
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Carmo: Somali national police academy..PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Madaxweynaha DGPL ayaa waxa uu kormeer ku tegay Akadamiyada Booliiska ee Carmo (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-02-19 11:58:08 Carmo:- Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kormeermeer ku soo mareen qaybaha uu ka kooban yahay Akademiyada Booliiska Carmo. Madaxweynaha DGPL mudane Maxmuud Muuse Xirsi ayaa waxa uu halkaasi warbixino kaga dhegaytay taliyaha Akademiyada Carmo,isagoo aad ugu mahad celiyey booshaqada uu ugu yimid Madaxweynuhu aadna ay ugu faraxsan yihiin, wuxuuna u sheegay sida ay hadda shaqadu ugu socoto ay hadda ku jiraan qalabayntii hoolalka, xafiisyada, fasalada iyio qolalkii la seexanayey, mid kastana aad soo aragtay hadda waxa keliya ee ku sugan waa saraakiishii oo uu u socdo tababar ka dibna ay soo xereen doonaan dufcadihii kale. Intaasi ka dib ayaa waxa uu madaxweynuhu kulan la qaatay saraakiisha ka hawlgasha Akademiyada iyadoo uu mid ka kastana uu ka warbixyey taliyaha Akademiyada Gaashaanle sare Gaani waxa uu u qaabilsan yahay, taliyaha ayaa waxa uu madaxweynaha u sheegay in ay jiraan rag halkan fadhiyey in aad u qortid dalacado waayo waa ay mutaysteen shaqo fiicana waa ay qabteen. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii loo wareejiyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamud Muuse Xirsi wuxuuna aad ugu mahadceliyey Saraakiisha ka howlgasha Akedimayada Booliiska ee Carmo, waxaana aad ugu farxsanahay sida aad u haysaan Akademiyada ee aad u ilaaliseen hadday ahaan lahayd nadaafad iyo si kastaba, waxaan jecelahay in ay wax ka bartaan cid kasta oo soomali ah, meel kastaba ha ka yimaadeena,mustaqbalkana ay noqoto meel lagu tababaro shaqaalaha iyo ardayda soomaaliyeed ee ka soo qalin jabisay dugsiyada sare. HorseedNet.com
-
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Indeed, it will a great deal will change with the AU troop arrival as well the completion of training in the coming weeks of a our troops in Balidoogle..Saxib much has changed in the past few months.. -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib is accuare and tells the truth, the TFG troops are taking over the city district by district and the few bombs which happen to terrorise the civilian population wont stop this fact. You can feel the ever growing strength of the Somali governemnt.. -
^^^Digital, the tax collection is not from the road bloack but will be colleceted from businesses, ports airpors and duties will be levied on the Qad, Tobacco and other products.. Just like they collect taxes in Hargaysa, Bossaos and so on.. Simple really..
-
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib you are deluiding yourself and the UNDP estimate was rubisehd by the state as well as many who live there, they have accepted this mistake and will review it, there have been other estimate by the UN that place Puntlands population at between 2.5-2.8.. It is a vast state with many cities and nomadfolks. Puntland State of Somalia in the northeast was formed or founded in1998 and comprises 5 regions namely: Nugal, Mudug, Bari, Sool, and Sanaag with an estimated population of over 2.8 million people (as reported by the state administration). source -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^LOL. If the TFG is weak then what do you call those who's reps get turned away from every meeting even in Adis? Saxib with guns comes problems, the situation of Mogadishu is a security problem and not a milliotary one... -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^SYL, Puntland is 1/3 of Somalia and the population figure is estimated to be at 2.5 million, bossaso alone has more than 500,000 population. Things has changed sir, -
