General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Carmo, magaalo ku dayasho mudan W/Q:Cabdixakiim Jaamac Jooje Posted to the MOL February 12, 2007, 11:24 pm Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay. Kadib burburki ku yimid dowladii dhexe ee Soomaaliya, sanadi 1991di, ayaa waxa dhacday in dad tiro baddan ay u qaxeen asal ahaan goboladii ay ka yimaadeen, halkaasoo ay ka bilaabeen nolol. Meelaha sida aadka ah loogu qaxay waxaa ka mid aheyd Deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Laascaanood, Garoowe, Gaalkacayo, Qardho, Baran iyo kuwo kaloo baddan. Qaxitaankaas loo qaxay deegaamadaas waxaa barbar socday iyagana magaalooyin yar yar oo aad iyo aad u dhismay. Magaalooyinkaas oo runti ka faa’ideystay aaga ay ku yaalaan iyo baahida loo qabay in la helo magaalooyin laga dhigto deegaan ama kuwo loo xagaa baxo. Haddaba magaalooyinkaas waxaa ka mid ah magaalada Carmo, oo ah magaalo u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho. Carmo waa magaalo run ahaanti aad iyo aad u dhisantay, oo horumar ka sameysay dhinacyo baddan. Carmo waxey ka mid tahay magaalooyinka lagu dhisay qaab qordheysan ( City Planning ) taasoo soo jiidatay dadweyne aad iyo aad u tiro baddan, oo runti ku dhiiraday inay ka dhistaan guryo. Waxyaalaha kale ee aad loogu amaanay waxaa ka mid ah iyadoo uu u furan yahay inay maal gashadaan cid alla cidi daneyneysa, iyadoo aan loo eegeyn qabiil iyo halka uu kasoo jeedo. Mashaariicda la taaban karo ee laga hirgaliyay, Carmo waxaa ka mid ah Akadeemiyada Booliiska, oo runtii loo dhisay qaab casri ah oo cid walba soo jiidaneysa. Waana runtii akadeemiyo loogu talagalay, in lagu tababaro, laguna xereeyo booliiska Soomaaliya, meel walboo ay ka yimaadaan. Carmo waa magaalo ay runtii ka muuqato horumar lagu amaani karo, iyadoo runtii ka hormartay Degmooyin iyo magaalooyin fac weyn oo horey u jiray. Carmo magaalo ahaan waa magaalo da’yar, oo gebigeediiba waxaa la asaasay sanadihi 1997 – 1999ki. Horumarka ay sameyneyso Carmo, runti waa mid lagu amaani karo, lana oran karo waa magaalo ku dayasho mudan. Inkastoo ay Carmo, tahay magaalo soo koreysa, oo sameyneysa horumar, haddana waxaad moodaa weli inaanay helin qeybtii degmo ahaan ay ku laheyd maamul Goboleedka Puntland. Haddaba waxaanu leenahay oo ka codsaneynaa maamul goboleedka Puntland inuu ku dhiirogeliyo magaalooyinka noocan ah ee iskood u sameeyay horumarka, si ay ugu deydaan magaalooyinka kale, oo uu weliba maamulku lagarab istaago baahiyahooda. Qaabdhismeedka Carmo ayaa runtii ah mid la jaanqaadaya dhismayaasha casriga ah, weliba cabirka iyo waddoyinka dhinac walba ka mara magaalada. Haddaba qormdeyda danbe ayaan kusoo qaadan doonaa, adeegyada magaalada Carmo iyo mustaqbalka yoolka ay higsaneyso, iyadoo waliba sawiro wadata. Lasoco qeybta danbe Wabilaahio Towfiiq Cabdixakiim Jaamac Jooje Social Development Adviser saicentadv@yahoo.com
  2. ^^^Saxib, go and visit Puntland, from Buhudle, Las Ano, Las Qoray, Badhan, Garowe, Galkacyu, and of course Bossaso.. Dont act so big and ignorant dude...
