
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Djabouti delegation in PUNTLAND:aid for Tsunami victims
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pictures of Djabouti delegation in Garowe www.allpuntland.com -
La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti oo Maanta soo gaaray Garoowe Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabbuuti oo uu hogaaminaya la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Nin lagu magacabo Xaashi Cabdullaahi Qodax ayaa maanta soo gaaray Magaalada Xaruunta u ah Ismaamul Goboleedka Puntland ee Garoowe. Wafdigan oo ay soo dhaweeyen xubno ay ka mid ahaayen wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Siciid Jaamac Qoorsheel iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdi Cawad ayaa ujeedada socdaalkooda waxay la xiriirta kaalmo dowladda Jabuuti ugu deeqday dadkii waxyeelada ka soo gaartay mowjadihii Badweynta hindiya ka dhashay, deeqdaas oo isugu jirtey cunto oo uu miisaankeedu yahay ilaa 10 tan, waxaana la gaarsiin doonaa dadka soomaaliyed ee dhibaatada ka soo gaartay badda. Caawa ayaa la filaya in ay madaxweynaha Puntland casho sharaf ku qaatan Xaruunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, iyagoo isla soo qaadi doona arrimaha siyaasadda ee dalka soomaaliya. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
-
Samsam Axmed Ducaale on her way home at last
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Samsam Axmed Ducaale oo Puntland loo soo wado iyadoo Gar & Mag la'aan ah Hargeysa-01.February.2005 Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo reer Boosaaso ah oo in mudo si sharci daro loogu haystey Xabsi ku yaaln Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in laga siidaayey xabsigii lagu hayey oo lagu wareejiyey saraakiil ka socotey Qaramada Midoobey gaar ahaan qaybta Xuquuqda Aadanaha oo dhawaanahan socdaal ku aadaanaa xariga inantas da'da yar u joogey Magaalada Hargeysa. Sarkaal lagu magacaabo Qaalid Bin Najax oo u dhashey Wadanka Kuwait iyo xubno kale oo qaarkood yihiin dhakhaatiir ayaa Magaalada Hargeysa waxay u yimaadeen sidii ay Maamulka la magacbaxay Somaliland uga sii deyn lahaayeen Samsam Axmed Ducaale oo mudo lagu xabisay Hargeysa qaybo ka mid ah sharafteedana meel ka dhac loo geystey. Wadahadalo qaatey saacado badan oo Saraakiisha Qaramada Midoobey ay la yeesheen Madaxda Maamulka Somaliland gaar ahaan Ninka Madaxweyne ku xigeenka ka ah Maamulkaas oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Yaasin oo si gardaro ah oo xuquuq ku tumasho ah Xabsi ugu hayey gabadhaas ayaa mar dambe lagu guuleysay in la siidaayo Samsam oo lagu wareejiyo xubnaha Qaramada Midoobey iyadoo gar iyo mag la'aan ah. Dad xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Hargeysa isla markaana codsadey inaan magacooda la sheegin sababo xaga amaanka ah ayaa u sheegay Idaacada SBC inay haatan Samsam gacanta loo geliyey Wafiga Qaramada Midoobey iyadoo lagu wado in maalinimada Barri ah laga soo dajiyo Magaalada Boosaaso ama Garoowe. Sii daynta Samsam Axmed Ducaale ayaa la sheegay inaysan helin wax xuquuq ah ama gar ah oo ku aadan sababihii Xabsiga loogu hayey intaas oo bilood iyo waliba tacadiyadii nafteeda loo geystey oo ay ka mid ahaayeen Kufsi, dil iyo ku tamasho nafaasi ah. Warar si hoose SBC Online ay ugu sheegeen Dad xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Samsam ay baaritaan ku sameeyeen Xubnaha Qaramada Midoobey taasi oo ay cadaatey in loo geystey Kufsi iyo dil naxariis daro ah, waxaana marqaati noqdey nabaro lagu qiyaasey in loo geystay gabadhaas dhawr bil ka hor oo ka muuqdey lugaheeda, taasi oo meesha ka saareysa wararkii ay inta badan sheegeen Madaxda Maamulka Somaliland oo ay ku tilmaameen in Samsam Axmed Ducaale aan loo geysan wax dhib ah. Samsam Axmed Ducaale ayaa haatan waxay ku sugan tahay meel aynan si rasmi ah u helin magaceeda oo ka mid ah Magaalada Hargeysa waxaase Xabsiga looga saarey iyadoon aan helin inaba haba yaraatee wax mag ama gar ah oo ku aadan gaboodfalkii lagula kacay. SBC News Desk. -
