General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Gen. Morgan Iyo Maslax Maxmed Siyaad Barre Oo Lagu Wado In Ay Dhawaan Ka Soo Degaan Kismaanyo. Kismaanyo(Radiossc.com)Tue25/01/05:-Wararka naga soo gaadhay Magaalooyinka Nairobi Iyo Kismaanyo ayaa waxa ya tibaaxayaan in wadahadalkii dhexdhexaadinta ee Gen. Morgan iyo Barre Hiiraale ay marayaan meel aad u wanaagsan. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhawaan ay ka degidoonaan Magaalada Kismaanyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan Gen Morgan iyo Maslax Maxmed Siyaad Barre, waxaana ay ku biiri doonaan odayaal ku sugan magaalada Kismaanyo oo haatan iyagu wadahadalka dhexdhexaadinta ku hawlan. Col.Barre Hiiraale ayaa isaguna xaqiijiyey maanta in ay jiraan wadahadalka dhexdhexaadinta loo kala dabqaadayo isaga iyo Gen. Morgan,wuxuuna intaasi ku daray in uu jiro heshiis dhawaan lagu dhawaaqi doono laguna soo afjari doono xiisadii kismaanyo ka aloosnayd Lixdii sanno ee ugu danbaysay. Gen Morgan ayaa isaguna sheegay in ay talaabadani noqon doonto mid dib u heshiisiinta Soomaaliya u noqon doonta mid ku dayasho mudan, waxa kale oo uu sheegay in maanta loo gudbay qarannimo Soomaaliyeed sidii loo dhisilahaa. Dhinaca kale Isbaahaysiga Doxada Jubba ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kala qaybsan yihiin wada xaajoodkan ay haatan wadaan odayaasha labada dhinac ee Morgan iyo Barre Hiiraale ka kala socda, wararka Kismaanyo ka imanayaa waxa ay sheegayaan in durtaba ay malayshiyadii ka soo jeeday dhinaca Muqdisho ay muujinayaan in aanay raali ka ahayn wadahadalkan, iyaga oo malayshidooda kala baxay magaalada Kismaanyo. Radiossc.com Kismaanyo Somalia.
  2. His appointment is political thats all, his sub-clan have to be brought nto the government, so they gave him this position. I hear he is as qualified as our PM who himslef is only a lecturer of vetnery science and a former spy for Siyad Barre, but hey those are only rumours.
  3. They're doing the same fancy crap the Arta mechanics used to do. Arta had one weakness no presence on the ground. This government already has Puntland as a whole under Cade Muse. We hear some posative developments in the Juba areas, with peace talks between SPM and JVA. So I dont get this comparison with Arta. Arta ran too Mogadishu without a plan. This government is setting up [or so they say] the mechanism to go back to the country. However the international community are the ones with the money, so a diplomatic presence muts be there. meeting with donor nations and organisations are vital, without success in this sphere it would be difficult to control the country.
  4. I guess some get mad when you call them old. Nationalist compared to those who were on the attack is a young dude. Anyhow we placed our request to the admin and we hope for leniancy on this matter. Nationalist was wrong, he over stepped the mark.
  5. The banning of my boy nationalist... While I respect the admin I must disagree with this move. It seems that many others here have violated the rules without even being warned. Nationalist was hot headed but he contributed to this website. He was a champion and in my humble opinion should be given another chance. I will vouch for him. These old folks here shold not be allowed to get away with insulting him... Peace, Love and Unity you thought it was that easy huh lol PS: My boy will return sooner or later....
  6. Horn, would they be invited if they didnt represent anyone. As for the realities on the ground you know so why ask?? I am started to gEt disapointed at you bro, you expected everything to be rosy this early? Qudac- has anyone from your fake republic been invited yet, the answer let me think, NO, NO
  7. This is not fair. The boy only reacted to their taunts. He was a kid up against old dudes old enough to be his father hurling clanist remarks and insluts against him and his uncle and this got to him.
  8. Nairobi: Gen. Morgan oo Markii U Horaysay Saxaafada uga Waramay WaanWaanta laga Dhexwado Isaga iyo Col. Bare Hiiraale - Monday, January 24, 2005 at 15:25 Nairobi (AllPuntland)- Gen: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis la sheegay in laga dhex wado asaga iyo wasiirka dib u dhiska dib u dajinta Bare Aadan Shire (Hiiraale). Gen: Moorgan oo haatan kusugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in wax garad ka kala tirsan labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan asaga iyo Bare Hiiraale ay ku gudo jiraan inay heshiis na dhex dhigaan. Gen: Moorgan oo waraysi siiyay Radio Galkayo ayaa sheegay in la gaaray xilligii dib u heshiisiinta , loona baahanyahay in dagaalada ka dhacaya gobollada Soomaaliya xal loo helo. Mar wax laga waydiiyay waxa kajira in ismaamul goboleed laga hirgalinayo gobollada Jubbooyinka iyo inkale ayuu sheegay in taasi ay tahay fursad bannaan oo dhici karta haddii ay miro dhalaan wada hadaladan socda. Moorgan oo wax laga waydiiyay qodobada heshiiskoodu ku salaysan yahay ayaa sheegay in midda ugu muhiimsan ay tahay sidii loowada dagganaan lahaa gobolka Jubada Hoose oo waqtiyadii ugu danbeeyay dagaallo ay ka jireen. Moorgan oo wax laga waydiiyay sababta keentay in heshiis laga dhex abuuro asaga iyo Barre Hiiraale xilligan ayuu sheegay in ay Soomaaliya ka baxday dawlad la’aantii ay mudada ku jirtay haatanna la xurmaynayo dawladdan Soomaalida u dhalatay ee dib u heshiisiinta kusalaysan. Wada hadalada labadan masuul ayaa ah kuwo aad looga soo dhaweeyay dalka Soomaaliya , waxyna u muuqataa in wada hadaladoodu ay soo afjarayaan colaad muddo badan kasoo taagnayd gobolka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo. CCC Farayaamo AllPuntland
  9. Guddoomiyaasha Maxkamadda Sare iyo Bankiga Dhexe oo Maanta la magacabay Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansaxiixay soo jeedin uu soo jeediyay Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ahayd in Jagada Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo loo magacabay Maxamud Maxamed Culusow iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isna loo magacabay Nin Magaciisa lagu soo koobay Yuusuf . Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamed Caydiid markii uu soo bandhigay Cali Maxamed Geeddi Labadaas Nin ayaa Wasiirada waxay si cad u ogolaadeen ragga jagooyinka loo dhiibay. Wasiirada ayaa waxay dhageysteen warbixino ay soo diyaariyeen guddiyada uu dhawaan magacaabay Cali Maxamed Geeddi, iyadoo lagu wada ballamay in berito si weyn looga doodo arrimaha soo bandhigeen guddiyada. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com www.midnimo.com
  10. Wafdi uu hogaaminayo Wasiir arima Dibadadka Soomaaliya Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil ayaa Caawa ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii Jeeda Abuuja Nairobi Wafdi uu hogaaminayo Wasiir arima Dibadadka Soomaaliya Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil ayaa Caawa ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii Jeeda Abuuja Wafdigan waxaa Hogaaminayay Wasirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Federaaliga Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil, waxaana ka Mid ahaa Drs Maryan Cariif Qaasin,Orof Afrax iyo Xubno Kalle, Waxa ay ka qayb gali Doonaan wafdigani shirka Wasiirada arimaha Dibada ee Wadama Afrika, Shirkaas ayaa furmi doonaa maalmaha fooda nagu soo haya waxa u googol xaar uyahay wafdi uu hogaamin doono Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed oo iyagu ka qayb qaadan doona Shirka Wadamada Afrika ee Abuuja ka Furmi Doona, Xukuumada Soomaalida ayaa ilaa iyo Xiligii la doortay ka qab gashay shirar dhoowra oo ka dhacay Goobo kalla gadisan, Doowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu meelmahanba waday qaabkii ay dib ugu noqon lahayd wadanka Soomaaliya, Waxaana Jiray Wafuud badan oo hada ku maqan wadanka Soomaaliya si ay dadka ku sugan gudaha Soomaaliya uga soo dhaadhiciyaan Ajandaha Xukuumada, Waxaa kaloo jira Kulamo badan oo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed la wadaagay qaybaha kale gadisan ee Bulshada Soomaaliyeed, Horay ayuu madaxwaynaha Soomaaliya ula Kulmay Raga Awooda ku leh gudaha Dalka Soomaaliya, Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay doowladu dhawaan u boqooli doonto Dalkeeda Soomaaliya, Waxaa labadii sanoo ina dhaaftay ku sugnaa Dalka Keenya ku dhawaad 1000 kun qofood oo iyagu ka qayb qaadanayay Wada hadalada Soomaalida, 10/10/2004 ayeey soo afjarmeen wada hadaladii Soomaalida ee galbeedka Dalka Keenya shir uga furmay Soomaalida 15/10/2002 axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
  11. Some good news, dont get shocked now lads Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo loo magacabay mar kale Gudoomiya Bangiga dhexe ee Soomaliya . Nairobi Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo maanta u soo bandhigay in loo magacaabay gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaliya Dr Maxamuud Maxamed Culusow golahiisa wasiirada ee dibad jooga ah ayaa cod kalsooni ah siiyey Dr Culusow in uu noqda gudoomiyaha Bangiga dhexe . Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo loo magacabay mar kale Gudoomiya Bangiga dhexe ee Soomaliya asagoo horey u rabay in uu noqda wasiir ayaan helin kadib markii la wayey cid uga tanasusha xildhibaanada taasoo keentay in maanta loo magacaabo gudoomiyaha Bangaga dhexe asagoona dowlada Cartana ka ahaa jagadaan hadda loo magacaabay ee ah gudoomiyaha Bangga dhexe Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
  12. he was not member of this government but he was very active supporter of c/y attempt to bring african troops... and i gues you can decifer what muqdisho residents thought of his stance Ok who told you that the Somaliland NSS Like Nationalist stated, these folks have proven the President argument.
  13. Qudhac, was the late General a member of the government. This is another mad day in Mogadishu, but it does underline the fact that without disarmament nothing will ever be back to normal.
  14. I thank the person who made the report. We need to confront the reality in the motherland no matter what. These kids are our future and should be looked after, however the poverty of the nation as a whole will no doubt hinder this. Good article, important material.
  15. Inaa nilaahi wa inaa Illaahi Rajicuun.
  16. Horn, bro you must be day dreaming. President Yusuf is behind this new feel good factor between the above clans. He has won so many doubters are now joining the ever growing crew. Look is it coincidence he becomes President, there is rumour of agreement between Hiiraale and Morgan and all of a sudden Cabudwaq is looking to join Puntland? It seems that some are now looking to Garowe as the centre of power instead of Mogadishu as was the case with Arta.
  17. lol, our president is not a refugee he has never asked for Assylum. He has a real country with problems to run. The game has just begun.
  18. Wasiir Somaliland Oo Magan Gelyo Siyaasaded (Qaxooti) Weydiistay Dawladda Ingiriiska Somaliland.Org — London, UK — 22 January, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Nin wasiir ah oo ka tirsan dawladda Somaliland ayaa dhowaan magangelyo siyaasadeed ka dalbaday dalka Ingiriiska, sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan. Wasiirkan oo isku dhiibay magac kale, sheegtayna in uu asal ahaan kasoo jeedo beelaha laga tiro badan yahay ee loo yaqaanno 'Baajuunta' ayaa codsigiisii weli horyaalaa xafiiska qaabilsan qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska. Ujeeddada uu wasiirkani ka leeyahay isdhiibista oo la sheegay in Madaxweynuhu ka war hayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay sidii uu u heli lahaa sharci deganaansho oo marka shaqada wasiirnimadu ka dhamaato ku dego dalkan Ingiriiska. Arrintan oo badiba dadka jaaliyadda Somailland ee Ingiriisku markii ay ******* ka xanaaqen, ayaa laga baqayaa in ay fashilanto oo la ogaado in codsiga ama dalbashada qaxootinimo ee Wasiirkasi been ku salaysan tahay, taas oo fadeexad ku noqonaysa dawladda iyo dadka Somaliland ee uu masuulkanni u adeego. Ma aha markii ugu horeysay ee xubno ka tirsan dawladda Madaxweyne Rayaale magan gelyo siyaasaded weydiistaan wadamadda Europe, gaar ahaan dalka Ingiriiska. Arrintan ugu danbaysay ee Wasiirkan is dhiibey oo ahaa Wasiiradii wax ka dejiyey heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay dawladda Ingiriiska ee ku saabsanaa in dadka loo diido aqoonsiga qaxootinimada loo mastaafuriyo Somaliland, ayaa ka cadhaysisay badiba dadka reer Somaliland ee ku nool Ingiriiska. Sida uu dhigayo heshiiska dawladda Somaliland la gashay dawladda Ingiriiska, haddii uu waayo Wasiirkani magangelyadda siyaasaded ee uu dalbaday, waxa isaga oo garbaduub u xidhan loo mastaafurinayaa oo laga dejinayaa garoonka diyaaradaha ee Hargeisa, Igal International Airport.
  19. Garoowe: Wafdi ka socda beelaha Galgaduud oo maanta Garoowe ka soo saarey war-saxaafadeed - Sunday, January 23, 2005 at 10:43 Garoowe (AllPuntland) Wafdi ka socda beelaha ********* ee daga gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa qoraal saxaafadda loogu talo galay oo ay soo saareen Garoowe, waxay ku sheegeen inay doonayaan inay ku soo biiraan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Warsaxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey xafiiska AllPuntland ee Garoowe ayaa waxaa ku saxiixan Suldaan Siciid Cusmaan Faarax iyo xubnaha kale ee wafdiga oo isugu jira duqey, saraakiil iyo aqoon-yahano – kaas oo tiradiisu dhan tahay 14 xubnood. War-saxaafadeedka oo lagu sheegay ujeedada iyo nuxurka wafdigu u joogo Puntland ayaa qodobadiisu waxay u qoran yihiin sidan:- In la dhameeyo wada xaajoogyadii soo jiitamayay ilaa bishii janaayo sanadkii 2000 oo ku saabsanaa in l adhamaystiro kamid noqoshada Puntland beelihii ka maqnaa dhismeheedii bishii August 1998kii, kana qayb-galay shirkii wada tashiga beelaha waqooyi-barri, Soomaaliya oo loogu googol-xaaray dhismaha dowlad-goboleedka Puntland, kana baaqday sababo jirey awgeed In la diyaariyo, lana qeexo wakhtiga laga wada hadli lahaa is-raaca iyo dhamaystirka ku biiritaanka iyo maamul-qaybsiga Puntland, waxay noola muuqataa in la joogo wakhtigii la dhagaysan lahaa dareenka, ruuxa, danta joograda ah ee bulshada iyo himiladooda, lana fulin lahaa. oo laga gudbi lahaa dhagaysiga shaqsiyaad, koox ama kooxo aan ka warhayn baahida dhabta ah ee beeleed ama bulshada, kana faniinay ama ka baydaday, beelohooda/beeshiisa lehna dan ama dano ma dhalays ah oo aan waligood guuleysan karin, maantana la joogo in bulshada laga gudbiyo xanibaadyada iyo qoqobyada ay hordhigeen. In loo guntado midabeynta iyo nabadeynta beeleed, mideynta iyo nabadeynta gobolada iyo degmooyinka wadaaga danta aan kala go’i karin kalana hari karin. Hadaba, markii warsaxaafadeedkaasi soo gaarey xafiiska AllPuntland – kadib ayaa Salduun Siciid Cusmaan Faarax oo hogaaminayay wagdiga waxaan waydiinay, baahida hadda keentay qorshana ay wadaan wuxuuna yiri “Beeshaani (********* ) waxay kamid ahayd beelihii ku midaysanaa gobolka W/barri Soomaliya sanadkii 1995tii. Danta ka dhaxaysa beesha ********* iyo beelaha Puntland dhistay waa mid joogto ah oo aan marna kala go’i karin, waxaana kala harkii (1998kii) keenay khilaaf wakhtigaas taagnaa, haatana waxaa la joogaa, wakhti loo bisilyahay, in la dhameyo ama laga gudbi khilaafkaas…†Suldaan siciid oo ka jawaabayay bal in beesha ********* ee Gedo degtaa ay kamideysan tahay qorshaan iyo in kale ayaa yiri “In badan baan ka wada soconaa, ku biiritaankan, ayadoo gobol walbaba uu leeyahay, dan iyo duruuf u gaar ah…†Ugu dambeyna Suldaan Siciid, wuxuu sheegay in Puntland si wayn loogu soo dhawaayay, walise aysan la kulmin Madaxwaynaha Puntland balse ay leeyihiin ballan dhow. Magacyada wafdiga ee warsaxaafadeedka saxiixay waxay kala yihiin:- Suldaan Siciid Cismaan Faarax Col. Cabdirasiid Cabdullaahi Gooje Col. ***** Maxamed Warsame Col. Xasan Muuse Samatar Co. Maxamed Aadan Cali Col. Axmed Maxamed Raage Dr. Bille Salaad Diini Dr. Jamaal Soobe Cilmi Nabadoon Xasan Cilmi Jaamac Nabadoon Adan Ciise Dhicisow Nabadoon Aadan Cabdinuur Galaal Samadoon Cabdi Aadan Dhagwayn Samadoon Cabdirashiid C/laahi Macalin Samadoon Aadan Xirsi Yuusuf Faahfaahinta wafiga kala xiriir email; gooje64@yahoo.com Faarax Yuusuf Nuur (KK) AllPuntland, Garoowe
  20. I think Morgan and Hiiraale can accomplish alot as allies then as nemesis.
  21. All I Have I never carried a rifle On my shoulder Or pulled a trigger. All I have Is a flute's melody A brush to paint my dreams, A bottle of ink. All I have Is unshakeable faith And an infinite love For my people in pain. Amani beautiful ......
  22. If this news is true then its a coup for the Somali government.. Burbur Laga Cabsi Qabo Inuu Isbaheysigii Dooxada Ku Yimaado... Hobyonet.Muqdisho.Sabti.Janaayo 22,2005. Sida ay sheegayaan warar madax banaan oo ka soo baxaya magaalada Bosaaso Jen. Maxamed Siciid xirsi (Morgan), Ayaa dhawaan tagaya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Safarka Jeneraalka ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo kadib markii uu hirgalay waanwaan heshiis hoose ah oo muddo dhowr bilood u socday isaga iyo Barre Hiiraale oo madax u ah Isbahaysiga Dooxada Jubba dhowr goorna uu dagal ku dhex maray labadooda gacan ku haynta magaalada kismaayo. Heshiiska iminka dhex maray labada Hogaamiye ayaa loo aaneynayaa in si weyn ay u soo dedejisay welwel laga qabo in burbur uu ku dhasho Isbahaysigii horey ugu bahoobay haysashada magaalada Kismaayo oo wakhtigan u muuqda kuwo colaad siyaasadeed ay bartamaha u fariisatay isla markaasna ay suuroobi kato in dagaalo faraha looga gubtay ay dhex maraan kooxaha ugu waaweyn isbahaysiga dooxada Jubba. Gen.Moorgan oo ah Hogaamiye Kooxeedka keliya ee aan lagamarti gelin qaybaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Barre Hiirale oo qudhiisu Mansabka Maamulkaas laga siiyey kaga kalsoon Awoodda gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ayaa u muuqan karta in heshiiska labada nin ay qeyb ka Geysatay.
  23. I hear it is true. They have made peace. Now we will all love each other.. Somali's