
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Badoa first Mogadishu second: The realist will prevail.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Golaha Wasiirada DFKMG oo maanta ka doodey halka xarun u noqon doona Xukuumadda Nairobi-07.February.2005 Shir ay maanta Magalada Nairobi ku yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya ayay ka hadleen halka xarun KMG ah u noqon doonta DFKMG ah ee Soomaliya marka ay Dawladu ku soo laabato Dalka. Shirkii maanta oo uu shirgudoominayey Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa dood aad u kulul xubnaha Golaha Wasiiradu ka yeshaan halka xarun u noqon doonta Dawlada. Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa waxay soo jeediyeen in Xukuumadu si ku meel gaar ah u degto Magaalada Baydhabo inta laga xasilimayo amaanka guud ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxay iyaguna ku adkeysteen in aan lagaba doodin halka Xukuumadu degayso oo ay tahay in Xukuumadu tagto Magaalada Muqdisho oo sida Dastuurka ku qoran ah Caasimada DFKMG ah ee Soomaaliya , isla markaana laga wada qayb qaato hawsha sugida amaan sugida Magaalada Muqdisho. Wariyaha Idaacadda SBC ee Magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in kulankan oo ay ka dhaceen doodo kulul isla markaana si xoogan looga munaashiqoodey amuurta dooda ay ka taagneyd ayaa markii dambe Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu soo jeediyey in la sameeyo Guddi ka socda DFKMG ah oo u ambabaxa Gobolada Dalka si ay u soo eegaan xaaladaha Dalka isla markaana ay go'aan uga gaaraan halka Xukuumadu sal dhigan doonto marka ay ka soo ruqaansato Magaalada Muqdisho. Gudigan ayaa waxaa lagu wadaa in loo diro magaalooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo waliba kuwa kale si ay u soo xaqiijiyaan in Xukuumadu ay tagi karto magaaladaas iyo in kale. Wasiir ku xigeen ka qayb galey kulankii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada oo ka gaabsadey in magaciisa Saxaafada laga sheego ayaa u sheegay Wariye Canab Mumtaaz in doodihii maanta sida weyn looga hadley oo laga doodey ay ka mid ahaa in qaar ka mid ah Wasiirada ay soo jeediyeen in Wasiirada iyo Hogaamiyaasha Beelaha ****** la siiyo waqti ilaa 6o cisho si ay u diyaariyaan inay xasiliyaan Magaalada Muqdisho si Xukuumadu u tagto. Wasiirada qaarkood ayaa soo jeediyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Xarumaha Dawlada ee Muqdisho isla markaana dhamaan Dadka magaaladaasi ay ka qayb qaataan soo dhaweynta Xukuumada. Sidoo kale Wasiir ku xigeenkaasi shirka ka qayb galey wuxuu sheegay in Wasiiradda ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay sheegeen in loo baahan yahay in la siiyo waqti ay kaga fakaraan in Xukuumada ay tagto Magaalada Baydhabo taasi oo ay sheegeen in aysan si buuxda u damaanad qaadi karin Masuuliyada degitaanka Xukuumada ee Baydhabo, balse ay u baahan yihiin in ay la tashadaan Dadka Deegaanka ee ku sugan Gudaha iyo Dibadda. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Jaamac Sifir ayaa sheegay in kulankii maanta go'aan lagu gaarey in 21-ka bishan Febraayo ay Xukuumadu tagto Wadanka gudihiisa. Mr.Sifir wuxuu sheegay in go'aanka ugu dambeeya ay ka sugayaan Gudiga xaqiiqo raadinta ee ay u soo dirayaan Gobolada Dalka. Canab Mumtaaz SBC Nairobi. -
Mogadishu is the eternal capital of the Somali's. Yet the government looks like moving to Badoa for a temporary period untill the situation in Mogadishu is put under control. Some will of course be offended as their ego will take another hit. As for the rest we watch with anticipation as the plan unfolds. Golaha Wasiirada oo Maanta ka dooday in Caasimadda KMG ah laga dhigo Magaalada Baydhabo Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah ayaa waxay Maanta yeeshan shirkoodi caadiga ahaa, waxaana looga hadlayay qaabkii doowlada KMG ah ee Soomaaliya dib ugu noqon lahayd wadanka Soomaaliya iyadoo ay Xubnaha Golaha Wasiirada ay soo gudbinayeen Afkaartooda ku aadan halka xarun u noqon lahayd Doowlada Cusub ee uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed. Dood dheer iyo falanqayn dheer ka dib xubnaha golaha wasiirada waxa ay doodooda u badatay in loo guuro Baydhabo inta laga xasilinayo nabad galyada Caasimada Muqdisho,iyadoo Intaas ka dib la go’aamiyay in la diro guddiyo ayna soo indho indheeyaan gobolada Dalka kadibna warbixinada gudiyadaas marka la dhagaysto go’aan rasmi laga qaato goobta la dagi lahaa oo xarun u noqon lahayd doowlada Federaalka ee Soomaaliya. Wafdiga ka socda Dowladda KMG ah ee dhawaan la soo diri doona ayaa socdaalkooda waxaa uu qaadan doona muddo 5 cisho ah sida lagu sheegay kulankii Maanta Golaha Wasiirada. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
