General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Yusuf oo Kuwait lagu soo dhoweeyay 2 Mar 2, 2007 - 6:42:37 AM Madaxwaynaha Dowladda Federalka KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wefti uu hogaminayo ayaa maanta gaaray xarunta dalka Kuwait iyadoo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxwaynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed iyo golihiisa wasiirada iyadoo loo gelbiyay hoygii la dejiyay. Labada mas'uul ayaa la filayaa in ay si wayn uga wada hadlaan xaalada Somaliya iyo is-bedelada ku yimid mudooyinki u dambeeyay. Madaxwaynaha Somaliya oo martiqaad rasmi ah ka helay amiirka Kuwait ayaa waxa uu kala hadli doonaa sidi dowladda ay gacan uga gaysan lahayd dhaqaalaha ku baxaya arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya. Madaxwayne Yuusuf oo hadda ku jira booqashooyin uu ku kala bixinayo dalal Carbeed ayaa la filayaa in markii uu soo dhamaysto booqashada Kuwait uu u sii gudbo dalka Qatar.
  2. Good news is coming out of these areas, and no prominent elders have been arrested as some are claiming. Kismayu admin is in place. Gen Abdi Mahdi needs to be commended for his efforts..
  3. ^^^Your noise level, saixib, there is a marked difference in the intensity of the waffle.
  4. Kuwait: Madaxwaynaha Soomaaliya oo goor dhow si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kuwait. 3. Mar 2007 Kuwait(AllPuntland)- Madaxwaynaha Dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dawladda federaalka ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka magaalada Kuwait. Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay boqorka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Axmed Al-sabaax iyo golayaasha dawladda Kuwait. Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah ayaa wafdiga madaxwaynaha uga bilaabatay dalka Kuwait , inta ay hakaasi joogaana kulamo kala duwan ayay la yeelan doonaan madaxda Kuwait. Wafdiga madaxwaynaha ayaa la filayaa inay kulamo u bilowdaan saacada soo socda madaxda dalka Kuwait, waxayna kusaabsan yihiin sidii dhaqaale loogu raadin lahaa dawladda Soomaaliya , gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta qaran. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsanaya dawladda Soomaaliya in laga caawiyo dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo dhaqan celinta melleeshiyooyinka. Dawladda Kuwait ayaa marti galisay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in ayaduna ay la diyaar tahay dhaqaale, dawladaha Carbeedna ay ku cadaadin doonto inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya shirka dib u heshiisiinta qaran Dawladda Kuwait ayaa sheegtay inay shirka waddamada Carabta isugu imaan doonaan ay arinta Soomaaliya si gaar ah ugu soo bandhigi doonto. CCC Farayaamo AllPuntland
  5. ^^^Taliban, yes there is a financal short falls as there has been for tha past 16 years.. Birr, dollar, sterling, any donations will do..
