
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
When one clan complains allot it unites the other clan against it... Sharif is damaging not only his chances but if other candidates/.
-
-^^^ That's the point. You are not me and I am not worried..
-
oba hiloowlow;860183 wrote: hehe ciyaari waa gelin danbe abaa Maybe but for now Sharif is stressed out and you are here to convey the message.
-
^^ Sharif Ahmed is stressed wax fahan..
-
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This man will insha Allah bring a great deal of respect and sobriety to the post or Speaker. Wish him well.. -
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho:(pp)- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, uu wax weyn ka badali doono waxqabadka golaha baarlamaanka, uuna muujin doono xiriir joogta ah oo dhex mara madaxda qaranka. Wuxuu sheegay inuu ka fogaan doono wax kasta oo keeni kara khilaaf u dhaxeeya baarlamaanka ama baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waa aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ahaa*guddoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee diyaarinta dastuurka Soomaaliya. Waxaa musharrixii labaad ee isu soo taaga qabashada xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, kaddib markii shalay Prof. Cabdirsaaq Cismaan Juurille oo isna ah aqoonyahan siyaasadda in muddo ah ku soo jiray, uu isu soo taagay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa lagu wadaa inay dhacdo 26-ka bishan, iyadoo markaas kaddib la guda gali doono doorashada madaxweynaha. Puntlandpost.com -
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxaan ahay Musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka:Professor Jawaari (2-Shariif oo dhabar-jab ku noqon-doonto hadii xilkan uu ku guuleysto) Professor Maxamed Jawaari ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u sharaxan-yahay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliyeed. Sidii aan 4-berri ka hor saadaalinay hadii ay dhacdo inuu Afhayeenka Baarlamaanka isku soo sharaxo Professor Jawaari,markaas waxaa la qiyaasiyaa inuu yahay shaqsi ugu cad-cad ee xilkan ku guuleysan-karro,hadii ay u-codeeyaan Xildhibaanadda taageersan Musharax C/weli Gaas Hadabba caawa ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay Ruug-cadaa Jawaari inuu xilkan u sharaxan-yahay,waxaana la filayaa asxaabtiisa jagadan kula tartameysay ee Xildhibaan Goodax iyo Xildhibaan Fiqi inay ka tala-baxeen inay xilkan isku soo sharaxaan,taasina waxay kor u-qaadeysaa rajadii laga qabay inuu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed uu meel cidlo ah ka-qaado Professor Maxamed Jawaari oo ka mid ah Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee degan Dalka Norway. Musharaxnimadda Jawaari ayaa taageerayaasha Musharaxa Xilka Madaxweynanimadda Professor Gaas,ku soo beegeen xili uu isagana galabta ku dhawaaqay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr (Cali-Baaba)waxayna arintani fariin-cad u-direysaa,qolooyinka u ololeynaya Cali-Baaba oo la leeyahay,anagana waxaan soo sharaxnay ruug-cadaa Beesha Caalamka kalsooni ka-heysto oo tartanka Musharaxiinta ee Gudomiyaha Baarlamaanka ku soo biiray,waxaana caawa musharaxnimadda Jawaari,ka naxaya Shariif-Sakiin iyo Madaxweyne Sheekh Shariif. -
Yunis;859957 wrote: The game is now 'lose your cool, and then lose your edge' ask Shariif. Puntlader's are now spooked by Galayr and his old-style offhand manners in dealing with Faroole, even with Abshir and Juurile as speaker spoilers A-wali is getting impatient.Today, his right hand Mr Hoosh and Mahiga went at it. Aside from wishful thinking who is loosing ones cool? A/Wali is the coolest dude around.
-
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
One of the two Sharif along with Galayr will be knocked out on Sunday... -
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Prof. Jawaare oo isna u sharraxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Bar-Kulan August 23, 2012 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, uu wax weyn ka badali doono waxqabadka golaha baarlamaanka, uuna muujin doono xiriir joogta ah oo dhex mara madaxda qaranka. Wuxuu sheegay inuu ka fogaan doono wax kasta oo keeni kara khilaaf u dhaxeeya baarlamaanka ama baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waa aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee diyaarinta dastuurka Soomaaliya. Waxaa musharrixii labaad ee isu soo taaga qabashada xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, kaddib markii shalay Prof. Cabdirsaaq Cismaan Juurille oo isna ah aqoonyahan siyaasadda in muddo ah ku soo jiray, uu isu soo taagay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa lagu wadaa inay dhacdo 26-ka bishan, iyadoo markaas kaddib la guda gali doono doorashada madaxweynaha. -
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xildhibaan Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya. Kadib shir jara’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Prof. Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub. Goobta uu isku soo sharaxayay Prof. Jawaari ayaa waxaa goob jog ahaa xubno katirsan Baarlamaanka Cusub. Waxa uu shegay prof. Jawaari inuu wax adan ka badali karo howsha baarlamaanka yahayna sharci yaqaan baarlamaanka dalka ku hogaamin kara dariiqa toosan. Sidoo kale waxa uu beeniyay in arintan uu madaxweynaha ku taageerayay gadaalna uu ka riixayay isagoo sheegay in uu isaga gartay. Xildhibaan prof. Maxamed sh. Cismaan ayaa hore u ahaa gudoomiyihii guddiga quburada ee dastuurka soomaaliya. -- Best Regards, Ahmed Muse Gure Mogadishu - Somalia Mobile +252 618302727 +252698302727 Somalia -
Sharif Ahmed is still complaining, WHY? Deep Paranoia sets in...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mooge;859915 wrote: hahah. they ever crying about the dead Siyaad Barre. desperate waa desperate. The wind of change is blowing..Its a sweet and a wonder to behold.. -
Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jawaari Ha loo doorto G/miyaha Baarlamaanka:Norway oo taageero u muujisay Professor si weyn looga qadariyo Dalka Norway Dawladda Norwey iyo Wadamadda Iskandaneefiyaanka loo-yaqaan ayaa taageero buuxda u muujiyay inay dhaqaalo maaliyadeed siin-doonaan Dawladda Soomaaliya ee dhalan-doonto,hadii Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Professor Maxamed Jawaari oo heysta jinsiyadda Dalka Norwey,si weyna looga qadariyo dhamaan Jaamacadaha wadamadda Iskandaneefiya. Proffessor Jawaari ayaa ka mid ahaa gudigii loo xilsaaray inay soo saxaaan khaladaadka ku jira Dastuurkii la ansaxiyay ee (Road-Mapka)loo bixiyay,waxaana la filayaa inuu ka mid noqdo xubnaha u tartami-doono Jagadda Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la saadaalinayo inuu ku guuleesto sida ay ku rajo-weyn-tahay Dawladda Norwey oo Proffessor Maxamed Jawaari si weyn ay u taageersan-tahay inuu ku soo baxo Jagaddan. Hadii ay dhacdo inuu Professorkan ku guuleysto doorashadda,waxaa loo badiinayaa in Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha la dooran-doono ay noqon-doonaan kuwa heysta Shahaadada Professornimada,taasi hadii ay dhacdana markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya,waxay 3-da mas'uul ee Dawladda Soomaaliya u dhalan-doonto ay ahaan-doonaan 3-Professorro,taasoo noqon-doonto mid taariikhda gasha,waaba hadii ay dhacdo in Professor Maxamed Jawaari loo doorto xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka,inkastoo aan la hubin in Gudooomiyaha Baarlamaanka Shariif-Sakiin uu hor-istaagi-doono doorashada Mudane Jawaari oo hadii uu guuleysto ay ku farxi-doonaan Soomaalidda-Norway iyo Dawladda uu jinsiyadiisa heysto ee Norway oo ixtiraam gooni-ah u-heyso Proffessorkan laga qadariyo dhamaan Jaamacadaha wadamadda iskandaneefiya. -
Sharif Ahmed is still complaining, WHY? Deep Paranoia sets in...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maalintii Isniinta aheyd oo ay bishan Agoosto aheyd 20ka ayaa waxey bilaabeen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya in Warqadihii Aqoonsiga ay u qeybiyaan Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii ay diiwaankooda gashteen xildhibaano ay soo xusheen Guddoomiyaha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali, iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si ula kac ah uga tageen 75 xubnood oo ay soo xuleen Oday Dhaqameedyo Soomaaliyeed. Waxey cudur-daar ka dhigteen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada in 75ka xubnood ay ahaayeen Qabqable Dagaal iyo Hogaamiye Kooxeedyo Diineed isla markaana ay ka degi la’eed Soomaaliya wixii ka dambeeyey 26kii Janaayo sanadkii 1991kii. Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey marmarsiiyo kasii dhigteen iney soo gaareen qoraalo ka yimid Qaraamida Midoobay, kuwaa oo lagu sheegay in 75ka xubnood aanan lagu biiri karin Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya maadaama ay 75kaasi xubnood ay Qaraamida Midoobay u diiwaan gashatay iney ahaayeen, hadana yihiin Dembiileyaal Dagaal. Dhinaca kale, Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka waxey xalay dhalay ka dhigeen Haraagii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxeyna kusoo badsadeen Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya oo la dhisay 20ka Agoosto, 2012, si markaasi ay u rumowdo riyadii aheyd in Soomaaliya laga dhiso talis lamid kii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre oo xooga ku haaystay Soomaaliya 21 sano iyo seddex bilood iyo shan maalmood. Cadeyn waxaa u ah iney soo celinayaan Taliskii Diktatoore Jeneraal Maxamed Siyaad Barre marki Baarlamaanka Cusub uu Guddoomiye u doortay Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii aadka ugu dhawaa Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre isla markaana qeyblibaax ka qaatay dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay. Cadeyn kale waxaa ah iyadoo Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka ay ka tageen nin kale oo ka daa’weynaa Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle. Waxaa cadeyn kale ah, markii Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kusoo dareen Baarlamaanka Cusub xildhibaano aqoontooda aad u hooseyso oo aananba ogeyn dhibaatooyinkii uu geystay Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre 21kii sano, seddexdii bilood iyo shantii maalmood ee uu xooga ku haaystay Soomaaliya. Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa ay laaluushka xad-dhaafka ah ay kasoo qaateen oo ay kamid yihiin Guddoomiyeha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxey marnaba soo hadal qaadin dhibaaatooyinkii isdaba jooga ahaa ee uu Soomaaliya ka geystay Taliskii Naxariis-darrada lahaa ee Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Sooma qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taliskii Soomaali gaarsiiyey in Soomaalinimo ay meesha ka baxdo. Soomaa qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka, taliskii horseeday in dadka loo kala qeybiyo beel beel, qofkii ka horyimaadana lagu shaabadeeyo inuu qabiilka aad ugu dhaqmo. Taliskii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ayuu ahaa kii horseeday in Soomaaliya ay kala fogaato isla markaana ay gooni isu taagto Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii Reer Somaliland ay u adkeysan waayeen xadgudubyadii loo geystay, gaar ahaan xadgudubkii 1988kii. Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey sanadkan 2012 ay soo qaateen Shaxdii Shirkii Carta Ee Jabuuti Ee sanadkii 2000, taas oo ku saleysneed in dusha laga saaro Hogaamiye Kooxeedyo wixii Soomaaliya ka dhacay isla markaana dib loo soo celiyo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ee uu markaasi hogaamiye u ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadibna loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees oo ay markaasi wareysi la yeelatay BBC-da Laanteeda Af Soomaaliga wuxuu yiri: ”Waxaa Shirka Carta kaalinta koowaad la siiyey Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. Waxey taasi horseedi doontaa inaan ka hortagno waxa lagu dhodhoobo Jabuuti, waxaana ku noqonayaa Kismaayo.” Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo hada usoo xushay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya xildhibaano u badan Haraagii Diktatoore Maxamed Siyaad Barre, waxaa ku habooneed in ay ka wada saaraan Baarlamaanka Cusub; 1. Haraagii Keltaliye Maxamed Siyaad Barre,, 2. Kuwii lagu sheegay Qabqableyaal Dagaal iyo 3. Kuwii lagu sheegay Hogaamiye Hogaamiye Kooxeedyo Diineed, si markaasi loo helo Baarlamaan Cusub oo xildhibaanadiisa yihiin xalay dhalay. Ha yeeshee, waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay door-bideen in ay kusoo badsadaan Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya; xildhibaano kasoo jeedo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. La arki doonee, halka ay ku dambeyso shaxda loo soo dhiibtay Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. -
Madaxweyne Shariif oo guddiga farsamada xulista xildhibaanada ku eedeeyey iney carqalad ku yihiin dowladnimada Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka cabanayay guddiga farsamo ee soo xulista baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inay qorteen xildhibaano aysan ayagu u gudbin. Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in caqado ay kala kulmayaan guddiga TSCC-da, wuxuuna yiri:- “Nimankaan (TSC) annaga culeys ayay nagu haayaan, xildhibaano annagu aanan qorin ayay iska qorteen, oo meel ay ka keeneen aan la aqoonin, kuwo dadka iyo dalka aan dambi ka galin oo karateeriyada aan ka hor imaan waa la iska soo celiyay, arrimahaas wax badan ayaan kala hadalnay dowladda oo aan sheegnay wax jawaab ahna wali nagama aysan siinin”. “Kulamo badan oo waxba ayan ka jirin ayay mar walba noo qabtaan, halkii ay ku xaroodeena way ka soo bixi waayeen, arrintaas waxaan leenahay in la fududeeyo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa nimanaakaas masuuliyadda ay qaadeen inaysan kaliya ahayn ee mid ka sii sareysa ay ku darsadeen”. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la carqaladeeyo hannaanka nabadda, isla markaana la isticmaalo awood aan sharci ahayn oo lagu hor istaagayo qorshaha dowladnimo. “Waxaa nasiib darro ah in dad aqoonyahan ah oo loo xulay inay ka qeyb qaataan dib u shiska Soomaaliya ay awooddii la siiyay isticmaalaan awood ka badan, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dalka dhibaateynaya, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dadka Soomaaliyeed shaki iyo mugdi kala gelinaya aad ayaan uga xun nahay, nabaddaan dadna waa u dhintay dadna waa dhaawacmay, dadna habeen iyo maalin ayuu u soo jeeday, rag waqti kooban jooga inay fowdo abuuraan waa wax nasiib darro ah, dambi ka weynna ma jiro hannaanka dowladnimo in la carqaladeeyo” ayuu yiri madaxweynuhu. Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha u sheegay in lagu wargaliyay inay ka guuraan hoteelladii ay degganaayeen, taas oo uu sheegay in odayaasha ay ku adagtahay maadaama uusan wali dhammaan qorshihii loo keenay ee ahayd in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo dhammeystiran. madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kaalintii odayaasha dhaqanku aysan wali dhammaan, lana doonayo in odayaashu ay horumuud u noqdaan barnaamijka dib u heshiisiineed ee dowladda cusub, marka ay dhammeystiraan xulitaanka Baarlamaanka doorashaduna ay dhacdo. Wuxuu uga tacsiyeeyay hadalka soo gaaray ee ah inay guryaha ka baxaan. “In sidaa u joogtaan la idiin yimaado ee la idin yiraahdo guryaha ka baxa, oo la idin yiraahdo maqaayaddu waa idinka xiran tahay, arrintaasi arrin dhaqan ah maaha, arrin la isku ogyahayna maaha, arrin aan aqbaleynona oo na qabatana maaha, cidii sameysana waa lagula xisaabtamayaa hadduu Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Office of the Somali President Mogadishu, Somalia