General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Its true but LA is part of the Puntland "tribal entity"..No kidding you adeer.
  2. Somalithinker: even the BBC/Somali section has now reported what we have been saying all along. Audio http://www.bbc.co.uk/mediaselector/check/somali/meta/dps/2007/10/071003_sool1?size=au&bgc=003399&lang=so&nbram=1&nbwm=1&bbram=1&bbwm=1 Oh you was also a fan of the VOA... Idaacadaha VOA Iyo BBC du maxay ka sheegeen magaalada Laascanood News/Articles Waraysi Maqal ah VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa Axmad Kismayo[ Wariyaha BBC] ayaa sheegey in guud ahaan magaalada Laascanood iyo weliba Aagii hore ee dagaalku ka dhacay in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dawiishta Puntland wuxuuna yiri ma arag cid kale oo meesha joogta,hadalkaa waxaa maanta ka soo diray magaalada Laascanood Axmad Kismayo[ Wariyaha BBC]. waxaa ganbi ahaanba haysta magaalada laascaanood iyo nawaaxigeedaba ciidamada puntland hadii ay ahaan lahayeen daraawishta ama pooliska waxaa magaalada lagu arkayaa meel walba ciidamada puntland mar aan u soo dhaqaaqay dhankaa iyo kortaroolka waqooyi waxaan ku arkay ciidamada puntland Halka ka dhegeyso waraysigii oo dhan Dhinaca kale waxaa maanta tegey magaalada Laascanood Wariyaha Idaacada VOA Nuux Muuse ee Puntland warbixintii oo dhan halka ka dhegeyso Halka Riix SOURCE Siciid C/laahi
  3. Banaanbax xooggan oo manta ka dhacay magaalada Laascaanood. Laascaanood (WNT)-Banaan bax si wanaagsan loo aggaasimay ayaa manta abbaarihii 11.30 xilliga bariga Africa ka dhacay magaalada Laascaanodd ee xarunta gobolka Sool. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada kuwaas oo ku qaylinaya halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan maamulka Soomaaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa . “Soomaaliland dooni mayno' Dhuuni qaate dooni mayno” ayey ku qaylinayeen banana baxayaashu iyo weliba hal ku dhegyo kale oo dhan ka ah isla maamulka Soomaaliland. banaanbaxayaasha ayaa boorar waa wayn la dhex qaadayey wadooyinka waaweyn ee magaalada laascaanood iyagoo dhagax tuuraya meheradaha furan si ay ugala qaybtaan banaanbaxa. Banaanbaxaan ayaa ilaa iminka la ogayn cidda soo abaabushay ayaa ahaa kii ugu xoogga badnaa ee abid ka dhaca magaalada Laascaanood, iyadoon baanaan baxaani uusan keenin wax rabsho ah. Mudaharaadka manta ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Laascaanood ay maalmihii ugu danbaysay ay noqotay xarun dagaal, oo isaga hor yimaadeen maamullada Puntland iyo Soomaaliland,rabshadaahs oo keenay dhimasho,dhaawac iyo maxaabiis la kala qabsaday. Baashi Jaamac
  4. Banaan Bax Xoogan Oo Wali Ka Socda magaalada Laascaanood (Laascaanood}3.10-7 banaan bax xoogan oo wali ka socda magaalada laascaanood iyo banaan baxayaasha oo gubay astaanta calanka u ah maamulka hargeisa............................. Banaanbax balaadhan oo looga soo horjeedo ciidamada cadowga ah ee somalidiidka ayaa ayaa ilaa hadeer wali ka socda dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada laascaanood. Banaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan qof oo isugu jira Rag iy Dumar ayaa looga soo horjeeday ciidamada Cadowga