General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Well the strong man of Mogadishu & Banadir still has a purpose.
  2. Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka gaabsaday Saxiixida Warqadii xilka qaadista Maxamed Dheerre. 31. juli 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Xilka qaadistii uu raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ku sameeyey Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa laga diiday Xaafiiska Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Warar hoose oo ay AllPuntland ka heshay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaraha Soomaaliya usoo gudbiyey Xaafiiska Madaxweyne Yuusuf warqada xilka qaadista Maxamed Dheerre ,balse Madaxweyne Yuusuf ka gaabsaday in uu saxiixo. Warka ayaa intaasi ku daraya in uu Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ka codsaday raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen in ay labadoodu yeeshaan shir arimahan looga hadlayo. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa jawaab ka bixin arintaan ,waxa ayna dad badan ku tilmaameen diidmada Madaxweyne Yuusuf ee Saxiixida warqadan markii la jabiyey Sharuucda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Masuul sarre oo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada kana gaabsaday Magaciisa ayaa usheegay AllPuntland in uu Madaxweyne Yuusuf soo qaatey qodobo dastuuri ah oo ku xusan dastuurka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,markaasna la jabiyey oo ay ku tunteen xubnaha golaha Wasiirada. Lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha Siyaasada & Sharciyada ayaa isku dubaridaya qodobada ay ku tunteen Xubnaha golaha Wasiirada ,waxaana ay dad badan qabaan khilaaf ka dhex dhasha Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Xilka qaadistii gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheerre) waxa ay sababtey khilaaf soo kala dhexgala golaha Wasiirada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland
  3. JB: Adeer there are a few cities the Pesident has not had time for yet. But insha Allah when he goes to LA, dont hide now. As for your leader will he be making a second visit any time soon.? Unknown: adeer go get some lectures from the fake Shiekhs in Asmara the, loot you held has been nationalised adeer.
  4. Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Howl galkii ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay hub ay ku soo qabteen.. JULY 30 2008 Radiofreesomalia.com Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay howl gal ay shalay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo, iyagoona sheegay in ay sii wadayaan Howl galkaas. Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Saciid Dheere ayaa sheegay in howl galkoodii shalay ay ku soo qabteen hub aad u fara badan, isagoona sheegay in howl galka uu yahay mid ay amaanka ay ku xaqiijinayaan. Howl galka ayaa ahaa mid Ciidamada cusub ee dhowaan lagu soo tababaray Ethiopia ay ka sameeyeen halkaas, waxaana lagu soo waramayaa in dad fara badan halkaas ka qab qabteen sida warku sheegayo. Ciidamada dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ayaa ah kuwo ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka howl galaan Magaalada Baydhabo, si ay u sugaan Ammaanka Magaaladaas oo mudooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay. Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa cabsi aad u xoog leh ka muujiyay dhaq dhaqaaqyada ay ka wadan Magaaladaas Ciidamada Cusub, iyagoo sheegay in dad gaaraya boqolaal qof shalay ay qab qabteen Ciidamadaas, deetana ay xabsiga dhigeen. RFS _ Muqdisho
  5. Boolis tiro badan oo Sugaya amaanka magaalada Baydhabo. Kumanaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ayaa Gaafwareegaya Gudaha Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda kuwaas oo la sheegay in ay Sugayaan amaanka Magaalada oo baryihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen weeraro gaadma ah oo lalabeegsanayay dad aan iyagu waxba galabsan. Hawlgaladan ay Ciidamadu amaanka kusugayaan ayaa ka socda jidkasta oo magaalada baydhabo kamid ah iyagoo cida ay ka shakiyaana baaraya, waxaana jirta in ciidamadan booliska ah ay yihiin kuwo tababaro heer sare ah qaba islamarkaana aan ku xadgudbaynin dadka. Askartan oo ku labisan dharkii lagu yaqaanay Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhabarka ku wataan back iyagoo qorigana hoos u raaricinaya . waxaadna soo xasuusan markaad aragto ciidamadii Danab ama kumaandoosta ee ka tirsanaan jiray Xoogii dalka Soomaaliyeed ee Dawladii kal hore. Si kastaba ha ahaato ee Ciidankan oo Xooggiisa iyo tayada ka muuqata ay dadbadan rajo galisay ayaa la dareemayaa Nabadgalyo buuxda tan iyo intii ay bilaabeen Hawlgalada, iyadoo dadweynaha halkaa ku noolna ay u riyaaqeen hawlagada Socda ..
