
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
What happened to the holly Quran? hypocracy of Asmara clowns
General Duke posted a topic in Politics
Whats all this talk of party rules and procedure. You can not sack me and I can. I have the numbers required and you dont. Why did this group when they had little power state to the public that the TFG parliment was wrong because it was secular and not run of Quran Why not run their procedure of their party of the Quran? Why all this blood shed, since they could have played politics long ago. Expect Sharif Ahmed to visit Addis Abbaba and kiss Melez as he did Aferwarki. -
Asmara: Xasan Dahir sacks Sharifs : wonderfull stuff
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Why all this talk from the secessionists? You hav eno leg in this the province has no power in the central struggle for power. As for the other groups. How can this man in Asmara sack all these folks. As for party rules, why the need was the holly Quran not their constitution? Clan ******. -
Asmara: Xasan Dahir sacks Sharifs : wonderfull stuff
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The failure of their militias has resulted in this. These men are bankrupt, they are greedy and are at each others throats now because they never stood for any principle outside clan militias holding lands. The fact is they lost their bases and their cash cows and their support even from djibouti. Its a fact and now lets watch as they call Sharif Ahmed a gaal and so on. -
New troops arrive in Afgooyee disarm bandits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Child soldiers anyhow these young nationalist will clean up Xsan Dahir Aways last hold outs. -
Muqdisho: Dagaalo ka socda Magaalada Muqdisho ,ka dib markii weerar lugu qaaday ciidamadii ku soo tababartey Itoobiya. 23. juli 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo xoog leh ayaa ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,sida ay sheegayaan Wararka AllPuntland ka soo gaaraya Magaalada Muqdisho. Dagaaladan ka socda Magaalada Muqdisho ayaa udhaxeeya ciidamada dawladda Soomaaliya ee dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya & Kooxaha ka soo horjeeda ,waxa ayna sheegayaan warar Madax banaan in ay kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya soo qaadeen dagaaladan. Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa weeraradan lugu qaaday markii ay bilaabeen howlgalo culus ,kuwaasoo ay ku soo beegsanayaan Guryo looga shaki qabo in ay joogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya. Dagaalada ayaa wali socda ,waxaana laysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxa ayna Wadada Warshaduhu tahay goob waqtigan holceysa. Wadadan waxaan saakaba lugu diyaariyey Miinooyin & waxyaabaha Qarxa oo dhulka lagaliyey ,waxaana goor dhaw la qarxiyey waxyaabahaasi ,inkastoo aan ilaa hada la heyn faahfaahin ku aadan khasaaraha ay geysteen. Dawladda Soomaaliya ayaa horey usheegtay in ay ciidamadan qaadayaan howlgalo ay amniga Muqdisho wax kaga qabanayaan ,ayadoo markale Maamulka gobalka Banaadir maanta hadalkaasi ku celiyey ayna ciidamadu markii ay magaalada soo galeenba ay ku dhaqaaqeen talaabooyin Milateri. F. C. Geylan AllPuntland
-
New troops arrive in Afgooyee disarm bandits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Che, these were former Indacade militias they were chased out and their weapons taken. Just like the killed the bandits in Bardaale, Leego and no one could stop their advance. Expect more targeted moves now. There is no place to hide. Geel Jiire, the fact is after all this time, the TFG has more troops coming and what do you have? A split leadership, two chairmans at odds and two foreign capitals as your base. No clan liberation lad, more troops = more security for Somalia. -
SANAAG: Secessionist lose more militias to Puntland Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Edoo I would report the news as it is. Anyhow we hope for sanity and unity. -
National troops allies expand hold on Lower Shabbele.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^lool. Just proved a pint old man. You have nothing to show for 17 years of fantasy. Tuur ran to Mogadishu. Egaal did not do anything and you appointed a Barre spy who has been getting rich in Hargaysa. -
SANAAG: Secessionist lose more militias to Puntland Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The secessionists are falling apart dear, just look at your last topic... -
North adeer: you have no point if the truth troubles you then so be it. expect more posts As for the quantity did you expects news coming from a province such as NW would compare to the national governemnt no of course not. As for the other dude, what a waste of statement. The TFG controls Somalia and you have nothing but Asmara & Djibouti to claim.
