General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^lol, dear Rudy you are indeed jesting, remember the TFG got rid of the clown courts who you used to loath. It will mop up Mogadishu of the clan millitias who you love. It matters not what position you take, or the incoherent garbage you seem to spew, the TFG will clear the country of all undesirables..
  2. The topic is about the new lie of the clown groups.
  3. Shabakadaha qaarkood oo dhoodhoobey war sheegaya in madaxweyne yusuf uu aflagaadeeyey beel ka mid ah beelaha soomaliya. Posted to the Web Apr 03, 07:31 PO: Qaar ka tirsan shabakadaha wararka ee xaruntoodu tahay muqdisho isla markaana taageera kooxaha ka soo horjeeda dawladanimada soomaliya ee dagaalka kula jira dawlada ayaa waxay faafiyeen war si aan qarsoodi ahayn loo dhoodhoobey oo sheegaya in madaxweynaha jamhuuriyada Md. C.laahi Yusuf Axmed uu yiri hadal aan habooneyn oo ah in beesha ****** ay diidantahay dawlada soomaaliya. Hadaba baaritaan dheer oo ay sameeysey shabakada wararka ee www.puntlandonline.com ay ka dib ayay ku ogaatey in cajladaasi hada la sameeyey ay tahay mid uu mdaxweyne yusuf oo 2000-kii mar uu ahaa madaxweynaha puntland ka jeediyey magaalada garoowe isagoo ka soo horjeeda dawladii carta. Hadad dhegaystid cajladaas 2000-kii la duubey waxaa uu madaxweynuhu ula jeedey in beesha ****** oo uu ka dhashey cabduqasim salaad xasan ay diidanyihiin dawladaas carta lagu soo dhisey isagoo madaxweynuhu dadka u sheegey in dadka xamar degan ay dhaheen cidii uu c.qaasim kaga adkaado xamar ha la arko. Tan kale oo ah waxii 92-dii dhacey baa dhacayana waxuu madaxweynuhu 2000-kii khudbadiisa ula jeedey koox wadaado ah oo bosaso iyo magaalooyin kale oo puntland ah ka wadey rabshadaha iyo qalaalse ay ku taageerayaan dawlada carta. isagoo madaxweynuhu kooxdaas wadaada ah u sheegey in ay dhibka joojiyaan hadii kalena ay iska difaacayaan sidii dhacdey 92dii markii madaxweyne yuusuf uu puntland ka saarey kooxo mayal adag oo uu hogaaminayey wadaadka ka tirsan uruurka al qaacida ee ah gudoomihii golaha shuurada maxkamdihii wadanka laga tirtirey sheekh xasan daahir aways. warkaasi beenta ah oo ay faafiyeen shabakadaha www.wadanka.com, www.waagacusub.com iyo www.dayniile.com ayaa waxay beeninaysaa dhamaan wararka ay maalin walba ka qoraan dagaalada muqdisho. Si kastaba ha ahaatee xeerka saxaafada ayaa mamanuucaya in saxaafada loo adeegsado dano gaar ah ama cid gaar ah lagu taageero. Shabakadahaas ayaa had iyo jeer kiciya dareenka dadka qaarkood oo akhrista wararkaas, iyagoo so toos ah been uga sheega xaqiiqda jirta. Dadwaynaha soomaliyeed ee warkaasi beenta ah ka aaminey madaxweyne yuusuf waxaa haboon in ay maqalka cajaldii hore dhegaystaan isuna eegaan tan hada la sameeyey iyo tii hore waxay ku kala duwanyihiin. Axmed Shiino X. Faarax Puntlandonline Editor
  4. ^^^No he is from Bargaal saxib, you got it wrong
  5. After the TFG there will the Federal Government of Somalia and end to the transition.. As for Mogadishu it is being secured district by district. The media hoo haa, is no more than the fake noises we have come to expect from the defated groups.
