General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Banaanbax lagu taageray shirka 24 Jul 24, 2007 - 12:35:23 PM Bannaanbax ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan dadweyne oo ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa galabta ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Stadium Conis ee degmada C/casiis kaasoo ay ka soo qeybgaleen maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga shirweynaha dib u heshiisiin. Bannaanbaxan oo lagu soo bandhigayey taageerada ay dadweynaha gobolka Banaadir u hayaan shirweynaha dib u heshisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xubno uu ka mid ahaa Guddoomiyaha shir guddoonka shirweynaha dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in maanta ay beenoowday in dadweynaha ay ka soo horjeedaan shirweynaha isagoo u mahad celiyay dadweynihii kasoo qeybgalay iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay iska ilowdo wixii horay u soo dhacay iyadoo loo istaago dantooda iyo tan Soomaalinimada. Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M/Dheere) oo isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa baaq u jeediyay kooxaha ka horjeeda Dowladda ee rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka geysta gobolka. Guddoomiye Maxamed Dheere oo maanta ka hadlayay bannaanbaxaasi maamulka G/Banaadir uu ku taageerayay shirka dib u heshiisiinta ayaa si gaar ah ugu baaqay kooxaha lidka ku ah shirka dib u heshiisiinta, isagoo yiri: "Kooxaha wax tuurtuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay danahooda ka hadlaan". Guddoomiyaha G/Banaadir oo maanta Garoonka K/Cagta ee Stadium Konis kula hadlayay kumanaan ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir uu si cad u muujiyay taageerada iyo soo dhoweynta ergooyinka shirka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay in gobolka banaadir uu yahay gogosha shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana uu yagleelida Qaranka gobolku hormuud u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in 17-ka gobol ee dalka sidoo kale looga baahan yahay in shacabka ku dhaqan uu u muujiyo taageerada shirka iyo dowladda. Md. Maxamed Dheere ayaa waxa uu dadka Muqdisho ku ammaanay sida ay ugu heelan yihiin soo celinta nidaamkii dowladeed, isagoo sheegay in bannaanbaxaasi uu daliil cad u yahay rabitaanka shacabka ee ku aadan dowlad wanaagga, isagoo intaa ku daray in Gobolka Banaadir uu yahay hooyada Qaranka Soomaaliyeed isla markaana uu soo dhoweynayo midnimada iyo horseedida sidii calanka dhulka looga qaadi lahaa. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo si aad ah farxadi ay uga muuqatay xilligii uu khudbadda jeedinayay ayaa waxa uu mahad celin iyo bogaadin u soo jeediyay shacabkii gobolka Banaadir ee soo xaadiray bannaanbaxaasi oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca gobolka banaadir isla markaana lagu muujiyo taageerada shirka dib u heshiisiinta. Cali Muxiyaddin, GO
