General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^So why not support the normalisation of the country, if Somalia stabalises then things can be changed. If one continues to fli-flop as oen does nothing will change. Somalis want continues wars and do not know the price they are paying... Only way out is to strengthen our governemnt. When we had a central government these things were unheard of..
  2. Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Tony Blair. London, Talaado 20 February 2007 Simba Radio Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaliyeed Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay albaabada u xiranyihiin kula qaatay dalka Britain raiisulwasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arimo faro badan. Cabdulaahi Yuusuf oo dalka Britain u baqoolay todobaadkan horaantiisa kadib markii uu martiqaad ka helay xukuumadda Ingiriiska ayaa wuxuu kala hadlay Ra'iisul wasaare Tony Blair arimo la xiriira xaaladda uu dalka ku sugan yahay xiligaan iyo taageerada ay u baahantahay Dowlada Federaalka Somalia. Diiriye Jaamac Geelle oo ka mid ah masuuliyiinta ku howlan martigelinta Madaxweynaha ee dalka Britain ayaa wuxuu Idaacadda Simba u sheegay in labada Mas'uul ay isla soo qaadeen arimo faro badan oo ay ka mid tahay sidii lo xoojin lahaa xiriir dhex mara labada dhinac iyadoo Tony Blair uu balan qaday in si buuxda loo taageero Dowlada Federaalka Somalia. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa warbixin ka siiyay Ra'iisul wasaare Blair ma rxaladda Somalia ee iminka iyo waxyaabihii ay soo martay xiliyadii dhowaa. Madaxweynaha waxay sidoo kale kulmeen Afar wasiir oo kale kadib markii uu kulankiisa hore la qaatay Tony Blair wuxuuna kala hadlay arimo wasiiradaasi quseeya oo ay ka mid tahay la dagaaalanka waxa loogu yeero argagaxisada. Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili dowladda ay xusul duub ugu jirto sidii ay taageero ugu heli lahayd dar dar gelinta ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ah ee la filayo in Somaliya la keeno si ay nabadda u sugaan. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  3. Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Tony Blair. London, Talaado 20 February 2007 Simba Radio Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaliyeed Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay albaabada u xiranyihiin kula qaatay dalka Britain raiisulwasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arimo faro badan. Cabdulaahi Yuusuf oo dalka Britain u baqoolay todobaadkan horaantiisa kadib markii uu martiqaad ka helay xukuumadda Ingiriiska ayaa wuxuu kala hadlay Ra'iisul wasaare Tony Blair arimo la xiriira xaaladda uu dalka ku sugan yahay xiligaan iyo taageerada ay u baahantahay Dowlada Federaalka Somalia. Diiriye Jaamac Geelle oo ka mid ah masuuliyiinta ku howlan martigelinta Madaxweynaha ee dalka Britain ayaa wuxuu Idaacadda Simba u sheegay in labada Mas'uul ay isla soo qaadeen arimo faro badan oo ay ka mid tahay sidii lo xoojin lahaa xiriir dhex mara labada dhinac iyadoo Tony Blair uu balan qaday in si buuxda loo taageero Dowlada Federaalka Somalia. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa warbixin ka siiyay Ra'iisul wasaare Blair ma rxaladda Somalia ee iminka iyo waxyaabihii ay soo martay xiliyadii dhowaa. Madaxweynaha waxay sidoo kale kulmeen Afar wasiir oo kale kadib markii uu kulankiisa hore la qaatay Tony Blair wuxuuna kala hadlay arimo wasiiradaasi quseeya oo ay ka mid tahay la dagaaalanka waxa loogu yeero argagaxisada. Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili dowladda ay xusul duub ugu jirto sidii ay taageero ugu heli lahayd dar dar gelinta ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ah ee la filayo in Somaliya la keeno si ay nabadda u sugaan. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  4. Very amusing, some here threaten an old warrior with bullets, did he flinch when he was in Baidoa? If he dies, the TFG continues. Today Somalias governemnt is stronger than ever.
