
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
TFG forces resist defeat the mindless attack of Al Shabaab
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afhayeenka xooga dalka oo ka war bixiyay khasaarihii dagaalkii shalay ay ku gaarsiiyeen maliishiyada nabad diidka. Daahir Maxamed Xersi oo ah afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkii shalay gellnkii dambe ka dhacay qeybo ka mida degmooyinka huruwaa iyo Yaaqshiid ay ku gaarsiiyeen maliishiyada maxkamadaha beelaha. Waxaa sidoo kale uu afhayeenku ka war bixiyay hadii uu jiro khasaare ciidanka xooga dalka kasoo gaaray dagaalkaas. “Anaga dhankeena halaskari ayuu soo gaaray dhaawac fudud,walina aaga ayuuba ku jiraa”ayuu yidhi afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed xersi oo intaa ku daray in rag badan ay ka dileen maliishiyada nabad diidka,hubna ay kala hareen. Afhayeenka ciidanka xooga dalku waxaa uu sheegay in weerarku uu ka yimid dhanka maliishiyada maxkamadaha beelaha oo ciidankuna ay dib u caabiyeen gaarsiiyeena khasaare aad u xoog badan. “Deegaanadii lagu dagaalamay iyo deegaano kaleba hada waxaa fadhiya ciidamada xooga dalka ,ragii argagixisada ahaana meesha waanu ka saarnay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay afhayeenka xooga dalku. -
DFKMG oo guulo ka shaagtey dagaalka 5 Aug 5, 2008 - 3:33:14 AM Iyadoo dagaal sababay dhimashada 15-qof oo u badan shacab uu ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada huwanta ah iyo mucaaradka ayuu sheegay taliyaha ciidamada DF Col. Daahir Max'ed Xirsi inay ku qabsadeen dagaalkaas hub fara badan. Col. Xirsi, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid qorsheysan laguna doonayay in looga saaro goobaha ay ku sugnaayeen, balse ay ka itaal roonaadeen xoogagii mucaaradka ee weerarka kusoo qaaday. Dagaalkaas ayaa sababay inay dhintaan dad shacab ah guryahooda ay madaafiici ku dhacday, halka ay dagaalkaan ku dhaawacmeen 30-qof oo la dhigay isbitaalada Muqdisho qaarkood. "Waxaan ku dilnay dagaalkan 4-ka mid ah mucaaradka, waxaana ku qabanay laba kale, inagoo kaga qabsanay hub ay ka mid ahaayeen laba gaari oo ay saaran yihiin qoriga loo yaqaan P10-ka, kasoo ay ku garaaceen goobaha rayidka" ayuu yiri Col. Daahir Max'ed Xirsi oo la hadlay saxaafada. Afhayeenka howlgalada ee Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiin oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dagaalkaas aan wax khasaare ah loogu geysan, balse ay iyagu khasaare gaarsiiyeen ciidamadii ay la dagaalameen, isagoo gaashaanka ku dhuftay sheegashada sarkaalka u hadlay DF. Sheekh C/raxiin Ciise, wuxuu sheegay in dagaalkaas ay iyagu ku gacansareeyeen, maxaabiisna ay kaga qabsadeen DF, dhankooda ay ka dhinteen laba qof, halka ay kaga dhaawacmeen sadex kale, DF-na waxay sheegatay dhaawaca hal askari. Afhayeenka Maxkamadaha wuxuu diiday inuu ka jawaabo hubka la sheegay in laga qabsaday, wuxuuna sarkaalka u hadlay DF ugu baaqay saxaafada inay yimaadaan goobihii lagu dagaalamay si ay u tusaan hubka ay ka qabsadeen mucaaradka. Dagaalkan ayaa ahaa mid aad u qaraar, waxaana dadkii ku noolaa xaafadihii lagu dagaalamay ay saakay bilaabeen inay isaga barokacaan, si ay uga nabadgalaan dagaalo kale oo dhaca. Garowe Online, Muqdisho
-
lool. Nune, adeer Ethiopia is nothing They do not rule Somalia the TFG does, when Geedi made noise many came here and said oh Ethiopia will save him. Ethiopia can not be the enemy and the saviour as it is to the secessionist in hargaysa and the likes of Red Sea. Or to the clan lovers like Farax Brown. lool.
-
Lets stop with the insults, I know this fellow and he is a good man. I don’t agree with what he says and his political position all the time, but to paste his picture here and and make personal attacks while hiding behind a computer screen is high level of cowardice. Hassan67: why not paste your pic and real name and lets see how brave you are?
-
What an amazing eye-opener the fake clan Mujahids and separatist loons or the clan lovers and clan haters have joined together in praising and lauding the power of the Ethiopians. Who they were waging a cyber Jihad against? Now Ethiopia and Melez will save you from Yusuf Yey. As you have no power in the country. Forget Al Kebaab and the religious warriors
-
Mogadishu: Terror bomb kills 20 civilians mostly cleaning women
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This has happened before. The cleaning ladies were working for the local admins. Who is against cleaning? Al Shabaab -
Muqdisho: Qarax lala beegsaday haween waday howlo nadaafadeed oo sababay Dhimashada 15, dhaawac fara badan iyo Dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho 3. August 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lala oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ay ku naf waayeen dad gaaraya Shan iyo Toban qof oo haween ahaa kuwaasi oo ku howlanaa ololaha nadaafadda Gobolka Banaadir halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay iyadoo halka uu qaraxa ka dhacayna ay ku sugnaayeen haweenkan oo wadada qashinka ka qaadayey, waxaana sidoo kale halkaasi ka ag dhawaa ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaasi fariisin ku leh, iyadoo arintani ay dad badani ka xumaadeen. Horay ayaa sidaan oo kale haween ku howlanaa howlo nadaafadeed lala beegsaday qarax miino xili ay qashinka ka qaadayeen wadada Wadnaha waxaana ku naf waayey in ka badan Sagaal haween ah,mana jirto ilaa iyo weli cid sheegatay qaraxaasi in ay ka danbeeyaan. Dhinaca kale waxaa saakay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG iyo ciidamada Itoobiya ayaa weerarkaan saakay waaberigii ku soo qaaday fariisimo ay deganaayeen ciidamada, waxaana goobahaasi ka mid ah garoonka ciyaaraha Muqdisho, xaafadaha Towfiiq iyo Carafaat, iyadoo khasaaraha uu dhaliyay dagaalkan aan ilaa iyo hada la ogaan karin sababo la xariira ciidamada oo xeray xaafadaha uu dagaalka dhacay. Afhayeenka howlgalada Ciidamada Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed Shiikh Cabdi Raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay ka danbeeyeen ciidamada Maxkamaddaha oo uu sheegay in ay weerareen fariisamada ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna intaa raaciyay in ay ciidamada Maxkamaddaha ay qabsadeen isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, isagoo meesha ka saaray khasaare soo gaaray dhankooda. C.M.Cali AllPuntland.
-
-
A friend of mine once stated.. ‘Don’t you understand Puntland is the beginning of the great plan.’ Ah 1998 was indeed the start of the plan To restore hope and the nations once again From In aYusuf to Abdi Hashi and the sultans gand son Puntland is peace, its prosperity In the next decade my the lord bless its bountifull land and the beauty of its people In the next decade my generation will produce the next great leaders of Somalia So again as your son, my thanks to the lord for your security and peace Puntland may you be what we hope the land which all Somali’s will not just survive But thrive.
