General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Kismaayo: Maxkamadda Kismaayo oo xukun ku ridday rag eedaysanayaal ah. 1. april 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Maxkamadda magaalada Kismaayo ayaa maanta xukun ku ridday laba nin oo lagu soo eedeeyay falal dhac iyo isbaaro ay u gaysteen gaadiidka ka baxa magaalada Kismaayo ee u socdaala Afmadow. Kaaliyaha maxkamadda magaalada Kismayo C/raxmaan Haashim ayaa sheegay in labadan nin oo magacyadoodu kala yihiin Cabdulle Maxamed oo 30 jir ah iyo Aadan Maxamed Nuunoow oo 20 jir ah lagu xukumay min saddex sano oo xarig ah. Kaaliyuhu wuxuu sheegay in xukunkan uu dhacay kadib markii maxkamaddu ay dhagaysatay caddaynta markhaatiyaal ku caddeeyay danbiga labadan nin ay galeen , markii la arkay qalabkii ay ku hawl galayeen oo ah qoryaha fud fudud waxaa loo cuskaday xeerka ciqaabta ee 484,waxayna maxkamaddu sidoo kale xukuuntay in qalabkii ay nimankan ku hawl galayeen lagala wareego Laba nin oo kale ayaa la sheegay in wax danbi ah lagu waayay , wuxuuna kaaliyuhu sheegay in xabsiga laga sii dayn doono sida ugu dahqsaha badan. Labada nin ee la xukumay ayaa in muddo ah la baadigoobayay waxaana laga soo qabtay bartamaha magaalada Kismaayo . Waa xukunkii ugu horeeyay ee maxkamadda magaalada Kismaayo ay riddo tan iyo markii dawladda federaalku ay maamulka degmada iyo kan gobolka ka hir galisay magaaalada Kismaayo. CCC Farayaam AllPuntland
  2. Kismaayo: Dowladda Federaalka KMG oo gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maxkamadihii laga awood roonaaday. 2. April 2007 Kismaayo:Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday. Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada dowlada KMG C/risaaq Afgaduud oo ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin sare oo maxkamadaha ka tirsanaa isagoo ku dhuumaaleysanayey Kamsuuma. C/risaaq Afgaduud waxaa kaloo intaa raaciyay in hub fara badan iyo walxaha qarxa ay la soo qabteen sarkaalkaasi oo uusan magacaabin, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad kale oo ku dhuumaaleysanaya howdka gobolada Jubbooyinka. "Waxaan qabanay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadaha iyo hubka wax lagu weeraro ee hoobiyayaasha iyo walxaha kale" ayuu yiri Col. C/risaaq Afgaduud oo intaa raaciyay in ay jiraan rag fara badan oo maxkamadihii ka haray oo weli ku dhuumaaleysanaya gobolada Jubbooyinka qaar kalena ay ka carareen iyagoo haatan ka qeyb qaadanaya dagaalada Muqdisho. Lama oga sarkaalkan sare inuu ka mid yahay xubnaha ugu saree maxkamadaha Islaamiga iyo saraakiisha kale ee maxkamadaha in uu ka tirsan yahay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  3. Ciidamada ammaanka ee DFS oo Jubbooyinka ku qabqabtay burcad Last Updated::2007-04-02 21:25:42 Kismaayo:- Ciidamada ammaanka ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo jid gooyo ka samaystay tuulada Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose, raggaas oo gaadiidka halkaasi kaga qaadi jirey lacago baad ah. Shanta nin ee la qabqabtay ayaa loo soo gudbiyey oo haatan lagu hayaa saldhigga booliiska magaalada Kismaayo. Raggan ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaanka Jannaay Cabdalle ku rasaaseeyey baabuur xamuul ah oo ka yimid dhinaca dalka Kenya, waxana halkaas ku dhaawacmay wadihii baabuurkaas. Leylka Shiikh Aadan SBC | HorseedNet
  4. Ciidamada ammaanka ee DFS oo Jubbooyinka ku qabqabtay burcad Ciidamada ammaanka ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo jid gooyo ka samaystay tuulada Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose, raggaas oo gaadiidka halkaasi kaga qaadi jirey lacago baad ah. Shanta nin ee la qabqabtay ayaa loo soo gudbiyey oo haatan lagu hayaa saldhigga booliiska magaalada Kismaayo. Raggan ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaanka Jannaay Cabdalle ku rasaaseeyey baabuur xamuul ah oo ka yimid dhinaca dalka Kenya, waxana halkaas ku dhaawacmay wadihii baabuurkaas. Leylka Shiikh Aadan SBC Kismaayo
