General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ah ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinacyada Siyaasadda iyo Nabadgalyada ayaa isaguna sheegay in shirar wax lagu doonayay muddo 17-sano ah, wuxuuna yiri sidan: “Showr waxaan wax ku raadinaynay muddo 17-sano ah, mana soconayso sidaan filayo wixii hadda ka dambeeya, waxaase loo baahan yahay in garbaha la is qabsado oo wax laga qabto dhibaatada ammaan-darro ee ka jirta gudaha caasimadda Muqdisho”. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay garab nagu siiyaan soo celinta ammaanka Muqdisho, waa mid aan laga maarmayn in iskaashi lagu dhaliyo ammaanka Muqdisho, taasna waxay ku xiran tahay shacabka sidii ay gacan u siin lahaayeen xubnaha dowladda” ayuu yiri Shaaweeye.
  2. Ugu horreyn ayaa waxaa ka hadlay xafladda xirtaanka Siminnaarkaas Ergay ka socday hay’adda UNDP oo iyadu bixisay qarashaadka ku baxayay siminnaarka muddada 7-da casho ahayd oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji Axmed, wuxuuna sheegay in kulankaan sababtii loo qabtay ay ahayd sidii uu googol-dhig ugu noqon lahaa heshiis waara oo laga gaaro khilaafaadyada ka dhex jira shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aaraada ka soo baxda ay u noqon lahayd mid saad u noqota qabashada shir weynayaal kale oo dib u heshiisiineed. Duuliye Sare Cabdi Cismaan Faarax oo isagu ah Guddoomiye ku xigeenka Shirka oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sababta dhabta ah ee kulankaan loo qabtay ay ahayd sidii loo heli lahaa fikrado kala duwan oo saad looga dhigto marka la qabanayo shir weyne dib u heshiisiineed oo Qaran. “In shir dib u heshiisiin ah dalka gudihiisa lagu qabto laguna heshiisiiyo shacabka Soomaaliyeed waa mid aan laga maarmayn, waayo xabbadii dhacda waxay ku dhacaysaa qor muhiim ah oo Soomaaliyeed, sidaa daraadeed, waa in shir dib u heshiisiin ah la qabto, kanna waxa uu googol xaar u ahaa qabashada shir dib u heshiisiin ah” ayuu yiri Duuliye Sare Cabdi Cismaan Faarax.
  3. MUQDISHO: Aqoon-isweydaarsi loogu gogol xaarayay shirka dib u heshiiisinta Qaran oo maanta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho (DAAWO SAWIRRADA) Posted to the Web Feb 12, 16:47 Muqdisho (PP) – Aqoon-isweydaarsi loogu gogol xaarayay dib u heshiisiinta Qaran ee ay Dhawaan dowladda ku dhawaaqday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hotel-ka KAAH ee Magaalada Muqdisho. Siminnaarkaan oo ay ka soo qaygaleen in ku dhow 250-ergo ayaa waxaa looga hadlayay sidii dib u heshiisiin dhameystiran loogu sameyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ergadaan intii ay kulankaas fadhiday oo ahayd 7-casho ay ku soo bandhigeen aaraa kala duwan si uu ugu noqdo googol-xaar shirweynaha Qaran ee dhawaan lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya. Xiritaanka maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu soo xiray kulanka, waxaana ka mid ahaa: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaac Cali Jeelle, Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye), Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca arrimaha bulshada Muriiddi Golf iyo xubno kale oo fara badan
  4. Muqdisho: Siminaar loogu gogol xaarayey dib u heshiisiinta dalka oo lagu soo gabagabeeyay hotelka Kaah. Isniin, February 12, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Siminaar mudo Todobaad ah ugu socday Hotelka Kaah ee magaalada Muqdisho qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo xafladii xeritaanka ay kasoo qeybgaleen xubno ka socday dowladda KMG ah. Siminaarkan oo lagu baranayey qaabka dib u heshiisiinta iyo amniga gobolka Banaadir ayaa xeritaankii siminaarkan hadalo kasoo jeediyay xubno uu ka mid aha Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo sharaxaad ka bixinayey shirkan wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid dadka lagu fahamsiinayo dadka qaabka dib u heshiisiinta ee loo baahan yahay, isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka. Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada siminaarkan uu yahay mid loogu gogol xaarayo shirka dib u heshiisiinta ee Madaxweynaha uu ku dhawaaqay. Siminaarkan oo mudo todobaad ah socday ayaa waxaa maal gelisay hey'adda UNDP waxaana soo qaban qaabiyay guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku soo gabagabooway jawi degan inkastoo mudadii uu socday weeraro hubeysan lagu soo qaaday. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  5. KISMAAYO: Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo loo qabtay 10 maleeshiyo ah Posted to the Web Feb 12, 13:54 Kismaayo: (pp) - Ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen kooxo lagu sheegay inay ka danbeeyeen weerarkii bambaano ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo . Maleeshiyada ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka dowlada oo gaaraya ilaa 10 maleeshiyo ah ayaa lagu soo eedeeyey inay ahaayeen kooxihii maalintii shalay ahayd ka danbeeyey falkii arga-gaxa lahaa ee ka dhacay beerta xoriyada ee magaalada Kismaayo. Falkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku geeriyootay 4-ruux , 20-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen oo ay ka mid ahaayeen Abaanduulaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Mahdi C/salaan iyo masuuliyiin kale oo la socotay oo soo gaaray magaalada Kismaayo. Maleeshiyaadka loo qabtay falkii shalay ayaa lagu soo waramayaa in dhamaantood loo dhaadhiciyey xabsiga ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo , goobtaas oo ay ku baarayaan Ciidanka Booliiska ee magaalada Kismaayo. Maxamed Jaamac Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya
  6. Waxaa goobta lagu soo bandhigey Filim muuqaal ah oo laga soo duubay nidaamka wadada iyo rag injineero ah oo tegey goobta shaqadu ka socoto kuwaas oo ka kala socdey Hay'adda NESHA iyo Hay'adda ku hawlan dhisadeeda Filimkaan ayaa waxa uu ahaa mid dhinac dadku aad ugu farxeen marka ay arkeen kheyraadka rabbi ku manaystey dhulkaas sida TIMIRTA ee beerta SAYN iyo MEYDIGa, iyo weliba Biyaha qulqulaya goobahaas ee jowda haya. Intaas kadib waxaa goobta ka hadley Faarax Xaaji Mire oo ah Madaxa Xiriirka Bulshadda ee Shirkadda Golis waxana uu ka warbixiyey Inshirkadda Golis ay sanadkii la soo dhaafey kaalin mugweyn ka qaataday waxqabadka Dalka, islamarkaasna 700.000.000sh,so ku bixisey waxqabadka sanadkii la soo dhaafey oo keliya kuwaas oo ay kaga qaybqaadatay Nabadgelyada, Caafimaadka, Nadaafadda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.
  7. Maxamuud Siciid Macaw ayaa soo bandhigey sida ay ku bilaamatay Mashruuca wadada Lafa Gorayo, waxa uu sheegay kadib markii loo adkeysan waayey dhibaatada ka haysata dhinaca jidadka Deegaaanada hoosyimaada Deg. Caluula in shacabka ku dhaqan deegaankaasdi ay garteen in ay iskod isugu tashadaan, waxa ayna ku bilaabeen in ay wadada ku bilaabaan gacantoodaan wax u qabtaan arintaas oo Gumeystihii Talyaanigu u babac dhigi waayey isla markaasna uu ka joogsadey in uu halkaas waddo geeyo. Macow ayaa sheegay in uu ahaa bud-dhiga jidkaasi Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo isagu dhiiri gelin iyo balanqaadba baxshey waxaana uu u saarey guddi ka shaqeeya ururinta lacagaha sidoo kale waxa uu warqad u qorey International Communityga kana codsadey in wax lagala qabto arintaas taas oo ay ku heshay Wadadu in Hay'adda INRA ay bixiso 43% lacagta loo baahan yahay ee dhan $560,000,00. Macow ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu balanqaadey in uu baxsho $150,000,00, halka bulshadda ku dhaqan deegaanka Caluula ilaa Baargaal ay qaateen in ay baxshaan lacag dhan $120,000,00 macow ayaa sheegay in hawshaan in ay qabsoonto abaalkeeda uu lee yahay Madaxweynaha Puntland ee u soo jeestey waxkaqabashadda kaabayaasha dhaqaalaha ee nooluhu u baahan yahay.