  5. waaxda nabad sugidda qaranka oo u digtey mar labaad idaacadaha magaalada muqdisho Dowladda Soomaaliya waax-deeda Nabadsugidda ayaa digniino kala duwan u jeedisay Idaacadaha FM-yada ah ee Muqdisho qaarkood. Idaacadda Shabeelle, HornAfrik iyo Banaadir ayaa loo soo jeediyay digniintaan ayaa waxaa loo sheegay inay yihiin kuwo buunbuuniya dhibaatooyinka dalka ka dhaca, waxaana waax-da ay uga digtay inaysan been ka sheegin howlgallada ciidam-ada isla markaana aysan shaca-bka aysan qalqal ku abuurin. Taliye xigeenka Nabadsugidda Qaranka Gen. Nuur Maxamed Max’ud (Nuur Shirboow) ayaa sheegay inay idaacadahaan caadaysateen inay buunbuuniyaan wararka wax u dhimaya xasilloonida dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho. “Idaacadahaan, waxay sheegayaan warar been abuur ah oo ku saabsan waxa ka dhaca Muqdisho, sida Qaxa oo ay ka sheegaan been iyo sidoo kale goobaha ay wax ku dhac-aan, waxaana ay ka gaabiyaan inay sheegaan kooxaha soo tuuraya hubkaas wax dhibaat-eeyay, balse ay sheegaan wixii ay doonaan” ayuu yiri Nuur Shirboow. Nuur Shirboow ayaa sheegay in Dowladda ay u soo gudbinayso qoraallo ku aaddan qaabka ay doonayaan in ay saxaafadda uga shaqeyso gudaha dalka iyo dhacdooyinka dhaca ee is daba joogga ah. ololnews desk
  6. What have they done? The admin is in Kismayu..Threats can be counter productive, I remember a man known as IndaCade once made threats..
  7. Decision on Swedish support to Somalia The Government decided today on a new strategy document - an "approach" - for Swedish aid-financed support to the peace and reconciliation process in Somalia and to the country's extensive humanitarian needs. The objective of Sweden's involvement in Somalia is to promote lasting reconciliation, stability and the re-establishment of effective governance, which is needed to make it possible to combat poverty. Swedish development assistance to Somalia is to encompass the whole country. Attention is to be paid to regional variations regarding needs, security and prospects of achieving the goals set. For 2007, more long-term development assistance of SEK 50 million is planned, along with humanitarian aid amounting to some SEK 100 million. The volume of Swedish aid will depend on the prospects of providing effective and results-oriented support in Somalia. "The difficult situation in Somalia requires coordinated international aid. It is now particularly urgent to bring about a working political reconciliation," says Minister for International Development Cooperation Gunilla Carlsson. "It is therefore extraordinarily important that the Transitional Federal Government shows it is serious about its message of a broad political dialogue with all constructive forces in Somalia. Speedy deployment of the African Union peace force will make it possible for other countries' forces to leave Somalia promptly and enable the process of political reconciliation to get properly started," says Ms Carlsson. Swedish support to Somalia is based on the Transitional Charter, the political framework that was agreed on in the 2004 peace agreement.[/n] Developments in Somalia since the peace agreement entered into force in autumn 2004 have failed to match expectations. The situation became more acute in 2006 when the Transitional Federal Government was challenged by the "Islamic Courts". A further illustration of the instability of the political situation in Somalia came in December 2006 when Ethiopia's military incursion drove the Islamic Courts out and the AU decided on a peace mission (AMISOM) to support a political solution and to accelerate the withdrawal of Ethiopian troops. Since then the international community has been working to bring about and support a broad political process in Somalia. EU and UN policies and support to Somalia provide a platform for Swedish support. A large part of Sweden's support is channelled via different UN organs. Sweden's active involvement includes its role in the International Contact Group for Somalia. Sweden is also a central actor in the EU for shaping overall EU involvement in and support for peace, reconciliation and development in Somalia. It should be possible to expand Swedish development assistance to Somalia as conditions are created to support the emergence of national, regional and local administrations that fairly reflect the mosaic of clans making up Somali society. Institution-building and capacity-strengthening of this kind is utterly crucial if Somalia is to be able to build up a functioning government administration after 15 years of lawlessness.
