General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Tell me which clan, region is against the TFG out of the 15 regions it controls, please bring a single clan elder who is against the TFG?
  2. ^^^Saxib if Somalia is divisable then so is Somaliland, so far Sool, Sanag and Cayn have said no to seceding, covering over 1/2 of what was the British colony. Thus what if the people of Awdal opt out of secesion and some in Toghdeere do as well? I doubt that the support for sceesion is even 40% in all the areas the secesionist regime now "control".
  3. ^^^Absolute nonsence and a further highlight of your agenda, come out clean son. The TFG is a transitional government its task is to secure the country and built up its national instuutions. Its a real government, with a large base, all includive and represents every clan. Who are the Somali people you speak about? I know that 14 out of 15 reagions are peacful. That out of Mogadishu 15 districts only a few has seen violence against the TFG. Keep them coming.
  4. ^^^100% chance you say, I have heard such predictions before. However you provide no evidance, for example are the people of Awdal, Togdheere, Waqoye Galabeed and Saxil 100% for seceding?
  5. ^^^It matters not if it cuts, the fact that we have had no central national army and police for the past 16 years highlights the need for outside assistance. The fact that many within the TFG are veteran officers from the army and police also gives weight to their request for foreign support at this moment in history. There are other real indicators, the TFG does not have enough troops, and enough indigenous trainers. The performance of the clan courts and the warlords also shows the weakness of the Somali sodleir to cope with todays reality. You can ask any question, but the fact that you always take a negetive bias towards the TFG highlights that you are in fact not after information rather you want to further inforce the views you already hold.
  6. ^^^In this scenario I aim not interested in what if's. Lets give dialogue a chance. Somaliland can gain allot from being in the union.
  7. ^^^Somaliland is no threat to the TFG, it is a peaceful region. Dialogue is the only solution.
  8. ^^^lol, you are the traitor, and you have no facts what the people of Hargaysa will support.
  9. 1.The Somali Transitional Government controls 15 out of 18 regions that make up the republic of Somalia. 2.There has been no major attack, or even demonstartion against the Somali government in 14 out of the 15 regions the TFG controls. 3.All attacks has centred on Mogadishu, and have resulted in the deaths of civilians and so far three TFG troops and one police officer have died. No group has claimed responsability thus far out of fear 4. The TFG has sidelined all the warlords. They have turned over 160 technicals and over 1200 millitia men some highly trained. 5. All sea & air ports are under TFG control, no faction or group controls any of these vital economic organs. This includes Ceel Macan, Dayniile [both closed], NO-50, Mogadishu national air and sea port, Bali Doogle millitary air strip, Jowhar air strip, Kismayu Sea & air ports, Ceel Ahmed air strip, Beledweyne airstrip. Thus for the firts time in 15 years we have a single entity in control 6. The TFG has spoken to elders of all the major clans in Mogadishu, as well as opposition figures such as Abdiqasin, Seeraar, Shikha Muuday. This has led to the creation of a new comprehensive admin for Mogadishu headed by Cade Gabow with all the major clans playing a lead role in it. A new admin for Hiiraan region, Middle Shabbele and also Afgoyee city, which has come back to the locals 7. Security, has not deteriorated since the defeat of the clan courts. In fact the TFG controls a much larger area than the courts ever did, twice as large, including Bay & Bakool, Mudug, all of Puntland. There has been success in taking weapons from the former warlords of Mogadishu and a major initiave in Kismayu has so far gone without much problems. The Ethiopians have around 8000 troops, many have started to leave and all will leave when the AU forces arrive. 8. Political the branches of the TFG has become closer since the victory over the courts, the renegade and hapless former Sharif Xasan has been dealt a major blow when he lost a no confidance vote. The Parliment is now in the process of electing a new speaker. 9. Internationally the TFG has the support of the international community, including the AU. who have so far been united in its support for the TFG, even Djibouti has come on board. 10. The Somali people have welcomed the success of the TFG and see it, rightly as a new window of opportunity to take back their country from clan groups and factions. They have danced in Mogadishu, Kismayu, and in the diaspora, in London, Toronoto and Minneapolis. Today Somalia is back, long may the governments success continue.