-
Juma, at least I read around brother while you are singing an old tune. As for the President he was not voted to be popular in coffe shops and resturents. Or to take photo ops. He was voted in to bring change and he already has. For an educated man, you do seem to belive in hearsay written by your kinsfolk. Read around I suggest some sources for you Abti. www.sbconline.net www.allpuntland.com www.somaliland.org www.Hiiraan.com www.midnimo.com Qranpress is a faboulous paper. www.somaliweyn and Dayniile are average. Avoid at all cost rubish like. www.waagacusub.net www.hobyonet.com. But hey its hard to avoid the family right
-
Abwan brother here are two articles from today that illustrates my point- one is the deteriorating situation in Kismayu. The other the support of parts of Somalia for the foreign troops. Kismaayo: Iska Horimaad Maanta Ka Dhacay Kismaayo iyo Saraakiishii ciidamada Soomaaliya ee Beledweyne ku Sugan oo tageeray Go'aankii Xukuumada Soomaaliya ee Keenista Ciidamada Shisheeye - Monday, February 07, 2005 at 18:57 Kismaayo: Iska Horimaad Maanta Ka Dhacay Kismaayo Kismaayo (AllPuntland)- Waxaa maanta duhurnimadii iska horimaad uu ku dhexmaray magaalada Kismaayo gudeheeda laba maleeshiyo oo mid ka mid ahi ay wadatay Gaari tikniko ah. Sida ay wararku sheegayaan markii hore ayaa Maleeshiyada wadatay Gaariga tiknikada ah ayaa waxaa lagu furay rasaas, waxaana halkaasi uga dhaawacantay laba ka mid ah maleeshiyadii saarnayd Gaarigaasi. Waxaa jira khilaaf u dhexeeyey Col. Barre Hiiraale iyo Jaamac dheere kaasoo ay maleeshiyooyinkoodu isku hayaan magaalada gudeheeda, Jen. Axmed Warsame ayaa isagana loo xil saaray inuu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u kacsanayd iyadoo weli lagu jiro waan waan lagu doonayo in xal loo helo khilaafka soo kala dhex galay isbahaysiga Dooxada Jubba. Faarax Yuusuf Nuur (KK) AllPuntland -------------------------------------------------------------------------------- BeledWeyne: Saraakiishii ciidamada Soomaaliya ee Beledweyne ku Sugan oo tageeray Go'aankii Xukuumada Soomaaliya ee Keenista Ciidamada Shisheeye BeledWeyne (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya Magaalada Beletweyne ayaa sheegaya in ay maanta Kulan yeesheen Saraakiishii sar sare ee Ciidankii Dalka Soomaaliya kaasoo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya. Kulankaan ayay saraakiishu kaga hadleen sida weyn ee dalku maanta ugu baahan yahay in la keeno ciidamo shisheeye, waxayna si weyn u taageereen go’aankii Golaha Xukuumaddu Soomaaliya ay dhawaan ku gaareen oo ku saabsanaa arrintaasi. Saraakiishan ayaa maanta waxay si weyn u lafa gureen xaaladaha ammaanka dalka iyo maleeshiyooyinka kala qoqobay dalka sidii wax looga qaban lahaa, iyagoo sheegay in maanta dalku u baahan yahay ciidamo shisheeye oo gacan ka geysta Ammaanka Dalka iyo sidii hubka looga uruurin lahaa maleeshiyooyinkaasi. Waxayna ku taliyeen inaan laga hor imaan ama la dhaliilin go’aanka Dawladda FKGS. Ugu dambayntiina waxay ku baaqeen inay taageersan yihiin in dalka la keeno Ciidamo shisheeye oo ku filan ku soo celinta Nabadgelyo waarta. Faarax Yuusuf Nuur (KK) AllPuntland Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com
-
Abwan I read the article brother. Very touching but whats that got to do with us? Take the past week. We have a minister under siege in Kismayu, the government he is part of and his own faction the JVA could not help him We had a welcoming party for the government officials, yet a short distance there was a gun battle between two new factions. We have ongoing conflict in Mudug and Galgaduud in which hundreds if not thousands are affected. The main ports of southern Somalia are closed down from Mogadishu to Kismayu. The people are in bondage. So what should the government do, should it watch take the money in which its members wait to contest a new election maybe in Tanzania or Gabon. Or should it try to change the situation? Lets not be emotional, can we take this forever. For if we dont have a government we will be under Adis Ababa, then what? Abwan again please give me a different solution to the problem.
