
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
A landmark moment, and insha Allah may I see it celebrate its 80 year.
-
Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u diray shacabka Puntland iyo khudbad uu kaga hadlay arrimo badan 1. August 2008 Boosaaso(AllPuntland)-Guud ahaan Gobolada Puntland ayaan maanta si weyn looga xusin munaasabada sanad guurida ee Toban jirsiga maamul Goboleedka Puntland iyadoo magaalada Boosaaso oo kaliya xaflad lagu dhigay xarunta Dowladdaha Hoose ay ka dhacday, taasoo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiinta ugu sareyso Puntland iyo marti sharaf kale. Maxamuud Muuse Xersi (Gen. Cadde) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta khud dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad lagu xusayey Toban jirsiga maamul goboleedka Puntland oo la aasaasay 1-dii bishii Augusto 1998-kii, wuxuuna Madaxweynaha uu ugu horeyn u hambalyeeyay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida in ay kula ciidaan bash bash iyo barwaaqo sanad guurada tobanaad ee Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa ku sheegay mahad celin ballaaran oo uu u jeediyay dadkii lahaa fikraddii dhismaha Puntland iyo Isimada oo ka soo shaqeeyay sidii loo heli lahaa nidaam, wuxuuna Cadde Muuse uu tilmaamay in Puntland ay cagta saartay wadadii horumarka iyo dhismaha. Gen. Cadde Muuse ayaa ka hadlay xaaladaha amaan ee Puntland iyo arrimaha sicir bararka isagoo sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareen wax ka qabashada amaanka isagoo carabka ku dhuftay in ay jiraan dad fara badan oo xabsiyada lagu haayo kuwaasi oo waday fidno iyo amaan daro, isagoo sidoo kale ka hadlay afduubyada ka dhaca Puntland. Madaxweynaha ayaa ka hadlay Nin iyo Naagtiisa oo ajnabi ah kuwaasi oo lagu heysto buuraleyda Cal-Madow ee gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in kooxaha heysta ay sheegeen in ay lacag ka doonayaan hadii aan lacag la siina aysan sii deyn doonin taasoo uu sheegay in ay caqabad ku tahay amaanka iyo howlaha gargaar. Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay muranka maalmahan u dhaxeeya Ganacsatada iyo xukuumadda isagoo sheegay in ay jiraan maraakiib iyo doomo la xayiray, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay sameynayaan dad uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna beeniyay in aysan jirin canshuur ay ku kordhisay Dowladda. "Waxa la idiin sheegayo waa been, rag baa yiri waxaan aadeynaa dekaddo kale, waa been tood meel ay aadi karaan ma jiraan, waxa ay ka helaana Boosaaso wax ka badana ma helayaan, waxa fidnada wadana maka badno shan ilaa toban, oo doonaya iney qal qal geliyaan Puntland waana arin siyaasadeed" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalka amaanka xoogga saaray. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan nabadda si loogu tallaabsado horumarka iyo dhismaha hada ay gaartay Puntland mid ka sareeya. C.M.Cali AllPuntland.
-
Al Shabaab militia are supposed to be effective and tough and organised but they only ever go after weak targets. There 275MPs, and ministers and other enemies they have, who have they ever taken out? Name names, Abdulkadir Yahye, some retired old Generals but who within the TFG and the Ethiopians, AU and others? Come on lads name the names... They have given the TFG the legitimacy it crafed, their crazy actions and ignorance has only strengthened the hand of the Somali government. Abu Mansuur is tolerated, his actions only hinders the opposition, his father IndaCade is running around unable to go back to Marka. His grandfather Xasan dahir is stuck in Asmara and his first uncle the late Cayrow is gone. Lads these folks are history....They are not effective in taking out the TFG only killing women and children and weak civil servants. While their top brass have been decimated.