  6. Maamulka Degmada Kismaayo si rasmi ah oo howl-bilaabay iyo warar kale Kismaayo 03, March.07 ( Sh.M.Network) Maamulka degmada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo muran uu ka taagnaa ayaa maanta dib loo howl-galiyay, ka dib kulan balaaran oo ak dhacay xarunta degmadaasi. Xaflad lagu weyneynayo furitaanka iyo dib u howl-galinta xarunta maamulka ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo goobtii ay ka dhacday amaankeeda ay si weyn u adkeeyeen ciidamo ethiopian ah oo xitaa fuulay dabaqyada ku xeeran xarunta degmadaasi, iyadoo la baarayay dadkii ka qeybgalayay halkaasi. Salaadiin iyo wax garad uu ka mid yahay suldaan Cali Sokor ayaa hadalo ka jeediyay halkaasi, iyagoo carabka ku adkeeyay in wax laga qabto amaanka isla markaana la iska hilmaamo waxii horey uga dhacay magaalada Kismaayo. Gudoomiyaha cusub ee maamulka Degmada Kismaayo Yuusuf Timo Jilac oo ka hadlay xafaladdaasi ayaa waxa uu ugu baaqay dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan maamulkiisa. Xafladdaan ayaa intii ay socotey waxaa hakad la galiyay gaadiidka Bl ka ah ee isaga kala goosha xaafadaha magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale la hakiyay isku socodka dadka agagaarka goobta ay ka dhacday munaasabadda. Maamulka degmada Kismaayo ayaa waxaa horey u soo wajahay caqabad kaga timid dhinaca deegaanka oo ku aadan qaabka dowladda Somalia ay u soo xushay maamulka, iyadoo arintaasina la xaliyay inkastoo ay jiraan dad wali saluugsan maamulkaasi. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada ethiopia ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa hub aan cadadiisa la shaacin waxa ay u qeybiyeen guutada 3aad ee ciidamada dowladda ee tababarka ugu soo dhamaaday xerada lugloow ee duleedka magaalada Kismaayo. Waa markii labaad ee hub ciidamada Ethiopia ay u qeybiyaan ciidamada dowladda kMG ah ee Somalia ee ku sugan gobolka J/hoose gaar ahaan magaalada kismayo. Farxaan Lafoole Shabelle Media Network J/hoose E-mail us: info@shabelle.net
  7. Somalia president seeks Arab support Sat. March 03, 2007 10:44 am.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article (SomaliNet) Somali’s interim president Abdulahi Yusuf Ahmed is now in Kuwait for three day visit seeking for for financial support to push the national reconciliation conference he had announced earlier to be held inside the country. President Yusuf and his delegation have received a warm welcome from the Kuwaiti officials. On Thursday, speaking to the parliamentarians in Baidoa city, southwest Somalia, president Abdulahi Yusuf revealed the date for the national conference saying that the meeting will be held on 16 April for all parts of Somali society to end the conflict. During his stay in Kuwait, Mr. Yusuf will be meeting with the Amir of Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah other key officials over how Kuwait would play its role in funding the meeting aimed to pacify rival Somalis. President’s trip to Kuwait is meant to collect Arab support for his transitional government. The Kuwaiti government sees the visit by the Somalia president in its country as milestone and successful step to promote the mutual relations between Somalia and Kuwait. News Category: Somalia
  8. Somali president arrives in Kuwait on three-day visit POL-KUWAIT-SOMALIA Saturday, March 03, 2007 KUWAIT, March 3 (KUNA) -- Somali President Abdullah Yousif Ahmad arrived at Kuwait International Airport on Saturday on a three-day official visit during which he is to hold talks with His Highness the Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. The visiting president was received at the airport by His Highness the Amir, His Highness the Crown Prince Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, Deputy Chief of National Guard Sheikh Mishaal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, His Highness the Prime Minister Sheikh Nasser Al-Mohammad Al-Ahmad Al-Sabah, and top state officials. The honorary delegation accompanying the Somali president is headed by Minister of State for National Assembly Affairs Abdulhadi Abdulhameed Al-Saleh. The Somali delegation groups Planning Minister Hasan Elabe Fahiya, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Ismael Mahmoud Hawari, Minister of Commerce Abdullah Ahmad Afrah, and top Somali officials. His Highness the Amir will hold a dinner banquet tonight in honor of the president and his accompanying delegation. (end) ema KUNA 031401 Mar 07NNNN Source: KUNA, Mar 03, 2007