Samsam Axmed Ducaale oo ku soo fool leh Boosaaso kadib markii xabsigii laga sii daayay Posted to the Web Feb 02, 15:54 Boosaaso:-Samsam Axmed Ducaale oo in muddo ah ku jirtay Xabsiga Hargaysa halkaasoo ay kula kulantay dhibaatooyin isug jira, Xarig, kufsi , jirdil ayaa haatan ku soo fool leh magaalada Boosaaso kadib markii ay dadaal dheeraada u galeen dib u soo celinta xoriyadeeda Hay’adaha u dooda Xuquuqul Aadanaha. War saxaafadeed uu shalay u qaybiyay saxaafada gudaha ee S/land Wasiirka Cadaaladda ee maamulka la magac baxay S/land, Axmed Xasan Cali ( Casoowe ) ayuu warsaxaafadeedkaas ku sheegay in ay cafis u fidiyeen Samsam Axmed kagadaal markii ay qiratay dambiyadii ay gashay soona qoratay qoraal ay ku dalbanayso in la cafiyo waa sida qoraalka loo qoraye. Samsam Axmed Ducaale oo ah muwaadinad u dhalatay Puntland ayaa maxkamada gobolka Hargaysa ku xukuntay 5 sano xarig ah, kadib markii maamulka Daahir Riyaale uu ku ee deeyay in ay Samsam waday hawlo basaasnimo ah oo lagu khaarajinayo madaxwayne-kuxigeenka S/land Axmed Yaasiin lagana soo abaabulay magaalada Boosaaso. Maamulka Daahir Riyaale ayay waji gabax ku noqotay in uu qirto dhibaatooyinka llixaadka lahaa ee ay Samsam u gaysteen ilaalada Madaxwayne-kuxigeenka S/land Axmed Yaasiin, oo isugu jiray kufsi, Jirdil iyo xarig, kuwaasoo dhan ka ah Islaanimada iyo bini aadanimada, waxayna ku celceliyeen in aan Samsam loo gaysay wax kufsi ama jirdil ah haba yareetee, hase ahaatee warar la xaqiijinayo ayaa ku waramaya in Samsam jirkeeda laga helay dhaawacyo muujinaya dhibaatooyinkii loo gaystay inanta da'da yar kadib markii ay baaritaan kusameeyeen dhaqaadiir ay ka mid yihiin kuwa ajnabi ah. Sikastaba ha'ahaatee dhibane Samsam Axmed Ducaale ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo gaadho magaalada Boosaaso oo ay horay uga ahayd ardayad wax kabarta. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya
-
Wafdigii Dowladda KMG ah oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
General Duke replied to Saxardiid's topic in Politics
WAFDIGII KA SOCDAY (DFKMF) SOOMAALIYEED OO MAANTA SOO GAARAY MUQDISHO W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji Muqdisho, Soomaaliya abuukarsom@hotmail.com Wafdi ballaaran oo uu hor kacaayo ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka DFKMG mudane CISMAAN CILMI BOQORRE ayaa maanata soo gaaray magaalada muqdisho wafdigaan oo kasoo dagay saaka gagida diyaaradaha ee BALI DOOGLE ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay maamulka gobolka banaadir oo uu hor kacaayeen gudoomiyaha gobolka FIRINBI iyo duqa magaalada muqdisho SHAAWEEY ayadoo ey wehliyeen qaar kamid ah urrurada bulshada waxaana wafdigu uu kusoo dagay hotelka SAXAFI oo sida lasheegay qaar kamid ah wafdiga ey dagi doonan. Banaanka hore ee HOTELKa ayaa waxaa buux dhaafiyay dadweyne badan oo u yimid soo dhaweynta mas'uuliyiintii imaaneysay markii ey soo wada xaroodeen wafdiga ayaa waxaa dadweynaha la hadlay hogaamiyaha wafdiga mudane cismaan boqorre oo dadweynaha iyo mauulyiintii soo dhaweysayba uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ey usoo dhaweeyeen isagoo intaas ku daray in wafdigoodaan uu horudhac u yahay dowladii oo dhan oo imaan doonto waddanka gudihiisa Wafdiga ayaa xubnihiisa waxaa kamid ahaa waziirka ganacsiga Al-xaaji MUUSE SUUDI YALAXOOW oo isaga markii uu soo dagay dadweynuhu in badan u sacabba tumeen isla markaana u salaameen isaguna uu uga mahad celiyay soo