  6. Baydhabo: Hub fara badan oo lugu soo qabtey Howlgalo ay qaadeen Booliska Magaalada Baydhabo. 31. juli 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Baaris qaadatey saacado badan ayaa ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ,waxa ayna ciidamada Boolisku soo qabteen hub kala duwan. Hubka lasoo qabtey ayaa laga soo qabqabtey Guryo kuyaala Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ,waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in ay maanta lugu wareejin doono Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Hubkan la soo qabtey ayaa Saxaafada loosoo bandhigey ayadoo Sawiro badan ay ka qaateen Suxufiyiintii shirkaasi ,joogtey waxaana hadalka halkaasi ka soo jeediyey Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/Guuto. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheerre) wuxuuna sheegay in ay hubkan adeegsadaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Masuulkan wuxuu sheegay in ay wadayaan talaabooyinka ay uga soo horjeedaan hubka sharci darada ah ee ay heystaan dad badan oo jooga gudaha dalka Soomaaliya ,wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay hubkooda diwaangaliyaan. Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey heshay cudud Milateri oo xoog leh ,waxa ayna ciidamadan shalay galey magaalada Baydhabo noqonayaan kuwii ugu horeeyey oo noocaan oo kale ah ,galana gudaha Magaalada Baydhabo. Markale ayaa dad badan ay sheegayaan in ay dhici karaan howlgalo laga sameeyo gudaha Magaalada Baydhabo ,kuwasoo lugu bartilmaameedsanayo guryo lugu tuhunsan yahay in uu yaala Hub kala duwan. F. C. Geylan AllPuntland
  7. They being defended from the militias that used to occupy BAIDOA, and since recently Marka. The RRA clan all their MPS elders and strong men have declared they will not stand for the targeted killings against their civilians. Who runs Baidoa, and the regions the clan does and who is being targeted by the Al Shabaab? Simple really.
  8. Just proves that there is only one country called Somalia, and that this is politics and nothing more.
  9. WAR DEG DEG AH: KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY ISBAHAYSA GARABKA ASMARA Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasumada dalka Eritera ayaa sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara uu fadhigoodu yahay. wararkan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Shiikh Xasan Daahi aweys uusan ahayn Gudoomiyaha ururka sida ay sheegeen qaar ka mida madaxda ururka is bahaysiga; kuna cad arxida u dagsan isbahaysiga dib u xoreynta soomaliya. Axdiga ayaa dhigaya sidan: HADII GUDOOMIYAHA UU DHINTO, ISCASILO, QAYAANO GALO, HAWLGAB NOQDO, IWM LAGALA NOQONDOONO XILKA GUDOOMIYE NIMADA, WAXAANA SII WADAYA XILKAAS GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA. Waxaa kale oo wararkani sheegayaan in si buuxda looga xayuubiyay xilka Gudoomiyihii Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed xilkaasna uu sii wadi doono Sakariye Maxamuud Xaaji-Cabdi. Siidoo kale Shariif Xasan sh. Aadan xilka laga qaaday xilkaasna uu sii wadi doono Xuseen Faarax Ceydiid, sida ku cad axdiga ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA. Waxay wararkani intaa ku darayaan in arintani ay murug ku abuurtay qaar ka mida masuuliyiinta Isbahaysiga iyadoo arintani ay keeni karto kala qeybsan hor le oo ay kala qeybsamaan mar kale Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyada oo ay horey u kala jabeen labo garab oo kala ah Qeybta Asmara iyo kuwa Djibouti oo haatan heshiis la galaya Dawlada Federaalka. -