TFG minister police chief arrive in Kismayu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka ganacsiga iyo wafdi uu hogaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo (Kismaayo)-Shalay gelinkii danbe ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda Federaalka KMG ah. Wadigaan ayaa waxaa ka mid ahaa, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe,kuwaas oo safarkooda ku sheegay sidii loo dar dar gelin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha gobolka iyo xoojinta iyo weli tayeyta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Mar uu aritnaan ka hadlayey ujeedada safarkooda wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Axmed Afrax ayaa sheegay in ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa ilaha dhaqaale ee gobolka Jubada hoose, maamulka dhawaan la magacaabayna ay kala hadli doonaan qaabka ay isula shaqaynayaan iyo weliba sidii loo hawl gelin lahaa ilaha dhaqaalaha gobolka. Waxaa isna dhankiisa ka hadalay sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Booliiska gobolada Jubooyinka Jen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sheegay tabar wanaagsan la siin doono ciidanka Booliiska manta uu la kulmi doono saraakiisha Booliiska magaalada Ksimaayo. Waa wafdigii ugu ballaaraa oo gobolka booqda tan markii halkaas ay isaga taggeen midowgii maxaakiimta oo laga tabar roonaaday dagaal ay isu kaashadeen ciidamada dawlada FS iyo kuwa Ethiapia. Xarunta wararka Waayaha.net -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay oo bilaabay roondooyin dheraad ah si uga hortagaan falalka kooxaha qaran-diidku wadaan Muqdisho Sabti 17 Febr 2007 Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay ayaa bilaabay howlgalo dheeraad ah oo ay qaab roondeyn ah ugu marayaan qaar ka mid ah waddooyinka degmooyinka Muqdisho Sabti 17 Febr 2007 Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay ayaa bilaabay howlgalo dheeraad ah oo ay qaab roondeyn ah ugu marayaan qaar ka mid ah waddooyinka degmooyinka Boondheere, Wardhiigley iyo qeybo ka mid ah Yaaqshiid, iyadoo ujeedaduna ay tahay inay ka hortagaan weerar hoobiyeyaal loo adeegsado oo ay suuragal tahay kooxaha qaran-diidka inay degaanadaasi ka tuuraan. Taliyaha maleeshiyooyinka degaanka Siinaay oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Sabriye (Ger-jeex) ayaa sheegay inay xireen wadooyinka u dhaxeeya isgoysyada Siinaay, Florenza, Afarta Jardiino Boondheere ilaa iyo Iskuulka 15-ka May, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo ay kaga hortegayaan isku dayga kooxaha qaran-diidka ay ku doonayaan inay gantaalo ku weeraraan xarunta Villa Somalia. "Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in wixii ka dambeeya laba saac habeenkii uu ku eg yahay isu socodka gaadiidka, socodka dadkana waxa uu ku eg yahay saddex saac habeenkii, wixii muddooyinkaasi ka dambeeyana waxaanu cod dheer ku sheegeynaa inaan xabsiga u taxaabi doono cidii amarka qaadan weysa" ayuu yiri Taliye Ger –jeex oo Saxaafadda kula hadlay xaruntiisa. Maleeshiyooyinkan ayaa saddex habeen kahor waxay gacanta ku dhigeen laba Hoobiye oo kooxaha qaran-diidka ay soo dhigteen inta u dhaxeysa Isgoyska Florenza ilaa dugsiga 15-ka May, halkaasoo ay doonayeen inay gantaalo kaga tuuraan xarunta Madaxtooyada, hase ahaatee waala kala ceyriyay, hubkoodiina gacanta ayaa lagu dhigay. Dadweynaha degan xaafadaha ay maleeshiyooyinka howlgalada roondada ah ka sameeyaan ayaa si aad ah u soo dhoweeyay arrintan oo ay sheegeen inay ka fogeyneyso dhibaato ka soo gaari lahayd gantaalaha ay kooxaha qaran-diidku tuuraan iyo rasaas isweydaarsiga dhex mari kara iyaga iyo ciidanka ammaanka. Xasfiiska war qabadka shabakaadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib, I do not answer to a sad secesionist who's dreams of recognition has coem to naught and who's entity could not even control the ares it claims. Saxib Somalia is back, under Yusuf Yey, you have to live with that... Also was there not more deaths this past week between your cubclans in some village than in the streets of Mogadishu? -