  5. LONDON: Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyey London Posted to the Web Apr 03, 00:33 London: (pp) - Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Xassan Max'ed Nuur "Shaatiguduud" oo booqasho gaaban ku soo gaarey magaalada London ee dalka Ingiriiska ayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London ku soo dhaweeyeen si diiran. Xafladda oo uu guddoominayay Xoghayaha Guud ee Golaha Nabadgalyada Soomaalida UK ee Somali Peace Council ayaa lagu furay aayado quraan oo uu halkaasi ka aqriyay Sheikh Axmed Mataan, ka dibna waxaa halkaasi hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Gudd. ku xigeenka Golahaas Drs. Sureer Abshir Muusse Ka dibna waxaa hadallo qiimo leh halkaasi ka soo jeediyay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Xassan Max'ed Nuur "Shaarguduud" oo ugu waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed xaaladda guud ee dalka iyo qabashada shirka dib u heshiisiinta ay dowladdu ku baaqday bartamaha bishan April. Hadalka wasiirka ka dib waxaa halkaasi iyaga ka hadlay xubno ka tirsan Golaha Nabadgalyada Soomaalida Uk ayna ka mid ahaayeen:- 1. Muxudiin Cumar Cirro 2. Aadan Shire Cusmaan 3. Cali Cabdulle Guurre 4. C/qaadir Telegareys 5. Abba Sheikh Abuu Mudhir Waxayna uga mahadceliyeen wasiirka aqbalaadii uu ka aqbalay in uu kala soo qeybgalo munaasabadii lagu soo dhaweynayay.Gebagabadii barnaamijkaasina waxaa hadallo ka soo jeediyay Xoghayaha Guud Golahaas C/casiis "Xildhiban" una mahadceliyay dhammaan Soomaalidii ka soo qeyb gashay munaasabaddaasi, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay intii kala qeyb gashay suurtagalinta xafladdaasi, gaar ahaan C/kariim Yaanyuurow, C/qaadir Dhagacadde, C/rashiid Xaaji Xassanow, Ibraahim Baafo iyo filim qaade C/llaahi Affey. Alasow London, UK
  6. Muqdisho: "Waxaan ugu baaqayaa shacabka in ay ka baxaan goobaha ay argagixisadu ku sugan yihiin" Salaad Cali Jeelle". 2. April 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isaga baxaan deegaanada ay ku sugan yihiin wax uu ku sheegay kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalameysa Muqdisho. "Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay isaga baxaan goobaha ay argagixisadu ku sugan yihiin, horayna waan ugu dignay" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle. "Waxaa la isla gartay in dagaalada Muqdisho ay wadaan kooxo Argagixiso ah balse aysan aheyn beesha ******" ayuu yiri Salad Cali Jeelle oo sharaxaad ka bixinayay kulan shalay dhex maray xubnaha dowladda KMG ugu jira dowladda iyo Madaxweynaha dowldda KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wasiir ku xigeenku waxaa uu sheegay in aysan jirin wax xabad joojin ah oo dhex martay dowladda KMG iyo kooxaha kale oo uu ku tilmaamay argagixiso, wuxuuna intaa raaciyay in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo nabadda dooneysa. Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii maalintii shalay xubnaha beesha ****** ee ugu jira dowladda ay kulan la qaateen Madaxweynaha dowladda KMG Cabdullaahi Yuusud Axmed ay isla garteen in beesha ****** aysan aheyn mid ka soo horjeeda dowladda. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. Somali government warns of new offensive Last Updated::2007-04-02 21:22:38 Four days of fierce fighting between Ethiopian-backed government forces and Islamic insurgents has killed 381 people, a local human rights organization said Monday, as the government warned residents to abandon their homes ahead of a new military offensive. "For the last four days we have registered 381 deaths and 565 people wounded," said Sudan Ali Ahmed, chairman of Elman Human Rights Organization. The Somali government backed by Ethiopian forces called on civilians in the capital to leave their homes in disputed areas ahead of a new military offensive against a lethal Islamic insurgency. Salad Ali Jelle, the deputy defense minister, said the government does not recognize a cease-fire negotiated between Ethiopian military and clan elders. "We call on the civilians living in terrorist-held areas in Mogadishu to abandon their houses because it is possible that government troops may target these areas any time," Jelle said. "We have to clean Al-Qaida elements from Mogadishu."
  8. Ahmed Gurey, dude I am well and not sick. Thanks for asking.
  9. They are again running, again asking for a ceasefire on the new clashes they started. The funniest thing is they signed a ceasefire agreeent with themselves..Classic.