  6. ^^^lol. Yes Ethiopia is a very close ally of the TFG, so are Kenya & Yemen. The closest allies the government has had since inception.
  7. ^^^What people, cause aside from fake bravado all you have is nothing else. Dear Rudy, these folks have never ever come across the like of Yey before, but they are learning hence all the requests for a ceasefire..
  8. Geel-Jire, I am glad you are ok and have not lost the plot. As for the last post, nothing new saxib. I have listed and stated facts, all of which one can either disporve or like you and others tend to do ignore. The TFG is a recognised legitimate government of Somalia. It was has a legal madate and a large support within the country. It was faced with numerous armed groups anti to any governemnt which they were not the central players. The strongest of these groups was what became the clan courts or the Guriceel junta led by Abdiqasin, Galaal & Xasan Dahir. The TFG has overcome all the armed groups using diplomacy, which resulted in getting the support of the UN security council, the US, EGAD and the AU. The TFG was building up an armed forces made up of all clans in Baidoa, it wanted negotiations but was attacked by the Eritrean backed Oromo staffed clan courts millitia. The TFG requested the support of the international community it got the support of Ethiopia in terms of heavy armour to counter th ASMARA group, it gained the support of the US, Kenya and Yemen. After a week the TFG defated the bulk of the clown courts millitia and took over the south. The AU forces have started to arrive in the form of 1500 Ugandans and other are on route Burundi, Ghana and Nigeria. Its all well to bring layman arguments here, but we have a governemnt with the support of the international community facing a desperate group. Hence the fake audio with the aim of turning this into 1991 But again this is not 1991, the President is not the one who fled the country it was the rebels.
  9. Dagaal culus ayaa waxa uu caawa ka bilowday abaarihii 7 fiidnimo agagaarka Stadium Muqdisho, Xarunta Xisbiga, Hotel Ramadaan, Isgoyska Cali Kamiin ilaa Isgooyska Faro Lansa ee magaalada Muqdisho. April 3 . 2007 Radiofreesomalia.com Dhawaaqa rasaasta dagaalkaan caawa socda la isku adeegsanayo ayaa waxaa laga maqlayaa inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo halka ay dagaalada ka socdaan la isku adeegsanayo hubka cul culus iyo madaafiic xoogan. Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xili caawa ay Odoyaasha beelaha ****** ay sheegeen in iyaga iyo Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka ay soo kala saxiixdeen heshiis 2 qodob ka koobnaa oo kamid ahaa in meydadka kala aasto maalinta berito ah isla markaana khamiista kulan kale la iskugu yimaado, waa sida ay sheegayaan dad ku hadlaya magaca codka ******. Xaalada goobihii lagu dagaalamay 4 maalin ee lasoo dhaafay ayaa shalay iyo maanta degneed waloow ciidamadii dagaalamay ay wali is hosfadhiyeen, iyadoo uu hubka gabaabsi ka yahay maleeshiyada ka soo horjeeda dkmg. Waxii kusoo kordha dagaalkaan socda kala soo xiriira Radiofreesomalia.
  10. Even dayniile is reporting that troops have ammased near the gun market..
  11. ^^^What ever makes you stay happy saxib. There is no ceasefire every weapon will be forced out and the clowns will be hunted across the city, region and country. As for all the foreign talk, well your silly ally Eritrea could not provide the fire power nor the political support our ally could. Thus spare us the crocodile tears.. If you think otherwise state so.
  12. Nice video more and more troops will be trained and equiped soon insha Allah. The haters can cry all day, specially the secessionists who know they will never become a seperate country..