ah ee somaliland ee la sheegay inay soo galeen meelo ka mid ah gobolka sool iyadoo sidoo kale lagu taageerayey difaaca adag ee ay kujiraan ciidanka mujaahidiinta ah ee maamul goboleedka somaliyed ee puntland. Dadka banaanbaxa ka soo qeybgalay qaarkood oo shacauurtooda aad u kacsaneyd ayaa watay boodhaadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Kala qoqobkii waa dhamaaday, isaaqland waa cadow soo jireen ah” iyo ereyo kale oo ka tarjumaya ujeedada banaanbaxa maanta uu ku saleysnaa. kadib markii ay dhanka koonfurta magaalada laascaanood u gudbeen banaan baxayaashaas ayaa waxaa rasaas soo huwiyay maleshiyaad gabaad ka dhiganayay halkaas kuwaas oo dadkii kala erayay balse koldanbe ayay dib isu soo habeeyeen iyagoo halkii kasii watay banaan baxa. banaan baxayaasha oo dhinac marayay xafiiska radio widhwidh ayaa aanu lakulanay isla markaana aanu weydiinay ujeedada banaaanbaxa saaka. "waa banaan bax aanu ku diidanahay nidaamka xagjirka ah ee kajira hargeisa iyo shirqoolada laga soomaleegayo asmara waa banaan bax aanu isga kicinayno cadow aanu mudo u dul qaadanaynay" ayay si cadho leh u tidhi mid kamid ah haweenkii banaan baxa samaynayay oo gacanta midigna kuwadatay faash sifiican u afaysnaa. banaanbaxayaasha oo ilaayo hadeer oo salaadii duhur lagu jiro banaan baxaya ayaa waxay gubeen calanka sadaxda rinji ka kooban ee ay astaanka ka dhigtaan ciidamada cadowga ee maamulka hargeisa. banaan buxu wali wuu socdaa wixii soo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa insha allaah Jordan:::Widhwidh Online News Desk..media center
  5. Puntland oo xaqiijisay gacan ku haynta Lascaano 3 Oct 3, 2007 - 9:06:47 AM Laascaano ayaa maanta dagan waxaana gacanta ugu jirtaa ciidamada Puntland sida uu ku soo waramay wariyaha BBC-da u jooga Puntland oo maanta booqasho ku tagey magaalada. DGPL ayaa maanta ku maqrtiqadey Lascano koox suxufiyiin ah oo isugu jirta Idacadaha maxaliga ah ee Puntland iyo kuwa shisheeye si ay u soo xaqiijiyan xaalada rasmiga ee ka jirta gobolka isla markana meesha uga saaraan shegashada maamulka Somaliland. Axmad Kismayo[ Wariyaha BBC] ayaa sheegey in labada Kontrool ee magalada ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland iyo goobaha dowlada isla markana ganacsigu yahay mid caadi ah. Kismayo ayaa tilmamey in ciidamo beeledyada tagersan Somaliland ay ku suganyihiin magaalada qaybteeda galbeed balse aysan laheyn awood ciidan oo balaaran iyada oo magaalada isku dhaafyaan ciidamada Puntland oo labisan Tuutaha. Wariyahan ayaa tibaaxey in labada ciidan[Puntland &Somaliland] isku horfadhiyaan meel aan kala fogeyn suurtagalna tahay in ay dagaalamaan laakiin roobab da'ay awgood gadiidka ciidanku ka dagi karin wadada laamiga ah taasna suurtagal tahay Saraakiil u hadashay maamulka Somaliland ayaa maalmhaan saxaafada u sheegayay in ay gacanta ku hayaan magaalda Lascaano. DHAGEYSO: Warbixinta Axmad Kismayo Warar dheeraad ah ayaan idiin soo gudbin doona marka Wariyaha Radio Garowe oo ka mid ahaa suxufiyiintan dib ugu soo noqdo Garowe. Garowe Online+Wakaalada-Garowe
