
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Lets hope for a quick conclusion, insha Allah, these are our people after all. Mr Oodweyne nice to see you back, still writting great lengths as usual. Saxib you was the most able secesionist in SOL..Welcome back son.
-
Final warming to clan court media outlets...change or become extinct
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
NGOONG, yes I do, any medium used to further destabalise the country and incite clan hatred needs to be shutt down. These radios will be shutt down if they do not change their horrid practice. -
Mayor of Mogadishu Gaaboow attacks cowardly bombers..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cadde Gaabow “Nabad diid ayaa Qarax ka Geysanaya Magaalada Muqdisho. Muqdisho , Talaado , Febr , 20 , 2007, Waagacusub.com Duqa Magaallada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali “Cadde Gaabow) ayaa sheegay in Maamulkisu ka xun yahay Qaraxyada isdaba jooga ah ee Maalmahan ka dhacayey Magaallada Muqdisho.. “kuwa geysanaya Qaraxyadaasi waa Nabad diid aan u Ogoleyn wax Horumar ah ayuu yiri Cadde gaabow oo sheegay in Muqdisho aysan u Baahneyn Qaraxyo kale wuxuuna sheegay inkii Xalay uu ugu Darnaa Qaraxyada ka dhacayey Caasimada.. Duqa Magaallada Muqdisho waxa uu ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka soo Qeybgalaan kulan balaaran oo uu dhawaan soo Agaasimi doono Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga Arrinsanayo Amaanka Magaallada Muqdisho. Duqqa Magaallada Muqdisho ayaa ka Gaabsaday in Qaraxyadaasi ay lug ku leeyihiin Dowlada Federaalka wuxuuna Tilmaamay in Kooxaha Nabad diidka ay iyagu Horseed ka yihiin Qaraxyada la Ridayo kuwaaso Waxyeello ka soo Gaartay Dadka Rayidka ah Wasiirka Warfaafinta DFKMG “Saxaafad aan Wadani aheyn ayaa Buunbuunineysa waxa Xun, Wasaaradeyduna Waxba kalama Socon Ammarka ka soo baxay Nabad Sugida” Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in Wasaaradiisu aysan waxba kala socon Ammarkii shalay ka soo baxay -
Mayor of Mogadishu Gaaboow attacks cowardly bombers..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^That was the line of the warlord Qaynyare, saxib whats going on in Xamar has proven beyond doubt for the need to disarm all the groups who have weapons there, all theese weapons achieve is to further harm the people, they the bombers are unable to even capture a single area of the city.. Thus lets not watse furtehr time speculating and work towards disarmamnet of all of Somalia starting with the capital. -
PM Tony Blair: "ururkaste oo ka soo hor jeesta xukuumadda Somaliya waxaan u aqoonsaneynaa inuu yahay Argagixiso." Londan: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa caasimada dalka Ingiriiska ee Londan kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Tony Blair waxeyna ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo marxaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya ka dhacay mudooyinkii ugu danbeeyay. Tony Blair ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay taageereyso xukuumadda Federaalka ee Madaxweynaha ka yaha Mudane Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna sheegay in uu taageero dhaqaale u fidin doono Soomaaliya,sidoo kale labada mas'uul ayaa isla gartay in kooxihii ka soo horjeesta xukuumadda cusub loo aqoonsan doono argagixiso. Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa marxaladaha adag ee dalka ka jira gaar ahaan caasimada Muqdisho oo xasilooni daro ay soo wajahday markey dad ay wadaninimada ku yartahay oo dhuuni qaatayaal ah maatada hubka culus labeegsada xiligey hurdada galaan walibana muslinnimo sheeganaya . Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale shalay waxaa uu kulamo la yeeeshay wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska iyagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii looga hortegi lahaa argagixisada ku dhuumaaleysaneyso dalka Soomaaliya waxayna balan qaadeen in ay ka taageeri doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha argagixisada waxna looga qaban lahaa. Soo dhaweynta madaxweynaha ayay jaaliyadaha Somaliyeed aad ugu mashquulsan yihiin iyadoo ay isaga yimaadeen gobolada kala duwan ee cariga Ingiriiska walina ay ku soo qulqulayaan . Saacadaha foodda inagu soo haya ayuu Madaxweynahu la kulmi doonaa Boqoradda Ingiriiska ee Queen Elizebetka 2aad. Raage Cumar:-London Tifatire:-Cabdulqaadir Oday
-
^^^No kidding saxib the whole country will be disram ed, Mogadishu clans will be disarmed and their milltias like those of other areas will be incoporated into the armed forces. Most of the police are locals , the arned forces are also some local some from other regions. When the disaramament happend and the millitia are incorporated into the armed forces then everyone will leave.. Its also posative that you at least admit to the fact that the people of Mogadishu support the TFG. Thus let the governemnt do its job and secure the capital and country once and for all.