  8. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhamaystiraayo wadad Lafa gorayo isla markaasna ay qorshaha ku jiraan wadooyin kale oo badan oo ay kamid yihiin: Gaalkacyo - Jariiban, Garowe - EYL, Lascanod - Buuhoodle, Bosaso - Qandala. Madaxweynaha ayaa sheegay in Wadada Qandala iyo Jariiban gacanta lagu hayo kuwa kalena dhawaan la bilaabayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagtii wadada Lafa Gorayo qaybtii Dawladu ugu talo gashey gacanta lagu hayo dhawaana lagu wareejinaayo maamaulka gacanta ku haya wada, sidoo kale madaxweynaha ayaa mahadnaq u jeediyey Shirkadda Golis waxana uu sheegay in shirkadaha wax u qabta dalka aan lala simeyn shirkadaha aan waxba u qaban isla markaasna lala xisaabtamayo kuwa aan canshuuraha bixin. Isku soo duubo xafladdan ayaa kusoo dhamaatey jawi wanaagsan iyo yididiilo. HorseedNet.com
  9. aShir looga hadlay dhismaha Wadada Lafa Gorayo ee tegaysa Caluula oo ka dhacay Hotel Panarama (Daawo Sawirada) Last Updated::2007-02-12 13:02:06 Bosaso:- Waxaa xalay Hotel Panorama ee magaalada Bosaaso ka dhacay shir looga hadlayey Sameynta Wado cusub oo tagta degmada Caluula ee gobalka Bari. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland mudane Maxamuud Muuse Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dekadaha Mudane Siciid Maxamed Raage, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadidka Maxamuud Bile Dubbe, Labada Wasiir ku xigeen ee Maaliyadda Yaasiic Cartan & Yaasiin Tamaad, Labada wasiir ku xigeen Wasaarada Kaluumeysiga iyo Dekadaha Cabdiweli Geyre iyo Maxamed Axmed Cilmi, Barasaabka Gobolka Bari Musse Geele Faroole, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo Marti sharaf kale oo badan. Xafladan ayaa waxaa soo agfaasimey Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis, waxaana ugu horeyntii ka hadley Maxamuud Siciid (Macow) oo ka socda Hay'adda gacanta ku haysa Dhismaha Wadada Lafa Goroyo magacadeena la dhaho HORAD. Maxamuud Siciid Macaw ayaa soo bandhigey sida ay ku bilaamatay Mashruuca wadada Lafa Gorayo, waxa uu sheegay kadib markii loo adkeysan waayey dhibaatada ka haysata dhinaca jidadka Deegaaanada hoosyimaada Deg. Caluula in shacabka ku dhaqan deegaankaasdi ay garteen in ay iskod isugu tashadaan, waxa ayna ku bilaabeen in ay wadada ku bilaabaan gacantoodaan wax u qabtaan arintaas oo Gumeystihii Talyaanigu u babac dhigi waayey isla markaasna uu ka joogsadey in uu halkaas waddo geeyo. Macow ayaa sheegay in uu ahaa bud-dhiga jidkaasi Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo isagu dhiiri gelin iyo balanqaadba baxshey waxaana uu u saarey guddi ka shaqeeya ururinta lacagaha sidoo kale waxa uu warqad u qorey International Communityga kana codsadey in wax lagala qabto arintaas taas oo ay ku heshay Wadadu in Hay'adda INRA ay bixiso 43% lacagta loo baahan yahay ee dhan $560,000,00. Macow ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu balanqaadey in uu baxsho $150,000,00, halka bulshadda ku dhaqan deegaanka Caluula ilaa Baargaal ay qaateen in ay baxshaan lacag dhan $120,000,00 macow ayaa sheegay in hawshaan in ay qabsoonto abaalkeeda uu lee yahay Madaxweynaha Puntland ee u soo jeestey waxkaqabashadda kaabayaasha dhaqaalaha ee nooluhu u baahan yahay. Waxaa goobta lagu soo bandhigey Filim muuqaal ah oo laga soo duubay nidaamka wadada iyo rag injineero ah oo tegey goobta shaqadu ka socoto kuwaas oo ka kala socdey Hay'adda NESHA iyo Hay'adda ku hawlan dhisadeeda Filimkaan ayaa waxa uu ahaa mid dhinac dadku aad ugu farxeen marka ay arkeen kheyraadka rabbi ku manaystey dhulkaas sida TIMIRTA ee beerta SAYN iyo MEYDIGa, iyo weliba Biyaha qulqulaya goobahaas ee jowda haya. Intaas kadib waxaa goobta ka hadley Faarax Xaaji Mire oo ah Madaxa Xiriirka Bulshadda ee Shirkadda Golis waxana uu ka warbixiyey Inshirkadda Golis ay sanadkii la soo dhaafey kaalin mugweyn ka qaataday waxqabadka Dalka, islamarkaasna 700.000.000sh,so ku bixisey waxqabadka sanadkii la soo dhaafey oo keliya kuwaas oo ay kaga qaybqaadatay Nabadgelyada, Caafimaadka, Nadaafadda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha. Prof.Adam Shiikhdoon ayaa halkaas ka soo jeediyey qorashaha sanadkan ee Shirkadda Golis waxana uu sheegay in ay dooanayaan in laba jibaaraan waxqabadka ay dalka u hayaan waxyaabaha uu taabtey waxa kamid ahaa in sanadkaan ay doonayaan in ay hirgeliyaan mashruuc loogu fiiqaayo indhaha dadka badan 200 oo qof, sidoo kale waxa uu goobtii kaga dhawaaqey in aduun dhan $10.000 arin taas oo ahayd mid aad loo bogaadiyey looguna duceeyay. Gebogebadii barnaamijka ayaa waxaa xirey Madaxweynaha Puntland mudane Maxamuud Muuse Xirsi, Madaxweynaha ayaa sheegay in muhimadda uu siinaayo kaabayaasha dhaqaalaha sidii wax looga qaban lahaa oo ay ugu horeyso jidadka, biyahana muhimad weyn ayaan siineynaa ayuu yiri Madaxweynuhu.
  10. MATABAAN: Kooxo Malleeshiyo ah oo xoog ku qabsaday Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Posted to the Web Feb 12, 12:33 Matabaan (PP) – Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in cidammo ka yimid dhanka Deegaanka Gobolka Galguduud ay xoog ku qabsadeen Matanaan saakay. Ciidamada duullaanka ah oo ka yimid dhanka gobolka Galguduud ayaa la sheegay inay xalay saqdii dhexe soo dageen meel ku dhow Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Galguduud, saakayna ay soo galeen, deegaanka iyagoo aan wax dagaal ah kala kulmin gudaha degmada. Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Matabaan ayaa saxaafadda qaarkeed u sheegay inaysan ogolaan doonin in Ciidamo ka yimaada Gobolka Galgaduud oo xoog ku qabsada deegaankooda, waxaana ay sheegeen inay ka hortegi doonaan ciidammadaas oo ay ku sheegen inay yihiin kuwo doonaya inay fadqalalo ka abuuraan gudaha Degmadooda. Mas’uuliyiintaan ayaa sheegay inay dagaal kaga hortagi doonaan ciidammadaan soo duulay haddii ay kaga bixi waayaan deegaankooda sida ugu dhaqsiyaha badan, waxanaa ay ka gaabsadeen Mas’uuliyiintaan inay sheegaan halka ay ka soo jeedaan ciidammadaan ku soo duulay deegaankooda. Dhanka kale ciidammadaan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin hadda gudaha degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay sida ay sheegayaan dadka deegaanka Matabaan inaysan ka baxayn halkaas aysanna ka soo horjeedin dowladda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
  11. Maleeshiyooyin la wareegay degmada Matabaan Last Updated::2007-02-12 17:11:30 Matabaan:- Maleeshiyo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saaka la wareegay xarumo ku yaal magaalada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Maleeshiyadan oo la sheegay in ay kasoo jeedaan gobalka Galgaduud, ayaa la sheegay in ay magaalada lasoo galeen dhawr gaari oo nooca dagaalka ah. Maleeshiyadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin deegaanka Matabaan, walow halkaasi xiisadi ay ka dhalatay imaanshaha maleeshiyadan. Maamulka degmada Matabaan ayaa ugu digay Maleeshiyadaasi in ay halkaasi isaga baxaan, ayadoo maamulkaasi uu ka codsaday ciidamada Dowlada in ay tilaabo ka qaadaan maleeshiyooyinka halkaasi soo gaaray. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  12. Qarax ka dhacey Kismayo 11 Feb 11, 2007 - 1:18:19 AM Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax Bam oo ka dhacay Beerta Xoriyada oo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo dhageysanayey khudbado ay jeedinayeen xubno ka tirsanka dowladda. Qaraxaan ayaa waxa ku dhintey 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 20 qof. Bamkaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhawacmay Sarakiil ka tirsan dowlada KMG ahiyadoo wararku ay sheegayaan in dhawacoodu sahlanyahay, Qaraxan Bam ayaa waxaa saraakiisha dowladda ku dhex tuuray qof goobta ku sugnaa iyadoo wararka aan heleyno ay sheegayaan in xubno sare oo ka tirsan mas'uuliyiin halkaasi ku sugneyd. Isbitaalka magaalada Kismaayo buuxiyay dhaawacyada ka dhashay qaraxaasi iyo rasaas lagu furay xubnaha halkaasi ku sugnaa. Saraakiisha sare ee dhawacantay ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxman Waldiire, Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Gobolkaas, Col.Adan Goojir, waxaa kale oo la sheegayaa inay dhaawacmeen Col.Cabdullahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Col.Buslow oo ah sarkaal Itoobiyaan ah hase ahaatee labadaan sarkaal ee dambe si cad looma xaqiijin karo dhaawacooda. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha guutada koowaad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Col.Cabdirisaaq Afguduud iyo saraakiil kale oo fara badan. Cali Muxayadiin Cali,GO
  13. ^^^That was one of your funniest, finest posts, pure comedy I tell ya. Keep up the good work, from threatening to takeover the region to giving us such a story. Marvelous...
  14. ^^^You seem to only make one point, as if you are stuck on one gear. Violence has decreased across the country, unless you think districts of Mogadishu are the country. A month or so back we had a fulls csale clash we had the pundits predicting a regional war, we had attacks happening from Bewlweyne, Banderadlay, Baudoa, Idaaale, BurHakabo and so on. Thousands were involved. Today its quite, there are no more two groups, there is one entity in control of the country. The flashpoint areas are quite, Idaale, Diinsoor, Bur=Hakab
  15. ^^^The whole country is much safer, since thousands of millitiua fighters and their heavy equipment has been done away, thus this small spike in violence and the low grade nature of it posses no real danger..
  16. ^^^I really dont mind what anyone accuses me of saxib. Its an attemot to get your own back at me, by all means do so..
  17. ^^^The point is there was a gun battle in Somaliland has it all ended? Thus our secesionist boys need to undertsand this Somali government will not go because of a few grenades and a gun battle. Anyhow Suldanks, still on your way to closing the mytrhi c borders, can you..
  18. ^^^no saxib you hate`Puntland, the clans there, have the guts to admit it mate.
  19. ^^^I understand that, saxib a good point, however the level of violence has reduced across the country since the demise of the courts. In Mogadishu there are a number of factor fuelling the price of the AK47, the vacume left by the courts, percieved clan thret.
  20. ^^^Oh my, if thats how much you guys hate Puntland and what it is thats notmy problem. I have never denied supporting Puntland, or who I am, unlike you who pretends to be avrious clans and then religious, who made many promises, one should not worry about you saxib.
  21. ^^^I have had as much schooling as anyone, the governemnt has control of the regions has named admins, is training police abd armed forces and so on. But you already knew that. CG. You are using a price of a gun I am using the level of fighting, deaths and area of operations. Now has the violece increased or decreased?