General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Ciidamo madani ah oo laga dhisay gobolka Banaadir. 21. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- ciidamo Madani ah oo ay soo abaabuleen dadka deegaanka ayaa ka howl bilaabay inta badan xaafadaha Muqdisho kuwaas oo ka hor tegaya kooxaha qaraxyada la beegsada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Muqdisho. Ciidamadaan oo aaney jirin dhaqaale ay ka helayaan dowladda ayay wax garadka xaafaduhu iskood u abaabuleen iyadoo guri walba uu isku xilqaamay in uu bixiyo 2,000 sh.so. oo lagu tabarucayo ciidamada heeganka maalin iyo habeenba ku jira oo loogu tala galay in ay ka hortagaan qaswadayaasha falalka arxan darada ah u gaysanaya shacabka aan waxba galabsan. Xaafadaha laga hirgeliyay ciidamadan ayaa waxa ka mid ah degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid, Hodan, Wardhiigley, Boondheere, iyo xaafado kale, iyadoo arrintaan ay ka dambaysay ka dib markii xaafadaha Muqdisho qaarkood oo laga soo tuuro madaafiicda ay bartilmaameed u noqdan jawaabaha ka imanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  2. Shacabka Muqdisho oo bilaabay olole ay uga hortagayaan kooxaha wax qarxiya iyo shacabka oo loogu baaqay inaysan gabbaadsiin kooxahaasi. 21. Feb 2007 Shacabka magaalada Muqdisho ayaa loo soo jeediyay eedo kusaabsan inay gabbaad siinayaan kooxaha xag jirka ee dhibaatada ka wada magaalada Muqdisho. Xildhibaan ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shegtay inaan loo baahnayn in shacabku ay gabbaad siiyaan kooxaha wax kharbudaya. Xildhibaannadu waxay intaasi ku dartay in dhibtan dhacaysa ay qayb ku yeelan karaan shacabka mar haddii ay qariyeen kooxaha xag jira. Xildhibaannadu waxay sheegtay inay adkaanayso in ammaanka dalka la sugo , haddii shacabku ay qarinyaan kooxaha qaraxyada sameeya. Dhinaca kale shacabka Muqdishio ayaa bilaabay olole ay uga hortagayaan dadka qaraxyada ka sameeya caasimadda Soomaaliya. wariyaha AllPuntland ee Muqdisho wuxuu kusoo waramayaa in xaafadaha Muqdisho lagu arkayo kooxo isku diyaarinaya inay si cad uga hortagaan in xaafadohooda ay qarax ka sameeyaan. Shacabka ayaa wal wal ka qaba inay dhibaato kasoo gaarto madaafiicda loogu jawaabo kooxaha weerarada la beegsada xarumaha ciidamada. CCC Farayaamo AllPuntland
  3. Dhalinyarada Muqdisho oo xalay ka xitay kuwa hoobiyaha ka tuuraaya xafaadooda Dhalinyarada Xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa xalay xirey wadooyinka gala xaafadahooda si aan looga tuurin madaafiicda lala beegsado fariisimada dowladda. Kooxo u badan dhalinyaro dadka deegaanka ah oo sitey qoryaha nuucyadooda kala duwan ayaa si weyn loogu arkayay, iyagoo gaafwareegaya wadooyinka xaafadaha iyo laamiyada. Wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaa dhalinyaradani waxa ay dhigeen dhagxaan iyo shaagag si aysan u soo marin baabuurta looga shakiyo in ay tuuraan madaafiicda lagu weeraro fariisimada ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda. Daahir Yooyoo oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Xaafadda Bakaaraha ayaa shabelle u sheegay in talaabada ay qaadeen dadka deegaanka ay ka dhigtay mid nabdoon oo aysan dhicin wax weeraro ah oo laga qaaday deegaanadooda. Waxa uu sheegay in talaabadani ay tahay mid muhiim u ah daganaashaha xaafadahooda. Degmooyinka Wardhiigleey, Hodon iyo H/wadaag ayaa waxaa lagu arkayay Dhalinyaro hubeysan oo ka shaqeynaya amaanka. Sidoo kale Degmooyinka X/jajab iyo X/weyne ayaa waxaa ka jira Kooxo dhalinyaro sidaan oo kale ah oo suga amaanka. Arimahaan waxa ay ku soo beegmeen xilli habeen hore ay magaalada Muqdisho ka dhaceen madaafiic hoobiyeyaal iyo BM ah oo ay is weydaarsadeen kooxo aan la garaneyn iyo ciidamada dowladda ethiopia, weeraradaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 13 ruux oo rayid ah iyo dhaawaca in ka badan 42 ruux.