  2. Wefti uu hogaaminaayo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya oo booqasho ku yimi magaada Garoowe Boosaaso, Talaado, July 24, 2007 SMC . Wefti uu hoggaaminayo u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa maanta soo gaaray Caasimada maamul Goboleedka Puntland ee Garowe. Weftigan ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha DGPl iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah,wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga,khayraadka Badda iyo Gaadiidka Badda,wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Gobolada,wasiirka warfaafinta,dhaqanka,isgaarsiinta iyo dalxiiska,wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska,wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha,isportiga iyo dhalinyarada,wasiirudowlaha arrimaha Nabadgelyada,wasiir ku xigeeno,agaasimaha Guud ee madaxtooyada,agaasimaha Macdanta iyo shidaalka. Madaxa Weftigan oo ahaa ergayga arrimaha Somaliya ee Midowga Yurub ayaa waxa uu warbixin ka siiyey Madaxda Puntland ujeedada Socdaalkooda oo ku saabsanaa waxqabadkooda sanadaha soo socda iyo kuwii hore waxa ay ka qabteen,waxayna aad ugu mahadnaqee sidaa fiican ee loogu soo dhoweeyey caasimada Puntland ee Garowe. Intaasi ka dib ayaa waxa hadal kooban ka jeediyey kulankaasi Madaxweynaha DGPL mudane Maxamuud Muuse Xirsi wuxuuna ugu horrayntiiba u mahadnaqay weftiga Euda imaanshaha ay yimaadeen Puntland iyo sida ay igu faraxsan yihiin,waxaan idin leenahay ku soo dhowaada Puntland,intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi qoraal ka akhriyey agaasimaha Guud ee Madaxtooyada DGPl Eng Caydaruus Cismaan Yuusuf,qoraalkaasi ayaa waxa ku qornaa qorshaha u degsan Puntland iyo waxyaabaha Horumarinta ah ee ay Dowladdu qabatay iyo gobolada ay ka kooban tahay Puntland iyo weliba degmooyinkeeda,sidoo kale waxa ku qornaa waxyaabaha ka dhiman ee ay Dowladdu doonayso in laga caawiyo. Ugu dambayntii kulankaasi ayaa waxa uu ku dhamaaday isla falaqayn ka dib is afgarasho iyo jawi wanaagsan. Somaliweyn Media Center (SMC) Boosaaso Somalia
  3. Boliska Oo Digniin U Diray Idaacadda Maxliga Ee Horn-Afrik Muqdisho(Calanka.com) 24-Luulyo-2007 Dhageyso Taliska BoliskaOo Digniin U Jeedinaya idaacada Maxliga ee H/Afrik Taliska bolisk gobolka Banaadir ayaa digniino iyo eedeymo iswata u diray mid ka mid ah idaacadaha maxliga ee ka howlgala mgaalada Muqdisho, taasoo sida uu bolisku sheegay ka been abuuratay ilaalada xabsi ku yaal magaalada Muqdisho oo ey sheegeen in ey laaluush weydiisteen hooyo wiilkeeda lasoo xiray. Idaacadan Horn- Afrik oo lagu eedeynayo in ey maanta sii deysay wararkan been abuurka ah ayaa loogu baaqay in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiso boliska cadeymo la xiriira warka ey sii deysay iyo in ey keenaan xafiiska boliska hooyadii ey wareysteen oo ey ku sheegeen in ey bolisku weydiisteen kunka dollar oo laaluushka ah. Taliska boliska oo arintan aad uga carooday ayaa sheegay in idaacadan ey meel uga dhacday sharafta bolsika isla markaana ey doonayaan in ey shacabku ka kalsooni baxaan ciidamada boliska ee ku kala sugan isteeshinada gobolka Banaadir. Idaacadahan maxliga ah oo u badan kuwa ey si gaar ah u leeyihiin shaqsiyaad mucaarad ku ah dowladda ayaa had iyo goor baahiya oo kaliya waxyaalaha nagative ka ama lidka ku ah dowladda, waxaana dhowr jeer albaabada loo laabay kadib markii ey baahiyeen warar iska horkeenaya shacabka iyo dowladda federalka. Idaacadahan ayaa tan iyo markii xoriyadooda dib loo siiyay lagu wargaliyay in lala xisaabtami doono lana socon doono wararka ey baahiyaan, hadii war xaqiiqda ka baxsana ey baahiyaan ey masuuliyadeeda qaadi doonaan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  4. I am glad he is with thecourts now they can use his great knowledge and skills.