  13. Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah canshuur aruurin ugu balaabayo Muqdisho. 3. April 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa lagu go'aamiyay in si rasmi ah howlaha canshuur aruurinta ah ay ka bilaabaneyso degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in howlaha canshuur aruurinta ay tahay mid la go'aamiyay isla markaana aan dib looga laabaneyn, iyadoo degmooyinka gobolka Banaadir sida Degmada Kaaraan, Shibis, C/casiis iyo Boondheere si rasmi ah ay ugu socoto howlaha canshuur aruurinta, deegaanadaasi oo si weyn looga taageersan yahay dowladda KMG ee Soomaaliya. Maxamed Cismaan Dhagax Tuur oo ah ku xigeenka duqa magaalada ee dhinaca arrimaha bulshada ayaa sheegay in si rasmi ah howlaha canshuur aruurinta ay ugu bilaabaneyso Muqdisho saacadaha soo socda. Hase ahaatee mararka qaar ayaa waxaa dhacda degmooyinka ay haatan ka socdaan canshuur aruurinta in lacagaha ku soo dhacda qasnata dowladda hoose aanan jirin cid la xisaabtanta iyo meesha ay ku baxdo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  14. JARBOOLEEY: Barnaamish soconaya ilaa lix daqiiqadood oo aan ku sharaxayo habka beenta looga Fidiyey M. Yuusuf Posted to the Web Apr 04, 00:12 (Puntlandpost.com) - Dad badan oo Soomaaliya ayaa la yaabay markay Baraha Internet-ka ay ku arkeen Cajalad maqal ah oo lagu sheegay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu ku af-lagaadeeyey Beel Soomaaliyeed oo ka mida beelaha Soomaaliya , Cajaladaas ayaa dadkii dhegaystay waxay la yaabeen qadarkii ay socotay , iyo sida la isugu geeyey hadalo la soo jar-jaray uu C/laahi Yuusuf sii daayey waqtigii dowladii Carte. Hadaba cajaladaas iyo sidii la isugu geeyey ayaa waxaa aad bidhaamin doona muwaadin soomaaliyeed oo isu xilsaaray inuu si fiican u bayaamiyo riyada been abuurka ah bal hadaba aan daalaco been abuurkaas iyo xaqiiqdiisa. Halkan Riix been abuurka: audio
  15. How come the biggest clowns ran away when their courts group and their Shiekh IndaCade got their backs kicked? How come they now return with the same fake bravado as Xasan Dahir. Will they kindly state for the record they will not flee again when the dust settles over Mogadishu?
  16. Geel-Jire, You seem to be losing the plot, what are you talking about saxib. You mentioned an audio and now you are talking about an occupation by Abyssinains? Brother I have broken it down for you before, the clown courts have been defated because their built their house as in this instance on lies. The Ethiopian, Ugandan and AU troops are backing up the legitimate governemnt of Somalia, with heavy armour, tanks, mortars and so on. The Eritreans, Oromos and other desperate groups were backing the rebel anti-government fake religious movement that was occupiying large parts of the fertile south.
  17. Maalinta Beenta Aduunka (1-da April)oo lagu Been abuurtay Madaxweynaha Soomaaliya (Cajiib) Posted to the MOL April 3, 2007, 9:11 am Waxaa arin lala yaabo ah in Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka faaideysanaya Maalin loogu magac-daray Maalinta beenta Aduunka (The Foolish Day) oo ku beegan 1-April,inay Shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan Cajalad looga been abuuranayo Madaxweynaha Soomaaliya oo wacad ku marayo inuu Muqdisho ka sifeyn doono Beel ka mid Beelaha Soomaaliyeed. Hadaba Akhristoow Cajalkan mac-malka ah oo aan daraasad ku sameeyay