
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: NRC all occupied private properties will be returned
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo sida Beeraha, Guryaha iyo Gaadiidka, waana la isu celinayaa” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, iyadoo hadalkaasina ay ergooyinka si weyn u soo dhaweeyeen -
CALI MAHDI MAXAMED: “Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo, waana la isu celinayaa” Sabti, July 28, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta mar uu la hadlayay Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisinta waxaa uu u sheegay in waxyaabaha la isu cafinayo aysan ku jirin hantida muuqata ee la kala heysto. “Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo sida Beeraha, Guryaha iyo Gaadiidka, waana la isu celinayaa”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, iyadoo hadalkaasina ay ergooyinka si weyn u soo dhaweeyeen. Hadalkan uu Cali Mahdi ka horjeediyay Ergooyinka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ergooyinka metelaya Beelaha Soomaaliyeed ay maalmahan ka doodayeen qodobka xalinta khilaafaadka Beelaha, kaasi oo Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay soo jeediyeen in wixii horay u dhacay xalay-dhalay laga noqdo. Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlayay diidamada ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan oo ay qanciyaan madaxda Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu sheegay in ay kula kulmayaan meel kasta oo caalamka ah, inkastoo uu caddeeyay in ay horay xiriirro marqaati leh ula sameeyeen qaar ka mid ah madaxda Maxkamadihii Islaamka. Macallin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ah Nabaddoonnada Beelaha ****** ayaa sheegay in Beesha ****** ay soo dhaweyneyso eedo ay ka sheegteen Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay mag-dhow ka bixiyaan wixii lagu sheegto. Intii uu socday ka doodista Qodobka Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa jiray Beelo soo jeediyay in lagu tacadiyay intii lagu guda jiray Dagaallada sokeeye, isla markaana lagu sameeyay waxyaabo ka baxsan Bani’aadannimada, walow isla Beelahaas eedda sheegtay ay hadana qireen in ay qudhooda dad waxyeeleen, hayeeshee aysan aad u talax-tegin Dhanka kalena, waxaa maanta tegay xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Wafdi ka socday Beesha Caalamka, kaasi oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Barlin Guard, iyadoo xubnaha wafdigaasna ay ka mid ahaayeen wakiillo ka socday Dalalka Talyaaniga, Masar iyo Norway, kuwaasi oo dhamaantood taageeray shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay xubnahan ay u sheegeen in ay sababo dhinaca duulimaadka ah ay u imaan waayeen xiligii uu furmayay shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hayeeshee ay haatan u yimaadeen in ay jeediyeen khudbooyinkii ay maalintaas jeedin lahaayeen. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha ****** iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
CALI MAHDI MAXAMED: “Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo, waana la isu celinayaa” Sabti, July 28, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta mar uu la hadlayay Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisinta waxaa uu u sheegay in waxyaabaha la isu cafinayo aysan ku jirin hantida muuqata ee la kala heysto. “Wixii Hanti ah oo muuqda kuma jiraan waxyaabaha la isu cafinayo sida Beeraha, Guryaha iyo Gaadiidka, waana la isu celinayaa”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, iyadoo hadalkaasina ay ergooyinka si weyn u soo dhaweeyeen. Hadalkan uu Cali Mahdi ka horjeediyay Ergooyinka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ergooyinka metelaya Beelaha Soomaaliyeed ay maalmahan ka doodayeen qodobka xalinta khilaafaadka Beelaha, kaasi oo Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay soo jeediyeen in wixii horay u dhacay xalay-dhalay laga noqdo. Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlayay diidamada ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan oo ay qanciyaan madaxda Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu sheegay in ay kula kulmayaan meel kasta oo caalamka ah, inkastoo uu caddeeyay in ay horay xiriirro marqaati leh ula sameeyeen qaar ka mid ah madaxda Maxkamadihii Islaamka. Macallin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ah Nabaddoonnada Beelaha ****** ayaa sheegay in Beesha ****** ay soo dhaweyneyso eedo ay ka sheegteen Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay mag-dhow ka bixiyaan wixii lagu sheegto. Intii uu socday ka doodista Qodobka Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa jiray Beelo soo jeediyay in lagu tacadiyay intii lagu guda jiray Dagaallada sokeeye, isla markaana lagu sameeyay waxyaabo ka baxsan Bani’aadannimada, walow isla Beelahaas eedda sheegtay ay hadana qireen in ay qudhooda dad waxyeeleen, hayeeshee aysan aad u talax-tegin Dhanka kalena, waxaa maanta tegay xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Wafdi ka socday Beesha Caalamka, kaasi oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Barlin Guard, iyadoo xubnaha wafdigaasna ay ka mid ahaayeen wakiillo ka socday Dalalka Talyaaniga, Masar iyo Norway, kuwaasi oo dhamaantood taageeray shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay xubnahan ay u sheegeen in ay sababo dhinaca duulimaadka ah ay u imaan waayeen xiligii uu furmayay shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hayeeshee ay haatan u yimaadeen in ay jeediyeen khudbooyinkii ay maalintaas jeedin lahaayeen. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha ****** iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
BAAQ TAAGEERO KU WAJAHAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SOMAALIYEED URURKA NABAD JACAYLKA SOMALIYEED SOMALI PEACE SPLU LOVING UNION. Manchester/24 jul 2007 UK/03. BAAQ TAAGEERO KU WAJAHAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SOMAALIYEED. Anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Dhexe, kan Fulinta, kan Taagerayaasha Ururka SPLU, gaar ahaan Bulshada Reer Baraawe meel kasta ay joogaan iyo kaygaba, waxaan marka hore soo dhaweynaynaa, isla markaana taageereynaa Shirka ka socda Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuna saabsan Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, ahna shirkii ugu horeeyay ee soomaalidu ku qabsato gudaha Dalka, iyadoo ka madax-banaan fara-gelinta shisheeye & iyadoo shirka gudihiisa aysan ka muuqanin dad ajaanib ah oo dhax-dhaxaadinayo Odayaasha Dhaqanka sida loogu arki jiray shirarkii hore oo soomaalidu lagu heshiisiinaayay. Marka labaad, waxaan salaan, duco iyo hambalyo u soo gudbinaynaa Odayaasha Dhaqanka ee nasiibka u yeeshay in ay ka mid noqdaan Ergooyinka lagu casumay Shirka, iyagoo matilaayo Bulshaweynta Soomaaliyeed, annagoo ka rajaynaynaa inay guul ugu soo hooyaan shacbigooda si ay fursad ugu helaan isu soo laabashada, is-cafinta, nabad-ku-wada-noolaasho iyo walaalaynta dadkii soomaaliyeed ee muddo ku siman 17 sano kala irdhoobay. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa in mas’uuliyadda iyo hawsha intaas la’eg ee Odayaasha dhabarkooda saaray uu Ilaah u fududeeyo, ceebtoodana asturo, hasa yeeshee, waxaan Odayaasha madasha Shirka fadhiya, ka codsanaynaa in ay muujiyaan sabar, is-qaddarin, istexgelin, wada tashi dhab ah iyo isku tanasulid, sifooyinkaasna ay yihiin kuwa lagu gaari karo hadafka in danta shirka, haddii la waayona ay sabab u noqon karta bur burka shirka, khilaafyada Beelaha soomaaliyeedna halkooda ka sii ambaqaadaan. Sidoo kale Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha oo uu hormuudka u yahay Mudane Cali Mahdi Maxamed iyo Xubnaha kale ee isagu la shaqeeya, ammaan iyo hambalyo u soo jeedinaynaa, una ducaynaynaa in uu Eebbe u fududeeyo hawshaas baaxada weyn leh dhibka badan, waxaase ula dar-daarmayna hawl-wadeenada shirka in ay si caddaalad iyo sinnaan u agaasimaan dhammaan arrimaha la xiriira shirka. Mahad gaar ah waxaan u soo jeedinaynaa Dowladda Federaalka KMG Soomaaliyeed oo suurta gelisay in Shirka Dib u Heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed lagu qabto Dalka Gudihiisa, Adduunweynahana ay u muujisay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka go,anta in ay dhexdooda ka heshiyaan Aaya-ka-talinta siyaasadda iyo hormarinta Waddankooda, iyadoo aysan la kaashanin qowado shisheeye, cidna aysan u baahnayn in ay