  5. Muqdisho: CALI MAHDI: “Waxaa noo cadaatay sida madaxda iyo shacabka G/Banaadir ay u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta” 24. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo shalay ka hadlayay bannaanbax dadweynaha G/Banaadir ay ku taageerayeen shirka, ayaa sheegay in si rasmi ah shacabka iyo madaxda maamulka G/Banaadir ay u muujiyeen taageeradooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Qaran, isagoo intaa ku daray in mahad celin iyo bogaa-din ay u jeedinayaan haddii ay yihiin guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran. Cali Mahdi waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in taageerida shacabka G/Banaadir ay tahay mid muhiim u ah shirka isla markaana loo baahan yahay inay sii wadaan. Hadalada Cali Mahdi ayaa waxa uu ka jeediyay bannaanbax aad u ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir isla markaana loogu talagalay in shacabka iyo maamulkaba ay muujiyaan soo dhoweynta ergada iyo taageerida shirka dib u heshiisiinta Qaran. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  6. Muqdisho: Maamulka gobolka iyo shirguddoonka shirka oo Bannaanbax aan loo kala harin laguna Taageerayey Shirka dib u heshiisiinta ka qeybgalay galabta 24. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Qiyaastii ilaa iyo 25-Kun qof oo isugu jiray qeybaha bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir, madaxda maamulka gobolka, Degmooyinka, mas’uuliyiin ka tirsan shirka dib u heshiisiinta, fannaaniinta Qaranka, Ciidamada Bambeyda, Ubaxa G/Banaadir iyo Suxufiyiin ayaa maanta waxay ka qeyb galeen bannaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana ka dhacay Garoonka K/Cagta Stadium Konis. Guddoomiye Maxamed Dheere oo maanta ka hadlayay bannaanbax aad u ballaaran oo G/Banaadir uu ku taageerayay shirka dib u heshiisiinta ayaa si gaar ah ugu baaqay kooxaha lidka ku ah shirka dib u heshiisiinta, isagoo yiri: “Kooxaha wax tuurtuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay danahooda ka hadlaan”. Guddoomiyaha G/Banaadir oo maanta Garoonka K/Cagta ee Stadium Konis kula hadlayay kumanaan ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir uu si cad u muujiyay taageerada iyo soo dhoweynta ergooyinka shirka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay in gobolka banaadir uu yahay gogosha shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana uu yagleelida Qaranka gobolku hormuud u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in 17-ka gobol ee dalka sidoo kale looga baahan yahay in shacabka ku dhaqan uu u muujiyo taageerada shirka iyo dowladda. “Kooxaha wax tuur tuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay ka hadlaan waxa ay tabanayaan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere. Bannaanbaxaasi oo ahaa mid si weyn loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan iyo heeso guubaabo ah oo lagu taageerayey shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. wareega dhexe ee garoonka Stadium Conis ayaa waxaa si raxan raxan ah u soo marayey degmo kasta oo darees hal midib leh xeran iyadoo sidoo kale kooxda Baybeyda ay ku soo bandhigeen gaardi ka ciyaar soo jiitay indhaha kumanaanka kasoo qeybgalay bannaanbaxaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. Banaan bax lagu taageerayo shirka dib u heshiisiinta oo ka dhacay Muqdisho. Mogadishu, 24 July 2007 (HornAfrik Media)Banaan bax lagu taareerayo shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa galabta ka dhacay garoonka kubada cagta Stadium Koonis ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxaasi lagu taareerayay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta gaadiidka booliska ee degmada Shibis ayaa banaanbaxaasi waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badanaa. Waxaana sidoo kale ka soo qayb galay banaanbaxa gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", gudoomiyaha gudiga gudoominta shirka weynaha beelaha Soomaaliyeed Mudane Cali Mahdi Maxamed, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mida gudoomiyaasha degmooyinka gobolka. Maxamed Dheere oo banaanbaxaasi qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in dadka wax tuur tuuraya ay yimaadaan miiska wadahadalka ee shirka haatan ka socda Muqdisho si waxa ay tabanayaan looga qanciyo kooxahaasi. Dhanka kale gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran Cali Mahdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in waqti xaadirkaani shirka heshiisiinta beelaha uu meel fiican marayo loona baahan yahay in ay qaybaha kale ee aan weli ka soo qayb galin ay kus soo biiraan shirkaasi ka soconaya magaalada caasimadaa ee Muqdisho. Banaanbaxaasi ayaa ah kii ugu horeeyay ee lagu taageero shirka dib u heshiisiinta ee ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana amaankiisa sugayey cutubyo ka mida ciidamada xukuumada federaalka KMGka ah ee Soomaaliya oo dhamaanba xiray wadooyinka waa weyn ee soo gala garoonkaasi kubada cagta ee Koonis.
  8. ^^^They have a point but they also commited many crimes against others, Forgive and forget.
  9. ^^^lool. Nice points adeer. Though the clans meeting is the beggining. As for the Ethiopian as you noted is a temporary excuse used by those who ahve most to loose to hold on, just a little bit longer. All government property has been returned in Mogadishu however for the private it should be left to the national court to establish a process. Political talk is important but as the day goes by the Asmara group seem more irrelevent.
  10. ^^^lool. Take it as you want adeer but you are welcometo Mogadishu to criticise your leaders.