ayaan ku ogaaday in Cajalkan codka ku duuban inuu yahay Codkii Maxamuud Abkoow oo aan marar fara-badan ka daawaday Teleefishinka(Universal-TV), isagoo lacag abaal marin ah lagu siinayo. Ninkan mucjisida ah inuu keeno codadka qaar ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed, runtii marka aad dhageysato hadaladiisa waxaad la yaabeysaa hibada Ninkan loo siiyay inuu soo dhaweeyo codadka qaar ka mid ah Siyaasiinta Soomaalida, waxaana oogu yaab-badnaa codkii uu duubay Sanadkii 2006-da 1-da April oo ku beegneyd Maalintii Beenta Aduunka, waxaan xasuustaa Maalintaas oo uu Warka sheegayey Weriye ka tirsan Shabakada Somaliweyn oo lagu magacaabo Xudeyfa, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay; waxaan wareysi la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo booqasho kedis ah ku yimid Magaalada Muqdish, runtii markii aan dhegeystay wareysiga maalintaas waxaan aaminay hadalkii Weriye Xudeyfa, balse neef waxay iga soo booday markii uu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay; naga raali ahaada Maanta waa Maalintii Beenta Aduunka, Ninkaan wareysteyna waa Ninkii mucjisada ahaa ee hibada loo siiyay inuu metelo codadka qaar ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed,Madaxweynahana wuxuu joogaa Jowhar ee Walaalayaal iga raali ahaada,ayuu maalintaas hadalkiisa ku soo qatimay Weriyahaas. Murti Soomaaliyeed ayaa oranaysa "Been la dhoo-dhoobay Run baa ka dambeysa" hadaba Suxufiyiintii soo bandhigtay cajalkan mac-malka ah waxaan kula dar-darmaayaa inay ka digtoonaadaan qalinka dhiiga leh oo ay kula dhex-wareegayaan Umada Soomaaliyeed. "Dad waxaa oogu liita Beenloow iyo Tuug "hadaad beenloow aamintana adigana waxaad noqoneysaa Beenloow. Hadaba akhristoow waxaa arin laga murugoodo ah in Dad sheeganaya Islaam inay aaminaan in 1-da April tahay maalinta Beenta Aduunka,inagoo ka war-qabno inay xaaraan tahay Diinta Islaamka in been la sheego. Waxaad la yaabeysaa markaad la kulanto 1-da April Soomaalida qaarkood inay aad u qiimeeyaan maalintaas, iyagoo kuu sheegaya hadalo kaa yaabiya, markii aad tiraahdo adigoo yaaban Bisinka ma runbaa waxa aad sheegeysid?waxay kugu oranayaan "Sow ma ogid Doqonyahoow inay Maanta tahay Maalintii beenta Aduunka"(Subxaanalaah)Dadku soo ma,oga in beenta la isku ciqaabo Maalinta Qiyaamaha. Hadaba waxaan hadalka ku soo xirayaa Soomaalida waxay ka qortay maah-maahooyin fara-badan marka laga hadlayo Runta,waxaana ka mid ah"Run iyo Ilkaba waa la cadeeyaa"Hadaad Been sheegto Run baa kuu qarsoon"Runta waa Raaxo beentuna waa Cadaab" iyo kuwa fara-badan oo aan halkaan ku soo koob-karin,hadaba waxaan ooga digayaa Suxufiyiinta caadeysatay inay meel ooga dhacaan karaamadii Saxaafada, inaad ogaataan in laga daba-tagayo fidnada aad kula dhex-wareegaysaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan kula dar-daarmayaa Umada Soomaaliyeed inaysan aaminin hadalada beenta ku dhisan iyo isku-dirka oo ay mudooyinkan caadeysteen qaar ka mid ah Websedyada Soomaalida. Xuseen Yaasiin Godo-Godo Mudugonline.com