dhex-dhexaadiso. Sidoo kale Dowladda FKMG, waxay gaashaanka ku dhuftay isla markaana beeneesay wararkii ku tiri ku teenka ahaa oo sheegaaye in Waddanka gudihiisa aan shir lagu qaban Karin, iyagoo sabab uga dhigaayay in Caasimada Soomaaliyeed (Muqdisho) aan la isku halayn Karin amman darro awgood. Waxaase Dowladda kula dar-daarmaynaa in ay tixgeliso go,aannada ka soo bixi doono shirweynaha , isla markaana hirgeliso si loo helo Maamul wanaag oo ku dhisan caddaalad ijtimaaci ah, sinnaan, nabad ku wada noolaasho iyo iskaashi. Waxaan si gaar ah ula dar-daarmayna Ergadii matilaysay Bulshada Reer Baraawe, in ay ilaaliyaan sharafta, magaca iyo haybada Degmadooda. Waxaan ku baraarujinaynaa in ay Guddiga Shirka u gudbiyaan wixii Shacbiga Reer Baraawe ay ka tabanaayaa Maleeshiyada Beesha sida xoogga ah ku haysato Maamulka Degmada Baraawe, dhibaato aan la soo koobi Karin u geysteen shacbiga Reer Baraawe. Ergada waa in ay si qeexan runta jirta uga baaraan degaan oo aysan, boogta kor kamasaxin oo keliya ee ay hoos ugu degaan, haddii la rabo in la helo xal waarta. Cid aan Ilaah ka ahayn ha ka baqanin, Odayaasha shirka fadhiya u bandhiga awood sheegashada Cabdullaahi Xalane Dhuxulow iyo xasuuqi mooriyaantiisu u geystay Ciidamo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ka hawgala, kuwaas oo ka tirsan dadka ka soo jeeda Degmada Baraawe oo u socday inay xaasaskooda & reerahooda soo booqdaan iyo dad shacab ah, dhacdadaasoo fool xun leh ka dhacay goob Magaalada Baraawe u jirto 15 Km., taariikhdu markay ahayd 19kii bisha aynu ku jirno Dadkii ku kacsan Siyaasadda Dowladda, waxaa iyaga kula talinaynaa in ay Alle ka baqaan oo ka daayaan caruurta, haweenka iyo dadka matada ee xamaalanaaya ee ay miinooyinka u dhiibaan oo naftooda iyo dad aan waxba galabsan aad ku haligaysaan. Ogaada in aadan is-hortaagi Karin IRAADADA Ilaahay iyo rabitaanka shacabka intiisa badan, waayo waxaa la gaaray xilli aan cidna la juu-juubi Karin, dulmiilayaasha iyo daba-dhilifkooda gabbal kooda wuu dhacay Xaqa waa soo daaxiri doono, haddii Eebbe raalli ka noqdo mar dhaw qof walba uu heli doono wixii xuquuq ah ee laga marooqsaday, muddo 17 sano ku noola si silic iyo caga juglayn uga imaanaayay maleesiyadii si sharci darro ah ku haysto Deegaanno aysan u dhalan. Waxaan Baaqayna iyo taagereyna ku soo geba-gebenaynaa HAL KU DHIGA Ururka SPLU oo saldhigga u ah Dhismihiisa & Jiritaankiisa kaasoo ah: Nabad, Caddaalad, Sinnaan, Nabad ku wada Noolaasho, Midnimo, Iskaashi iyo Walaalayn. Soomaalidu waxay ku Maah Maahda: Haddii Ceelay ay heshiyaan ayaa geel biyo cabaa, sidaas darted, waxaan Eebbe ka tuugaynaa in Somaalida qalbigooda isku keeno, naxriisna ku beero si ay u walaaloobaan, sharaftooda iyo karaamadooda ay soo ceshadaan. Soomaaliya Ha Noolaato, Ha Is-raaco. Ha Midoobo. Aamiin, Allow naga aqbal baryadeena iyo ducadeenaba. WAA BILLAHI TOWFIIQ. KUSIMAHA GUDDOOMIYA URURKA Dr. Abdulqaadir Maye,
-
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Suppose does India occupy Bangladesh today and are the US masters of France? Thus this Ethiopian/Ugandan supportis temporary and the Somali state is in no danger. Yes your clan militias who looted properties are in peril but the state of Somalia is back adeer. -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Or Mr Juje... Take the history of Bangladesh Indian troops entering Daka -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Juje, funny that you think this type of nation support is unique to Somalia. Even developed natio have been through such difficult periods. France was supported by the US and Britian agaiants the Fascist Germans and their Viche regime. Now De-Gaulle created the longest lasting French republic which stands till today.. Charles De-Gaulle trying to convince Eisenhower then General -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafti balaaran oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada muqdisho Wafti balaaran oo ka socda beesha caalamka ayna ka mid ahaayeen wadamada Talyaaniga, Norway, Massar,Yemen,wakiilo ka socda qaramada midoobay ayaa maanta si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay garoonka caalamigaa ee Aadan Cadde international aiport iyadoo amaanka