-
General Duke is the new Somali ambassador to Tehran
General Duke replied to dhulQarnayn's topic in Politics
lool. The Duke indeed is not this fellow. My ambitions are much higher lads. Anyhow where is the secesioniost rep to Tehran? Or do they not have any recognition for their nonsence in comparison to the TFG. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mr two horns is practicle man. He made an honest statement reflecting the reality of Somalia. However the post of PM is vital. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Juje, adeer I love the point you made about Nur Cade having the support of the "international community" same things were said about Geedi and his "Ethiopian connection". Nur cade has not even been able to present a budget, thus what has his cabinbet done? Nur Cade term has made the security situation even worse. This is a fact. Nur Cade sacking of the Mayor of Mogadishu was against the same constitutional rules which gave him his powers. Why did he not read it? Nur Cade has today lost the confidance of 11 out of 15 of the cabinet he created on his own and which even you lauded was anti Yey and so on. Thus the old man seems to be incompetent and does not have even the skills Geedi had which is not saying much. Any how lets watch the game to the end. Its a step forward for Somalia that we can get rid of individuals and appoint new ones without blood shed. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
In Badan Wasiirada Xukuumada Ra'isul Wasaare Nuur Cadde oo maanta is casilay Source: Shebelle August 2, 2008 Markacadeey KMG Soomaaliya ee uu hor kacayay Ra'isul Wasaare Nuur Cadde ayaa maanta iska Casilay Xilkii ay hayeen. Wasiiradani maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumada uu hor kacayo Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa ah kuwa gaaraya 10 wasiir iyo hal wasiir ku xigeen kuwaasi oo hayay xilaal gaarayay illaa iyo 13 wasaaradood oo dhamaanatooda ka wada tirsanaa xukuumadii dhawaan loo magacaabay in uu hor koco Ra’isul wasaare Nuur Xasan Xussen (Nuur Cadde). Wasiiradani maanta xilkii ay hayeen iska casilay ayaa waxaa ay sheegeen in ay isaga casileen xilkoodii kadib markii ra’isul wasaare Nuur Cadde uu go’aan kali talisnimo ah ka qaatay Xil ka qaadisatii uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere Taasi oo ay sheegeen in aaney Waafaqsaneeyn sharciga Sida ay hadalka u dhigeen. Waxaa ay sidoo kale sheegeen wasiiradaasi in ra’isul wasaaruhu uusan wax miisaaniyad ah u sameeyn xukuumada taasi oo sababtay in la lunsado hantidii Qaranka iyo Tan shacabka waxaana ay sidoo kale tilmaameen in maamulxumo lagu sameeyay Daqligii dalka ee baarlamaanka dhawaan la hor geeyay. Qadiijo Max’ed Diirye oo aheeyd Wasiirada Horumarinta haweenka iyo Arimaha Qooyska ahna Sii hayaha Wasaarada Xanaada Xoolaha iyo Wasaarada Kaluumeeysiga iyo Bay’ada ayaa warbaahinta u sharaxday tirada iyo magacayada wasiirada iska Casilay Xukuumada Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaana ay sheegtay in ay gaarayaan 10 wasiir iyo Hal wasiir ku xigeen kuwaasi oo dhamantooda Ra’isul wasaare Nuur Cadde ku eedeeyay in uu ku takri farlay Awooda Xukuumada. Magacyada Wasiirada Xilka Iska Casilay waxaa ay kala yihiin 1. Avv Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha. 2. Saalim Caliyoow Ibroow Ra’isul wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Diinta iyo owqaafata. 3. Marwo Qadiisjo Max’ed Diiriye Wasiirada horu Marinta Amuuraha Qooyska. 4. Muxudiin Max’ed Xaaji Ibraahin Wasiirka Gaashaan dhiga. 5. Max’uud Cali Saalax Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. 6. Cali Jaamca Jangali Wasiirka Arimaha Dibada. 7. C/risaaq Ashkar Cabdi Wasiirka dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobolada. 8. Cabdi Max’ed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. 9. Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Ganacsiga. 10. Carab Cali Diiriye Wasiir ku xigeenka dib u heshiiniinta iyo Horu marinta Gobolada. Wasiradani ayaa sidoo kale dhamaantooda sheegay in Ra’isul wasaare Nuur Cadde uu ku tuntay qodobada 48,49,52 iyo 53aad ee dastuurka KMG oo dhaantooda ka hadalay awooda iyo Talada Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya. Xil iska Casilida Wasiiradani ayaa waxaa ay imaaneeysaa xili qilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Horay ayaa sidan oo kale qilaaf soo kala dhex galay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ay sidan oo kale ah isku casileen Wasiiradii xiligaasi kuwaasi oo u muuqday in ay la kala safnaayeen madaxweynaha iyo Ra’isul wasaarihii xiligaaasi ee Cali Geedi. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
11 out of 15 thats terrible news for the PM, who's cabinet was selected by himself and many of these individuals he had such confidence in. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
There is a political clock ticking away, and time for every move. There was a clear divide and diffrenec between the Presidnet and Nur Cade for a while. Nur Cade has proven to be confused and found the job at hand daunting. Not a single ministers office was working, nothing has been achieved other than the talks in Djibouti which can be credited to the UN envoy. On the security front he Nur Cade has given the insurgents many opening, were these intentional such as Jowhar & Beldweyne or not. However the Mohamed Dheere incident and his softness on the Al Shabaab crimianals seems to have sunk the ship. -
President Yusuf's landmark speech to Puntland parliment
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Madaxweynaha Soomaaliya oo maamulka Puntland ku dhaliilay in uu ka gaabiyay adkeynta amaanka Gobalada Puntland.Daawo Sawirada Booqashadii Madaxweynaha Exculisive Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalad Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyay xarunta baarlamanka Puntland,waxaana khudbadiisaasi uu inta badan kaga hadlay arrimaha amaanka ee gobalada Puntland oo baryihii u dambeeyay sii xumaanayay..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed ..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne Cade Muuse Xirsi Boqor Madaxweynaha ayaa ku canaantay maamulka Puntlnad ee uu hogaamiyo Cadde Muuse in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xaaladaha amaan darro ee dhawaanahan la dagay gobalada Puntland oo marka la bar bar dhigo Soomaaliya inteeda kale lagu amaani jiray amaanka laakin hada amaanku uu faraha ka baxay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federalku aanay ogolaan kareyn amaan darrida ka jirta gobaladan oo uu eedeedana u xambariyay maamulka uu hogaamiyo cadde,waxaana uu maamulka ugu baaqay in uu la yimaado is badal dag dag ah oo xaga amaanka la xiriira. Dhanka kale madaxweynaha Puntland General Cadde oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabtay intii karaankiisa ahayd hadana uu ku dadaalayo sidii xaalada amaanka dib gacanta loogu dhigi lahaa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali sii wada kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ee uu ugu horeeyo Cadde muuse,iyadoona booqashada uu maanta ku tagay Garowe ay madaxweynaha Jamhuuriyada u tahay markii ugu horeysay muddo sanad ah.
-
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^You have a point the as we have come to understand is not competent for that position. However I disagree with you the post of PM is vital for the republic. As ever people get way to excited this is government is in flux, and the apparatus of the state is just coming into play. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^My opinion is that this fellow has not matched the expectations placed on him. We shall see how things unfold. -
General Duke is the new Somali ambassador to Tehran
General Duke replied to dhulQarnayn's topic in Politics
Thanks to all the SOL Nomads for their kind words to the new appointment. I will try to do two things. 1, Serve the interest of the nation as best as I can. I will also do my best to keep you posted on SOL. Again thanks and where is the secessionist ambassador to Iran? -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiir kale oo kusoo biiray masuuliyiintii maanta is casilay. Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta ee dowladda federalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa kusoo biiray xubnihii saaka sheegay in ay iska casileen xilalkii wasaaradeed oo ay ka hayeen xukuumada Soomaaliya. Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta ee dowladda federalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa kusoo biiray xubnihii saaka sheegay in ay iska casileen xilalkii wasaaradeed oo ay ka hayeen xukuumada Soomaaliya. Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta oo aan ku jirin xubnihii maanta gelinkii hore is casilay ayaa sheegay in uu saaxiibadii la qabo fikirka is casilaada,maadama buu yidhi ay xukuumada Nuur Cadde ku sifowday waxyaabo badan oo dib u dhac uun ku saleysan laakin xaga hour marka ay ka gaabisay. Waxaa laga casbi qabaa in xubnaha tirada yar ee wali ku harsan golaha xukuumadu ay saacadaha soo socda ku dhawaaqaan iyaguna in ay is casileen,sida ay sheegayaan warar iminka soo baxayaahi. -
Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Waa Maxay sababta ay isku casileen Toban Wasiir oo hayey xilal muhiim ah? Magacyada Wasiiraddaasi iyo xilalkii ay hayeen 2. August 2008 wasiiro tiradooda gaareyso Toban iyo hal wasiir ku xigeen ayaa maanta shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku soo bandhigeen sababaha keenay in ay iska casilaan xilalki ay ka hayeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxayna sheegeen in ay isku casileen go'aanka uu Ra'iisul Wasaaraha ka qaatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa mid kaliye talisnimo. Wasiiradan ayaa waxay kaloo sheegeen in go'aankaasi uu ahaa mid aan waafaqsaneyn sharciga Dowladda sidaasi daraateedna uu Ra'iisul Wasaaraha ku tuntay dastuurka, sidoo kale sababaha ay ka cabanayaan wasiirada xilalka iska dhigay ayaa waxaa ka mid ah in Ra’iisul Wasaaruhu uusan wax miisaaniyad ah u sameeyn xukuumada isla markaana la lunsado hantidii Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay jirto maamul xumo lagu sameeyay Daqligii soo galay dalka ee dhawaan baarlamaanka la hor keenay.. Qadiijo Max’ed Diirye oo aheeyd Wasiirada Horumarinta haweenka iyo Arimaha Qooyska ayaa warbaahinta ugu warbixisay sababaha keenay iscasilaada wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo Nuur Cadde iyadoo sheegtay in tirada Wasiiradaasi ay gaarayaan Toban Wasiir iyo hal Wasiir kuxigeen, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ka careysan yihiin qaabka maamul ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde wax u wado, waxayna soo qaateen qodobo ay sheegeen in uu Nuur Cadde ku tuntay qodobada 49, 48, 53 iyo 52-aad kuwaasi oo dhamaantood ka hadlaya awooda iyo talada wasiiradda Dowladda KMG ee Soomaaliya. 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2007 ayaa jagada Ra'iisul Wasaarenimo ee Dowladda KMG uu ku dhawaaqay Cali Maxamed Geeddi inuu iska casilay xilkaasi, kadib markii sidan oo kale xukuumadii uu hoggaaminayey ay iska dhigeen xilalkii ay hayeen taasoo ka danbeysay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana iminka muuqanaya khilaafka aan qarsooneyn ee u dhaxeeya Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf kaasoo aan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono. Magacyada Wasiirada xilka iska casilay 1.Cali Axmed Jaamac Jengeli,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2.Xuseen Ceelabe Faahiye,Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo waliba Dalxiiska 3.Saalim Caliyow Ibrow Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Garsoorka. 4- Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Waxbarasahada,hiddaha iyo dhaqanka 5.Muxiyidiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga. 6.Maxamed Cali Saalax Kaange,Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. 7.C/risaaq Ashkir Cabdi,Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Fadaraaliga. 8.Cabdi Maxamed Tarrax,Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta 9.Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska 10.Carab Cali Diiriye,Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Fadaaralka Ugu danbeyntii Arintan ayaa waxaa fikrado kala duwan ka bixiyay dadka u dhuun daloola siyaasadda dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in hadii uusan Nuur Cadde keenin xal badbaado uu mari doono wadadii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, balse Nuur Cadde ayaa galay jawi cusub oo uu ku doonayo inuu la soo baxo mowqif cad oo uu isku badbaadinayo ama ku cadeynayo inuu ku fashilmay siyaasadda xukuumadda. C.M.Cali AllPuntland. -
Muqdisho: Toban Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Nuur Cadde oo xilalkii ay hayeen iska casileen 2. August 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa saakay xilalkii ay hayeen Toban Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen kadib markii ay shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho. Sababta Wasiiraddan ay isku casileen ayey ku sheegeen wax qabad la'aan iyo ku tumusho ay sheegeen in Nuur Cadde uu sharcigii iyo dastuurkii sidii la rabay ugu soo bixi waayey. Wasiirada xilalkii iska casilay ayaa waxaa ka mid ah Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga, Cali Axmed Diiriye Wasiirka dib u, Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna wasiirka Waxbarashada iyo hidaha, Saalim Caliyow Ibrow, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta, Cali Jaamac Jangali Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga, C/risaaq Ashkir Cabdi Wasiirka horumarinta iyo arrimaha federaalka, Cabdi Maxamed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Khadiijo Maxamed Cosoble Wasiirka arrimaha haweenka iyo Qoyska. Wax war ah oo ka soo baxay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG oo arintan ku aadan ma jirto, balse wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan hadii alle idmo. C.M.Cali AllPuntland.
-
I will be old enough..,Insha Allah khair.
-
Mogadishu: Presdient rejects removal of Mayor.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Mohamed Dheere is a tough man, and only a tough man can run Mogadishu. As for this issue the man is stilll mayor and governor and its Nur Cade and his feeble cabinet that is in trouble.