  9. Ciidamada Ethiopian-ka oo hub u qeybiyay ciidamadii tababarka loogu soo gaba gabeeyay xerada Lugloow. Kismaayo, Sabti, March 3, 2007 Simba Radio Ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta hub iyo saanad Military u qeybiyay ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo gaba gabeeyay xerada Lugloow. Xaflad maanta lagu gudoonsiinayay hubka ciidamada Dowlada Federaalka loo tababaray ayaa waxa ay ka dhacday gudaha Xerada Lugloow. Taliyaha guutada 3aad ee ciidamada Jubbooyinka Ismaaciil Khaliif Shire ayaa Idaacada Simba u sheegay in hubkaasi loo qeybiyay qaar ka tirsnaa ciidamadii tababarka kusoo dhameystay xerada Lugloow ee aan hubka heysan. Jeneraal Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Idaacada Simba u sheegay in maanta ciidamada hubka la gudoonsiiyay ay aad ugu mahadceliyeen ciidamada Ethiopian-ka maadama ay heysatay hub la'aan. Sarakiisha ciidamada Ethiopian-ka ayaa sheegay in tababarka ay siinayaan ciidamada loo tababarayo Dowlada ay tahay inay Dowlada hesho ciidamo aad u tababar oo difaaca dalkooda. Si kastaba ha ahaatee, Tababarka loo dhameystiray ciidamada loo tababarayay Dowlada Federaalka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Saraakiisha Ethiopian-ka ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  10. Kismaayo: Dawladda Federaalka oo si buuxda u qalabaysay ciidan tabobar ugu soo xirmay xerada Luglow. 3. Mar 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hub iyo dirays u qaybisay ciidan tabobar in muddo ah uga soconayay xerada Luglow ee ku taalla gobolka Jubbada hoose. Ciidamadan oo dhowr boqol oo askari gaaraya ayaa waxaa hubka iyo dirayska ku wareejiyay saraakiisha sar sare ee ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya. Col: Cabdi Mahdi C/salaan oo ah abbaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorsha tabobarka ciidamada wajigiisii koowaad ay ku guulaysteen. Col: Mahdi wuxuu sheegay in wixii baahi ahaa ee ciidanku u baahnaa sida hubka , dhirayska iyo adeegga kale ee ciidan si rasmi ah ciidankaasi loogu wareejiyay . Taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada federaalka Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in ciidamadan aysan horay u haysan wax hub ah . Ciidamadan tabobarku usoo xirmay ee maanta la qalabeeyay ayaa waxaa loo kala diri doonaa gobollada dalka qaarkood , halkaasi oo hawl gallo ammaan ay ka fulin doonaan. Ciidamadan tabobarku soo xirmay ayaa warar madax bannaan sheegayaan inay qayb ka yihiin ciidamada sugaya ammaanka caasimadda dalka Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland
  11. Somali president is in economy rising journey Last Updated::2007-03-03 13:02:03 HRNet | Nairobi:- Somalia's interim president Abdullahi Yusuf Ahmed has gotten off an economy rising trip, as his government is organizing it self to host a national reconciliation congress in the bullet-riddled capital. The president is due to visit several Arab countries in Middle East to appeal aiding for his interim government witch is facing financial crisis, one of Yusuf's aides told us on condition of anonymity. "The president will visit the Gulf nation of Kuwait, where he will stay in a day and then will go ahead towards two other unidentified countries" sources close to the president's trip said. Other reliable sources in Somalia's presidential palace say Mr.Yusuf will also visit Kingdom of Saudi Arabia, where he will take a meeting with king Abdallah Bin Abdu Aziz. An aid for the president said Mr. Yusuf hopes the trouble-plagued country will take advantage of the opportunity to return to peace and stability within a shot period after ousting the once powerful Somali Islamists. The interim Somalia President Abdullahi Yusuf announced national reconciliation conference will be held mid next month in a bid to defuse tension which has been rife in the Horn of African nation. Since the Ethiopian-backed Transitional Federal Government routed the Union of the Islamic Courts almost three months ago, "the federal government of Somalia has a roadmap of peace and will keep on, the aid added. HRNet - News Desk
  12. Kuwait: Madaxwaynaha Soomaaliya oo goor dhow si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kuwait. 3. Mar 2007 Kuwait(AllPuntland)- Madaxwaynaha Dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dawladda federaalka ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka magaalada Kuwait. Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay boqorka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Axmed Al-sabaax iyo golayaasha dawladda Kuwait. Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah ayaa wafdiga madaxwaynaha uga bilaabatay dalka Kuwait , inta ay hakaasi joogaana kulamo kala duwan ayay la yeelan doonaan madaxda Kuwait. Wafdiga madaxwaynaha ayaa la filayaa inay kulamo u bilowdaan saacada soo socda madaxda dalka Kuwait, waxayna kusaabsan yihiin sidii dhaqaale loogu raadin lahaa dawladda Soomaaliya , gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta qaran. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsanaya dawladda Soomaaliya in laga caawiyo dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo dhaqan celinta melleeshiyooyinka. Dawladda Kuwait ayaa marti galisay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in ayaduna ay la diyaar tahay dhaqaale, dawladaha Carbeedna ay ku cadaadin doonto inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya shirka dib u heshiisiinta qaran Dawladda Kuwait ayaa sheegtay inay shirka waddamada Carabta isugu imaan doonaan ay arinta Soomaaliya si gaar ah ugu soo bandhigi doonto. CCC Farayaamo AllPuntland
  13. Taliban, he will meet leaders of Kuwait as well as Qatar and a few other stops. Anyhow the AU have shown their support now its our rab brothers..
  14. This commitee is ok, I do not know why athere is fuss regarding Ali-Mahdi, who has he fought of late?
  15. BAYDHABO: Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u dhoofay Kenya, iasgoo ku sii jeeda dalka Kuwait Posted to the Web Mar 02, 14:41 Baydhabo (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor ka duulay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa inuu kula kulmo Nairobi sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan halkaas, iyo sidoo kale madaxda Dowladda. Kulammadaan ayaa lagu wadaa in madaxweyne Yuusuf iyo xubnahaan uu kula kulmayo Nairobi ay iskula soo qaadaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen Madaxdaas Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan lagu wadaa in kulammadaan ay noqdaan kuwo dabo dheeraada. Madaxweyne Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu caawa ka dhoofo dalka Kenya isagoo ku sii jeeda dalka Kuwait, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Dalka Kuwait, balse lama garanayo waxa ay ku saleysan tahay casuumaaddaas. Socdaalkaan ayaa noqonaya kii ugu fududaa ee uu Madaweyne Yuusuf uga dhoofo dalka isagoo dalka ku soo laabtay dorraad, kama yimid dalka Ethiopia isagoo booqasho ku tagay dalka England. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntladnpost.com
  16. Q.M oo qalab iyo gawaari ugu deeqday Booliska Somalia Mogadishu 02, March.07 ( Sh.M.Network) Q.M ayaa kaalmadii ugu horeysay oo Qalab isugu jira Labiska ciidanka iyo Gawaari ku yaboohay ciidamada booliska Somalia, iyadoo kaalmadaasi ay maanta u soo dirtey caasimadda Somalia ee Muqdisho. isku duwaha howlaha Bani'aadnimada ee Q.M Eric Loraj oo ragga wararka fidiya kula hadlay xarunta Q.M, ayaa waxa uu sheegay in Q.M ay bixisay 3 kun oo labiska booliska oo loogu talo galay booliska Somaliyeed oo horey aan u heysan wax Unifom ah isagoo tilmaamay in maanta 18 gawaari ay Q.M u soo dirtey magaalada Muqdisho si loogu sahlo saraakiisha booliska in ay ku roondeeyaan magaalada Muqdisho. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xasilooni ay ku sii socoto dalka Somalia, xilli ciidamo ka tirsan Midowga Africa ay dhowaan ku soo fool leeyihiin dalka Somalia. Eric Loraj oo ah isku duwaha howlaha Bani'aadnimada ee Q.M ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto marxlad adag, isagoo tilmaamay in uu rajo wanaagsan ka qabo in dowladda Federaalka ay tahay mid ay ka faa'iideysan karaan shacabka Somaliya si loo helo nabad iyo xasilooni. Waxa uu sheegay in Q.M ay dooneyso in ay ka dhaadhiciso dadka Somalida in isbadal uu ka dhici karo Somalia, lana caawin karo dowladda liic liiceysa ee Somalia, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay kumanaan ciidamo African ah oo tagi doona Somalia. Waxa uu sheegay in Q.M ay u xaqijineyso Somalida in hay'adaha dhisan ee dowladda ay muhiim yihiin. Dadka waxa ay ku qiimeyn karaan dowladda habka ay u gudato howsheeda, isagoo ku tilmaamay in hadii xitaa dowladdu la badalo ama madax cusub ay yimaadaan in hay'adaha dhisan ay yihiin lama taabtaan. Xasilinta somalia waa in ay noqotaa hanaan xasaasi ah oo ka bilaabaneysa heer bulshadeed ilaa heer qarameed. Waxa uu sheegay in hadii Somalia aysan laheyn Mas'uul sare aanu cidna xalin karin dhibaatadeeda, isagoo beesha caalamka ku booriyay in ay kaalintooda ka ciyaaraan xasilinta Somalia. Dhinaca kale Ergeyga Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia Mr. Fall ayaa sidoo kale uga war bixiyay xubno ka tirsan Q.M kulankii ururka islaamka uu dhowaan kaga qeybgalay dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in ururka Islaamka uu ku booriyay in ay ka dhaadhiciyaan maxkamadaha islaamka in ay aqbalaan jiritaanka xukuumadda KMG ah ee Somalia, isla markaana ay ku biiraan dib u heshiisiinta Qarameed ee Somalia ee ku baaqay Madaxweyne C/laahi Yuusuf. Waxa uu ka codsaday dalalka ku bahoobay ururka islaamka in ay bixiyaan lacag gaareysa 544 million oo doollar oo ay ku taageeraan dowladda KMg ah ee Somalia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  17. QM oo qalab ugu deeqdey booliiska Somalia 2 Mar 2, 2007 - 2:21:16 PM Qaramada Midoobay ayaa qalab kala duwan ugu deeqday Booliska Somaliya, iyadoo qalabkaasi ay maanta u soo direysay dalka Somaliya gaar ahaan magalada Muqdisho. Eric Lorecha isu duwaha howlaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Sadax kun oo dareeska booliska ay bixisay Q.Midoobay sidoo kale deeqdan ayaa waxaa ka mid ah 18 gaadiid oo booliska loogu talagay in ay ku howl galaan. Mr. Lorache waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska aysan heysan darees loogu talagalay in ay ku howlgalaan, iyadoo deeqdan ay dabooli doonto baahida ciidamada booliska,. Deeqdan oo wax weyn ka qaban karta baahida ciidamada Booliska ay u qabaan dareeska oo aad ugu yar iyo gaadiidka, iyadoo ciidamada Booliska Soomaaliyeed xiligan aheyn kuwo kasoo bixi kara howlahooda marka aad fiiriso daruufta jirta awgeed, waxaana tixgelinta koowaad madaxda dowladda siiyaan maliishiyooyinka ku heybta ah ee ilaalida ka ah naftooda iyo guryahooda. Isu duwaha howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in xiligan rajo wanaagsan laga qabo in dowladda KMG ah ka howlgasho dalka, isagoo intaa raaciyay in Qaramada Midoobay ay dadaal ugu jirto in shacabka Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo in isbadal uu ka dhici karo dalka. Eric Lorache waxaa uu soo dhoweeyay ciidamada Afrikanka ee imaanaya dalka Somaliya kuwaasi uu sheegay in ay soo kordhin doono xasilooni. Waa markii ugu horeysay ee Qaramada Midoobay taageero noocaan oo kale ah ay ugu deeqdo ciidamo boliiska ee Somalia , waxeyna bilow u tahay tageerada beesha caalamka. Cali Muxayadiin Cali,GO
  18. Hold up are all Ugandans rapists? And if so have the Somali community in Kampala women been devoured? I think there is a sizable Somali community in Uganda.. Also a while back many here where laughing at some of us for suggesting that this project was an international effort led by the AU & IGAD, and not an Ethiopian occupation. The same people are turning the debate into a sexual one. Remmeber the Ethiopians with their AIDS? Give us a break..
  19. Sarkaal sare oo QM ka tirsan oo rajo ka muujiyay xaalada dalka Somalia Isu duwaha Qarmada midoobay u qaabilsan hawlaha gargaarka dalka Soomaaliya Eric Leroche ayaa shalay magaalada New York suxufiyiinta waxa uu uga warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya. Mr. Leroche waxa uu sheegay in mustaqbalka dalka Soomaaliya uusan xumeyn isla markaana ay jirto fursaddii ugu wanaagsanayd. Waxa uuna sheegay in uu rajaynayo in dalka Soomaaliya uu ka baxo fowdada isla markaana dadkiisu ay ka faa’iideystaan fursadda ay hadda haystaan. Eric Leroche wuxuu sheegay in magaalooyin badan oo ku yaalla dalka dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho uu booqday isla markaana uu ogaaday in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Nabadgelyo. Laakiin waxaa jira ayuu yiri kooxo yar oo laabta ku hayay in mar kale ay dib usoo noqdaan hogaamiye kooxeedyadii dalka, hase yeeshee kooxahaasi waxa ay rajo beel noqdeen ka dib markii hubka laga dhigay hogaamiyeyaashoodii. Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan dowladda kmg ah sidii ay u soo celin lahayd kala dambeynta. Cabdulqaadir Nuunow SBC Boosaaso
  20. Mystic, sister, firts this governemnt did not just apear from thin air, SOL database has the historical record of the lengthy peace process which was the most inclusive in our history. The high drama, the fights the demos', this process was fair and every clan elder, civil society member, warlord, war weary all took part. The election was contested by the clan courts master mind A/Qasin, and many others, they all lost to Yey in an open election as witnessed by the Somali people every where. Anyhow 2007, we have a governemnt in place, addressing the core issue, security, security, security. Once thats dealt with election will take place, in every level, local and regional and national.. Viva the third republic..
  21. ^^^I am saxib, and this time it seems hope is here to stay..
  22. Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano loo diyaariyay gudiga badbaadada shirka dib u heshiisiinta qaran. Muqdisho, Jimco, March 2, 2007 Simba Radio Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay dalka Somalia iyo aqoon yahanno caan ka ah dalka Somalia , ayaa lagu warramayaa in loo diyaariyay magacaabista guddiga madaxa banaan ee bad baadinta shirka dib u heshiisiinta qaran. Siyaasiyiintaan ayaa la sheegay in lagu soo xulay qaabka 4.5 waxaama tiradooda lagu sheegay inay gaareyso shan xubnood. Ragaan oo aan wali magacyadooda si waafi ah shaaca looga qaadin ayaa Idaacada Simba si hoose u heshay iyadoo kasoo xiganeysa Madaxtooyada Dowlada KMG Somalia. Ragaan howshooda waxuu yahay inay badbaadinayaan shirweynaha db u heshiisiinta qaran ee Somalia, iyadoo lagu tilmaamayo inay ka madax banaan yihiin qeybaha Soomaalida ee is haya. Ragaan oo shan xubnood ah ayaa waxaa kamid ah: Beesha ****** : Cali Mahdi Max'ed Beesha ***: Max'ud Jirde Xuseen Beesha .........: Cali Markuuus Beesha *******: Max'ed Cali Magan Beesha 5 : Cabdiraxmaan Guulwade Isku soo duuboo, madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf ayaa shalay ku dhawaaqay in dib u heshiisinta ay dhici doonto 16-ka April isagoo sheegay in la wado dadaalo lagu badbaadinayo shirweynahaasi si uu u noqdo mid guud ahaan mira dhala. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com