General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Aniga iga qor cade uusey baa ku soo noqon. ciduhu wax waa isku darsadeen laakiin rag baa u maamula. reer garoowe waxaa la oran caasumad baad haysataan. reer gaalkacyana soomaali oo dhan baad xukuntaa. yaa soo haray marka, reeer boosaaso leeee noooooh What utter nonsence. Reer Galkacyu rule Somalia? Anyhow IlkaJiir has a great chance if he could work with Farjac it would make the chances better. Puntland needs men like these and Ilkajiir as a Gen and a CPA would be a good choice. The only problem is the process itself, the elections of the MP's and the elders role.
  2. Xiin, no, the man is confused, I like his simple prediction an "expert" on nothing. But you are right, Somalia is insha Allah not going into the past. If so why not the 1960s past, the war period is just a period im our history its not all that we can be.
  3. These two individuals present a great hope for Puntland. If only they worked together it would be the dream ticket.
  4. They are fighting over an area with 50,000 population with 90% of the population holding Russian visa's. Now Abkhasia has also sent troops to Gergian border and another nation is joining in on the side of the Russians. This is no match and the US, Nato will not wage a war for little rea estate.
  5. Baydhabo; Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii socda Baydhabo. 8. august 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Magaalada dhawaanahan ku sii qulqulayaan Xubnaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa doonaya in ay ka qeybgalaan fadhi maalinta beri ah dhacaya kaasoo looga hadlayo xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin arimaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya ,waxaana fadhigaasi la filan karaa in ay tagaan qaar ka mid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Saraakiil ku dhow dhow Xaafiiska gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in ay maalinta beri ah baarlamaanka Soomaaliya leeyihiin kulan ay ku faaqidi-doonaan lacagaha soo galay dawladda Soomaaliya & meelihii ay ku baxeen. Gudi dhawaan loo saaray arimahan ayaa yeeshay shalay galab kulan Saxaafada loo diiday in ay wax ka ogaato ,waxaana kulankaasi ay xubnahan meelo badan ka eegeen waxyaabaha ay keeni karto arimahan ,inkastoo lasheegayo in ay Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya usoo gudbiyeen qoraalo arimahaasi looga hadlayo. Tagida Xildhibaanadu waxa ay tahay sidii ay halkaasi codkooga kaga dhiiban lahaayeen arintaasi ,waxa ayna Xildhibaano badan doonayaan in ay mar arkaan qof la leeyahay hanti ayuu lunsadey oo Sharciga la marinayo. Mudanayaal badan oo aan horey loogu arki jirin Magaalada Baydhabo ayaa markale ka soo muuqday Baararka & Hotelada Magaalada Baydhabo ayagoo markaasi ka sheekaynaya xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ,waxaana la filan karaa in go'aanka ay gaaraan baarlamaanka Soomaaliya noqdo mid ay dad badan dhowrayaan. F. C. Geylan AllPuntland
  6. Xildhibaanada Federaalka oo kusii qul qulaya Baydhabo Baydhabo(HR Media):- Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogleh kadib markii ay halkaasi gaareen xildhibaano aad u badan oo ka yimid gobalada dalka iyo dibadaba, kuwaasi oo lagu wado in ay dhawaan yeeshaan kalfadhi xasaasi ah oo la xariira xiisadaha ka dhex taagan dowlada Federaalka. Waxayna hada kor u dhaaftay tirada xildhibaanada ee ku sugan magaalada Baydhabo 200 oo xildhibaan, kuwaasi oo siyaabo kala duwan u arka xaaladaha hada dalka ka jira, xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowlada Federaalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa shalay la ansixiyey Sharcigii Batroolka ee Federaalka oo hada loo gudbiyey xafiiska Madaxweynaha si uu u ansixiyo ama