siwayn loo adkeeyay kahor intii aysan waftigu ka soo dagin garoonka. Waftiga ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxaa isma markiiba loo galbiyay goobta uu ka socdo shirwaynaha qaran ee Xaafada cabdulcasiis. Wafttiga ayaa ka qayb galay shirwaynaha somaliyeed oo markaasi si toosa ugu soconayay xarunta shirwaynaha qaran iyadoo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan waftiga uuna kamid yahay wakiilka qaramada midoobay ka socday iyo sidoo kale ergayga talyaaniga u qaabilsan arimaha somalia. Waxaa ugu horayn hadlay Ergayga talyaaniga u qaabilsan arimaha somalia Stephano Jack isagoo sheegay in dawladiisu ugu deeqday shiraynaha qaran lacag gaaraysa 400,000,000$ lacagtaas oo loogu talagalay socodsiinta iyo dardar galinta shirwaynaha qaran ee ka socda muqdisho. Waxaa isna halkaasi ka hadlay K/xigeenka wakiilka Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia, Barlin Guard oo isna sheegay in qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shirwaynaha qaran kuna hanwaynyihiin inay ka soo bixi doonaan ereyo wax ku ool ah. Allmudug.org news disk. -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'isul wasaare Geeddi oo kulan la qaatay wasiirka dibada dalka faransiiska iyo madax Midowga Africa. Mogadishu, 28 July 2007 (HornAfrik Media) Ra'isul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo maalintii shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi kulamo kula qaatay madaxa Midowga Africa Alpha Omar konerry iyo wasiirka arimaha dibada dalka Faransiiska Mr Geedi ayaa mas'uuliyiintaasi kala hadlay sidii dowlada KMG ah ee Soomalaiya gacan looga siin lahaa xalinta dalka iyo ka mira dhalinta dadaalada nabadda ee ay dowladdu wado. Mr Geedi ayaa ku war giliyay mas'uuliyiintaasi in dowladiisa ay ku guuleystay qabshada shirka dib u heshiisiinta qaran islamarkaana ay ku rajo weyn tahay in natiijo la taaban karo ka soo baxdo . Waxa uu intaa raaciyay Geedi in inta badan belaha Soomaaliya ay ka soo qeyb galeen shirka dib u heshiisiinta balse ay jiran dhinacyo haray oo uu sheegay in ay sugayaan. “Weli waan soo dhaweeyneeynaa cid Alaale iyo cidii ka soo qeyb galeysa laakiin kuma jiraan shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada caalamka”ayuu intaa raaciyay Geeddi . Mr Geedi waxa kale uu sheegay in amaanka Muqdisho uusan ahayn sida loo buun buuninayo balse amaanka uu soo wanaagsanaanayo,iyadoo taasina ay suura galiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah ee Soomaaliya kusugan. Wasiirka arimaha dibadda dalka Faransiiska ayaa isna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay u baahantahay fara gilin deg deg ah. Waxa uuna wasiirkaani cadeeyay in qalad ay tahay in la iska inadha tiro xaaladda Soomaaliya oo uu sheegay fara galinteeda ay ka sahlan tahay tan Daarfoor . Wasiirka arimaha dibada dalka faransiiska waxa uu balan ku qaaday in dowladiisa ay xoojineyso ciidamada dalka Burundi ee dhawaan soo gaaraya dalka Soomaaliya . -
Chinese gamble on finding oil in hostile Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkadda saliida ee CNOOC iyo dowladda kmg ah oo heshiis kala saxiixday Waxaa soo baxeysa faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan inuu jiro heshiis dhanka shidaalka ah ee ay wada saxiixdeen shirkad shidaalka baarta ee dalka Shiinaha ee CNOOC iyo dowladda kmg ah. Shirkadda CNOOC oo ah shirkad hoos tagta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay ku dhiiranayso inay shidaal ka baarto kana soo saarto dalka Soomaaliya ka dib markii ay sidaasi isku waafaqeen iyada iyo dowladda kmg. CNOOC waxay sheegtay in hawshaasi ay wadageli doonaan iyada iyo shirkadda ay wadashaqeynta ka dhaxeyso ee isla dalkaasi Shiinaha ee China International Oil and Gas. CNOOC waxay sheegtay in markii ay eegtay saddex arrimood ka dib ay heshiiskaasi la gashay dowladda kmg ah. Dowladda kmg ah oo sharci u leh inay heshiisyo ceynkaasi ah ay saxiixi karto ayna u muuqato inay awooda dalka sii hayn doonto Colaadaha qabaa’ilka ka dhex dhaca aanu wax curyaamin ah ku keeni doonin hawsheeda Qodobka saddexaad waa dalka Soomaaliya oo leh xoogaa saliid ah oo u qalanta in la soo saaro. Dhowr shirkadood oo reer Galbeed ah ayaa jiray heshiisyo sidan oo kale oo 1980maadkii la saxiixday dowladdii maxamed Siyaad Barre, balse shirkadahaasi waxay dalka ka baxeen 1991-kii markii la riday nidaamkii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad. Wixii markaasi ka dambeeyay shirkadahaasi waxay u arkaan Soomaaliya meel aan xasiloonideeda laysku haleyn Karin, balse shirkadda CNOOC waxay caan ku tahay inay ka hawlgasho gobollada Soomaaliya oo kale. Ra’iisal wasaaraha dowladda kmg ah Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu todobaadkii hore sheegay in lagu marti qaadi doono shirkadaha Chevron, ConocoPhillips, BP, Shell iyo ENI inay dalka dib ugu soo laabtaan ayna bedelaan heshiisyadoodi hore, marka ay dowladda kmg ah soo saarto sharciga kheyraadka dalka oo la soo saari doono labo bilood ka dib. C/qaadir Nuunow SBC Boosaaso nuunow16@hotmail.com -
Marka: Interview with governor Lower Shabbele
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Full interview source -
Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya oo aan Shaley la Yeelanney Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaadir Sh. Maxamednuur. 07/26/07 Aadan Cusmaan - DMC-Marka Muqdisho [DMC] 25 July 2007. Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo aan shaley la yeelanney Gudoonka G. Sh. Hoose oo markaas ku sugnaa Degmada Awdheegle ayaa ku saabsan waxa u hirgaley maamulkiisa, amaanka guud ee Gobolka, aragtida ay bulshadu Gobolku ka qabaan maamulkiisa, xiriirka u dhaxeeya assaga iyo xubnihii la shaqeyn jirey ‘Indhacadde’ oo haatan maamulkiisa ku jira, dhacdooyinkii xasuuqa ahaa ee ka dhacey Degmada Baraawe, wixii uu ka qabtey, sida laga damacsan yahay ammaanka maamulada Degmooyinka Sablaale iyo Baraawe iyo in uu gacanta ku hayo kontoroolada Gobolka ee min Koonfur ilaa Waqooyi.
-
Whats this mans role in the clan courts Jihad
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u jawaabay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Faransiiska Written by Osman Dhayib Poor Best Saturday, 28 July 2007 Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamihii Islaamka Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa beeniyay eedeyn ay Qaramada Midoobay u jeedisay Dowlada Eritrea, taasi oo ahayd in Dowladda Eritrea ay hubeysay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in uusan jirin wax hub ah oo ay Dowladda Eritrea siisay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddiiba Soomaaliya hub la geliyay ay gelisay Dowladda Itoobiya. Madaxa Maxkamadihii Islaamka waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Qaramada Midoobay oo la rabay in dhibaatada ka dhaceysa Soomaaliya ay ka hadasho ay la soo baxdo Door aaney dhexdhexaadnimo ka muuqan. Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea waxaa uu intaas ku daray in hadalka ka soo yeeray Qaramada Midoobay uu yahay mid aan la fileyn, isagoo xusay in taas bedelkeed looga baahnaa in ay cambaareyso dhibaatada ay Ciidamda Itoobiya ku hayaan dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kalena Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka jawaabay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ka sheegay Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ahaa in aysan nabad rabin, wuxuuna sheegay in hadalka ka soo yeeray Dowladda Faransiiska uu yahay mid aan xaqiiqo ahayn oo weliba aan laga fileynin Dowlad ka mid ah Dowladaha waa weyn ee Reer Yurub. Sidoo kalena Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdou ayaa beeniyay in Dowladdiisa ay hub u dirtay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Wararkaasi faafiyeen Dowladda Mareykanka oo sida uu yiri qarineysa faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku heyso Soomaaliya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Koox ka tirsan Qaramada Midoobay oo u xil saaran la socosahda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkad fadhigeedu yahay Dalka Ghana oo nooceedu yahay Boeing 707 ay 13 jeer isaga kala gooshtay Magaalooyinka Asmar iyo Muqdisho, taasi oo siday Hub ay ka qaaday Dalka Eritrea. -
^^^lool. Shabbele [indaCade] mouth piece alone reports ist then it must be true. loool, Anyhow IndaCade is not missed by anyone and his remaining militias will be cleaned up by the locals.