  18. Degmooyinka Muqdisho oo laga bilaabayo Aruurinta Canshuuraha Last Updated::2007-04-03 12:08:43 Muqdisho:- Maamulka Dowladaha Hoose ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in asbuuca soo socda uu bilaabo hawlaha aruurinta Canshuuraha. Maamulka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo gobalka Banaadir ayaa sheegay in magaalada inteeda badan ay xasiloon tahay isla markaan ay doonayaan in laga hirgeliyo aruurinta Canshuuraha ee lamid ah kuwii horey loo qaadi jiray xiliyadii ka horeeyey dagaalkii sokeeye. Dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa sheegay in canshuurtan ay tahay tan magaalada u gaarka ah isla markaana dakhliga wax looga qaban doono baahida Bulshada Muqdisho ku dhaqan. Dowladaha Hoose ee Muqdisho ayaa horey ugu guuleystay in ay canshuuro kusoo rogaan goobaha laga soo galo magaalada Muqdisho, ayadoo canshuurta inteeda badan laga qaadi jiray ganacsatada Qaadka. Sidoo kale Dowladaha Hoose ayaa qeyb ku leh canshuurta laga qaado Dekkada iyo Airporka Muqdisho, ayadoo sidoo kale jiraan degmooyin kamid ah Muqdisho oo horey looga qaadi jiray suuqyadooda Canshuuro kadib markii la magacaabay maamulka Guddoonka Muqdisho oo ka kooban 16 degmood. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  19. DFKMG oo canshuur ururin bilaabeysa 3 Apr 3, 2007 - 8:19:33 AM Dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa ku dhowaaqday in ay canshuur ururin ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia. Ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Duqa Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, ayaa sheegay in Howlo cunshuur ururin ah ka bilaabi doonaa magaalada Muqdisho horaanta toddobaadka soo socda. Dhagax tuur ayaa si gaar ah u cayimay in qorshaha cunshuur ururinta bilaaban doono Sabtida ama Axad, si lacagaha cunshuurta loogu dar dar geliyo howlaha dowladda KMG ah ee Somalia ka qabaneyso caasimadda. Ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, waxa kale oo uu wacad ku maray in cunshuur ururin ka saameyn doonaan dhammaan magaalada. "Canshuur ururinta waa ay saameyn doontaa qeyb kasta oo magaalada ka mid ah" ayuu yiri Dhagaxtuur. Dhagaxtuur ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ugu baaqay inay bixiyaan lacagaha canshuurta ah oo ay dowladda KMG ah ee Somalia kusoo rogeyso Canshuur ururinta ayaa dowladda KMG ah ee Somalia wax ay horey uga bilowday Waqooyiga magaalada, waxaana iminka kusoo biiri doono koonfurta sida uu sheegay Dhagaxtuur, oo rajo ka muujiyay in howshaas ay sidii loogu tala galay ku qabsoomi doonto. Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladda sheegtey in ay ka adkaatay gacan bir ahna ay ku qabatay kooxihii qaran diidka ahaa ee rabshadaha ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Cabdi Fatax Axmad,GO
  20. Xoogsade, Obviously your groups lost is near total, thus the reliance on the one thing you have always trusted the lies. Well have they worked? You lied about the religious movement while it was a movement of a select special interest group. Led by the ever comical Abdiqasin, Culusow, Galaal, and the evil traders such as Daylaaf. Who are you to talk, was it not these same cowards who went off to Adis Abaaba after their allies the Eritreans, Oromos and foreign confused lot got soundly defated? Was it not these men who occupied fellow Somali clans territories looting them and taxing them to enrich the sub-clan? Was it not them who started this war promising heaven and then deserting the children? Give it up there are no warlords in Somalia as pathetic or evil as IndaCade, Cirfo & Dhuxulow, fake religious individual such as Xasan Dahir, or corrupt official like Abdiqasin & Culusow. Somalia has moved on and the days when your delusions worked are over.