  10. ^^^Saxib the Somali people are winning. The Somali government is winning, of course you will not admit that. You supported force thus one group has won through force, the country is at peace, and these criminal acts have killed civilians and damaged police stations. The opposition are clutching to straws, there is no insurgency, no group has even come out to claim responsability. Compare this to IRAQ and you will see all this groups prediction have so far came to naught.
  11. GABOGABO: Mar haddii la ogyahay in dalalka Afirika iyo Carabta ay badabkoodu leeyihiin shuruuc u gaar ah Amniga iyo Nabadda Waxaan is-waydiiin karnaa Somalia oo aysan Dawladd, Sharci iyo nabaddba ka maqnayd muddadaas dheer, Sharciyo noocee ah ayay u baahan tahay si loogu soo dabbaalo dagganaasho iyo amni ?? Anugu waxaan qabaa in Somalia oo burbur iyo balaayo aan Sheeko iyo shaahid lagu maqlin laguna arkin- ay ka dhacday, in ay u baahan tahay sharciga ugu qallafsan uguna adagg si loogu soo celiyo xaaladd caadi ah. Waxaa loo baahnaa Sharciga MARTIAL-LAWGA in lagu soo rogo maanta. Ama shaciyo shabaha kuwii badbaadada kacaanka oo kale ee M.S. Barre iyo Maxkamadihii gaarka ahaa, Haddayse Xumamaddii iyo Barlamaankii ay dusha ka saarnayd Mas’uulidda dalku-isla-garteen sharcigaan khafiiifka ah haddii loo qiyaaso duruufta dalka Waxaa la gudboon Umadda Somalida in ay isla garab-taagaan TAAGEERDOODA HIIL IYO HOOBA. Oo aysan dhegg u jalaqsiinin tuhunka iyo tashwiishka qaran-diidka. Dr. Abdi Xasan (Dhaan-Wade). Daabacaada:Puntlandpost.com
  12. Tusaale waxaa innoogu filan Dalka Masar oo ah kan ugu da’wayn caalamka weligna aysan ka dhicin Dagaal ahli ah wuxuu ku jiraa xaalaad degdeg ah oo khaas ku ah adkaynta amiga. Shacigaas Masar: 1- Waxaay socotaa muddo 30sano ah. 2- Waxaa la cusboonaysiiyaa 5tii sanoba hal mar ( Innagana waa 3 bilood) 3- Arimaha la xiriira amniga waxaa qaada maxkamado gaar ah oo la yiraaho MAXKAMATO AMNU_DAWLA. Waxaay la midd tahay Maxkamadii Badbaada ee kacaankii S.Barre. Dawladda F.Somalia sharcigaan ay soo-saartay ma abuurin maxkamadd u gaar amniga, ee kuwa caadiga ayaa iska leh wixii garsoor ah oo idil. Sharigaan midd shabbaha ayaa Somalia laga soo-saaray 1964kii waqtigii Xukuumaddii Md. Abdi-risaaq xaaji Xusseen.oo aan isagu haddana marna ku isticmaalin. Waxaase sharcigaas isticmaalay markii ugu horraysay 1968 Md. Maxamed Ibraahin Cigaal oo madax ka noqday Xukuumaddii ku xigtay . Waxaa si xadd-dhaaf ah ugu dhaqmay kacaankii M. S. Barre intii uusan soo dejinin qawaantiisii yaabka lahayd 1970kii ee lagu magacaabay BADBAADINTA KACAANKA ee ka koobnayd 26 ka qaddub ee toogashada u badnayd.
