General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. DQ: I love my reer Abtis saxib, they are a proud and wonderfull lot. Its just those who have cause them so much harm now pretend to be religious leaders. GT: Adeer you talk about foot soldiers. Here are the names of the leaders of ICU. Sharif Ahmed, Abukar Cumar Cadaan, Janagow, Xasan dahir, Ibrahim Cadow. Militarry. Indacade, Abu Qutabe, Cayrow... What clan are these men from?
  2. source Sidaa darteed maanta la yaab malaha Sh Xasan inuu is magacaabo maadaama Shalay uu aaminsanaa ineysan jirin cid ka sareysa ama laga yaabo Beesha uu ka dhashay ayasan Maslaxad u arkin in la hogaamiyo waa uu ku saxan yahay inuu sheegto inuu xilka ka qaady Sh Shariif -waloow uusan awalba asaga dooran maantana dhab ahaan uusan ka qaadi karin – sidii Ceydiid uu Sagaashamaadkii isu magcaabay una diiday wax heshiis ah iyo wada hadal inuu la gaaro Cali Mahdi oo ay ishyeen. Sh Xasan maanta waxa uu heli karaa dad Xamaasadeysan oo ku taageera talaab kasta oo qaldan uu qaado sidii Ceydiidba taageerada ugu helay Dagaaladii uu ka waday Koonfurta Soomaliya, dhibaata Somaali ku cusub ma aha inuu is magacaabo Sheeqa asaga oo fulinaayo rabitaanka Beeshiisa iyo Siyaasada Dowlada uu Martida u yahay oo qorsheyneyso in Ciidanka Itoobiya ku mashquulsanadaan gudaha Soomaliya si aysan ugusoo gacan banaanaan marna waayo waxaa la filayaa hadii Itoobiya ay ka baxdo Soomaliya in ay Dagaal la gali doonto maadama uu Burburay heshiiskii u dhaxeeyay labada Dal ee ay QM ku dhexdhexaadineysay . Sh Xasan waxaa taariiqda ugu qoran tanaazulaadka faraha badan oo uu sameeyay Beesha uu ka dhashay ee Ceyr iyo sida uusan marna wax jilicsanaan ah ugu muujineyn danta guud ee Shacabka Soomaliyeed ee Muslimiinta ah,waxaa uuna qaadi doonaa Mas’uuliya ka dhalata qalafsanaantiisa hadii Abaar dhameeyso Shacabka Soomaali sidii Ceydiinba Taariiqda ugu qoran tahay Maleeshiyaadkiisii in ay Cunnada ka boobi jireen Gobolada ay xooga ku heesteen taasoo keentay dhibaato weyn in ay gaartay Beelihii Soomaliyeed ee ku noolaa Goboladaaas gaar ahaan Bay iyo Bakool Sh/hoose. Waxaan ugu Naseexeynayaa kuwa wanaaga jecel ee aan darensaneyn waxa ka soo socda qilaafka uu abUuray Sh Xasan in ay taariiqda dib u baaraan ogaadaana maalinta Qiyaame in ay qaadi doonaan Masuuliyada ka dhalata Fidnada ay taageereen waayo wax wadajir lagu waayay oo wanaag ah laguma gaari doono kala tag iyo ismagacaabid lamid ah tii u Jen Ceydiid ku Magacaabay Dowladii Salbalaar WAXAAN QORAALKEYGA KUSOO GABA GABEYNAYAA HAMBALYO DIIRAN OO AAN U DIRAAYO GUDOOMIYAHA CUSUB EE ISBAHEYSIGA SALBALAAR WAXAANAN LEEYAHAY TAARIIQDA DIB BAL U AQRI ADIGOO AAAD U DAGAN LAGASOO BILAABO 1991…..2008 KUNA DHAQAN JAWAABTA KUU SOO BAXDO!!! By Asad yare
  3. Cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca gobolka Bakool. (Muqdisho,Jimco,25,Julaay,2008,(Hornafrik Media) deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxa ka taagan cabsi laga qabo inuu dagaal ku dhexmaro Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah oo tababar ugu soo dhamaaday dalka Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda oo kusugan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidamadaan oo dhamaantood Boolis ah islamarkaana noqonaya qeybtii labaad, Ciidamada Dowladda KMG ah ee lagu soo tababaray wadanka Itoobiya ayaa xalay soo gaaray meel 20KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool sida dadka deegaankaasi ay xaqiijiyeen. Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaani ay lugeynayaan,iyagoo hareeraha ay ka socdaan gaadiidka dagaalka. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik In ciidamada Booliska dowladda KMG ah oo aad u feejigan ay la socdaan koox Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyana aad u hubeysan. Waxa ay Ciidamadaani ka soo baxeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxayna ku soo jeedaan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ciidamo ka tirsan Maamulka gobolkaasi oo ka amar qaata dowladda KMG ah ayaa iyana la sheegayaa inay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, inkastoo xaalada gobolka ay hada degan tahay. Qeybtii hore ee Ciidamada lagu soo tababaray wadanka Itoobiya waxa ay soo gaareen labo maalin ka hor Magaalada Muqdisho,inkastoo intii wadada ay ku soo jireen ay la kulmeen weeraro culus oo kaga imaanayay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasada dowladda KMG ah iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalk
  4. Xudur: Dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ka socda gobalka Bakool. 25. juli 2008 Xudur(AllPuntland)- Maamulka gobalka Bakool oo kaashanaya ciidamo xoog leh oo dhawaan gaaray halkaasi ayaa bilaabey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan iska difaacida Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Saraakiil dagaal oo dhawaan ka soo laabatey dalka Itoobiya & Maamulka gobalkaasi oo xalay yeeshay kulan amaanka looga hadlayo ayaa soo saaray talaabooyin ay kaga hortagaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Afhayeen uhadlay Maamulka gobalka Bakool ayaa usheegay AllPuntland in ay diyaariyeen ciidamo xoog leh oo ay kaga hortagayaan dagaalo lugu soo qaado meelo ka mid ah Magaalada Xudur ,wuxuuna sheegay in ay hada diyaar yihiin inta badan ciidamadii dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya ,kuwasoo dagaal culus la gali doono Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya. Masuulkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Siciid ,wuxuu tilmaamay in ay heleen xog sheegaysa in ay meelo badan oo ka mid ah Agaaga dagaal ee Magaalada Xudur soo buux dhaafiyeen kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya,. 'Aniga Dawladda Soomaaliyeed ahaan waxaan ku dhaqaaqeynaa talaabo walba oo aan wax kaga qaban karo kooxaha naga soo horjeeda ,waxa ayna ciidamadeenu qaadayaan talaabo kasta oo lugu jabinayo awooda kooxahaasi' Ayuu yiri Masuulkan isagoo sidoo kale meesha ka saaray in ay ka baxaan magaalada sidii horey looga bartey. Hanjabaadahan ka soo yeeraya Maamulka dawladda Soomaaliya ee gobalkaasi ayaa ka dambeeyey markii habeenkii xalay ahaa Magaalada Baydhabo ay ka baxeen Saraakiil & ciidamo xoog leh oo loo diray Magaalada Xudur. F. C. Geylan AllPuntland
  5. lool. The opposition is in trouble. They have split into their basic sub clan groupings. It was expected they were loosing on all fronts and the pressure was way too much.
  6. Muqdisho: Dawladda Soomaaliya oo imika dooneysa Xasilinta Muqdisho & Sameynta Hubka dhigis laga sameeyo Caasumada Soomaaliya. 24. juli 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo fara badan oo dhawaan tababaro loogu soo xirey dalka Itoobiya ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ,waxaana lugu qaaday weeraro xoog leh ayadoo ay talaabtaasi ay ka hadleen Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed & Maamulka gobalka Banaadir. Saraakiishan ciidamadan waxa ay sheegeen in ay ciidamadan qaadayaan talaabo waa weyn oo ay wax kaga qabanayaan Amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo eegaya goobaha ay sida gaarka ujoogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamadan Magaciisana ka gaabsaday in Saxaafada laga sheego ayaa usheegay AF in ay ciidamadan yihiin kuwa siweyn loo soo tababaray Ujeedkuna yahay sidii ay amaanka Magaalada Caasumada ah ,ugu soo celin lahaayeen gacanta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Masuulkan oo la weydiiyey in ay ciidamadan leeyihiin Madaxda dawladda Soomaaliya qaar ka mid ah, siiba Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Wasiirka Gaashaandhiga Muxyadiin Ibraahim Xaaji ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ,ayna warkaasi baahiyeen Warbaahinta ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Sarkaalkan Milateri wuxuu sheegay in ciidamadan laga keenay gobalada Soomaaliya oo dhan ,ayna inta badan laga qorey gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ,ayna muhiim tahay in la hubsado wararka la sheegayo ,isagoo walaac ka muujiyey sida mustaqbalkoodu noqon doono Kooxaha wararkaasi gudbinaya. Goobaha ay dhibaatooyinka badan ka jiraan waxaa ka mid ah Xaafado kuyaala Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayadoo ay sidoo kale jireen goobo ay amaan daro baahsan ka jiraan oo ay ka mid yihiin Wadada dheer ee Warshadaha oo ay ku teedsan yihiin Xerooyin Milateri oo ay leedahay dawladda Soomaaliya. Galida ay ciidamadan galeen Magaalada Muqdisho ayaa walaac ku beertay dad badan oo Reer Muqdisho ayagoo cabsi ka qaba dagaal lugu qaado ciidamadan ,ayna ciidamadan adeegsadaan Hubka culculus ,balse Maamulka gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadayaan talaabooyin Hubka dhigis ku jirto. Sarkaal sarre oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqey warkan ,wuxuuna si gaar ah usheegay in ay ciidamadan galayaan Degmooyin badan oo ay dagaalo kala kulmaan ciidamada dawladda Soomaaliya ,taasoo dad badan ay garan la'yihiin Degmada ay ula jeedaan laakiin waxaa marag madoonto ah in meelo ka mid ah Muqdisho ay dhibaatooyin badan ka jiraan. Khuburada la socota arimaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in ciidamadan lageeyey Magaalada Muqdisho & hadalkii ka soo yeeray dawladda Mareykanka ee ahaa in ay Washignton qeyb weyn ka qaadan doonto xasilinta Muqdisho ay cadeynayaan howlgalo dhinac walba leh oo laga fulin doono Magaalada Muqdisho. F. C. Geylan
  7. Ciidamo gaaray Muqdisho 23 Jul 23, 2008 - 7:37:20 PM Ciidamo dhawaan DF loogu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa maanta gaaray Muqdisho; iyagoo fariisimo sameystay, lamana garanayo talaabada xigi doona ee ay qaadayaan. Taliyaha ciidamadan cusub Col. Daahir Max'ed Cabdi [Daahir Dheere] oo la hadlay saxaafada markii ay gaareen Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talogalay inay sugaan amaanka Muqdisho oo aad u xun. "Ciidamadu waxay soo celin doonaan amaankii Muqdisho; waxayna la dagaalami doonaan kooxaha mucaaradka ah ee aan diidan nabad dhalata" ayuu yiri Col. Daahir Dheere. Ciidamadaan oo socod kusoo maray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay dhaawac u geysteen ugu geysteen deegaanka KM-13 laba qof oo rayid ah, kuwaasoo saarnaa gaari BL ah. Goobjooge ku sugan deegaanka KM-13 oo rasaastan ay ka dhacday ayaa u sheegay Garowe Online in dhalinyaro ka tirsan kuwa deegaankaas qaxa ku jooga ay isku dayeen inay ciidamada jidka uga xiraan dhagaxaan, balse ay taasi keentay inay ciidamadu rasaas furaan. "Rasaastii ay ciidamadu fureen waxay ku dhacday gaari caasi ah oo marayay halka uu falkaas ka dhacay, laba qof ayaana ku dhaawacmay" ayuu goobjoogahaan oo magaciisa qariyay u sheegay Garowe Online. Ciidamadan ayaa waxay ku labisan yihiin dharka u eg kan ay ku labistaan ciidamada Ethiopia, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada xambaara oo Ural ah, iyadoo gaadiidka qaarkoodna ay jiidayaanmadaafiicda waaweyn. Qaar ka mid ah ciidanka ayaa waxay dageen Taliskii Asluubta oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah, halka ay kuwo kalena dageen wasaarada gaashaandhiga oo iyadana saldhig u ah ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay ciidamadan cusub ee Muqdisho gaaray ayaa sheegay inay yihiin kuwo sugay amaanka Muqdisho, iyagoo hub ka dhigis sameyn doonaan. Garowe Online, Muqdisho
  8. lool. Adeer why all the talk. Stop the mafia boss from absuing the people. Come on were is the SNM.
  9. GT: Adeer the ARS is nothing. What I am refering to is the Clan Courts movement. Now what was it made up of?
  10. ^^^Geel Jiire , now Sharif Ahmed is no good right. was his usefullness limited to Asmara?
  11. Xiin, adeer stop with the pretentious nonsense, Adeer the facts are clear 1. this whole movement was made up of a single clan, well armed led by a sub-clan headed by IndaCade, Xasan dahir and Abdiqasin. 2. This clan used Sharif Ahmed throught the wars as a figure head and he ahd no power. IndaCade declared the war, Cayrow executed it and Xasan Dahir was the master mind. Its amusing that certain gullible folks have been convinced that this was a religious movement. While their own communities were being targeted in KISMAYU and their homes occupied by the likes of Shiekh IndaCade. Adeer as for nievity, was it you who thought that this clan movement was not gonna be effected by the UN resoloution or that it was going to win the war oops Jihaad. Again kindly stop prancing around, Abdullahi Yusuf is my uncle and I don’t care what anyone thinks. Now what clan are you and would you be spared by the likes of Xasan dahir? Lol/
  12. Adeer dont flatter yourself. I have more clan members from the said clan than you, was raised by them, lived with them and still do. thus my understanding does not from your clans point of view but from theirs. I am presenting facts you are just trying to sound great for credit by some folks here. Lets get back to the topic, this is pure politics and Xasan dahir and his clan have tried their best, they have thrown everything including the holly Quarn at their opponents and have achieved the opposite.
  13. ^^^Backtracking on what saxib? The point of the topic is to highlight the hypocracy, falsehood of this clan movement. Th Quran nor an Ilsamic ideology was their foundation. The clan of Xasan dahir, Abdiqain and Indacde's interst and hold of lands was. Sharif Ahmed was a puppet who was being used. Thus the point is, if these fellows followed the holly Quran they would not have sent children to die for nothing. If they were fighting for Islam, they would not be in Asmara kissing Aferwarki. This is the point of the topic adeer.
  14. ^^^First Awdal now SSC. You secesionist are indeed crazy clanists.
  15. ^^^Adeer thats not the point of the topic. As we are aware you and other cheer leaders for this group supported when they were using the holly Quran as en excuse not to negotiate with the TFG. Mr Janagow one of their leaders who was sacked yesterday used to state it clearly. we want only the Quran and not any secular party nonsnece. Now what do they have in Asmara, the holly Quran? Nice try twisting this thing.Also Xiin you have miscalculated the direction the winds are blowing in this political climate again. As you did with the war.
  16. This is from the big secessionist newspaper and not the Duke. Feeling the heat ya secessionists?
  17. ^^^Adeer get of that high horse. I am Muslim just like you. As for being against Ethiopia then why support those who only seem to murder fellow Somali's. Everyone knows where Ethiopia is located and it ain the NGO's and innocent civil servants.
  18. Hassan Brother, its best you stick with facts and figures. Getting all hot and bothered wont get you any where. Advice from your brother Duke.
  19. Sheekh shariif ayaa hadalkaasi kaga jawaabay in magaalada Jabuuti ay ku joogaan ergo ku filan oo uu ku furmi karo fadhiga golohooda, isagoo sheegay inay magaalada Jabuuti maalintii ugu horeysay ay ku shireen 1 06 qof, 17 ay fasax iyo arrimo kale ku maqnaayeen. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhinaciisa ku dooday in Sheekh Shariif uu dhinac maray sharciga isagoona la tashan xubnaha Isbahaysiga uu iskiis tallaabo wadahadalo iyo heshiisyo u saxiixday. No mention of the holly Quran as they used to in Mogadishu. Clowns
  20. Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dood kulul dhexmartay Jabuuti(HR Media):-Telefishanka afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa dood dhex dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo labaduba isbahaysiga kawada tirsan. Doodaasi oo uu telefishanku qabtay habeenkii xalay ahaa ayaa labada nin ay hadaladoodii muujinayeen khilaafka xoogga leh ee soo kala dhexgalay ka dib markii xubnaha Isbahaysiga ee uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis la saxiixdeen dowladda kmg. Sheekh Shariif ayaa waxaa wax laga weydiiyay heshiiskaasi sida uu sharci u yahay inay la saxiixdaan dowladda kmg ah iyadoo ay ka maqan yihiin xubno ka tirsan Isbahaysigiisa oo loo arko inay saameyn weyn leeyihiin. Sheekh shariif ayaa hadalkaasi kaga jawaabay in magaalada Jabuuti ay ku joogaan ergo ku filan oo uu ku furmi karo fadhiga golohooda, isagoo sheegay inay magaalada Jabuuti maalintii ugu horeysay ay ku shireen 106 qof, 17 ay fasax iyo arrimo kale ku maqnaayeen. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhinaciisa ku dooday in Sheekh Shariif uu dhinac maray sharciga isagoona la tashan xubnaha Isbahaysiga uu iskiis tallaabo wadahadalo iyo heshiisyo u saxiixday. Wuxuuna ku eedeeyay inuu dhageysan waayey baaqyo iyo talooyin ay u jeediyeen sheikh Shariif sheikh Axmed hase yeeshee uu dhagaha ka fureystay. Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale ku tilmaamay heshiiska ay dowladda kmg ah iyo Isbahaysiga ay wada saxiixdeen inuusan ahayn heshiis si dhab ah loo fulin doono. Waxa uu ku tilmaamay heshiis lagu khiyaameynayo shacabka Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga xubnaha taabacsan Isbahaysiga ee iyagu la dagaalamaya waxa uu ugu yeeray Gumeysiga dalka haysta. Balse sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dooday in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaal iyo dhibaatooyinka haysta, waxay u baahan yihiin buu yiri Shacabka Soomaaliyeed inay nabad helaan islamar markaana laga saaro ciidamada Itoobiyaanka. Waxa uuna ku eedeeyay xubnaha Casmara jooga inaanay dan u wadin shacabka Soomaaliyeed hase yeeshee ay u adeegayaan dano gaar ah iyo dalal gobolka ku yaalla. Si kastaba ha ahaatee waxaa la dhowrayaa khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha Isbahaysiga saameynta uu ku yeelan karo heshiiskii Jabuuti. Horseed Media