General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleeystay xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia Baydhabo 31, Jan.07 ( Sh.M.Network) Xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia ayaa waxaa ku guuleeystay Sheekh Aadan max'ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, ka dib markii uu helay cod dhan 153 wareegii 3aad oo uu kula loolamayay Mudane Ibraahim Kiish Buur. Kulan Balaaran oo Baarlamanka Somalia maanta uu isugu yimid Magaalada Baydhabo, ayna soo xaadireen 213 mudane ayaa wareegii ugu dambeeyay oo ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Kiish Buur ayaa 153 cod waxaa ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe halka 54 codna uu helay Ibraahim Kiish Buur. Natiijadii cod bixinta ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre oo shir Gudoominayay kulankii Maanta, isagoo xaqiijiyay in Sheekh Aadan madooobe uu ku guuleeystay jagadaasi, ka dib markii uu helay 153 cod, halka 54 na uu helay Kiish Buur, iyadoo 6 codna ay halowday sida uu sheegay Boqorre. Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somalia ee Maanta la doortay Sheekh Aadan Madoobe oo halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa waxa uu u mahad celiyay intii dooratay iyo intii aan dooran, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in sida dimuqraadiyada leh ee loogu doortay jagada, isagoo tilmaamay in si cadaalad ah uu u gudan doono xilkiisa. Sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Ibraahim Kiish Buur oo kula loolamayay Sheekh Adan Madoobe jagada Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia, waxaana uu ka sheegay halkaasi in uu ku faraxsan yahay isla markaana uu ku qanacsan yahay sida ay u dhacday doorashada. Ilaa 10 Musharax ayaa isku soo taagay jagada Gudoomiye nimo ee Baarlamanka Somalia, iyadoo wareegii ugu dambeeyayna ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe Iyo Kiish Buur oo aakhirkiina uu ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe. Sheekh Aadan madoobe ayaa Bishii August sanadkii 2004ta ku guul dareystay in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka markii uu loolan kula galay magaalada Nairobi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkii isna laga qaaday 17 kii bishaan markii lagu eedeeyay in uu u janjeersaday dhinaca maxkamadaha islaamka. Laakiin Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kal hore wareysi uu siiyay Shabelle waxa uu ku sheegay in uu qaadacsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo sheegay in uu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee Baarlamanka Somalia. Dhimaca kale Banaanbax lagu taageerayo Sheekh Aadan madoobe sida uu ugu guuleeystay Afhayeenimada Baarlamanka Somalia ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo boqolaal dad ah ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Baydhabo. C/casiis Sheekh Max'ed Shabelle Media Network Baay E-mail us: info@shabelle.net
  2. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Lagu kala Baxey: Aadan Madoobe oo La Doortey. 01/31/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhaba ee Xarunta Dowlladda Kumeelgaarka ka socda doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana maanta isa soo sharraxey mudaneyaal gaaraya 11 xildhibaan hase yeeshee markii ugu dambeeysey ayaa waxaa is casisley 4 ka mid ah musharrixiinta, waxaana ugu dambeyntii isku soo harey 7 musharrax. Inta aysan billaaban doorashada ayaa waxaa halkaas khudbad ka jeediyey Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka , Cusmaan Cilmi Boqorre wuxuuna sheegey Qodobadan soo socda: 1-Wareegga koowaaad musharraxii hela saddex meelood 2 meelood codadka la dhiibtey asaga ayaa ku guuleysanaya. 2-Wareegga labaad waxaa isku soo harayaa afarta ugu Cod badan. Haddii laba ka mid ah isku cod helaanna waa ka wada qaybgalayaan. Tartamihii hela 3 meelood 2 meelood codadka la dhiibto asaga ayaa ku guuleysanaya. 3-Wareegga saddexaad waxaa isku so haraya labada musharrax ee ugu sarreeya codadka la dhiibtey waxayna ku guuleysan doonaan cod hal dheeri ah. Intaas ka diba waxaa la gudagaley doorashada waxayna u dhacdey sidan. Markii ay doorashadu billaabaneysey dad badan ayaa isha ku hayey labada musharrax ee kala ah Saalim Caliyoow Ibroow iyo Sheekh Aadan Madoobe midkood inuu guuleysan doono, hase yeeshee waxaa isbeddeley fikraddii ahayd inuu Saalim lambarka labaad geli karo waxaana meesha soo ciriirsadey Ibraahin Maxamed Aadan “Kiishbuur” oo noqdey ninka labaad ee la tartama Sheekh Aadan Madoobe. Waxaana Xildhibaannada doorashada ka soo qaybgaley tiradoodu gaareysaa 213 xildhibaan, waxaana ugu dambeyntii ku guuleystey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) wuxuuna heley cod gaaraya 153, halka Ibraahin Kiishburna uu heley 54 Cod. Waxaa xumaadey 6 cod. Waxaana halkaas hadal gaaban ka jeediyey Guddoomiyaha cusub oo sheegey inuu u mahad celinayo kuwa doortey iyo kuwa aan dooraninba, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey tartamihii la tartamaayey ee kiishbur. Sidoo kale waxaa isna hadal gaaban jeediyey “kiishbuur” oo sheegey inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka ee cusub. Sida uu sheegey Guddoomiyaha Kuxigeenka labaad waxaa la qaban doonaa xaflad lagu caleemo saaraayo Guddoomiyaha cusub waxaana maanta doorashada Guddoomiayah Baarlamaanka darteed magaalada soo gaarey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Waxaa halkaas ku soo afjarmey khilaafaad aad u weynaa oo muddo laba sano hareysey Dowlladda, iyadoo khilaafaadkaasna uu ka imaanaayey Guddoomiyaha hore iyo Madaxweyanha iyo Ra’iisalwasaaraha oo hal dhinac ah. Waxaa ninka la doortey uu yahay nin ay aad iskaga fikrad dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisulawasaarahaba. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  3. ^^^Horseednet.com has aproven track record of telling real and factual news, even more so than the rabid clan website Shabbele. It is taking place in the lower Shabeble, the weapons they ran away from are substantial in Ras Kamboni.
  4. ^^^He has fought for his people against those who occupied his region as a member of the RRA. Unlike Shiekh Xasan dahir, Shiekh IndaCade, Shiekh Sharif, Shiekh Cirfo, Shiekh Abdiqasin who all fought to instal an occupation on fellow Muslims, who shed blood in North East, Gedo and clan courts. When you lose the war, dont call others title you would not want for your fake hero's..
  5. BAYDHABO: Sheekh Aadan Madoobe oo ku guulaystay Afhayeennimada Baarlamaanka Soomaaliya Posted to the Web Jan 31, 14:05 Baydhabo (PP) - Iyadoo doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka bilaabatay saakay Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ADC-da, ayaa waxaa isku soo sharraxay ku dhawaad 10-xubnood iyadoo 3-xubnood oo ka mid ah ay iska casileen ka qaybgalka Doorashada intii aysan doorashadu billaaban. Doorashada oo ahayd mid laba waji ah ayaa waxaa wajigii kooxaad ay ku soo gabagabowday iyadoo aan la kala badin, waxaase wajigii labaad intii uusan bilaaban ka baxay doorashada xubno fara badan oo uu ku jiro Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow oo isagu loo saadaalinayay inuu ku soo baxayo doorashada Afhayeenka Baarlamaanka. Sheekha Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Ibraahim Aadan Xasan (Kiish Bur) oo isugu soo haray Doorashada qaybteedii labaad ayaa waxaa ku guulaysatay Jagadii loo taratamayay ee Afhayeenka Baarlaamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo helay codad gaaraya 153-cod, halka Ibraahim Kiish Bur uu ka helay isaguna 54-cod oo qura, waxaana halaabay 6-cod. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in jagada Afhayeenka Baarlamaanka uu ku guulaystay Sheekh Aadan Madoobe, kaddib markii uu helay codad gaaraya 153-cod. Sheekh Aadan Madoobe oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo doortay, waxaana uu sheegay in xilkaas culus uu ALLE la garab galo, isagoo ka codsaday xildhibaanada maanta ka qaybgalay doorashada oo gaarayay 213-xildhibaan inay howshaas culus la garab galaan. Ibraahim Kiish Bur dhankiisa la hadlay saxaafadda markii la soo gabgabeeyay doorashadii ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay doorashadu ay ku dhammaatay, isla markaana wuxuu carrabka ku dhuftay inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanak Federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa ahaa Xildhibaankii uu kaga guulaystay Shariif Xasan Sheekh Aadan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka ee ka dhacday dalka Kenyan sannadkii 2004-ta Bishii August markaasoo la dooranayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia. Doorashadaan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dalka dibaddda uga maqnaa loo codeeyay in laga qaado xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay musuqmaasuq iyo ku takrifal xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  6. Faahfaahin Shiikh Adan Modoobe oo ku guulaystay doorashadii jagada gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Posted to the MOL January 31, 2007, 11:15 am Baydhabo:- Shiikh Adan Modoobe ayaa manta si rasmi 3 wareeg ka dib ku guulaystay Xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia isagoo helay cod dhan 153 wareegii 3aad oo iskula soo baxeen Xil. Ibraahim Kiish Buur oo ay tartamayeen. Doorashada maanta oo ay u codeynayeen xildhibaanada baarlamaanka oo tiradooda guud ahayd 213 ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre. Mr. Boqore ayaa si rasmi ka dib 3 wareeg ugu dhawaaqay in Shiikh Adan Modoobe si rasmi ah ugu guulaystay jagada banaanayn ee gudoomiyaha baarlamaanka dawlada Somaliya. Jagadaas oo horey uu u hayn jiray xil. Shariif Xasan sheikh aadan ka dibna baarlaamnka Somaliya xilkaas ka xayuubiyeen markuu codsiyo badan ka dib ku soo noqon waayay xurunta baarlamaanka Somaliya ee Baydhabo. Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe oo horey sannadkii 2004 ahaa musharaxii la tartamay gudoomiyihii hore ayaa doorashadii ka dib la hadlay baarlamaanka isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay doorashada u abaabuleen iyo sida cadaalada ah ee loo kala reebay ragii jagadaan u tartamayay isagoo intaas ku daray inay isugu mid yihiin xubnihii u codeeyay iyo kuwii aan u codeyn oo uusan soo kala dhaweynsan doonin. Xil. Ibraahim Kiish Buur oo ahaa musharaxii ay wareega 3-aad isugu soo baxeen Sheekh aadan madoobe ayaa isna u mahad celiyay xubnaha baarlaamnka isagoo sheegay inuu ku qancay sida cadaalada ah ee ay u dhacday doorashadu isagoo u hanbalyeeyay Sheekh Adan Madoobe. Bilowgii doorashada ayaa waxaa ku tartamayay Ilaa 7 Musharax iyadoo wareegii ugu dambeeyayna ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe Iyo Kiish Buur oo ugu dambeyntiina uu ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe. Sheekh Aadan madoobe ayaa ah nin aad looga yaqaan Somaliya isagoo soo noqday gudoomiyihii ugu dambeeyay ee jabhaddii wax iska caabinta gobolada Baay iyo Bakool. Ka hor intaasna wuxuu ahaa wadaad sumcad weyn ku lahaa bulshada Baay iyo Bakool. Sheekh Adan Madoobe ayaa la filayaa inuu dardar galin doono hawlaha baarlamaanka oo intii gudoomiyihii hore ka tagey aan qaban wax saas u weyn marka laga reebo sharciga amarka degdega ah ee ay wadanka ku soo rogeen iyo xilka ay ka qaadeen gudoomiyihii hore. Mudugonline.com
  7. Ciidamada DFKMG iyo Kuwa Itoobiya oo hubka dhigis ka sameeyey naawaxiga Raas Kambooni Last Updated::2007-01-31 14:45:21 Raas Kambooni:- Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya ayaa wada hub aruurinta dhamaan deegaanada koonfureed ee gobalka J/hoose. Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa maanta magaalada Raas Kambooni kusoo bandhigay hubkii ugu danbeeyey ee laga qaaday maleeshiyooyinkii Maxaakiimta ee horey deegaanadaasi ugu sugnaa. Waxaa markii ugu horeysay loo ogolaaday in ay soo booqdaan magaalada Raas Kambooni suxufiyiinta madax banaan. Raas Kambooni oo ahayd xaruntii ugu weyneyd oo ay maxaakiimta ku lahaayeen dhulka koonfureed ee J/hoose,ayaa sidoo kale waxaa sanado badan kasoo talin jiray Wadaadka Xassan Turki oo kamid ahaa hogaamiyaashii Maxaakiimta. Hub faro badan oo isugu jira madaafiic iyo qoryaha daraandooriga u dhaca iyo Baasuukayaal ay ku hubeysnaayeen maleeshiyooyinka maxaakiimta ayaa la arkayey ayagoo lagu aruurinayo goob aan ka fogeyn xeebta Raas Kambooni. Dowlada Federaalka ayaa illaa iyo hada ka gaabsaneysa in ay faah faahin buuxda ka bixiso halkii ay ku danbeeyeen maleeshiyooyinkaasi, ayadoo ay jiraan Meydad badan oo ay qaateen rag lagu sheegay in ay baaritaan u yimaadeen oo ka tirsan Ciidamada Maraykanka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la tuhunsan yahay in qaar kamid ah hogaamiyaashii maxaakiimta ay ku dhinteen dagaaladii halkaasi ka dhacay todobaadyadii lasoo dhaafay.
  8. ^^^It is indeed, Shiekh Adan madobe is a much stronger character than the former speaker, he is a nationalist and has a good religious educational background, I have been told.
  9. I wish the good Shiekh all the best, may he play a central role in the developemnt of our national instutions. Amiin.
  10. more on this story... Minnesota: Somalis in Minnesota have gathered to show full pledge support for their Somali government. This tremendous event was held in Minneapolis Convention Center. It was a magnificent ceremony and great opportunity for the Somalis to rejoice again. Many Somalis were wearing the Somali flag and weaving posters of the current Somali President Abdulahi Yusuf Ahmed. In commemoration of nationalism, Somalis marked this day with colorful costumes, poetry and national songs.
  11. ^^^I agree, the former unarmed groups should play the leading role in the affairs of their districts.
  12. Saxib you do talk allot of tush, trying in vain as you will. No oen targeted Islamists, the country is 100% Muslim and even secular is just a word in Somalia, most people pray and follow the faith. The armed groups such Al-Itixad, and lately the clan courts lived by the gun and lost by it. They wanted power and faced others who competed with them. However the unarmed clans, such as the one mentyioned above, lost out because they did not have guns, their religious one and non religious were not spared by the aremd factions, which included Xasan Dahir, IndaCade who occupeid their territories for a decade or so.
  13. The Somali president Abdullahi Yusuf, who he arrived at the summit in Addis Ababa, told journalists that his transitional government would be engaged in peaceful dialog with the secessionist government of Somaliland when the rest of Somalia was tenable and peaceful. "My government will not bother Somaliland until we successfully restore peace and security to Somalia," he told the press.
  14. Shabeelada Hoose Waxaa Soo Gaarey Ciidanka Dowladda oo Ka Kooban Dadka Gobolka U Dhashey. Afgooye oo Howlgal Laga Billaabey. Xafiiska Dowladda Hoose ee Afgooye.01/24/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Tan iyo markii maamul kumeelgaar ah loo sameeyey Degmada Afggooye ayaa halkaas waxaa ka tagnaa muranno badan oo dhinaca Maamulka, Canshuuraadka iyo Nabadgelyada Degmadaas oo aan si wanaagsan isku dubadhicin. Isqabqabsiga ayaa yimid ka dib markii Guddiga Maamulka Kumeelgaarka ah ee ka kooban 6 Xubnood ay noqdeen laba beelood oo keliya ah. Arintaas waxay hakad gelisey howlihii Maamulka Degmada iyadoo beelaha kale ee Degmada deegaan ku leh ay diideen inay socodsiiyaan shaqada maamulka kuwaas oo ku andacoonaaya in aan maamulka loo dhameyn, Arrintaasna waxay keentey inay nabadgelyada Degmadu ay aad u xummaato iyadoo kooxo malleeshiyooyin ah oo ka tirsanaan jirey maamulkii dulmiga ku dhisnaa ay billaabeen howlo aamandarro ah. Sidoo kale is-afgaranwaaga beelaha ayaa mas’uul ka ahaa in la hor istaago canshuuraad halkaas laga qaadi lahaa iyadoo marar badan uu maamulku isku deyey inuu canshuur ka qaado goobaha ganacsiga Xoolaha, Badarka, Qudaarta iyo ganacsiga kale ee caaadiga ah. Markii uu ammaanku faraha ka sii baxey ayaa ciidamo Dowlladda FKMG leedahay waxay magaalada ka billaabeen howllo amaanka ay ku sugayaan waxaanay magaalada ka dhowreen in hub lala soo galo. Sidoo kale waxaa howllo kale oo ammaan sugid ah ka billaabeen Tuulooyinka u dhow magaalada Afgooye, waxaana durbadiiba la soo qabtey qaar ka tirsan kooxihii aamaandarida wadey. Maamulka Degmada Afggooye wuxuu markii uu gacan ka heley ciidamada Dowlladda billaabey canshuur arurin. Waxaa dhammaan goobaha ganacsiga laga billaabey dakhliga lagu socodsiinaayo maamulka Degmada. Sidoo kale waxaa markii ay ciidamadu howgalka billaabeen dacwad iyo qaayllodhaan billaabey haraadigii maamulka Xuseen ‘Cirfo’ oo ku andacoonaya inay joogaan Booliis, Manashiibiyaal iyo militeri waxayna ku doodeen in aan la siinin xuquuqdii iyo mudnaantii ay lahaayeen, waayo bay yiraahdeen “annagu ciidamo ayaan nahay maamul kasta inaan la shaqeeyno diyaar baan u nahay” bay yiraahdeen. Tani waxay tuseysaa inay weli yihiin maquusteyaasha uu horey u sheegey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxay si xaaraan ah Degmada iyo Gobolkaba ku soo haysteen muddo 16 sano ah iyadoo dakhliga deegaanka soo gala iyo kuwo ay dadka caadiga leeyihiin oo baad ahaan looga qaadan jirey jeebkooda ku dhaci jirtey, ayay weli waxay damac ka qabaan inay maamulka xalaasha ka sii mid ahaadaan, hase yeeshee taas waqtigeedii waa dhammaadey waxaa la gaarey xilligii xaqdarada ay ku jireen soo afjarantey. Si kastaba ha ahaatee maamulka Degmada Afggooye oo markii ugu horreysey muddo aad u dheer ka dib ay hormuud ka yihiin dadka deegaanka u dhashey wuxuu u muuqdaa mid sii shaqeynaaya asagoo ka faa’ideysanaya awoodda ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka ah, waana degmada 4aad ee Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka iska leh ay maamulayaan. Waxaa kale oo jira in ciidamadii Dowladda oo la keeney Gobolka ay u badan yihiin dadka u dhashey Gobolka. Degmooyinka Wallaweyn, Awdheeglle iyo Qoryooleey ayaa waxaa ka taliya dadka deegaankaas ka soo jeedo weji kasta iyo siyaasad kasta ha aaminsanaadeene. Waxaa weli gacanta ku jirin 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo kala ah Marka, Kunturwaareey, Sablaale iyo Baraawe oo ay weli ka taliyaan kooxihii sida xaqdarrada ku haystey muddo 16 sanadood ah. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  15. Maxamed Abbas: “Dhibaatada Ugu Weyn Waxaa Loo Geystey Beelaha Banaadiriga…” source Maxamed Cabbaas Guddoomiyaha Beelaha Banaadiriga Ee Taliyaaniga.
  16. ^^^Angry populace from one sub-district out of fifteen districts, you never knew much regarding all things the "south"..
  17. What has your support for the courts achieved? they lost, so keep being anti-TFG, it will only further their progress. Take Minneapolis, how many people came to the anti-TFG meetings and how many came to the pro-TFG? How many cities are at peace, and even in Mogadushu how many districts are in an uproar? Yusuf has side steped all his enemies.
  18. Desperate measures, an article from a wetsern media is the proof you people have? If thats the case then how many articles have been written which have defamed many from our corner of the world? MMA, President Yusuf's visa was never in question and as you know he has visited the US, New York in particular not long ago. As for legitimacy, he has that from the people, the man was the leader of 1/3 of Somalia for a decade, and has been elected in an open election. He has a large support base. Keep talking people..
  19. ^^^Indeed internal dialogue, it seems Zanawi knows Somalia more than you mate.. Camir had a good point, but I have this feeling that the reconciliation will be within communities to address internal conflicts and work out ways to set up admins for the areas that have none. Somalia has a government it has to reach out to the people, there are no more clan courts.
  20. Muqdisho: Salaad Cali Jeelle: " Waxaan og soonahay xaafadaha iyo guryaha laga soo abaabulo falalka amni xumo ee ka dhaca Muqdisho". Talaado, January 30, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay wax weyn ka qaban doonaan falalka nabadgelyo xumo ee ka jirta magaalada Muqdisho isla markaana ay goor dhow ciidamada dowladda bilaabi doonaan howlgalo xasiloonidii dib loogu soo celinayo. Wasiir kuxigeenka oo maanta la hadlayey saxaafadda kadib kulan nabadgelyada looga hadlayey oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir isagoo sheegay in ay ogsoon yihiin kooxaha ka danbeeya falalka lagu bartilmaameedsanayo ciidamada dowladda halka ay ku nool yihiin iyo guryaha laga soo abaabulo, wuxuuna ugu digay labo xaafadood uusan magacaabin shacabka ku nool in ay iska ilaaliyaan kooxahaasi oo aysan dhibaato u keenin. Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay dhawaan howgelo gaar ah fulin doonaan iyagoo bartilmaameedsanaya goobo ay ku tuhunsan yihiin in laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah dowladda. Kulan maanta ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu go'aamiyay in wax weyn laga qabto amaanka gobolka Banaadir iyadoo la howlgelinayo ciidamada Booliska oo howlo hub aruurin ah ka bilaabi doona dhawaan magaalada Muqdisho. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  21. The TFG is speaking to those clans in questions, however patiance is running out and action will be taken soon. As for the claim this will be a successful strategy, well thats what they said when they attacked Baidoa, this will be an even worse failure for them..
  22. Algeria promises support for UA peacekeeping force in Somalia Tue. January 30, 2007 11:07 am. - Send this news article Mohamed Abdi Farah (SomaliNet) The leader of the African Union (AU) Commission Alpha Oumar Konare said on Monday that Algeria has promised to provide transportation for the deployment of African peacekeepers to Somalia. "Algeria has announced that it is ready to transport Ugandan and Rwandese troops to Somalia," Konare said when addressing the opening session of the 8th AU summit. The chairman thanked the North African country, saying that this is an example that "Africa can be in a position to show its responsibility." Konare urged a rapid deployment of peacekeepers to the Horn of Africa country, whose transitional federal government roused its powerful rival Islamist forces in a lightning battle under the Ethiopian military support. "The more we delay in deploying the troops, the more risks for worsening situation," he said. So far only Uganda, Nigeria, Malawi and Ghana have announced that they would contribute around 4,000 troops to the peacekeeping forces, half of the number that the AU has proposed. "We have approached other countries and are waiting for response,"said Konare. He expressed satisfaction with Ethiopian troops' withdrawal from Somalia, but cautioned that "if the troops of the African Mission in Somalia are not deployed quickly then chaos will descend." News Category: Somalia Latest Headlines