  10. Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Meelmariyey Go’aan Xaaraantinimaynaya Heshiiska Al-jabiri ‘Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan’ Go’aanka Golaha Hargeysa (Jam)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay go’aan ka soo saaray muranka ganacsiga dhoofka xoolaha nool, kaas oo ay ku sheegeen in sida ku cad dastuurka dalka ganacisga xooluhu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, isla markaana aanay xukuumaddu ku dhaqmi Karin heshiis aan waafaqsanayn dastuurka. Go’aanka Golaha Wakiilladu ka soo saaray khilaafka ba’an ee ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha oo ka kooban afar qodob, waxa uu ka dambeeyey dood kulul oo mudanayaashu ka yeesheen arrintan oo muddo laba maalmood ah socotay, isla markaana ay ka qaybqaateen 21 mudane oo intooda badani si weyn xukuumadda ugu dhaleeceeyey masuuliyadda khilaafka ba’an ee ka taagan xoolaha. Qodobadda goluhu go’aamiyey waxa ka mid ah in dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay la horkeeno Golaha Wakiillada si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Fadhiga shalay oo uu hagayey Guddoomiyaha Goluhu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in doodii mudanayaashu ka yeesheen muranka dhoofka xoolaha ay afar qodob ka soo saareen, balse ay jireen soo jeedimo kale oo qaar ka mid ah xildhibaanadu ku doodeen, kuwaas oo uu xusay in aan weli la gaadhin ama aanay dooduba khusayn. Guddoomiyuhu waxa uu mudanayaasha ka dalbay inay u codeeyaan qodobada ay soo saareen, si ay u noqdaan go’aan gole, waxaana fadhiga oo ay joogeen 46 mudane qodobadaas ogolaaday 44 mudane, cid diidayna may jirin, hal mudanena wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay go’aankaasi. Qodobada go’aanka goluhu ansiyey oo faahfaahsanina waxay u qornaayeen sidan: “Waxay dooddu bilaabantay 27/07/2008, waxaanay dhammaatay 28/07/2008. Dooddan waxa ka qaybqaatay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada. Mudanayaashu waxay dooddaada u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku aroorinayeen sharciyada, maadaama oo ay yihiin Gole Sharci Dejineed, isla markaana waajib ay ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Mudanayaashu waxay isdul-taageen carrabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1aad ee ummaddan nolosheedu ku tirsan tahay. Haddaba, doodad mudanayaashu waxa nuxurkeedu isugu soo biyo shubtay kuna gabagaboy qoddobadan:- 1. In ganacisga dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad Qodobka 11aad ee Dastuurka dalka. Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan. 2. In dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay ee leh sifada ku cad Qodobka 53aad faqradiisa 3aad la horkeeno Golaha Wakiillada, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah. 3. In loo yeedho cid kasta oo ku lug leh ama ay khusayso arrinta ganacsiga adhiga, si loo helo xogta iyo xaqiiqda ku xeeran Ganacsiga Adhiga sida Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Adhiga. 4. In Goluhu u saaro guddi gaar ah (Adhoc Committee) dhibaatada dhoofka xoolaha.”
  11. Mudanayaasha Wakiillada oo Rayaale ku Tilmaamay Dambiile Qaran oo Mudan in Maamuus-ka-xayuubin Lagu soo Oogo July 29th, 2008 Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay gudo-galay doodda ajandaha kalfadhiga 7aad oo ay isla shalay ansixiyeen, ayaa si adag diirradda ugu saaray dhibaatada ka taagan ganacsiga adhiga iyo heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri. Mudanayaasha doodda shalay ka qaybgalay oo tiradoodu ahayd 8 xildhibaan, ayaa waxa ay isku waafaqeen in Madaxweyne Rayaale yahay dambiile qaran, sidaa darteedna ay waajib distooriya tahay in maamuuska laga xayuubiyo, lagana qaado xilka uu ummadda u hayo, isla markaana lagu soo oogo dembiyo isugu jira dastuur-jebin iyo khiyaamo qaran. Fadhigan shalay oo uu hoggaaniyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ay ka soo xaadireen 43 mudane, waxa uu ahaa mid jewi diirran ku bilaabmay oo aannu habayaraatee jirin wax muran iyo iskhilaaf xildhabaannada dhexdooda ah, iyadoo dhammaanba dareenka mudanayaasha laga dheehan karayey sida ay uga xun yihiin heshiiska xukuumadda Rayaale kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha Al-jaabiri, waxaannu xildhibaannada aaraahdooda ka dhiibtay ku tilmaameen heshiiskaas mid sharci-darro ah oo baalmarsan dhammaanba xeerarka iyo shuruucda dalka. Qoddobadda distooriga ah ee mudanayaashu xuleen in Madaxweyne Rayaale si badheedha u jabiyey waxa ka mid ah qodobka 11aad ee distoorka qaranka ee ka hadlaya dhaqaalaha dalka, kaas oo qeexaya in Somaliland qaadatay mabaadiida suuqa xorta ah, isla markaana xaaraantinimaynaya in ganacsiga iyo dhaqaalaha laga dhigo kooto (monopoly) cid gaar ahi ganacta ku hayaan iyo qodobo kale oo distooriya oo ay ka mid yihiin qodobka dawladda waajibka kaga dhigaya in heshiisyada ay gasho horkeento Golaha Wakiillada si loo ansixiyo. Waxayna mudanayaasha doodda shalay ka qaybqaatay ee dalbaday in Madaxweyne Rayaale lagu sameeyo maamul-ka-xayuubinta soo daliishadeen qodobka distooriga ah ee 96aad oo ka hadlaya eedaynta iyo maamul-ka-xayuubinta Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasiirrada, kaas oo qeexaya in Madaxweynaha lagu soo oogi karo dambiyadda kala ah khiyaamo qaran iyo ku xadgudubka distoorka. Md. Siciid Cilmi Rooble oo doodda shalay fikirkiisa ka dhiibtay, ayaa yidhi; “Haddii Golaha Wakiilladu doonayo in uu kasbado kalsoonida shacbiga soo doortay waa in Madaxweyne Rayaale lagu qaadaa xil-ka-xayuubin si Madaxweyne kasta oo xilka qabtaa ugu quus-qaato neefka xoolaha ah. Heshiiska Al-jaabiri Madaxweynuhu la galayna waa xaaraan maqdac ah oo baalmarsan shuruucda iyo xeerarka dalka, waanna dastuur jabin ee waa in sida ugu dhakhsaha badan Rayaale xilka qaadis loogu sameeyaa.” Md. Ibraahim Axmed Raygal oo isna doodda ka qaybgalay, ayaa soo jeediyey in arrinta xoolaha goluhu guddi gaar ah u saaro oo soo qiimaysa arrimaha la isku haysto, isagoo xusay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay in laga wada qaybqaato xannaanayntooda iyo daryeelkooda. Md. Abiibakar Good ayaa isaguna caddeeyey in xukuumadda Rayaale caadaystay sharci-jabinta, sidaa awgeedna loo baahan yahay in tallaabo sharci ah laga qaado oo maamuus-ka-xayuubin lagu soo oogo, isagoo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Waxaad mooddaa in xukuumaddu caadaystay sharci-jabinta, haddii ay noqoto qof suuqa maraya oo xabbad lagu dhufto. Haddii aynu eegno xoolaha iyo dhibaatada ka taagan dhoofintooda, maantana waxay taagan tahay xoolihii dalka oo qof qudha loo xidhayo oo weliba loo raacinayo raashin keenista.” “Haddaba, innaga oo arkayna sharci-jabinta xukuumadda Rayaale waxa habboon in Golaha Wakiilladu Madaxweynaha xil-ka-xayuubin ku sameyno, waayo waxa uu gabbood-fal ku sameeyey ummaddii soo dooratay ee xilka u dhiibatay, qodobo distoorka ku yaalna wuu jebiyey, markaa waxa mudan in goluhu tallaabo ka qaado,” ayuu yidhi Md. Abiibakar. Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ahaa xildhibaannada fikirkooda ka dhiibtay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, ayaa dooddiisa ku yidhi; “Madaxweynuhu dembi buu galay oo khiyaamo ayuu sameeyey, maalin walbana waxaynu maqalnaa dad baa dembi galay oo guddiga nabadgelyada xukuntay ee muxuu Rayaale kaga duwan yahay kuwa guddiga nabadgelyadu xukunto, waxa uu galay khiyaamo qaran, beenbuu ummadda u sheegay oo ballankasta oo uu galo wuu ka baxaa, markaa waxa la gaadhay waqtigii xil-ka-xayuubinta Rayaale, waanna daembiile qaran.” Sidoo kale, Md. Xuseen Maxamed Cige ayaa isaguna caddeeyey in mawqifkiisu la mid yahay