  8. Dawladda Sweden oo taageero lixaad leh siinaysa Soomaaliya. 20. Feb 2007 Dawladda Sweden ayaa go'aan ku gaartay inay samayso qorshe cusub oo ay ku taageerayso dawladda federaalka Soomaaliya. Qorshahan ayaa dhigaya in dhinaca dhaqaalaha , nabad galyada, dib u heshiisiinta iyo arimaha bani aadantinimo laga caawiyo dalka Soomaaliya. Wasiirka iskaashiga iyo horumarka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in ujeedada qorshahan ay tahay sidii loo hor marin lahaa arimaha dib u heshiisiinta, nabad galyada iyo dib u samaynta dawlad hawl gasha. Waxay wasiiraddan sheegtay in caawinta Sweden ee Soomaaliya ay tahay mid dalka oo dhan lawada gaarsiinayo ee aysan meelo gaar ah ku ekayn. Ms Carlasson waxay intaasi ku dartay inay adkaan doonto bixinta gar gaar agaasiman ,waxayna intaasi raacisay in hadda gar gaar deg deg ah lagu bixiyo dib u heshiisiinta siyaasadeed. Gar gaarka lasiin doono dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu salayn doono dastuurka u yaalla dawladda federaalka Soomaaliya , iyo qodobadii lagu heshiiyay shirkii 2004ta. Sweden waxay ka hadashay in arimo muhiim ah ay tahay in la da dajiyo ciidamo gaynta Soomaaliya, si halkaasi ay uga baxaan ciidamada Itoobiya. CCC Farayaamo AllPuntland
  9. Wasaarada Arrimaha Gudaha DF oo sheegtay in wax laga qaban doono ammaanka Muqdisho. Muqdisho, Isniin 19 February 2007 Simba Radio Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhawaan ay Dawladu wax weyn ka qaban doonto amniga magaalada Muqdisho, isla mar ahaantaana ay si rasmi ah u howlgalin doonto ciidamadii Booliska Dowlada Federaalka. Gacma Dheere ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kooxaha weerarada ka wada Magaalada ay yihiin kuwo uu ku tilmaamay in ay qalqal galinayaan Shacabka iyo amniga caasimada Muqdisho Wasiirka ayaa gaabsaday inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo xiliga ay dowladu howlaha amni sugida ah ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, balse waxaa uu sheegay in uu soo dhamaaday qorshihii ay Dowladu ugu tala gashay amniga magaalada, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay ciidamada Dowlada garab siiyaan isla markaana ay howl galiyaan ciidamadii Madaniga oo ay horay u lahaan jireen si loo sugo amniga magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Gacmo Dheere ayaa hadalkaani maanta ka jeediyay Munaasabad balaaran oo xariga looga Jarayay Xafiiska Hay'ada Qaxootiga Qaran Soomaaliyeed taasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  10. WAR DEG-DEG AH: Madaafiic lagu garaacayo Magaalada Muqdisho iyo Qarax baasuuke oo dhawaan dhacay Posted to the Web Feb 19, 18:14 Muqdisho (PP) – Madaafiic waaweyn ayaa laga maqlayaa qaraxyadooda Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, agagaarka Warshadda Caanaha ayay ku dhacayaan madaafiicda oo ka imaanaya dhanka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ee ku sugan Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga. Warar aanu helay ayaa waxay sheegayaan in kooxo aan la garanayn ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku weerareen Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, iyadoo la sheegay inay ka soo jawaabeen ciidammada halkaas ku sugan oo isugu jira kuwa Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Lama garan karo khasaarooyinka ay geysteen madaafiicda la is dhaafdhaafsanayo, waxaana madaafiicdu ay ku dhacayaan goobaha bulshada rayidka ah ay ku nool yihiin, taasoo dhalin karta inay khasaarooyin xoog badan ka dhashaan Madaafiicda la is weydaarsanayo. Ciidammada Dowladda ayaa waxay ugu jawaabaan madaafiic halkii madaafiic looga soo tuuro, waxaana tani ay walwal weyn ku dhalisaa markii ay billowdaan madaafiicda shacabka Muqdisho oo iyagu aad uga calool xun madaafiicda korkooda la isku weydaarsanayo. Dhanka kale; waxaa qori baasuuke ah uu ka dhacay Muqdisho, gaar ahana agagaarka Baar Ubax, balse lama garanyo wax khasaare ah oo u geystay iyo saabta u u dhacay baasukahaas. Wixii warar ah ee ka soo baxa qaraxyada Madaafiiceed ee ka dhaca Muqdisho kala soco aqriste www.puntlandpost.com haddii RABBI ogolaado. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  11. Qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya qaybo ka tirsan Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/02/07 Qaraxyada madaafiicda ayaa waxay ka dhacayaan gudaha Magalaada Muqdisho, waxaana intooda badan ay ka dhacayaan degmad Hodan ee Muqdisho. Qaraxyadaan ayaa waxaa la sheegay inay yimaadeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay hoobiyeyaal ku weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda goobo ku yaalla Degmada Hodan. Khasaarooyinka ay geysnayaan madaafiicda ayaan la garaanyn, balse warar ayaa ka soo bixi doona, innagoo idinkula socod siin doonna wixii soo kordha wararkeenna dambe. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia
  12. Yaa Ka Danbeeya Dagaalada Daroor Xassan Yuusuf — London, UK — 19 February, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Yaa Ka Danbeeya Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Daroor Iyo Meelo Kalle. Soomalidu waxay ku maah-maahdaa qofna caadadii ma baajo bahala ceedhin ma daayo waxa taa ka dhigan kooxda maanta ka talinaysa Somaliland kuwaas oo kursi jacayl dartii ay la gashay in ay dhiig daadiyaan. Taariikhdu iyadaa isa soo celisa nidaam kasta oo ku fashilma hogaaminta umad wuxuu miciin bidaa wax uu ku qariyo ceebtiisa markaa taagan hadaba waxa su’aala maxaa mar keliya dagaal ka wada bilaabay min G/Sool, Saaxil Ilaa Daroor? Jawaabta su’ashan ayaan ahyn mid sidaa u sii adag kooxda riyaale hogaaminayo ayaa sidan dan mooday iyagoo ka fekeraya soo dhowaanta mudadii xilka madaxtinimada taas oo ay aaminsan yihiin inaanay isu soo taagi karayn mar kalle doorasho sidaa darteed waa in Dalka iyo dadkaba dab la sudho si goor dhow loo yidhaahdo xaalad degd-dega ayaa dalku ku jiraa, Hadaba sheekadani ma tahay mid cuntamaysa ? jawaabtu waa maya rabshadahan hada la bilaabay waxa la odhan karaa waa dhamaadkii nidaamka Riyaalle iyo Naarquutayaasha hoos jooga ee u dhiga shaxda balse uu iska garan waayay lumiyay fursad qaali ah oo uu iskaga maydhi lahaa waxyaabihii lagu sheegayay xiligii uu hayay shaqadii xumayd ee la wada garanayo. Maanta shacbiga Somaliland Cididood baa calool ku jabtay halgan dheer ka dib markii ay hadana dib u bilaabeen xili ay is weydiiyaan maxaynu kula dagaalanay Max’ed Siyaad arimahani waxay ina xasuusinayaan sheekada buugii beerta xayawaanka oo Shacbiga Somalilandna yahay xayawaankii kooxda talada haysataana yihiin doofaaradii Nabilyoon, Skwilar iyo kuwo kalle . Si hadaba Somaliland looga badbaadiyo kooxda doofaarada ah waa in umadu garataa danteeda una fahamtaa waxyaabaha hada socda mashaariic la mida kuwii hore ay ugu baabaday Somalia iyadoo umada walaalaha ah mindiyo laysugu dhiibayo Kooxda Doofarada ku noqday Somaliland mid maskaxda ha gashadeen (Ilaahayna noo maqan) Idinkuna waxaa maraysaan oo ka cabi doontaan koobkii rag la garanayo. Riyaalena haw diyaar garoobo dacwad la mida ta ku socota Calli Samatar, Tuke , Charles Tilor, iyo Cid kastoo gashay denbiyo ka dhan ah Bani aadanimada. Wabilaahi Towfiiq Xassan Yuusuf Hargeysa
