General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweynaha Soomaaliya oo maamulka Puntland ku dhaliilay in uu ka gaabiyay adkeynta amaanka Gobalada Puntland.Daawo Sawirada Booqashadii Madaxweynaha Exculisive Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalad Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyay xarunta baarlamanka Puntland,waxaana khudbadiisaasi uu inta badan kaga hadlay arrimaha amaanka ee gobalada Puntland oo baryihii u dambeeyay sii xumaanayay..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed ..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne Cade Muuse Xirsi Boqor Madaxweynaha ayaa ku canaantay maamulka Puntlnad ee uu hogaamiyo Cadde Muuse in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xaaladaha amaan darro ee dhawaanahan la dagay gobalada Puntland oo marka la bar bar dhigo Soomaaliya inteeda kale lagu amaani jiray amaanka laakin hada amaanku uu faraha ka baxay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federalku aanay ogolaan kareyn amaan darrida ka jirta gobaladan oo uu eedeedana u xambariyay maamulka uu hogaamiyo cadde,waxaana uu maamulka ugu baaqay in uu la yimaado is badal dag dag ah oo xaga amaanka la xiriira. Dhanka kale madaxweynaha Puntland General Cadde oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabtay intii karaankiisa ahayd hadana uu ku dadaalayo sidii xaalada amaanka dib gacanta loogu dhigi lahaa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali sii wada kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ee uu ugu horeeyo Cadde muuse,iyadoona booqashada uu maanta ku tagay Garowe ay madaxweynaha Jamhuuriyada u tahay markii ugu horeysay muddo sanad ah.
  2. I think the people must take greater responsability for their security, Neighbourhood watches and community groups should help the local police and security forces. As for the admin its just waking up from a long sleep. Good on the people.
  3. Muqdish:-Howlo Ammaan Sugid ah oo Saakay Ciidanka Dawladdu Ay ka Bilaabeen Magaalada Muqdisho. Muqdish:-{Sanaagpost}Howlgallo ballaaran oo ku saabsan adkaynta ammaanka magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya, Ayaa saakay si siman uga bilowday degmooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu micneeyey in uu yahay mid la doonayo in lagu sii adkeeyo nabadgalyada Magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey aad u deganayd. Ciidanka ayaa baaritaanno dheeri ah ku samaynayey saakay gaadiidka dadweynaha ee iskaga gooshaya degmooyinka gobolka Banaadir, Waxaana jira dad ciidanku ay qab-qabteen intii ay howlgalka ku jireen si loo hubiyo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan dadka la qab-qabtay, Ma cadda ujeedooyinka ugu waaweyn howlgalka ammaan ee saakay ciidanka dawladdu ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho, Waxaana warar hoose oo ay heshay idaacadda Shabakada Wararka ee Sanaagpost ay sheegayaan suurta galnimada in ay jiraan wafuud ka soo degaysa Garoonka ama ka dhoofaysa. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey xaaladeeda ammaan waxay ahayd mid soo roonaanaysa mana jirin iska hor imaado xoog leh oo magaalada ka dhacay. Ismail Yusuf Esse
  4. ^^^lool. Adeer keep saying it it might become true for you. Anyhow there is news coming from Garowe soon, and pics you might recognise it better.
  5. ^^^looll/ You ever been to Garowe or Las Qoray?
  6. Thanks, the region is moving in the right direction. Bravo the people of Makhir.
  7. ^^^Adeer the word boss in this context is tinged with irony. He is part of the Mafia group a puppet of the family, know what I mean. Qudac, why are you getting angry lad. Did Pete thatchels efforts not get you recognition yet?
  8. Red Sea, what ahve the Mafia bosses achieved Hu accepts credentials from ambassadors - Sunday, January 01, 2006 at 15:44 Chinese President Hu Jintao accepted the credentials presented by the first ambassador to China from Grenada since the two countries resumed diplomatic ties and by other 11 new ambassadors to China on Wednesday. China and Grenada resumed diplomatic ties in January, 16 years after such relations broke off due to that the Caribbean island country established diplomatic ties with Chinese Taiwan Province. The Grenadian ambassador is Joslyn White man, who arrived in Beijing on Nov. 23. The other ambassadors include: Djamel Eddine Grine from the Democratic People's Republic of Algeria, Fatmir Xheladini from the Republic of Macedonia, Antti Kuosmanen from the Republic of Finland and Abdulla A-Rahman Hussain AL-Muftah from the State of Qatar. They also include: Rashid Olimov from the Republic of Tajikistan, Charles Mumbala Nzanku from the Democratic Republic of Congo, Boubakar Adamou from the Republic of Niger, Mohamed Ahmed Awil from the Somali Republic, Diab Nemer Mohammed Allouh from the State of Palestine, Ahmad Eklil Hakimi from the Islamic Republic of Afghanistan and Kamil Suktanov from the Kyrghyz Republic. Those ambassadors arrived in Beijing in the last three months respectively
  9. TFG and diplomatic success SOL:meet your GERMAN AMBASSADOR German press with our Somali envoy
  10. Xukuumadda Somaliland ee Xoolaha u Hadyeysay Djibouti iyo Muwaadiniinta Sicir-bararku Qarka u Saaray Geerida Hargeysa: Qoys Danyar ah oo Macaluul looga Daadguriyey Hoygoodii Hargeysa (Jam)- Qoys danyar ah oo ka kooban 11 qof, ayaa laga daad-gureeyey gurigii ay ku noolaayeen oo ku yaal xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay soo food saartay macaluul iyo duruuf adag oo qarka u saartay inay qaarkood u geeriyoodaan. Wariyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo booqday shalay guriga ay ku noolaayeen qoyska dhibaataysan, waxa dadka dariska la ahi u xaqiijiyeen in markii ay reerkaasi macaluul u bakhtiyi gaadheen dadka naxay oo is-xilqaamay kafaala-qaadeen quudintooda, iyaga oo xubnaha qoyska u qaybsaday sida awoodoodda dhaqaale u kala roon tahay. Qoyskan oo ka kooban aabbo, hooyo iyo sagaal carruur ah, ayaa iyaga iyo kuwo kale oo ku kala nool magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, waxa macaluulasha halista ah ee la soo daristay ka dhalisay xaalad sicir-bararka maceeshada daruuriga ah ee xilligan cirka isku shareertay, taas oo marka laga yimaaddo shaqo la’aanta baahsan ee dalka iyo qiimaha dhiig-miiradka ah ganacsatadu ku iibinayso raashinka daruuriga ah uu sababteeda qayb ka yahay heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ganacsadaha Suduuciga ah ee Saleebaan Al-jaabiri, kaas oo gebi ahaanba ragaadiyey dhaqdhaqaaqii suuqyada iyo sayladaha dalka. Aabbaha qoyska oo wariyeyaashu kula kulmeen gurigiisa, ayaa sheegay in aannu lahayn cid garab ka siisa duruuftan iyo baahidan la soo daristay, isla markaana haddii uu ku hawlgali lahaa muruqiisa wuu waayey wax shaqo ah oo uu ka abuuro dhaqaale uu ku noolaado qoyskiisu. “Ma buko oo waan caafimaad qabaa, balse waxaan waayey waxaan muruqayga kaga shaqaysto.” Sidaa waxa yidhi aabbaha qoyska oo ka warramayey xaaladooda nololeed iyo shaqo la’aanta haysa. Xukuumadda Somaliland oo dhowaan adhi laba kun oo neef ah ugu deeqday dalka Djibouti, ayaan ilaa hadda soo saarin qorshe ay wax kaga beddelayso qiimaha sicirka maceeshada xadhkaha goostay, isla markaana ay ugu danaynayso dadka danyarta ah ee ay masuulka ka tahay ee go’an la’ raashinkii quutal-daruuriga ahaa, sidaa darteedna ku nool xaaladda halista ah ee qarka u saaran inay macaluul bakhtiyaan. Jamhuuriya Online
  11. Daahir Riyaale Vs Dadweynaha - Faallo - Q. 2aad, By: Dubbad. July 24th, 2008 Hase yeeshee, markasta in Daahir Riyaale iyo Dadweynuhu inay toos isu wajahaan, fagaarahana isku arkaan waxay ahayd mid loo baahnaa iyo xal wakhtigiisa yimi. Sababta oo ah xisbiyada mucaaridka ah oo u taagan inay tilmaamaan dhalliilaha maamul iyo siyaasadeed ee xukuumadda, si aanu hoggaanka u goosan iyo inay u hadlaan dadweynaha marka maamulku ku tacadido ama ay wax tabtaan; iyo Golaha Wakiillada oo uu dadweynuhu soo doortay, si toos ahna uga wakiil ah, isla markaana shaqadoodu tahay inay sharciga ugu ilaaliyaan danaha dadka soo doortay iyo inay duruufahooda gaadhsiiyaan dowladda oo ay u metelaan, iyada oo cidda ay ka ilaalinayaan sharciga iyo shacbiguna ay tahay xukuumadda oo ah waaxda fulinta, kuma baaqan hadal, dedaal iyo isku day, balse, lagama hoos qaadin. Waxaana loo soo taagnaa in haddii xisbiyada mucaaridka ah ama Golaha Wakiilladu u hadlaan ama ka hadlaan askari bil mushaharkeed waayey oo cabanaya ama wax ka yarba uu hadalkoodu sababo in miskiinkaas la duudsido oo ay dhasho cariigsi, cannaad iyo colaad arrintu gasho, maadaama xukuumaddani u abuuran tahay keliya la dagaalanka mucaaridka dastuuriga ah. Daahir Riyaale waxa uu u yaqaannaa Xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada wax ka duwan dadweynaha, waxana uu caadeystey in waxkasta oo ay soo qaadaan labadaasi uu siyaasadeeyo oo uu ka dhigo muran iyo “yooyootan” u dhexeeya isaga oo ah “Madaxweyne” dadku doortay iyo mucaarid kursi doon ah ama kursigiisa ku haysta. Taasina waxay meesha ka saartay toosintii maamul, isu-dheelli-tirkii awoodda iyo isku ixtiraamiddii iyo ku wada-shaqayntii sharciyadda iyo awooddaha dastuuriga ah. Waxa kale oo ay wiiqday awooddii shacbiga oo duruufo dhawr ah oo kala duwan darteed lagu kala qaybiyo mawduuc kasta ama xaalad kasta. Si kastaba ha ahaatee, markii ay dhammaatay shan sannadood oo ay dadku u samrayeen xukuumadda Riyaale, isla markaana ay durugtay doorashadii ay naawilayeen, taas oo ay ka eegayeen isbeddel siyaasadeed oo ku yimaadda si nabadgelyo ah, waxa yaraatay rajadii dadku ku samrayeen, waxana uu nacu saameeyey xitaa xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada, kadib heshiiskii hoggaamiyayaasha saddexda xisbi ku soo afjareen khilaafkii ugu adkaa ee ka dhashay dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha badhtamihii May. Inkasta oo xisbiyada mucaaridka ahina ay ku cabanayaan inay taageero uga waayeen dadweynaha oo qabaa’il loo kala qaybiyey, si ay u horjoogsadaan in Daahir Riyaale sharci darro ku sii fadhiyo xilka, dadku xaqiiqdii waxay ka doonayaan xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada wax ka baxsan awooddooda dastuuriga ah, xaaraanna ku ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhisan yihiin, balse, ah waxa keliya ee lagu xakamayn karo, laguna waabin karo Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisa xadhkaha goosatay. Nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay waa mid adeegaya Nabadda dadkeedu caashaqay, mana ogola xisbi hubaysan ama xoog isticmaala, taas oo uu xaaraantimeeyey sharciga xisbiyadu ku dhisan yihiin. Hase yeeshee, hubka keliya ee nidaamkani ogol yahay in lagu dagaalamo waa dadweynaha oo sida tiknikada dagaalka loo kala qabsado, sida buntukhana la isugu rido. Dadku ka sokow, awoodda ay codkooda ay ku kala beddeli karaan hoggaanka, waxa kale oo ay leeyihiin awood ay ku diidi karaan wixii khaldan iyo xad-gudubyada, taas oo ay u isticmaali karaan si nabadgelyo ah. Hubka labaad ee nidaamkan lagu dagaalamaa waa sharciga oo lagu xakameeyo xukuumadda, balse, labada awoodood oo siyaalo kala duwan u waabiya damiirka iyo mustaqbalka hoggaanka midna wuu kari waayey Daahir Riyaale, waxana uu kaga kalsoonaaday hubka iyo ciidanka Qaranka, baahida dadka iyo inuu raalligeliyo rabitaankiisa, halkii uu raalli gelin lahaa dadweynaha. Sidaa darteed, waxaa abuurmay kooxo daneed oo aan rajo ka qabin in nidaamkani sidiisa u shaqeeyo iyo abaabullo beeleed oo ka dhashay siyaasaddiisa isticmaalka beelaha, kuwaas oo u badheedhsan in danahooda ay xoog ku gaadhaan, isla markaana u arka in aanu jirin dariiq kale oo Daahir Riyaale fahmi karo. Ganacsatada xoolaha oo gar naqsi ahaan iyo awood ahaanba xooggan, way tijaabiyeen dariiqan, wayna ku guuleysteen in ay Daahir Riyaale waabiyaan, isla markaana waxay sii wadaan inay Gar iyo Xoog ku diidaan heshiiska kootada loogu xidhay ninka Carabka ah dhoofka Xoolaha Somaliland, taas oo u muuqata mid suuragal ah. Sidoo kale, Beesha Bariga Burco oo shirkeeda xukuumaddu isku dayday inay farageliso ayaa ka tabaabushaystay wax kasta oo kaga iman kara Hargeysa oo uu ku jiro xoog ciidan. Ugu dambayn, Daahir Riyaale waxa uu ka baydhay dariiqii iyo nidaamkii uu ku yimi talada iyo awoodda, waxkasta oo kala kulma waddada hareerteedana waa abaalkii, iyada oo arrimahan xasaasiga ah, gaar ahaan, arrinta xooluhu ay noqon karto masiibo dihin oo gallaafan karta, marka laga eego dhinacyo badan. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
  12. Xiisad ka alsoosan Berbera oo ay isku horfadhiyaan Adhi la dhoofinayo iyo Ciidamo ku gaashaaman hub culus July 23rd, 2008 Berbera (Somaliland.org) – Xaaladda magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa la sheegay inay kacsan tahay, kadib markii ay magaaladaas ilaa xalay ku qulqulayeen xoolo ay leeyihiin ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri iyo ciidamo wata hub culus oo xukuumaddu kaga hortegayso in xoolahaas laga dhoofiyo dekedda Berbera. Ciidamo wata tikniko iyo Tawaangi oo ka baxay magaalada Hargeysa xalay iyo urur tawaangi ah oo fadhiyey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ayaa xalay gaadhey magaalada Berbera, waxa kale oo ciidamo la dhigay koontaroolada waddooyinka gala Berbera. Waxaana ciidamadaasi dul degeen xeryaha xoolaha lagu nasiyo ee duleedka Berbera, iyada oo xeryahaasna ay ku soo qulqulayaan xoolo gaadhaya kumanaan neef oo ay wataan ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska kootada ee Al Jaabiri. Wararku waxay sheegayaan in ammaanka Dekedda aad loo xoojiyey, isla markaana konteennar lagu xidhay xooluhu ka soo galaan dekedda xalay, iyada oo dekedda agagaarkeedana lagu arkayey tawaangi. Mid ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa saxaafadda u sheegay inay magaalada Berbera u dhaadhiciyeen ilaa 9,000 oo neef oo adhi ah oo ay doonayaan inay dekedda ka dhoofiyaan, haatanna ay ku jiraan xeryaha adhiga ee magaalada Berbera. Dadweynaha magaalada Berbera ayaa dareensan in ganacsataduna ay haystaan xoog ciidan oo inkasta oo aan la arkin, ay doonayaan inay isticmaalaan haddii xukuumaddu xoog ku horjoogsato. Wararkii ugu dambeeyey ee Berberana waxay sheegayaan in xoolo door ahi ay ku jiraan xeryaha, ciidamaduna ay dul deggan yihiin. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
  13. Saraakiil Puntland ka socota oo gaaray Laasqoray Bosaso, P/land, Somaliya (Calanka.com) 24-Luulyo-08 Dhawaan ayaa deegaanka Laasqoray waxaa booqday saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo halkaasi u booqday sidii ay u soo indha-indheyn lahaayeen xaalada deegaankaasi iyo ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka oo saldhigyo ku leh bartamaha iyo daafaha magaalada Laasqoray. Isku xidhaha ciidamada ee gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Bari Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa wafdigaasi hogaaminayay iyaga oo markii ay gaadheen gudaha Laasqoray durba bilaabay la kulanka Saraakiisha ciidanka ee Puntland ka tirsan ee ku sugan Laasqoray. Sidoo kale markii ay la hadleen Ciidamada Puntland ee Saldhigyada Laasqoray Ku yaala ku sugan ayaa waxa ay saraakiishu guda galeen Kulamo ay la qaateen Cuqaasha deegaankaasi Kuwaasi oo ay kala hadleen amaanka Deegaankaasi iyo sidii aysan markale u dhici lahayn in ciidamo somaliland ka tirsan aysan soo galin gudaha magaaladaasi. jaqanaf oo la hadlaya warbaahinta ayaa sheegay In Ciidamada Puntland aysan weerar u diyaar ahayn waqtigan balse ay difaac muujin doonaan haddii weerar lagu soo qaado. Sidoo kale Intii ay saraakiishu ku sugnaayeen Laasqoray Waxaa ay la kulmeen Ciidamo somaliland Hore uga tirsanaa kuwaasi oo maalmo ka hor sheegay in ay isaga baxeen Somaliland iyada oo odayaasha Deegaanka Laasqoray ay ku qanciyeen Ciidamadaasi somaliland ka goostay In aay ku biiraan puntland si isku dhac labada Ciidan dhexmarta looga fogaado taasi waxaa la shegay in ay ogalaadeen ciidankaasi oo ku biireen Ciidamada Puntland ee laasqoray Jooga waxaana ay ciidamadani tiradoodu gaaraysaa 150 askari asla ahaan ka soo jeeda deegaankaasi. Dhawaan ayaa laasqoray waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Somaliland kuwaasi oo magaalada galay ka dib markii ay odayaasha deegaanku ay ka dalbadeen labada ciidan in ay isaga baxaan deegaankaasi hasse ahaatee Ciidamada Puntland ayaa dib iyagu uga soo baxay halkaasi halka kuwa somaliland ay kuba sii durgeen Gobolkaasi taasi oo sababtay in ciidamadii puntland ay dib ugu soo laabtaan Gudaha laasqoray Iyada oo kuwii somaliland ay dib ugu laabeeteen Ceerigaabo. Madaxweyne cadde Musse ayaa dhawaan kulan u la qaatay ganacsatada ugu sheegay in aysan laasqoray ku soo laaban ciyaar ciyaar balse ay ahayd arin ay puntland tixgalin balaaran siisay. Mahamud Said Salad askar75@hotmail.com Calanka.com Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
  14. Ban-Tured, adeer you argument has no base. Somalia was a failed state untill the emergence of the TFG. Now its on the road to becoming a normal state. This is the first true admin since the demise of Siyad Barre.
  15. ^^^Thus they were a clan based faction based in Mogadishu and not representtitves of Somalia. Point made adeer. This was a clan movement and not a national one.
  16. Qoraalku ma moogana, dhibta iyo colaadaha dalka ka aloosan, balse wuxuu iftiiminayaa, kol haddii intaas iyo in badan oo kale la qabtay, xaaladda lagu jiro oo adag mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Akhristow, bal is weydii halka aan manta gaari lahayn haddii shacabka Soomaaliyeed jawi ah nabad iyo dowlad jacayl ah abuuri lahaayeen? Somaliya waxay haysataa fursad weyn oo ah mid dhaqaale iyo mid nabadeedba. Qofkasta oo Soomaali ah ayey waajib ku tahay inuu taageero nabadda. Maah maah – Hooyo iyo Nabad ayaa leh Naas la Nuugo Dr. Abdullahi Hashim Institute of Conflict and Reconciliation Mogadishu, Somalia e-m: drahashim@gmail.com
  17. Siyaasadda Dibedda: Burburkii 18 sano, waxaan ka dhaxalnay in Hay’ado ajanbi ah ee heer caalami in ay matalaan danta Soomaaliya. Tusaale, shirar badan oo heer caalami ah waxaa dalka Soomaaliya u matala dad ajanabi ah, ayagoo aan la tashan, wakaaladna ka qaadan madaxda Soomaalida. Hadaba si wax looga badalo boobkaas, Madaxweyne C/llahi Yusuf wuxuu bilaabay dhismaha safaaradihii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya u matali lahaa madasha caalamka. Maanta waxaa shaqeynaya ama la aqbalay Safaaradaha: UN, Kenya, Itoobiya, Uganda, Tanzania, Zambia, Imaaraadka, Sacuudiga, Qatar, Yemen, Germany, Switzerland, Belgium, India, Indonesia, Russia iyo USA (oo la aqbalay saddex todobaad ka hor). Taas, waxay muujinaysaa in calanka Soomaaliyeed 18 sano kadib uu ka soo kacay ciidda iyo boorka, sharafkii iyo qaranimadii ay si tartiib ah ugu soo laabanayso gacanta Soomaaliyeed.
  18. Siyaasadda Gudaha: Madaxweynuhu wuxuu bilaabay wada hadal inuu la galo issimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah eek u sugan Magaalada Muqdisho si uu ugula tashado tubta ku haboon ee nabad loogu soo dabaali karo Magaala Madaxda Soomaliya. Madaxweyne Abdullahi Yusuf, wuxuu ku dhawaaqay shir nabadeed in lagu qabto dalka gudihiisa, gaar ahaan caasumadda Soomaaliya, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed eeku qabeen Magaala madaxda dalka. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu bilaabay inuu dhiso Maamuladii Gobolada iyo Degmooyinka ee Koonfurta Soomaaliya. Maamuladaas oo ah maamulo KMG gaar inta laga diyaarinayo doorshooyinka degmooyinka iyo Gobolada. Magacaabista Gobolada iyo degmooyinka madaxdooda, Madaxweynuhu wuxuu kala tashaday Xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas iyo Degmooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweynuhu wuxuu maamul KMG ah u dhisay 56 degmood oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya
  19. Caqabadihii dalka hor taagnaa: -Cilaaqaadkii Caalamiga ahaa ee Soomaliya oo dhamaan burburay -Safaaradihii Soomaliya oo dhamaan wada xirmay -Caasumadda Soomaaliya oo gacanta ugu jirta warlords -Dalkii oo u kala go’ay Gobollo iyo Degmooyin aan isku gudbi Karin -Colaad, tuhun iyo amaan darro gaamurtay ee u dhaxeysa beelaha Soomaaliyeed Madaxweyne Abdullahi Yusuf asagoo garawsan in sugidda amaanka dalka, gaar ahaan caasumadda dalku ay saldhig u tahay taabagalka dowaldnimo. Madaxweynuhu wuxuu si taxadar ah Dowladda ugu raray degmooyinkii ugu dhowaa ee dowladdu ku howl geli lahayd inta caasumadda xalkeeda nabadeed la meel marinayo. Dowladdu waxay degtay Degmooyinka Jowhar iyo Baydhaba. Kadib, kolkii ay ku haboonaatay in lagu shaqeyn karo, Madaxweynuhu wuxuu Dowladda u rary Caasumadda Soomaliya ee Muqdisho.
  20. Faalo:- Madaxweyne Abdullahi Yusuf: Siyaasadda Gudaha iyo Dibedda Bishii October, 2004, kolkii la doortay Madaxweyne C/llahi Yusuf Ahmed inuu noqdo hogaamiyaha dalka shanta sano ee soo socota, waxaa xubno badan oo ka mid aha Baarlamanka DKMG ee Soomaliya ay u arkeen inuu yahay Shakhsiga ugu waayo aragsan ee dalka ka gudbin kara xaaladda adag ee dalku ku sugnaa. Sababtaas ayey ku siiyeen cod dhan 189, taas oo ahayd cod aad u tiro badan, oo ka yaabisay dhamaan dadkii siyaasadda Soomaaliya saadaalinayey.