-
SANAAG: Secessionist lose more militias to Puntland Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The secessionist are falling apart. 17 years of cheap talk. -
Asmara: Xasan Dahir sacks Sharifs : wonderfull stuff
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shariif oo xilalkii laga qaadey 22 Jul 22, 2008 - 9:18:58 AM Kulan muddo Labo maalmood ah uga socday magaalada dalka Eritrea Isbaheysiga la magac baxey dib u xoreynta Somalia garabkiisa Asmara ayaa waxaa xilalkii looga qaadey Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. oo kala hayey xilalka Gudoomiyaha gudiga fulinta iyo Gudoomiyaha golaha dhexe. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu badaley Sheekh Shariif halka Shariif Xasan xilkiisa loo dhiibey nin magaciisa lagu soo gaabiyey Shariif Saalax. Lama ogo in codbixin loo qaadey xil ka qaadistaan madaama warar hordhac ee soo baxey aan ka heley xogtaan. Dhinaca kale xilalka laga qaadey xubnahaan ayaa yimid maalmo kadib markii kulan la sheegey in la isku soo afgartey labada garab ku soo dhexmarey wadanka Yemen kaasoo sababey in Isbaheysiga golihiisa dhexe garabka Jabuuti ku ansaxiyen heshiis ay la galeen DFKMG ah. Warar dheraad ah kala soco GO waqtiyada soo socda. Garowe Online,Muqdisho -
SANAAG: Secessionist lose more militias to Puntland Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. -
New troops arrive in Afgooyee disarm bandits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo afar ruux ku dilay Degmada Afgooye Talaado, July 22, 2008 (HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ka tirsan Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa maanta waxay gudaha Degmada Afgooye ku dileen afar ruux. Ciidamadan oo maanta soo gaaray Degmada Afgooye ayaa waxay Suuqa Qaadka Degmada Afgooye ku toogteen afar ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Degmada Afgooye, kadibna ay ka qaateen Qori gacmeedyo ay wateen. Ilaa iyo hataan lama oga sababta keentay in ay Ciidamada Dowladda toogtaan raggaas ka tirsanaa Ciidamada maamulka Degmada Afgooye oo qudhiisa hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Markii uu dhacay falkaas toogashada ah ayaa waxay Degmada Afgooye noqotay mid ay dadka ku kala cararaan, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ee Degmadaas naga soo gaaray ay sheegayaan in xaaladda ay haatan sideedii ku soo noqoneyso. Ciidamadan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallo joogto ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
Hargaysa: secessionists complain against Mafia boss
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddi-hoosaadada Wakiillada oo Caddeeyay inay Go’aan sharci ka soo saari doonaan Heshiiska xukuumadda iyo Al-Jabiri Badheedhihii Ganacsatada xoolaha iyo ballanqaadyada Guddiyada Wakiilada Hargeysa (Jam)- Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland iyo guddiga ganacsatada xoolaha ayaa shalay kulan xaasaasi ah ku yeeshay xarunta Wakiillada ee magaalada Hargeysa. Kulankaas oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada iyo xoghayeyaasha guud ee guddi hoosaadyada oo matalayey guddoomiyeyaasha shirka ka maqnaa, waxa dhinaca ganacsatada xoolaha nool dhoofisana horkacayey Guddoomiye-ku-xigeenka guddiga ganacsatada Mr. Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere). Waxayna ganacsatadu guddi hoosaadyada Wakiillada u soo bandhigeen cabashadooda la xidhiidha dhoofka xoolaha nool ee xukuumadda Somaliland kootada ugu xidhay maalqabeen Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri, kaas oo ay ku tilmaameen heshiis xaaraan ah oo lagu cuno-qabataynayo, isla markaana aanay sinaba u aqbalayn. Guddoomiye-ku-xigeenka ganacsatada xoolaha Mr. Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere) oo u hadlayey adhiilayaasha, ayaa u xaqiijiyey guddi hoosaadyada Wakiillada in xukuumadda Rayaale xabsiga u taxaabtay Guddoomiyahoogii, iyaga oo aan ilaa hadda garanayn sababta xadhiggiisa ka dambeysay marka laga reebo shir-jaraa’id oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin heshiiska kootada loogu xidhayo Al-jaabiri oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo dareenkooda ay ku cabirayeen iyaga oo aan wax dhibaato ah gaysan. Waxaanna Guddoomiye-ku-xigeenku si faahfaahsan sharraxaad uga siiyey mudanayaasha Wakiillada arrinta dhoofka xoolaha nool iyo khilaafaadkii cakirnaa ee muddada dheer soo taxnaa, kaas oo la xidhiidhay kootada dawladda xoolaha ugu xidhay Al-jaabiri oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci-darro ah kana soo horjeeda shuruucda iyo xeerarka dalka ee qeexaya ganacsiga xorta ah. Isaga oo xusay in aannu heshiiskaasi khusayn oo ay go’aan ku gaadheen in xoolahooda si toosa uga dhoofiyaan Dekedda Berbera oo aan xadhig iyo caga-juglayn karin inay si xor ah xoolahooda uga ganacsadaan, meesha ay doonaana u dhoofiyaan, iyaga oo caddeeyey inay ku helayaan qiimo aad uga sarreeya ka iminka Al-jaabiri loogu xidhay inuu xoolaha ku iibsado. Waxaannu Gacma-dheer caddeeyey in xoolihii ay 15 July 2008 sida xorta ah uga dhoofiyeen Dekedda Berbera neefkiia laga siistay $45, kaas oo ka sarreeya ka xukuumaddu kula heshiisay inuu xoolaha ku iibsado oo ah $42 neefkiiba. Ugu dambeyntiina waxay ganacsatada xooluhu ka codsadeen guddi hoosaadyada Golaha iy guud ahaanba mudanayaasha Wakiillada inay ku taageeraan sidii heshiiska Al-jaabiri oo khatar ku ah horumarka iyo kobaca dhaqaale ee dalka looga gudbi lahaa xukuumaddana laga qancin lahaa inay shuruud la’aan heshiiskaa kaga noqoto. Guddi hoosaadyada Golaha Wakiillada ayaa iyaguna dhinacooga u muujiyey ganacsatada xoolaha ee cabashada ugu timi inay dhibta haysata ka warqabaan, isla markaana la qaybsanayaan, waxayna ganacsatada ugu xorwarrameen dhibaatada dalka ka taagan iyo sida xukuumadda Madaxweyne Rayaale isaga indhotirtay, ugana tallaabsatay dhammaanba xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, waxayna xuseen in Golaha Wakiillada oo ummadda reer Somaliland soo dooratay ay in badan ka hadleen dhibaatooyinka dalka ka taagan iyo shuruucda lagu tuntay, balse aanay xukuumadda rayaae dhag-jalaq u siin iyada oo kaashanaysa shacbiga iyo ganacsatada dalka. Balse, waxay guddi-hoosaadyadu caddeeyeen in iminka uu cusubi u baryey hawl-maalmeedkii Golaha Wakiillada wax badanna hadda qaban doonaan, maadaama shacbiga iyo ganacsatadiiba arkeen sida xukuumaddu shuruucdii dalka ugu tumanayso. Waxayna ganacsatada u ballanqaadeen in arrintooda Golaha Wakiilladu degdeg ah wax uga qaban doono, isla markaana arrinta xoolaha lagu dari doono ajandaha kaldhiga 7aad ee Golaha oo fadhigooda u horreeyey shalay yeeshay. Sida oo kale waxay guddi hoosaadyada Goluhu caddeeyeen inay I Golaha Wakiilladu sida ugu dhakhsaha badan soo saari doono sharci lagu tirtirayo heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ninka Sucuudiga ah ee Al-jaabiri. Guddoomiyaha guddiga joogtada iyo anshaxa ee Golaha Wakiillada Md. Xaashi Xuseen Caabi oo kulankaa ka hadlay, ayaa ugu dambeyntii ganacsatada ugu mahadnaqay booqashada ay ugu yimaaddeen isaga oo ka codsaday inay mawqifkooda dhabta ah ee ku waajahan halka ay ka taagan yihiin heshiiska xukuumaddu la gashay Al-jaabiri oo qoraal ah Golaha u soo gudbiyaan si ay wax-ka-qabashada arrinta fure ugu noqdo. Kulankaas oo socday muddo saacad ku dhow waxa uu ku soo gebageboobay jewi fiican oo labada dhinacba niyad samaan isu miijiyeen. Jamhuuriya Online -
Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano” Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha ururka SNM, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ku tilmaamay mid lagu mijo xaabinayo gebi ahaanba ganacsatada waddaniga ah heshiiska cusub ee xukuumaddu ugu fasaxday ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri inuu dalka keeno raashin quutal-daruuriga ah, isla markaana kootadii uu ku haystay dhoofka xoolaha nool. Muj. Xasan Ciise oo xalay khadka telefoonka uga warramayey Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixinayey sida uu u arko heshiiska cusub ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay Al-jaabiri ee qeexaya inuu dalka keeno raashin jaban, isla markaana siiwato kootadii dhoofka xoolaha nool loogu xidhay, waxaannu isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd in tallaabadan xukuumaddu u qaaday lexejeclo dhinaca bulshada ah uu yidhi; “Maya, wax allaale iyo wax dan ah oo ugu jira ummadda reer Somaliland kama muuqado heshiiska cusub ee Al-jaabiri, sababtoo ah heshiiskii hore ee xooluhu waxa uu meesha ka saarayaa ganacsatadeenii waddaniga ahaa ee dhoofka xoolaha nool oo uu laf-jab ku noqonayaa. Heshiiskana wax uu macno samayn lahaa haddii aanay bayaac-mushtarkeena xooluhu aanay awoodi karayn dhoofinta xoolaha, markaa waxa khasab ahaan lahayd in aynu soo baryootano oo dalka keeno cid allaale ciddii xoolaha inoo dhoofinaysa qiimahay doonaan ha ku qaataane, laakiin iminka ganacsatadeenii waxay leeyihiin awood ay xoolaha ugu dhoofiyaan meelkasta, mana aha in la carqaldeeyo qorshe kasta oo ganacsatada lagaga joojinayo dhoofka xooluhuna waa mid aan ummadda dan u ahayn oo ka horimanayna qodobadda dastuurka ee qeexaya in baayac-mushtarku xor yahay. Kan Al-jaabiri raashinka lagu siiyana kaa hore ee xoolaha ayuun buu la mid yahay oo dani uguma jirto ummaddeena, qofka baayac-mushtariga ahina haddii uu ku yidhaahdo raashin jaban oo bilaa macaash ah ayaan kuu keenayaa marka horreba shaki ayey leedahay, waayo qofna isma khasaarinayo ee dano kale ayaa u qorsoon, markaa raashinka jaban ee Al-jaabiri qiimana malaha danina kuma jirto, hay’ad samafalna maaha oo ku caawinaysa. Heshiiska raashinka lagu siiyey Al-jaabiri waxa uu hantaaqayaa oo uu curyaaminayaa ganacsatadeenii waddaniga ahayd oo waqtiga dheer iyo ka dhawba wax faa’iido ah oo ugu jirt Somaliland ma jirto. Baayac-mushtariga xorta ahina waxa uu ka qayb qaataa kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurista, waxaanna uu leeyahay waajib qaran oo ah in dawladdu koriso oo gacan qabato, mana ahaa inay cuno-qabatayso si uu meesha uga baxo, mid shisheeyana gacanta loogu ganacsatadeena waddaniga ahina haddii uu meesha ka baxo mid shisheeye waxba kuu qaban mayo, masiirka ummaddana wax faa’iido ahi uguma jirto, waxaanna la hubaa marka uu iminka qiimaha kuu jabiyo ee uu meesha ka saaro baayac-mushtarkeenii ee uu kaligii ku soo hadho sida u doono ayuu kaayeelayaa, qiimahana cirka ayuu kugu gaynaynaa. Dawladduna inta ay inin shisheeye ah xoolaha iyo raashinka kaligii siinayso, waxay ahayd hantiilayaasha iyo tujaarta dalka kala hadasho gacan qabashadooda iyo taakulayntooda, markaa waajibkii dawladdu lahayd may garan. Danta ummadduna waxay ku jirtaa in baayac-mushtarkeena la kobciyo oo la gacan qabto, waxaanan odhan karaa haddii la yidhaahdo baayac-mushtarigii shisheeye haloo gacan geliyo oo nin kaliyaata haloo xidho, waxay ka dhigan tahay siyaasidiina nin qudha haloo xidho oo siduu doono ha ka yeelo masiirka ummadda. Haddii baayac-mushtarigiiba shisheeye loo gacan geliyo, siyaasadiina ajaanib haloo dhiibo oo hala yidhaahdo na maamul, markaa haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano.” Muj. Xasan Ciise Jaamac oo la waydiiyey su’aal ahayd markii qiimaha maciishaduhu dunida ka kaceen, xukuumaddu waxay kordhisay tacriifadaha badeecadaha quutal-daruuriga ah, marka taa loo eego arrinta maanta maxaa loo fasiran karaa, isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Horta haddii uu $100 siisanayo xoolaha in qof loo xidho ayaa khalad ah, waxaanna ka maqnaa xukuumadda in markii maciishaduhu kaceen ee dunidaba ka qaaliyoobeen intay u tagto baayac-mushtarkaa, hadday tahay kuwa xoolaha dhoofiya iyo ganacsatadaha kale ee maciishada quutal-daruuriga soo dejiya, kuwa tidhaahdo, maxaannu idiin qabanaa, sidee dhibta looga bixi karayaa, markaa hadday yidhaahdaan cid arrinta naga caawisa noo keena, waa qasab in Al-jaabiri iyo cidkasta oo wax qabanaysa loo yeedho, laakiin taasi may dhicin, arrintuna maaha qiimahu halkuu marayaa ee waxay tahay in la isweydiiyo danta ummaddu halkay ku jirtaa, waxaanna qurux badnaa maadaama uu sicir-bararku ahaa dhibaato heer qaran, waxay ahayd dawladdu inay u yeedho adhiiyalaashii, baayac-mushtarkii, Baarlamaanka, xisbiyada, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhibaatada si heer qaran ah looga wadatashado, laakiin xukuumaddu waxay ka gashay meel khaldan, shisheeye ayey gacanta u gelisay masiirkii ummadda. Caalamka horumarayna marka laga hadlayo xoolaha iyo raashinka waxa la yidhaahdaa waa arrimaha lama huraanka u ah nolosha dawladaha ayaana ilaashada oo cid kale gacanta looma geliyo, waanna khalad in arrimaha lama huraanka u ah nolosha, sida xoolaha iyo raashinka shisheeye gacanta loo geliyo oo uu siduu doonto ka yeelo uguna takrifalo.” Xasan Ciise oo ugu dambeyntii la waydiiyey saamaynta heshiiska cusub ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri ku yeelan karo ganacsatada Somaliland, waxa uu yidhi; “Saamayn weyn buu keeni karaa haddii uu heshiiskani sidan ku hirgelo, dhibaato weyna wuu keeni karaa, shisheeyaana gacanta ku qabanaya dalkeena iyo baayac-mushtarkeenaba, taasina saamayn xun bay ku yeelanaysaa ummadda reer Somaliland mustaqbalka, maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahd, ‘Midho geed saaran kuwo gunti kuugu jira looma daadayo,’ taas ayeyna garan weyday xukuumaddeenu.” Jamhuuriya Online
-
Ciidamo Ka Soo Wareegay Somaliland Oo Ku Sugan Laasqoaray Oo Sheegay In... Ciidamadii Dhowaan ka Soo wareegay mamulka la magac baxay somali land isla markaasina ku soo biiray ciidamada mamul goboleedka puntlnd ayaa waxaa ay iminka ku sugan yihiin demada laasqoray ee gobolka sanaag halkasi oo ay iminka si toosa uga hawlgalaan. saraakiisha ciidamadaasi iyagu kusugan degmada laasqoray ayaa waxaa ay sheegeen in ciidaadaani ay yihiin ciidamo dhamaystiran balse u baahan waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay sahay.qalabka ciidanka iyo waxyaabo kale waxaana uu ka dalbaday maamulka puntland in sahaydasi si dg deg ah lool soo gaaro. Jaaamac Salaad Nuur Oo ka mid ah saraakiisha ciidamadaasi ayaan waxaan wax ka waydiinnay bal inuu nooga warbixiyo ciidamada iminka ku sugan degmada laasqoray ee ka soo wareegay maamulka somali land waxyaabaha u qorshaysan in y qabtaan oo ay ku soo kordhiyaan degmada ay iminka ku sugan yihiin waxaan auu sheegay in ciidamada loo ballan qaaday waxyaabo badan oo lagu soo kordhin doono. jaamac ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaani sababta ay ugu wareegeen maamulka puntland ay tahay ka gdaal markii ay maamulka somali land ka waayeen agabkii iyo wax qabadkii ay uga barteen isla markaasina uu mamulka somali land ka meer meeray in uu waxyaabihii ciidanka la siin jiray uu u soo gudbiyo. Isku soo wada duuboo ciidamadaani iminka kusugan degmada lasqoray ee gobolka sanaag ee ka soo wareegay mamulka la magac baxay somali land ayaa waxaa la filaya ain ay waxyaabo badan ka bedelan degmada laasqoray ee gobolkaasi waxaana joogitaanka ay ciidamadaani joogaan degmada laasqoray ay ku soo aadaysaa xillii deegaanka calmadow ee gobolkaasi sanaag afduub nuddooyin badan loogu haysto dad ajaanib ah oo laga qafaashay xeebaha degmada laasqoray lamana oga waxa tallaabo ahaan u degsan in ay ka qaadaan kooxa haysta dadkaasi ajaanibta ah . Sakariye Khaliif Faarax (Fantaastic) SBC International-Bosaso
-
Ciidamada dowlada federaalka oo dilal ka geystay Afgooye. (Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Inta la ogyahay afar qofood ayaa ku geeriyootay sadex kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii askar ka tirsan ciidamada cusub ee dowlada oo soo gaaray degmada Afgooye ay halkaasi shaqaaqooyin ka abuureen. Dadka geeriyooday ayaa badankoodu ahaayeen ciidamada nabad galyada degma, kuwaasi oo sababsaday rasaas ay fureen ciidamada militaarka xukuumada ku meel gaarka ah ee Somalia ka gadaal shaki soo kala dhex galay labadaasi ciidan. Inkasta oo muddo jawiga magaalada uu qal qal galay maanta hadana wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in xaalku haatan degan yahay wallow ay jiraan cabsi xoogan oo ay qabaan dadka deegaanka taasi oo la xariirtay ciidamada faraha badan ee maanta soo gaaray. Sidoo kale taliyaha ciidamadaasi dhawaan la soo tababaray oo lagu magacaabo Gaashaanle Xasan ***** oo loo yaqaano "Xasan Baydhabo" ayaa ka warbixiyay dilalka ay maanta ka geysteen Afgooye waxa uuna sheegay in raga ay dileen ay ahaayeen kuwo ka tirsanaa xoogaga mucaaradka ee dagaalada kula jira.
-
WAR DEG DEG AH: Sheekh Xasan Dahir iyo Shariif Saalax oo loo doortay Hogaanada Isbaheysiga Dib u Xoreynta War goor dhoweyd naga soo gaaray Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegaya in Kulan ay yeesheen Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Asmara ay kaga dhawaaqeen Hogaan Cusub oo uu yeesho Isbaheysiga. Warka ayaa sheegaya in Xubnahaas ay Hogaan u magacaabeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Shariif Saalax, iyadoona labadan xubnood ay kala qabanayaan Jagooyinkii Labada Shariif ee haatan fadhigoodu yahay Magaalada Jabuuti. Arrintan waxay si rasmi ah waxay noqoneysaa mid cadeyneysa in Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta uu Labo garab u kala jabay, taasoo maalmihii hore la sii sheegayay in Isbaheysiga uu kala jabay, wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed Jowhar.com & Jowharnews.com Jowharcom@hotmail.com Posted by Mahad on July 22 2008 17:43:15 0 Comments · 1047 Reads Comments No Comments have been Posted. Post Comment Please Login to Post a Comment. Ratings
-
New troops arrive in Afgooyee disarm bandits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo ka tirsan dowlada oo haatan ku soo jeeda Muqdisho. (Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Ciidamada xukuumada ku meel gaarka ee Somalia qaarkood oo ka soo dhaqaaqay magaalada Baydhabo ee gobolkaasi Baay oo badankoodu yihiin kuwo dhawaantani howlo tababaro ciidan ah ku soo qaatay wadankaasi Itoobiya ayaa soo gaaray duleedka galbeed degmada Afgooye ee gobolkaasi Sh/hoose, iyadoo wararka la helayana ay sheegayaan in ay ku soo fool lee yihiin Muqdisho. Ciidamadaasi ayaa habeenkii xalayto ahaa ku hoyday bar ay ku gabal dhacsadeen oo u dhaxeysa degmooyinka W/weyn iyo Afgooye ee gobolkaasi. Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in ciidamada cusub ee dowlada federaalka oo haatan masaafo gaaban u soo jira Afgooye ay soo ruqaan sadeen kuna soo jeedaan caasimada Somalia ee magaaladatani Muqdisho si ay u sii xoog jiyaan ciidamada kale ee dowlada kaga sugan magaalada. Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsiyo xoogan oo ay ka qabaan suura galnimada dagaalo horle oo halkaasi ka dhaca. Dhawaan ayey ahayd markii iska horimaad qarxay ka dagaal markii xoogaga kacdoonka wada ay weerar jid gal ahaa ku qaadeen kolanyo ciidamo isku dhafan oo ahaa Itoobiyaan iyo kuwo dowlada KMG ay dagaalo qabsadeen xili ay ku soo jeedeen Muqdisho, dhinacyada dagaalamay lama soo sheegin wax tafaasiil ah oo ay ka soo saareen dagaalka dhexmaray inta rasmiyan uu khasaarihiisu gaar siisan yahay balse afhayeeno u kala hadlay dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab iyo xukuumada Somalia waxa ay ku andacoodeen in midba mid kale uu uga gacan sareeyay dagaalkaasi. Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay cabsi iyo weeraro sii joogtoobaya oo ay qabatintay wadada dheer ee u dhaxeysa Muqdisho iyo magaaladaasi Baydhabo. -
Asmara: refugee Xasan Dahir warlord IndaCade alone
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan dalka Eritrea oo Goor dhaw ku dhawaaqay Hogaan Cusub. Asmara,(WNT):-Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Xarunta dalka Eritrea ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi xubnaha Isbahaysiga dib u xureynta ee ku sugan doorteen Hogaan Cusub. Xubnaha Isbahaysiga dib u xureynta ee Ku sugan Asmara ayaa la xaqiijiyay in ay xilalkii ka qaadeen sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo shariif Xasan sheekh Aadan oo iminka Kooramka ugu badan isbahaysiga ku haysta dalka jabuuti. Gudoomiyaha Golaha Fulinta Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya ayaa loo doortay sheekh Xasan Daahir Aweys halka Golaha dhexena Gudoomiye looga dhigay shariif Saalax Ninka lagu Magacaabo. Ma jiraan wali wax Mas'uuliyiin ah oo ka hadlay doorashada Hogaanka Cusub ee Isbahaysiga dib u xureynta garabka ku sugan dalka Eritrea. Doorashada Hogaankaan cusub ee Xubnaha Isbahaysiga ku sugan Asmara ayaa imaanaya xili khilaaf kii ugu xooganaa uu ka dhex jiro Gudaha Isbahaysiga kaasi oo ka dhashay shirkii Jabuuti ka dhacay. Si kastaba Wixii warar ah ee ku soo kordha Mar walba Isha ku Haay www.waayaha.net C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho. -
Asmara: refugee Xasan Dahir warlord IndaCade alone
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool and you are a Shiekh because your clan militia use that title.. -
New troops arrive in Afgooyee disarm bandits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afgooye: Dagaal dhex maray ciidamo lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo kuwo Boolis oo ku sugnaa Afgooye 22. Juli 2008 Afgooye(AllPuntland)-Dagaal mudo gaaban socday ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, kaasoo dhex maray ciidamada Dowladda KMG ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye kuwaasi oo kala shaki soo kala dhexgalay. Labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa halkaasi ku geeriyooday halka dhinaca kale ee ciidamada tababarka ku soo qaatay Itoobiya uu ka geeriyooday hal askari, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay afar ruux oo rayid ah. Ciidamadan cusub ee ka yimid dhinaca magaalada Baydhabo ayaa wararku sheegayaan in ay isku dayeen hub ka dhigis ay ku sameeyaan ciidamo ka tirsanaa degmada Afgooye , kuwaasi oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan, iyadoo ciidamadaasi lagu soo waramayo ineysan qaarkood xerneyn dareeska ciidamada, sidaasina uu dagaalka ku bilowday, waxayna ciidamada cusub ay qaateen hub ay heysteen kuwii ku sugnaa Afgooye. Xaaladda magaalada Afgooye ayaa haatan ah mid degan iyadoo dadka deegaanka ay cabsi iyo wel wel ay ka muujiyeen ciidamadan ka tirsan Dowladda ee soo galay Degmada Afgooye, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho. C.M.Cali AllPuntland. -
Afgooye: Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo afka u soo saaran iney soo galaan Muqdisho 22. Juli 2008 Afgooye(AllPuntland)-Waxaa xalay degmada Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee tababarka ku soo qaatay dalka Itoobiya kuwaasi oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah. Ciidamadan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka isla markaana ka duwan kuwii horay loogu soo tababaray dalka Itoobiya, iyadoo ciidamadan ay maalinimadii doraat dagaal xoogan ay la galeen kooxaha kazoo horjeeda dowladda xili ay soo marayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Sh/Hoose, kuwaasi oo iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday. Warar aan ka helnay xubno ka tirsan Dowladda KMG ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha amaan xumo ee ka taagan magaalada Muqdisho iyadoo howlgalada ugu badan ay ka fulin doonaan goobaha mar walba ay ka dhacaan weerarada iyo deegaano lagu tuhmayo iney ku xoogan yihiin kuwa ka soo horjeeda Dowladda KMG. Ciidamadan ayaa qaar ka tirsan waxay soo abaareen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo xuduud la leh gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. C.M.Cali AllPuntland.
-
Mogadishu: National troops hunt for criminals in Xamar Wayne
General Duke posted a topic in Politics
Muqdisho: Ciidamada Dowladda KMG oo saakay Howlgal ka wada degmada Xamar Weyne 22. Juli 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay howlgal ballaaran ka wada qeybo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho,howlgalkaasi oo ciidamadu ay la beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo lagu tuhunsan yahay iney xiriir la leeyihiin dhibaatooyinka nabadgelyo xumo. Howlgalkan oo shalay ka bilowday degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir kadib markii shalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen Fannaanka Soomaaliyeed Cumar Nuur Baasharax xili uu marayey agagaarka Via Roma ee degmada Xamar Weyne. Ciidamada Dowladda oo si xoogan u jooga wadooyinka luuq luuqa ee degmada Xamar Weyne ayaa gaadiidka baaraya iyo dadka saran iyadoo si weyn loo adkeeyay amaanka degmadaasi maadaama ay ka mid tahay goobaha ugu xasiloon ee fariisinka u ah Dowladda KMG. Tiro Dhalinyaro ah ah ayaa shalay ilaa saakay lagu qabqabtay degmadaasi kuwaasi oo la dhigay xabsiga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, dadkaasi oo baaris kadib la sii daayo halka kuwo gaar ah weli lagu haayo xabsiga, waana howgalkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca degmada Xamar Weyne inta la og yahay. C.M.Cali AllPuntland.