  10. Guddi ay iska dhex magacaabeen odayaasha Beelaha ****** Click here to find shabelle-news in english Mogadishu 02, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha Beelaha ****** ayaa maanta magacaabay guddi la xaajooda saraakiisha ciidamada Ethiopia, xilli maanta xaaladda magaalada Muqdisho ay aheyd mid dagan oo aanu dhicin wax dagaalo ah, inkastoo israsaaseyn goos goos ah ay jirtey. Iyadoo odayaasha dhaqanka Beelaha ****** ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen kulamo ay kaga doodayaan qaabkii looga qeyb qaadan lahaa kulanka ay la yeelanayaan saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa odayaasha waxa ay xuleen guddi ka qeyb qaata wada hadaladaasi, iyadoo gudiga ay xuleemn uu isugu jiro aqoonyahano, waxgarad iyo odayaal. Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka Beelaha ****** oo ka qeyb qaatay kulankii maanta ayaa shabelle u sheegay in maalinta berrri ah ay la kulmayaan saraakiisha ciidamada Ethiopia. Shalay ayay aheyd markii odayaasha Beelaha ****** ay soo saareen qodobo ka kooban 6 oo ay ugu muhimsan tahay xabad joojin iyo waliba in ciidamada Ethiopia ay muddo 5 saac ah uga baxaan goobihii ay soo galeen. Dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee socda mudada 4ta maalmood ah ayaa waxa ay galaabteen nolosha dad kor u dhaafaya 150 ruux halka tiro ku dhow 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Wali waxaa jira meydadka dad rayid ah oo ku go'doonsan goobaha iska horimaadka uu ka dhacay, kuwaasi oo madaafiic BM ah ay ka dul dhaceen. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  11. Xubno ka tirsanaa Maxkamadaha oo ka baxsaday Muqdisho iyo Ciidamadda Dowladda oo sii dabagalay Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 02/04/07 Dowladda Federaalka KMG ah ayaa la sheegay in ciidamo xoogan oo ku hubeysan hubeysan gawaarida dagaalka ay u dirtay degmooyin ka tirsan gobolada dhexe, waxaana ciidamadaasi oo maray wadada xeebta ah ee isku xirta degmooyin ka tirsan gobolada dhexe iyo Muqdisho. Arrintaas ayaa timid kadib markii ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamadii dagaalka kula jiray Dowladda Federaalka kana dagaalamayay magaalada Muqdisho ay maalmo kahor halkaasi u dhaqaaqeen iyagoo wata gaadiid dagaal oo ay ku buufsadeen astaanta ay leeyihiin ciidamada Booliska iyo raxan gawaarida loo yaqaan Homey oo ku xiran samaacado dhaadheer, kuwaasoo la sheegay inay ka gudbeen tuulada Caaraga-ceelle, kuna sii hoyday degmada Cadale. Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay arrintaasi jirto, dowladda Federaalka ahna ay il gaar ah ku eegeyso isla markaasna ciidamada la diray lagu amray inay soo qabqabtaan si loo hor geeyo sharciga. Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo. Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo. Somaliweyn Media Center Somalia - Muqdisho
  12. Hoggaamiye yaashii qarandiidka iyo argagixisada oo xalay magaalda Ka baxsaday Sida aanu ka ogaanay dad ku sugan deegaanka Ceel Macaan waxaa xalay saqdiii dhexe deegaankaasi ka gudbay in ka badan ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka Sida aanu ka ogaanay dad ku sugan deegaanka Ceel Macaan waxaa xalay saqdiii dhexe deegaankaasi ka gudbay in ka badan ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka ee Tiknikada loo yaqaanno iyo gawaarida kale ee Runet-yada loo yaqaanno waxaana saarnaa hoggaamiye yaal baxsad ah oo ayka mid yihiin Aadan Cayrow,MacallinXaashi iyo Goobaale. Hoggaamiye yaashaa baxsadka ah ayaa wararku sheegayaan in ay ku socdeen degmada Cadale ee xeebta ku taala si ay halkaa uga raacaan doonyo Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababaha ambabixidda Gawaaridaan dagaal iyo hoggaamiye yaasha baxsadka ah ee argagixisada Soomaaliya, waxaana Wararka qaar in ragga ka trisanaa hooganka argagixisada ay doonayeen inay doonyoka raacaan xeebaha Cadale. Wararka ayaa intaa raacinaya in ay kusii jeedan dhanka dalka Eritrea gaarahaana magaalada Asmara,halkaasoo ay kusugan yihiin hoggaamiye yaal badan oo qaran diid ah,hase ahaatee sidhab ah looma garanayo ujeedka socdaalkooda iyo halka ay ku jiheysanyihiin.
  13. Kooxihii dagaalka kawaday Muqdisho oo la soo afjaray iyagoo ku andacooday inay heshiis xabad joojina la galeen ninka iskaleh Idaacada Hornafrik. Dagaaladii ka socday mudada afarta maalmood ah ayaa la soo afjaray kadib markii guud ahaan deegaamadii ay kooxahaasi ku xooganaayeen laga sifeeyay iyadoo hada si toosa ay ugu sugan yihiin Ciidamada Dawlada iyo kuwa ethiopia oo iskaashanaya, Kooxihii dagaalka waday ayaa la xaqiijiyay inay firxadeen gabi ahaana isaga bexeen goobihii ay awal ka dagaalamayeen iyadoo inta badan gacanta lagu dhigay ragii hogaaminayay. Ninka sheegta afhayeenka kooxaha dagaalada kawada Muqdisho Axmed diiriye ayaa waraysi uu siiyay idaacada BBCda ku sheegay arintii ugu yaabka badnayd isagoo halkii laga sugayay inuu kawaramo meeshay ku dambeeyeen kooxdii uu dagaalka galiyay yiri waxaanu heshiis xabad joojina la saxiixanay Ninka iskaleh idaacada Hornafrik. Idaacada hornafrik oo uu leeyahay nin ka soo jeeda beesha dagaalada kawaday Muqdisho ahna kuwooda ugu dhaw kooxaha ka haray maxkamadaha ayaa lays wadiin karaa siday xabad joojin ula saxiixatay maleeshiyadii iyaga u dagaalamayay. Dawladaha ethiopia iyo Somalia ayaan iyagu wax hadal ah dhankooda ka soo saarin iyagoo wali wada hawlo baaritaano looga samaynayo xaafadihii ay lawareegeen iyo kuwa kale oo horle oo ay ilaa shalay qabsadeen. Xabad joojinta uu sheegtay Axmed diiriye ayaa u muuqanaysa mid uu isagu ka codsanayo dawladaha Somalia iyo Ethiopia inay xabada joojiyaan si loola xaajoodo balse ay dhagaha ka furaysteen marar badan oo loo soo jeediyay. Afhayeenka kooxaha wax rabsha axmed diiriye ayaa la xaqiijiyay in gurigiisii ay burburiyeen ciidamada dawlada iyo saaxiibadood iyadoo sidoo kalana dhulka lala simay gurigii Culusow oo isna ahaa ninkii fidnada horay ubilaabay halka warar kalana sheegayaan in la qabtay.
  14. ^^^Bilaal, there is a resistance to change from a single clan saxib, even their spokesperon uses the name of the larger clan family. The battles are taking place in specefic areas.
  15. ^^^Bilaal, you confuse yourself yet again. Force is the last resort, it is the time to end this nonsnece. What you say about the TFG will not make any difference what so ever. The TFG is asserting its control over the country, it is now dealing with the last armed group in the country. It will not end till there is no room for these groups in the new republic. If wishful thinking changed anything YUSUF GARAD & his BBC would have..
  16. ^^^No accusation here, only the desperate delusional waffle of a few desperate men here. You have lost your stature Bilaal, the clan which you support has been humbled. You are now attacking me, as if my role was that important. If I could stop this war I would, however those execusting it will not flinch to destroy the cells of the clan courts & their allies. Suldanka What a waste of time, what nonsence. A grown man wasting his time on such matters, why? Saxib, again I am flattered that in all the things you could report on today that you choose to concentrate on the Duke..
  17. ^^^Saxib dont hide behind a silly smokescreen. Yusuf is in Villa Somalia, and those who are hiding is the silly clan courts leaders. Daylaf, Culusow & Abdiqasin are taking and have taken a hell of a beating.. They know how the people of lower Shabbele felt a little tonight.
  18. ^^^lol. insults will not change the reality. Those who used to attack people as far away as Galkacyu, Kismayu, Dhoobley. Those who came as hordes and looted mass properties and occupied whole regions. Those who sold all our national institutions as scraps. They who started this war, hiding behind Islam, then yesterday changed it into the clan are now being decimated. A remarkable turn around in history..
  19. The men in trouble. 1. Those who occupied the lower Shabele area. 2. The scrapmerchants, the char coal traders 3. All the occupiers of the stolen properties.. Simple really..
  20. Abdiqasin is hiding in the house of Xuseen Xaji Bood, a famous North Mogadishu leader..
  21. ^^^Suldanka, you seem to be suffering a great deal. Dont hide behidn what is taking place in Mogadishu, its the last resort, those who wanted to keep Somalia hostage are being eliminated. Personal attacks will not change the reality on the ground. I can take, I am flatered that you waste all this time and effort on the Duke.. Keep it up..
  22. Its suprising that even the secesiionists see Duke in their day dreams.. I meat no harm, an I apologise for any serious mental damage inflicted on your persons. Again accept my apologies dear lads..