  4. ^^^The anger from this alone has set back the agenda of the anti-government groups. The men may Allah give them peace, were locals who did no wrong.
  5. ^^^The anger from this alone has set back the agenda of the anti-government groups. The men may Allah give them peace, were locals who did no wrong.
  6. ^^^The anger from this alone has set back the agenda of the anti-government groups. The men may Allah give them peace, were locals who did no wrong.
  7. Wasiirka haweenka Somaliland ee haatan kusugan dalka Uganda ayaa isaga baxday shir ay lahaayeen haweenka dalalka Uganda, Somalia, Kenya iyo Suudaan Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 21/02/07 Wafdi ay hogaaminaysay Wasiirka Haweenka Somaliland ayaa maanta isaga baxay shir ay lahaayeen haweenka dalalka Uganda, Kenya, Somalia iyo Suudaan kulankaani oo looga hadlayey arrimaha hourmarinta haweenka Soomaalida ayaa wafdiga Somaliland iyo wasiirkeedaba isaga baxay ka dib markii lagu wargaliyey inay ka mid noqoto haweenka ka yimi gobolada dalka Somalia iyadoo loo sheegay inay matalayaan gobolada waqooyi. Kulamo gooni gooni ah oo socday maalmahaan kana dhacay Hotel SPEKE Munyonyo Kampala Uganda ayaa waxa isugu yimi Wasiirka haweenka Somaliland iyo Wasiirka Haweenka Dowlada Federaalka Somalia iyadoo lagu heshiiyey in aanan lasoo hadal qaadin arrimaha Siyaasada iyo gobolada lagana wada hadlo oo loo mideeysnaado horumarinta haweenka. Maanta oo shirkii furmay ayna kasoo qeyb galeen Wasiiro kakala yimi dalalka Uganda, Kenya, Suudaan iyo dowlada Federalka kmg Somalia ayaa fadhigii la fariistay waxa loo ogolaada dowlada fedreaalka kmg Somalia inay u fariisato Wasiirka horumarinta haweenka Marwo. Aamino Maxamed Mursal halka Wasiirka haweenka Somaliland lagu wargaliyey inay dhex fariisato haweenka gobolada Somalia taasoo ka careeysiisay sheegtayna inaysan ka mid noqonaynin Gobolada Waqooyi oo ay yihiin dowlada Xor ka ah Somalia inteeda kale. Madaxda Uganda ee shirka abaabulayey ayaa ku adkaystay inaysan taasi dhici Karin fadhigana uu yahay mid ku soconaya sidii loogu talo galay iyadoo ay jirtay in Wasiirka haweenka maamul goboleedka Puntland ay iyadu sheegtay inay ka mid yihiin dowlada Federaalka isla markaana aysan dood ka qabin habka loo fariisanayo kana mid noqonayso goboladda Dalka Somalia shirkana ay u fariisanayaan iyagoo matalaya goboladda dhexe Somalia (Maamul goboleedka Puntland). Wasiirka Arrimaha haweenka Somaliland oo wajigeedu caro aad u weyni ka muuqday ayaa wafdigeeda ku amartay inay isaga baxaan shirka iyagoo ka dareeray fadhigoodii lamana garanayo talaabada xigta ay qaadanayaan iyadoo aysan jirin buuq halkaasi ka dhacay markii ay isaga baxeen. shirkuna wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay. Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee UNIFEM oo magaciisa ka gaabsaday oo aan ka wareeystay in shirka ay wax u dhimi karaan ka bixida wafdiga Somaliland iyo inkale ayaa ii cadaysay in arrimaha Siyaasada aysan shaqo kulahayn oo ay u taagan yihiin horumarinta haweenka iyadoo halkaasi looga hadlayey arrimaha haweenka Somalia, wixii siyaasad ah waxay utaalaa dhexdooda anagu ma nihin goolkeenuna maahan arimo siyaasadeed ayay ku gaabsatay hadalkeeda. Dowladda Somaliland oo ah dowlad Gooni isugu taagtay Somalia sannadii 1991-dii ayaanan haysan ictiraafid ay ka hesho dunida inteeda kale ayagoo caqabad ku ah sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah halka Madaxda Dowlada Federalka ay kusoo celceliyaan in midnimada umada Soomaaliyeed ay muqadas tahay.
  8. Wasiirka haweenka maamulka labaxay somaliland oo si caro leh uga baxday shir looga hadlayey horumarinta haweenka oo kadhacay dalka Uganda Posted to the MOL February 21, 2007, 1:51 pm Wafdi ay hogaaminaysay Wasiirka Haweenka Somaliland ayaa maanta isaga baxay shir ay lahaayeen haweenka dalalka Uganda, Kenya, Somalia iyo Suudaan kulankaani oo looga hadlayey arrimaha hourmarinta haweenka Soomaalida ayaa wafdiga Somaliland iyo wasiirkeedaba isaga baxay ka dib markii lagu wargaliyey inay ka mid noqoto haweenka ka yimi gobolada dalka Somalia iyadoo loo sheegay inay matalayaan gobolada waqooyi. Kulamo gooni gooni ah oo socday maalmahaan kana dhacay Hotel SPEKE Munyonyo Kampala Uganda ayaa waxa isugu yimi Wasiirka haweenka Somaliland iyo Wasiirka Haweenka Dowlada Federaalka Somalia iyadoo lagu heshiiyey in aanan lasoo hadal qaadin arrimaha Siyaasada iyo gobolada lagana wada hadlo oo loo mideeysnaado horumarinta haweenka. Maanta oo shirkii furmay ayna kasoo qeyb galeen Wasiiro kakala yimi dalalka Uganda, Kenya, Suudaan iyo dowlada Federalka kmg Somalia ayaa fadhigii la fariistay waxa loo ogolaada dowlada fedreaalka kmg Somalia inay u fariisato Wasiirka horumarinta haweenka Marwo. Aamino Maxamed Mursal halka Wasiirka haweenka Somaliland lagu wargaliyey inay dhex fariisato haweenka gobolada Somalia taasoo ka careeysiisay sheegtayna inaysan ka mid noqonaynin Gobolada Waqooyi oo ay yihiin dowlada Xor ka ah Somalia inteeda kale. Madaxda Uganda ee shirka abaabulayey ayaa ku adkaystay inaysan taasi dhici Karin fadhigana uu yahay mid ku soconaya sidii loogu talo galay iyadoo ay jirtay in Wasiirka haweenka maamul goboleedka Puntland ay iyadu sheegtay inay ka mid yihiin dowlada Federaalka isla markaana aysan dood ka qabin habka loo fariisanayo kana mid noqonayso goboladda Dalka Somalia shirkana ay u fariisanayaan iyagoo matalaya goboladda dhexe Somalia (Maamul goboleedka Puntland). Wasiirka Arrimaha haweenka Somaliland oo wajigeedu caro aad u weyni ka muuqday ayaa wafdigeeda ku amartay inay isaga baxaan shirka iyagoo ka dareeray fadhigoodii lamana garanayo talaabada xigta ay qaadanayaan iyadoo aysan jirin buuq halkaasi ka dhacay markii ay isaga baxeen. shirkuna wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay. Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee UNIFEM oo magaciisa ka gaabsaday oo laga waraystay wareeystay in shirka ay wax u dhimi karaan ka bixida wafdiga Somaliland iyo inkale ayaa ii cadaysay in arrimaha Siyaasada aysan shaqo kulahayn oo ay u taagan yihiin horumarinta haweenka iyadoo halkaasi looga hadlayey arrimaha haweenka Somalia, wixii siyaasad ah waxay utaalaa dhexdooda anagu ma nihin goolkeenuna maahan arimo siyaasadeed ayay ku gaabsatay hadalkeeda. maamulka labaxay somaliland ee gobalada weqooyi galbeed ee wadanka soomaaliya ayaa mudo doonayey inuu ka go, o dalka somalia taasoo aan suura galin rabiile gabanow
  9. Its as not enough their delegation to the AU got humiliated, that nocountry recognises them, today yet another all together common set back. In Uganda there was a meeting of African women, the "Somaliland" delegation was led by the Minster for Woman affairs of the renegade province. She was told to become part of the Somali delegation led by the TFG Minsiter or go. She stormed off all hot and bothered. Good luck next time dear secesionists.
  10. Madaxweyanaha Soomaaliya Iyo Ra`isul Wasaaraha Ingiriiska oo ku dheeraaday xaaladda dalka Soomaaliya . Posted to the MOL February 21, 2007, 4:42 pm London:- Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kula kulmay ra`isul wasaaraha dalkaasi Toni Blear oo ay ku dheeraadeen xaalada dalka Soomaaliya ee iminka. Mr Yuusf iyo Blear ayaa ka xaajoodfay sidii dowlada KMG ah ee Soomaaliya gacan looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya. Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada Biritin ayaa balan ku qaaday in dowladiisu ay xoojineyso taageerada ay u hayso dowlada KMG ah ee Soomaaliya. Waxa uuna Blear carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay dhaqaalo siineyso dowlada KMG ee Soomaaliya , iyadoo deeqaalahaasi qeybo ka mid ah lagu maal gilinayo ciidamada midowga Africa ee dalka imaanaya. Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dhankiisa amaanay taageerada Biritin ee dowladiisa isaga oo xusay in muhiim ay tahay in dowlada Ingiriiska door ku lahaato arimaha Soomaaliya ee xiligaan. Madaxaweyne Yuusuf ayaa dhinaca kale la kulmay wasiiro ka tirsan dowlada Ingiriiska kuwaasi oo uu ku jiray wasiirka socdaalka oo uu ku booriyay in dalkooda aysan u ogalaan tira xildibaano ah kuwaasi oo aan xaadirin fadhiyada baarlamaanka isla markaan taageeri jiray maxaakimtii bur buray. Cismaan Xasan Cali(Fantastic) Xafiiska Mudug Ee Muqdisho
  11. Ugu dambeyntii, Jeneraal Cabdi Mahdi ayaa sheegay in xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo ay sugan tahay, isla markaana aysan jirin wax rabshado oo halkaasi ka dhacaysa.
  12. KISMAAYO:-CIIDAMADA BOOLISKA EE DOWLADA SOMALIA OO LA WAREEGAY AMAANKA MAGAALADA KISMAAYO KISMAAY: (Kismaayopost) 20-FEB-07 CIIDMADA BOOLISKA EE DOWLADA SOMALIA AYAA LA WAREEGAY AMAANKA MAGAALADA KISMAAYO KISMAAYO (KP) Ciidamada booliska ee dowlada somalia ayaa la wareegay Saldhigga Booliska ee magaalada Kismaayo, ka dib markii magaalada laga saaray ciidamadii Militariga ee dowladda Somalia.20, Feb.07 Ciidamadan booliska ah ayaa sidoo kale la wareegay meelo ay ka mid tahay xabsiga magaalada Kismaayo, iyadoo meesha ay ka baxeen saldhigyadii ciidamada Militariga ay ku lahaayeen magaalada Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, ka dib markii ciidamadii Militariga loo kaxeeyay Xarunta tababarka Luglow oo waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo. Shalayna kulan adag ayaa waxa uu ku dhex maray magaalada Kismaayo Saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Militariga oo aaqirkii isku raacay in amaanka ay la wareegaan ciidamada booliska inta tababarka uu ugu soo dhamaanayo ciidamada xoogadalka abdifarjano webmaster@kismaayopost.com
  13. Obviosuly Shabbele Radio is getting pissed for the loss of their owner InadCade's former hold of Kismayu.. Jeneraal Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa Dowlada Federaakla KMG Somalia ay ku wada sugan yihiin goobo ka baxsan Kismaayo
  14. Saraakiisha DF oo beeniyay in ammaanka Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Ethiopian ah. Muqdisho, Arbaco 21 February 2007 Simba Radio Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka KMG Somalia ee magaalada Kismaayo ayaa ku gacan seeray in ciidamo Ethiopian ah ay la wareegeen gacan ku heysta magaaladaasi. K/xigeenka abaanduulaha ciidamada xooga dalka Somalia ee dhinaca taakuleynta Jeneraal Cabdi Mahdi ayaa Idaacada Simba u sheegay in hadalka sheegay in amamanka Kismayo ay la wareegeen ciidamada Ethiopian-ka uu yahay mid aan waxba ka jirin. Jeneraal Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa Dowlada Federaakla KMG Somalia ay ku wada sugan yihiin goobo ka baxsan Kismaayo. "Ciidamada Dowlada Federaalka waan ka bixinay magaalada Kismaayo kadib markii la sugaya ammaanka Kismaayo" ayuu yiri Jeneraal Cabdi Mahdi. Ugu dambeyntii, Jeneraal Cabdi Mahdi ayaa sheegay in xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo ay sugan tahay, isla markaana aysan jirin wax rabshado oo halkaasi ka dhacaysa. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  15. ^^^They will be formed by locals in due time insha Allah. Firts seurity, then a meeting then the creation of an agreed admins, just like what happened in Burco and Garowe in the 90s.
  16. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Waxaa Dhawaan Dhaawicii Kasoo Gaarey Werarkii Waxoshnimada ahaa Gudoomiyihii Degmada Shaqshiid, Muxiyidiin Xassan Xaaji ayaa Geeriyoodey. Kooxo Hubeysan oo aan la garaneyn ayaa caawa dilay Gudoomiyihii Degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaji, xilli uu marayay Agagaarka Hotel Bin Cali. Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Xaaji ayaa la sheegay in labo ruux oo ku hubeysneyd Bistoolad ay ku toogteen xilli uu ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaal Saldhiga Yaaqshiid. Lama yaqaan ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay dilka Mas'uulkan, laakiin dilkan ayaa ka dhigeysa dilalka qorsheysan ee kooxaha qarandiidku ka wadaan Magaalada Muqdisho. Muxiyidiin wuxuu ahaa raga amaanka muqdisho dhaxda u xirtey in ay mar un magaalada muqdisho ay kusoo noqoto sharcigii iyo kala danbeentii Waxeeyna dad badani tabi doonaan ALLAHA U NAXARIISTE MUXIYIDIIN XASSAN XAAJI Xafiiska Wararka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
  17. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Waxaa Dhawaan Dhaawicii Kasoo Gaarey Werarkii Waxoshnimada ahaa Gudoomiyihii Degmada Shaqshiid, Muxiyidiin Xassan Xaaji ayaa Geeriyoodey. Kooxo Hubeysan oo aan la garaneyn ayaa caawa dilay Gudoomiyihii Degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaji, xilli uu marayay Agagaarka Hotel Bin Cali. Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Xaaji ayaa la sheegay in labo ruux oo ku hubeysneyd Bistoolad ay ku toogteen xilli uu ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaal Saldhiga Yaaqshiid. Lama yaqaan ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay dilka Mas'uulkan, laakiin dilkan ayaa ka dhigeysa dilalka qorsheysan ee kooxaha qarandiidku ka wadaan Magaalada Muqdisho. Muxiyidiin wuxuu ahaa raga amaanka muqdisho dhaxda u xirtey in ay mar un magaalada muqdisho ay kusoo noqoto sharcigii iyo kala danbeentii Waxeeyna dad badani tabi doonaan ALLAHA U NAXARIISTE MUXIYIDIIN XASSAN XAAJI Xafiiska Wararka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
  18. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Inaa Lillaahi Wa'inaa Ilaahi Rajicuun. Waxaa Dhawaan Dhaawicii Kasoo Gaarey Werarkii Waxoshnimada ahaa Gudoomiyihii Degmada Shaqshiid, Muxiyidiin Xassan Xaaji ayaa Geeriyoodey. Kooxo Hubeysan oo aan la garaneyn ayaa caawa dilay Gudoomiyihii Degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaji, xilli uu marayay Agagaarka Hotel Bin Cali. Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Xaaji ayaa la sheegay in labo ruux oo ku hubeysneyd Bistoolad ay ku toogteen xilli uu ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaal Saldhiga Yaaqshiid. Lama yaqaan ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay dilka Mas'uulkan, laakiin dilkan ayaa ka dhigeysa dilalka qorsheysan ee kooxaha qarandiidku ka wadaan Magaalada Muqdisho. Muxiyidiin wuxuu ahaa raga amaanka muqdisho dhaxda u xirtey in ay mar un magaalada muqdisho ay kusoo noqoto sharcigii iyo kala danbeentii Waxeeyna dad badani tabi doonaan ALLAHA U NAXARIISTE MUXIYIDIIN XASSAN XAAJI Xafiiska Wararka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
  19. Muqdisho: Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Madiino oo la toogtay. 21. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo caawa fiidkii ay niman hubeysan rasaas ku dhaawaceen isagoo ku sii jeeday gurigiisa ayaa markii dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho halkaas ku geeriyooday. Marxuum Muxiyaddiin ayaa geeridiisa waxaa aad uga xumaaday dadka intii tiqiin iyo kuwa samaha jecelba, waxaana isla caawa arrintiisa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xagga nabadgelyada ee duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, kaas oo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kuwii ka dambeeyey dilka Guddoomiyaha, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka. Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuun Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo kooxo hubeysan ay caawa ku toogteen agagaarka xaafaddiisa. Sidoo kale waxaa caawa kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiye kuxigeenka degmada Madiina, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawaca soo gaaray uu u geeriyooday. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  20. Muqdisho: Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Madiino oo la toogtay. 21. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo caawa fiidkii ay niman hubeysan rasaas ku dhaawaceen isagoo ku sii jeeday gurigiisa ayaa markii dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho halkaas ku geeriyooday. Marxuum Muxiyaddiin ayaa geeridiisa waxaa aad uga xumaaday dadka intii tiqiin iyo kuwa samaha jecelba, waxaana isla caawa arrintiisa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xagga nabadgelyada ee duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, kaas oo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kuwii ka dambeeyey dilka Guddoomiyaha, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka. Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuun Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo kooxo hubeysan ay caawa ku toogteen agagaarka xaafaddiisa. Sidoo kale waxaa caawa kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiye kuxigeenka degmada Madiina, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawaca soo gaaray uu u geeriyooday. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  21. Muqdisho: Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Madiino oo la toogtay. 21. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo caawa fiidkii ay niman hubeysan rasaas ku dhaawaceen isagoo ku sii jeeday gurigiisa ayaa markii dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho halkaas ku geeriyooday. Marxuum Muxiyaddiin ayaa geeridiisa waxaa aad uga xumaaday dadka intii tiqiin iyo kuwa samaha jecelba, waxaana isla caawa arrintiisa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xagga nabadgelyada ee duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, kaas oo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kuwii ka dambeeyey dilka Guddoomiyaha, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka. Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuun Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo kooxo hubeysan ay caawa ku toogteen agagaarka xaafaddiisa. Sidoo kale waxaa caawa kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiye kuxigeenka degmada Madiina, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawaca soo gaaray uu u geeriyooday. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  22. ^^^Somalilad is not a big issue nor a priority for the Somali governemnt, the main task is to stabalise the south and that is being done, Baidoa, Marka, Kismayu, Mogadishu these are the cities of focus now. Insha Allah they will be pacified and local municialities will start working. So far so good, the armed groups have been tamed and the few gunmen, criminals and assasins around will be dealt with in due course with Allah's will Somalia will be as peaceful and even more so than many countries in the world.
  23. Mudaharaad aan xooganayn oo lagaga soo horjeedo M/weyne C/llaahi Yuusuf oo ka dhacy magaalada London. (London)-Mudaharaad aan xooganayn oo lagaga soo horjeedo m/wyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhacay magaalada London, gaar ahaan Isbitaalkiisa gaar ah ee Cromwell Hospital. Dadka mudaharaadka ka soo qayb galay oo aan sidaas u badnayn ayaan haddana dhinaca aragtida ka miidaysnayn, oo qaybo ka mid ah waxaa ay sheegayeen inay taageersan yihiin midowgii maxaakiimta ee laga tabar roonaaday, halka qaar kalena ay leeyihiin waxaaanu diidanahay in Ciidamada Ethiopianka dalka Soomaaliya ay yimaadaan. Mudaharaadka oo horay loo sii shaaciyey ayaa u muuqday mid naaqusmay oo dad badan oo la filayey inay yimaadan aysan goobta soo xaadirin. Sidaas oo kale maalinta jimcaha ayaa iyana laga yaabaa inuu dhaco mudaharaad ay dhigayaan dadka gobolada waqooyi kaas oo aan weli si cad ujeedadiisa loo caddayn. Xarunta wararka Waayaha.net