  13. NUXURKA SHARCIGGAAN MUXUU YAHAY Haddaan wax yar oo tilmaan ah ka bixinno qaanuunkaan waxaa innoo muuqanaya tilmaamaha soo socda: 1- Waa sharci kooban oo ku tacalluqa qodobo kooban oo loogu xoojinayo ammaanka iyo nabad-gelyada guud ee dadlka.Waxaan qofna ka daahnayn in dalka oo muddu 16 sano ah ku jiray xaaladd fawdda ah oo shaci, kala-danbayn, nabadd iyo amniba la illaaway. Taas oo ka dhigaysa laga-ma-maarmaan in fiiro gaar ah la siiyo arimahaas. 2- Sharcigani wuxuu khuseeyaa saddex arimood oo la xiriirta amniga wuxuuna ka koobanyahay saddex qoddobb oo ku wajahan xoojinta iyo sugidda amniga. Kuwaas oo ay ugu muhimsanyihiin: A- Mamnuucidda haysashada hubka gaadiidka saran ee loo yaqaan taknikada iyo kaydsashada waxyaalaha qarxa. Waxaana la baari kara meelaha lagu tuhmo alaabadaasi waxaana la qaban karaa dadka lagu maleeyo in ay ku lug-leeyihiin. B- Manuucidda ururada qarsoodiga ah ee amniga lagu wax-yeellaynayo ama u dhaqma hab argagixiso ama xiriir la yeesha ururo argagixiso oo ka jira gudaha dalka ama dibaddiisa C- Waxaa la mamcuucaay bannaan-baxyo aan rukhso loo qaadan iyo shirarka looga soo horjeedo dawladda. 3- Saddexdaas qodobb ee uu ka koobayahay shaciga xoojinta amnigu waxuu soconayaa muddo 3 bilood ah. Haddii loo baahdo muddadaas dhamaadkeeda in la sii-wado shacigaan waxaa kordhin kara oo kaliya Barlmaanka Qaranka. 4- Sharcigaan ISTICMAALKIISA waxay gaar u tahay oo kaliya Madax-waynaha Jumhuuriyadda. Waxaad halkaas ka garananayaa in aysan jirin Martial- law iyo xaaladd degdeg ah oo lagu soo rogay dalka guud ahaan .Barlamaankii iyo awooddiisii wax iska dhimay ma jiraan. Xukuumaddii iyo garsoorkii lama taabannin. Axdi-qarameedka iyo sharciyadii dalka waxba is-kama-beddelin. Haddaan garab-dhigno Shaciyada amniga ee ka jira dhammaan dadlalka Carabta iyo Dalalka Afrika badankooda- oo ah dalal aan dagaal ahli ah iyo fawddo soo marin-waxaaynno arkaynaa in kan Somalidu yahay fardo kula carar.iyo caano iyo nabadd.
  14. SHARCI-GAAR AH! Waxaa la is-waydiin kara xagee buu gelayaa sharciga degdega ah ee uu Barlamaanka Soomaaliya meel-mariyay toddobaadkii hore? Ma martial law baa mase qaanuun gaar ah? Jawaabto waa ma aha Martial-law. Balse waa sharci GAAR ah oo CAADI ah. Waxaan uga jeedaa gaarnimada sharcigan in uu Dawladda siinayo Awood ka ballaaran tii Cahdi-qarameedku uu u siiyay sugidaa amniga dalka oo kaliya Caadinimadana waxaan u la jeedaa qaabka iyo nidaamka ( procedure) loo maray soo-saariddiisa oo la mid ah tan ay maraan sharciyada kale ee caadiga ah ee uu soo saaro golaha-shacabku qaranka . Waa sharci-barlamaani ah oo looga jeedo xoojinta amaanka dalka
  15. 5- MARTIAL-LAW IYO SIDA LOO YAQAAN: Waxaa la maqlaa waddan lagu soo rogay martial law oo macnihiiso yahay XUKUN-MILILITARI ama askareed. Waxaana looga jeeda in awooddii dalkaas ay si buuxda gacanta ugu dhigeen kooxo askar ah ama ciidan ah. Tani waxay dhacdaa marar dhif ah oo lagu tilmaami karo meesha lagu soo rogo meel balaayo ku habatay. Xaaladahaas tirada yar ee Martialka waxaa kamid ah kuwaan : A- INQILAAB ama AF-GANBI militeri : Markaas oo awoodda cusubb ee dalka qabsatay ( Askar) waxay baabi’yaan dhamaan tiirarkii uu ku taagnaa nidaamkii hore ee dalku. Tusaale ahaan waxay baabi’yaan sharciyada dalka oo uu ugu horeeyo DASTUURKU. Waxaa kale oo ay kala diraan hay’adihii Dastuuriga ee dalku lahaa sida Barlamaanka, Xukuumadda, Garsoorka, Axsaabta siyaasadda, Ururada-bulshada …iwm. Waxayna ku xukumaan dalka amaro ay soo saaraan oo ay huwiyaan xoog-sharci, Waxaa kale oo uu Martial lawgu saameeyaa xuquuqda muwaaddinka iyo xorriyadihiisa asaasiga ah sida xoriyadda hadalka, qoraalka, qabashada kulamada, isu-socodka ( bando) , hantida gaarka ah oo la-la-wareego karro iyo qofka oo la xiro maxkamadd la’aan.. Awoodda cusubbi markaas ka kaddib ayay la soo baxaan qawaaniinta iyo hay’adaha ay rabaan in ay ku maamulaan dalka. Af-ganbiyaasha-ciidan waxay ka soo billaabmeen Laatiin-Amerika qarnigii tagay billawgiisii. Waxayna ku baaheen Asia iyo Afrika intii u dhaxaysay 1960-1990. Intii ka danbaysay waqtigaas si aad ah u yaraadeen markii bulshada caalamka canbaaraysay cuna-qabataynna ku soo ragtay, Xaladdan Martial- lawga ah Somalia waxay soo martay markii ciidamada qalabka siday oo uu hoggaaminayay M.S. Barre la wareegeen xukunka dalka 21 Oktobar 1969kii. B- DAL LA QABSADAY: haddii waddan xoog ku qabsadu waddan kale Waxauu ku soo rogaa xukun militari ama martial law. Taasina wax badan ayay soo martay dunido. Sidii markii Jarmalku uu qabsaday dalal badan oo Europ ah bilawgii dagaal-waynihii 2 aad ee dunida sida Poland, Austria, jeegga,, Holan, Danmark.iyo France oo uu dhamaantood ku soo rogay xukun askareed. C- QALAANQAL: Waddan hadday soo waajahaan rabshadu iyo degganaansho- la’aan Guud. Oo uu farha ka baxo sharciga iyo kala-danbaynto waxaa lagu soo ragaa qaanuunka martialka si looga daaweeyo dhibaatada la soo darista dalkaas oo loo soo celiyo dagganaanshi , kala-danbayntii, sharcigii iyo amnigii lumay.
  16. WAA MAXAY XAALADDA DEGDEGA? Waxaa looga jeedaa xaaladaha degdega in ay soo foodsaaraan dal duruufo ADAGG oo u baahan in qaanuunkii dastuurka dalka wax laga bedelo si looga gudbo duruufahaas adagg.Waxyaalaha laga beddalayo dastuurka ama qodabada la LAALYO ayaa lagu qeexa shaci ay soo saaraan hay’adda xaqa u leh dejinta sharciga ( Barlamaanka ) Haddaba waxaad halkaas ka garan kartaa : 1- Sharciga Xaaladda degdgaa ma laha qaab midaysan oo dalalka oo dhan si isku mid ah ugu dabaqmaya. Balse dal kasta waxuu samaysanayaa Sharcigiisa degdega ah isaga oo ku salayna duruufaha iyo dhibaatooyinka soo waajahay iyo tabaha ama xeeladaha uu u arko in uu kaga gudbi-karo. Sharcigaan gaarka ah waxaa lagu xaddidaa makaanka iyo samaanka la dabbaqayo xaaladdan gaarka ah. 2- Xaaldda degdegga waxay saamaysa oo qur ah arimaha ku cadd qodobada sharcigeeda. Ma aha sida uu ku addacoonayaan qaarkood in Barlamaankii, Xukuumaddii, Maxkamadihii iyo qawaaniintii dalka la wada baabi’iyey 3- Qaanuunka degdega Waxaa loo adeegsada sida qaalibka ah marka ay dal la soo gudboonaadaan duruufo amni daro, dagaallo ama musiibooyin dabiici ah sida dhul-gariirka, abaaraha, duufaannada iyo daadadka. Wuxuuna siiyaa AWOOD dheeraad ah hay’adaha qaabilsan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas. 4- Sharcigan gaarka ah sida inta badan lagu magacaabo waxuu saamayn karaa waddanka oo dhan. Waxaana dhici karta in lagu xaddido Gobol ama gobolo ka mid ah dalka. Waxaad marar badan la socotaan in USA marka ay dhacaan musiibooyin dabiici ah sidaa dhul-gariir ama duufaan in uu Madax-waynuhu ku dhawaaqo xaalaadd degdegg ah meelahaas mashaqado ka dhacday.
  17. NOOCYADA QAANNUUNKA : Qawaaniintu inkasta oo ay guud ahaan wadaagaan Nidaaminta noolasha Aadamaha, haddana waa qaybo badan, oo qayb-kasta waxay nidaamisaa dhinac ka mid ah noolasha Insaanka. Sidaas ayaad u maqlaysaa magacyada kala jaadhka ah ee qawaaniinta sida : Qaanuunka ciqaabta, qaanuunka madaniga, qaanuunka badda, qaanuunka ganacsiga, qanuunka caalamiga ah …iwm. QAANUUNKA DASTUURIGA: Qawaaniinto waxay u qaybsamaan guud ahaan laba nooc oo waawayn. Kan hore waxaa yiraaha Qaanuunka Caamka ah. Wuxuu nidaamiyaa arimaha ay dawladdu daraf ka tahay iyada oo wakiil ka ah Mujtamaca. Kan labaadna waxaa lagu magacaabaa qaanuunka Khaaska ah. Wuxuuna nidaamiyaa arimaha u dhaxeeyaa afraadda mujtamaca. Labada qayboodba way sii kala baxaan. Qaauunka Dastuuriga oo ka mid ah kuwa caamka ah waa kan khuseeya arinta mawdduuca aan ka hadlaynno ee Xaladda degdegga ah . Qaanuunka dastuurigu wuxuu la xiriiraa hab-qaybinta AWOODDA Dawladda. Wuxuu qeexaa nooca Nidaamka dalka ,. Ma boqortooyaa mase waa Jamhuuriyadda? Ma barlamaani baa mase Ri’aasi (presidential )? Waxaa kale uu qeexaa qaanuunkaani xiriirka saddexda qaybood ee awoodda Dal ee Sharci-dejinta, Fulinta iyo gar-soorka. Qaanuunka dastooriga wuxuu caddeeyaa xuriyadaha asaasiga ah ee muwaaddinku leeyahay iyo xuquuqdiisa lama taabtaanka ah.
  18. FAALLO: Sharciga Xaalada Deg-dega ah !! Ma maarshaal Law baa ?? Posted to the Web Jan 30, 00:27 Sweden:(pp) - Waxaa fasiraado kala duwan laga bixay Sharciga xaaladda degdegga ee uu Barlamaanka Somalia ku ansixiyay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore. Waxaa ugu qaylo dheeraa fasiraadahaas kuwa ka soo baxayay xoogagaa Qaran-diidka ah ee gacanta ku haya idaacadaha loo yaqaanno BUQBUQOOYINKA iyo maamulayaashooda dadku ugu yeeraan FADHI_KU-DIRIRKA. Idaacadaha noocaas ah waxaa ugu caansan laanta Af-somaliga ee BBC-da iyo maaamulaheeda. Si ay dadka u jiha-wareeriyaan Waxay waraysiyo ka qaadaan dad aan xog-ogaal ahayn iyo kuwo suuq-joog ah oo ay ku sheegaan aqoon-yahan iyo gar-yaqaan, Haddaba si ay dadku u helaan xaqiiqda iyo nuxurka dhabta ah ee sharcigaan ayaan halkaan idiin ku soo bandhigayaa noocyada sharxciyada degdegga iyo xaaladaha loo isticmaalo aniga oo ku iftiiminaya tusaalooyin camali ah. Waxaa kale oon idin soo hor-dhigaa qoddobada uu ka koobabyahay shargaan ka soo baxay Barlamaanka Qaranka ee Baydhabo. Waana tan: Qawaaniintu waa noocyo fara badan. Qaar waa kuwo xagga Alle-wayne ka soo degay oo Nabiyada loo soo dhiibay SCS. qaarna waa kuwo Aadamuhu dejay. Labada noocba waxay nidaamiyaan nolosha Aadamaha. Qawaaninta maanta Caalamku ku dhaqmo badankeedo waxay ka soo jeedaan qawaanintii kacaankii Faransiiska ee qarnigii 18aad. Culimadii qaanuunka ee kacaankii faransiisku waxay ka soo xigteen shareecada Islaamka aqlabiyadda qawaaniintii ay dejiyeen.
  19. ^^^Trust me they need these troops for training purposes. As for how long they will last, they have outlasted the warlords of Mogadishu, infighting, and of course the can courts..Thus they will last insha Allah.
  20. Of course thats their responsability. The AU forces will be with Somali troops in al locations. They wil not be left alone as the UN failed mission was in the early 1990s. Remember we have around 15000 troops in the south alone, thus the situation is not as it was in the early 1990s. The AU troops are important for Africa as a whole.
  21. In the hypothetical world, in which the AU troops do not come then the existing troops will have to work harder and be ever more ruthless to secure the south and the capital. They will have employ clan courts meausres such as shooting people on sight, check points in every district arresting and exiling on mass anyone and everyone against the TFG from the country will have to be put in place. However in the real world, the funds are available and the AU troops are on their way, Malawi, Nigeria as well as Uganda will be in the contry shorty.
  22. Geedi oo shir jaraa'id kaga hadley arrimo badan 29 Jan 29, 2007, 15:30 Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in mas’uuliyiinta u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka in aan looga baahneyn iney iska casilaan xilalka ay hayaan hase ahaatee mas’uulkii ku guuleysta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu xilkiisa waayi doono doono. Geeddi oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo baahneyn dowlad sal balaaran oo dalalka reer galbeedka ay ku baaqeen in la dhiso, isla markaana waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto dowlad Federaal ah. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa mar uu ka hadlayey qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho wuxuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan kooxo nabad diid ah oo uu sheegay iney ka hareen Maxkamadihii Islaamiga, isla markaana wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay ku raad joogaan, sharciga hortiisa lagula xisaabtami doono cidii lasoo qabto. Mar uu ka hadlayey ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayuu sheegay in ay imaan doonaan bilowga bisha Febraayo kuwaasoo ah qeybta ugu horeysa oo ka kala imaan doona dalalka Ugandha, Malawi iyo Nigeria. Safarkii uu ugu ambabaxay ayuu ka warbixiyay Geeddi isagoo sheegay in aysan indhihiisa qaban wax isbaaro ah oo wadada taala isla markaana nabadgelyada deegaanadii uu lugta mariyay uu sheegay iney aheyd mid nabdoon. Cali Muxayadiin Cali,GO