saxiixo. Qodobka ugu muhiimsan ee hada lagu wado Baarlamaanka inuu u gudo galo ayaa ah mooshinkii iyo talo jeedintii guddigii loo saaray Waxqabad la’aanta ee Xukuumada, Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lala xisaabtamo dhamaan qeybaha Dowlada Federaalka ee xukuumada iyo Madaxtooyada. Xildhibaano aad u badan ayaa ka dhawaajinaya lunsasho dhaqaalaha dowlad iyo waxqabad la’aanta xukuumada, halka kuwo kalena ay diirada saarayaan Khilaafka dastuuriga ah ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada. Macada in hogaamiyaasha sare ee DFKMG ay soo gaari doonaan magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan kulamada lagu wado inay ka dhacaan magaalada Baydhabo, dhaq dhaqaaqa magaaladaasi ka jira ayaan laga dareemin xarunta Baarlamaanka tan iyo intii xilka iskacasilay Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi. Horseed Media
  7. “Arrinta Tallaabo wax war ah oo aannu ka haynaa ma jirto oo jaraa’idyada ayuun baanu ku aragnay waxa uu sheegayanoo, ilaa iminkana xukuumaddu waxba kamay soo saarin arrintiisa, lagamana wadahadal,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cadaani Mooge oo ka warramayey aragtida iyo dareenka xukuumaddu ka qaadatay qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Mr. Tallaabo. Secessionist are a bunch of jokers
  8. Madaxtooyada oo Markii u Horreysay ka Hadashay Daynta loo Haysta Tallaabo Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday aragtida iyo dareenkeeda ku wajahan qaylo-dhaanta madax-furasho ee ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ku eeddeeyey dawladdu inay ka gaabsatay, isla markaana ka aamustay bixinta kharashka dhan $7000 oo ah lacagta huteel uu ka degganaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Md. Tallaabo oo saddexdii bilood ee u dambeeyey safar caafimaad ku joogay dalka Itoobiya, ayaa waraysi khaas ah oo Isniintii toddobaadka uu khadka telefoonka kula yeeshay wargeysa Ogaal, waxa uu u xaqiijiyey in loo haysto gashi lacageed oo dhan $7000, oo ah lacagtii huteelka uu degganaa muddadaas, taas oo uu xusay in aan loo oggolayn inuu dibedda u baxo ilaa inta laga bixinayo dayntaas. “Waan xidhnahay. Markii hore dawladda ballanqaaday wixii kharash ah inay bixiso oo Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa warqad qortay ay ku caddaynayso arrintaa. Markaa wakhtigii hore Baasaaboorkayga iyo alaabta ayaa layga haystay oo waxay ahayd uun inaanan Magaaladda ka bixin, inta lacagta Huteelka la bixinayo. Imikana waxaan gaadhay heer aan toban cisho ku xidhanahay qolkaygii oo aan Safaaradii oo sadex sakadood noo dhexeeyaa iigu iman, oo aanay Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka oo Hilton ku jiraa ii iman. Afarta Guddoomiye ee Jaamacadaha Somaliland ayaa Iigu yimi meesha oo waxoogaa lacag ah oo aan ayaamo ku noolaaday i siiyay. Qolada Hoteelka ee i haysata, markii hore Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa la soo hadlay, waraaqna [fax] u soo diray, afkana wuu kala hadlay. Haseyeeshee, markii muddadii uu u qabtay oo ahayd 25 casho ay dhamaatay, ayuu hadana todoba cisho qabsaday. Muddadaasina waxay ku buuxday bishii tagtay 1-deedii, hadana 15 cisho ayuu qabsadey. Balse, Cabdillaahi (Wasiirka Arrimaha dibada) markii danbe siduu u lahaa maantaan soo dirayaa, berri ayaa la soo dirayaa, ayuu markii dambe Telefankiiba goostay. Waxay haystaan qolada Huteelku warqadii uu soo qoray, waxay haystaan balan-qaadkii qoraalka ahaa ee Safaaradda Somaliland. Laakiin, markii dambe way xanaaqeen oo Qareen bay qabsadeen, dabadeedna waxa dhacday in lagu yidhi lama Ogola in ninkan Dublamaasiga ah Jeelka lagu xidho arrintuna, mid heer Maxkamadeed gaadhaye u kaadiya. Dabadeedna waraaqihii ayay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya geeyeen, waxaanay yidhaahdeen Aqalkayaga ka bixi maayo ee wuxuu noogu xidhnaanayaa qolkayaga, ka dibna waxa la yidhi bal Huteelka uun ha joogo. Huteelkuna meel Daarad ah iyo wax dayr ah oo loo baxo malaha,” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Tallaabo oo ka xogwarramayey xaaladda uu hadda ku sugan yahay, waxaannu mar uu ka hadlayey inta uu le’eg yahay gashiga loo haystaa uu inta ku daray; “Ilaa $7000 Doollar weeye lacagta la ii haystaa. Waayo, meesha saddex bilood iyo dheeraad ayaan joogay, bil iyo badh-na waa laygu haystay.” Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Siciid Cadaani Mooge oo uu Jamhuuriya xalay wax ka waydiiyey aragtida xukuumad ahaan ay ka qabaan qaylo-dhaanta iyo eedda ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo, ayaa sheegay in xukuumad ahaan ilaa hadda aanay wax war ah ka warhayn arrintaas, isla markaana ay ku warheleen uun wargeysyada. “Arrinta Tallaabo wax war ah oo aannu ka haynaa ma jirto oo jaraa’idyada ayuun baanu ku aragnay waxa uu sheegayanoo, ilaa iminkana xukuumaddu waxba kamay soo saarin arrintiisa, lagamana wadahadal,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cadaani Mooge oo ka warramayey aragtida iyo dareenka xukuumaddu ka qaadatay qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Mr. Tallaabo. Jamhuuriya Online
  9. Ciidamo iyo Tikniko u Tagay Qabashada Mujaahid Dhegoweyne Burco (Jam)- Ciidan wata gaadiid tikniko ah ayaa shalay galab gaadhay magaalada Burco ee xarunta u ah Gobolka Togdheer, kuwaasoo la sheegay in ujeeddadoodu ahayd soo qabashada Mujaahid Ibraahim Dhegoweyene, Mujaahid Xasan Guure iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi. Wararka ka imanaya magaalada Burco, ayaa waxay sheegayaan in ciidan iyo tikniko ka ambabaxay magaalada Hargeysa ay u tageen hawlagalka qabashada saddexdan shakhsi la sheegay inuu amray Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur, haseyeeshee tallaabadani xiisad kulul ka abuurtay magaalada Burco, kadib markii ay dadweynuhu si weyn ugu codhoodeen xadhigga loo qorsheeyay soo qabashadooda. Sidoo kale, lix ka mida gaadiidka tiknikada, ayaa ka yimi jiida hore, waxaanay gaadheen xalay magaalada Sheekh, kuwaas oo doonaya Mujaahid Dhegoweyne inay soo qabtaan. Maalintii Axadda ee toddobaadkan ayaa Taliyaha Sirdoonka Qaranku safar uu ku tagey xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo uu kulan la yeeshay guddida nabadgelyada gobolka, isaga oo soo jeediyey in la soo qabto saddexaas nin, balse arrintaas laysku afgaran waayey. Saddexdan xubnood oo iyagu ku sugan magaalada Burco, ayaa la sheegayaa in aanay ku hawlanayn wax dhibaato ah oo ay si caadi ah u joogaan, isla markaana aan la garanayn sababta keentay qabashadooda, inkastoo la xusay inay ka soo horjeedaan heshiiska xukuumaddu kula jirto Al-jabiri ee muranka xoolaha dhaliyay. Arrintani waxay kor u qaaday xamaasadda ka jirta Gobolka Togdheer, taas oo dadweyne badani ka cadhoodeen amarka qabashada raggan ee xukuumaddu u adeegsanayso tiknikada iyo ciidammada milleteriga, isla markaana ay xasilooni-darro ka abuurayso gobolka, dhalinna karto cawaaqib-xumo ka dhan ah nabadgelyada. Dhinaca kale, waxay xukuumaddu toddobaadkan xabsiga u taxaabtay Guddoomiye-ku-xigeenkii iscasilay ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ilaa hadda ku xidhay xarunta laanta baadhista dabiyadda (CID-da), ilaa hadda dhinaca dawladda kamuu soo bixin wax war ah oo la xidhiidha sababta wakhtigan keentay qabashada ragan waawayn ee magaca ku dhex leh bulshada Somaliland Jamhuuriya Online
  10. Farax Brown, adeer this is great news, because the whole thing was a bout A/Qasin and the other group or Moneys former militias bosses. Nothing religious or nationalistic about it. Mr Abdiqasin and the otehr exiles are now moving from one hotel to another.