-
Reer-Gedo carry our their threat in Kismayo.
General Duke replied to Dhabat-Amaanreer's topic in Politics
Some despertae folks here, desperate for nothing other to be proven wrong yet again, look here lad, reer Gedo are not against anything here, you are. Who took a sample of what reer Gedo wants? Its absurd to say such things without any evidance. Also the new admin is in place further more even the commerce Minister of the TFG as well as the police commisioner and head of the central bank are all in Kismayu and recieved a warm welcome by all the locals. The police are now running the city and the millitias of various clan are being retrained.. The excitement of my friend Ahmed Guray is just that of a lost man who found a road, will it lead you to your destination? -
Duke's answer to when will Mogadishu security imrpove???????
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lol. The plan is in the final statges, there are enough troops, and the trouble makers are known, their institutions are well known, their hide outs are well known, but the order has not yet been given to clean up the city. -
^^^who is RRR? Also why are you blaming Puntland for the actions of Mogadishu groups who have even admited they are behund the bombings? Their leaflets, their webistes have taken credit for the actions? Anyhow we have been here before, dont lose the last inch one has, also the people of Mogadishu North & South are with the governemnt the few who are against, for selfish reasons stand to lose allot..
-
Mayor of Mogadishu Gaaboow attacks cowardly bombers..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaha Muqdisho: “Qaraxyadii xalay waxaa ka dabeeyay kuwo aan ka naxayn Shacabka” Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 20/02/07 Mudane Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) oo ah Gudoomiyaha Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in weerarradii xalay ee madaafiicda ahaa ay ka dambeeyaan kuwo aan doonayn in Soomaaliya ay dhibka ka baxdo. Cadde Gaaboow wuxuu sheegay in Qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyaan kooxo aan doonayn inay Soomaaliya ka baxdo dhibka, isla markaana si weyn uga soo horjeeda dowladnimada iyo isku duubnaanta Shacabka Soomaaliyeed. “Shacabka Muqdisho waxaan kula talinayaan inay iska qabtaan kuwaas doonaya inay dhibaateeyaan, korkoodana ka ridaya madaafiicda, waxaana leeyahay kuwaas idiinma wadaan horumar ee waxay idiin wadaan inaad ku dhimataan falalka foosha xun ee ay sameynayaan” ayuu yiri Cadde Gaaboow oo hadalkiisa uu u muuqday mid caro ay ka buuxdo. Mar uu ka hadlay sida ay ka yeelayaan dhibaatooyinka ka taagan Muqdisho ayuu yiri Cadde Gaaboow “Dowladdu waxay sameynaysaa qorshayaal ay kaga hortagayso kuwaas wada dhibaatooyinka, isla markaana shacabka waxyeellooyinka u geysanaya, mana dhacayso inay ku sii dhex nagaadaan shacabka gudihiisa”. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia -
MUQDISHO: Cadde Gaaboow: “Weerarradii xalay ka dhacay Muqdisho waxay u muuqdaan kuwo waxyeello u geysanaya…” Posted to the Web Feb 20, 06:57 Muqdisho (PP) – Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Xasan Cali Gaaboow (Cadde) ayaa sheegay in weerarradii madaafiic ee xalay ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen kuwo laga naxo oo aan loo dulqaadan Karin. “Xalay Muqdisho waxay ku bariday dhibaato xoog badan oo aan loo duqaadan Karin, waxaana ka dambeeyay kuwo aan doonayn dowladnimada iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo weliba yoolka ay higsanayso Soomaaliya” ayuu yiri Cadde Gaaboow