Puntland ready to host (National reconciliation Conference)
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Indeed, why not, even Las Qoray could host the conference, it has to eb within the country and Puntland is part of Somalia.. -
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The secesionist suprise is more evident as the days pass.. The TFG troops are now at every entrance to Mogadishu and have expanded throught the city.. Wadooyinka soo galo Magaalada Muqdisho oo caawa la xeray ka dib markii Ciidamo isku dhaf ah la dhigay Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 17/02/07 Ku xigeenka duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Nabadgalyada iyo Siyaasada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa sheegay in dhamaan wadooyinka soo galo Magaalada Muqdisho la geeyey ciidamo si loo koontaroolo amaanka Magaalada Muqdisho. Shaaweeye waxa uu sheegay Wadada dheer ee aada Gobalada dhexe ee Balcad iyo Muqdisho, in ciidan la dhigay, sidoo kale wada dheer ee baydhaba iyo Muqdisho nawaaxiga Siinka dheer Ciidan la geeyey, sidoo kale Wadada marta Dhinaca Xeebta ee Muqdisho iyo Hobyo gaar ahaan Galgalato la dhigay Ciidan, waxa uuna sheegay sidoo kale in la geyn doono ciidamo kale wada xeebta ah ee gasha Degmada Marka ee Gendershe. Qorshaha ciidamada lagu geynayo Goobahaasi ayuu shaaweeye ku tilmaamay in ay la xiriirto xaqiijinta amaanka guud ee Magaalada Muqdishi, iyada oo la ogaanayo cida dhibaatada wada ee Magaalada soo galeyso iyo ka baxeyso intaba. Kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Nabadgalyada Ibraahim Shaaweey waxa uu sheegay Mudooyinkan magaalada Muqdisho in xaaladeed amaan ay xumeyd, sidaasi daraadeed waxa uu sheegay in haatan wixi ka dambeeyo loo howlgalayo sidii talaabo loo qaadi lahaa. Falalka amaandarada ah ee wata Qaraxyada ayaa mudooyinka si weyn ugu soo batay Magaalada Muqdisho taa soo keentay dad badan in ay isaga qaxaan magaalada Muqdisho cabsi darteed. -
Anyhow Riyaale at the helm will bring Somaliland back, Warrabe will also bring Somaliland back to the mother land and Mogadishu... Its a win win situation.
-
They never infoirced it since most of the moiney from Ceelmacan and Barava ports came from charcoal ...... Dowladda Federaalka oo sheegtay in gabi ahaanba la xeray Dekada Ceelmacaan, dibna aan loo isticmaali doonin Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 17/02/07 Maareeyaha Dekada weyn ee Muqdisho Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in ay dowladda ku meel gaark ah ay soo saartay wareegto lagu joojinayo adeegyadii ay qaban jirtay Dekada macamalka ah ee Ceelmacaan eek u taalo duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho. Jiinoow waxa uu sheegay in ay dhamaatay baahidii Dekadaasi loo qabay mar hadii ay furan tahay dekada caalamiga ah ee Muqdisho, waxa uuna intaasi raaciyey hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay talaabo ka qaadi doonaan cidii ku xadgudubta Sharcigaasi. Mar uu ka hadlayey Madaafiicda lala soo beegsado Dekada Muqdisho waxa uu sheegay in aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay howlaha ganacsi ee Dekada, waxa uuna gaashaanka ku dhiftay oo uu beeniyey in ay jiraan Marakiib raran oo cabsi daraadeed ugu soo xeran waayey Dekada Muqdisho. Cabi Jiinoow Calasow waxa uu dhinaca kale iska fogeeyey in ay jiraan alaabo fara badan amah anti ay ku xayiran yihiin gudaha Dekada sababo la xiriira canshuro fara badan oo la dul saaray. Dekada Ceelmacaan oo dhawaanahan laga dhoofinayey dhuxul loo waday Wadadama Carabta qaarkood ayaa xeritaankeedu waxa uu ku soo beegmayaa xili Madaxweynaha uu wareegto ku mamnuucay Dhoofinta Dhxusha.
-
Puntland has had its admin for over eight years now and the locals elected their district`heads a while back. This will be the case for all of Somalia ina few years insha Allah..