  6. Ciidamada Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo ka fuliyanaya Howlgaladii ugu waynaa Magaalada laascanood iyo nawaaxigeeda Goobihii ay ku dhuumalaysanayeen kooxa falaagada ahi. Laascaanood: Ciidamada la magacbaxay Maamulka Somaliland ayaa Dhowaan dagaal ku soo Qaaday Ciidanka Maamul goboleedka Puntland waxaana ay Dagaalkaasi 2 da dhinac ee Puntland iyo somaliland ku wada dagaleem ilaa 3 jeer waxaana hada waqtigan xaadirka ah gacanta ku haya magaalada Laascaano maamulka Puntland oo awooda Gobolka iyagu mar walba oo dhan haaya. Ciidamada Puntland ayaa maanta ilaa iyo saacadihii aan soo dhaafnay waxay ka fuliyeen howlgaladii ugu balaarnaa magaalada gudeheeda, kaasoo ay xoojinayaan amaanka magaalada Laascaanood, xarumaha dawlada iyo kantaroolada laga soo galo magaalada Laascaanod iyagoo baaraya baabuurta soo galaysa magaalada amase ka baxaysa , Waxaana Ciidamada PL oo wata baabuurta gaashaaman ayaa waxaa ay roondooyin ku marayaan wadooyinka magaalada Laascanood. Ciidanka Puntland ayaa ugu awood sheegtay Ciidanka taabacsanaa maamulka Hargeysa iyo maleeshiyadii gacan saarka la lahaa Sidoo kale waxaa Gobolada Sool iyo Sanaag ka soo Baxaya Baaqyo ay Masuuliyiintu ku canbaraynayso Maamulka woqooyi galbeed. Maxamed Axmed Ciise Bosaso dhar.com
  7. Laascaanood: “Dooni-meyno Soomaali diidka Dooni-meyno dhuuniqaatayaasha” Dibadbax balaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood. 3. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Kumanaan qof oo reer Puntland ah ayaa isku soo baxay Fagaarayaasha magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ,dadkana waxa ay adeegsanayaan Faasaas ,Burar iyo waliba dhagax tuur xoogan. Mudaharaadyadan ayaa bilowday saaka waabarigii waxa ayna socdeen ayagoo roobab ka socdaan magaalada Laascaanood ,waxa ayna wararku sheegayaan in khasaare ka dhashay ayadoo dhawaacyada qaar yihiin dhagxaan dadku dhinteen. Dadweynaha ayaa socodka waxa ay ku bilaabeen goobihii ay joogeen Maleeshiyadii taageersanaa Maamulka isku magacaabay Somaliland waxa ayna dhagxaan ku tureen guryo kuyaala deegaankaasi waxa ayna wararku sheegayaan in dadweynaha tageen goobaha ay joogaan kooxaha Maleeshiyaadka. Eryada ay adeegsanayaan dadkan ayaa ah “ Dooni meyno Soomaali diidka ,Dooni meyno Dhuuni qaatayaasha iyo waliba Erayo kale oo xamaasad ku abuuray Dadweynihii mudaharaadyey. Waxaa xirmay dhamaan goobihii ganacsiga ee magaalada Laascaanood ,waxaa socda diyaar garow dagaal waxa ayna dadku doonayaan in ay aadaan dhinaca deegaanada dagaalada laakiin ciidamada Puntland ayaa dadka udiiday in ay halkaasi galaan. Faa’isa Cabdi Dhalac oo ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyada Puntland ayaa AllPuntland usheegtay in dibad baxyadan aysan ka qeybgalin masuuliyiin ka tirsan Puntland. Faa’isa waxa ay sheegtay in mar walba dagaal laga cabsi qabo ayadoo sheegtay in ciidamada dowlada gobaleedka Puntland ay magaalada amnigeeda siweyn usugayaan. Wararkii ugu danbeeyey ee magaaladana waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay maanta oo aysan jirin wax dagaal ,balse cabsi xoogan oo arintaasi ku aadan ay jirto. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  8. Sophist is an authority on the city with milky lakes. The man's report ends this daydream of the secessionist. Another setback and the BBC/Somali section what a joke.
  9. Ciidamada Puntland oo kawada Laascaanood hawl galo ay ku xoojinayaan amaanka magaalada Last Updated::2007-10-03 20:58:13 Ciidamada boliska iyo milateriga ee dawlada gobaleedka Puntland ayaa si wada jir ah uga wada magaalada Laascaanood iyo degaanada ku dhaw dhaw hawl galo balaaran oo ay ku xoojinayaan amaanka magaalada Laascaanood Ciidamada ayaa waxaa ay xoojinayaa amaanka xarumaha dawlada iyo kantaroolada laga soo galo magaalada Laascaanod iyaga baaraya baabuurta soo galaysa magaalada amase ka baxaysa Ciidamada oo wata baabuurta gaashaaman ayaa waxaa ay roondooyin ku marayaan wadooyinka magaalada Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ay ka wadaan magaalada Laascaanood ayaa ka dameeyay kadib markii ay halkaas ka carareen ciidamadii taabacsanaa maamulka Hargeysa iyo maleeshiyo beeleedkii gacan saarka la lahaa Dhanka kale waxaa maanta magaalada Laascaanod ka dhacay mudaaharaaad balaaran kaas oo dhanka ahaa siyaasada dhul balaarsiga ee uu maamulka Hargeyska ka wado gobolka Sool C/hi Caaqil HorseedNet.com
  10. ^^^looooooooool. one clan wanting to occupy others land. Though they do not have the power, just the talk.
  11. Emperor is right, lets give the news a break and peace a chance. MG.Puntland oo sheegtay in Lascano gacanta ku hayaan 2 Oct 2, 2007 - 12:43:38 PM MGPL ayaa markii ugu horeysay ka hadley dagaalkii shaley [1Oct,2007]ka dhacey duleedka magaalada Laascaano kaas oo ay isaga horyimaadeen ciidamada Puntland iyo Somaliland . Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Cabdi casiis Siciid Maxamud oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegey in magaalada Laascaano gacanta ku hayaan ciidanka PL isla markaana uu iminka ku sugan yahay saldhiga galbed ee magalada. Cabdicasiis ayaa sheegey in meelkasta oo Lascaano ka mid ah jogaan ciidamada Puntland isaga oo sheegey in dagaalkii shaley ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ayna kaga adkaadeen. Taliyaha ayaa tibaaxey in Somaliland ka dileen 15 askari halka Puntland ka dhinteen 6 askari isla markaana dhinaca kale ka gubeen 3 gaari oo kuwa dagaalka ah.
  12. SOOL, SANAAG AND CAYN are part and parcel of the Somali state. It matters not if they support Puntland or anyother name they all support unity and the blue flag. They will never go with secessionists.
  13. The TFG [political masters of the AU forces] havenothing to gain by torching the market. The defeated groups who have lost revenue because of their exile, will as soem are doing highlight to the world that the governemnt and allies are trying to destroy property and so on. This issue is not a major one, the market and others like the largest and oldest Bacadle [which is reopenning after 17 years] will come back to business and the situation will be no more than a small incidnet which will ahve no baring on the situation. Hope the fire comes under control soon.
  14. ^^^Well what stray bullets from defence ministry, a paint shop, an illegal gun store which one is it. Thus stray bullets from who? And can it be on purpose if it was not aimed at the target? No one knows who caused this fire, maybe its those who live on such incidents who benefit most. The TFG has started to collect taxes and hence will loose revenue if the largets market is burned down.
  15. Its a simple, universal excuse to blame the TFG/AU forces for every incident that has anegetive implication. The fact that some claimed there was a fight and the fact that the so called rebels or rememnents of the defeat warlord/clan courts usually shell into populated areas in order to grab headlines, is ignored or played down. The Bakara market and most of Mogadishu need an overhaul.
  16. No spin adeer, Puntland Vs Somaliland clahses have thus far resulted in the defeat of the secesisonist lot. 2003 till now, its your President who has been chased out and its your defence minister who was sacked. Dont blame me for your outrageus claims on this land of the Darwish and Suldan ALi Shir.
  17. Somalithinker: international outlets only propgated your lies and that of Yusuf Garad's. You have not captured LaasCannod just like in Dhahar, its another defeat. However this one could set in motion a more vicious war all the way to your safe grounds. Thus stop trying to be clever, unless you want the war to come to Caynabo and Burco?
  18. Somalithinker: international outlets only propgated your lies and that of Yusuf Garad's. You have not captured LaasCannod just like in Dhahar, its another defeat. However this one could set in motion a more vicious war all the way to your safe grounds. Thus stop trying to be clever, unless you want the war to come to Caynabo and Burco?
  19. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo magaalada Laascaanood kula shirey Waxgaradka gobalka Sool booqdeyn cakaarra Tuesday, October 02, 2007 Xayeysiis Xasan Daahir Maxamuud (Af-Qurac) Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo Wafuud uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Laascaanood. Wafuudan oo u badan taliyaasha ciidamada iyo golaha wasiirada waxaana ka mid ahaa wasiirada Wasiirka Caafimaadka Dhagaweyne, Wasiirku xigeenka Maaliyada Yaasiin Tamaad iyo taliyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Puntland. Madaxweyne kuxigeenka oo magaalada tagey xili habeen ah ayaa billaabey la shiridda dhammaan qeybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood gaar ahaan waxgaradka gobalka Sool isagoo la kulmey Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan kalana hadley dajinta xaalada gobalka Sool. Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan ayaa u sheegay Madaxda Puntland in ay sameynayaan waan-waan ku aadan in magaalada Koonfurteeda laga saaro maleeshiyo beeleedka loona baahan yahay in aan magaalada wax dagaal ah laga ridin. Xukuumadda Puntland ayaa ballan ku qaadey in aysan magaalada joogi karin Maleeshiyaadka u durbaan tumaya kooxaha iskaashanaya ee Somaliland iyo Koox-da Al-Shabaab isla markaana looga baahan yahay Isimada gobalka Sool in ay kooxahaasi Magaalada ka saaraan. Waxgaradka gobalka Sool ayaa u sheegay Xasan Daahir Afqudhac in ay dagaalkii shaley dhinaca Puntland ay la dagaallameen koox-da Al-Shabaab iyo Somaliland oo iskaashanaya ayagoo markaasina ka fashilmey qorshihii ay doonayeen. Wafdigan waxa ay kaloo booqdeen Jiidda dagaalka ayagoo halkaasi kula kulmey Saraakiisha howlgalinta ciidamada dowladda Puntland ee jooga goobahaasi ayagoo kala hadlay sidii difaaca ay tahay Puntland loo xoojin lahaa ayadoo Madaxweyne kuxigeenku usheegay ciidamada in looga baahan yahay difaacida dalka iyo dadka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha xilka Madaxweynaha ayaa magaalada si caadi ah ku dhexmareyey ayadoo guud ahaan gacan ku heynta magaalada ay Puntland si rasmi saaka ula wareegtay ,ayadoo wasiiro ka tirsan Puntland oo dhinaca Milateri ku caanbaxey ay tageen Jiida hore oo dagaalka oo ay wali joogeen. Shirarkaasi kaddib ayaa Madaxweyne kuxigeenka oo ay galbinayaan gaadiidka dagaalka wuxu tagey meelihii uu shalay dagaalku ka billowday isagoo ka dibna Caasumada Puntland ee Garoowe dib ugu soo laabtay. Cakaarra Online Laascaano-Sool
  20. What about the previous yearly fires? Was that also because of Ethiopians? Or is it that this market is prone to fire?
  21. ^^^Quite simple: Was it not the people of LaasCanood who chased Riyaale when he tried to visit, a few years back? No secesisonist leader has ever set foot on LaasCanood, Riyaale, Egaal, Tuur or any other one. Its not clan issue, but ideology. The blue flag rules in SSC.
  22. ^^^Can you exapnd on that whats "your" section of Mogadishu?
  23. Are there deaths? I think its the stores that are bruning, it started with the paint warehouse and its night time. Thus lets hope no one is injured and that the fire comes under control, insha Allah.