oo sheegay in dhibaatada ka dhacday Muqdisho xalay ay ahayd mid ay abaabuleen kooxo wax-ma-garad ah oo shacabka ku dhex jira. Mudane Cadde Gaaboow ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaas ay doonayaan oo qura in dhibaatada ka jirta gudaha Soomaaliya ay sii xoogeysato, balse dowladdu waxay ka qaadaysaa kuwaas tallaabooyin lagu xadidayo waxyeelladooda. “Shacabka waxaan kula talinayaan inay iska dhex qabtaan kuwaas doonaya inay dhibaateeyaan, waxaana ka codsanayaa inaysan isku dayn kuwaas oo arxan laawayaal ah, wanaagga oo aad ka shaqeysaan idinka ayay dan idiin tahay shacaboow” ayuu yiri Cadde Gaaboow. Cadde Gaaboow ayaa dhanka kale sheegay inay dowladdu yeelanayso shir ay kaga hadlay sidii shacabka looga qaban lahaa damiir-laawayaalka caadaystay inay shacabka dhibaato ka dhex abuuraan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho E-mail: jantiile@puntlandpost.com
-
^^^Its tragic Mr Bambo, that the people suffer so..
-
^^^Saxib, the TFG has crushed the clan courts and humbled the warlords of Mogadishu, it controls the port, airport, presedential villa, and all the check points of the city. The rest of the country is quite. Now you who belives that bombs raining down on civilian areas some how will get rid of the TFG is delusional and quite baffled..
-
^^^In a couple of weeks there will be no more resistance to the TFG, the measures ae in place, only the orders are being waited on. Watch this space, also people dont fall on the trap of a few months back of beliveing these groups pose a real threat. Remember the seve day threat by InadCade? Also this pice is bull.. []iWararkaan ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xubnihii Barlamaanka ee ku sugnaa dalka Djibouti qaar kamid ah ay Muqdisho soo gaareen iyagoo la socda Wasiirka arrimaha gudaha Max'ed Max'ud Guuleed "Gacmo Dheere" ay kamid yihiin Cabdalla Xaaji Cali kuwaasoo shalay Gudoomiyaha Barlamaanka uu sheegay in arintooda laga doodo.[/i]
-
^^^Saxib you are the one lying and hiding behind murders as proof of the will of the people. The Somali people in 15 regions are all happy, they are not making threats or setting of bombs. Or do you belive that Shabbele Radio, Horn Afrik and Yusuf Garad, all from one sub clan who happen to be supporters of their kinsmen IndaCade, Xasan Dahir speak for the Somali people? Everyone supports the TFG, from Puntland to Juba's, everyone wanats a functioning governemnt and not the lies of warlords and fake clan courts..
-
Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Tony Blair ku dhex maray London,Tallaabo dhaxal gal ah oo horay loo qaaday kuna qotonta baadi goobka maslaxadda umadda Soomaaliyeed { Kor ahaay Yuusuf hoggaamiye qaran oo daacad ah dadaalna badan} Hoggaamiye kasta oo dal uu leeyahay waxaa ahmiyadda talaabooyinkiisa siyasadeed uu daahfur uga dhigaa ku dadalidda horumar u raadinta dalka iyo dadkiisa.... Hoggaamiye kasta oo dal uu leeyahay waxaa ahmiyadda talaabooyinkiisa siyasadeed uu daahfur uga dhigaa ku dadalidda horumar u raadinta dalka iyo dadkiisa iyo soo de dejinta masloxo ka dhex dhalinta shacabkiisa hadii ay wax kala tabanayaan ,waxana in madaxweynaha Soomaliya uu howlahaa u kacay lagu dareemaa sida aanu u nasan oo mar waliba uu ugu howllanyahay dhaq dhaqaaqyada la xirira horumarinta dalkiisa ee dhinacyada kala duwan. Dhaq dhaqaqyadaas iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi Karin oo ay ka mid yihiin ku dhawaaqidda barnaamij dibuheshiisiin qaran,wada tashiyo uula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshda oo ay haween ku jiraan waxaa ay ka mid yihiin astaamaha lagu garto madaxweyne qaran oo si daacad ah ugu dadalaya horumarinta dalka iyo dadkiisa,si la mida sida aanu haatan ka dareemi karno tallaabooyinka uu wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed waxaa qabshadiisa xilka madaxweynenimadu ay kusoobeegantay xilli dalka Soomaaliya ay dhibaatoweyni ka jirtay uuna dowlad la'aan soo ahaa mudo14 sanadood ah,waa xiligii xilka loo dharinayay,waxaana uu xilkaa culus xanbaray isagoo ogaa in ay ka horeyso wado dheer oo qodxo badan una baahan in laga gudbo,waxana uu doorbiday in uu xanuunkaa u bareero si dalka iyo dadkaba dhibaatada heysatay uu uga saaro. Madaxweynaha waxaa qabashadiisa xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ay sidoo kale kusoo beegantay xilli dalalka caalamka ugu awoodda roon iyo kuwa carabtuba ayan usoo wada jeedin in ay ku dadalaan wax ka qabshada arrinta murugsan ee Soomaaliya,waxaase isagoo kaashanaya waya aragnimadisa iyo,siyaasiyiin samadoonno ah oo Soomaaliyeed ,aqoonyahan iyo diplomaasiyiin calami ah oo la kula duubnaa sidii guul looga gaari laha soo gabagabeynta xaladda dhibatada xanbaarsan ee Soomaaliya uu madaxweynuhuqaday tallaabooyin dhaxal gal ah oo guul kusoo dhamaaday. Hada ma doonayno inaanu sii faafaahinno waxa ay ahaayeen tallaabooyinkii hore ee guusha kusoo dhamaaday,hase ahaatee waxanu guda galaynaa ka hadalka dulucda sheekadan ee ku saabsan joogitaanka xilliganee Madaxweynaha ee dalka Ingiriiska iyo guulaha waweyn ee laga gaaray. Hadii aan ku hor maro malintii Axaddii uu madaxweynaha jamhuuriyaddu gaaray magaalada London waxaa uu halkaa kala kulmay soo dhaweyn aan caynkeeda oo kale horay loogu arag in loo sameeyo mamdaxweyne Afrkaan ah,waxaa dhabaha diyaaradaha ee Magaalda London kusoo dhaweyay Wasiirro,Wasiir ku xigeenno,xildhibaanno iyo siyasiyiin British ah,waxana madaxweynuhu uu islamarkiiba usoo gudbay hoyga Boqoradda Ingiriska ,halkaasoo uu boqoradda ku soo salaamay,islamarkaana uu salaan sharaf kaga qaatay ciidanka ilaalada gaarka u ah boqoradda Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa islamarkiiba waxa uu kulamo hordhac ahaa la qaatay wasiiro ka tirsan xukuumadda ingiriiska,waxaana uu kala hadlay sidii dowladda ingiriirska wax qabadkeeda inta badan loogu soo weecin lahaa xagga Soomaliya oo hatan ubaahan in beesha calamku ay dadkeeda si dhab ah wax ugu qabato ka gadaal markii xukuumadda Soomaliya aykala jebisay kooxo argagixiso ahaa oo ku xirna Al qaacida dabayaaqadii Sanadkii tagay kuwaasoo sheegan jiray in ay yihiin Maxkamado Islaami ah . Madaxweynuhu waxaa hadana uu kulan la qatay ra'isulwasaaraha Ingiriiska Tony Blair ,waxana kulankoodu uu ahaa mid albabada loolaabay ,waxaase lagu falan qeeyay sidii dowlada ingiriisku ay wax qabad dhab ah ula garab istagilahayd dowladda Soomaaliya,taasoo Blair-na uubalan qaaday. "Xukuumadda ingiriiska waxaa aan hatan xaqiijiynayaa in ay ahmiyadda 1-aad siinayso wax ka qabshada mashakilaadka ka taagan Soomaaliya iyo taageeridda dowladda qaran ee haatan dalka Soomaaliya udhisan oo dalka oo dhanna gacanta ku heysa markii ugu horreysy tan iyo intii lasoo dhisay "ayuu Blair ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Yuusuf. Si kastaba ha ahaatee,waxanu qormadeena kusoo gabagabaynaynaa { Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Tony Blair ku dhex maray London,Tallaabo dhaxal ga ah oo horay loo qaaday kuna qotonta baadi goobka maslaxadda umadda Soomaaliyeed.} Waxaa diyaariyay Shamis Muqdisho- Somalia Shamisfine@hotmail.com
-
Duke's answer to when will Mogadishu security imrpove???????
General Duke posted a topic in Politics
Mogadishu security will improve with the arrival of the AU forces in the next couple of weeks. From that point on wards there will be some tough measure taken to bring real order to the city and root out the groups making the bombings. 1. There will be real disarmaments, of all the clans of Mogadishu Insha Allah.. -
^^^Again that is just an absurd title and topic, the TFG is in control of Kismayu, saxib, no matter what some creative reporting might suggest..So much for the "insurgency"..
-
^^^The Somali people support them, a very tiny segment led by looters and criminals who control some media outlets are agaisnt them, however they do not speak for the Somali people.
-
Sweden oo taagereysa Somalia 20 Feb 20, 2007 - 5:50:52 AM Dowladda Swedan ayaa sheegtay in ay taageero dhaqaale ay u fidineyso xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, si loo kaabo arrimaha dib u heshiisiinta iyo amniga. Wasiirka iskaashiga iyo horumarka caalamiga ee dalka Swedan Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in dowladdeedu ay dooneyso in ay sameyso qorshe lagu horumarinayo arrimaha dib u heshiisiinta, amniga iyo sidii loo heli lahaa dowlad howlgasha, isla markaana dhaqaalaha ugu horeeya lagu bixin doono dib u heshiisiinta Soomaaliya. Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamado nabad ilaalin loo geeyo dalka Soomaaliya si ay wax ugu qabtaan amni xumida ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna soo dhoweysay in lagama maar maan ay tahay in la helo ciidamo suga amniga. Ugu danbeyntiii Wasiirka ayaa sheegtay in gargaarka ay bixineyso dowladda Swedan la gaar siin doono guud ahaan dalka Soomaaliya oo aysan ku koobnaan doonin meel gaar ah. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
peacenow even Waagacusub is reporting this, not a pro Yusuf web portal now, is it? Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda FKMGS iyo Ra,isal Wasaaraha Dalka Ingariiska. Muqdisho , Talaado , Febr , 20 , 2007, Waagacusub.com Kulan Xasaasi ah ayaa Dhex maray Madaxweynaha Dowladda FKMGS C/llahi Yuuasuf Axmed iyo R,isal Wasaaraha Dalaka Britan Tony Blair. Madaxweyne C/llahi Yusuf iyaa isagu Maalmahaan Booqosho Ku Joogay Dalka Britan oo uu Marti qaad Ka helay . Madaxweynahe Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay Albaabada u Xiranyihiin kula Qaatay Dalka Britain Ra,iisulWasaaraha Dalkaasi iyagoo ka Wada hadlay Arimo Ku Aadan Dalka Soomaaliya. Col. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Kaga Warbixiyay Ra'iisul Wasaare Blair marxaladda Somalia ay Haatan Mareyso iyo Waliba Qorshaha Dowladda FKMGS. Dhanka kale Madaxweynaha waxa kale u la kulmay Wasiiro Ka Tirsan Isla Dalkaa, Wuxuuna kala hadlay Arimo Wasiiradaasi Quseeya oo ay ka mid tahay la Dagaaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo Beegmayaan Xili Ay Habeynimadii Xalay Ay Duqayn Xoogan Ka Dhacday Magaalada Muqdisho Taa Oo Ay Geysanayaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopianka ah.
-
^^^Saxib you are stuck in third gear, the days of the JVA in Kismayu is over, IndaCade and his group have no claim over the city, have no rights because they came with the gun and left by it. As for Shabbele Radio its accepted they would take such a line..