  21. Madaxweyne Yusuf " Qoladii Muqdisho ku adkaata Waan arki Donaa " Hadalkan Ma Runbaa Mise Waa been ? Waxaa soo diray: Diriye (Caluq) Waxaa ah wax aad looga naxo in ay jiraan dad doonaya in ay somalida isku huriyaan,oo ay been iyo borobogaando aan jirin dadka ku kiciyaan, sida aad wada ogtihiin shabakadaha qarkood ayaa waxaa lagu shaciyay hadal loo egaysiinayo in Madaxweyne Yusuf ka hadlayo dagaalada xamar ka socda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo kooxaha Diidan joogi taanka itoobiyaanka,una hanjabayo beelaha ******. sida ay sheegtay shabakada beenta iyo fitanta hurisa. Dadkaas miyaysan xishoonay oo been laga daba tagi karo oo xaqiiqdeeda la soo ogaan karo in ay dadka u sheegaan, waxaa dhaboowday hadalkii Nabi Maxamed: SCW "Hadaadan xishoonay suubi waxaad doontid" Bandhiga iqrasomali.com Aqristaha qiimaha iyo qaayaha lahoo waxaa farxad galinaya Shabakadda iqrasomali in ay soo bandhigto oo ay daaha ka qaado been abuurayaal doonaya in ay somalida isku diraan, oo colaad qabiil huriyaan. Dowladii hore ee carta Waxaa jirtay in madaxweyne yusuf uu duubay qudbad hore ee uu oga hadlayo dawladdii carta(C/qaasim), xiligaas oo uu diidanaa qaabka loo dhisay dawladda carto, Madaxweynaha wuxuu kaga hadlay qudbadaas dadka mucaaradka ku ah carto, wuxuu ka soo bilabay beelaha digil iyo mirif, wuxuu kaloo sheegay in beelaha ****** nafdooda ay ka soo horjeedaan dawladda carto, markuu hadalkaas duubayay waxaa xamar dirir ku dhaxmartay beesha sacad iyo dawladda carta asagaa ka hadlaya dagaladaas ka dhacay muqdisho ayuu hadalkan yiri: "dagaladii xamar ka dhacay malin dhaweyd" waa muuddo laga joogo 5 sano. nasiib xumo dad ayaa so jaray hadalkaas oo is daba mariyay kana dhigay in uu yiri hadda. halkan ka dhagayso hadalkii hore ee Madaxweyne Yusuf: Asalka hadalkii M. Yusuf: halkan ka dhagayso hadalkii uu yir 5 sano ka hor madaxweyne Yusuf Raggan ka dambeeya cajaladan ayaa waxay ka soo jareen qudbad ku jirtay shabakada warbaahinta Shabelle.net Ka Dhagayso Shabelle codka ay soo jareen Ama Halkan Ka Dhagayso Hadalkii uu yir 5 Sano Ka Hor Madaxweyne Yusuf taas oo dheer oo dad badani ay dhagaysteen marka walaal waxaad gashaa shabelle.net fiiri geeska midigta ah waxaad arkaysaa qudbad xasaasi ah ee uu jeediyay Madaxweyne yusuf xiligii carta, daar marka ay mareeyso daqiiqada 11 ilaa wixii ka danbeeya dhagayso waxaad maqli xaqiiqda hadalkan. Bal halkan ka dhagayso hadalka sida ay u jereen iyo sida ay iskugu aadiyeen, xataa hadalo danbeyay ay soo hormariyeen. Warka been abuurka ah: Ogaada in hadalkaan uu yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn.
  22. MUQDISHO: Waa kuma Axmed Diiriye? Posted to the Web Apr 03, 16:13 Muqdisho: (pp)- Waa kuma Axmed Diiriye? : Wuxuu waayahan aad uga hadlaa Idaacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho iyo BBC-da Laanta Af-soomaaliga , wuxuu sheegtaa inuu yahay Nabadoon , wuxuu kaloo sheegtaa inuu yahay Af-hayeenka Beelaha ******. Axmed Diiriye Cali, Wuxuu aad u soo baxay kaddib dagaalkii muqdisho ka dhacay ee lagu soo saaray dowladii Marxuum Siyaad barre, wuxuu ka mid ahaan jiray kuwo daba orda qab-qablayaasha Soomaalida , wuxuu aad ugu dheerayn jiray inuu u kala basaaso isla qab-qablayaasha dhexdooda , wuxuuna caan ku ahaa oo kale inuu wararka u kala qaado qabiiladii ku wada dagaalamyey magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegtaa inuu yahay Halgamaa weyn, halgankaas uu sheegto oo ku salaysan xasuuq aan meel loo dayin uu u gaysan jiray dadkii maatada ahaa ee ku noolaa muqdisho.Axmed wuxuu in badan ku soo caano maalayey qabsadayna guryo badan oo ku yaal If iyo Aakhiro, wuxuu guryahaas intooda badab qabsaday dagaaladii muqdisho looga saaray Marxuum Maxamed Siyaad Bare (RABBI JANNADIISA HA SIIYEE), wuxuu degenaa Guri nin masaakiin uu lahaa oo uu isagu dilay , kaddibna uu deegaan ka dhigtay. Sidoo kale, wuxuu lacago kuwaas la mid ah ka qaadan jiray guryaha Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, halkaasoo dadka daggan ay isku beel ahaayeen isaguna uu dajiyay kirooyina uu ka qaadan jiray. Ahmed wuxuu dadka aan garanayn u sheegtaa inuu yahay Wadaad soomaaliyeed , Laakiin dadka Muqdisho ku nool waxay u yaqaan inuu yahay nin ******** ah oo aysan wadaadnimadu meel ka soo marin, maadaama uu yahay nin ay yaqaaniin, wuxuu kaloo ahaan jiray ******** wata kooxo ******** oo dadka dila´, siiba kuwa u ololeeya inay Xamar iyo Soomaaliyaba nabad ka dhalato. Axmed Diiriye, waa ninka sida la sheego ka dambeeya dilalkii saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka kale ee aqoonyahanka ah ee lagu dili jiray Muqdisho, wuxuuna haystaa ******** uu u adeegsado inay dadka dilaan. ********ta wuxuu ku hayaa goobo qarsoodi ah, waxaana lacag ku siiya arrintaas kooxo ka haray Maxkamadaha oo ku sugan Muqdisho waana nin shaqo gooniya oo la yaqaan u qabta kooxihii Maxaakiimta. Axmed Diiriye, waa nin aan wanaag lagu aqoon xumaan mooyeen marka la joogo Muqdisho, wuxuuna ka mid yahay dadka ololeeya inaan nabadi ka dhicin Muqdisho, maadaama uu wax ku noqday guryo uusan lahayn , hanti dad leeyahay iwm. Axmed Diiriye , waxaa kaloo lagu yaqaan waa ninka kaliya ee magaalada Muqdisho, lagu yaqaan in hadba qolada uu dantiisa ka helo inuu raaco, waxaa ilo kale ay sheegayaan in Maamulka Banaadir iyo kooxo kale oo DFKS , uu kula gor-gortamay inuu la shaqeeyo si uu ugu soo rufyaamo kooxaha dowlada ka soo horjeeda. Arrinkaas Axmed Diiriye ma noqon mid laga aqbalay oo wuu ku guul-daraystay , taasoo la sheego inay dhalisay mucaaradadan xoogga badan ee uu ku itiiminayo waxyaalo aysan Soomaali raali ka ahayn. Axmed Diiriye ayaan ku caan ah [Axmed Bililiqo] , Nasiib darose wuxuu huwaday Beelo Soomaaliyeed magacooda , iyadoo aysan jirin cid aan uga neefinaysa ama ku kaalmaynaysa Qabyaalada uu ku qarinayo danbiyadii uu ka galay soomaali badan oo ciida ka hoosaysa, oo uu ka mid yahay ninka uu gurigiisa ku dilay ee uu degaanaa intaysan dagaalada u dhaxeeya dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ka qarxin Muqdisho. Xigasho: Aqoon-yahano Soomaaliyeed Daabacaada: Puntlandpost.com
  23. hadaba halkaan waxaad ka dhageysataan ayadoo cod ah oo sharaxan sida laisu dabamariyey qudbada madaxweynaha fix