  3. ^^^It looks quite nice.. More on the story. Prof. Gedi: Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 12/02/07 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg Somalia Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Safaarada Soomaalida ay kuleedahay dalka Kenya magaalo madaxda Nairobi, shirkaani jaraa’id oo aad u dheeraa ahaana mid socday mudo 30daqiiqo ah ayaa waxa uu ka hadlayay inta badan arrimaha ka taagan Somalia iyo sida mustaqbalka ay dowladiisa ka damacsan tahay iyadoo ay hareer fadhiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kuxigeenkiisa Md. Ismaaciil Buubaa, Md. Daafeedoow, Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Md. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Safiirka Somalia ee dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko, kuxigeenka Taliyaha Booliiska Bashiir Goobe, Afhayeenka Dowlada C/raxmaan Diinaari iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka. Shirkii jaraa’id oo faahfaahsan ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha hadalkiisa ku bilaabay: Waxaan la soconaa in maalmihii tagay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo tuuryo la doonayo in lagu qaso jawiga daganaansho ee magaalada Muqdisho, Su’aasha waxay tahay Muqdisho 16sanno ka dib dan ma u tahay magaalada Muqdisho inay sidaan sii ahaato? Su’aashaasi waxaan usoo jeedinayaa dadka reer Muqdisho gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, Siyaasiinta, Haweenka. Dhalinyarada iyo dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Mudaddii aan joogay magaalada Muqdisho waxaan xaqiiqsaday oo aan ogaaday in dadka reer Muqdisho ay nabad rabaan , Nolol iyo camal iney helaan, 16 sano kadib Markey ku jireen Dagaalo sokeeye,Abaaro,Daadad iyo Culeysyo ka dhashay Dagaalada sokeeye. Waxaa hubaal ah in hadddii Muqdisho hagaagto in dalka iniisa kalana ay dageyso,waxaase in leys weydiiyo mudan yuu xilkaasi saran yahay? xilkaasi wuxuu saran yahay dadka reer Muqdisho Dowladdu siddaan maku fiirsaneyso waxayna Dowladdu qaadeysaa Qorshe baaxad leh oo Nabadda wax looga qabanaayo. Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay in Odayaasha, Culumadda iyo Dhamaan waxgaradka ku nool waxaan weydiisanayaa inay gacan ka geystaan sidii nabadda magaalada loo sugi lahaa iyadoo la waafajinaayo Habka deriseynta ee degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaan ugu yeerayaa in degmo waliba ay is abaabusho sameystaana Ciidan deggaanku leeyahay oo Booliska gacan ku siiya sugida Amniga soona sheega kuwa raba iney dilaan Magaca Magaalada Muqdisho si ay Ummaddu ugu sii jirto dhibaatadda. Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Dowladani la lahaa waa fadhiid, waa dabacsan tahay, waxaan dhoowreynay in Shacabkeenu aanu Dhiig danbe ka daadan maadama lagu soo jira 16sano oo uu qulqulaayay dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, waxaanse rabaa maantay in aan ku faano hadddii aan nahay DFKMG in aanan duullaan amo colaad aanan abuurin muddadaasi,haseyeeshee aan ka shaqeyneynay isu soo dumid, dib u heshisiin iyo in la samata-bixiyo Ummadda Somaaliyeed. Dowladdu wey sii waddeysaa Dib u heshiisiinta sida uu Madaxweynuhu balanqaaday si loo gaaro Nabad waarta, soo celinta Qaranimadii, sharaftii iyo karaamaddi Qaranka soomaaliyeed lahaa oo aan dib ugu soo noqono kaalintii aan Besha caalamka kaga jirnay intii aanu dagaalka sokeeye dhicin. Dowladdu ma doonaneyso Qabiil gaar ah, mana jirto Colaad gaar ah oo ay qabiil u heyso, balse waxay ka shaqeyneysaa inay ka soo wadda qeybgaliso Shirarka dib u heshisin ee ay Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo qeybaha Siyaasadda kaga qeybqaadanayaa sidii dib loogu dhisi lahaa Qaranka Soomaaliyeed loona abuuri lahaa Soomaalida cusub ee hiigsaneysa inay ka qeybgasho Tartanka loogu jiro gaarsiinta Bulshada Horumar, Nabad iyo Xasilooni suurtagalisa in Ummadda Soomaaliyeed gaarto isku-filnaasho oo aan hubo in lagu gaari karo Nabadda oo aan si wadajir ah uga wadda Shaqeyno. Haddii aan si kooban uga hadlo Dib u Heshiisiinta Beesdha Caalamku ku baaqeyso waan soo dhaweyneynaa, sidaan horay u sheegay, balse waxaa haboon in mid aan caddeeeyo taas oo ah in Shirar is barbar socdo lagu baaqayo in dadalaka qaarkiis lagu qabto Shir, taasi waa nasoo daashadeen,maanta waxaan wadnaa shirar dib u heshiisiin oo bilow u ah qabashada shirweyne ay kasoo qeyb galaan dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee siyaasadeediyo ururrada bulshada Rayidka. Umadda soomaaliyeed dan uma ahan in shirba shirka kale lagu dumiyo, shirka dib uheshiisiintana waxaa lagu qabanayaa dalka gudahiisa waxaana awoodnaa oo aan hido iyo dhaqan u leenahay in aan geed hoostiisa fariisano oo ku dhamaysano. Wixii qilaafaad ah oo jira maanta soomaaliya waxaa u curtay waa cusub waxaa jirta fursad qaali ah oo lagu kaalmayn karo dowlada iyo shacbiga soomaaliyeed su’aasha kale ee in la isweydiyo ay haboon tahay waa Somalia maanta maxay u baahan tahay? Taa jawaabteeda waa in la taageero dowlad soomaaliyeed si ay usoo celiso amaanka iyo kala danbaynta loona abuuro qorshe wax looga qabanayo dhinaca amaanka tababarna lagu siinayo ciidamada loo diyaarinayo Booliiska, Militariga, Asluubta iyo ciidanka amniga si loo xaqiijiyo amaanka dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Kooxihii laga adkaaday ee sheegan jiray midowgii maxkamadaha Qatar kuma ahan guud ahaan amniga dalka gaar ahaan kan gobolka, balse waxaa loo baahan yahay in sida uga dhaqsi badan laba arrimood ay beesha caalamka gacan uga geysato In sida uga dhaqsi badan loo soo dedejiyo ciidanka Midowga Afrika ka socda ee la keenayo dalka Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda tababar ay ugu fidiyaan ciidamada DAlka Somalia. Si loo joojiyo qaska iyo weerarrada dhuumaaleysiga waxay dowladu beesha caalamka ka dalbaysaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah si loo sugo amaanka guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, oo looga qeyb galiyo nabadeeynta magaalada (Comminute Policing). Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka ay wada beesha caalamka sida Contact group, iyo taageerada dowlada Mareykanka ay u fidinayso dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa midowga Yurub kaalmo wax ku ool ah ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan kaloo mahad balaaran u jeedinayaa wadamada IGAD guud ahaan gaar ahaan dalalka deriska Kenya, Ethiopia iyo Uganda iyo dalka aan walaalaha nahay ee Yemen oo dhamaantood si hagar li’ ah ugu taagan sidii dalka Somalia ay dhibaatada ugu bixi lahayd. Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ee soo martay ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka waxaana ugu baaqayaa dhamaan shacbiga magaalada Muqdisho ku nool inay gacmaha is qabsadaan sidii ay usoo celin lahaayeen sharafta iyo karaamadii ay lahayd magaalada Muqdisho. Shirkiisa jaraa’id ka dib ayaa su’ aalo laga weydiyey bal inuu faahfaahin ka bixiyo sida ugu haboon ee ay Qunyar socodka Madaxda Maxaakiimtii hore Shiikh Shariif uga qeyb qaadan karaan hanaanka geedi socodka Nabada? Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku jawaabay in bulshada Somalia meel walba ay joogto ay ka qeyb qaadan doonaan dib u heshiisiinta wuxuusa carabka ku dhuftay in qolyaha Argagixsada ka diiwaan gashan inaysan boos uga banaanayn inay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta. Shirkiisa jaraa’id uu maanta qabtay ra’iisul Wasaaruhu waxa ay kusoo beegantay xili magaalada Muqdisho ay rabshado ka wadaan kuwo aan heybtooda lagaranayn iyagoo madaafiic iyo baasuukayaal la dhaca meelaha ay dowladda degan tahay sida Hotelada, Madaxtoyada iyo meelo kale. Dhanka kale Ra’ iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa caawa fiidkii uduuli doona dalka France oo kaga qeyb gali doono shir ka dhacaya dalkaasi oo ay isugu imaanayaan dowladaha Afrikaanka ee ku hadla afka Fransiiska iyadoo dowlada Soomaaliyeed lagu marti qaaday. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhaadhicin doona sidii dowladahaasi ay u taageeri lahaayeen qorshaha la damacsan yahay in ciidamo loogu geeyo dalka Somalia isla markaana taageero loo fidiyo abuurida iyo tababarida Ciidamada Xooga dalka Somalia oo haatan ay kasocoto Garoonka Balidoogle oo ilaa 10kun oo askari la isugu geeyey. Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI) siidmohamed@hotmail.com siidi@somaliweyn.com Somaliweyn Media Center Nairobi Office WIFI gives you the capability of connecting to the internet at high speed via your lap top, but now also via your mobile phone – allowing you to do lots of standard things you would do on the internet on your phone at broadband speeds in WI FI areas! We have a selection of mobile phones, all of which can be used in this way: Web You Domainame Somaliweyn Media Center (SMC)
  4. Galgadud oo maamul yelatay 13 Feb 13, 2007 - 6:33:22 AM Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Maamulka cusub ee Gobalka Galgaduud. Wareegtada ayaa lagu sheegay in maamulka la magaacabay kadib markii Madaxweynaha wada tashiyo la sameeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobalka Galgaduud. Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Salaad Kulmiye. Gudoomiye K/xigeenka 1-aad Maxamed Xasan Afrax. Gudoomiye K/xigeenka 2-aad C/qani Warsame Jaamac. Gudoomiye K/xigeenka 3-aad. Axmed Maxame Jimcaale. Xoghayaha Dowlada Hoose Macalin Siciid Axmed Xirsi. Gudoomiyaha Dagmada Dhusa Mareeb. Cali jaamac K/xigeenka 1-aad Xuseen Weheliye Jaamac. Gudoomiyaha Degmada Cadaado Axmed Maxamed Cabdi. K/xigeenka Degmada Cadaado Cabdalla Cali Guuleed. Gudoomiyaha Dagmad Cabud Waaq C/rasaaq Axmed Taakiro. Gudoomiye K/xigeenka Jaamac Xuseen Cilmi. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdi Maxamed Cabdulle. Guddoomiyaha Degmada Ceel Buur Cali Maxame Fiidoow. K/xigeenka Degmada Ceel Buur Khaliif Faarax Faahiye. Gudoomiye K/xigeenka 1-aad ee Dagmad Ceel Buur C/laahi Barre Kulmiye. Xoghayaha Dowlada Hoose C/laahi Abshir Faarax. Xoghayaha Dowlada Hoose Farxaan Daahir Guuleed. Guddoomiyaha Dagmad Ceel Dheer Xuseen Maxamed Cosoble. Magacaabista Gobalka Galgaduud ayaa kusoo beegantey xilli Malishiyaad hubeysan ay maalintii shaley la wareegeen gacan ku heynta degamada Matabaan. Cabdi Fatax Axmad,GO
  5. Ubahane, you will never takeover anything. If one looks back at what happens when you make such predictions, then I would say it is the end of the few armed groups left in Mogadishu and the South.. Its over saxib, there is a new Somalia being built, a new Somalia in which no clan will dominate through the barrel of the gun and use our sacred faith as a tool to commit crimes. Jaylani, you have a Puntland complex, it will live with you for ever as Puntland is going no where.
  6. ^^^LOL. I have relatives in Mogadishu who never left, but you seem to be an expert on Mogadishu, like Faisal Ali Warrabe no doubt. Anyhow do not belive the hype, "southerners" do not hate each other as you guys want to belive..Its politics saxib, outside that we are still one people, one flag, one capital...
  7. Maamulka Puntlaand Oo gabi ahaanba la wareegay dhulka Garoonka Boosaaso ilaa Qaw Posted to the Web Feb 13, 05:45 Boosaaso: Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta Gabi ahaan kala wareegey shacabkii iska lahaa dhulka banana ee u dhaxeeya Garoonka Magaalada Boosaaso Iyo halka loo yaqaano Jaanka Qow ee dhinaca xeebta waqooyi galbeed ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. Hadaba Xafiiska madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Digreeto maanta Ka soo baxdey oo ay sumadeedu ahayd MW/DPS/45/2007, kuna taariikhaysnayd 13/02/2007, ayaa lagu go'aamiyey in dhulkaas bannaan ee u dhexeeya Garoonka Diyaaradaha iyo Jaanka Qow dawladdu ay dan guud ula wareegtey. Digreetadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo saxaafadda loo qaybiyey ayaa si toos ah ugu socotey dadka mulkiilayaasha ah ee dhulkaas bannaan qabsaday iyadoo ogeysiin la siiyey wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka, duqa degmada Boosaaso iyo taliyaha ciidanka booliiska Puntland. Sidoo kale, wareegtadan ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha ayaa ku cad in ay dawladdu la wareegtey dhulka buurta ah ilaa iyo xeebta ee ku dherersan deegaankaas. Wareegtadan ayaa waxey ku soo aadey xili ay masuuliyiinta ugu sareysa maamul goboleedka Puntland ay kuwada sugan yihiin magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. C/Qani Xasan Dhagjar Puntlandonline Boosaaso Binuxasan90@hotmail.com
  8. ^^^******** dude, I have more relatives in Mogadishu than any where else in Somalia.. And many people from Puntland are living, and have businesses in Mogadishu, thus dont believe the hype. [ February 14, 2007, 12:01 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  9. Saraakiisha DF oo beeniyay in khilaaf dhexdooda uu ka jro. Feb 13 . 2007 Radiofreesomalia.com Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Somalia ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya dhexdooda, taasi oo laga yaabo inuu ku lug leelan karo qaraxii daraad ka dhacay Magaalada Kismaayo. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegay inuu jiro muran xoogan oo ka dhex taagnaa Saraakiisha Dowlada Federaalka, taasoo sababay in Bam gacmeedka lagu tuuro meel ay Saraakiisha DF ay ku sugnaayeen. Abaan Duule Ku Xigeenka Arrimaha Taakuleynta Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia Gen. Cabdi Mahdi ayaa Saxaafada u sheegay inaysan jirin arintaasi. "Saraakiisha waa ciidan, ciidankana jaran jar ayuu leyahay kama dhex dhaco waxa dadka caadi ah oo kale ka dhaca" Ayuu yiiri Gen. Cabdi Mahdi. Hadalka Sarkaalkaan ayaa kusoo beegmay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay warar sheegay in khilaaf xoogan uu ka dhex taagnaa Saraakiisha Dowlada Federaalka Somalia taasina ay sababatay in bam la isku adeegsado.
  10. ^^^Jaylani, Punland exists and is recognised by the Fedreal governemnt of Somalia. It is an integral partof Somalia. Puntland state recognises the unity of Somalia, recognises Mogadishu as the capital and all the institutions of the central government. Thus Puntland can coexist, does co exist with Mogadishu. Also tone down the rehtoric and hate a little bit it sound desperate..
  11. The peacekeepers will protect Somalia' TFG government and train a new army. KAMPALA, Uganda (AP) -- Uganda's parliament voted unanimously Tuesday to approve the deployment of Ugandan troops to Somalia to join an African Union peacekeeping mission. The vote was widely expected to pass after President Yoweri Museveni promised earlier this year to send two battalions, totaling 1,500 troops, to Somalia. The African Union hopes to raise 8,000 peacekeepers to help Somalia's government establish itself. "We should not forget how Tanzania played a big role in liberating our country from the dictatorship of Idi Amin, we should also help our brothers and sisters in Somalia to attain peace," said First Lady Janet Museveni, a member of parliament. Defense Minister Crispus Kiyonga said the troops would be sent to the Somali capital, Mogadishu, within two weeks. Parliament approved a six-month initial deployment. The approval came amid daily violence in Mogadishu, where Islamic extremists opposed to the government have attacked official buildings and Ethiopian troops currently in the country. In December, Ethiopia sent thousands of soldiers into Somalia to help the U.N.-recognized government defeat an Islamic movement trying to take over the country. The AU peacekeeping force would replace the Ethiopian soldiers, who are widely despised by Mogadishu residents. However, it is not clear the peacekeepers would be any more welcome after demonstrations against their deployment last weekend. Somalia has not had an effective national government since 1991, when warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre and then turned on one another, throwing the country into anarchy. The transitional government was formed in 2004 with U.N. help, but has little authority across the country because it has no real army or police force. Even with Tuesday's vote, a troop deployment in the near future was not certain. Said Djinnit, head of the AU's Peace and Security Council, said Sunday the group was meeting this week to discuss a starting date for the deployment and to work out details. "I think the biggest challenge for us remains the creation of positive conditions, and logistics," he said. Major Felix Kulayigye said British and French troops had helped prepare Ugandan troops for the mission to Somalia. He said the deployment was important for the entire region because of the huge amount of small arms flowing out of Somalia into East Africa. Email Story Printable View
  12. KAMPALA: Baarlamanka Uganda oo saacad ka hor u codeeyay in Soomaaliya la geeyo 1500-askari oo Ugandese ah Posted to the Web Feb 13, 17:04 Kampala (PP) - Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa si toos ah ugu codeeyay galabta in dalka Soomaaliya la geeyo ciidammo ka socda dalkooda oo gaaraya 1500 askari, kuwaanoo qayb ka ahaa ciidammada Nabad ilaalinta ah ee loo soo dirayo Soomaaliya. Ciidammada loo soo dirayo Soomaaliya oo marxalado badan soo maray ayaa waxaa laga warsugayay muddo 48-saacadood ah go'aanka ugu dambeeya oo ay ka gaaraan dalalka Uganda iyo Nigeri oo ay ahayd in ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM qaybtooda ugu horreysa ay u soo diraan gudaha Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horreysay maanta la horgeeyay go'aanka kama dambeysta ah ee cod u qaadidda ciidammo nabad ilaalin ah oo la geeyo gudaha Somaaliya. "Weligeen ma iloobayno doorkii weynaa ee Tanzania ay dajiyaan dalkeenna markii uu qas ka abuuray kaligii taliyihii Idi Amin, sidaasoo kale ayaan u caawinaynaa walaalaheenna Soomaaliya si ay dib ugu soo laabato nabadda" ayay tiri xaaska Madaxweyaha Uganda Janet Museveni oo ah xildhibaanad ka tirsan Baarlamankaa dalka Uganda. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Crispus Kiyonga oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in ciidammadooda ay gudaha Soomaaliya gaarayaan labada toddobaad gudahood, wuxuuna sheegay in baarlamaanka uu go'aamiyay in muddo 6-bilood ah gudahood la daadgureeyo ciidammada. "Waxaan filayaa in tani ay tahay dadaalkii ugu weynaa ee aan u galayno inaan sidii aan xaalad wanaagsan uga abuurayno Soomaaliya taasoo aan filayno inay noqon karto mid lagu nasto oo wanaagsanaata" ayuu yiri Madaxa Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Afrika Saciid Dijjinit. Halkaan ka aqriso Warbixinta oo Ingiriis ah Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost
  13. ^^^If they do not stop the violence they will be dealt with no doubt..
  14. Indeed, one has nothing to hold on to since the man at the centre of the whole event has come out and rubished the claims some where making.
  15. The Colonel explains what hapepened, how it happened, that all the injured where taken to Baidoa. That there was no difefrence within the army ranks. That he heard clan accusations and that the media was being used inapropriatly. The Colonel was one of the injured officers.
  16. Abaan Duule Ku Xigeenka Arrimaha Taakuleynta Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia Col. Cabdi Mahdi ayaa ka waramaya qaabka uu dhacay Qaraxii daraad Kismaayo ka dhacay, iyo khilaafka la sheegay inuu ka dhex taagan yahay Saraakiisha DF isla markaana sababay sida la sheegay Bankii ka dhacay Kismaayo. audio
  17. Col Abdi Mahdi Abaan Duule Ku Xigeenka Arrimaha Taakuleynta Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia Col. Cabdi Mahdi ayaa ka waramaya qaabka uu dhacay Qaraxii daraad Kismaayo ka dhacay, iyo khilaafka la sheegay inuu ka dhex taagan yahay Saraakiisha DF isla markaana sababay sida la sheegay Bankii ka dhacay Kismaayo.
  18. Taako, lets give this story some space. Let it run, and run. Because I dont see Hiiraale, Madobe or Sayid resigning or making statements, even faratag has not made a comment thus all this is just hot air.
  19. Prof.Cali Geedi::: Shacabka Muqdisho Fursadan ka faa'iideysta (Shir jaraa-iid/Sawiro) Last Updated::2007-02-13 16:48:33 Nairobi:- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Nairobi uga hadlay Amniga dalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Cali Maxamed Geedi oo ay wehliyaan qaar kamid ah Wasiiradiisa oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibada, kuxigeenkiisa, wasiirka Dekkada, Safiirka Kenya, iyo mas'uuliyiin kale ayaa shir jaraa'iid oo balaaran ku qabtay Xarunta Safaarada Somalida ee Nairobi. Ra'iisul Wasaaraha ayaa shirkan jaraa'iid diirada ku saaray xaalada magaalada Muqdisho oo uu sheegay in dowlada ay dhawaan hawlgal baaxadleh ka fulin doonto. Prof.Geedi oo si qoto dheer arrimahan uga hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay: Waxaan la soconaa in maalmihii tagay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro la doonayo in lagu qaso jawiga daganaansho ee magaalada Muqdisho, Su’aasha waxay tahay Muqdisho 16sanno ka dib dan ma u tahay magaalada Muqdisho inay sidaan sii ahaato? Su’aashaasi waxaan usoo jeedinayaa dadka reer Muqdisho gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, Siyaasiinta, Haweenka. Dhalinyarada iyo dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Mudaddii aan joogay magaalada Muqdisho waxaan xaqiiqsaday oo aan ogaaday in dadka reer Muqdisho ay nabad rabaan , Nolol iyo camal iney helaan, 16 sano kadib Markey ku jireen Dagaalo sokeeye,Abaaro,Daadad iyo Culeysyo ka dhashay Dagaalada sokeeye. Waxaa hubaal ah in hadddii Muqdisho hagaagto in dalka iniisa kalana ay dageyso,waxaase in leys weydiiyo mudan yuu xilkaasi saran yahay? xilkaasi wuxuu saran yahay dadka reer Muqdisho Dowladdu siddaan maku fiirsaneyso waxayna Dowladdu qaadeysaa Qorshe baaxad leh oo Nabadda wax looga qabanaayo. Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay in Odayaasha, Culumadda iyo Dhamaan waxgaradka ku nool waxaan weydiisanayaa inay gacan ka geystaan sidii nabadda magaalada loo sugi lahaa iyadoo la waafajinaayo Habka deriseynta ee degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaan ugu yeerayaa in degmo waliba ay is abaabusho sameystaana Ciidan deggaanku leeyahay oo Booliska gacan ku siiya sugida Amniga soona sheega kuwa raba iney dilaan Magaca Magaalada Muqdisho si ay Ummaddu ugu sii jirto dhibaatadda. Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Dowladani la lahaa waa fadhiid, waa dabacsan tahay, waxaan dhoowreynay in Shacabkeenu aanu Dhiig danbe ka daadan maadama lagu soo jira 16sano oo uu qulqulaayay dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, waxaanse rabaa maantay in aan ku faano hadddii aan nahay DFKMG in aanan duullaan amo colaad aanan abuurin muddadaasi,haseyeeshee aan ka shaqeyneynay isu soo dumid, dib u heshisiin iyo in la samata-bixiyo Ummadda Somaaliyeed. Dowladdu wey sii waddeysaa Dib u heshiisiinta sida uu Madaxweynuhu balanqaaday si loo gaaro Nabad waarta, soo celinta Qaranimadii, sharaftii iyo karaamaddi Qaranka soomaaliyeed lahaa oo aan dib ugu soo noqono kaalintii aan Besha caalamka kaga jirnay intii aanu dagaalka sokeeye dhicin. Dowladdu ma doonaneyso Qabiil gaar ah, mana jirto Colaad gaar ah oo ay qabiil u heyso, balse waxay ka shaqeyneysaa inay ka soo wadda qeybgaliso Shirarka dib u heshisin ee ay Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo qeybaha Siyaasadda kaga qeybqaadanayaa sidii dib loogu dhisi lahaa Qaranka Soomaaliyeed loona abuuri lahaa Soomaalida cusub ee hiigsaneysa inay ka qeybgasho Tartanka loogu jiro gaarsiinta Bulshada Horumar, Nabad iyo Xasilooni suurtagalisa in Ummadda Soomaaliyeed gaarto isku-filnaasho oo aan hubo in lagu gaari karo Nabadda oo aan si wadajir ah uga wadda Shaqeyno. Haddii aan si kooban uga hadlo Dib u Heshiisiinta Beesha Caalamku ku baaqeyso waan soo dhaweyneynaa, sidaan horay u sheegay, balse waxaa haboon in mid aan caddeeyo taas oo ah in Shirar is barbar socdo lagu baaqayo in dadalaka qaarkiis lagu qabto Shir, taasi waa nasoo daashadeen,maanta waxaan wadnaa shirar dib u heshiisiin oo bilow u ah qabashada shirweyne ay kasoo qeyb galaan dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee siyaasadeediyo ururrada bulshada Rayidka. Umadda soomaaliyeed dan uma ahan in shirba shirka kale lagu dumiyo, shirka dib uheshiisiintana waxaa lagu qabanayaa dalka gudahiisa waxaana awoodnaa oo aan hido iyo dhaqan u leenahay in aan geed hoostiisa fariisano oo ku dhamaysano. Wixii qilaafaad ah oo jira maanta soomaaliya waxaa u curtay waa cusub waxaa jirta fursad qaali ah oo lagu kaalmayn karo dowlada iyo shacbiga soomaaliyeed su’aasha kale ee in la isweydiyo ay haboon tahay waa Somalia maanta maxay u baahan tahay? Taa jawaabteeda waa in la taageero dowlad soomaaliyeed si ay usoo celiso amaanka iyo kala danbaynta loona abuuro qorshe wax looga qabanayo dhinaca amaanka tababarna lagu siinayo ciidamada loo diyaarinayo Booliiska, Militariga, Asluubta iyo ciidanka amniga si loo xaqiijiyo amaanka dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Kooxihii laga adkaaday ee sheegan jiray midowgii maxkamadaha Qatar kuma ahan guud ahaan amniga dalka gaar ahaan kan gobolka, balse waxaa loo baahan yahay in sida uga dhaqsi badan laba arrimood ay beesha caalamka gacan uga geysato In sida uga dhaqsi badan loo soo dedejiyo ciidanka Midowga Afrika ka socda ee la keenayo dalka Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda tababar ay ugu fidiyaan ciidamada DAlka Somalia. Si loo joojiyo qaska iyo weerarrada dhuumaaleysiga waxay dowladu beesha caalamka ka dalbaysaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah si loo sugo amaanka guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, oo looga qeyb galiyo nabadeeynta magaalada (Comminute Policing). Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka ay wada beesha caalamka sida Contact group, iyo taageerada dowlada Mareykanka ay u fidinayso dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa midowga Yurub kaalmo wax ku ool ah ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan kaloo mahad balaaran u jeedinayaa wadamada IGAD guud ahaan gaar ahaan dalalka deriska Kenya, Ethiopia iyo Uganda iyo dalka aan walaalaha nahay ee Yemen oo dhamaantood si hagar li’ ah ugu taagan sidii dalka Somalia ay dhibaatada ugu bixi lahayd. Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ee soo martay ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka waxaana ugu baaqayaa dhamaan shacbiga magaalada Muqdisho ku nool inay gacmaha is qabsadaan sidii ay usoo celin lahaayeen sharafta iyo karaamadii ay lahayd magaalada Muqdisho. Shirkiisa jaraa’id ka dib ayaa su’ aalo laga weydiyey bal inuu faahfaahin ka bixiyo sida ugu haboon ee ay Qunyar socodka Madaxda Maxaakiimtii hore Shiikh Shariif uga qeyb qaadan karaan hanaanka geedi socodka Nabada? Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku jawaabay in bulshada Somalia meel walba ay joogto ay ka qeyb qaadan doonaan dib u heshiisiinta wuxuusa carabka ku dhuftay in qolyaha Argagixsada ka diiwaan gashan inaysan boos uga banaanayn inay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta. Shirka jaraa'iid ee Ra'iisul Wasaaraha ayaa kusoo aaday saacado kadib markii uu sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya C/laahi Yusuf Ahmed sheegay in aysan dowlada aysan ka fadhin doonin wax ka qabashada weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tilaabo adag ka qaadi doonaan. Dhanka kale Ra’ iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa caawa fiidkii uduuli doona dalka France oo kaga qeyb gali doono shir ka dhacaya dalkaasi oo ay isugu imaanayaan dowladaha Afrikaanka ee ku hadla afka Fransiiska iyadoo dowlada Soomaaliyeed lagu marti qaaday. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhaadhicin doona sidii dowladahaasi ay u taageeri lahaayeen qorshaha la damacsan yahay in ciidamo loogu geeyo dalka Somalia isla markaana taageero loo fidiyo abuurida iyo tababarida Ciidamada Xooga dalka Somalia oo haatan ay kasocoto Garoonka Balidoogle oo ilaa 10kun oo askari la isugu geeyey.