  13. Dagal markale ka qarxay deganka Daroor 18 Feb 18, 2007 - 4:59:11 PM Dagaallo beeleedyo ayaa mar kale dib ugu qarxay deegaanka Daroor ee ka tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ay isku hayaan labo maliishiyo beeleed oo ku dirirsan arrimo deegaan iyo aano qabiil oo horay u dhex martay. Dagaaladan oo xooganaa ayaa gelinkii danbe ee maanta hakaday, iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada dowladda Itoobiya ay soo kala dhex galeen, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaadaas. Madaxweynaha Jamhuuriyada isku magacowday Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ka waramay dagaalada dib ugu soo cusboonaaday deegaanka Daroor isagoo ugu baaqay labada dhinac ee dirirka u dhaxeysa in ay si shuruud la'aan ah u joojiyaan isla markaana wada hadal ay ku dhameeyaan wixii khilaafaad jira, wuxuuna Daahir Riyaale uu intaa raaciyay in deegaanada Somaliland aanan wax gurmad ah ka tegi karin isla markaana maamulkiisa aanan dhex geli doonin, maadaama buu yiri uusan deegaanka aheyn dhulka Somaliland. Arbacadii lasoo dhaafay ayey aheyd markii dagaal xoogan labada dhinac ku dhex maray deegaanka Daroor iyadoo todobaadkii hore ay halkaasi ku dhintay in ka badan 30 qofood, waxaana socda dadaalada ay wadaan cuqaasha dhaqanka Somaliland. Jigjiga, Garowe Online
  14. Dagaallo Kale Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Darroor, Ergooyinka Sii Qulqulaya Iyo Baaq Madaxweyne Riyaale Jeediyey Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 18 February, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Darroor (Somaliland.org) – Dagaallo kale ayaa maanta dib uga bilaabmay deeggaanka Daroor oo Arbacadii dagaal dhimasho iyo dhaawac badan geystey ku dhexmaray laba beelood ee deegaankaas wada dega. Dagaalkan oo lagu soo warramay inuu saaka ka bilaabmay Afar meelood oo kala duwan, waxa uu yimi iyada oo ergooyin door ah oo ka kala tegey Hargeysa iyo Burco ay gaadheen deegaankaas, qaar kalena ay ku sii qulqulayaan, si ay u dhexgalaan colaadda labadaa beelood. Dagaalkan oo sida wararku sheegayaan socdey ilaa gabal dhicii maanta, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha uu geystey, iyada oo wararku sheegeen in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas loo soo qaaday cusbitaalada Hargeysa iyo Burco. Waxaana la filayaa in caawa goor dambe ay soo gaadhayaan. Baaqyo is daba joog ah oo ka imanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa loogu jeediyey labada beelood inay dagaalka joojiyaan, wadahadalna ku dhammeeyaan colaadda. Baaqyadaas waxa ugu dambeeyey mid ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Hargeysa. Madaxweyne Riyaale waxa uu labada beelood ee dagaalku ku dhexmaray jiidda Daroor ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan dagaalka, isaga oo sheegay in aanay jirin wax xikmad ah oo ay ku dagaalamayaan beelahaasi. “Xikmad alla xikmad lagu dagaalamayo maanta oo aan ku qanacsanahay ma jirto. Aad baan uga tiiraanyoonayaa, aad baan uga xumahay, waxaan leeyahay walaalayaal joojiya dagaalka, ” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale. Waxa uu sheegay in dowladdu u gurmatey daminta colaaddaas oo ay dirtay Guurti iyo odayaalba. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay u direen Baaq inay u soo gurmato joojinta dagaalka, isaga oo sheegay in Itoobiya ka aqbashay in Somaliland ka hawlgasho joojinta colaaddaas oo ka socota dhulkaas oo ka tirsan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  15. Yusuf oo ka dagey London 19 Feb 19, 2007 - 4:30:06 AM Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia Cabdilaahi Yusuf Axmed oo shalay gaaray dalka Britain, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Dowlada Ingiriiiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la yeeshay xubno ka tirsan Jaaliyada Somalida ee dalkaasi, isagoo kala hadlay sidii ay u taageeri lahayeen dowladiisa. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la yeesho ra'iisul-wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair Socdaalka Madaxweynaha uu ku tago dalka Ingiriiska ayaa noqonaya kii labaad uu halkaasi ku tago tan iyo markii 2004 loo soo doortay Madaxweynaha DFKMG ah. Cabdi Fatax Axmad,GO
  16. I want to see more PICS from Carmo itself, anyone?
  17. LONDON: Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu Maanta kulan la qaato Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Blair Posted to the Web Feb 19, 07:33 London (PP) – Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo gaaray magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu manta kulammo la qaato Ra’iisul wasaaraha Britain Tony Blair. Madaxweyne Yuusuf oo markuu ka dagay garoonka diyaaradaha ee Highbrow Airport ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta kala hadlo Blair, xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain. Kulankaan ayaa ilo wareedyo ku sugan London waxay inoo sheegee inuu noqon karo mid ay labada mas’uul ee Soomaaliya iyo Britain ay kaga hadlaan xaaladda dalka Soomaaliya uu xilligaan marayo iyo sida dowladda Britain ay gacan uga geysan lahayd taageeridda dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale la sheegay in lagu wado inuu kulammo la qaato jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Britain, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Yuusuf uu warbixin dheer ka siiyo xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay iyo sida loogu baahan yahay inay nabad soo celinta qayb uga noqdaan. Sidoo kale xaalado caafimaad ayaa lagu wadaa inuu halkaas ku maro, isagoo baaritaanno caafimaad oo dheeri ah ku sameyn doona jirkiisa, waxaana wararku sheegayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib ugu soo laabanayo gudaha dalka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  18. Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya ra'iisal wasaaraha Britain Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay gaarey magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa maanta kulan la yeelanaya ra'iisal wasaaraha Britain, Tony Blair. Kulanka ay maanta yeelanayaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Tony Blair ayaa waxaa ka horreeyey kulamo uu madaxweynuhu la yeeshay mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Britain. Labada mas'uul ayaa ka wada hadlaya xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo Britain ay kamid tahay waddamada reer galbeedka ee taageersan dawladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ay mas'uuliyiinta UK iyo Somalia ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa kamid ah qaabkii ay dawladda Ingiriisku u taageeri lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in ay dhowaan soo galaan waddanka Soomaaliya. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale, maalintii shalay la kulmay boqoradda Ingiriiska Elizabeth II. Sucaad Mire Maxamed
  19. Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya ra'iisal wasaaraha Britain Last Updated::2007-02-19 11:38:56 London:- Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay gaarey magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa maanta kulan la yeelanaya ra'iisal wasaaraha Britain, Tony Blair. Kulanka ay maanta yeelanayaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Tony Blair ayaa waxaa ka horreeyey kulamo uu madaxweynuhu la yeeshay mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Britain. Labada mas'uul ayaa ka wada hadlaya xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo Britain ay kamid tahay waddamada reer galbeedka ee taageersan dawladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ay mas'uuliyiinta UK iyo Somalia ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa kamid ah qaabkii ay dawladda Ingiriisku u taageeri lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in ay dhowaan soo galaan waddanka Soomaaliya. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale, maalintii shalay la kulmay boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.
  20. HIIRAAN.COM is ana anti TFG site close to the former TNG Gaovernment in general and Mr Galaal in particular.
  21. Tababar loo soo xiray Ciidamada Illaalada Xeebaha Puntland Last Updated::2007-02-19 12:02:02 Qardho:- Ciidanka ilaalada badda Puntland ee loo soo xiray tababarka ayaa waxa uu ka koobnaa ilaa 250 askari oo dhamaantoodba ka kala yimid gobolada Puntland ay ka kooban tahay. Ciidanka ayaa waxa tababarka siinayey Tababaryaal u dhashay dalka yeman, hadaba ugu horrayntiiba waxa halkaasi warbixin ka soo jeediyey tababaraha ciidanka oo ah nin u dhashay dalka Yemen, wuxuuna sheegay in uu kala saari doona ciidamadan laguna kala saari doono imtixaankii hore looga qaaday taasi oo uu madaxweyanaha tusay. Intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi hadal dardaaran ah ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL mudane Maxmuud Muuse Xirsi oo aad ugu mahad celiyey tababarayaasha ciidanka siinayey tababarka oo mudadii koobnayd u dulqaatay howshan ay fulinayeen. Wuxuuna ciidankana kula dardarmay sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, ninkastana meesha la geeyo waa in uu si fiican uga howlgalaa waxaad ogaataan in aanay jirri doonin sidii hore ee ninkii gudan waaya hawshiisa sharciga la horkeeni doono, hadda waan ka gudubnay wixii la oran jiray qabiil ee lagu dhaqmi jiray hadda sharciga ayaa lagu dhaqmayaa ee sidaa ha la ogaado. Ugu dambayntii ayaa waxa uu madaxweyuhu kulamo kula qaatay Hoteelka Alla Amiin ee magaalada Qardho qaybaha bulshada eek ala duwan. HorseedNet.com