-
Somali Islamists vow to fight Ethiopia-trained government forces
General Duke replied to unknown1's topic in Politics
lool. This is the most hyped group of all time. The media and their clan militias make much noise. But what have they gained in 1 year of running around? Lost Mogadishu, Baidoa and many other cities. Their greatest leaders dead and in exile. Have they even maneged to kill a single Minister, MP commander of the armed forces? Have they captured held a single city, town and set up an admin? The truth is, many of you in the west are getting entertained by the the threats and the bravado, its romantic. But it wont add up to anything.... Abu Mansuur will end up running to his wife and kids safe in jeddah and thats the best prospect for him.. -
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer your clan Mujahidin are not gonna capture any where history,they are the past like Siyad Barre regime. The new age has arrived and complain in Asmara hotels and on the BBC all you like... -
Baydhabo: Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Nuur Cadde oo loo gudbiyay Baarlamaanka 31. Juli 2008 Baydhabo(AllPuntland)-Waxaa maanta xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay shir guddoonka kulamada Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, kadib kulan manta Baarlamaanka ay yeesheen oo ka dhacay Baydhabo. Kulankii maanta Baarlamaanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa gacanta loo saaray mooshin ka dhan xukuumadda Nuur Nuur Cadde taasoo ay soo gudbiyeen 31 Mudane oo ka careysan qaabka ay xukuumadda u shaqeyso iyo eedeymo ay u soo jeediyeen. Mooshinkan ayaa waxaa uu ka dalbanayaa xukuumadda Nuur Cadde in ay iska casisho xilka maadaama ay ku fashilantay soo gudbinta miisaaniyada iyo qarashaadka kale ee dowladda, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay ku takri fal dhaqaale soo galay Dowladda Soomaaliya. Waxaa la filayaa in mooshinkan uu noqdo mid ay ka doodaan Baarlamaanka iyadoo xukuumadda ay inteeda badan ku sugan tahay magaalada Muqdisho, waxaana haatan taagan khilaaf ka dhex jiro xubnaha Golaha Wasiiradda kaasoo ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Maxamed Dheere. C.M.Cali AllPuntland.
-
Mudanayaal baarlamanka ka tirsan oo ugu baaqay ra’isul wasaare Nuur Cadde in uu is casilo. In ka badan 30 mudane oo ka tirsan baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay ra’isul wasaaraha dowladda Nuur Cadde in uu is casilo,iyagoo usoo jeediyay eedeymo dhowr ah oo ay ka mid tahay fadeexad dhinaca maaliyada ah iyo in ay dowladiisu ku fashilantay arrimaha amaanka. In ka badan 30 mudane oo ka tirsan baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay ra’isul wasaaraha dowladda Nuur Cadde in uu is casilo,iyagoo usoo jeediyay eedeymo dhowr ah oo ay ka mid tahay fadeexad dhinaca maaliyada ah iyo in ay dowladiisu ku fashilantay arrimaha amaanka. Qoraal ay maanta saxaafada usoo bandhigeen mudanayaal gaaraya 32 mudane ayaa waxaa uu ku eedeeay dowladda Nuur Cadde dhowr arrimod ,waxaana uu qoraalkaasi u qornaa sidan: Kadib markii aan dhageysanay doodo hore iyo aragtidii xildhibaanada baarlamanka federalka ku meel gaarka ah ee ku wajahan fadeexadda ka taagan maaliyada iyo dakhliga dowladda,waxaan soo jeedineynaa qodobada kala ah: 1-in uu baarlamaanka federalka ku meel gaarka ahi u aqoonsado fadeexada uu soo bandhigay guddiga maaliyada iyo lacagta iyo hantida qaranku in ay tahay fadeexad maaliaydeed oo ay si wadar ah u gashay xukuumada federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed. 2-In uu barlamaanka federalka ku meel gaarka ahi fasoxo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hey’adaha garsoorka iyo hey’adaha kale ee shaqada ku leh ilaalinta hantida qaranka in ay qaadan talaabo kasta oo sharciga waafqasan oo lagu baarayo cid kasta oo ku lug leh fadeexada maaliyada. 3- Si ay u suuragasho in ay hey’adahaasi sharciga iyo kuwa ilaalinta iyo daba galka hantida qaranku u fuliyaan waajibaadkooda sharciyeed waa in la siiyo ciidan iyo taakuleynta ay u baahdaan. 4- maadaama ay xukuumadu ku fashilantay in ay dhameystirto qaab dhismeedkeedii ,in ay sameyso miisaaniyad iyo in ay xakameyso xaalada amniga oo boob dhaqaale iyo nabad geliyo xumo ay soo kordhisay waa in ay si deg deg ah isu casisho,madaxweynaha jamhuuriyada federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliyana waxaan ka codsanaynaa in uu is casiladaas aqbalo. Ra’isul wasaaraha ayaa horay loogu eedeeyay arrimo badan oo ay ka ka mid tahay in wixii ka dambeeyay markii uu talada la wareegay ay sii laba jibaarmeen kooxaha argaixisada iyo nabad diidka,uuna ka gaadbiyay wax qabadkii looga baahnaa.