mudanayaasha ka hor hadlay ee soo jeediyey xil-ka-qaadista Madaxweynaha, waxaannu sheegay in sida xukuumaddu ula dhaqantay arrinta xooluhu tahay mid khalad ah. “Wasiirka [Xannaanada Xoolaha] oo afka xukuumadda ku hadlayey ayaa yidhi, ninka reer miyigi ahi haddii gadbad bariisa doono oo sayladda hakeeno, xukuumadda sidaa u hadlaysaa dawlad inoo noqon mayso waanna in wax laga qabtaa oo mudaharaad xalaal ah oo xildhibaannadu horkacayaan la sameeyo oo heshiiska Al-jaabiri lagaga soo horjeedo,” ayuu yidhi Md. Xuseen Maxamed Cige, waxaannu intaa raaciyey in haddii xukuumadda Rayaale dalka daacad ay u tahay heshiisyaday gasho Golaha Wakiillada horkeeni lahayd. Md. Cali Yuusuf Axmed oo isna doodda ka qaybqaatay ayaa yidhi; “Cidda ka soo horjeedsata fikradaha xildhibaannnada ee xil-ka-qaadista rayaale waa qof aan dalkiisa laxejeclo u qabin, waanna dhib, waxaanna wax lala yaabo ah xukuumaddii xoolaheeda suuq u raadin lahayd inay nin qudha u xidhayso, heshiiska Al-jaabirina dastuurka ayuu jabinayaa, waanna in Golaha la horkeemo oo Al-jaabirina lala xisaabtamo.” Waxa uu Md. Cali Yuusuf tilmaamay in Al-jaabiri lacagtii loogu talogalay dhismaha maxjarka uu mid ka badan qaatay ayna tahay in lala xisaabtamo oo lacagta uu dalka ka qaatay laga soo qaado, “Lacagta Al-jaabiri qaatay halaga soo qaado, haddii aanay xukuumaddeennu inoo hayn,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf. Md. Xaashi Xuseen Caabi ayaa isaguna sheegay inuu taageersan yahay in Madaxweynaha xilka laga qaado, waxaannu tilmaamay in heshiiska Al-jaabir yahay mid xaaraan ah, “Xoolihii halbawlaha dalka ahaa ayaa loo xidhay nin ajaanib ah, waxaanan qabaa haddii dalkan lagu soo duulo oo hub lala soo galo in cid wax ka qabanaysaa aanay jirin, waayo xoolihiiba ajaanib baa la siiyey, waxaanan leeyahay haddii xukuumaddu aanay faralaha ka qaadin heshiiskaa Al-jaabiri, inkaarta xooluhu way dhacaysaa cid ay ku dhacdaba heshiiskuna waaba xaaraan,” ayuu yidhi Xaashi Xuseen Caabi. Ugu dambayntiina waxa doodda soo gebogebeeyey Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo isna si adag uga hadlay arrinta xoolaha iyo heshiiska Al-jaabiri. Geesta kale, Doodda shalay oo ahayd mid biyo-shubkeedu ahaa dhaliilaha iyo eedaynta loo soo jeedinayo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, ayaa waxa ku cusbaa iyada oo aanay habayaraatee xildhibaannada xisbiga UDUB ka soo baxay iyo kuwa taageersan siyaasadda xukuumadda midkoodna eray qudha afkooda ka soo bixin, iyaga oo aamusnaan ku daawanayey habsami-u-socodka doodda lagu lafo gurayo, dhibaatada ka taagan doofka xoolaha iyo heshiiska Al-jaabiri, waxana dhacday in mudanayaasha UDUB-ta ee isku daray liiska ka qaybgalayaasha dooddu uu mid waliba si dhuumasho ah uga baxay madasha hoolka golaha ee dooddu ka socotay, halka qaar kalena markii dambe magacoodaba liiska ka masaxeen, waayo, marka laga la eego xaqiiqada dalka ka jirta ee la xidhiidha sida bulshada reer Somaliland uga soo horjeedo kootada dhoofka xoolaha la geliyey. Mudanayaasha UDUB waxa ku adkaatay inay taageeraan heshiiska Al-jaabiri iyo inay ka soo horjeedsadaan, taas beddelkeediina waxa xildhibaan kastaaba kaligii go’aansaday inuu afka ka xidho ka hadalka qaddiyadda xoolahaba, aayar aayarna ay madasha shirka uga dusaan. Source: Jamhuuriya
  12. ^^^lool. Adeer secessionists prediction are as baseless as their claims of nationhood. Mogadishu is again the capital of all Somali's, now watch this space.
  13. lool. JB adeer Puntland President have always been welcomed in LA. While Riyaale was chased out. Historic facts as for your claims of holding the city, its temporary as your fake state is. Abdullahi Yusuf is a power to be reckoned with, he has not turned his glance in your area yet.