dhaweyn tooda waxaana xusid mudan in xubnaha wafdiga marka laga reebo xaaji muuse iyo C/RAXMAAN IBBI oo iyagu waziirra ah intiisa kale eey ahaayeen xillibaanno baarlamaan Dhanka kale waxaa muuqatay in HOTELKA SAXAFI oo ah meeshii wafdigu kusoo dagay anan siweyn loo habeyn habsami udajinta wafdiga iyo waliba warsiinta saxaafadda oo ey muuqatay in wariyayaasha qaar loo diiday galitaanka albaabka hoose ama gudaha HOTELKA oo ey ka dhageysan lahayeen wararka ey bixnayaan masuuliyiinta. W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji Muqdisho, Soomaaliya abuukarsom@hotmail.com -
Wafdigii Dowladda KMG ah oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
General Duke replied to Saxardiid's topic in Politics
Wafdi ka Socda DKMG ah Oo Maanta Muqdisho soo Gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi xildhibaanno iyo wasiirro ka kooban oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka la baad ee baarlamaanka federaalka kmg ah ee Soomaaliya, Md Cismaan Boqorre. wafdigan ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Balli doogle ee gobolka shabeellada hoose halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay diyaar garow aad u ballaaran ugu jiray sidi ay wafdiga u soo dhawaayn lahaayeen. Dad wayne aad u fara badan oo soomaalila ah ayaa waxa ay isugu soo xoomeen dacallada wadada ka timaadda Ballidoogle ilaa hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo wafdigu ay haatan ku suganyihiin. Markii ay soo galeen magaalada Muqdisho waxaa qaar ka mid ah xildhibaannada wafdiga la socdayi ay u gacan haatinayeen dadka soo dhawayntooda aawadood dacalka waddada u soo tubtay, caleemo qoyan qaar badan oo ka mid ahi lulayeen. Waxaa wasiirradan iyo xildhibaannada dowladda ka tirsani ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan ka dib muddo labo sano ku dhow oo ay wadahadallo dib u heshiisiineed u joogeen dalka Kenyaoo wali saldhig u ah dowladda federaalka kmg ah ee soomaaliya oo la filayo xilliyada soo socda in ay dalka dib ugu soo laabato. Qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in aysan filaynin in muqdisho ay sidan tahay sidaasi daraadeedna ay aad ugu faraxsanyihiin xaaladda ammaan ee magaalada oo ay sheegeen in ay aad uga duwantahay muuqaalkii horay maskaxdooda ugu jiray ammaankeeduna uu yahay mid la isku hallayn karo Liibaan Cabd Cali -
Wafdigii Dowladda KMG ah oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
General Duke replied to Saxardiid's topic in Politics
Mogadishu welcomes first government delegation -
Check out BBC 4 9pm London time - Holiday in hotspots- SOMALILAND
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
It was awful bro. The show was just one man giving us his take on Somalia. At first he landed on I think Dayniile or some strip and claimed it was Mogadishu international airport. Then he did the usual walking around scared of all the gunmen, then he obtained a Somali passport. The one good point was the camera showed a busy live city in Mogadishu, and he went to Ceel-Macane port, or at least thats what it looked and it looked good as well. Then he flew on to Berbera and the journey took on a different turn. He highlighted and so did his interpreters and those he interviewd the war, and the mass graves. Horror story after another was told. Then he went to Edna Hospital with Edna to see a birth of a child. Then Edna told him some more horror stories about the south and how she lost a house, hospital and a farm in Xamar to three different warlords. He met Riiaale and his cabinet, Riyaale spoke well about sacrafices being made by the people. Nothing new in this programm, just one man having fun acting very important. -
'La jifiyana banan' If only I got what u meant by that..
-
Hey people why talk about Abdiqasin now. He tried , it didnt work out and he walked away. At least for that he should be given credit.
-
Check out BBC 4 9pm London time - Holiday in hotspots- SOMALILAND
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ameeena it was on tonight, but I think they will repeat it. I just found out before I posted. It should be repeated throught the week thats what BBC 4 usually does. It featured 30 minutes about Somalia and Somaliland then Moldova and then China-Taiwan. -
The farce of defending a war criminal Cali samater
General Duke replied to Qudhac's topic in Politics
Bottom line: Abdiqasin Salad Hasan one of Juma's all time heroes was part and parcel of that government for 21 years a minister and at the time deputy Prime minister. Dahir Riyaale Kahin was part of the security apparatus NSS that actually carried out some of the dirty work. There are countless others in Somaliland's government who were members of Siyad's regime. Why chose Ali Samatar above all others? Is he seen to be an easy target, why is this? -
Waayeel, what on earth are you doing? Why post the owners private details? Grow the hell up man. As for the topic I agree no need to delete it. This is an open forum, but just dont break the rules. Also you[Wayeel] of all people should not accuse others of clan bias
-
Khayr, a very good post. I think if there are true elections it would be posative for Iraq. However this is all to legitimise the occupation. Whoever wins, some say Eyad Allawi is goint to be returned much like Hamid Karzai of Afhanistan, will ask for the occupation forces to stay. This whole Sunni, Shiite and Kurd civil war talk is all from the west. Iraq has never had a civil war. Also if you look at any map you wont see a Sunni traingle.
-
AU meeting in Abuja starts: Somali President present
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Suldanka "orphans of Queen Elizabeth" Give me a break dude, all you need to do is ask your FM miss Edna whats her name. Hell yeah its a wonderful statement, giving an insight into the myth based ideology of our brothers up in the North West -
16 year old shot by Police in Hargaysa + Who runs SOMALILAND?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dusty dear.. What are you tryig to proof by bringing this story to SoL? Nothing sis, just a sad story that should be in this section. The other story is from a die hard Somalilander opinion on who runs the phantom state. Care to explain why such a story should not be on this forum? Is there such a thing a freedom of the press in Puntland? I would say its the same as Somaliland and Xamar, for example website. Horseednet, Sbconline and Kaha-Bari newspaper and other have always been critical of the former administration while Allpuntland and others were staunch supporters. And if so how come we have never ever seen "negative" reports from that end? Are we to believe, everything is honky dory? PLEASE! Who said everything was ok in Puntland? Sister we have come along way. A little while ago you didnt even know Puntland and look at you now. Juma, how you forget posting silly Dayniile.com opinions regarding those who you dont seem to like. :rolleyes: Suldanka, brother get a grip of yourself, you keep going around in circles. You are one sick dude making jokes out of Poor Zam-Zam after all what your clan-land authority has done to the girl :mad: Wiil-Duco, it does seem like these folks dont like the truth -
16 year old shot by Police in Hargaysa + Who runs SOMALILAND?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lol, Suldanka did I make up the story?. Its funny how no one attacked me when I posted the story regarding the murder of the Somali officer in Mogadishu, why was this? What about Toolstoys ? attacking "Southerners" is ok right, yet we cant handle the truth from Hargaysa? Grow people folks this an open forum. And both stories are relevent. PS. Thanks for the explanation Suldanka. -
Wonderful, thanks Bari.. Wow the Mosque is that old? This is also a wonderful pic- Barava here I come
-
16 year old shot by Police in Hargaysa + Who runs SOMALILAND?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
You can always not read it mate. As for the news its from SOMALILAND website... -
16 year old shot by Police in Hargaysa + Who runs SOMALILAND?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Eng Maxamed Xaashi:-Saddexda Nin Ee Aan Taariikhdda Ku lahayn Somaliland iyo laba Baaniyaal ah Inta ay ku Xeeran Yihiin Madaxweyne Reyaale Meel Gaadhi Mayno, Mana Aha In Dalku Inagu Dul BurBuro Ee waa In aynu Samayno Sidii Reer Ukraine. Hogaamiyaha Mucaarid-ka Madaxbanaan Ee Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Soo Dhaweeyay xeerka Doorashada Baarlamaanka ee Golaha Wakiiladu Ansixiyeen Shir-jaraaid oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Ayuu ku Dhaliilay Xukumadda Madaxweyne Reyaale Kuna Taageeray Xeer-ka ay Nasxiyeen Golaha wakiiladda Somaliland waxaanu hadaladdisa Ka Mid ahaa Sidan:_ “Waa, Ayo dadka kala taliya dalkan [somaliland], saddexda nin ee u waaweyn waxa weeye, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaybe, Wasiirka Maaliyadda Cawil iyo Wasiirka Daakhiliga Ismaaciil yare, midna Somaliland daacad uma aha, midna Taariikh Somaliland ah oo fiican malaha, qaar weliba waxa u dheer, waa kuwii sirtii Soomaaliya ka iibiyay Itoobiya 1977. dadkaas baa maanta ku xeeran Madaxweynaha, kolka aad taariikhdooda iyo waxay yihiin raacdo, kolka lagu daro Labada Baaniyaal oo iyana waxa Allaale wixii dawladdu tidhaahdo nacam yidhaahda, waa guddoomiyaha koowaad ee Golaha Wakilada Cabdiqaadir Jirde iyo yarkan Information-ka wasiirka Warfaafinta waa laba Baaniyaal oo had iyo jeer u jajaban dawladda. Kolka aad isu gayso shantaa qof, taladii ummadda dad lagu halayn karo ma aha, sida runta ah waa in dadweynuhu Sameeyaan Sidii Ukraine Si Talaabo looga qaado Kuwa ka Seexday Qaranka Sidaa darteed, dalkan haddii la doonayo in la xoreeyo guddiga arrimaha gudaha ee Wakiilada yaan daalac loo raacin, Guurtiduna yaanay waxba ka beddelin waxa [Xeerka doorashada ee ay soo sareen] sidii loogu ciqaabi lahaa nimankaa wixii ay gaysteen waa in lagalaa sidaa awgeed, waxa aan tallo ku soo jeedinayaa qodobada kala ah sidan: In Diiwaangelinta dadka laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. In Maamulka Dawliga ah deg deg loogu fidiyo gobolada Bariga Somaliland. In la sameeyo guddi qaran oo Axsaabta mucaaradka ahi ka mid yihiin oo maamul fidinta iyo hawlaha kala bilowda, ‘waayo’ ayuu yidhi, “Laguma halayn karo dalka ina Rayaale Madaxweyne Rayaale iyo kudladiisan aan weligeedba Somaliland daacadda u noqon.†Mar uu ka hadlayay dhinaca Dawladda Jabuuti, Inj.Maxamed Xaashi waxa uu yidhi, “Marka la leeyahay Ina Cumar Geelle[Madaaxweynahah Jabuuti] ayaa inoo dhisaya dariiqa Lawyacado ilaa Saylac, horta xillima ayaynu heshiinay ina Cumar Geelle, geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii aanay Somaliland u taagnaateen.†Isaga oo u duur xulaya Wasiirka Arrimaha Gudha, Ismaacil Aadan Cismaan waxa uu yidhi, “Waasiirka leh ina Cumar Geelle ayaa yidhi ‘haddii aad caddaabta ku dhacaysaan waanu idinkula dhacaynaa, horta innagu[somaliland] caddaabta ku dhici mayno, ilaahayna innaguma rido, laakiin isagu haddii uu ku dhacayo isagay jirtaa, hadalkaasina ma yahay hadalkii uu odhan lahaa Wasiirka, Bisayl yari baa ka muuqata Wasiirka Daakhiliga in aanu nin bisil hayn oo xilka intaa le’eg loo dhiibi karin, waayo, wixii ay Madaxweyne is yidhaahdeen shirjaraa’id kama sheeg sheegeen.†Kolka arrinta qaran ee intaa le’eg xilkeedii laga soo bixi waayay, ciddii ka soo bixi weyday in dembiga la saaro ayay ahayd oo dembi lagu qaado. Wasiiradii ku shaqada lahaa in hawsha lagaga Eryo ayay ahayd, intii oo dhan baa laga booday, xataa Komishanka doorashooyinku markii uu soo qaaday eeddii cidna ma saarin inay intaasi dhammaan weyday buu sheegay Komishankulaakiin ma uu odhan hebel iyo hebel baa xilkoodii ka soo bixi waayay, asalkaba wixii xukuumaddu ka soo bixi weydo afkaba laguma dhufto, waa laga war-wareegaa oo waxaad moodaa in asturaad iyo wuxuun la galo. Guddigii Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu xeerka ay soo saareen waa sharciga ugu wanaagsan ee dalka taabanaya, waa sharciga odhanaya waa in dalka la xoreeyaa, waa in diiwaangelintii la sameeyaa, sasbaa laga qaaday iyagii [Guddigii] baa daalac loo raacay. Adduunyada waxa aad moodaa ninka toosan had iyo jeer in la eryanayo, ma waxay odhan lahaayeen dalku yuu xoroobin, diiwaangelin yaan la samaynin, haddii Sool iyo Sanaag Bari meelaha qaarkood doorashadu ka dhici weydo yaa dadka metelaya dabadeed markaa waxa weeye, Saskaa laga qaaday ma aha mid meeshiisa haysta. Distoorku wuxuu odhanayaa, ‘Dhulka qaranku waa muqadas waana laguma xad gudbaan, sida uu dhigayo qodobkiisua 2aad, faqraddiisa 3aad. Qodobka 34aad faqraddiisa 1aad waxa uu odhanayaa muwaadin kastaa waxa waajib ku aha adkaynta nidaamka ummadda, ilaalinta jiritaanka qaranka iyo difaaca dalka iyo Diintiisa si waafaqsan xeerka. Qodobka 38aad, faqraddiisa 4aad(B) guddiga Nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida, maamulka, dhulkeeda, Badda iyo hawadaba. Intaas oo qodob oo Distoori ah ayaa la jebiyay sida runta ah, markaa ma waxa loo daynayaa dalku inuu iska ahaado sidaas intay Soomaaliya wax ka imanayaan. Nin Wasiir ah ayaa igu yidhi, Haddii aynu nidhaahno aynu Maamulka Somaliland fidino waxa loo qaadanayaa in aynu shirkii Imbigaati carqaladaynayno, waxayse ahayd in aynu carqaladayno, haddii aan u soo noqdo arrinta Gobalada Sool iyo Sanaag Bari, cid goboladaas 12-kii sannadood ee maamulku dhismay oo hagaagsani ma jirin, waxa loo magacaabaa Ciidamo Qaran oo aan Milatariga Somaliland hoos iman oo aan Bilayskii iyo Wasaaradda Daakhiliga shaqo ku lahayn, mushahar uun baa la diri jiray, dabadeedna hebel baa la siiyaa, hebelkaas ayaa sannadka dambe la yidhaahdaa Puntland buu u wareegay, haddana wuu soo wareegay baa la yidhaahdaa oo maxaad kal hore u wareegtay lama yidhaahdo, sidaas uun bay isu daba socotay oo Hebelka sii socda marna soo socdaa mushaharka iyo lacagta la sii sido ayay xaaladu ahayd. Wixii oo dhan waxa isku soo wada fuuqsaday socodkii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay Laascaanood [2002] ee uu ka soo qaaday ciidamdii iyo maamulkii Somaliland ee markaa joogay oo Calanka Somaliland oo meelo meelo sudhnaa sida runta ah, intiiba wuu soo gelalafay Waa kii Caynabo iskugu keenay, taasi waxay soo gebogebaysay in Gobolka Sool wax raad ah oo Somaliland ku leedahay aanu jirin oo nasiib darro wayn oo dhacday ayay ahayd. Dabadeedna waxay Weerarkii ay soo qaadeen sannadkii hore Ciidamada Puntland ee Laascaanood ay ku yimaadeen ciidankii Ina Afguduud. Waa tii Dawladda Somaliland ciidanka dirtay, Barnaamij baa dawladdu samaysay, waxay yidhaahdeen Ciidamo aan xaggaa Laascaanood u dirno, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xayn Wasiirada Somaliland ah ayay ahayd inay markaa tagaan oo Burco degaan, ka dibna halkaa laga fidiyo maamulka, ma ay dhicin ilaa maantana way soo socotaa. Arrinta intaa le’eg ee Sool iyo Sanaag Bari, weli Goleyaashu si hagaagsan uma ay doodin. Golaha Xukuumadda ayaan lagaga doodin, waa nasiib darrooyinka waaweyn ee yaala. Mar baanu soo qaadnay[Xilligii uu Wasiirka ahaa] annaga oo dhawr iyo toban Wasiir ah laba Wasiir baa naga duwanaaday, Madaxweynuhu waxa uu yidhi aniga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaa soo dhammaynayna, dabadeedna idinku soo war-celinayna, weli way soo socotaa. Xisbiyada mucaaradka ahi waxay yidhaahdeen, arrinta Sool iyo Sanaag Bari heer qaran halaga dhigo oo talada hala idinla lahaado oo heer qaran aan arrinta ku dhammayno, iyana waxba lagama dhagaysan, markaa waxay noqotay meel aan cidna wax ugu maqnayn, Sool iyo Sanaag Bari, kolkaa xaaladdii waxay ku dambaysay inay sidii iskaga jiitanto. -
Wonder were all this inspiration is coming from. Somali life is the inspiration.. Thanks again people for all the kind comments.
-
Ka Maqnaashaha Dalka Ee Madaxweyne Reyaale+Baaqa Ina Xaashi ee ah Sameeya Sidii Ukraine +Dilka Ilamaha Yar ee 16 jirka Ah ee Kaga Cadhaysiisyay Dadweynaha Ma Sababi Kartaa in Sidii Ukraine Xukumaddu Qiiro Qiiro Gasho ? Hadlaka Ka Soo Yeedhay Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Ah Mid Ku Soo Beegmay Xilli la Dilay Wiil yar oo 16 jir ah oo Maamulka Dawladda Hoose ku Tilmaameen Mid ay ku Dhacday Xabadda Marin Habowsan Halka Qaarna Sheegayaan In Si Caadiya Loo Toogtay, Wiilka Yar ee la Toogtay oo ay isku Raas Yihiin kuwii hore Ee Boolisku Ku Toogteen Afka Hore Ee Xeradda Birjeex Ayaa Keentay Cadho Dadweyne oo Magaaladda Hargeysa Si weyn looga Falan qoonayo Oday aad u cadhaysan oo Aan la Kulmay Saaka Ayaa ii Sheegay In uu ka Cadhaysan Yahay Dilalka ay Boolisku Gaysanayaan Sanadkii hore Aakhirkiisii wiil Yar ayaa lagu Dhaawacay oo lugi ku Go'day Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa oo Boolisku Dhaawaceen Bishan Horanteeddii ayey Boolisku Dileen laba Nin Imika Ayey Dileen Kan Yar waar Sidan ku Jiri maynee Ina Reyaale Wax ha ka Qabo Ama Kursigiisa Ayuu Seegi Doonaa, Hadladdaasi iyo kuwa Kale ayaa Ka Soo Burqanaya Dadweynaha Caasiamdda Hargeysa oo Cadho Xoogle Laga Muujiyay Talaabooyinka Ay Baryahani Boolisku qaadayaan, Shalay Shir Jaraa"id oo uu qabtay Maxamed Haashi ayuu ku weraray Xukumadda Madaxweyne Reyaale oo uu Sheegay In Sidii Ukraine Lagu Mudaharaaddo Si Talaabo Looga qaado Xukumadda" Booliska Oo Toogtay Wiil 16 jir ah Nin Maxbuusana Rasaas Ku Dhaawacay" i hour Ago 31 Jan 2005 Booliska Caasimadda Hargeysa Ee la Shaqeeya Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ayaa Shalay Toogasho ku Dilay Wiil Yar oo Ciyaal School ah Oo Xilligaa Ka Soo Rawaxay School-kiisa Magaaladda Hargeysa Ka Dib Markii Booliska Ay iska Horyimaadeen Dad Shiitamaya warku intaasi waxa uu ku darayaa In Booliska Oo Xilligaasi Amar ku Qabay In ay Baneeyaan Meel Wado ah oo xidhantay oo ku Taal Xaafadda Daloodho Ee Waaxda 26 june ee Magaaladda Hargeysa Ay ka Horyimaadeen Dad Cadhaysan Afhayeen u Hadlay Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ayaa ku Tilmaamay Dhimashadda Wiil ka Yar ee 16 jirka Ah Mi ay Haleeshay Xabadd Marin Habowsani Hase ahaatee Dadweyne Joogay Goobtaasi oo aan la Kulmay Ayaa ii Sheegay In Wiilka Yari uu ahaa Mid Shiitamyay oo ay lahaayen Dhul Seesan oo Ku yaalay Aagsi Daloodho oo Markaasi Boolisku Cagaf Galinayeen waxaana ay Dadkaasi Sheegen in Rasaastii Boolisku Dadkaasi Shiidayey iskak waabinayeen ay Dhafoorka ka qabsatay Wiil-ka Yar Dadweynaha Caasimadda Hargeysa Ayaa ka bixiyay Cadhow weyn oo ku saabsan Dilkan La Dilay wiilka Yar Dhinaca Kale Booliska Ayaa Rasaas Ku furay Nin la keenay Maxakamadda Oo Isku dayey In Uu baxsado Taas Oo Boolisku Kaga Jawaabeen Rasaas Ay ku Dhaawaceen ninkaasi Maxbuuska Ahaa oo la Sheegay in aan loo haysan Danbi wayn laakiin uu ahaa Nin meelahaasi laga Soo qabtay Sida uu Sheegay Nin Boolis ah oo la waydiiyay Dnabiga Intaas Leeg ee Rasaasta Loogu furay In ay ahaydd nin dil geystay" Ninkan ayaa La lagu Hor Tuuray Hospitaal-ka Guud ee Hargeysa Isagoo Dhiig badani Ka Daadanayaan
-
An envoy from the World Bank visiting PUNTLAND
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Couldn't resist capitalizing all of PUNTLAND'S letters huh , I wonder why you left Somaliland out of There was nothing sis. I just translated the title into English. -
Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamadii Qaranka Soomaaliya Ayaa Galabta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Posted to the Web Jan 31, 16:34 Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabnida maanta ah lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed xaafada Yaaqshiid, meel u dhow jidka Fagax ee magaalada Muqdisho. Sarkaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay toogasho ku dileen Laba nin oo ku hubeysnaa bastoolado, isla markaasna ay baxsadeen. Lama yaqaan ujeeddada ka danbeysa dilalka loo geysanayo Saraakiisha sare ee ciidamadii Soomaaliyeed ee weli Muqdisho baaqiga ku ah, iyadoo sarkaalka maanta la dilay oo lagu magacaabo Xirsi Dhoore uu yahay kii Sideedaad ee caynkan oo kale lagu khaarijiyo. Waxaa jira warar sheegaya in dilalka Saraakiisha Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan kooxo ka dhan ah hanaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo codsatay in ay ciidamo shisheeye wadanka Soomaaliya la keeno. Isha warka: Radio Midnimo Xuquuqda daabacaadda: Puntlandpost.com