General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweyne Shariif " Shabaab iyo Al-Qaacida inaan dalka ka xoreyno ayaan balan qaadeynaa, 100% ciidamadeenu waa diyaar" Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa balan ku qaaday in Dowladdiisa ay waqtiga dhow wajihi doonaan Kooxaha ka soo horjeeda, isagoo sheegay in sanadkan cusub ay howl galkooda noqonayo sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Isagoo shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Munaasabad uu ugu dabaal dagayay sanad kadib markii uu fariistay Kursiga Madaxweynaha ayaa in Dowladda Soomaaliya hal sano ay cayaar cayaar iyo diyar garow uga soo dhamaatay laakiin sanadkani waxa uu xusay in wax weyn ay Dowladdu qaban doonto. "Shabaab iyo Al-Qaacida inaan dalka ka xoreyno ayaa balan qaadeynaa, dalkaan dhibaato aad u culus ayay ka hayaan, waxaana diyaar u nahay inaan nimankaas argagixisada ah aan tallaabo ka qaadno"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo khudbadiisa aad u kululeyd. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Mas'uuliyada Dowladda ay tahay in wax laga qabto dhibaatada ay dalka ku hayaan waxa uu ugu yeeray Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo si cad ah u qeexay inay taasi uga go'an tahay.
  2. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo kula taliyay Madaxweyne Shariif in tallaabo deg deg uu qaado Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa xalay kulan albaabada u laaban ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Itoobiya, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada dal iyo xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Kulanka labada hogaamiye oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Itoobiya Cali Jaamac Jengeli iyo Seyoum Mesfin ayaa diirada lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee siyaasada iyo ammaanka. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo markii uu idlaaday kulanka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kula taliyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu qaado tallaabo milateri oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka. Meles ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in looga fadhiyo inuu maquuniyo mucaaradka ka soo horjeeda, si dowladda isugu fidiso Caasimada Soomaaliya iyo gobolada dalka oo ay ku xoogan yihiin. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dowladdiisa ay haatan diyaar garow ugu jirto sidii ay tallaabo uga qaadi laheyd kooxaha ka soo horjeeda waxaana uu ku faanay in ay u dhisan yihiin ciidamada qalabka sida, dhowaana ay howl geli doonaan. Kulanka Labada Mas'uul oo ah kii shanaad oo ay wada qaataan tan iyo markii Madaxweyne Shariif loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  3. A year learning how to dress up Addis Ababa: Shariif oo dalbaday Hub, Ciidan iyo Dhaqaale. 1. februar 2010 Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeedinayay Xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa, ayaa ku eedeeyey dawladdaha Caalamka in ay gabeen kaalintii uga aadaneyd Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Soomaaliya hada ubaahan tahay taageeradooda, waa sida uu hadalka udhigaye. Shariif wuxuu codsaday taageerooyin Siyaasadeed, ciidan iyo Hubeed, oo uu sheegay in uu kula dagaalamayo Islaamiyiinta ka soo horjeeda dawladdiisa iyo Siyaasadaha kale ee Reer galbeedka, wuxuu si gaar ah ucodsaday ciidan lugu badiyo AMISOM, hub lasiiyo ciidamadiisa iyo taageerada Siyaasada oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga dhameeyo. Madaxweynaha KMG ah wuxuu kaloo dalbaday in la muujiyo sida loogu baahan yahay Soomaaliya in laga dhaliyo nabad iyo kala dambeyn, wuxuuna tilmaamay in ay dawladdiisu ku jirto hada, waxa ugu yeeray Diyaargaroowgii xornimada, oo ula jeeday dagaal ay ku qaadaan mucaaradyada hubeysan. “ Dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed, waxa ay diyaar utahay in ay xoreyso dalkeda, waxa ayna la dagaalamaysaa Argagixiso ku soo duushay, oo waajib ay tahay in lala dagaalamo” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayay Hogaamiyaasha Africa horteeda, doonayayna taageero uu ka helo dalalkaasi. Madaxweynaha KMG ah ma soo qaadin wax ka qabashada dadka dhibaateysan iyo sida loogu baahan yahay in dadkaasi gargaar bini’aadantinimo loo fidiyo, balse wuxuu uxusay in ay dadkaasi ubaahan yihiin