-
but most analyst say that this so called government will split in two one going to baidabo and one to muqdisho then after that the comedy will probally start We had this when Abdullahi was elected. When Geedi lost the confidence vote. When he announced his second cabinet. When Musa spoke. Come dont your analyst ever get anything right. The government has been welcomed in Mogadishu, its a victory for the people obviously not some people It has a plan and its implementing it. It has not rushed but people are rushing it for their own selfish reasons. As for Dayniile.com, when Qaynyare is happy they are happy when Qaynyare farts they also fart. Can we say it speaks for anyone but the security chief who happens to support the President
-
NGOON I hear that the AU is only offering 7000 soldiers! Surely that number is so small it wont even be adequate enough as a ceremonial guard for president Yusuf! Now we millitary experts huh. Of course you know better than the President of Somalia a millitary man all his life. The African forces are not occupiers but peace keepers. They will be boosted by Somali loyal groups from Hiiraan, Jowhar, Central regions, Bay&Bakool, Juba and Banadir. The foreign forces will bring the expertise thats lacking from the Somali troops.
-
Abwan Who said anything about Ethiopean forces? If we didnt destroy our nation we would not be in the situation that we find ourself's in today. As a Somali I am ashamed that any troops hsould come to our homeland to disarm us. But desperate times call for desperate measures. We need these troops to bring about the restoration of the republic. Can you kindly present a way out in which we could avoid the need for such forces.
-
SHAANDHIGGA IGAD EE CIIDAMADA LOOGU SOO DIRAYO SOOMAALIYA MASUUL KA TIRSAN IGAD Peter Marwa: «Khatar way jirtaa, laakiin dalalka IGAD waxay diyaar u yihiin inay khatartaas ku talagalaan» WARBIXIN DHEER Waxaa qabanqaabo loogu jiraa sidii loo diyaarin lahaa ciidamo ka socda Afrika gaar ahaan dalalka IGAD oo Soomaaliya loo soo daabulayo si ay amniga u soo celiyaan, howlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Afrika isku daydo in dal burburay ay dib nabad iyo dowladnimo ku soo celiso. Howshan ayaa ah mid degdeg ah oo dalalka IGAD ay ku balanqaadeen inay dhabarka u ritaan, waxaana sida ay sheegaayaan Khubarada qabanqaabineysa arrintan dalalka qeybta ka noqonaya ay kala yihiin: Itoobiya, Uganda, Kenya, Jabuuti, & Suudaan, (waxaa dalalk IGAD ka maqan dalka Ereteriya). Dhibaatada howlgalkan ayay diblomaasiyiin ku sugan Nairobi sheegaaan inuusan ahayn oo kaliya tusaale xun ee fashilka ah, horena Q/Mid-oobay ugu jabtay dalkaasi, balse ay sidoo kale qaar ka mida mas’uuliyiinta dowladda aaminsan yihiin inaan loo baahneyn ciidamo shisheeye iyo gaar ahaan kuwa dalalka deriska ah. “Khatar ayaa jirta, laakiin dalalka howlgalka ka qeyb qaadanaya waxay diyaar u yihiin inay halistaas galaan, waxaana dadaalka socdaa uu yahay sida ugu dhaqsiyaha badan in ciidamada loo geeyo dalkasi†ayuu yiri Peter Marwa oo ka mida saraakiisha IGAD ugu qaabilsan dhexdhexaadinta horena u ahaa sarkaal milateri. Ciidamada IGAD ee Soomaaliya ayaa ogolaansho uga baahan Midowga Afrika iyo waliba Q/Midoobay si ay u noqdaan ciidamo awood sharciyeed huwan, waxaana maalgelin looga raadinayaa dalalka deeqda bixiya iyadoo lala kaashadayo Midowga Afrika, Mr. Marwa wuxuu qabanqaabinayaa kulanka Wasiirada Gaashaandhigga IGAD ku ye-elan doonaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo lagu go’aamin doono qorshaha nabad ilaalinta IG-AD ee Sooamaliya, wuxuuna caddeeyay in shirkaasi la iskula meel dhigi doono qod-obo ay ka mid yihiin: = In waqti loo sameeyo howlgalka ciidamada IGAD. = In la cayimo tirada ciidamada la keenayo dalka. = Howlgallada ay tahay inay qabtaan = Iyo Awooda ay yeelan doonaan in cidda ay amarkeeda ku shaqeyn doonaan. Waxaa Soomaaliya shirkaas uga qeyb geli doona Wasiirka Gaashaandhigga, inkastoo aan weli la magacaabin Taliyaha Ciidamada dalka, waxaana laga soo xigtay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed inuusan Muqdisho tegeynin haddii ayan ciidamo ka socda Afrika ugu horeyn halkaasi, isagoo tageersan inay Itoobiya ka mid noqoto dalalka ciidamada soo diraya. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku doodaya in arrintu qabyo tahay oo aanay marnaba dhici karin in dalalka deriska la ah Soomaaliya inay ciidamo soo diraan, basle ay bixin karaan taakuleyn iyo qalab, taasoo muujineysa inuu ka soo degay mucaaradnimadii ciidamada oo iminka uu diidan yahay dalalka deriska ah, waxaa jira wasiiro iyo xildhibaanno kale oo guud ahaanba diidan ciidamo dalka la keeno, wax-ayna arrimtu si buuxda u kala caddaan doontaa marka la hor geeyo Baarlamaanka. Diblomaasiyiin la socota arrinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalineed ee Soomaaliya la geynayo lagu kala qeybsan yahay, diidmada ugu weyni waxay ka imaaneysaa koox-aha islaamiga ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sidoo kale diidan wasiiro ka mida xukuumadda. Dalalka Suudaan iyo Uganda ayaan wax xasaasiyad ah dhalineynin, iyadoo ay Suudaan tahay dal islaam ah oo dowladda ka talisaa ay ciidameeda u badan yihiin muslim, laakiin dalalka Itoobiya, Kenya ayaa si weyn looga qabaa diidmo ka timid taariikh soo jireen ah oo xiisado hore uga dhex dhacay ah Soomaalida. IGAD ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee ay dhex gasho howl nabad ilaalin ah oo dal ka mida ururkaasi laga fulinayo, iyadoo ururku u dhisan yahay ka hortagga Nabaadguurka iyo Degaanka oo haba yaraatee aysan qorshayaashiisu ka mid ahayn arrin milateri, lamase sida arrimahaasi la isu waafajin doono cidda looga rabo inay xalaaleyso fara gelintaas Soomaaliya lagu soo sameynayo. REUTERS ayaa qeyb ku leh Xafiiska somaliweyn ee Mugadishu somoginfo@somaliweyn.org
-
RRA-da SHAATIGADUUD OO KU BAAQDAY IN DALKA LA KEENO CIIDAMO SHISHEEYE Mayow Cabdi Maxamed Geesey oo ku sime u ah Col. Maxamed Nuur (Shaatigaduud) ayaa magaalada Baydhaba ka sheegay maanta inaysan Dowlad ka shaqeyn karin dal Hub ka buuxo loona baahan yahay Ciidamo ajnabi ah oo Soomaalida Hubka ka ururiya. Ku simaha wuxuu kaloo intaas ku daray in si Ciidamadii dalka ay u hantaan loo baahan yahay Ciidamo shisheeye oo gacan ku siiya gudashada waajibaadka ay u xilsaaran yihiin, wuxuuna iska fogeeyay in ay jirto cid Hubkeeda cid kale ku wareejineysa ayna tahay in Ciidamo dhexdhexaadin ah la helo.
-
Why Somalia needs foreign troops. 1- Lack of national security forces. Since the fall of the last Somali government we have been left with clan militias in the south who do not have the capability to bring order eve in their neighbourhoods. Example of these are JVA, SPM, USC/SNA and it many splinter groups. 2- The various warlords and clan leaders are suspicious of each other and would not let one disarm the other. Therefore the responsibility for disarming and bringing security needs to be left to a third party under the control of the Somali cabinet. Example of this is 3- There has to be a visible deterrent to those who would want to confront the Somali government. Backed up with loyal Somali militia this force can easily secure the national institution and economic centres of the country. So-called Islamic courts, Independent militia pose a direct threat 4- The foreign troops could aid in the area of recruitment and training the new Somali security forces. This is vital as the former officers are dead, sick or too old. 5- Looking at the failed track record of Abdiqasin, Mahdi and Aydeed who relied overtly on their clan militias which at the time were amongst the most powerful in the country. Who is against this program? This is an important question and one that needs to be answered. I will take out the secessionist from the equation for they are not important here. From what I have seen the majority of people are just resisting change, they are afraid things might turn out bad. This is natural, others a minority are trying to undermine this effort as they believe what they have achieved in the war years will be undone. This group are the ones who are feeding the masses with lies and wailing from the top of their lungs. Yet the simple fact is that law and order is good for the common masses and that they the people cannot be fooled every time.
-
I disagree with the assumption that foreign troops are not needed. Why havent they[Mogadishu leaders] been able to open the port and airport in the city? Why havent they[previous governments] been able to stop the often daily clan fueds? A well trained well armed impartial force with a clear mandate and uder the control of the Somali cabinet would be able to do wonders. This would send a clear message that the government is serious about changing the situation. For example look at Kismayu, we have a new faction leader openly challanging the previously strong man and minister Hiiraale, their little feud left a number dead and injured. Hobyo-Galinsoor clan battles has seen nearly 200 dead. In other parts of the country all it takes is an argument to create havoc. Why havent the faction leaders and clans brought about peace in the examples above? Even in Mogadishu yesterday there was a clan battle that left a number of dead, without an effective force backed up by a political agenda this nonsence will continue. One fact that some folks like Juma and Horn overlook is. Abdiqasin received an even bigger welcome. His clan was one of the most armed and toughest in the city. He made deals with Ato and Qaynyare and had the blessing of the so-called Islamic courts. However he achieved nothing his government was labeled a failure. I belive he listened to the same voices that cry out now "We can do it ourselfs" I agree with President Yusuf we need outside help for a little while as we get our act together.
-
MPs Return to Somalia, Cabinet Backs Peace Force By Mohamed Ali Bile MOGADISHU (Reuters) - The Somali government took a fresh step toward establishing itself on home soil on Sunday when a second team of officials including a senior minister flew from Kenya to Mogadishu to assess security in the failed state. Five thousand Somalis who had waited six hours cheered when 50 MPs including the speaker of parliament and the national security minister entered a Mogadishu stadium, the second team of MPs to arrive in a week to ready the government's return. "We did not expect such huge numbers of people," a delighted Sharif Hassan Sheikh Adan, speaker of a 275-member assembly formed at peace talks in neighboring Kenya, told the crowd. "This encourages us that Somalis want peace and government. It was not true when people said Somalis refuse to be governed." "The government should come to Mogadishu. They are welcome," read banners waved by ululating women as traditional dancers bowed and leapt. Similar scenes had greeted a team of lawmakers who returned home on Thursday. Many of the MPs are expected to return to Kenya later this week to report on security conditions to Somali President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Mohamed Ali Gedi. Created at peace talks across the border because of security problems at home, their transitional federal government aims to end fighting between militias who have ruled Somalia since warlords ousted military ruler Mohammed Siad Barre in 1991. Diplomats say the re-establishment of the government in Somalia is a key condition for foreign donor funding for its attempts to rebuild an effective national administration. The cabinet on Saturday backed a plan for the deployment of up to 7,500 foreign peacekeepers drawn from members of the African Union and Arab League and will submit its decision to the parliament for final approval, a minister said. "The concept of the Peace Support Mission will be to assist the government in peace-making and protecting assets of the government such as the port, airport and other sensitive sites," information minister Mohamud Ali Jama told Reuters. The mission might also have a training and peace monitoring role. The expanded cabinet sitting, including ministers of state and deputy ministers, voted for the plan by 63-9, he said. The government is Somalia's 14th attempt at creating an effective central administration since 1991 -- to date an effort that has been repeatedly torpedoed by warlords who carved the country of about 10 million into clan-based fiefdoms. The topic of foreign peacekeepers is controversial in Mogadishu. Unidentified gunmen have carried out a string of recent murders of security or education experts, killings widely seen as signs of opposition from a determined minority to Yusuf and his plan to bring in foreign troops. Among Sunday's delegation was National Security Minister Mohamed Qanyare Afrah who told the crowd: "All these thousands of people want international African forces to come to Somalia." Qanyare is one of several powerful Mogadishu faction leaders serving in the cabinet who will be required to disarm their militias as the new government strives to rebuild a national security force with the backing of foreign peacekeepers. Somali intellectual Ahmad Warsame, reflecting widespread suspicion of neighbor Ethiopia, told Reuters: "African forces should come here. They are welcome. But not Ethiopians." Somalis resent what they see as attempts by Ethiopia to dominate the Horn of Africa and install a client regime in Mogadishu. Ethiopia, a historic competitor of its Muslim neighbors, is wary of overt Islamist influence in the region.
-
Thousands Welcome New Somalia Government ALEXANDRA ZAVIS Associated Press MOGADISHU, Somalia - Thousands of flag-waving Somalis lined the streets of this war-scarred city Sunday to welcome representatives of a new government formed in neighboring Kenya in a bid to end 14 years of anarchy in this Horn of Africa nation. Shariif Hassan Sheikh Aden, who heads a 275-member transitional parliament, and a delegation of 60 lawmakers and Cabinet ministers landed at an airstrip run by one of Mogadishu's main warlords. The group will assess conditions for the government's relocation from Nairobi, Kenya, where it operates because many of its members consider Mogadishu too dangerous. About 30 lawmakers arrived last week to prepare for the visit. Prime Minister Ali Mohamed Gedi also is expected to arrive in coming days. But President Abdullahi Yusuf Ahmed, a northerner viewed with suspicion in the former capital, has not said when he will return. Clan elders, faction leaders, businessmen and other civil society representatives gave the delegation a warm welcome with much hugging and backslapping. A police band played the national anthem and aging military officers formed an honor guard. Leaders of the city's Islamic courts, seeking to establish their influence in the absence of a national authority, declined to attend, saying they could only support a government founded on Islamic law. The delegation drove through town in a large convoy past thousands of cheering, clapping Somalis waving flowers, flags and branches with green leaves. The scores of vehicles included pickup trucks full of armed militia fighters. The convoy stopped at a square crowded with more than 10,000 people so the delegation could exchange greetings with them. Ali Abdallah Mohamed, who fled fighting in central Somalia, brought his seven children to watch the convoy go by. "Since my children were born, they have never seen a government," he said, smiling. Somalia has had no central government since 1991, when opposition leaders ousted dictator Mohamed Siad Barre. They then turned on each other, carving the nation of 7 million people and its former capital into a patchwork of heavily armed clan-based fiefdoms. A new government was formed last year after complex negotiations between warlords, clan elders and civil society leaders. But members already are divided over whether international peacekeepers are needed to secure their return to Somalia and which city to base themselves in. The government has no budget, no civil service or even buildings to meet in here. On Saturday, the Cabinet approved a presidential request for African Union troops to help disarm rival militias, rebuild national security forces and protect his government. But the request angered many in Mogadishu, where the deployment of American and United Nations troops in the 1990s sparked some of the worst fighting of the war. Osman Hassan Ali Atto, a warlord-turned-Cabinet minister, was quoted on local radio Saturday as saying Mogadishu residents would never accept a return of foreign troops. Some Islamic militants have threatened to attack any foreign troops that come here. But others fear the major factions will not disarm among themselves. The African Union has agreed to send a force, but officials privately say it will be limited in size and scope. Uganda has promised 2,000 troops. Ethiopia, Djibouti, Kenya and Sudan also have pledged to support the peace mission.
-
Qudac, its about the future of Somalia the people welcomed their leaders to our capital today. Like people said all along the people want a government and the old clan lies dont hold much water anymore. Also stop personalisng things you sound like some sore loser, why is that? A government headed by Abdullahi Yusuf has been recieved like this? What happened to all the false predictions, that there will be war? First time ever Somali government officials have been able to visit, the Port, Villa Somalia and bring to government all the most powerful faction leaders and clan heads. Like always some folks move the goal post a little further. Truth is people need a government with teeth, this is what is being created. A government that can bite back and bring tha nations confidence back. I have been celebrating all day because now there is a real window of opportunity one that must be taken.
-
Xuseen Max’ed Caydiid oo ah wasiirka Arrimaha gudaha dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegay in kulankii shalay lagu go’aansaday in ciidamo la geeyo Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inaysan ciidamadaasi ku jireynin wadamada Soomaaliya deriska la ah isagoo Xuseen Caydiid sheegay in wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya aysan Soomaaliya ciidamo u direyn balse looga baahan yahay inay taageero qalab ah ka geystaan sugidda amniga Soomaaliya, iyadoo kulankii shalay ee wasiirada ay hareysay doodda ah in ciidamo ka socda wadamada Soomaaliya deriska la ah gaar ahaan Itoobiya la geeyo Soomaaliya. (QPRESS)
-
An estimated 50,000 souls waited hours to welcome the Federal government officials. I was never surprised for there is a big support for change amongest the people.
-
Faysal Ali Warrabe a political heavy weight in Somaliland made the comments regarding Zamzam. FAYSAL CALI WARAABE OO EEDEYN U JEEDIYEY Q/MIDOOBAY “Zam-Zam ilaa uu jirkeeda ku goo go’ Xabsiga kama sii daayeen…†HARGEYSA, Sabti 05/02/05 Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Q/Midoobay ku eedeeyey qorshaha ama maabka ay dhawaantaan ku soo bandhigeen magaalada Nayroobi kaasoo ku saabsanaa barnaamijka waxbarashada ee 18-ka Gobol ee Soomaaliya. “Q/Midoobay waxay haysataa Maabkii Max’ed Siyaad Barre, anaguse ka mid ma ahin Soomaaliya waxaanu nahay dal xor ah†ayuu yri Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey sii deynta Zam Zam Axmed Ducaale oo muddo badan ku xirneyd xabsiga Hargeysa ayaa yiri “Zam Zam ilaa jirkeedu ka goo go’o Xabsiga kama sii deyn lahayn, waayo waa qof dambiile ah isla markaana ay soo adeegsadeen Puntlandâ€, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo sheegay in haddii taladiisa la qaadanayo la sii daayeen. (QPRESS) .........................................................
-
More pics from todays visit to the Somali capital Mogadishu
-
Muqdisho: Wafdigii DKFS oo Muqdisho Gaaray - Sunday, February 06, 2005 at 15:10 Muqdsiho (AllPuntland)- Wafigan oo isugu jirray Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa Duhurnimadii maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Dayniile ee ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo si xamaasadi ku dheehantahay ay kusoodhaweeyeen qeybaha kala gedisan ee bulshada Ku nool Magalaada Muqdisho. Dadweynihii ka qeyb galayay soo dhaweynta oo iyagu tubnaa wadada dheer ee u dhaxeysa garoonka Dayniile ilaa Km.4 ayaa wafdiga oo uu horkacayay gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxey ku hakadeen Fagaaraha Terabuunka iyadoo halkaasi uu kala hadlay dadka, wuxuuna sheegay in uu dareenkiisa wax weyn iska badaleen markii uu arkay sida xamaasada leh ee loo soo dhaweeyay. Waxeyna markaasi ka dib u sii gudbeen dhanka Hoteelka Saxafi oo ay horay u daganaayeen xubnihii uu hogaaminayay gudoomiye xigeenka 2aad ee golaha Baarlamanka. Wafdigan ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiintii iyaga kasoo horeysay, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/laahiu Xasan Ganey "Firimbi" Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim, Shaahweeye iyo qaar ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah. Xubnaha Wafdigan oo ay ka midyihiin Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax Wasiirka Cadaalada Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele iyo Xildhibaanada kale ee Baarlamanka ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan magaalada Neyroobi Maalinta Arbacada ah Ee Fooda onagu soo heyso. Abshir Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Great news..Great pictures the momentum is there.
-
Golaha wasiirada DFKM oo isku raacay in la keena ciidama shisheye:
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga ... DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million si ay ugu guurto Soomaaliya.. Canab Mumtaz | SomaliTalk.com, Nairobi Email: canabmumtaz@hotmail.com -------------------------------------------------------------------------------- Kulankii wasiirada ee maanta oo wax badan ka badalnaa kulamadoodi hore waxaa looga hadlayay warmurtiyeedkii ka soo baxay wadamada IGAD ku bahoobay ee ku aadanaa ciidanka ay bixinayaan ee dowladda ka caawinaya dhinaca amniga inta ay ka helayso ciidamo tababaran oo ka shaqeeya nabad galyada. Shirkan qaybtiisa hore waxaa Golaha wasiirada kala qayb galay Madaxweynaha oo usoo bandhigayay waxyaabihii uu kala soo kulmay shirkii abuuja ka dhacay oo soomaaliya loogu soo balan qaaday taageero iyo ciidamo ka socda IGAD loona soo xilsaaray in ay xoogga saaraan wadamada safka hore ee IGAD. Intaas ka dib waxaa la dhagaystay ra'yiyada kala duwan ee ay golaha ka qabaan ciidamadaas,meelaha ay ka howl galayaan iyo wadamada laga qaadanayo sidoo kale in baahida loo qabi karo xiligan mid wax tar leh tahay ama aan qiima ku fadhin keenistooda. Doodan oo saacado qaadatay waxaa loo batay in laga keeno ciidamada dhamaan wadamada ku jira IGAD, iyadoo aan la fiirinayn siyaasada ku kala dhex jirta wadamada safka marka xaaladda soomaaliya laga hadlayo,ee dowladda cusubna ay fiiriso waxa horyaala ee ka jira dalka soomaaliya iyo baahida shacabku u qabo nabadda oo aanay ku imaan karin kaliya sida hadalka loo dhigay siyasiyiinta soomaaliyeed ee soo dagaalamay sanadihii la soo dhaafay oo aan kalsooni badani ka dhex jirin. Ra'iisul wasaare Geddi ayaa soo jeediyay in cod loo qaado ciidamadaas in ay ka howlgalaan dalka ama in ay aan la ogolaanin gabi ahaan, golaha wasiirada oo gaarayay 73 waxaa isku raacday in la keeno ciidamo soomaaliya 63 wasiir, halka sagaal ka mid ahna ay diideen in ciidamo ka socda IGAD ama meel kale gabi ahaanba aan la keenin,waxaana ka aamusay hal wasiir. Kulankan Golaha wasiirada oo ahaa kii ugu adkaa uguna dheeraa waxaa la isku raacay in la keeno ciidamo ka socda Wadamada IGAD oo ay ku jiraan Kuwa safka hore Jabuuti, Kenya Iyo Ethiopia waxaana lagu jiraa ka warsugidda ciidankaas goorta la gaynayo soomaaliya iyo tirada ay keenaan IGAD oo uu qaabilsan yahay Madaxweynaha dalka Ugandha. Dhinaca kale waxaa dowlada loogu deeqay lacag dhan 6 malyan oo dolar ($6 milion) waxaana bixiyay ururka midowga Yurub, Swedhan iyo UNDP, qarshkan ayaa loogu tala galay in ay dowlada ku maamusho howlaha guuritaanka iyo dirista wafdiyada soo qiimaynaya xaalada soomaaliya. Lacagtan waxaa lagu wareejiyay shalay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, waxayna hay'adahaas balan qaadeen in ay la garab istaagayaan waxii lagu socodsiinayo nabad ka dhalata soomaaliya, ururadan bixiyay lacagtan ayaa ahaa kuwa ugu badan ka soo qayb qaatay qarashyadii ku baxay shirka intii uu ka socday dalka kenya, waxaa kale oo dhaqaale kan la mid ah bixinayay jaamacada carabta. Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Email: canabmumtaz@hotmail.com WARBXIIN LABAAD EE ANSIXINTA CIIDAMADA AJNABIGA::: -
Mogadishu: DFKG reps tour Villa Somalia Radio, and Prison
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Weftigii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Booqday Madaxtooyadii Soomaaliya iyo Xabsigii Uu Ku Xirnaan Jiray Madaxweynaha Soomaaliya ee Xiligan. Posted to the Web Feb 05, 14:54 Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Weftigii ka socday Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee dhowaan tegay magaalada Muqdisho ay maanta booqasho ku atgeen gobo ay ka mid yihiin xarunta Gobolka Banaadir, Maxkamada Sare ee Gobolka, Madaxtooyadii Dowladda Soomaaliya oo loogu yeero (Villa Soomaaliya) iyo Xabsigii Dhexe ee Muqdisho. Dadweyne aad u fara badan ayaa weftigan waxay ku soo dhoweeyeen Xarunta gobolka Banaadir, waxaana horkacayey weftigan Cismaan Boqore oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mudadii ay booqashada ku marayeen waftigaan xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayay si gaar ah waxay u booqdeen qol uu horay ugu xirnaan jiray Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee xiligan C/laahi Yuusuf Axmed. Isha Warka: Radio Midnimo Xuquuqda daabacaada:Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan -
Mogadishu: DFKG reps tour Villa Somalia Radio, and Prison
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Meeting inside Villa Somalia I think things are changing, posative pics from the trip of the 33 man envoy thats touring Mogadishu... Walking inside the grounds of Villa Somalia. be welcomed inside the grounds of Radio Mogadishu They also made stops to the central prison which looks relatively in good shape. outside central prison Mogadishu They had to visit the President's room in the prison. -
Soo Dhoweyntii ugu Balaarnayd oo Xarunta Villa Soomaaliya loogu Sameeyey Xubnihii Ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Posted to the Web Feb 05, 15:53 Muqdisho:- Xubnihii dowladda federaalka Soomaaliya ka joogay magaalada Muqdisho ee dhawaan soo gaaray ayaa maanta soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay xaruuntii hore Villa Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan taageerayaashii Xuseen Caydiid. Xubnahan oo ay ka mid ahaayeen Cumar xaashi Aadan , gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya Mudane Cismaan Boqore oo isagu hogaaminayay wefdigii khamiistii muqdisho yimid, waxaana hlkaa isu soo baxay taageerayaasha ururka USC/SNA oo uu hogaamiye ka ahaan Jiray Jen : Maxamed Faarax Caydiid. Hadal kooban oo uu Cumar Xaashi Aadan ka jeediyay ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya imaanayso muqdisho , xarunna ay u noqonayso fariisamihii ay lahaan jirtay dowladii soomaaliyeed, waxaa sidoo kale goobtaas ka hadalay madaxa wefdiga Mr. Cismaan Boqore oo isna ku nuux nuuxsaday in dowaladiisu ay u dhalatay shacbiga Soomaaliyeed , ayna waqtiyada soo socda ku soo aadan tahay dalka , kana hir galin doonto dib u heshiisiin dhab ah oo lagu doonayo isu keenida umadda soomaaliyeed ee dagaaladii dalka ka dhacay ku kala irdhoobay. Ku simaha Xuseen Caydiid ninka lagu magacaabo Abuukar Genay ayaa waxa uu sidoo kale xusay in xaruunta Villa Soomaaliya ay u hayaan umadda soomaaliyeed , uuna hadda yimid xiligii ay si sharuud la’aan ah ugu wareejin lahaayeen , isagoo intaa ku daray in dowlada soomaaliya ay la timaado nidaam suurta galinaya isu keenidda umadda, ugu danbeyntii ayuu khudbadiisa ku sheegay in ay soo dhaweynayaan dowlada faderaalka soomaaliya. Maxamed Aadan Maxamed Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya