
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Bossaso: New Radar instillation + pres Cade meeting
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^Stop the lies saxib, not a single man I mentioned has his house attcaked, only the Minister of Commerce house was attacked and there where no casualty. These men enjoy huge support specially the mayor who was even close to the defeated courts. Anyhow you are an "expert" on all things Mogadishu, yet you highlight your ignorance and hate towards these people. -
3000 men from Hiiraan, they all must be Yey's clan right??/ Maamulka Gobalka Hiiraan oo sheegay in 3000 Maleeshiyo ay u diyaariyeen inay kamid noqdaan ciidamada DF. Baladweyne, Arbaco 14 February 2007 Simba Radio Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Muxumed Maalin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo gaaray 3000 Maleeshiyo ay u diyaariyeen inay ka mid noqdaan ciidamada Dowlada Federaalka Somalia . Xuseen ayaa sheegay in ciidamadaasi ay kamid noqon doonaan ciidamada ku xareysan xerada Balidoogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose halkaaso lagu tababari doono. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay haatan diyaariyeen 1200 oo Maleeshiyo kuwaasoo saddex maalmood lagu aruurinayay gudaha Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan. Maleeshiyadaan oo ka imaanaya beelaha dega gobalka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayay gudaha Magaalada Baladweyne. Ma ahan markii ugu horeysay oo maleeshiyo beeleedyo lagu aruuriyo Gobalka Hiiraan iyadoo ciidamadii ugu dambeeyay uu horkacayay Taliyaha Ciidamada DF ee Gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan Col. Muqtaar Xuseen Afrax. Simba Media Center, Muqdisho Somalia
-
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The article is more about a pay day for the journalist than facts on the ground. He mentions the name of the deputy mayor and police chief, but not a single warlord who has re-emerged. The title suggests its not even a new warlord but the old, but does not mention any? No was is doubting there is much to be done, but the firts steps have been taken, many millitia are being trained, local police are in their startions taking hits and hitting back, the armed forces are on the streets.. Insha Allah the firts part which is control, of the airport, seaport, police stations and even the presedential palace have are all under the government control. The next phase is to disarm the population and have enough men on the ground.. The warlords are finished, they are now only representing their clans as MP's, and hold no title within the TFG. -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^anyhow they are not a pro Yey site, but what would you know.. Mogadishu Police Chief Ali Sa'id Abdi said his officers are working to contain the violence. This man is head of the Banadir police force and is a local with great ties to the population and insight to their needs.. -
Bossaso: New Radar instillation + pres Cade meeting
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Mogadidhu has a local admin, headed by Cade Gabow, Mogadishu has a local police chief Col Cali Sacid and Mogadishu has local police and those who represents the security situation of Mogadishu are from Mogadishu, Minister Salad Cali Jelee. Dont talk out of your backside saxib, you know nothing of the situation of Mogadishu.. -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dadweynaha Muqdisho ayaa waxay ku guulaysteen inay iska dhiciyaan kooxaha habeenkii ka rida xaafadahooda inay iska dhiciyaan, taasoo sababtay in xalay Magalaada Muqdisho ay noqoto meel aanay ka dhici weerarro madaafiic puntlandpost.com -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxgaradka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kadib howlgalo amniga lagu sugayo oo ay xalay bilaabeen. Dhanka kale waxaa xaafadaha Muqdisho ka bilowday abaabulka ciidamo Madani ah oo xaafad kasta ay ka howlgalayaan kuwaasi oo gacan saar la leh ciidamada dowladda, arintan oo ka danbeysay kadib kulamo ay yeesheen saraakiisha dowladda iyo maamulada degmooyinka oo la isku af gartay in la sameeyo ciidamo Madani oo ka hortaga kooxaha falalka amni xumo ka fuliya Muqdisho. -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Again thats has nothing to do with warlords saxib, the people are taking control of their neighbourhood in conjungtion with the government forces.. Ibrahim Omar Sabriye is the deputy mayor and not a warlord, where are the warlords in the article? -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Which warlords have re-emerged? A nice headline which grabs the attention, but little in substance... The warlord era is over, no single warlord controls any part or any adminstartion in Mogadishu, Jowhar or any other region. -
Bossaso: New Radar instillation + pres Cade meeting
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Jaylani, stop with the nonsence, the courts lost a war they started, this is the relity, it was them who started this war, who attcaked Baidoa and who publicly stated, they wanted to remove the TFG, their supporters were really excited and now all of a sudden they are blaming the victim card. We have factual evidance of this. Mogadishu will get better and the country as a whole, it takes time but now there is one governemnt and most of the country had admins which come under this government. Simple really. -
Bossaso: New Radar instillation + pres Cade meeting
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
JC, not all of Mogadishu people need to be blamed for what happened. Howevr some who claim Mogadishu here have atendency to blame others for their own problems, for example they will not acknowledge the fact that the policies of warlords, clan courts and other groups have placed them in this position. They ignore the fact that bafoons like INDACADE, XASAN DAHIR, started this war, and made daily threats against Ethiopia. Thus why did they not understand the course the people were c*****ng? Today they cry about an occupation and belive that shelling, destroying property and killing and maiming Mogadshu residenets will bring some sort of glory. Some are cloaking their clan sentiment under the garb of the faith, Xoogsade is a good guy, emotional but never the less he is stright. A change of strategy is in order, peace, governance and economic developmetn will help the clans of Mogadishu as it will any other clan.. -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo xalay howlgalo ka sameeyay magaalada Muqdisho. Arbaco, February 14, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Itoobiya ayaa xalay howlgalo ka fuliyay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyagoo baarayey gaadiidka isticmaala wadada Tarabuunka iyo agagaarka isbitaalka Xoogga dalka. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa xalay isku fidiyay wadada dheer ee Tarabuunka waxayna amar ku siinayeen gaadiidka isticmaala wadadaas in ay dadka ka soo degaan si loo baaro, mana jirto wax dhibaato ah oo ciidamadaasi ay u geysanayeen dadka. Sidoo kale ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay lasoo dhigay degmooyinka Shibis, Cabdi Casiis, Boondheere iyo Isgoysyada Xararyaale iyo Siinaay, iyagoo aad u adkeeyay amaanka goobahaasi, mana jirin wax qarax iyo weeraro kale oo xalay ka dhacay Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya oo hor leh ayaa soo galay gudaha magaalada Muqdisho iyo daafaha caasimada, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka howlgalaan magaalada Muqdisho. Waxgaradka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kadib howlgalo amniga lagu sugayo oo ay xalay bilaabeen. Dhanka kale waxaa xaafadaha Muqdisho ka bilowday abaabulka ciidamo Madani ah oo xaafad kasta ay ka howlgalayaan kuwaasi oo gacan saar la leh ciidamada dowladda, arintan oo ka danbeysay kadib kulamo ay yeesheen saraakiisha dowladda iyo maamulada degmooyinka oo la isku af gartay in la sameeyo ciidamo Madani oo ka hortaga kooxaha falalka amni xumo ka fuliya Muqdisho. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu: TFG troops take to the streets..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia oo si weyn loo adkeeyay Posted to the Web Feb 14, 17:22 Muqdisho (PP) - Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee (Villa Somalia) ayaa si weyn loo adkeeyay kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda ay ka sameysteen fariisimo goobo ku dhowdhow Xarunta Madaxtooyada oo habeenkii inta badan lagu tuuro madaafiic. Daafaha Villa Somalia ayay ciidammada dowladda Federaalka fariisimo iyo goobo kontaroollo ah ka sameystaan markii la gaaro maqribka, si ay u sugaan ammaanka guud ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo dhowr jeer ay kooxo hubeysan la beegsadeen gantaallada garabka laga tuuro iyo hoobiyeyaal kala duwan. Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxay baaritaanno ku sameeyaan gawaarida marta waddooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada iyadoo gaariga iyo dadka saaranba si aad ah loo baaro, waxaana gawaarida intooda badan baaritaan lagu hayaa muddo daqiiqado ah si loo hubiyo gaariga iyo waxa saran. Sidoo kale dadweynaha ayaa mid mid loo baaraa, waxaana laga baaraa hub iyo waxyaabaha qarxa oo laga cabsi qabo inay ku soo qaatana gosha iyadoo looga baqayo inay qarax ku sameeyaan madaxtooyada iyo agagaaraheeda. Baaritaankaan xooggan ayaa yimid kaddib markii habeennadii ugu dambeeyay weeraro culus lagu qaadayay fariisimaha ciidamada Dowladda iyo goobaha ay daggan yihiin Madaxda Dowladda iyadoo la sheegay in inta badan goobaha Madaafiic laga tuuri jiray ay yihiin Xaafada ku dhow dhow Agagaarka Madaxtooyada ama Villa Somalia. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com -
MUQDISHO: Ciidammada Dowladda Federaalka oo billaabay xalay inay sugto amaanka waddooyinka Muqdisho Posted to the Web Feb 14, 07:53 Muqdisho (PP) – Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billaabay xalay inay sugaan amaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo xalay baaritaanno ku sameynayay gawaarida isticmaala waddooyinkii ay xalay sugayeen ammaankooda. Ciidammada Dowladda ayaa waxay billaabeen inay sugaan waddooyinka waaweyn ee dhex mara degmooyinka Wardhiigley, Howlwadaag, Hodan, C/casiis, Boondheer iyo Degmada Madiina, waxaana halkasa ay dhigteen jidgooyooyin ay ku baarayaan gawaarida waddooyinkaas maraya. Sidoo kale waxay si weyn u buuxiyeen iyaga iyo ciidammo Ethiopian ah xaafadaha degmooyinka ay waddooyinkooda ku sugnaayeen ay ula diriraan kooxaha burcadda ah ee caadaystay inay dadka dhac ugu geystaan gudaha caasimadda. Howlgalkaan ayaa ku soo beegmay iyadoo xalay aysan jirin wax qaraxyo madaafiic ah oo ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho, waxayna caasimaddu xalay ahayd goob nabdoon oo aysan ka jirin qaraxyadii ka dhacay habeennadii la soo dhaafay. Hal qarax oo aan la garanayn goob uu ka yimid ayaa xalay ka dhacay Muqdisho oo habeen walba ay ahayd mid ay ka dhici jireen in ku dhow 10-qarax ama ka badan, waxaana dadweynaha Muqdisho ay saakay isugu bishaaraynayeen qaraxyo la’aanta ay ku bariday Magaalada Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
-
Afmadow Dhoobley community spport the Juba admin
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxgarad iyo Culuma-udiin ku dhaqan deegaanada Afmadoow iyo dhoobley oo soo dhaweeyey Maamulada Cusub. Waxgarad iyo culuma-udiin ku dhaqan deegaanada afmadoow iyo dhoobley ayaa soo dhaaweeyey Maamuladii loo dhisay gobolada Jubooyinka ee uu magacaabey Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. hogaamiyaasha dhaqanka iyo siyaasiinta deeganadaasi oo maalmahaani lahaa kulamo is dabajoog ah kadib ayaa waxa ay taageereen oo ay soo dhaweeyeen qorshaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ah Maamulada loo sameeyey gobolada J/dhexe iyo J/Hoose waxaana ay sheegeen in dhibaatooyinka hada jira looga bixi karo oo kaliya in la helo nadaan dowladeed islamarkaasina lahelo goboladaan Maamulo kashaqeeya oo joogta ah korneel ismaaciil haaruun oo kasoo jeeda deeganadaasi siyaasiintooda ayaa waxa uu sheegay in maamulkii dhawaan laga Magacaabey deeganada Gobolada Jubooyinka si weyn looga taageeray dhinaca afmadoow iyo waliba dhoobley kuwaasoo oo uu howla shaqo uu ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafey. hadaba taageerista Maamulkaani ee deegaanada jubooyinka qaar kood sida afmadoow iyo dhoobley ayaa waxay kusoo beegantay xili qaar ka mid ah beelaha dega gobolada jubooyinka ay diideen qaabka loo maamuley gobolada jubooyinka kuraasta lasiiyey iyo waliba sida loo dhisay maamuladaasi. hase yeeshee waxaa arrintaasi iyaguna si weyn u soo dhaweynaya deegaanadaasi oo katirsan gobolada J/hoose iyo J/dhexe abdi.farjano kismaayopost@hotmail.com -
Afmadow iyo Dhoobley oo laga tageeray maamulka 14 Feb 14, 2007 - 6:39:07 AM Kismaayo - Odoyaasha dhaqanka ee degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, oo maalmahaan kulamo ku lahaa deegaanadaasi ayaa markii ugu horeeyay saxaafada u sheegay inay taageersan yihiin maamulka gobolada Jubbooyinka loo soo magacaabay. Nabadoon Cali Muxumed Xasan oo ka tirsanaa odoyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaan odoyaasha beelaha degada degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ay ku heshiiyeen inay taageeraan maamulka uu dhawaan Madaxweyne Yuusuf u soo magacaabay gobolada Jubbooyinka. Nabadoon-ka ayaa sheegay in waxii maanta ka bilowda ay la shaqeyn doonaan mamulkaasi, isla markaana ay aqoonsan yihiin, waxuuna ugu baaqay beelaha kale ee Jubbooyinka dega inay iyagana taageeraan maamulkaasi. Nabadoon Cali Muxumed waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay tahay Dowlada kaliya ee xiligaan Somalia ka jirtay isla markaana la rabo in shacabka ay taageeraan waxii ay usoo magacowda gobolada. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa gobolada Jubbooyinka waxaa ka jiray guux ay wadaan qaar ka mid ah beelaha ku sugan degaanka Jubooyinka kuwaas oo sheegey inaysan la shaqeyn doonin maamulka la soo magcaabey. Gobolada Jubooyinka ayaa waxa horey u soo maamuli jirey maamulo ay soo dhisaan dagaal ogaayaashii ku dagaalami jirey degaanadaas kuwaas oo colaad dhex dhigey shacabka walaalaha ah ee ku nool degaanadaas. Cabdi Fatax Axmad,GO
-
^^^Compared to other governemnts yes. But not for long insha Allah..