-
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo howlgalo baaritaan ah ka sameeyey xaafada Al-Baraka ee Muqdisho February 17-2007-HornAfrik, Mogadishu Ciidamada dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Itoobiyaan ah ayaa howlgalo baaritaan min guri ah waxa ay ka sameeyeen maanta xaafada Al-Baraka ee magaalada Muqdisho. Howlgalkaas lagu baaraya xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan gaar ahaan guryaha u dhow xaruntii gaashaandhiga, guryihii saraakiisha iyo dhismayaasha dadka shacabka lahaayeen oo ciidamada dowladda fedraalka iyo Itoobiyaanka ka sameenayaan baaritaan la xiriira kuwaas oo ay ka baarayaan hub iyo waxyaabaha kale ee qarxa. Dadka deegaankaas ayaa baaritaanka lagu wado ku tilmaamay mid ay si aad ah uga qalqaleen islamarkaana ay baaristooda ay la xiriirto arrimo xadgudub ku ah dadka la baarayo. Mid ka mid ah dadkii guryahooda la baartay maanta ayaa sheegay in markii ay gurigiisa ay baareen ay ka qaateen lacag iyo alaabooyin kale oo gurigisa dhex yaalay isagoo sheegay in ciidamada Soomaalida ay ka qaateen. Howlgalkan baaritaanka ee laga sameeyey deegaanka Al-Baraka ee degmada Hodan ayaa dadka deegaanka sheegayaan in ciidamadan aaney dhaafeyn wixii ay fursad u helaan. Howlahan lagu baaraya guryaha ay degan yihiin dadka rayidka ee ku yaala deegaankaas ayaa shalay bilaawday markii ciidamada Itoobiyaanka ay soo dageen xaruntii gaashandhiga iyadoo ilaa shalay dadka ku nool halkaas ay ku baryeen walaac ay ka qabaan arrrimaha ku soo kordhaya deegaankooda. Ma ahan marki ugu horeysay ee cidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida ay baaritaano la xiriira aafadaha ka sameeyaan inkasta oo la dhihi karo kan waa howlgalkii ugu balaarnaa ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay ka sameeyaan gudaha magaalada Muqdisho tan iyo xilligii dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay soo dageen gudaha magaalada Muqdisho.
-
TFG minister police chief arrive in Kismayu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
KISMAAYO: Dowladda Federaalka Soomaliya oo wafdi heer sare ah u dirtay Magaalada Kismaayo si ay... Posted to the Web Feb 17, 09:17 Kismaayo (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay markii ugu horreysayu dirtay Magaalada Kismaayo wafdi ka socda Golaha Wasiirrada kuwasoo u kuurgalaya xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo. Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya C/llaahi Axmed Afrax ayaa waxaa qayb ka ah Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), waxaana lagu wadaa in halkaas laga dhiso taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo aan ka jirin gobolkaas. Sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in lagu ururiyay Magaalada Kismaayo saldhigyadeeda booliiska Gobolka Jubbada Hoose oo dhan, iyadoo ay mas’uuliyiintaan hadal u jeedin doonaan ciidammada Booliiska. Arritaan ayay wararku sheegayaan inay ka dambeysay kaddib markii dhawaan halkaas uu ka dhacay qarax weyn oo sababay inay ku dhaawacmaan goobta uu qaraxu ka dhacay saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo haatan daweyn ahaan loogu qaaday dalka Itoobiya oo ah dal soomaaliya si xoog leh uga taageera dhanka amaanka. Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wafdi caynkaan oo kale ah u dirto Gobolka Jubbada Hoose oo ahayd goobtii ugu dambeysay oo ay Dowladda Federaalka ka saarto Maxkamadihii Midoobay. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com -
Kismaayo: Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha ciidamada Booliska iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Kismaayo. 17. februar 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose, waxaana wafdiga ka mid ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali. Wafdigan ayaa ujeedada socdaalkooda waxay ku sheegeen in ay tahay sidii loo hor marin lahaa ilaha dhaqaale iyo ciidamada booliska gobolladaasi. Cabdullaahi Axmed Afrax wasiirka Ganacsiga oo ka warbixinayey ujeedada ay halkaasi u tageen ayaa sheegay in ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa ilaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo isla markaana maamulka cusub ee halkaasi ay kala hadli doonaan qaabka shaqo ee ilaha dhaqaale looga howlgalayo. Jen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidamada Booliska ayaa isagana sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkiisa ay tahay sidii loo hor marin lahaa howlaha ciidamada Booliska ayna u heli lahaayeen tababaro tayo leh, wuxuuna sheegay in halkaasi maanta uu kula kulmi doono dhamaan saraakiisha ciidamada ku sugan magaalada Kismaayo. socdaalka wafdigan ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili gobolada Jubbooyinka loo sameeyay maamul cusub oo aan ilaa weli shaqo bilaabin, waxaana weli ilaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo gacanta ku haya maamulkii hore ee Barre Hiiraale. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
-
^^^The tax collection will be done like in any other nations and has nothing to do with the old warlords..
-
TFG troops take over more government areas in Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
PeaceNowThe traitors are those who held the people hostage using clan arguments, torched Mogadishu and then changed shirts and used the religion to maintain their coal trading and illegal cartels. Saxib the game si up. Taliban The TFG is not setting a green line it controls most of the city, and is taking over straregic governemnts instillations. Ta -
Howlgalo ka bilowdey Muqdisho 17 Feb 17, 2007 - 6:38:06 AM Howl gal ballaaran oo amaan sugid ah ayaa maanta ka bilowday xaafadaha ku dhow Wasaaraddi hore ee Gaashaandhiga Somalia, oo shalay ay la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia. Howl galka ayaa waxaa fulinaya labada ciidan oo iskaashanaya si ay ula dagaalamaan kooxaha rabshadaha wada. Dadka deegaaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay baaritaanadooda ka bilaabeen Shiirkole iyo xaafadaha kale ee ka ag dhow. Howl galka ayaa bilowday saaka abaare 12:00 duhurnimo xilliga magaalada Muqdisho. Wadada warshadaha iyo wadooyinka yar yar ee ku ag dhow Xarunta Gaashaandhiga waxaa saakay lagu arkayay dadweyne alaabtooda wata oo qaxaya. Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii ballarinayay fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho. Cabdi Fatax Axmad,GO
-
Canshuur laga bilaabey Muqdisho 17 Feb 17, 2007 - 5:25:14 AM Maamulka gobolka Banadir ayaa markii ugu horeysay maanta bilaabay howlo canshuur aruurin ah iyadoo afar wado oo laga soo galo Muqdisho ay dhigeen ciidamada booliska kadibna gaadiidka iyo ganacsatada qaadka ay ka qaadayeen lacago canshuur ah. Ganacsatada qaadka iyo gaadiidleyda ayaa maanta lagu soo rogay iney bixiyaan lacagaha canshuuraha taasoo ay ka horyimaadeen ganacsatada oo sheegay in aan haba yaraatee aan lagu wargelin iney bilaabaneyso canshuur arurinta dowladda Hoose. Canshuur aruurintan oo ku bilaabatay si kedis ah ayaa inta badan gaadiidleydii maanta ay ka hortimid, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ganacsatada iyo gaadiidka BL-ka ee gudaha magaalada Muqdisho si rasmi ah lagu soo rogayo, xili magaalada Muqdisho aysan ka jirin nabadgelyo la isku haleyn karo. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
Maamulka Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka bilaabay howlo canshuur uruurin ah . Posted to the MOL February 17, 2007, 8:42 am Muqdisho:- Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta ka bilaabay magaalada Muqdisho uruurinta canshuuraha taasi oo maanta laga dareemay qeybo ka mid ah magaalada Muqsisho. Howshaan uruurinta canshuuraha ayaa si weyn looga dareemay dhinacyada laga soo galo magaalada Muqdisho , iyadoo ciidamo dheeraad oo ah fulinaya howshaasina la dhigay halka laga soo galo magaalada. Waxaa la arkayay ciidamada dowlada kuwaasi oo canshuura ka qaadaya ganacsatada qaadka, inakstoo muran xoogan ay ka timid arintaasi. Ganacsatada qaadka ayaa ku doodayay in aan lagu soo war gilin barnaamijkaani, waxa ayna tibaaxeen in ay ku baraarugeen markii qaadkii ay la soo degeen. Waxaana warar soo baxay ay sheegeen in arinta bixinta canshuurta lagu xaliyay in qadaro marduuf oo qaad ah la siiyo ciidamada dowlada ee fariisimaha ka sameystay dhinacyada laga soo galo magaalada ee fulinaya howlaha canshuur uruurinta. Howshaan ayaa waxa gar wadeen ka ah maamulka gobalka Banaadir, waana markii ugu horeysay oo ay dowladda canshuur uruurin ka bilaawdo Muqdisho tan iyo markii ay soo degtay. Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku waramay in howsha canshuur uruurinta sidoo kale laga fulin doono goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho. Cismaan Xasan Cali (Fantastic) Xafiiska Mudugonline Ee Muqdisho