  11. 1. Adam Maxamad Ciise (Gaadaale) 2. Cabdi Qani Shancad USA 3. Cabdulahi Axmed Jamac "ILKAJIIR" 4. CUMAR SHIIKH ALI "FARJAC" 5. Mohamed Abdinur Hersi 6. Muxyadiin Cali Yuusuf 7. Nuradin Dirie Amazing step, more required.
  12. Puntland: Musharaxiin qoraal soo saarey 5 Aug 5, 2008 - 7:15:32 AM KU: DHAMMAAN ISIMMADA GOBOLKA PUNTLAND KU: XUKUUMADDA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND KU: GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND KU: DHMAAN DADWEYNAH GOBOLKA PUNTLAND Haddaan nahay Musharaxiinta xilka madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaannu ka xunahay, kana walaac-sanahay xaaladda ay Puntland maanta ku sugan tahay xag amni iyo xag dhaqaaleba. Waxaanaan hilmaansanayn in goboladii Puntland qaarkood gacan shisheeye galeen, kuwana hadda tahdiid lagu hayo. Waxaan naga dahsoonayn in cuqaashii, aqoonyahanadii, culimaa-u-diinkii iyo waxgaradkii reer Puntland lagu hayo dil-siyaasadeed, lagana ugaarsanayo masaajidda iyo jidedka degmooyinka gobolada Puntland. Iyadoo intaas oo dhibaato ah waddanka ka jirto waxaa ayaandoro ah in mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ku mashquulsan yihiin siday waddanka uga samayn lahaayeen doorasho dhalan-teed ah, si ay iyagu xukunka dib ugu soo laabtaan iyo inay ku ogaan dacwooyin iyo eedayn ciddi ka hortimaada qorshahooda.Taasina waxay tirtiraysaa nabadii ay ku gacan adaygeen Issimadu, odayaasha iyo waxgaradka reer Puntland tobankii sanno ee la soo dhaafay iyo hurumarkii ay sameeyeen maamuladii hore. Waxayna u hor-kacaysaa Puntland burbur, cawaaqib xumo iyo masiir-keena oo meelu ku dambayn doono aan la garanayn.. Sidaas darteed, waxaannu si buuxda u taageeraynaa bayaankiii ay soo saareen Isimmada gobolka Puntland taariikhdiisuna ahayd June 30, 2008. Waxaan Aaminsanahay in Isimmadu leeyihiin awood ugu sarraysa ee dalka, taladay gooyaanna lagu wada go'an yahay inta laga helayo Dastuur dhamaystiran oo ay ansixiyeen dadweynaha reer Puntland. Waxaannu ka codsanaynaa Isimmada, golaha wakiilada,nabaddoonada, culimaa-u-diinka, waxgaradka iyo qofkasta oo muwaadin ah in laysu taago sidii loo bad-baadin lahaa gobolka Puntland. Dhammaanteen waxaan xog-ogaal u nahay in shacabka reer Puntland ugu soo dulqaateen xukuumadda maanta gacanta ku haysa gobolka; wax qabad la'aan, caddaalad xumo, amni la'aan iyo boob cad oo lagala baxay jeeb-kooda wax allaale wixii ay haysteen.Intaasna waxay ilaalinayeen oo ixtiraamayeen: in aan laysku dhicin, in aan nabaddu faraha ka bixin, in ummadda la gaarsiiyo doorashooyin xor ah taas oo hadda madasheedii la joogo. Sidaas awgeed, waa inaan dhammaanteen isu taagno sidii looga samayn lahaa waddanka doorashooyin ku dhisan caddaalad, si nabad-gelyo ahna u dhacda. Marka si loo helo taas waxaa loo baahan yahay in Isimmadu soo magacaabaan guddi doorasho oo ka madax-bannaan xukuumada oo diyaariya doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha Waxaan ku adkaynaynaa Isimmada, Nabadoonada iyo waxgaradka reer Puntland inaan marnaba lagu aaminin xukuumadda maanta ka dhisan gobolka; difaaca, amniga iyo maamulka doorashooyinka dalka. Waxaan kula talinaynaa xukuumada dowlad goboleedka Puntland inay ka waan-towdo u hanqal-taagga doorashooyin ay siday rabaan u maamushaan. Waxaanna u sheegaynaa inay ku yimaadeen rabitaanka shacabka, kuna joogi karaan rabitaanka shacabka oo kaliya. Waxaad ogaataan inaysan ummadda reer Puntland aqbali doonin sharciyo iyo shuruudo dano gaar ah laga leeyahay. Golaha Wakiilada ee Puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan ansixin sharciyadaas lagu marin habaabinayo shacabka reer Puntland dadaalka ay ugu jiraan siday u dhisan lahaayeen dowlad ka tarjumaysa himiladooda, kuna timaada wada tashiga beelaha isir-wadaaga ah. Waxa aannu taageeraynaa dadaalkii wanaagsanaa iyo khudbaddii wax ku oolka ahayd oo madaxweynaha Dawladda Federaalka ah Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmad uu ka jeediyey magaalada Garoowe. Taas oo si weyn u taabatay dhammaan meelihii lagu dhaliilaayey dawlad goboleedka Puntland. Dadweynaha gobolkana gelisey niyad sami cusub. Ugu dambayntii waxaannu diyaar u nahay inaan kala shaqayno Isimmada, dowladda, iyo dadweynaha sidii lagu sugi lahaa amniga waddanka iyo sidii loo heli lahaa dowlad ku timaada talo loo dhan yahay, kuna dhacda jawi nabadeed. Waxaan ballan qaadaynaa inaan ka hormarino dantayada tan dadka iyo dalka. Waxaa ku sixiixnaa: 1. Adam Maxamad Ciise (Gaadaale) 2. Cabdi Qani Shancad USA 3. Cabdulahi Axmed Jamac "ILKAJIIR" 4. CUMAR SHIIKH ALI "FARJAC" 5. Mohamed Abdinur Hersi 6. Muxyadiin Cali Yuusuf 7. Nuradin Dirie
  13. ^^^before the elections adeer.. Anyhow its bad news for the desert state.
  14. Sheekh Shariif oo lagu wado in uu iska Casilo Gudoomiyenimada Isbahaysiga Asmara iyo Cabdi Qaasim oo xilkaa la wareegi doona 06 August, 2008 By _Dowladnimo Warar aanu ka heleyno shaqsiyaad u dhuun daloola siyaasada isbaheysiga Asmara ee hada fariisinkiisu yahay dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed lagu wado in uu iska casilo guddoomiyenimada Isbahaysiga Mucaaradka,taas oo uu la wareegi doono Ina Salaad Booy oo dadka qaar ay u yaqaanaan Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Ina salaad Booy ayaa horay madaxweyne Uga noqday dowladii carte, waxaana dhawaanahanba uu ahaa ninkani mid aad ugasoo hor jeeda hana qaadka dowladda federalka Soomaaliyeed. Wararka ku saabsan la wareegida Ina Salaad Booy ee hogaanka isbahasyiga mucaaradka ayaa waxaa uu soo shaac baxay kadib markii Nuur Cadde uu qoraal u diray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo uu ku sheegay in waqti la siiyo isbahaysiga fadhiya Jabuuti si ay u doortaan wax uu ku sheegay Nuur Cadde hogaan cusub oo ruug cadaa siyaasadeed ah lana saan qaadi kara barnaamijka siyaasadeed ee xiligan dalka soomaaliya ka jira. Shaqsiyaad ka tirsan golaha dhexe ee isbaheysiga ayaa arinkaan si weyn uga soo horjeestay waxayna ku doodayaan hadii talaabadaasi lagu magacaabayo C/qaasim la qaado in ay isaga bixi doonaan golaha dhexe ee isbaheysiga. Maalmaha inasoo aadan ayay wararku sheegayaan in dalka Masar oo fariisinka Ina Salaad Booy ah lagu qaban doono shir weyne looga gol leeyahay in jagada guddoonka is bahaysiga qaran diidka lagula wareejiyo Ina Salaad Booy. Laakin waxaan rasmi ahaan loo garanaynin sida ay suruagal u noqon karto in xubnaha golaha dhexe ee diidan Ina Salaad booy loogu qancin karo. Arrintan ayaa waxaa Nuur cade ku dhaliyay la taliyihiisa gaarka ah Axmed Cabdi Salaan, iyadoona aan la garanaynin waxa uu Nuur Cade u adeegsaday qancinta wadaadka siyaasadiisu dhex dhexaadka tahay ee hada hogaamiya is bahaysiga iyo maxkamadaha beelaha midoobay intaba.
  15. Cabdi Qaasim Salaad Booy oo kusoo biiraya is bahaysiga Mucaaradka ee Asmara 05 August, 2008 By _Dowladnimo Inkastoo uu Is bahaysigani hada dagan yahay dalka Jabuuti ayaa hadana wali uu wataa magaca meeshii lagu dhisay oo ah is bahasyiga Asmara, waxaana warar xog ogaal ahi ay sheegayaan in hada uu heer gabo gabo ah marayo dadaal ku aadan sidii ay is bahaysiga ugusoo biiri lahaayeen siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya. Maalmaha soo socda ayaa magaalada Qaahira waaxa ka dhici doona kulan balaaran oo ay isku arki doonaan madaxda is bahasyiga iyo siyaasiyiinta caanka ah ee lagu wado in ay kusoo biiraan, sida ay shabakadan ka ogaatay ilo ku dhow dhow. Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo horayna madaxweyne uga ahaa dowladii carta ayaa ka mida raga sida weyn loo hadal hayo in ay is bahasyiga kusoo biiraan, iyadoo qaban qaabiyaha kulanka qaahirana uu isaga yahay. Guddoomiyaha is bahaysiga Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb geli doona kulanka qaahira. Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Qaasim uu aad u jecel yahay in Isbahaysiga uu ku biiro, hadii ay suuragal u noqon weysana uu ugu yaraantii si dahsoon ugu lahaan doono taladiisa joogtada ah. Warar aanu si hoose u helnay ayaa sheegaya in magaalada jabuuti ay dhawaan tageen madaxda is bahaysigana kulamo la qaateen siyaasiyiin kasoo jeeda beesha **** oo ay ka mid yihiin Xasan Dhimbil iyo Dr Culusow kuwaasoo u gogol xaarayey is aragaan ka dhicidoona magaalada qaahira ee dalka Masar.
  16. ^^^Adeer only Allah knows who will enter Paradise and he is the most merciful most gracious.
  17. ^^^It matters not adeer. As for MMA what did you delete saxib? I am happy to see you are doing your job at last start with the perosnal attacks saxib.
  18. ^^^They had a recent one, a year or so again.
  19. Che, adeer his misfortune is a political one caused by the fake secessionists ideology. Thats the point of highlighting his plight and the comedy of errors that is Talaabo and the hotel incident.