DFKM marka laga reebo shaqsiyaadka ku jira liiska waxa loogu yeero argagixisada Sida Sheekh Xasan Daahir. Wasiirka arrimaha dibada Faransiiska ayaa sheegtay in dawladiisa ay taageersan tahay in QM ay la wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee ka hawl galaya dalka Soomaaliya inkastoo uusan sheegin in dalkiisa ciidamo u soo dirayo dalka Soomaaliya iyo in kale. HorseedNet.com -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafidi ka socda QM oo gaarey magalada Muqdisho 28 Jul 28, 2007 - 7:36:16 AM Waxaa saakay barqanimadii soo gaaray Muqdisho wafdi ka socda Qaramada Midobay iyo beesha caalamka kuwaasoo la magac baxay guddiga caalamiga la talinta arrimaha Somaliya. Wafdigan oo uu horkacayey ku xigeenka wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Q/Midoobay Barlin Guard kuwaasoo isugu jiray kuwo ka socda dalalka Norwey, Masar, Yeman, Talyaaniga iyo taliska ciidamada Ugandha. Wafdigan ayaa ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Mudoyinkan ugu socday magaalada Muqdisho iyagoo halkaasi ugu guur galay habsimada uu ku socdo shirkaasi iyagoo warbixino halkaasi uu ku siiyay Gudomiyaha guddoonka shirka Md. Cali Mahdi Maxamed. Xubno ka tirsan wafuudan gaar ahaan ergayga Safaaradda Talyaaniga Stephano Jack oo kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay sidii caadada u aheydba ay mar walba kaalmo dhaqaale u fidineyso howlaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka isagoo hoosta ka xariiqay iney taasi tusaale u tahay kaalmada 400.000 oo Euro ah si loo dardar geliyo howlaha socodsiinta shirka, isagoo ka codsaday qeybaha Somaalida in la kordhiyo tirada haweenka ee ka qeybgalayaasha shirka si ay haweenku door ugu qaataan howlaha dib u heshiisiinta. Wafdigan ayaa qorshahoodu ahaa iney Muqdisho yimaadaan furitaankii shirka dib u heshiisiinta beelaha ee 15-ka bishan kuwaasoo u baaqday arimo nabadgelyo awgood ayaa maanta sheegeey iney u baaqdeen arimo dhinaca farsamada, Gabagabadii kulankaan Guddoomiyaha guddiga shir guddoonka beelaha Cali Mahdi Maxamed oo ku hadlayey dhamaan magaca xillka guddigaasi iyo ka qeybgalayaasha ayaa u mahad celiyay wafuudan booqashada ay ku yimaadeen shirka. Wafdiga ayaa lagu wadaa inta ay Muqdisho joogaan ay kulamo kale oo gooni ah la yeeshaan qeybo ka tirsan ururada bulshada rayidka iyo beelaha Soomaaliya iyadoo la filayo iney galabta ku laabtaan magaalada Nayroobi. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho