General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Historic moment- The Birth of the Federal Republic of Somalia...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Faahfaahin: Fadhigii kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya August 20, 2012 19:43 0 Comments -------------------------------------------------------------------------------- Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi u horeeyey ku yeeshey hool weyn oo ku yaala bartamaha Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah “Aden Cadde”. Kulankaas waxaa ka qaybgalaey wufuud heer sare ah oo ka socotey beesha caalamka, Madaxda Xilkoodi dhamaadey ee Faderaalka Soomaaliya, diplomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilkaxanaf iyo qaar kamid ah garsoorayaasha sare ee Maxkmadda ayaa Xildhibaanada u dhaariyey Xildhibaanimo iyo in ay masuuliyadooda gudanayaan iyaga oo kitaabka quraanka ah gacanta ku haya isla markaana si koox koox ah loo dhaariyey. Xildhibaanada la dhaariyey waxaa ka mid ahaa Raysalwasaaraha Xilkiisu maanta ku ekaa Prof.Cabdiweli Cali Gaas una sharaxan Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adan oo isaguna musharax ah qaar kamid ah Goloaha wasiirada ee Xukuumadda xilkeedi dhamaadey. Kadib dhaarta ayaa xildhibaanadu iska soo dhexsaareen qofka ugu da’da weyn isla markaana ugu khibradda badan waxaana uu noqdey Gen.Muuse Xassan Cabdulle. Generaalka ayaa la wareegey Shirguddoonka, waxaana uu gaarsiinayaa tan iyo inta laga dooranayo Shirgudoonka Baarlamaanka. Gen. Muuse Xassan Cabdulle ayaa isla maanta ku dhawaaqey xiliga ay dhacayso doorashada Baarlamaanku, waxaana uu sheegey in taariikhdu markey tahay 26 August ay dhacayso doorashada Baarlamaanka, isla markaana qabashada codsiga tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku egtahay 25. August 2012. Xildhibaanad ayaa kulankooda labaad isugu imaanaya maalinta berri ah kulankaas oo ka dhacaya Iskoolka Booliska ee degmada Xamarjajab, halkaas oo nhorey loogu ansixiyey Dastuurka, kualnaas ayaa lagu dhisaytaa guddiga doorashada ee Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo ugu danbeyn 03 September 2012. Artintan ayaa noqoneysaa guul weyn ee ay ku talaabsatey geedi socodka nabadda Soomaaliya iyada oo maanta dalka Soomaaliya lee yahay baarlamaan rasmi ah oo si wanaagsan loo soo xuley, markii ugu horeyseyna lagu dhisey dalka Soomaaliya muddo aad u dheer. Sawirada iyo codadka ka dhawr Horseedka Media Horseed Media -
Breaking News: Azania elder elected the temporary speaker of parliament
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
He is the chair of the new Parliment. Its temporary but an important role never the less. -
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlaaanka cusub ee Soomaaliya Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle -------------------------------------------------------------------------------- Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Jen.Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan. Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan oo xilkan si KMG ah u sii heyn doona illaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay da’diisu tahay 72 sano. Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay markii xilka loo doortay kaddib waxaa uu ku sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u hambalyeynayo, ayna maanta heleen dowlad aan kumeel gaar ahayn. Kaddib waxaa uu ka sii hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in berri laga billaabo ilaa 25 bishan ay musharrixiinta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbin karaan musharraxnimadooda, iyagoo la xiriiri doona guddi doorasho oo uu magacaabi doono, kaasi oo shaqeyn doona 9-ka subaxnimo illaa iyo 3-da galabnimo. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle, Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida ay noqon doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in wareegga koowaad ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan musharrixiinta, wareegga labaadna ay ka qeybgeli doonaan intii wareegga koowaad ka soo gudubta oo haddana hesha codad ka badan 50%, iyadoo wareegga 3aad oo ugu dambeeyana ay ku tartami doonaan labadii musharrax ee isugu soo hartay, iyadoo midkii wareeggan ku guuleystaahi uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto ayaa waxaa ku ekeyd xilligii loo qabtay dowladdii Federaalka KMG ahayd in ay xilliga kala-guurka ah ku dhammeyso howlaha horyaallay, waxaana sida muuqata hadda dhisan baarlamaan aan KMG ahayn, kaasi oo soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kaddibna madaxweyne soo magacaabi doona ra’iisal wasaare. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka bishan kaddib marka 25-ka musharrixiinta xilkaas u tartameysa ay soo gudbiyaan musharraxnimadooda. Laakin waxaanan la shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha oo iyadana si weyn loo sugayo. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com

Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baarlamaanka cusub oo la dhaariyey iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo la dooranayo 26-ka Updated About:35 mins ago 0 Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ayaa lagu dhaariyey 225 xildhibaan kuwaasi oo noqday talaabadi ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya qaado. Dowlada cusub oo ay hordhac u noqdeen xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa munaasabada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mahiga. Kulan ay isla caawa ku yeesheen goobta lagu dhaariyey ayey xildhibaanada gudoomiye kumeel gaar ah ugu magacaabeen Jan. Muse Xasan Cabdullle. Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf ayaa goobta uga dhawaaqay in gudoomiyhaa baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishaan August si kadibna loo doorto madaxweynaha cusub. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It seems that way... We move forward. -
Breaking News: Great Saado Cali is a Somali MP thanks to Puntland
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
Saado Ali Warsame an MP, is most welcome... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
War deg-deg ah : 211 Xildhibaan oo si rasmi ah loo dhaariyey August 20, 2012 19:43 0 Comments -------------------------------------------------------------------------------- Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi u horeeyey ku yeeshey hool weyn oo ku yaala bartamaha Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah “Aden Cadde”. Kulankaas waxaa ka qaybgalaey wufuud heer sare ah oo ka socotey beesha caalamka, Madaxda Xilkoodi dhamaadey ee Faderaalka Soomaaliya, diplomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale. Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana amaanka xoogiisa sugaya ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM. Garsoorayaasha Maxkmadda sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa goobta ku sugnaa kuwaas oo iska lahaa masuuliyadda dhaarta. Ilaa 211 Xildhibaan oo si rasmi ah loo siiyey aqoonsiga Xildhibaan ayaa goobta ku sugfnaa waxaana si koox koox ah loogu dhaariyey kitaabka quraanka ah iyaga oo gacanta ku haya. Warkan oo faahfaahsan gadaal ayaan ka so daabacaynaa. Horseed Media -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kulankii Xidhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Goor dhow ka furmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub. Xidhibaanada uu kulanka u furmay ayaa waxay ka kooban yihiin 225 mudane, kuwaas oo isla maanta qaatay kaararkooda aqoonsiga, waxaana si aad ah u baaray intii aysan kulankooda u fariisan ciidamada dowladda KMG ah. Inkastoo ay jireen xidhibaanno aad uga biyo diidan in laga reebo liiska xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dareemayay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo kulankan oo lagu waday inuu gallinkii hore maanta furmo ayaa la sheegay inuu dib ugu dhacay bixinta kaararka aqoonsiga ee xildhibaannada. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligeeda ku eg-yahay maanta, taas oo keentay in dadaallo badan lagu bixiyo in kulanka baarlamaanka uu qabsoomo si ay u doortaan guddoomiye KMG ah oo howsha dowladda la wareega. Guddiga farsamada ayaa waxay sheegeen inay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan laug soo xulo baarlamaanka ka dhiman, iyagoo horay u celiyay xildhibaanno loo haysto dambiyo kala duwan. Odayaasha dhaqanka ee laga sugayo inay xildhibaannada dhiman soo gudbiyaan ayaa iyaguna waxay sheegeen inay u gudbin doonaan guddiga xildhibaannadii horay loogu soo celiyay oo ay ku jiraan xubno la sheegay inay hoggaamiye kooxeedyo yihiin. Xidhibaannada cusub ayaa dhaarta kaddib waxay guddoomiye cusub u dooran doonaan ninka ugu da'da weyn, kaasoo howsha wadi doona inta laga dooranayo guddoomiye cusub oo uu baarlamaanku yeesho. Dhanka kalena, waxaa goor dhaweyd billaabatay dhaarinta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo marka ay dhaarintooda dhammaatana ay dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka. Wixii ku soo kordha kulanka socda kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
Breaking News: Great Saado Cali is a Somali MP thanks to Puntland
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
'Liibaan';858482 wrote: According to UN Report , Abdiweli is corrupt ! You are waging an all out war, what power eh... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I sense a great deal of anger with some folks. Nothing ever changes I guess... -
Breaking News: Great Saado Cali is a Somali MP thanks to Puntland
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
MoonLight1;858460 wrote: This is a big blow for the Khaatumo project and a boost for Dabagooye and Cameey. C/Kariim Jaamac former information minister and one of the founders of Khaatumo is missing on the list. 1) Caali Khaliif Galeyr. 2) Saada Cali Warsame. 3) C/Lahi Xasan Dhooble 4) C/Risaaq Max'ed Yusuf. 5) Cabdi Max'ed Cali 6) Cabdi Cabdulahi Max'ed 7) C/Waaxid C/Lahi Jamac 8) Siyaad Max'ud Shire. A/Karim Jama the special translator of Sharif Ahmed is out... This is a big blow to Ala Shiekh. Galayr will have a tough time what ever he might try to do.. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Dont emotional lad. You can do better than that.. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Election of speaker will be held between 26-27 of August insha Allah. Candidates have 5 days to send in their documents to the committee... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wareysiga Wasiirka Dastuurka oo dhameystiran halka ka dhageyso Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid doorashooyinka Gudoomiaya baaralmaan iyo madaxweynaha, Wasiirka oo goor dhow wareysi siiyaya VOA ayaa sheegay in tirada ilaa hada la hayo y tahay 225 kuwas oo la diwaan gelin doona lana dhaarin doon, wuxuu kaloo sawiirka sheegay in ” Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 26 iyo 27 bishaan dorashada iyo in ay cadeyn weli waqtiga doorashada madaxweynaha….” Wasiirka ayaa sheegay sid laga yeeli doono dadka maqan iyo qaabka wax dowlada dhacday howsha u sii wadi lahaayeen inta uu dhamaanayao xiliga kala guurka si aan qal qal amaandaro *u dhincin. -
Breaking News: Great Saado Cali is a Somali MP thanks to Puntland
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
Ali Khalif wants to lead Somalia but can not get the support of Saado Ali & Xaglatosiye... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ I think we have all moved on already. It's just brother Oba I stuck in the past... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Oba, it seems you are the man who can construct that ice sculpture of the man to be permanently displayed in the Bakara entrance... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Oba that's the one thing the Shabaab's got right. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
oba hiloowlow;858413 wrote: Kismaayo is actually a good option Kismayu airport is named after Imaam Ahemd Ibrahim al Ghazi ( Guray) -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiligii Dowlada KMG ah oo Dhamaaday iyo Baarlaman cusub oo lagu dhaarinayo Muqdisho August 20, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Ciid wanaagsan,, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 20/8/2012 waxa ay ku beegantahay maalintii loo asteeyay in uu soo dhamaado xiliga DKMG ah ee Soomaaliya islamarkaana la gudagalo sidii loo soo dhisi lahaa Dowlad Qaran oo Soomaaliyeed sida ay qeexayaan heshiisyadii Raod mapka. Inkastoo aan weli soo dhamaanin dariiqadaha loo marayo howsha soo dhisida Madax cusub oo uu dalku yeesho hadana waxaa ay ku dhawaaqday dowlada KMG ah ee Soomaaliya in uu dhamaaday jiritaankii dowlada , Waxaa isla maanta lagu wadaa in gudaha magaalada Muqdisho lagu dhaariyo ku dhowaad 250 xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya sida ay sheegeen in gudiga Farsamada. Xubnahaasi ayaa maanta loo sameeyay oo la siiyay kaararkii aqoonsiga Baarlamannimo, iyadoona saacadaha soo socda ay bilaabaneyso dhaarintooda. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
So long as he stops naming regions and districts at will and releasing Al Shabaab fighters he can call himself whatever he wants. -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ His term has ended and should he lose the election, he will be accorded all the respect that comes with being the last President of transitional Somalia... -
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed.... By Jowhar.com, it's a brave new world lads. -
Breaking News: Great Saado Cali is a Somali MP thanks to Puntland
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
Not bad at all. A couple artists some wadaads, professors and no warlords is music to my ears.