-
Qaar kamida mudaneyasha barlamanka DFKMG oo ugu Baaqay In ay Iscasisho... Ayadoo Maal mihii ugu Dambeeyay ay Qaar ka Mid ah Mudane yaasha Baarlamanka Soomaaliya ay ka hadlayeen War Bixin ay Soo Gudbisya Gudiga Maaliyada Ee Baarlamanka ayaa Maanta ku dhowaad 30 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Waxa ay Mudane Yaasha Baarlamanka u Soo gudbiyeen Qoral Qeexayay In Markaasi Xukuumada DFKMG ah ay ku Fashilantay Qaabka Maaliyada Ee Qaranka Islamarkaana looga Baahan Yahay in ay Xilka Isaga Degto. Xildhibaan Adrabaca Sh/Maxamed oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa Waxaa ay Xildhibaanadaasi u sheegtay in looga Baahan Yahay in ay Go’aan ka Qaataan Xukuumada FKMG ah Ee Soomaaliya oo ay ku Tilmaamtay in ay Tahay Mid Masuuliyad ay ka Saarneyd in ay Ilaaliso Howlaha Qaranka Islamarkaana dayacday . Xildhibaanada Sidookale Waxaa ay ugu Baaqday Madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf Axmed in uu Aqristo Warbixinta ay Soo Gudbiyeen Gudiga Maaliyada Kadib Markii ay La Soo Xisaabtameen Xubnaha Maaliyada DFKMG ugu Qaabilsan . Si kastaba ha ahatee Qoraalka mudane yaasha Baarlamanka DFKMG Loo Jeediyay oo ka Hadlayay Arimo Farabadan ayaa Waxaa la gu Wadaa in maalin nimada Sabtiga Soo socota Mudane yaasha ay ka Doodidoonaan si ay Go’aam uga Soosaaraan . C/fitaax Amiin Max’med SBCInternational- Baydhabo
-
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Sunari Well put, some people here in SOL live in fanatsy worrld, they are fighting a war from their starbucks.. Lads there is a government in place and attacking the leader or wishing for his death will change nothing. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer no need to patronise I know who you are and what you stand for. Thus go clean yourself before asking others to wash. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo war qad qoraal ah oo uu kusii shaqeynayo gacanta u geliyay Halyey Maxamed Dheere (War deg deg ah} Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ay si cad u sheegeysaa in Halyey Maxamed Cumar Xabeeb uu yahay wali gudoomiyaha rasmiga ah ee gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho. Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ay si cad u sheegeysaa in Halyey Maxamed Cumar Xabeeb uu yahay wali gudoomiyaha rasmiga ah ee gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho. Wareegtadan oo nuqulka mid ahi uu soo gaadhey shabakada carmooyin.com ayaa sidoo kale gacanta laga saaray guddoomiyaha gobalka banaadir ahan duqa magaalad Muqdisho Halyey Maxmed dheere. Waxay aheyd arrin dad badan ay sugayeen go'aan qaadashada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo horay u diidanaa xil ka qaadista halyey Maxamed Dheerere oo in badan usoo halgamay sidii dowladda federalku ay dalka oo dhan meel mar uga noqon lahayd. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa go’anka uu manta qaartay waxa uu dhabar jab ku yahay dhawaaqii shalay kasoo baxay Nuru Cadde iyodamicii guracnaa ee Axmed Cabdi Salaan iyo Qaran diidk weyn Yusuuf Garaad ay dabada ka riixayeen. Xarunta Maxamed Dheere ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka soconeysa farxad iyo damaashaad, iyadoona go'aanka Madaxweynaha uu dib shaqada ugu soo celiyay Maxamed Dheere uu yahay mid ku qotoma awood madaxweyne oo cid ka daba hadli kartaahi ayan jirin. Waa fashil iyo guul darro kale oo lasoo gudboonaaday Nuru Cadde iyo saaxiibadiis uu ka mid yahay Axmed Cabdi Salaan oo masuul ka ahaa xilka qaadistii la sheegay in lagu sameeyay Halyey maxamed Dheere. Maxamed Dheere laftiisa waxaa uu ahaa mid ku kalsooni qabay go'aanka kama dambeysta ah ee uu qaadanayo Madaxweynaha, taasoo uu horay u sheegay in Ra'iisul wasaaraha uu leeyahay soo jeedin, isla markaana Madaxweynaha uu yahay ruuxa ogolaanaya ama diidaya, taasna waxay keentay in Madaxweynaha go'aankiisa kama dambeysta ah uu qaato maanta, taasoo uu ku qaadacay soo jeedinta Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ee ay xilka uga qaadeen Maxamed Dheere. -
Mogadishu: Gen A/Qaybdeed sacks police comanders of Lower Shabbele
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saraakiil ka tirsanaa DF oo xilalkii laga qaaday. (Muqdisho, Khamiis,31,Julaay,2008,Hornafrik Media) wareegto maanta ka soo baxsay xaafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa xilalkii looga qaaday saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wareegtada xaafiiska Madaxweyne C/laahi ka soo baxday, waxa xilalkii looga qaaday Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (cali Ganey) iyo kuxigeenkiisii Nuuriye Cali faarax. Iyo waliba sadex sargaal oo lale,waxana xil ka qaadiistaan Madaxweyunuhu sameeyay u xaqiijiyay idaacada HornAfrik Taliyaha ciidamada Booliska Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid. Wax faahfaahin wali lagama bixin sababta saraakiisha Ciidamada Booliska gobolka shabeelaha Hoose xilalka loo qaaday. Waxa jira sadex sargaal oo kale Ciidamada dowladda Ka tirsanaa oo iyana xilalkii dowladda ay u hayeen laga eryay waxana ka mid ah C/qaadir Beebe. Ilaa iminka wax war ah kama aysan soo bixin saraakiisha Ciidamada Booliska ee maanta u Madaweyneha dowladda KMG ah Mudane C/Laahi Yusuf, xilalka ka qaaday. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe. -
Mogadishu: Gen A/Qaybdeed sacks police comanders of Lower Shabbele
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaran Diid Nuuriye Cali Faarax iyo taliye yaal kale oo xilalkii maanta laga xayuubiyay. {Qaran diid Nuuriye waa nin ceynkee ah??} Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax. Wareegtada kasoo baxday taliyaha booliska oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Bariise ayaa ku eedeysay taliye yaasha xilalka laga qaaday qaarkood in ay ku keceen amar diido,islamarkaana ay u shaqeeyeen dowladda Soomaaliya lidkeeda. Afaheynka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha Boliiska Qaybta Weeliyow Cade Col. C/llahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ilaa iyo 5 sarkaal xilalkii laga qaaday,waxaana ka mida Taliyahii Qaybta Boliiska Gobalka Sh/hoose G/sare Cali Aadan Cali Ganeey oo horayna u ahaan jriay taliye maliishiyadeedkii Jaalle Indahcadde iyo ku xigeenkiisii Nuuriye Cali Faarax oo isna maamulkii Qarandiid Indhacade ka ahaa abaandullhaha ciidanka,waxaana lagu eedeeyay in ay heysteen hub iyo ciidan sharci darro ah oo ay kula dagaalamayeen dowladda Soomaaliya. Taliye yaasha kale ee xilalka laga qaaday waxaa ka mida : G/dhexe C/qaadir Cabid Xasan (Beebe) oo ka tirsanaa Qaybta Boliiska gobalka Banadir, G/dhexe Xasan Cali Warsame oo ka tirsanaa Hogaanka ka hortaga Dambiyada iyo Gaashaanle Cabid Xaashi Baraale oo ka tirsanaa waaxda horumarinta cidianka booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale Qaran diidka weyn Nuuriye oo ka mid ahaa raga baadilka ku heystay gobalka Shabeelaha hoose ayaa hadana waxaa uu ahaa ninkii gacanta ku hayay Hubkii uu lahaa Jaalle Indhacadde,kaas oo qeyb ka ah hubka sharci darada ah ee loo adeegsado xaaladaha amni darro ee ka aloosan qeybo ka mida dalka Soomaaliya. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Oh my the morally bankrupt pointing fingers. Adeer the ntion has a governemnt and no fancy talk will change that. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Adeer my loyalty is to the state and its leader who happens to be Yusuf Yey. As for the comments, whats the point of it all? Mohamed Dheere and any regional or military officer can only be sacked by the President, and thus the presidnet has not sacked him nor endorsed the PM suggestion. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer the Somali leader has the right to fire and hire anyone he wants. I agree with him and again whats your point? Loyalty to the state and its leader is missing from you, you lack disciopline unlike Gen -
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No, Asmara is a town in a foreign country, not interested in it adeer. I pity the fools who belive in the refugees there. -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
LOOL. I agree with the Somali leaders policies adeer, in terms of security and institutional building. Thus whats your point again? -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Of course adeer, so whats your point? -
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne Yuusuf oo Maxamed Dheere gacanta u geliyay Waraaq u ogolaaneysa inuu shaqadiisa sii wato Waxay aheyd arrin dad badan ay sugayeen go'aan qaadashada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo horay u diidanaa xil ka qaadista Maxamed Dheerer waxaana go'aanka Madaxweynaha ay aaqirkii noqotay mid dib usoo celisay candhuuftii uu laqay Maxamed Dheere ee uu ku weyn lahaa xilkiisii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo waramayaa in warqad u ogolaaneysa in shaqadiisa uu sii wato gacanta u geliyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo maalin ka hor ay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada Nuur Cadde. Sida aanu ka heleyno Ilo wareedyo ku dhow dhow Maxamed Dheere ayaa sheegaya in Maxamed Dheere farta laga saaray waraaq u ogolaaneysa inuu howshiisa sii wato, taasoo xagal daacin ku ah Go'aanka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo saaxibadiisa. Wararka oo ah kuwa isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuusuf uu markii horeba uu ahaa mid aan ku qanacsaneyn Xil ka qaadistaas, isla markaana go'aankaas uu ahaa mid ku koobnaa kaliya Nuur Cadde iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cabdisalaan. Xarunta Maxamed Dheere ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka soconeysa farxad iyo damaashaad, iyadoona go'aanka Madaxweynaha uu dib shaqada ugu soo celiyay Maxamed Dheere ay tahay mid aysan la qabin Xubnaha Nuur Cadde horbooda, kuwaasi oo ka sugayay Madaxweynaha inuu aqbalo xil ka qaadista. Maxamed Dheere laftiisa waxaa uu ahaa mid ku kalsooni qabay go'aanka kama dambeysta ah ee uu qaadanayo Madaxweynaha, taasoo uu horay u sheegay in Ra'iisul wasaaraha uu leeyahay soo jeedin, isla markaana Madaxweynaha uu yahay ruuxa ogolaanaya ama diidaya, taasna waxay keentay in Madaxweynaha go'aankiisa kama dambeysta ah uu qaato maanta, taasoo uu ku qaadacay soo jeedinta Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ee ay xilka uga qaadeen Maxamed Dheere. Arrintan hada soo cusboonaatay ayaa noqon karta mid Dowladda dhexdeeda ay ku sii kala qeybsamayaan, isla markaana ay dhici karto in Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo taageerayaashiisa ay ka qaataan Go'aan deg deg ah. Wixii warar ee ka soo baxaya arrimahan kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed Jowhar.com & Jowharnews.com Jowharcom@hotmail.com -
Mogadishu: Gen A/Qaybdeed sacks police comanders of Lower Shabbele
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladda Federaalka oo xilalkii ka xayuubisay 5 ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyed. Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Wareegto ka soo baxday Dowladda Federaalka ayaa waxay xilalka kaga xayuubisay 5 ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliyed, kuwaasoo qaarkood xilal muhiim ah ka haayay Maamulada Dalka. Warka ayaa intaa ku daraya in Wareegtadan ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, taasoo xilalka loogaga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha Hoose Cali Aadan Ganey iyo Kuxigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax. Sidoo kale waxaa kaloo xilalka laga qaaday 3 sarkaal kale, kuwaasoo oo horay u sheegay in ay iska casileen halka kuwo kalena ay Dowladda ka goosteen. Dadkaas waxaa ka mid ah C/qaadir Beebe oo ahaa Taliyaha Booliska ee Qeybta Bartamaha, kaasi oo la sheegay inuu ka goostay Dowladda, waxaa kaloo isna xilka laga qaaday Madaxii Xiriirka Booliska ee Gobolada Dalka Col Cartan oo dhowaan isna is casilay. Xilka qaadistan waxay tahay fariin ku socota Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan, oo horay xilka qaadista Maxamed Dheere soo diyaariyay, waxaana arrintan gaar ahaan taabaneysaa Mr Axmed Cabdisalaan oo shaqsiyaadka xilalka Gobolka Shabellaha Hoose laga qaaday ay yihiin kuwo ay aad isugu dhow yihiin, isla markaana hal beel ku abtirsada. Cali Ganey iyo Nuuriye Cali Faarax waxay horay uga tirsanaayeen Maamulkii Yuusuf Indha Cadde, balse waxaa markii dambe lagu soo daray Maamulka cusub ee Dowladda Federaalka u dhistay Gobolkaas, markii Muqdisho ay usoo guurtay sanad ka hor Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa u muuqanaya kuwo ku loolamaya awooda dalka, iyadoona Madaxweynaha uu wali cagta saarayo meel marinta xil ka qaadistii Maxamed Dheere Hooyga wararka Somaliyed Jowhar.com & Jowharnews.com Jowharcom@hotmail.com -
Mogadishu: Gen A/Qaybdeed sacks police comanders of Lower Shabbele
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saraakiil Boolis ah oo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay Muqdisho, S/Afrika (Calanka.com) 31-Luulyo-08 Iyadoo ey wali howlihii casilaada xilalka ey si xowli ah u socdaan ayaa waxaa maanta sidoo kale xilkii ey hayeen laga xayuubiyay saaraakiil ka tirsan ciidamada boliska kuwaasoo qaarkood baryahan danbe lagu eedeynayay in ey lug ku leeyihiin falal kala duwan. Saraakiishan la casilay maanta oo tiradooda lagu sheegay 4 ilaa 5 sarkaan ayaa waxaa u horeeyay tiyaha qeybta booliiska gobolka Sh/hoose Cali Aadan (Cali Ganeey) oo isagu la sheegay in uu xiriir la leeyahay kooxaha dowlada kasoo horjeeda iyo ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax. Taliye Cali Ganey oo la eedeynayo halkan ka >> -Dhageyso Wareegtadan lagu casilay saraakiishan ayaa waxa ey kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidamada boliska Somaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Raggan la casilay qaarkood ayaa dalka dibadda uga maqan, waxaana qaar kalena ey sheegeen in ey horayba isaga casileen xilalka iminka laga xayuubiyay. Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan wareegto kasoo baxday xafiiska r/wasaaraha xilka looga qaaday gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere). Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. -
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo la ruqseeyay Khamiis, July 31, 2008(HOL): Saraakiishan oo gaaraya ilaa shan Sarkaal ayaa waxaa lagu ruqseeay Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo wareegtadaas saxaafadda u aqriyay kadib shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in saraakiisha la ruqseeyay ay isugu jiraan kuwo xilalkoodii gudan waayay iyo kuwo dowladda ka soo horjeestay. Saraakiisha la ruqseeyay ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (Cali Ganey), ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax iyo C/qaadir Cabdi Xasan Beebe oo ka tirsanaa Taliye ku xigeennada Booliska Gobolka Banaadir. Dhanka kalena, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa wuxuu ka hadlay Ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya, kuwaasi oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay in ay ka howlgalaan Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska ah, wuxuuna sheegay Jen. Cabdi Qeybdiid in Ciidamadaas ka howlgeli doonaan Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in markii ay Mudanayaasha Baarlamaanka ansixinayeen uu rumeysan yahay in ay taasi ku xambaartay wel wel ay ka qabaan ammaankooda, sidaasoo ay tahayna waxaa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Ciidamadaas iska xaadiriyaan Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku taala Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya oo howlgallo ka bilaabay Magaalada Baydhabo Khamiis, July 31, 2008(HOL): Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa waxay holwgallo ka bilaabeen Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Bay. Ciidamadan ayaa howlgalkii ugu horeeyay oo ay shalay sameeyeen waxay ku soo qabqabteen dad la sheegay in looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen falal nabadgelyo ah oo horay uga dhacay Magaalada Baydhabo. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Saciid Dheere ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada sameynayaan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Baydhabo oo ah fadhiga KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya. Jen. Saciid Dheere waxaa uu sheegay in ay howlgallada sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo ammaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan Dad ay Ciidamada ku soo qabteen howlgallo ay sameeyeen, kuwaasi oo uu sheegay in la baarayo. Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal loo geystay Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo weliba weerarro lagu qaaday fariisimo ay Baydhabo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo sidoo kalena la weeraray guryo ay Baydhabo ku leeyihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Howlgalka ay sameynayaan Ciidamadan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ansixiyay in Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deirska ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online