  11. Abuu Quteyba Oo La Sheegay In Loo Dilay Fal Aar-goosi Muqdisho(Calanka.com) 23-Luulyo-2007 Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo ku dhowdhow goob joogna ka ahaa dilkii Macalin Quteyba oo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu kartida badneyd Maxkamadihii Islaamka ee laga awooda roonaaday ayaa waxa ey u xaqiijiyeen shabakadda warbaahinta calanka.com in dilkii Abuu Quteyba uu ahaa mid la xiriira fal aargoosi oo ey fuliyeen kooxo ey horay isugu kacsanaayeen kana wada tirsanaayeen Maxkamadaha, sida ey hadalka u dhigeen. Xubnahan aanu ka helnay wararkan oo diiday in lagu shaaciyo magcohooda warbaahinta sababo la xiriira amaankooda awgiis ayaa waxa ey iminka ku sugan yihiin mid ka mid ah dalalka ku yaal qaaradda Yurub oo ey haystaan dhalashadiisa, waxeyna intaa ku dareen in ey ku jireen dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay deegaanka Raas-Kamboni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia oo isku garab ahaa iyo dagaalyahanadii wadaadada. Dilka abuu quteyba ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in uu marar badan ka "dhaga adeygay" awaamirta wadaadadi ka sareysay oo ey dagaalka iskula jireen oo sida la sheegay uu dhaliilsanaa qaabka ey wax u wadeen una dagaalgalinayeen wiilasha dagaalamayay. Kadib markii la dilay Abuu Quteyba ayaa waxaa ka dhashay halkaa isqabqabsi, taasoo keentay in la dilo ama la qowroco qaar badan oo ku mowqif ahaa Macalin Quteyba dabadeedna dusha laga saaray eedeymo been abuur ah oo ahaa in ey ahaayeen jaajuusiin (Basaas) eyna ku hagayeen khadka taleefanka diyaaradaha duqeynta ku waday wadaada ee uu lahaa Mareykanka, waa sida ey hadalka u dhigeene xubnahan. Abuu Quteyba oo lagu tiriyo xubnihii Maxkamadaha Islaamka oo ku dhaqanka diinta ey dhab ka eheyd isla markaana daacad u gudanayay masuuliyadii ey u magacaabeen Maxkamadihii Islaamka ee eheyd ku xigeenka Amniga ayaa waxaa ey dhowr jeer intii uu jagadaas hayay isku dheceen masuulkii ka sareeyay Yuusuf Indhacade oo uu khilaafkoodu ugu xooganaa ka dhashay qaad (Jaad) ku fadhiyay lacag badan oo kasoo dagay garoonka Muqdisho kaasoo uu dab qabadsiiyay Abuu Quteyba. Waxaa sidoo kale jiray khilaafyo kale oo yar-yar oo u dhexeeyay Abu Quteyba iyo xubno ey ka wada tirsanaayeen daladda Maxkamadaha oo iyagu dhowr jeer isku dayay in ey qaab masuq-maasuq iyo laaluush wax ku wadaan balse uu ka diiday Abu Quteyba oo xiligaas ku dhaartay in kitaabka Alle uu ku garab wadaynin laaluush iyo waxyaale la mid ah. Mustafe Nuur Muqdisho
  12. ^^Lets wish for peace, for a period of 16 years hard battles have achieved nothing for the Somali's. Peace and national governance now thats wonderful for all, dont you think . Soldiers are on high alert outside the peace talks
  13. The national reconciliation conference may represent a few different things to many different people. To the opposition groups representing both the defeated armed groups as well as the confused secessionist no doubt loath it. To them it represents a set back and the withering away of their hopes that Mogadishu will be the defeat of Yusuf Yey and the Federalist camp. “Life is really simple, but men insist on making it complicated.” ~ Confucius Indeed the idea behind this conference is simple. 1. To reclaim Somali National Conferences for the Somali’s, holding it in our national capital and epicenter of our recent troubles. A timely move away from, Nairobi, Djibouti, Addis and as some would like even further away in Asmara. 2. To bring for the first time representatives of the warring clans together, for them to come face to face and sit as equals in their bombed out capital no doubt to reflect on the gruesome work that was done in the name of their clans. 3. To demonstrate to the Somali’s and the world that we are moving forward with this quest for governance and reclaiming our nation. And that Mogadishu can once again become the symbol of what is great about Somalia and the Somali’s
  14. ^^^lool, more threats why would you hope these old men get gunns pointed at them? Why wish such things, terrible indeed and its done with a smile.