-
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I have become used to the ever changing shift towards national governance. Nothing supsises me anymore adeer. -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Geedi oo la kulmey Bernard 28 Jul 28, 2007 - 8:21:34 AM Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Faransiiska Bernard Kouchner, kulankaasi oo looga wada hadlay arrimaha xasaasiga ah ee dalka Somaliya iyo sidii dowladda Faransiiska gacan ugu geysan laheyd taageerada ay siineyso Soomaaliya. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda u sheegay in labada dal ay ka wada hadleen xiriirkooda iyo sidii dowladda Faransiiska ugu qeyb qaadan laheyd nabadgelyo ku soo dabaalida dalka Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dalka, wuxuna Geeddi amaan ballaaran u soo jeediyay doorka ciidamada Ugandha iyo Itoobiya ay ka ciyaareen nabadgelyo ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Geeddi ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibada Faransiiska in xaalada nabadgelyo ee dalka ay iminka wanaagsan tahay isla markaana beelaha Soomaaliyeed ay xiligan ka tashanayaan aayaha mustaqbalka iyo dib u heshiisiinta iyadoo la filayo in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo buu yiri Geeddi. Bernard Kouchner Wasiirka arrimaha dibada Faransiiska ayaa ku amaanay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya qaabka ay u wajahday dib u heshiisiinta oo uu ku tilmaamay in taasi ay macnaheedu tahay nabad ka dhalata Soomaaliya. Bernard Kouchner ayaa kulankasi kadib shegay in caalamka uu faragelin karo arrimaha Somaliya si wax looga qabto xaladaha ka tagan wuxuna ugu baaqay QM in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo nabad ilaalin ugu dirto dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay tageero u fidineyso ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi, wuxuuna Bernard Kouchner uu qiray in dowladda Faransiiska ay door muhiim ah ay ka qaadaneyso sidii Qaramada Midoobay ay wax ugu qaban laheyd arrimaha Soomaaliya si loo soo afjaro colaadaha ka taagan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Alpha Omar Konari iyadoo labada mas’uul ay isla soo qaadeen arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo natiijada laga filan karo. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho -
^^^No doubt those regions and states as small as they are would welcome peace for Somalia. Thus so far we know the US, UN, EU, and the AU have gone beyond just welcoming and have supported the NRC with funds and political support. Today alone we have a delegation in Mogadishu , a high level meeting between the FM of France and PM Geedi as well as the Italians contributing a further 400,000. US Dollars. never seen diplomatic moves, but the TFG is not like the old A/Qasin type bull. Its a real government.
-
Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Madaxweynaha Raashia oo Taageyrey Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Somaliyeed Madaxweynaha dalka Raashia ayaa hadalkan ka jeediyay xafiiskiisa mar uu safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Raashia Prof Xandulle uu ka guddoomayey waraaqaha aqoonsiga safiirnimo iyadoo uu soo dhoweeyay safiirnimada cusub wuxuuna kula dardaarmay safiirka Somaaliya Dowladda Raashia ayaa shaacisay in ay taageersantahay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed kaas oo ay sheegtay in uu soo dadajin doono xal u helida dhibatooyinka ka taagan dhamaan dalka somalia. Madaxweynaha dowladda Raashia Faladamiir Putin ayaa sheegay inuu dalkiisu si aad ah u taagerayo shirka beelaha Soomaaliyeed wuxuu kaloo madaxweynuhu si aad ah u amaaney hoolaha nabadeynta ahi ay dowlada kmg ah ka qabatey gobolo badan oo kamid ah somalia gaar ahaan magaalo madaxda somalia ee Muqdisho. Mr:Putin waxaa kaloo uu sheegay in uu si buuxda u taageerayo dadaallada ay dowladda Federaalka ugu jirto nabad iyo amaan kusoo dabaalidda dalka iyo dib uheshiisiinta fikirradaha kala duwan ee Soomaalida ka dhax jira. Wuxu kaloo Muujiyay Faladamiir Putin sida uu u aaminsan yahay in ergada ka socota midowga Afrika ee nabad ilaalinta u joogta Somalia ay awood u leeyihiin xasilooni ku baahinta dalka Somalia. Madaxweynaha dalka Raashia ayaa hadalkan ka jeediyay xafiiskiisa mar uu safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Raashia Pro Xandulle uu ka guddoomayey waraaqaha aqoonsiga safiirnimo iyadoo uu soo dhoweeyay safiirnimada cusub wuxuuna kula dardaarmay safiirka Somaaliya in howshiisa si xaq ah uu u gudto. Waa markii ugu horeysey 18 sano ka dib ay dowlada somalia u magacawdo safiir wadanka Raashia, ayadoo la fillayo Amb Pro Xandulle in uu ka cayaari doono doorweyn oo wax ku ool leh xiriirka somalia iyo Raashia, maadama Pro Xandulle uu yahay nin aqoon sare u leh arimaha dubulomaasiyaded ee dalka Raashia wax barashadiisana ku dhameystey wadanka Raashia kana gaarey ilaa iyo P.H.D. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia
-
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^lool. How come the delegate is in Mogadishu at all? -
Chinese gamble on finding oil in hostile Somalia By Barney Jopson, Financial Times Nairobi: CNOOC's willingness to strike an oil deal with the fragile government of Somalia, which has been a failed state for more than a decade, has provided stark evidence of China's willingness to brave terrain that western oil majors deem too treacherous. The state-owned Chinese oil giant has signed a production-sharing deal with the transitional federal government in the east African country, which ranks as a high-risk frontier even in an industry well accustomed to dangerous environments. In doing so, CNOOC and its smaller partner, China International Oil and Gas, are gambling on three points. First, that the interim government has the authority to make such deals and will stay in power. Second, that violence stemming from perennial inter-clan conflicts and more recently Islamist extremism will not derail its work. Third - and most fundamentally - that the country has some oil worth extracting. Several western oil majors held exploration concessions in Somalia in the 1980s but fled in 1991 when the overthrow of dictator Mohammad Siad Barre ushered in 16 years of chaos. Sharing production Ali Mohammad Gedi, Somalia's interim prime minister, said last week that ConocoPhillips, Chevron, BP, Royal Dutch Shell and Eni would be invited to return and change their concessions into production-sharing agreements under an oil law due to be published in the next two months. But that looks like a distant prospect. BP, Shell and Eni say they still consider the concession deals to be subject to force majeure - code for unexpected and disruptive events that prevent contractual obligations from being met. Chevron and ConocoPhillips have declined to comment. Thomas O'Connor, chairman of Benchmark Oil and Gas and a former World Bank oil engineer who studied Somalia, said: "Many of the companies there in the 1980s have been subsumed into others and the bigger they get the more conservative they become. The super majors will likely talk about it internally, but my guess is the legal counsels will say 'No, let's wait until the dust settles'." Chris Brown, a sub-Saharan Africa analyst at Wood Mackenzie, a consultancy, says: "The big issue at the moment is there are three different governments issuing exploration contracts, hence the legitimacy of these licences may be thrown in doubt if there were to be any change in the political landscape." The government of Somaliland, a northern province that considers itself independent, struck a production-sharing agreement with Ophir Energy in 2003. The government of the semi-autonomous Puntland province has given Range Resources of Australia and Canmex Minerals of Canada joint exploration rights in part of the region. Political challenges CNOOC's deal - details of which emerged last week - covers another part of Puntland and was endorsed by President Abdul Lahi Yousuf Ahmad, who hails from the province, even though the transitional government's authority there is tenuous. The prime minister himself has questioned the validity of the Chinese agreement because it was signed before the new oil law is in place. O'Connor says: "Big oil companies are loath to go into dodgy areas where they don't have good contractual relationships. But the Chinese are taking the view, 'Let's just do it and deal with the consequences later.' It's buccaneering." CNOOC has acquired a reputation for risk-taking - a reflection of the fact it is ultimately serving China's strategic need for oil rather than purely commercial objectives. Insecurity in Somalia was underlined last Thursday when the reopening of a conference intended to promote reconciliation between the country's clans, warlords and political factions was marred by bomb attacks that killed at least five children near the Mogadishu venue. Range Resources estimates that Puntland has the potential to yield five billion to 10 billion barrels of oil. The US Energy Information Administration, however, says the country has no proved oil reserves. Source: Financial Times
-
Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Dowlada Fedaralaka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay caasimada Puntland ee Garoowe Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyay markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaasi oo ay dadweyne fara badan ku soo dhoweeyeen. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyay u sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu u dejin lahaa xiisadaha ka taagan Puntland, xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka, wuxuuna mahad celin ballaaran u jeediyay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Puntland ee halkaasi ku soo dhoweysay. Madaxweyne Yusuf ayaa wuxuu sheegey Mudo Sadax maalmood ah inuu Puntland ku sugnaan doono isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse, Golaha Wasiirada, Golaha wakiillada, isimada Puntland iyo waxgaradka kale. Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ah sidii uu Madaxda Puntland iyo wax garadkeeda ugu adkeen lahaa in ay usuurtoobin cadowga maleegaya burburinta puntland. Wixii war ah ee kusoo siyaada kala soco shabakada carmooyin.com -
Mogadishu: UN delegates attend Conference extra funds PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
France's Kouchner calls for urgent UN force in Somalia ADDIS ABABA (AFP) - French Foreign Minister Bernard Kouchner said Friday the United Nations should urgently send a peace force to Somalia, where he suggested such a deployment would be easier than in Sudan's Darfur. "The urgency is great," Kouchner told AFP after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in the Ethiopian capital Addis Ababa. "In Somalia, we could intervene and retrieve the situation a little." Kouchner said it would be easier for the UN to act in Somalia than in Darfur -- the western region of Sudan where civil war has raged since 2003 -- because there would be no restrictions on where the UN troops came from. Khartoum has said that only African peacekeeping troops can be deployed by the UN if it intervenes in Sudan. Violence has been escalating in Mogadishu, where Islamist insurgents are launching attacks almost daily on the government, which is supported by Ethiopian troops and African Union peacekeepers. Uganda has deployed at least 1,500 troops in Mogadishu, a vanguard of around 8,000 troops the African Union is struggling to assemble to help Somalia's weak government. A bloody power struggle has enveloped Somalia since dictator Mohamed Siad Barre was ousted in 1991. The UN Security Council last month gave a cool response to a call from Gedi for the immediate deployment of a UN peace force in his strife-torn country. -
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Addis Ababa: Raysal wasaaraha DF & Wasiirka Arimaha dibada Faransiiska oo wada hadalo yeeshay. 28. juli 2007 Addis Ababa(AllPuntland)- Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi Iyo Wasiirka Arimaha dibada Faransiiska Bernard Kouchner ayaa waxa ay kulan gaaban ku yeesheen Magaalada Addi sababa. Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu usheegay Wasiirka arimaha dibada Faransiiska in xaalada dalka Soomaaliya tahay xiligan mid dagan oo aysan ka jirin wax dhibaato. Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu sheegay in shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uu si wanaagsan uga socdo Magaalada Muqdisho ,isagoo raysal wasaaruhu sheegay in kulankaasi ay ka qeybgalayaan beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo yiri waxa ay ka tashanayaan aayaha Soomaaliya. Prof: Geedi ayaa wuxuu beesha Caalamka sheegay in qaar ka mid aysan fulin balanqaadkii ku aadanaa in ay dhaqaale ku taageerayaan shirweynaha dibu heshiisiinta Soomaaliya ,ayadoo uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay fuliso balanqaadkii ay qaaday. Wasiirka arimaha dibada Faransiiska ayaa wuxuu ku amaanay dawlada Soomaaliya qabashada shirweynaha beelaha Soomaaliyeed lays kugu keenayo kaas oo ku tilmaamay wasiirka arimaha dibada in uu yahay mid wadada uxaaraya nabadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya oo soo laabata. Wasiirka ayaa qiray in loo baahan yahay ciidamo caalami ah oo kaalmeeya dawlada Soomaaliya ,si buu yiri dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ay unoqoto mid leh Awood Milateri leh iskana difaacda kooxaha ka soo horjeeda. Mr.Kouchner ayaa ku booriyey dawlada Soomaaliya in ay wado dadaalada nabada ee ay ku dooneyso in ay Soomaaliya ka soo celiso dagaalo ahli ah oo ay ku jirtay 17 sanno. Wakaalada wararka Itoobiya ayaa sheegtay in wasiirka arimaha dibada Faransiisku baaq caalami ah ujeediyay qaramada Midowbay oo uu kaga dalbanayo in ay ciidamo caalami ah u dirto dalka Soomaaliya. Shirkan dhexmaray raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka arimaha dibada Faransiiska Bernard Kouchner ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland