General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Laascaanood: Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo laga wado qoridda ciidamadii hore ee Soomaaliya. Axad, January 28, 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa laga sameeyay aruurinta ciidamo kamid noqonaya kuwa dawladda federaalka Soomaaliya. Qorshahan ciidamada lagu aruurinayo ayaa wuxuu bar bar socdaa mid ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya. Maamulka Puntland oo wakiil uga ah dawladda federaalka aruurinta ciidamadan ayaa waxay xoogga si gaar ah u saarayaan ciidamadii hore ee dawladda federaalka. Inkastoo ciidamada kamdi noqonaya dawladda federaalka ay lagu kala saarayo shuruudo ku aaddan caafimaadkooda, hase ahaatee iminka gobollada dariska ah ee Sool, Sanag iyo Cayn ayaa waxaa heer gabo gabo ah maraya ciidamo aruurinta. Ciidamada laga keenay gobolladan ayaa la isugu gaynayaa xerada ciidaamda ee Abqaale ee gobolka Mudug halkaasi oo imankaba ay joogaan ciidamo gobollo kala duwan ka yimid. Dhawaan ayaa raysulwasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay in ciddii doonaysa inay kamid noqoto ciidanka dawladda ay is diiwaan galiso meel walba oo ay joogaan. Horay waxaa ciidamo looga aruuriyay gobollada kale ee Puntland, walo gobolladan naf ahaantooda ciidamo laga kala keenay ay iminkaba ku jiraan ciidanka dawladda federaalka. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dawlad goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in hawlahan ay meelo fiican u marayaan, ayna gabo gabo kudhowyihiin. CCC Farayaamo AllPuntland
-
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BAY OO SHEEGAY IN UUSAN KALIGIIS WAX HOWL AH QABANKARIN una BAAAHAN YAHAY TAAGEERADA SHACABKA. Gudoomiyaha gobolka Bay Maxamed Maxamuud bar baar oo ka soo qeybgalay kulan looga hadlayay sidii uu halkiisa uga sii wadi lahaa maamulka gobolak Bay ee loo doortay dhawaan. Xaaji barbaar ayaa sheegay in khilaafkii taagnaa la xaliyay uuna helay baadidii ka maqneyd ee maamulka gobolka bay taasoo uu sheegay inuu ka jiray khilaaf has yeeshee xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo golaha deegaanka uuna rajeynayo inay la shaqeeyaan. Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolak Bay oo goor sii horeysay ay xilka ka qaadeen Golaha baarlamaanka deegaanka Gobolak Bay ayaa hataan u muuqda mid dib u howlgalaya oo la soo afjaray khilaafkaas oo ku saleysnaa siyaasadii maxaakiimta islaamka oo uu taagersanaa xaaji Bar-baar.
-
GUDOOMIYAHA DEGMADA BALADWEYNE OO SHAACA KA QAADAY IN LA SOO CELINAYO AMMAANKA IYO KALA DANBEYNTA MAGAALADAAS. Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Axmed Gobeey Cawaale oo u waramayay warfideenka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo Boliis ah iyo kuwo Milatari ah kuwasaoo sugaya ammaanka magaalada B/weyne wuxuuna intaas ku daray in maamulka B/weyne ay diyaariyeen qorshe howled ay dhinaca nabadgelyada wax uag qabanayaan iyadood adweynaha looga baahan yahay inay dhiiragalin la yimaadaan. Md.Axmed Goobeey Cawaale ayaa intaas ku darray in ciidamada Booliiska ee B/weyen ka howlgalaya ay noqonayaan kuwo guta ammaanka magaalada islamarkaasna soo celiya ammaanka B/weyne lagu yiqiin.
-
CIIDAMADA DOWLADA OO HOWLGAL AY KA FULIYAY MAGAALADA MARKA KU SIFEEYAY KOOXO BURCAD AH. Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada faderaalka Soomaaliya oo howlgal halka aka fuliyay ay ku guuleysteen inay ka sifeeyaan dhamaan kooxihii hubeysnaa ee halkaa ka waday falaka isugu jia abuuritaan nabadgelyo xumo dhac,Boob iyo isbaarooyin ay u dhigtaan gaadidika ay isag goosha gobolak shabeelaha hoose iyo magaalooyinka kale ee deriska la ah. Ciidamadaan oo si xoogleh uga howlgala magaalada amarka ayaa sheegaya inay soo qab qabteen dowr nin ooo hubeysan kuwaasoo falal tuuganimo ah ka gaysanayay magaalada Marka oo gaartay heerkeedii ugu xumaa ee dhnaca nabadgelyada iyadoo howlgalka cidiamada ay soo dhaweeyeen dadweyne aad u badan oo ku dahqan magaalada Marka.
-
Digit, the need for foreign troops is quite simple, we need to secure the country untill the TFG troops are ready, we have a quarter of the troops we need thus in a matter of a year or so. Remember the TFG inherited a nation with no institutions, lack of security, with warlords, clan courts and businessmen like Cadaan running every major economic centre. That has now changed, thus validating the strategy, it is the TFG that controls every port, airport and 15 regions out of the 18..
-
Djibouti supports AU troops, funny really..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Very funny indeed, they act so big and then they change their mind. Lets hope they kick out the few renegade MP's back home. -
Mahamed Dheere I WILL WORK WITH THE NEW SHABELLE ADMINSTRATION
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^Indeed the era of warlords is over. Hiiraan, Lower sHabbele, Bay, Bakool as well as Mogadishu have a new admin. -
Minnesota: Somalis come out to support the TFG :PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
There was a huge turnout the convention centre was filled. I have not seen so many Somali's. -
You seem to have all the asnwers to the questions which you pose. The vision is a peaceful Somalia at ease with itself and all its neighbours. The foreign troops are part of the the method to realise the stated goal. The difference between the clan courts and the TFG is simple,one group as you have said were clueless to the reality of the world. The other knows the real situation of the country is in, and is addressing this by getting as much help as possible to address these problems.
-
Djibouti supports AU troops, funny really..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I was joking .. they have changed tact, which is good. -
Djibouti supports AU troops, funny really..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Funny how they have changed, everyone is switching sides. The Djibouti government took our warning seriously. -
Jabuti oo tageertay ciidanka 27 Jan 27, 2007, 10:17 Dowladda Jabuti ayaa markii ugu horeysay soo dhoweysay in ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Midowga Afrika loo diro dalka Soomaaliya si ay xasiloonidii luntay u soo celiyaan. Wasiirka arrimaha dibada Jabuti Md. Maxamuud Cali Yuusuf oo ka qeyb qaadanayey kulanka wasiirada arrimaha dibada Afrika ee ka socday Addis Ababa ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo dhoweyneyso ciidamo loo diro Soomaaliya. “Jabuti waxay soo dhoweyneysaa in ciidamo loo diro dalka Soomaaliya, si ay ugu qeyb qaadaan nabad kusoo dabaalida dalka oo mudo 16 sano nidaam la’aan ahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. Dalka Jabuti oo horay ugu so horjeday faragelin lagu sameeyo dalka Somaliya ayaa haatan si cad u taageeray ciidamo in la loo diro dalka Somaliya. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^We have a historic opportunity, the country is under one adminstration and the Ethiopians are leaving and the AU are coming, they will leave and the Somali troops shall remain. Simple really. -
The US love Sharif Ahmed, but bomb his group?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
So the Americans are playing with this man, what ever he is and I hope he has a future they are seperating him from the rest of the group. So far no one has given a real answer to why he is being treated like this, while the rest of the group? Xasan Dahir, Abukar Cadaan are different why? -
TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Col. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Beledweyne Khamiis, January 25, 2007(HOL): Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka oo uu wehliyo Col. Muqtaar Xuseen Afrax oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka ee labada gobalka Shabeelada dhaxe iyo Hiiraan ayaa waxaa s iweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada B/weyn ee xarunta gobalka Hiiraan. Xubnaha oo uu hor kacayay wasiirka wasaarada waxbarashad C/raxmaan Cabdi Waare, isla markaana ka soo kicitimay dhinaca Magaalada B/dhabo, ayaa markii ay soo gareen gudaha magaalada waxaa ay meel fagaaro ah kala hadleen dadkii soo dhaweeyay, iyagoo kala hadlay arimo la xiriira siyaasada dowlada federaalka iyo waliba dhinaca nabad-galyada. Ka hor Qubadihii ay halkaas ka jeediyeen xubnaha labada gole iyo waliba taliyaha ciidamada labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax ) oo sheegay in dadka reer Hiiraan ay yihiin dadkii ugu horeeyay ee taageerada u fidiyay dowlada federaalka markii lagu soo dhisay Dalka Kenya, waxaana uu intaas ku daray in wali ay u hayaan shacabku taageero buuxda siyaasadda dowladda iyo waliba habsami u socda howlaha ay hadda ka waddo qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan xarunta Muqdisho oo uu ku tilmaamay in ay tahay muraayada dalka isla markaana haddii la hagaajiyo ay hubanti tahay in dalka oo dhan uu hagaagayo. Iintaas kadib waxaa hadalka qaatay Wasiirka wasaaradda wax-barashada C/raxmaan Cabdi Waare oo ugu horeyn soo gaarsiiyay dadkii dhageysanayay salaan uu ka waday sida uu sheegay saxibadiisa kula jira golaha wasiirada, waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada socdaalka xubnaha uu horkacayo ay tahay kaliya in ay u fisiraan dadka gobolka siyaasada dowlada iyo waliba marxalada cusub ee la galay, waxaana uu sheegay in isbadal weyn uu jiro marka la eego sidii markii hore uu xaalku ahaa, gaar ahaa isagoo ku booriyay shacabka gobalka in ay ogaadaan wixii hada ka danbeeya dalku dowlad leeyahay loona baahan yahay in si weyn loola shaqeeyo. Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in waqtiga oo cariiri ku ah aawgii mar kale ay si weyn uga hadli doonaan siyaasada dowlada oo faah faahasan, iyo waliba sida looga qeyb-qaadan karo isbadalka dhacay, Col. Muqtaar xuseen Afrax oo ah Taliyaha ciidamada Labada Gobal ee shabeelada dhaxe iyo hiiraan oo si weyn loo sugayay hadlka uu halkaa ka jiidinayo ayaa ku soo koobay qudbadiisa dhinaca nabad-galyada oo kaliya, isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin jiritaanka kooxo wixii ay doonaan iska sameeya loona baahan yahay in shacabka laftirkiisu amaanka qeyb ka qaato, Col. Muqtaar waxaa uu intaas ku daray in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Hiiraan wixii xiligan ka dambeeya ay il foojigan ku eegi doonaan wax kasta oo wax u dhimi kara nabad-galyada guud, maadaama ayuu yiri dalku hadda uu ku jiro xaalad deg deg ah. Laakiin Col. Muqtaar sooma uusan hadal qaadin wax yaabihii uu la kulmay intii ay hayeen Ciidamada Dowlada Itoobiya oo la ogyahay in ay ka kaxeysteen gudaha magaalada Beledweyne xili ay isku maan dhaafeen soo gacan galinta gudoomiyihii maxkamadii islaamiga ee gobalka Hiiraan shiikh Faarax Maclin max'uud, taasoo keentay in mudo ka badan sadex todobaad uu ka maqnaado gudaha gobalka Hiiraan. Xubnaha soo gaaray magaalada Beledweyne ee ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka ayaa ku soo beegamay xili meesha laga saaray maxkamaddii Islaamiga gobalka, waxaana xusid mudan in marka la eego shacabku yahay mid mar walba u ooman in ay helaan nidaam dowladeed oo shaqeynaya, taasoo laga garan karo sida ay ugu soo baxeen soo dhaweynta xubnaha ka tirsan dowlada federaalka, waxaana xildhibaanada soo gaaray gobalka ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaale iyo waliba Xidhibaan Cali Jeyte Cusmaan. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyn, Somalia
-
Garowe: Delegation from companies arrive in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
GAROOWE : Guddoomiyaha gobolka Nugaal “Nugaal waxay diyaar u tahay in ay dhaqaale ku bixiso soo saarida shidaalka” Posted to the Web Jan 26, 16:28 Garoowe:-Gudddoomiyaha gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw-axmed oo maanta war-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay arimaha macdanta iyo shidaal soo saarista Puntland wuxuuna sheegay in ay dadwaynaha reer Nugaaleed ay diyaar u yihiin in dalka laga soo saaro khayraadka islamarkaasna ay dhaqaalahooda ku bixiyaan soo saarista macdanta iyo shidaalka Puntland. Guddoomiyaha oo ka hadlay masuuliyiin ka socotay shirkadda Conmax oo 23/1/2007-dii booqasho gaaban ku yimid Conoco ayaa sheegay in ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiintan oo uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaal soo saarista Puntland Xassan Mohamoud Osmaan (Aloore) ayna halkaasi ku soo dhaweeyeen masuuliyiin iyo waxgarad badan oo ka tirsan maamulka Puntland iyo Odayaasha deegaanka gobolka Nugaal ku waa soo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) , Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw-axmed , Duqa Degmada Garoowe C/qaadir Cismaan (foodcade) iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka oo ay ka mid yihiin Cismaan Guureeye Kaarshe iyo Xaaji Cabdi Shuluco oo labaduba horay u ahaan jiray Wasiiro. C/laahi Ciise wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ay shirkaduha ay shaqadooda ku bilaabayaan muddo 2 bilood gudahood ah kuna soo saari doonaan khayraadka muddo 6 bilood gudahooda sida uu sheegay Agaasimaha khayraadka dalka Xassan Aloore. Halkan ka akhri soo dhawaynta shirkadaha uu hogaaminayo Mr.Alore Waxaana 2-da bilood gudahooda la qodayaa 4 Ceel oo 2 ka mid ah ay ku yaaliihin Nugaal , 2-da kalana ay ku yaalaan dharoor. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xiligaan la gaaray wakhtigii la faa’iidaysan lahaa khayraadka dalka ee mudada dheer laga qatanaa, uuna quudaraynayo in dadka Puntland iyo guud ahaan Ummadda Somaliyeed ay ahaan doonaan kuwo la mid ah xaga nolasha dawladaha hormaray. Wuxuuna intaasi ku daray in xiligaan ay dadka reer Puntland ay diyaar u yihiin in lala soo baxo khayraadka oo laga faa’iidaysto. C/laahi Ciise Guddoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu waxba kama jiraan iyo marin-habaabin ku tilmaamay warar qaar ka mid ah bogaga Internetka lagu daabacay kaa soo lagu sheegay in ay shirkadu ay si dhuumaalaysi ah u timid Conoco wuxuuna sheegay in ay arintaasi ay tahay wax been abuur ah , sidoo kale wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka kale ee iyana la faafiyay ee sheegaya in dadka reer Nugaaleed aysan waxba kala socon arimaha shirkada , wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin reer nugaaleed in laga faa’iidaysto khayraaddka ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan waxkasta oo looga soo baahdo ee sahalaya in la soo saaro khayraadka. Cismaan Guureeye Kaarshe oo ka mid ah waxgaradka gobolka oo ku hadlayay magaca waxgaradka gobolka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dalka khayraadkiisa la soo saaro oo laga faa’daysto si Ummaddu ay uga baxdo faqriga iminka jira. Wuxuuna sheegay in reer Nugaaleedka iyo guud ahaan dadka reer Puntland-ba ay diyaar u yihiin in laga faa’daysto khayraadka wuxuna ballan qaaday in ay iyaku ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan cidkasta oo dalka horumar ka samaynaysa. Cismaan Guureeye wuxuu sheegay in dadka reer Nugaaleed ay maxkax-furan ku soo dhawaynayaan shirkadaha soo saaraya khayraadka ayna la shaqaynayaan meel-kasta iyo goob-kastaba oo ka mid ah Puntland. Dadwaynaha ku dhaqan ayaa si wayn u hadal-haya soo saarista macdanta iyo shidaalka dalka waxayna inta badan aaminsan yihiin in ay arintaani ay tahay tallaabo mar hore loo baahnaa balse iminkana ay tahay in laga faa’iidaysto. Haddii maamulka Puntland uu ku guulaysto soo saarista macdanta iyo shidaalka Puntland waxaa Puntland looga aqoonsan doonaa dawladii khayraadka. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com -
Governor of Nugaal, the people support exploration project..
General Duke posted a topic in Politics

^^^The dude was used before and is being used now.. Jendayi oo ka hadashey Shariif 26 Jan 26, 2007, 10:46 Deblomaasiyadda ugu sareysa saraakiisha Maraykanka ee u xil saaran arrimaha Africa, Jendayi Frazer, ayaa ugu baaqday wax ay ku tilmaantay kooxaha qunyarsocodka ah ee ku jiray maxakiimtii Islaamka in laga qaybgaliyo wadaxaajoodka mustaqbalka dalka. Iyadoo la hadlaysay BBC-da, Ms Frazer, ayaa sheegay in Islaamiyiinta uu ka mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u cararay Kenya uu ka qaybgali karo hadii uu cambaareeyo argagixisnimada. "Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo loo arkayay in ay qunyarsocod yahay, ayaan rajaynaynaa, in uu dhaleeceeyo rabshadaha iyo argagixisnimada, ma garanayno waxa uu go'aansan doono, ma garanayno mowqifka uu istaagi doono, balse waxaan rajaynayaa in shaqsiyaadka kaalinta ku lahaa maxkamadihii Islaamka in ay qayb ka noqdaan qorshe ballaaran oo wadaxaajood." Jendayi Frazer. Xigasho/BBC -
Mogadishu: either I rule you or you wont get peace...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhacdooyinkan amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada Suufi. -
XAMAR - AMA AAN KU XUKUMO AMA XASILOONI WAA [26/01/07] Lalama yaabeen hadii markii ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanku ay ku soo dhowaadeen caasimada muqdisho ay maxkamaduhu u diyaar garoobaan inay iska caabiyaan ciidamada soo siqayey oo ay dhufayso adag ka qotaan Muqdisho hareeraheeda iyo dhexdeeda, laakiin mar hadii ayan taasi dhicin iyagoo sabab uga dhigay badbaadada shacabka Muqdisho, waa maxay hadaba xiligan amaan xumada iyo qalaasaha lala jeclaysanayaa shacabka Muqdihso ee dhibta mudada dheer ku soo jirey. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Cabdillahi Xassan ayaa mar la weydiiyey in maxkamaduhu keeneen amaan iyo kala danbayn mudo 6 bilood ah, ku jawaabey maxkamaduhu amaanka shacabaka uma keenin ee naftooday u keeneen, mar hadii la saarayna shacabku inoo halaagmo waxay ka jecel yihiin ma jirto waayo awelba shacab umay shaqaynayn ee iyagaa laftooda u xoogsanayey. Dhacdooyinkan amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada Suufi. Waxaan kaloo arintan wax ka waydiiyey nin ganacsade ah oo la yiraahdo Maxamed Yusuf oo si isdaba jog ah xamar u taga wuxuuna ugu yiri hadal aan la yaabay "War dhegeyso waxaan aad maqlayso wax baa la qarxiyey waxbaa la dhaawacay, hoobiyaa la soo ridey awelba way dhici jireen xiligii maxkamadaha laakiin maxkamaduhu waxay gacan bir ah ku hayeen warbaahinta wadanka kuwaaso qaarna lafahooda uga baqayeen qaarna qabiil ahaan u taageersanayeen sidaa darteen war xun lama sheegi kari jirin ….Saxaafada Xamarna waxaa lagu mashquushay xiligaas Maxay Qabatay Towradu. Isku soo duubo hadii badbaadinta ummada iyo nasteexaynta shacabka ay ahayd hadafka ay lahaayeen maxkamadihii laga taagta roonaaday ee Muqdisho ma jirto sabab ay hada hadaf uga dhigtaan maatada oo ay u laayaan dad aan dembi geysan si ay u maqlaan Jazeera ama BBC oo ku hadaaqaya Xamar xiligii maxkamadahay amaan ahayd. Dhinaca dowladana waxaa la gudboon in ay u adeegsato warbaahinta sidii maxkamaha oo ay ku qasabto inay oofiyaan Axdiga Guud ee Warbaahinta ayna wararka oo dhan sheegaan xumaan iyo samaanba, halka hada ay ku mashquuleen war xun sheegnimo keliya. Walaahu Aclam, Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia. xariri@hotmail.com
-
Garowe: Delegation from companies arrive in Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
UAE, was a poor nation in 1966, so was Saudi and so on. Our nation might not get rich stright away, but there is nothing wrong with trying, with exploring with making deals. Anyhow all I see is the same anti-government, anti development andti Puntland groups. ME, ABWAN and Mujahid SNM. The dude with the new name is also one I dont doubt.