  14. Ciidamada xooga dalka oo dhawaan bilaabi doona howlgalo amniga lagu sugayo oo Muqdisho oo dhan saameynaya. Afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa shaacda ka qaaday in ay jiri doonaan howlgalo baaxad leh oo ay ciidamadu dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro kooxaha nabad diidka ah. Afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa shaacda ka qaaday in ay jiri doonaan howlgalo baaxad leh oo ay ciidamadu dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro kooxaha nabad diidka ah. “Ciidamadu waxaa ay ku guda jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay waxaana ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo balaaran oo amaanka lagu sugayo”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Mr Daahir Maxamed Xersi. Ciidamada howlgalka bilaabaya ayaa u badan kuwii dhawaan tababarku ugusoo dhamaaday dalka Itoobiya oo maalmahanba kusoo qul qulayay magaalada Muqdisho. Muqdisho oo keliya ma ahan meelaha ay howlgaladu ka boilaabmi doonaan hase ahaatee warar ku dhow dhow taliska ciidanka xooga dalka ayaa sheegaya in howlgaladu ay sidoo kale saameyn doonaan gobalada Bay,Shabeelaha hose,shabeelaha dhexe iyo meelo kale. Hadalka Afhayeenka xooga dalka kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay ay ciidamdu isku fidiyeen qeybo ka mida degmada Huruwaa oo lagu tiriyo in ay ka mid tahay degmooyinka gobalka Banaadir ee kooxaha nabad diidku ay ku leeyihiin fariisimada ay ku dhuumaaleystaan. Email Story Printable View
  15. ^^^Al-Shabaab are a terror group which targets civilains and weak points. They control not a single town and are running around in the bushes.
  16. “Hadii uu madaxweynaha qaranku soo saaro wareegto uu xilka iiga qaadayo,ama uu saxiixiisa saaro wareegtada hada kasoo baxday ra’isulwasaaraha waan qaadanayaa,si la mida sidii xilka uu iigu wareejiyay masuulkii iga horeeyay,ayaana masuulka loo dhiibo u qabanayaa munaasbad weyn oo aan xilka kula wareejinayo,laakin wax kasta waxaa ay ku xirnaanayaan in marka hore madaxweynaha jamhuuriyadu uu saxiixo xil ka qaadisteyda”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay mudane Mxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). The man has improved a great deal politically, the tone is different and the system is getting stronger.
  17. ^^^Adeer the TFG forces are in control of Mogadishu. Once the most feared of cities has been tamed. The main job is over, what remains is policing and security projects. The cities roads are open. the air & sea port are bussy and are controlled by the government. The government is recruiting and training a good sized army.
  18. RRA decleration RRA comanders & TFG leaders have come together to defend their community against the aL sHABAAB clan militia.
  19. Baydhabo: ....................ugu jira Dowladda KMG oo wacad ku maray iney la dagaalamayaan ururka Al-Shabaab 29. Juli 2008 Baydhabo(AllPuntland)-Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale oo ka soo jeeda beelaha ........ ayaa maanta kulan ay ugu hadlayeen dhibaatooyinka ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ka geystaan gobolada Bay iyo Bakool, kulankaasi oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii go'aan mideysan looga qaadan lahaa kooxaha weerarada ka geysta gobolada Bay iyo Bakool. Kulan oo soo gabagabooway gelinkii danbe ee maanta ayaa waxaa lagu gaaray go'aan mideysan oo ay u dhan yihiin xubnaha dowladda ugu jira Digil iyo Mirifle iyo waxgaradka gobolka, waxaana lagu go'aamiyay in si cad looga hortegi doono kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG gaar ahaan ururka Al-Shabaab ciidamadooda ka howlgala Bay iyo Bakool. Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Dowladda KMG Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa xubnihii kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle ku heshiiyeen in ay iska celiyaan lana dagaalamaan ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato aan la soo koobi karin ka wado gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna Wasiirka uu wacad ku maray in ay la cirib tiri doonaan deegaanadooda wax uu ku sheegay manaxayaal aan u naxeyn shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaan Xuseen Maxamed Afroore oo isna kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in cid kasta oo dhibaato ku heysa bulshada ay go'aansadeen iney la dagaalamaan, isagoo intaa raaciyay in Maxkamaddaha Islaamiga ay wada hadal u socdaan kuwaasi oo uu tilmaamay in wada hadal lala geli karo balse ururka Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan ogoleyn wax wada hadal ah, waxa kaliya ay yaqaanaana ay tahay iska celin. Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ay dhibaato u soo guuriyeen deegaanada Bay iyo Bakool, isagoo ka hadlay is casilaada maamulo ka tirsan gobolka Bay iyo Bakool oo xilalkii ay hayeen iska dhigay kadib handadaad kaga timid Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay mid aan wanaagsaneyn, isagoo sheegay in maamulo cusub ay u sameyn doonaan degmooyinkaasi kuwaasi oo noqon doono kuwo dadka soo xusho. Kulankan oo ahaa mid socday mudo sadax saacadood ah ayaa markii danbe go'aan mideysan laga qaatay sidii looga hortegi lahaa kooxaha weerarada ka fuliya gobolada Bay iyo Bakool gaar ahaan ururka Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay timid kadib markii shan degmo oo ka tirsan Goblka Bay ay ka baxeen gacanta Dowladda KMG mana jirto wax maamul ah oo degmooyinkaasi ka jira. C.M.Cali AllPuntland.
  20. Saraakiisha Bileyska DFKGS ayaa Sheegay inay Intabadan awooda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka somaliya ay Gacantooda ku Jirto. Muqdisho:-Saraakiisha Ciidanka Bileyska Dowlada Federalka ah ee Somaliya ayaa soo sheegaynaya inay Si cad Gacanta ugu Hayaan Intabadan awood ku Haynta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Somaliya,Afhayeenka Ciidamada Dowlada iyo kuwo itoobiya ee Magaalada Muqdisho Mr Daahir Maxamuud Xirsi ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Muqdisho gabi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan Sarkaalkan ayaa sheegay in ay howlgalo lagu sifeynayo magaalada Muqdisho ay bilaabayaan, isla markaasna wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay meesha ka saari doonaan waxa uu ugu yeeray nabad diidka, Waxaan Rajaynaynaa inaanu mudo kooban dalka kaga saarno xoogaga nabada diidan, si loo helo nabad iyo kala danbeyn' sidaas waxaa yiri afhayeebka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dowalada Federalka ah ee Somaliya. Arintan ayaa ku soo aadaysa Xili dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo badan oo lagu soo tababaray Itoobiya kuwaasi oo la Sheegay inay Ka Shaqayn Donaan Amaanka iyo Xasiloonada Wadanka Somaliya. Maxamed Axmed Ciise
  21. ^^^lool. No dear the fellows above not only commited crimes against Somali's but also threatened the UN, attacked African peace keepsrs and called for the help of international terror groups. Thus who will a western court try?
  22. Militeriga DFKMG ee dhowaan Itoobiya ka yimid ayy saakay socod dheer oo ay ku muujinayaan cududooda militeri ku maray qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho. Ciidamada xoogga dalka ee DFKMG ee dhowaan tababrada ciidan ku soo dhameysatay xerooyin ciidan oo ku yaal gudaha dalka Itoobiya ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo baxay xeradooda ku taal ex taliskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ku taal duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa saakay iyagoo lugeynaya socod militeri ka soo dhaqaaqay xeradooda iyagoo u jiheystay dhinaca bartamaha magaalada Muqdisho iyagoo ay daba socdaan gaadiidkooda dagaal. Ciidamadan ayaa socodkooda waxay ku mareen waddada dheer ee Maka Al Mukarama ee isku xirta xerada ciidanka asluubta illaa iyo xaruntii hore ee baarlamaanka Soomaliya ee shabeelle .ciidamadan ayaa iyagoo safdheer oo is daba taxan ku jira ku kala lugeynayay labada dhinac ee waddada Maka Al Mukarama iyagoo si asluub leh u socda isla markaana aan wax waxyeelo ah gaarsiin shacabka ku dhaqan goobihii ay marayeen isla markaana aysan jrirn cid isku dayday inay ku qaadan wax weerar ah. Lama oga inay ciidamadan ku sii nagaan doonaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay ka bilaabi doonaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku sugayaan nabadda ama in socodkoodu uu ahaa oo keliya dhoolatus ay ciidanku samyenayeen.