nabad iyo kala dambeyn in ay helaan, isagoo shegya in ay taasi ku xiran tahay danta dawladda KMG ah oo lafuliyo. Shariif waxyaabaha kale ee uu taabtay waxaa kamid ahaa in uu dhamaaday waqtigii wada xaajoodyada, wuxuuna ku eedeeyey Xarakada Al- Shabaab, in ay doonayso in ay la wareegto guud ahaan gobalka Bariga Africa, isagoo taasi daliil ugu soo qaatay awooda buuxda ee Xarakada Al- Shabaab, wuxuuna ugu yeeray dalalka la deriska ah Soomaaliya taageero balaaran oo ay ufidiyaan dawladda Soomaaliya, waa sida uu hadalka udhigaye. Taageerooyinka uu dalbaday Shariif iyo Hanjabadihiisu waxa ay ku soo beegmayaan, xili uu 29- January uu sheegay in uu dagaal diyaar uyahay, iyadoo habeenadaas ay Xarakada Al- Shabaab ku qaadeen weerar awood badan, oo ay ku wajaheen xarumo badan oo ay leeyihiin ciidamadiisa iyo AMISOM oo taageero wanaagsan siisa. F. C. Maxamed AllPuntland
  4. Aid group: Armed forces shelling Somali civilians NAIROBI, Kenya -- An aid agency spokeswoman says indiscriminate shelling into residential areas of the Somali capital wounded 89 civilians in three days. Axelle de la Motte St. Pierre says 30 of the wounded are children under 14 years old and 36 are women. Some lost limbs and others needed stitches for deep lacerations. St. Pierre heads the Somali program for Medecins Sans Frontieres, also known as Doctors Without Borders. She said Wednesday so many patients arrived at Daynile Hospital between Jan. 29 and Feb. 2 that some of the wounded had to be treated in tents. Somalia's capital, Mogadishu, has seen an upsurge in fighting between African Union peacekeepers, government forces and Islamist insurgents in recent weeks. All sides have used mortars in the city.
  5. MSF: 52 haween iyo caruur ah baa ku dhaawacmay duqeynta Muqdisho Hay’ada Dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn Médecins Sans Frontières (MSF) oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in tirada shacabka wax ku noqonaya Duqeynta Muqdisho ay tahay mid aan loo adkeysan karin. Hay’ada ayaa warbixinteeda ku sheegtay laga soo bilaabo 29kii bishii Janaayo illaa 2dii bishan Feberaayo ee shalay ku beegnayd Isbitaalka Dayniile ee Muqdisho in la dhigay dad gaaraya 89 qof oo ku dhaawacmay duqeynta aan xaduuda lahayn ee ka socota Muqdisho. Warsaxafadeedkan ayaa lagu sheegay in 52 qof oo kamid ah dadkan ay yihiin caruur iyo haween. Waxayna hay’ada ku eedaysay kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho, inaysan marnaba dhawrin xaquuqda shacabka, ayagoo si aan kala sooc lahayn u daqeeyaan goobaha shacabku uu degen yahay. “…tirada dadka dhaawacyada soo gaareen 72kii saac ee lasoo dhaafay, maaha khasaaro dagaal, balse waxaa dhibaato aan loo kala soocin oo wax tixgelin ah aan la siin shacabka…”ayuu yiri madaxa MSF Axelle de la Motte St. Pierre. “….xaalada ka jirta Muqdisho waa mid cakiran, dhamaan kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho eeda way leeyihiin, balse duqeynta goobaha shacabka ku nool yihiin waa mid aan marnaba loo dulqaadan karin…” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka MSF. Sanadkii 2009kii ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho lagu sheegay 1,137 qof, ayadoo kala bar tiro ku dhaw ay ahaayeen haween iyo caruurta da’adoodu ka hooseyso 14 sano jir. Warsaxaafadeedkan ayaa loogu baaqay Dowlada Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha mucaaridka inay ka waantoobaan duqeynta ay ku dhexwadaan goobaha shacabka ay degen yihiin ee aan kala sooca lahayn. Horseed Media
  6. Cowke as ever is pulling peoples legs, as he continues on the fake quest at pretending to be a Puntlander..Anyhow great news, the state has reps in Malyasa, but its not secession.
  7. Faroole complaint is a genuine one adeer, neither Hragaysa nor Garowe nor Mogadishu get the real funding. Promised money goes to NGO’s in Nairobi and to support AMISOM. Thus as usual you have no point, Puntland is pressing its case as a true alternative to the Somali problem, a unionist state that has survived the fake Jihadi’s and the secessionists. What’s important here is that leaders of countries that have some influence in Somalia are meeting the leaders of the state. Political influence is as important as funding adeer. My only problem is the lack of coverage from the media outlets but I think that will change once the President & Minister arrive home insha Allah.
  8. ^^^lool. My man Mintid Farayar: He reads minds and is privy to outcomes of closed door meetings. Now Faroole had at least met these leaders where is the secessionist King Riyaale ?
  9. The only problem I have thus far is he is not doing a great job. Garwoweonline lately seems static with infrequent updates. A two week “important” trip is digested into a few repetitive paragraphs. Other than that, a great trip for the leaders of the state.
  10. A good post, wish all the best for my folks back in the UK. Well done..
  11. Madaxweynaha Puntland oo ka baxaya hotelkii uu ka daganaa Triboli
  12. Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka arrimaha gudaha Ilkajir oo la kulmaya ra'isal wasaraha libiya Safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Libiya ayaa dhinaca kale kusoo dhamaadey guul isaga oo la kulmey Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweyne Qadafi kuwasoo kawada hadley arrimaha Somalia. Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dalkaas kala hadley sidii Puntland u tageeri lahaayeen iyada oo uu xusey in dalka Libiya qayb libaax ka qaatey xiligii dhidaba loo aasayey maamulka Puntland. Madaxda Libiya oo uu Madaxweyne Qadafi ugu horeeyo ayaa balan qaadey inuu tageeri doono maamulka Puntland iyo guud ahaan Somalia. Mamulka Puntland ayaa waxaa ka go'an sidii codka shacabka ku dhaqan mandaqada u garsiin lahaa calamka isaga oo geed gaaban iyo mid dheer u fuuli doona madaama ay yihiin kuwo nabadda iyo hurumarka jecel.. Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland
  13. Dhinaca kale safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa guul ku soo dhamaadey iyada oo uu halkaas kula kulmey madaxda dalkaas iyo safiirada hay'adaha caalmiga ah ka jooga Addis Ababa. Kulamada Farole la yeeshey Ethiopia ayaa ka hadlayey xaalka Somalia iyo kaalinta Ethiopia kaga jirto xal u helidiisa iyada oo la sheegey inuu muhiim yahay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia.
  14. President of Djibouti & President of Puntland State of Somalia Warbixin: Safaraddii M. PL ku tagey wadanka banankiisa 29 Jan 29, 2010 - 5:47:01 AM Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo muddo labo asbuuc ah safaro ku marayey Ethiopia Libiya iyo Jabuti ayaa waxaa uu maanta Jan 29,2010 aqalka Madaxtooyada kula kulmey Madaxweynaha Jamhuriyada Jabuti Ismaciil Cumar Geele. Mud. Farole iyo Mud. Geele ayaa kulankooda diiradda ku saarey xaalada Somalia ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa iyada la wada ogsoon yahay in dowladda Jabuti kaalin weyn ka caayaartey sidii xal loogu heli xarbi-ahliga Somalia ka socdey mudada 21-ka sano ah. Madaxweynaha Puntland oo ka baxaya hotelkii uu ka daganaa Triboli Madaxweyne Farole ayaa hoogamiyaha dalka Jabuti sidoo kale ka codsadey in xaalada Somalia ka tagaan muhiimad koowaad laga siiyo shirka ururka midowga Afrika uga furmi doona magaalada Addis-Ababa. Madaxweynaha Jabuti ismaaciil Cumar Geele oo maanta 29 Jan,2010 u ambabaxaya dalka Ethiopia ayaa sheegey in amaanka mandaqada guud ahaan khatar ku jiro hadii aan xal deg-deg ah loo helin xaalada cakarin ee ka taagan Somali gaar ahaan Koonfurta halkaas oo daagaalo xoogan ka socdaan. Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqey in amni darada maalmahaan kasoo korortey Puntland iyo Somaliland salka ku hayso xaalada ka sii dareysa ee ka taagan Koonfurta & gobolada dhexe ee Somalia tasoo cabsi weyn laga qabo iney saameyn ku yeelato Jabuti iyo wadamada dariska badda kala ah sida Yamen.
  15. Xarakada Shabaab oo sheegatay dagaaladii safka ballaarnaa ee xalay ruxay magaalada Muqdisho Xarakada Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalo culus oo xalay si saf ballaaran uga dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaas ku qaaday dhowr goobood oo ay ugu weyneyd Madaxtooyada Villa Somalia. Weerarka Shabaab ayaa ka dhacay dhowr goobood oo Magaalada ka mid ah, sida Kulyadii hore ee Jaalle Siyaad Ex-Contarol Afgooye Madaxtooyada, Shibis iyo C/casiis, Hodan iyo Dharkeenley, waxaana uu ahaa weerarkii ugu xooganaa ee abid ay qaadaan. Bayaan ka soo baxay Shabaabka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Xafiiska Jowhar.com ee magaalada Muqdisho ayaa dagaaladaas waxaa lagu sheegtay guulo ballaaran, waxaan war saxaafadeedka shabaabka lagu xusay geerida labo dagaalyahan iyo dhaawaca saddex kale. Sidoo kale Shabaabka ayaa waxay sheegteen in Madaxtooyada ay labo jiho ka weerareen, iyagoo weerarkaas ahaa mid aad u xooganaa oo ay hurdada ugu diideen Madaxda ugu sareysa Dowladda. Qoriga ka dhaca Taangiga ayaa ahaa mid aad looga maqlayay Caasimada, kuwaasoo qaarkood laga ridayay dalcadaha Madaxtooyada, waxaana jawaab uu ahaa weerarka lagu soo ekeeyay. Dhinaca kale Ururka Xisbul Islaam ayaa dhinacooda sheegtay in ay ku lamaananaayeen dagaaladaas, waxaana ay tibaaxeen in ay dagaalka ka soo galeen dhanka Gurigii C/qaasim, Taleex ilaa Warshadii hore ee Coca Cola. Dagaaladii xalay ayaa ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee waayahan dambe dhaca, waxaana dad badan uu soo xusuusinayaan xilligii ay dalka joogeen Ciidamadii Ethiopianka oo xilliyada saqdii dhexe la weerari jiray. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  16. Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo xalay Muqdisho gil gilay, Mucaaradka oo weeraro saf-ballaaran soo qaaday Dagaalo culus oo watay Madaafiic xoogan ayaa xalay gil gilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid dadka reer Muqdisho hurdada kaga tooseen, iyadoo dagaalkaas uu ahaa kii ugu waqtiga dheeraa mudooyinka dhaca. Dagaaladan oo soo bilowday abaarihii 2-habeenimo ee saqda dhexe ayaa soo gaaray ilaa waabarigii saaka, waxaana dagaalada bar bar socday madaafiic aad u culus oo dadka qaar ay guryaha la gariireen marka uu dhacay. In ka badan 10-ruux ayaa ku dhimatay dagaaladaas halka labataameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa, waxaana ku jiray Haween iyo caruur dadkaas oo madaafiicda ugu tageen goobahooda. Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda ayaa weeraro waali ah ku ekeeyay Magaalada Muqdisho min gees ilaa gees, kaasoo ahaa weerarkii ugu xooganaa abid oo si saf ballaaran ugu soo qaadaan xeyndaabka Dowladda. Wariyeyaasha Muqdisho ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ilaa saaka socday uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhaca, waxaana uu ahaa dagaal dadka reer Muqdisho waaga ugu baryay iyagoo sariirahooda dul fadhiya. Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo weerarka lagu soo qaaday ayaa ka bixi waayay inay dabada la soo galeen meelahooda iyo in ay Madaafiic ay waraf camal ugu ridaan qeybaha uu weerarka kaga imaanayay. Xoogaga Mucaaradka ayaa dagaal istiraatiijiyadiisa deganeyd soo qaaday, waxaana uu ahaa mid saf ballaaran ku socday oo qorsheysnaa, waxaana uu jawaab u ahaa hadalada goodinta ahaa ee maalmahan Dowladda ka soo baxayay, kaasoo ku aadanaa in ay Muqdisho la wareegayaan. Duqeynta dagaaladaas ayaa soo gaartay saaka saacada markey aheyd 7-da subaxnimo, iyadoo xaalada magaalada Muqdisho haatan tahay mid degan oo dhinacyada dagaalamay ay kala daneysteen. Dagaalada raatibka noqday ayaa waxay yihiin kuwo bulshada reer Muqdisho nolol maalmeedkooda noqday, waxaase dagaalkii xalay ahaa mid in badan ka duwanaa dagaaladii dhuumashowga ahaa oo si fool ka fool ah xalay la isu waajahay. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  17. Muqdisho: Al- Shabaab oo xalay dagaal culus ku qaaday AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG ah. 29. januar 2010 APL Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo saacado badan socday ayay ciidamada Al- Shabaab ku qaadeen fariisimaha dagaal ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi geysteen khasaare iskugu dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Al- Shabaab oo weerarka qaaday abaare 02:00 habeynimo ayaa ku balaariyey dhamaanba fariisimaha AMISOM iyo ciidamada dawladda Soomaaliya, taasoo keentay in ay AMISOM madaafiic aan loo meeldayin ku gaaraan dadka rayidka ah. Qeybta Warfaafinta ee Xarakada Al- Shabaab oo soo saartay warsaxaafadeed ku wajahan dagaaladii xalay ayay sheegtay, in AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG ah ay soo gaarsiiyeen jab balaaran, isla markaasna ay ka dileen Askar badan, oo ay sheegeen in ay xiligaasi iska jiifeen. Nuqul ka mid ah qoraalka oo ay heshay APL ayaa lugu xusay, in ay Al- Shabaab wadayso dagaaladeeda, tan iyo inta dawlad Islaami ah ka dhalanayso Soomaaliya iyo bixitaanka ciidamada Shisheeye ee jooga Soomaaliya. Al- Shabaab ayaa sidoo kale tibaaxday in ay dagaaladan qeyb ka yihiin howlgalo xariir ah oo dhawaan laga fulin doono guud ahaan goobaha ay dhinacyadu isku horfadhiyaan, iyadoo qoraalka lugu sheegay in aysan Al- Shabaab dagaal waxba uarkin oo ay wadi doonaan dagaalada ay uga soo horjeedaan cid kasta oo ay sheegeen in ay la dhacsan yihiin siyaasadaha Reer galbeedka. Fariisimaha dagaal ee ay Al- Shabaab xalay ku balaariyeen dagaalkooda, waxaa ka mid ah, dhanka Xaafada Xoosh, Ex.Kontorool Afgooye,Kuliyadii hore ee Jaalla Siyaad,Gurigii hore ee C/Qaasim,Madaxtooyo oo laga weeraray labo dhinac (Wadada Florenca iyo Wadada Aadan Cadde),Afarta Jardiino,Maanabooliyo,Agagaarka Hotel Global iyo dhanka xeebta Badda liido. Dawladda KMG ah ayaan ku sheegtay dagaaladan kuwa lugu doonayo in lugu wiiqo awoodeeda iyo in afka ciida loo daro, waxa ayna sheegtay in ay qaadi doonaan howlgalo ay uga soo horjeedaan Xarakada Al- Shabaab. F. C. Maxamed AllPuntland
  18. ^^^lool. Comical Ali has nothing on the Somali group who want to break away because they are the "orphans of the Queen of England".. Now thats the joke of the centuries..
  19. ^^^You seem to be really upset today, now dont lecture Sophist on his own family, the man is there and has some insight. If Garad Salebaan is confident there is a reason I guess.
  20. Oodweyne AKA.... “Margaret Thatcher”, the lady does not have a break or a reverse gear; once you start you can’t stop waffling. The secessionist are under attack in LA, their militia leader from Burco was blown up, their conscripts are getting killed on a daily basis and their puppet friends are being taken out and marginalized. They don’t have a single elder who they can even bribe, and Xabsade is no chief lads. Yet we have Maggie here telling us we do not get the jist of the matter, much like we don’t get that Somaliland was recognized according to him back in November 2003.
  21. ^^^ Miskiin, Xaji Puntland does not need to do a thing, other than stop your secessionist agenda... Xabsade came out of the closetand he stinks... To fight and conquer in all your battles is not supreme excellence; supreme excellence consists in breaking the enemy's resistance without fighting. - Sun Tzu, the Art of War
  22. Originally posted by Mintid Farayar: P.S. From your point of view, don't you think you should upgrade us from 'secessionists' to 'expansionists' , Adeer, thanks for the honesty, you secessionists or SNM are trying to expand into SOOL? And the people of SOOL are saying no. I think the rest of the secessionist should learn from this man in being straight.
  23. Originally posted by Mintid Farayar: situation lad, focus on the topic..Xabsade is turning white. . P.S. From your point of view, don't you think you should upgrade us from 'secessionists' to 'expansionists', [/QB] Adeer, thanks for the honesty, you secessionists or SNM are trying to expand into SOOL? And the people of SOOL are saying no. I think the rest of the secessionist should learn from this man in being straight.