-
Baarlamaanka Ugadha oo ansixiyey ciidamada loo dirayo dalka Soomaaliya Last Updated::2007-02-13 21:37:50 Kambala:- Baarlamaanka dalka Ugandha ayaa si rasmi ah u ansixiyey in ciidamo gaaraya 1500 loo diro dalka Soomaaliya. Maanta oo Talaado ayuu Baarlamaanka Ugandha fadhigiisii ugu horeeyey cod ugu qaaday qorshaha dowlada Yuweri Musfeni ay ciidamada ugu direyso dalka Soomaaliya. Qorshahan ayaa waxaa si weyn u taageeray Madaxweynaha Dalka Ugandha iyo xildhibaanada xisbiga dalka ugandha taladiisa haya. Ansixintan ayaa timid xili lagu jiro dadaal lagu doonayo in la meel mariyo qorshaha Midowga Afrika ee ciidamada Nabad illaalinta ah loogu dirayo dalka Soomaaliya. Dowlada Yugandha ayaa bilihii lasoo dhaafay tababaro kala gedisan siineysay ciidamada loo dirayo. Dowlada Maraykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageersan in ciidamada Ugandha la geeyo dalka Soomaaliya, si ay u bedalaan kuwa Itoobiya. Waxaa kaliya oo xiligan ciidamada Ugandha u dhiman qaadistooda, ayadoo aan la aqoon halka ay wax marinayaan dalalka kale ee ku deeqay in ay ciidamo usoo diri doonaan dalka Soomaaliya oo ay ku jiraan Nigeria, Ghana iyo Burundi. Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka ciidamada Ugandha ayaa sheegay in ciidamadan sida ugu dhakhsaha badan loo diri doono dalka Soomaaliya, asagoo carabka ku dhuftay in todobaadka soo socda la qaadi doono cutubyada ugu horeeya. HorseedNet.com
-
^^^Nice explanation, but Buhudle Cayn, Las Ano SOOL, Talex, Badhan AND Las Qoray SANAAG, are all in Puntland Somalia hands. Get over it..
-
Col Abdi Mahdi ; interview rubishes claims made by some....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afgaduud, Mahdi, ? , Farataag. At the rally where the incident happened. They are sitting together, yet one is being blamed for the incident? -
Col Abdi Mahdi ; interview rubishes claims made by some....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Was he the one injured? No it was Col Abdi Mahdi who got attacked and he had the above to say. Case closed.. Or are you going to fight on behalf of the Col? -
^^^Ssaxib, I am not building anything, I am a civilian who is just highlighting the rubish coming out of your secesionist mind. The city above is LA, SOOL, PUNTLAND SOMALIA... The blue flag welcomes you at the gate, beautiful right?
-
Col Abdi Mahdi ; interview rubishes claims made by some....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thanks for that mate, some people think we are still using the law of the jungle.. Between the officers,there are only Orders and protocals and who ever ceases to follow them should be court-martialed and its as easy as that. -
Col Abdi Mahdi ; interview rubishes claims made by some....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thanks for that mate, some people think we are still using the law of the jungle.. Between the officers,there are only Orders and protocals and who ever ceases to follow them should be court-martialed and its as easy as that. -
^^^lol. Saxib do you mean to act so ignorant, saxib, most of those cities are great for the people who buitl it, own it and control it. Thus stop hating...