
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu largest again comes out in support of their government..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
somaliweyn.com -
Mogadishu largest again comes out in support of their government..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Beesha ******, kadib markii ay u kuur gashay arrimahaan oo dhan, waxaa lama huraan noqotay inay muujiso mowqifkeeda ku beegan arrintan soona saarto war-murtiyeedkaan:- 1- Beesha ******, oo ka mida beel weynta ******, ahna mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn qeybaha beesha ******, waxay caddeyneysaa inaysan ku lug lahayn shirarka ay qabanayaan dad iyagu isku magacaabay inay ku hadlayaan magaca beesha ******, iyo dagaalada ka socda magaalada toona. 2- Beeshu hadda wixii ka horeeyay waxay u kuur galeysay xaaladda, waxayna baadigoob ugu jirtay qaabkii si nabad ah xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya, waxayna beeshu si weyn uga qeyb qaadaneysaa sidii loo soo celin lahaa Qaranimadii Soomaaliya. 3- Beeshu waxay si buuxda u taageersan tahay Dowladda Federaalka, iyadoo aaminsan in Dowladnimadu tahay wadada kaliya ee looga bixi karo dhibka ay ummadda Soomaaliyeed ku jirto. 4- Beeshu waxay sidoo kale ugu yeereysaa qeybaha kale inay ku soo biiraan geedi socodka nabadeed, kana fogaadaan wax walba oo abuuri kara khalalaaso cusub. 5- Ugu dambeyn waxaan codsaneynaa bulsha weynta caalamka iyo tan gobolkaba inay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed sidii loogu dabaali lahaa nabad iyo kala dambeyn dalkooda. Waxaan xusuusineynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida:- 1- In Dowladdani tahay Dowlad Federaal ah, kuna saleysan 4.5. 2- In loo baahan yahay qabashada shirka dib u heshiisiineed si loogu soo celiyo umadda dhexdeeda kalsooni. 3- In la ilaaliyo dastuurka Federaalka iyo dhammaan heshiisyada xiriirineed ee u dhaxeeya umadaha caalamka. Wabillaahi Towfiiq Qoraalka ka soo baxay Golaha dib u heshiisiinta iyo danaha ****** waxaa ku saxiixnaa Afhayeenka Golahaasi Md. Muxyaddiin Xasan Afrax. Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Somaliweyn | HRNet -
Golaha dib u heshiisiinta iyo danaha beelaha ****** oo Qoraal ka soo saaray dagaalada Muqdisho Last Updated::2007-03-30 18:10:36 Muqdisho:- Sida la ogsoon yahay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay 16-sano kadib, laga soo bilaabo xilligaasna Soomaaliya waxaa soo food saaray dhibaatooyin ba'an oo isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwo bani'aadamku ku lug leeyahay, dad badan ayaa ku naf waayay, kuwa kalena way ku naafoobeen. Dadaalo badan oo ay ka qeyb qaateen ururo goboleedyo iyo kuwa caalami ah ayaa la sameeyay si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya. inkastoo dhammaan dadaaladaasi ay ku dhammaadeen guul darri hadana mar walba waxaa laga qaadanayay waayo aragnimo iyo khibrado. Taa ayaa suurtagelisay in dabayaaqadii sanadkii 2004-kii ay Soomaalidu dhisato Dowlad Federaal ah, iyadoo lagu saleeyay qaab beeleed ku dhisan xeerka loo bixiyay 4.5, waxaana xusid mudan dowrka weyn oo ay ka ciyaartay IGAD hergelinta dadaalka loogu jiray in Soomaaliya dowlad loo dhiso. Hase ahaatee waxaa dowladdii soo foodsaaray culeys weyn, taa oo in muddo ahba u suurtagelin weysay inay xasilooni iyo kala dambeyn dalka ku soo dabaasho. Arrintani way sii cakirantay tan iyo markii uu soo ifbaxay ururkii Golaha Maxaakiimta, oo iyagu gacanta ku dhigay gobolada Koonfureed intooda badan, waana lagu guul darreystay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay iyaga iyo DFKMG ah, markii dambena Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowladda Itoobiya waxay arrintaan ku soo afjartay awood, taa oo u suurta gelisay inay dowladdu gaarto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Dowladda iyo caalamka gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya intuba waxay xoogga saareen in marxaladaan loo baahan yahay dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida, sidaa darteed dowladdu waxay ku baaqday shir dib u heshiisiin, waxaase arrintaan iyo gebi ahaanba ajandaha nabadeynta caasimada ka hor yimid dad iyagu isku magacaabay beesha ******. Khilaafkaan iyo maandhaafkaan wuxuu sababay dagaalo ba'an oo ka dhacay caasimada geystayna khasaaro naf iyo noolba leh iyo walibabarakac weyn.