-
KISMAAYO:-CIIDAMADA BOOLISKA EE DOWLADA SOMALIA AYAA LA WAREEGAY AMAANKA MAGAALADA KISMAAYO KISMAAYO (KP) Ciidamada booliska ee dowlada somalia ayaa la wareegay Saldhigga Booliska ee magaalada Kismaayo, ka dib markii magaalada laga saaray ciidamadii Militariga ee dowladda Somalia.20, Feb.07 Ciidamadan booliska ah ayaa sidoo kale la wareegay meelo ay ka mid tahay xabsiga magaalada Kismaayo, iyadoo meesha ay ka baxeen saldhigyadii ciidamada Militariga ay ku lahaayeen magaalada Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, ka dib markii ciidamadii Militariga loo kaxeeyay Xarunta tababarka Luglow oo waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo. Shalayna kulan adag ayaa waxa uu ku dhex maray magaalada Kismaayo Saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Militariga oo aaqirkii isku raacay in amaanka ay la wareegaan ciidamada booliska inta tababarka uu ugu soo dhamaanayo ciidamada xoogadalka
-
M/weynaha Soomaaliya oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey wasaaradda arimaha dibadda dalka Ingiriiska (London)-M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaamaniyey maalmahan ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey wasaaradda arimaha dibada dalka Ingiriiska. M/weynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmeen wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Hillary Ben iyo 13 aggaasime oo iyaguna ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dalka Ingiriiska. Waxaa fadhi dheer qaatay M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo Hillary Ben oo ka wada hadlay sidii soomaaliya Gacan looga siin lahaan dhanka horumarinta iyo dhaqaalaha. Waxaa isna halkaas hadal dheer ka jeediyey wasiirka qorshaynta qaranka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka waramayn caqabadaha Soomaaliya hortaagan, iyo kuwii ay ka soo gudubtay iyo weliba sida maata ugu baahan tahay in gacan dhaqaale loo siiyo. Waxaa isna sidaas oo kale halkaas hadal ka jeediyey taliyaha nabad sugida Soomaaliya Gen Darwiish oo sheegay in arimaha ammaanku hadda Soo hagaagayaan waxyaabo weli dhimana ay jiraan balse mar walba soomaalidu maadaama ay bur burtay loo baahan ciidamada nabad sugidu ay helaan tabar dheeraad ah. C/llaahi Yuusuf iyo wafdigiisa oo la sheegay in dhawrkaan maalmood oo fooda inagu soo haya joogi doona dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inay in lagu casumay xafiiska R/wasaare Tony Blair lamase sheegin cida ay kula kulmi doono. Waxaa jira iyana warar sheegaya in wafdigani casuumad ka helay Afhayeenka aqalka barlamaka dalkan Ingiriiska. Wixii ka soo kordha arimaha waxaa shabakada waayahu idiin baln qaadaysaa inaanu idiin soo gudnimo. Abdirazak Yassin Caanogeel Waayaha.net,London,UK
-
Londan: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Tony Blair oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya. 20. februar 2007 Londan(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa caasimada dalka Ingiriiska ee Londan kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo marxaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya dhacay mudooyinkii u danbeeyay. Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa marxaladaha adag ee dalka ka jira gaar ahaan caasimada Muqdisho oo xasilooni daro ay soo wajahday. Tony Blair ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay taageereyso xukuumadda Federaalka ee Madaxweynaha ka yaha Cabdullaahi Yuusuf, wxuuna sheegay in uu taageero dhaqaale u fidin doono Soomaaliya,sidoo kale labada mas'uul ayaa isla gartay in kooxihii ka soo horjeesta xukuumadda cusub loo aqoonsan doono argagixiso. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale shalay waxaa uu kulamo la yeeeshay wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska iyagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii looga hortegi lahaa argagixisada ku dhuumaaleysaneyso dalka Soomaaliya waxayna balan qaadeen in ay ka taageeri doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha argagixisada. Marka uu madaxweynaha kulamada uu la qaadanayo madaxda dalkaasi ayaa lagu wadaa in uu baaris caafimaad uu maro maadaama uu booqashadiisa uu kaga faa'iideysanayo dhaqtarkiisa oo halkaasi ku sugan, waxaana madaxweynaha uu sidoo kale la kulmi doonaa jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho