General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. I wish Mogadishu peace, harmony, serenity, calmness and security inshallah. Insha Allah khayr
  2. ^^^Man must mistake Yusuf for Riyaale, since Riyaale only ever meets Zanawi.
  3. ^^^There has not been any operations to stabalsie the city since the clan courts ran away and left the guns to the warlords, criminals and clans.. This is the first one of its kind, if you have any other info do tell.
  4. Confused well I am, now the Shabaab are being blamed for the defeat and failure of the clan courts union. Why? Here is Goobjoog.net [major mouth piece] with more on this story. KHILAAF U DHEXEEYA MAXKAMADAHA: SHABAABKA OO LOO TAAG LA'YAHAY Warar xog-ogaal ah oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya maamulka Maxkamadaha kaasoo ku wajahan sidii mar kale dib loogu abaabuli lahaa maamulka Maxkamdaha si ay ula jaanqaadaan marxaladda cusub. Khilaafkan oo usoo dusay goobjoog.net ayaa tibaaxaya inuu ku salaysanyahay sidii markale la iskula jaanqaadi lahaa loona sixi lahaa khaladaadkii hore ee la galay. Kooxda Shabaabka ayaa khilaafka kiisa ugu badani ka taaganyahay, iyagoo loogu taag la'yahay in ay u hogaansamaan maamulka siyaasadeed ee Maxkamadaha, iyadoo sababihii ugu waynaa ee soo dedejiyey jabkii Maxkamadaha ay qaybta ugu wayn ka imanaysay Shabaabka oo aan u hogaansamaynin taladda iyo itijaaha siyaasadeed ee hogaanka sare ee Maxkamdaha. "Amar kala qaadasho la'aan iyo ajendayaal qarsan oo maxkamadaha lala soo hoosgalay ayaa keenay jabka Maxkamadah, haatana waxaa moodaa in jidkii lagu noqon rabo hadii aanan si deg deg ah loo xalin" ayuu mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maxkamadaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Wararka ayaa intaas ku deraya in labo wado ay kala qaadi oo ay dhowaan kala soocmi doonaan hogaanka qunyarsocodka ah ee Maxkamadaha iyo Shabaabka oo iyagu u badan dhalinyaro hadafkooduna yahay dagaal watana qorshe dhaafsiisan xuduudaha Soomaaliya, talo wadaagna la ah duul aan Soomaali ahayn . Maamulka Maxkamadaha ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku hawlanaa sida warkani sheegayo in la xakameeyo Shabaabka lana hooskeeno maamulka Maxkamadaha, laakiin haatan u muuqda mid loo caal la'yahay. "Shabaabku hadafkooda waa dagaal iyo jihaad, inaguna dagaalku wasiilo lagu xaqiijinayo hadaf siyaasadeed ayaan u aragnaa ee isaga qudhiisa hadaf inooma ah, hadafkeenu waa in dalka la dhiso lana nabadeeyo cadawgana laga xoreeyo aduunkana loo furmo oo lala tacaamulo, dagaalkuna waa mid ka mid ah wadooyinka lagu gaarayo hadafkaas ee isagu hadafkii maaha" " Ma lihin dan dhaafsiisan wax xuduudaha Soomaaliya ka shisheeya, mana doonayno in inoolaka arrimiyo oo uu go'aankeenu ku xirnaado dad kale oo aan dalkan u dhalan badaha dabadoodana jooga", ayuu yiri sarkaalkani". "Inkastoo go'aankani uu marxalad adag kusoo aadayo hadana waa mid laga maarmaan ah, sababtoo ah horay ayaan isdul huwanaan ugu soo fashilanay intaan ka badanna la isma saarnaan karo, waxay ku haboon tahay in la kala fududaado oo intii isku ujeedo talo wadaag ah ay isla jaanqaadaan" ayuu k daray hadalkiisa.
  5. Indeed things seem to be getting a bit better in Mogadishu as of late, hope the city is secured for the sake of the people...
  6. Siminaar lagu baranaayay Nabadda iyo xuquuqda Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 28/02/07 Siminnar socday muddo 5-casho oo lagu baranayay Dhismaha Nabadda iyo horumarinta Haweenka ayuna ka qaybgaleen 50-haween ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho. Siminnaarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO) waxaana dhanka dhaqaalaha ka saaciday Swiss Embassy in Kenya, waxaana ka soo qaybgalay Madaxda sarsare ee Dowladda qaarkood. Xubnaha ka socday dhanka dowladda ee ka qaybgalay siminnaarkaan soconayay muddada 5-ta casho ah ayaa waxaa ka mid ahaa: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Prof. Maxamed Cumar Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Ammaanka Qaranka Bashiir Maxamed Aadan (Dhuuracaso) Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Prof. Dalxa oo halkaas ka jeediyay hadal ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay siminnaarkaan lagu baranayay Dhismaha Nabadda iyo horumarinta Haweenka, isagoo sheegay in haweenka Soomaailyeed ay udub dhexaad u yihiin dalka Soomaaliya oo dhan. Mar uu ka hadlay Kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin xornimadii dalka iyo illaa maanta wuxuu sheegay in xornimada ay tahay mid ku timid madaxa haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay inay howlaha ay u hayaan bulshada kor u qaadaan. “Haweenka waxay barlamaanka ku leeyihiin 25-xubnood, waxaan qirayaa in tiradaas ay tahay middii ugu badnayd ee ay haweenka Soomaaliyeed ka heleen dowlad ka dhalatay dalka intii dowladood ee soo maray” ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku daray: “Haweenka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwii dahabkood u gaday xornimo inuu dalkaan helo, sidoo kale ugu dhex umulay xabsiyada iyagoo lagu haysto inay dalkooda la doonayaan madax-baannaani, maanta loo baahan yahay inay ka dhex muuqdaan dib u soo celinta nabadda iyo hagaajinta dalkaan burburka ku soo jiray mudada ka badan 16-ka sano”. Waxaan siminnaarka oo dhan soo xiray oo soo gabagabeeyay Prof. Maxamed Cumar Dalxa. Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda Cadde Gaaboow oo sheegay in haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan nabad soo celinta gobolka banaadir, isagoo sheegay in haweenka ay yihiin udub dhexaadna nolosha dalka Soomaaliya. Dhanka kale, wuxuu sheegay in loo bahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay ogaadaan in maamulka gobolka Banaadir uu ugu talogalay jagooyin waaweyn si ay wax ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed qaasatan Gobolka Banaadir oo uu sheegay inuu yahay meel ay ka jirto nabadgalyo darro baahsan. Baaq laga soo saaray gabagabadii siminaarka oo ay ka qaybgaleen Haween gaaraya 50-xubood ayay ku sheegeen in ay ugu baaqayaan kuwa madaafiicda tuuraya inaysan madaafiic shacabka dushiisa ku tuurin, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ee Hooyada iyo Caruurta u badan loo turo.
  7. Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho. Muqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha ee DFKG ah Mr.Max’ed Max’ud Gacma Dheere oo goor dhawayd shir saxaafadeed ku qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan howl gallo lagu soo celinayo nabad galyadii Caasimada,isagoo intaas raaciyey in hadda xaaladu ka soo roonaanayso sidii hore. "Xukuumadu waxay kulamo iyo wada hadal la yeelatay qabiilooyinka dowlada diidan iyo dad ka haray golihii MMi ayuu yiri Mr.Gacma Dheere oo intaas ku sii daray nabad galayadu ay muhiim umadda u tahay isla markaana ay afgarteen dhamaan wax garadkii ay la kulmeen". Wasiirku isagoo nabad galyada iyo shacabka reer Muqdisho ka hadlayana wuxuu yiri mar kale”waxaan ogsoonahay in umadda reer Muqdisho ay aad nabada u jecelyihiin waxaana ballan qaadaynaa inaan tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono kooxaha caadaystay inay shacabka iska laayaan iyagoon aqoon waxa ay doonayaan. Wasiirka ayaa sheegay inaan loo adkaysan Karin shirqoolada iyo dilalka lagu ugaarsanayo masuuliyiinta dowlada,wuxuuna ku tilmaamay kooxaha dilalka u gaysanaya masuuliyiinta dowlada kooxo wax ma garato ah aan alle aqoon waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale Wasiirka ayaa eedeeyey Warbaahinta Somalidu inay qayb wayn ka qaataan qaxa iyo barakaca ka jira Muqdisho,isla markaana ay qayb wayn ka qaateen in dadku ay qaxaan,isla markaana ay hogaanka u hayaan kooxo dano siyaasadeed uga yimi dalalka aduunka. Shirkaan Jaraa’id ayaa ku soo beegmay xilli ay si aada usii kordhayso dhimashada iyo iskhaarajinta lagu hayo dadka rayidka ah ee magaalada ku nool iyo waliba masuuliyiinta dowladaha hoose oo iaga dhowr la dilay dhawaan. Wasiirka ayaa shirkiisa waxaa ku weheyey duqa magalada Muqdisho iyo masuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Banaadir. Waayaha.net
  8. Muqdisho: Wasiirka gudaha oo sheegay in dowladda ay bilaabeyso howlo amaanka lagu sugayo. 28. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in dowladda KMG ah ay wax badan ka qabaneyso xaalada amaan daro ee ku soo korortay caasimada dalka ee Muqdisho. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo maanta Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay waxaa uu ku sheegay in dowladda KMG sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacan bir ah ku qaban doonto amaanka Muqdisho oo falal amni xumo ku soo kordheysay saacadihii lasoo dhaafay. Gacma Dheere waxaa uu sheegay in kulamo ay la yeesheen qabaa'ilka Muqdisho ku dhaqan iyo kooxaha lagu tuhmayo in ay ka danbeeyaan weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda kuwaasi oo ka tirsan maxkamaddaha Islaamiga, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadlen sidii loo joojin lahaa fowdada ka jirta Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda ayuu sheegay wasiirka in laga sugayo magaalada Muqdisho kuwaasi oo u howlgeli doona sidii ay wax ugu qaban lahaayeen xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, iyagoo sameyn doona baaritaano lagu baarayo xaafadaha isla markaana kontoroolaya wadooyinka waaweyn ee Muqdisho. xiligii uu shirkan jaraa'id qabanayey wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa garabka ka fadhiyay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) oo isagana dhinaca kale sheegay in kooxaha fuliya qaraxyada ay yihiin kuwo deegaanadooda kasoo masaafuriyay dhibaatada, wuxuuna ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda oo dhibaatada ay ka qaadaan caasimada dalka. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  9. MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay xaaladda ammaanka ee Muqdisho Posted to the Web Feb 28, 13:58 Muqdisho (PP) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ambassador ee Magalaada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho. Gacmo-dheere ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid ka wanaagsan sidii hore, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay wax badan ka fahmeen oo ay go’aansadeen inay dhibaatada joojiyaan. “Meelaha ay wax ka socdaan waan garanaynaa waana dabajoognaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) oo intaas ku daray: “Dowladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin ay ammaanka Muqdisho ku sugayso, waxaana iska dhicin doonnaa cid walba oo isku dayda inay is hortaagto sugidda ammaankaas”. Mar uu ka hadlay wasiirka Dhanka hubkii lagu tuuri jiray Magaalada Muqdisho ayuu yiri: “Qaraxyadii Magaalada Muqdisho ka dhici jiray waxaa loo rogay in dadka shacabka ah, ganacsatada iyo xubnaha dowladda la ugaarsado, balse aan ka warhaynno kuwa wada ololayaashaas, waxaana u sheegaynaa inaan ognahay oo aan gacanta ku dhigayno”. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ammaankeeda ay ka sugayso ay tahay mid ay ku ku beegsanayso kooxaha wada dhibaatooyinka lala beegsanayo shacabka. “Kuwa wax ku dila bastooladaha ee caadaystay falalkaas, waxaan u sheegaynaa inaan wax ka qabanayno oo aan iyaga ka dhiganayno bartilmaameed” ayuu yiri Gacmo-dheere. “Dowladdu waxay u tacsiyeynaysaa ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii howlaha Qarannimo waday ee shalay lagu dilay Muqdisho, dowladduna waxay la xiriiraysaa dadkaas ehelladooda iyo xaasaskooda, waana kuwo ay xusuusan doonto oo aanay iloobayn weligood, waxayna ku geeriyoodeen iyagoo ku jira howlo qarannimo” ayuu yiri Gacmo-dheere. Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu aad ugu dhaliilay saxaafadda inay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan Muqdisho, waxaana uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabadda intii ay ka shaqeyn lahaayeen dhibaatada shacabkana ay ka shaqeeyaan nabadda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  10. audio interview Wasiirka arimaha gudaha dowladda Somalia, Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo dheere
  11. Mogadishu is safe enough for the interior minister, the presedential speaker, mayor, chief of cabinet of the president. Col Sacid Dheere has been there from the beggining. Anyhow Yusuf is on his way back, what then dear Farax & Taliban?
  12. Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed Priceless
  13. The Story so far IMAAM MAXAMUUD IMAAM CUMAR: "Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed"
  14. Press conference in Mogadishu meeting with contact group Meeting EU commisioner
  15. Somalia is heading towards peace, insha Allah.
  16. President Yusuf in Afgoyee meeting with leaders of Mogadishu