-
PM Geedi , I represent the clan.. audio interview..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
-
PM Geedi , I represent the clan.. audio interview..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'iisul Wasaare Geedi::: Dagaalka Muqdisho waxaa wada Fidno wadayaal aan ku hadli karin magac qabiil Last Updated::2007-03-30 14:32:27 Riyad:- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho xili uu ku sugan yahay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu yahay mid ay xanuunkiisa dareemi karaan, maadaama ay dad badan oo shacab ah khasaaro kasoo gaareen. Balse wuxuu sheegay in dhibaatadan iyo burburkan ay horseed u yihiin kooxo kasoo horjeeda nidaamka iyo dowladnimada. Ra'iisul Wasaaraha oo la hadlayey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Dowlada ay marar badan isku dayday in ay nabada wax walba ka hormariso balse weli ay kooxo daneystayaal ah ay ku wadaan dagaalo hubeysan. Geedi oo ka jawaabay su'aal ahayd in kooxaha kasoo horjeeda ay yihiin Qabiilka ******, ayaa sheegay in kooxahaasi aysan ku hadli karin magaca beesha ******. Wuxuuna Prof.Geedi sheegay inuu asagu yahay xubinta ugu sareysa ee Beesha ****** uga jirta dowlada Soomaaliya, isla markaana looga baahan yahay cidii wax tirsaneysa in ay soo bandhigto. Geedi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho 90% xaafadaheeda ay yihiin kuwo xasiloon balse ay jiraan qeybo kamid ah Muqdisho oo ay weli fowdo ka socoto. HorseedNet.com -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Khalaf, Brother the TFG is a national government. Mogadishu is the capital of Somalia, it will be secured insha Allah. These people have been given 3 months, they were clown court fighting for the "faith". Now they are fighting for the clan? They are hiding behind smokescreens, they are killing anyone and everyone. The price is too high & heavy, these clan gangs are losing... -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jeele::: Waa lama Huraan in awood loo adeegsado argagaxisada Caasimada xarunta ka dhigtay Last Updated::2007-03-30 18:38:17 Muqdisho:- Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee DFKMG Salaad Cali Jeele ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. W/kuxigeenka ayaa soo afjaray safar uu ku aaday dalka Ugandha oo uu casumaad ka helay. Mr.Jeele ayaa saxaafada u sheegay markuu soo gaaray magaalada Muqdisho in safarkiisa uu salka ku hayey wadatashi uu lasoo yeelanayey dhigiisa dalka Ugandha markii uu casuumaad ka helay. Salaad Cali Jeele ayaa sheegay inuu magaalada u yimid sidii uu hogaamin lahaa hawlaha militariga Dowlada Federaalka ay amniga ku sugayaan. Salaad Cali Jeele ayaa ku nuux nuuxsaday in ay lama huraan tahay in magaalada Muqdisho lagula dagaalamo kooxo uu sheegay in ay saldhig ka dhigteen una adeegsadaan caasimada Soomaaliya xarun ay uga duulaan dalal kale. Jeele ayaa sheegay in uu ogaa in dagaalada noocaan ah ay ka dhacayaan Muqdisho, asagoo hoosta ka xariiqay in aan la joojin doonin hawlgalada amniga lagu sugayo illaa magaalada laga saaro kooxo hubeysan oo dowlada kasoo horjeeda. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
Geele changes toone Ethiopia is not occupaying...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Geele changes toone Ethiopia is not occupaying...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
When was the last time uncle Djibouti changed his mind? The day when Baidoa was not able to fall to the clown courts... -
Geele oo tageray faragalinta 30 Mar 30, 2007 - 3:15:36 PM Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo wareysi siinayay laanta Af-Somaliga BBC-da ayaa markii ugu horeysay tageeray faragalinta ciidmada Ethiopia ku sameynayaan arrimaha Somalia ee murugsan. Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegey in dowlada Ethiopia aysan rabin in Somalia qabsato isla markaana aysan tabar u heyn qabsasho dal kale madaama ay dadkeedii gaajeysan yihiin balse arrimo la xiriira amaankeeda iyo codsi ka yimid DF ku tagtey Somalia. Geele ayaa shacabka Somalida ka codsadey in dowlada Federalka ah la shaqeeyaan ayna isku dayin in ay fursadaan dhumin. Madaxweyne dalka Jabuuti ayaa dhinaca kale dowlada Federaalka ah ka dalbadey in shirka dib u heshiisiinta ka qeyb galiso dhinacyada isku siyaasada marka laga reebo kuwa xooga wax ku raadinaya. Geele oo horey u dhaliili jirey arrimaha Somalia ayaa waxa ka muuqta isbadal siyaasadiisa ku aadan arrimaha Somalia. Wareysiga Ismaaciil cumar Geele ka dhageyso halkan. Garowe Online+Wakaaladaha
-
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bakhaarro kale oo qarandiidka hub ugu jiray oo ciidanka xoogga dalku furteen. Ilaa iyo sadex bakhaar oo kooxaha mucaaradka ee qarandiidka uu hub ugu keydsanaa ayaa waxaa u suuragashay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanku in ay soo furtaan,xalay iyo saaka waabarigii. Ilaa iyo sadex bakhaar oo kooxaha mucaaradka ee qarandiidka uu hub ugu keydsanaa ayaa waxaa u suuragashay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanku in ay soo furtaan,xalay iyo saaka waabarigii. Wararka ku dhow dhow ciidanka xoogga ayaa sheegaya in sadex bakhaar oo uu hub ku keydsanaa laga furtay kooxaha qaran diidka kuwaasoo ku kala yaalay Masajidka Sh Cali Suufi,Saraha jarmalka iyo Duleedka Jaamcada Muqdisho ee agagaarka qabuuraha barakaat. Horay ayaa waxaa u jiray in bakhaarkii ugu weynaa ee hubku ugu jiray kooxaha qarandiidka laga furtay kaasoo ku yaalay agagaarka SHiirkole,kaddib howgallo ay ciidanka xooggu halkaa ka fuliyeen todobaadkii hore. Tallaabda hubkan ay ciidanka xooggu kula wareegeen ayaa ah tii ugu dambeysay ee khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxaha qaran diidka ee muqdisho,oo hatan wixii ka dambeya sii noqonaya kuwo dhimasho u joog ah oo tabartii ka dhamaatay. Sikastaba ha ahaatee dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda iyo daganaashaha jecel ayaa ku hambalyeynaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howsha baaxada lehoo ay wadaan ayna ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii muqdisho ee lumay in ka badan 15 sanadood ka hor. Maxamed Cusmaan Axmed Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdishoi. Contact:info@carmooyin.com -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal maalintii labaad ka socda caasumada Somaliya, iyo dad dhintay oo mayd ah oo mar kale lagu jiiday dariiqyada Muqdishu Posted to the MOL March 30, 2007, 6:57 am Wararka saaka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in maalintii labaad ay dagaalo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ka soconayaan halkaas, iyadoo dagaalkaas iminka ka soconayaan xaafadaha Towfiiq iyo Ceymiska. Dagaalkaan oo saakay subaxnimadii hore ka bilaamay aagga Stadiyo Muqdisho oo ay gabaad ka dhigteen kooxahaha haraadigii maxkamadaha ayaa waxaad moodaa in dagaalku hadda gabagobo yahay iyadoo ay xoogii haraadigii maxaakiimtu iminka aad u wiiqmay. Waxaa mar kale internetka website-ka Shabele la soo galiyay sawiro la sheegay inay yihiin askar Itoobiyaan oo dhintay oo maydkoodii ay haraadigii maxkamaduhu ku jiidayaan dariiqyada Muqdishu. Ficilkaas oo aduunka dhan markii la arkay laga cambaareeyay ayaa ah anshax xumo aan diinteena islaamka meelna ka soo galin. Dagaalkaan ayaa waxaa waxyeelo culus ka soo gaartay dadka rayidka iyadoo rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayaan haleeleen dad badan oo riyad ah. Wararka ugu dambeeyayay ayaa sheegaya in boqolaal dad rayid ah oo dhaawac ah la dhigay cisbitaalada Muqdishu. Ra’iisal wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inay dawlada ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsaha badan u maarayso haraadiga maxkamadaha ee dagaalka hubaysan dawlada kala hor yimid. Wuxuu sheegay Ra’iisal wasaaruhu inaysan beel ****** wax ka maqnayn, hadalada ah inay beel ****** dagaalamaysana ay kooxaha xag jirku ku raadinayaan inay awood dheeri ah kaga helaan beesha ****** oo uu sheegay inay haysato jagada ugu sareysa ee dawlada oo isagu ku fadhiyo, beeshana Hawiyana ay aad u taageersan tahay dawladiisa. Dhinaca kale, dawlada maraykanka ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in wali ururka alqaacida uu ka dagaalamayo magaalada Muqdishu. Waxay kaloo sheegeen inay marna u ogolaan doonin ururkaasi inuu dalaal uu ku shaqeeyo ka helo geeska afrika oo muhiimad weyn u leh dawlada maraykanka. Mudugonline.com -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afhayeenka Madaxweynaha “Hawlgalka waxaa lagu soo celinayaa amniga" Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) oo u warramay Idaacadda SBC ayaa sheegay in aysan war iyo wacaal toona u haynin diyaarada la sheegay inay ku soo dhacday magaalada Muqdisho. Afhayeenku wuxuu sheegay in xaalada Muqdisho ay degan tahay hase yeeshee ay jiraan dagaalo ka socda xaafadaha qaarkood oo dhexmaraya ciidamad dowladda iyo kooxo ka soo horjeeda. Balse afhayeenku wuxuu sheegay in mar haddii uu dagaal dhaco goobaha dagaalka ay ka dhici karaan la dilo askar iyo shacab, in la gubo Taakiniyo iyo diyaarado taasina ma ahan buu yiri wax ugub ah. Afhayeenku wuxuu sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo loo geystay ciidamada dowladda ee hawlgalka wada. Dad goob joogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen diyaarad helicopter ah oo qiiq uu ka baxayo taasoo u jiheysatay dhinaca gegida dayuuradaha ee magaalada Muqdisho. C/qaadir Nuunow SBC Boosaaso -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
radiobanadir -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ciidamo fara badan oo caawa la soo dhigay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho. 30. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ay ka sameynayaan isgoysyada magaalada Muqdisho iyadoo gaadiidka tinikada la dhigay goobo hor leh. Isgoyska Xararyaale oo maanta dagaal xoogan uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha ciidamada la soo dhigay sidoo kale Isgoyska Siinaay ayaa lagu arkayey ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaasi oo kontoroolaya dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa caawa meelaha lagu soo daadiyay ciidamada ka mid ah isgoyska Sanca oo gaadiidka tiknikada iyo ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen. Tallaabadan ayaa ah mid lagu xoojinayo amaanka isla markaana looga hortagayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda in ay colaad ka abuuraan deegaanada nabdoon ee Waqooyiga magaalada Muqdisho. Dhanka kale wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamo fara badan ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb qaataan howlgalada lagu nabadeynayo caasimada Muqdisho. Caawa magaalada Muqdisho waa ay degan tahay mana jiraan dagaal xiligan socda walow laga cabsi qabo in beri uu dib u bilowdo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Update on the sweep...heavy losses on the anti-peace clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Dagaallo ka socda meelo kooban oo Muqdisho ka mid ah. 30. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka aannu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal midkii shalay aad uga yar uu ka soconayo agagaarka Isbartiimada wayn ee Muqdisho , halkaasi oo haraagii maxkamadaha iyo ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya ay dagaallo ku dhex marayaan. Saxafi kusugan goobaha dagaalku ka dhacayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu ku kooban yahay aagga Stadium Muqdisho ,wuxuu sidoo kale noo sheegay wariyahan in la maqlayo dhawaqa madaafiicda. Deegaanka Xararyaale ayaa sidoo kale maanta laga maqlay dhawaqa rasaas iska soo horjeedda oo loo malaynayo inay dhex martay haraagii maxkamadaha iyo ciidamada dawladda. Xaafado maalintii shalay dagaallo kharaar ay ka dheceen ayaa maanta deggen ,waxaana xaafadahaasi kamid ah laga bilaabo wasaaraddii gaashaan dhigga illaa iyo towfiiq iyo sidoo kale Huriwaa iyo isogyska Cali Kamiin. Waxaa jirta madaafiic habow ah oo la sheegayo inay ku dheceen xaafado ay daggan yihiin dad rayid ah , hase ahaatee lama sheegin khasaaraha ay gaysteen. Cusbitaallada magaalada Muqdisho waxaa iminka la jiifiyay dhaawac aad u badan oo ah shacab dhibaato kasoo gaartay dagaalkii shalay. CCC Farayaamo AllPuntland -
MUQDISHO: Dagaallo mar kale maanta ka qarxay Muqdisho iyo diyaadaha dagaalka oo ku jira dagaalka Posted to the Web Mar 30, 11:12 Muqdisho (PP) – Dagaallo qaraar ayaa maanta mar kale ka billowday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agaggaarka Stadium Muqdisho, halkaasoo ay ku dagaalamayaan ciidammo kuwa Dowlada ah oo ay gacan siinayaan ciidammo Ethiopian ah, waxaana dagaalka saakay uu ka xoog badan yahay dagaalladii shalay dhacay. Dagaalka oo haatan xooggiisa uu ka socda agagaarka Stadium Muqdisho iyo dhammaan waddooyinka soo gala oo la sheegay inay goosteen kooxo ka soo horjeeda Dowaldda, waxaana dagaalka saakay uu ahaa mid ka xoog badan kii hore, iyadoo ciidammada Ethiopian-ka la sheegay inay furteen dhowr jid oo ka go’naa. Agagaarka Isbartiibada ayaa waxaa si xowli ah ugu dhacaya madaafiic laga rido qoryaha PM-ka loo yaqaan, waxaana madaafiicdaan oo ka soo dhacaya intooda badan agagaarka taliskii hore ee Asluubta Soomaaliyeed ay waxyeello ka geysteen agagaaraha Isbartiibada weyn ee Muqdsiho. Wararka ay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost ay ka helayso goobaha ay madaafiicda ku dhacayso ayaa waxay sheegayaan in dagaalka socda uu yahay mid xoog badan, isla markaana ay sababeen madafiicda dhimasho iyo dhaawac dad fara badan. Mid ka mid ah dhallinyarada deegaanka Towfiiq oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid ka xoog badan kii shalay, isagoo sheegay in dagaalka maanta khasaaraha uu daliyay ay aa u fara badan yihiin, waxaana uu sheegay in dadkii ku dhintay dagaalkaan ay yaallaan waddooyinka degmada Towfiiq. Wuxuu sheegay in aan dadkaas la qaadi Karin, waxaana uu carrabka ku dhuftay in dadkaas maydkooda aan la qaadin, lana qaadi karin maydadkaas sababaha dagaalka awgood. Dagaalkan maanta socda ayaa waxaa ka qayb-qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee dalka Itoobiya kuwaas oo fariisin ay u tahay Garoonka magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamada Nabad ilaalineed ee dalka Ugandha. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@gmail.com
-
^^^Juje the flip flop master, there was no cesefire as requested, the Ethiopian officers take orders from the TFG & the government has had enough with this gangs bull. One minute its religion the next sub-clan nonsence. Oh this gang was one of the most armed factions in the country, and as you know the government takes its time as it did last time when it comes to millitary action... Flip flopper now you belive there is an occupation, since one Col did not get a post & another dude lost out hummmmmmmmmm Interesting..
-
^^^Its another step in the right direction..
-
^^^No saxib, it is done in a clans name, some sort of elders justify it in clan name, some justify it even using the sacred faith. Of course I know the clan has not done this, thats absurd and the generalisation is wrong.. Thus the pressure is on that group who has claimed it on the name of my own kin..
-
audio
-
^^^Togane, Bashir Goth the Duke. It seems we are all from various different clans, even political positions, but this has united us. It was disgusting what they did to the dead corpses. Dot you thik NGOON?
-
President Yusuf misses Arab league trip..Geedi goes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib I do not care what Melez likes, those who pretend that Somalia is under occupation are the same fools who belived IndaCade was a shiekh. The UN, AU, IGAD and other international bodies support the stabalisation plan out forward by the TFG. Ethiopia is a close ally, and has got involved for reasons that are clear, Eritrea, the OLF,and other enemies and rebel groups would have another access to attack it from. Its simple geopolitical fact that today all the anti-TFG groups are housed in ASMARA, why because they were a tool against Ethiopia. Another fact, Ethiopia recognises the soverignty & legitimacy of the Somali governmnet. The UN security council recognises the TFG, so does every other body and country in the world. Thus your ramblings, are an indication of your undertsanding of these complex issues and no more..