General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. HARGEYSA: Xarunta Dambi-baairsta Somaliland oo xalay kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen Posted to the Web Apr 06, 14:23 Hargeysa (PP) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Dowldda isku magacowday Somaliland ayaa waxay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen xarunta Dambi-baarista ee Somaliland. Bamkaan oo ku dhacay xarunta dhexdeeda ayaa wararka ka imaanaya Hargeysa waxay sheegayaan inaanay cidna waxba ku noqon, isla makrana ay baxsadeen kooxihii ka dambeeya inay bamkaas ku dhuftaan xarunta dambi baarista ee CID-da Somaliland. Maxamed Saqade Dubbad oo ah taliyaha Ciidammada Booliiska ee Hargeysa ayaa saxaafadda qaarkeed u sheegay inaysan cidna waxba u geysan bamkaas, waxanaa uu carrabka ku dhuftay inay kooxihii bamkaas ku tuuray xarunta dhexdeeda ay baxsadeen, ayna booliiska ku raad-joogaan. Dhacdadaan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad ee muddo gaaban dhexdeeda ka dhacda Magalaad Hargeysa ee xarunta Dowlad Gobolkeedka Somaliland, waxaan wararku ay sheegayaan in dhawaan weerar noocan oo kale ah lagu qaaday guriga Wasiirka Warfaafinta, iyado ay wax ka qoreen Wargeysyada ka soo baxa Somaliland Weerarkaas kale ee lagu qaatay Guriga Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay baxsadeen kooxihii geystay falkaas, waxayna wararka qarkood ay sheegayaan in kooxihii geystay falkaas ay baxsadeen. Weerarada caynkaan oo kale ah ayaa waxaa la sheegay inay kusoo badanayaan gudaha Dowladda isku Magacowday Somaliland, iyadoo aysan jirin wax ay ka qabatay dowladda halkaas ka jirta ee isku magacowday Somaliland. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@gmail.com
  2. Ma jiraan dib u dhac ku yimid shirka" 5 Apr 5, 2007 - 4:33:13 PM Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa sheegay in wax is badal ah uusan ku imaan qorshaha shirka dib u heshiisinta Qaran isla markaana uu qabsoomayo shirka xiligii loogu talagalay. "Ma jiraan wax iska badalay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee la iclaamiyay inuu qabsoomo 16-ka bishan" ayuu yiri Wasiirka dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye". Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda KMG aysan ku dhawaaqin dib u dhac ku yimid qorshaha shirka balse waxaa uu beeniyay in Wasiirka arrimaha dibada uu hadalkan ka sheegay shirka kooxda xiriirka caalamiga isagoo sheegay in kooxda xiriirka Caalamiga ay Buubaa wax ka weydiiyeen qabsoomida shirka wuxuuna Maareeye uu yiri "Wasiirka waxaa la weydiiyay in uu qabsoomayo shirka, wuxuuna ku jawaabay wax isbadal ah oo ku dhacaya shirka ma jiraan, waqtigii loogu talagalay ayuuna qabsoomayaa". Maareeye ayaa sheegay in wasaaradiisa ay u xil saaran tahay arrimaha shirka dib u heshiisiinta, ayna wasaaradiisa ku guda jirto isagoo sheegay in dhawaan ay bilaabo doonto wasaaradiisa daabulida ergadii shirka ka soo qeybgeli laheyd oo gaareysa 3000 ergo. Diblomasi Carbeed ayaa wargeyska Al-Sharqat Awsat u sheegay in Wasiirka arrimaha dibada DF Ismaaciil Buubaa uu ka dhex sheegay kulankii kooxda xiriirka caalamiga ee ka dhacay Qaahira in uu dib u dhac ku yimid shirka. Cali Muxayadiin Cali,GO
  3. Wasaaradda Dibu heshiisiinta qaranka oo sheegtay in ay heshay qeyb ka mdia lacagihii loogu tala galay socodsiinta kulanweynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in wasaardiisu ay heshay qeyb ahaan lacagihii loogu tala galay in lagu maareeyo shir weynaha dib u heshiisiinta qaran Wasiirak wasaaradda dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in wasaardiisu ay heshay qeyb ahaan lacagihii loogu tala galay in lagu maareeyo shir weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo uu wasiirku beeniyay warar shalahy uu qoray Al Sharqal awsat oo sheegay in Buubaa lagasoo xigtay isagoo leh shirkii ilaa iyo muddo bil ah aya dib loo dhigay. Wasiirka wasaaardda dib u heshiisiita iyo jaaliaydaha dalka Soomaaliya Dr.Maxamed cabdi Xayir Maareeye waxaa uu sheegay in lacagaha ay haatanwasaardiisu heyso ee kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran loogu tala galay ay yihiin lacagigii lagudayactiri lahaa goobta kulanka lagu qabanayo iyo sidoo kale kharashkii looadegsan lahaa soo daad gureynta masuuliyiinta kulanka ka qeyb qaadanaya. Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu wajo weynyahay in kulan weynahaasi hadii uu dhoco uu keeni doono xal waara oo loo helo khuilaafaadkii soo kala dhex galay beelaha SOomaalida wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowaldii dhexe ee Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991-kii. hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay iaydoo shalay war geyska AlSharqal Awsat oo soo xiganayay sida uu sheegay diplomaasi carbeed oo aan la magacaabin uu qoray in Buubaa uu sheegay in kulanweynaha dib u heshiisiinta qaran uu dib ugu dhacay bartamaha Bisha May ,laakin Maareeye ayaa sheegay in buubaa uu lahadlay warbixinta wargeysku qorayna ay tahay been abuur. Xafiiska war qabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.
  4. Dowlada maraykanka oo shaacisay in ay sii wadayso taageerada ay siiso Dowlada Federaalka Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin inay Somalia ay dib ugu noqoto qalalaasihii ka jiray 15-kii sano ee ugu dambeeyay. Washington waxa kale oo ay shaacisay in at kaashaneyso Lacagteeda iyo dalalka ay saaxiibka yihiin si aysan u dhicin in Somalia ay dib ugu sibxato hanaankii fowdada. Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika kuwaasi oo saldhigiisu yahay dalka Djibouti ayaa waxa uu yiri in Washington ay ka go'an tahay inay taageerto Howl galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika uu ku fulinayo dalka Somalia. General James Hart waxa uu sheegay in taageerada Mareykanka, aysan ahayn mid iminka bilaabatay, isaga oo intaa ku daray Mareykanka waxa uu tababar siiyay ciidamada Ethiopia ee awooda ka qaaday Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia. Mr. Hart waxa uu sheegay in Somalia ay tijaabo u tahay qorshaha gaashaandhiga Mareykanka ee Geeska Afrika, oo Washington ay ka hortageyso in waxa loogu yeeray argagixisada ay ka dhigtaan goob ay ku bad baadaan. Ciidamada Mareykanka waxa ay sidoo kale tababarayaan milatariga gobolka, sida uu sheegay Hart, taasi oo ujeedka ka dambeysa ay tahay in ay awood u yeeshaan la dagaalanka waxa loogu yeeray argagixisada. Dhinaca Kale waaxda Waaxda arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay sidoo kale shalay ku baaqday in beesha Caalamka ay taageerto howl galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika uu ka fulinayo dalka Somalia.
  5. ^^^Yes when we see only Nabadoon Baililiqo against the TFG.. The largest family of Banadir as well as the region of Hiiraan.. Now thats not a small group. Bambo here is more on that story. source/Somaliweyn source allpuntland
  6. ^^^What ever Zanawi is thats his business. The fact that the isolated rogue regime of Asmara is heading the Somali religious-clan movement is more than amusing. Che, pardon but why the heat over the words, you of all people do not mkind when snide commentgs are aimed at the TFG, WHY COMPLAIN when one highlights the fakery of the movement which you subscribed to?
  7. Jaylani, you are indeed confused, saxib in my opinion there is one Somali state even the clan area of Burco-Hargaysa-Berebera triangle is a Somali region. As for these men, they can get as many weapons as possible and come to fight, it will mean nothing as they had much bigger weapons and larger area and it meant nothing. Secessionists are all living in hope.
  8. Bambo, if the clan sof Mogadishu were against the TFG there would be no contest, the TFG would be out of the capital. The only group making noise are the Guriceel group who have lost everything, as for the areas you mentioned the gun men were using them as hide outs however the North of the city receieved less damaged than the souther clan court central areas. The TFG is relocationg to Mogadishu hence the support. 500 elders is no small number dear Bambo.
  9. Jaylani, Garowe is part of Somalia, he kicked them all out to Asmara, now thats far. Fake Shiekh are now joined by two of the most incompetent members of the TFG former speaker and former minister of interior.. Xuseen Aydeed will add allot to the movement, he will probably propose Somalia and Asmara become a new union and share one passport. Shiekh Sharif will no doubt add that the new federation will follow Shariah law and its Caliph will be Isiah Aferwarki a Christian from a famous judeo-chrisian family.. It gets better by the day.
  10. Muqdisho: Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay qabsooomida Shirka dib u heshiisiinta Qaran. 5. April 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arrimaha dibada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa) ayaa kooxda xiriirka caalamiga ee ku shiray magaalada Qaahira u sheegay in dib u dhac uu ku yimid shirka dib u heshiisiin ee lagu balansanaa inuu qabsoomo 16-ka bishan. Buubaa ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn xaaladaha ka jira Muqdisho darteed taasoo keentay dib u dhaca shirkan, waxaana arintan walaac ka muujiyay beesha caalamka oo rajo ka qabay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran oo loo arkayey inuu xal u yahay furaha nabad laga hirgeliyo Soomaaliya. Warar kale oo aan ka heleyno ilo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku wargeliyay xubnaha ugu sareeya dowladda in dib loo dhigay qabsoomida shirka ilaa iyo bisha May. Magaalada Muqdisho oo ah goob ay dagaalo iyo qul qulatooyin kale ay ka jiraan ayaa xiligan suurtagal aheyn in lagu qabto shir weyne qaran, walow dowladda KMG ay horay u balan qaatay in ka hor inta aan la gaarin qabsoomida shirka ay xasiliney amaanka caasimada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  11. Shirkii oo dib loo dhigey 5 Apr 5, 2007 - 7:28:21 AM Dowladda KMG ah ee somalia, ayaa ku dhowaaqday in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta qaran ee Somalia oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee 16-ka Bishan. Diblomaasi Carab ah ayaa Wargeyska Al-Sharqal Awsat u sheegay in go'aanka ay dowladda KMG ah ee Somalia dib ugu dhigtay shirkaasi uu ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda dowladda KMG ah Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa. Diblomasiga oo magaciisa qariyay ayaa yiri "Bubaa kullankii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia ayaa waxa uu ka sheegay in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed dib u dhigis ku sameeyay Shirkaasi." Dib u dhigista ayaa waxaa wasirka arrimaha dibbada ku macneeyay iyada oo amaanka magaalada Muqdisho si buuxda u sugneyn. Sida laga soo xigtay diblomaasigaasi Buubaa ayaa kooxdaasi u sheegay in marka hore ay tahay in la sugo amaanka caasimadda Somalia, si loo damaanad qaado amaanka ergada ka qeybqaadaneysa shirweynahaasi, isagoo intaasi ku daray in shirka la qaban doono bartamaha bisha May ee soo socota. ayada oo dhow Muqdisho ayaa waxa ka dhacey dagaalo afar maalmood ah kuwaas oo lagu tilmaamey kuwii ugu xoog badnaa ee caasimad soo mara 16 sano ee la soo dhaafey. Cabdi Fatax Axmad,GO
  12. The news gets better daily. Xuseen Aydeed who wanted to join Somalia and Ethiopia a few weeks back is in Asmara, to fight guess what? The clan courts are all in Asmara, so is Sharif Xasan, what for? A religious movement has turned into a clan movement at home and one headed by Eritreas Christia leader abroad..Fantastic
  13. Shiekh Afarwarki Shiekh Sharif Xasan Shiekh Xuseen Aydeed Shiekh Sharif
  14. 1 - In beesha ......... ay taageerayaan Howlgalka amaan sugida ah oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka wado Caasimada Muqdisho. 2 - In beeshu aysan ka warqabin kulan ay isugu yimaadeen beelweynta ****** oo ay ku gaareen Go,aano ka dhan ay Dowlada Federaalka Soomaaliya. 3 - In beesha ay taageerayaan Kulanka dib u heshiisiinta ee bartamaha Bishaai lagu wado in uu ka dhaco Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 4 - In ay beeshu si buuxda uga qeyb qaadanayso la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo Qodobo kale. Afhayeenka Beesha ****** muxudiin xasan afrax ayaa waxaa uu kulankaasi ka dib saxaafada uga warbixiyay ujeedada kulankoodii maanta iyo cida isugu Timid. Afhayeenka Beesha ****** Muxudiin Xasan afrax ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay sidoo kale ay aad uga xunyihiin wax yeeladii soo gaartay dadka rayidka ah oo isugu jira dhimasho dhaawac iyo barakac waxaa uuna sheegay in xalka uu ku jiro in labada dhinac ee dagaalamaya in wada hadal wax ku xaliyaan isla markaana ay joojiyaan gacan ka hadalka.
  15. Kullan ay Beesha........ ay Muqdisho ku yeelatay oo laga soo saaray Qodobo Xasaasi ah. Mogadishu , Khamiis April 5, 2007 Simba Radio Beesha .........., ayaa manta magaalada Muqdisho ku yeelatay kullan xasaasi ah oo si wey loogu taageeray Dowladda KMG ah ee Somalia . Kulankaani ay Maanta Hotelka lafweyn ku yeesheen waxgarad ka socday beesha ........ ayaa waxaa uu ahaa mid ay uga hadlayeen xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankaani ayaa waxaa ka soo qeyb galeen in ka badan 500 oo ergo waxana sidoo kale ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan C/llaahi Geedi shadoor,Xildhibaan Cali C/llahi Cosoble iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha ............. Isu Imaatinkaan oo ujeedadiisa lagu macneeyay sida ay beeshu u taageersan tahay Howlaha nabad sugida ah oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka wado Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo cambaareyn ay u jeediyeen kooxo ay ku tilmaameen in ay ka soo Horjeedaan amaanka Caasimada. Gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray Go,aano ka kooban ilaa iyo seeded Qodob oo ay ka mid ahaayeen. Si kastaba kulankaani ay maanta yeesheen beesha Mudulood ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo dhowr ah oo u muuqda kuwo si weyn isaga soo Horjeeda. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  16. 5 ka mida beelaha ugu badan gobalka Banaadir oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan la dagaallanka argagixisada ,taageerayna howlgallada ciidanka xooggu ay qaran diidka kula dagaalamayaan iyo barnaamika dibu heshiisiinta qaran. source
  17. The Clan Courts threats keep coming, maybe a clan Jihad on the UN security council is in order? Indhacadde oo hanjaabd u jeediyay Ciidamada la doonayo in lasoo galiyo Soomaliya. Muqdisho:-Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa siyaabo kala duwan uga warceliyay go'aanka kasoo baxay Golaha Amaanka ee la xiriira qaadista qeyb ahaan xayiraada hubka ee dalka Somaliya iyo in dalka ay soo galaan ciidamo Shisheeye. Masuuliyiinta Xagga Amaanka u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in xalad deg deg ah ay kusoo rogayaan goobaha ay ka taliyaan si markaasi looga hortago ciidamada la sheegayo in ay imaanayaan dalka Somaliya,oo ay sheegeen dagaal furan in ay la gali doonaan. Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde oo Maxkamadaha Islaamka dhinaca Amaanka u jooga ayaa ku tilmaamay go'aankaasi ahaa mid lagu wiiqayo dadaalada nabada ee dalka Soomaaliya ay ka wadeen Maxkamadaha isaalmka iyo amnigi dalka ay kusoo dabaaleen. Waxaana uu Indha Cadde wacad ku maray Soomaaliya in ay noqon doonto qubuuraha ciidamada shisheeye hadii ay kusoo xadgudbaan dhulka Soomaaliya,isagoo ka digay dhibaabto ku faafta geeska Africa hadii dagaalo laga huriyo gudaha dalka Somaliya. Indhacadde ayaa isugu horay ugu hanjabay in dalka Soomaaliya uu ugu yeeri doono dagaalyahano shisheeye oo ah waxaa loogu yeero argagixisada caalamiga ah, waxaana hadalkaas ka xumaaday madaxda maxaakiimta midoobay. Sidoo kale masuuliyiin katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa si weyn u canbaareysay qaraarka QM waxaana ay ku tilmaameen mid lagu doonayo mar kale in mugdi lagu galiyo mustaqbalka Shacbiga Somaliyeed oo mudo 16 sano ah waayay taageerada Beesha Caalamka, waa sida ay yiraahdeene. Dalalka Caalamka ayaa indhaha ku haya dhaq dhaqaaqyada ka soconaya Somaliya,ka gadaal markii Maxkamadaha Islaamka Somaliyeed ay ku dhawaaqeen in Somaliya ay ku marti qaadi doonaan dagaaliyahanada Muslimiinta Caalamka si ay uga qeyb galaan difaacista diinta islaamka. Xafiiska Waayaha.net ee Muqdisho
  18. . Sheikh Shariif"Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi waxayna la kulmi doonaan,waxaysan maskaxdoodu... Muqdisho:-Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Maxkamadaha ayaa maanta gaashaanka ku dhuftaygo'aankii xalay ay QM ka soo saareen Somaliya ee lagu sheegayey in Ciidamo nabad ilaalineed loo diro Somalia. Gudoomiyaha oo maanta u waramayey Aljazeera ayaa sheegay in Go'aankani uusan ka iman QM ee ay soo gudbiyeen labada dowladood ee Ethipia iyo Maraykanka oo uu ku sheegay inay waligood ahaayeen Cadowga Somalia iyo Islaamkaba guud ahaan. Sheikh Shariif isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri"Maraykanku wuxuu doonayaa inuu umadda Somaliyeed ka aarsado dhibaatadii loo gaystay sannadkii 1993gii xilligii uu ciidamada dalka Somalia keensaday,Itoobiyana isagay wakiil u tahay. Dhinaca kale Itoobiya ayuu Sheikh Shariif aad u weeraray wuxuuna sheegay inay markii horana hogaamiye kooxeedyadii wadanka joogay hadana waxay u ololaynysaa in dalka lasoo weeraro. Mar la waydiiyey waxay damacsan yihiin Maxkamaduhu go'aankaan ka dib ayuu sheegay inaysan marnaba Ciidan shisheeye aysan dalka Somalia u ogolaanayn,sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah ee inaysan Ciidamo usoo dirin Somalia,cidii diidana ay cawaaqib xuno iyo halaag ay la kulmi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye. "Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi iyo isticmaar hor leh,waxayna la kulmi doonaan waxaysan waligood ilaawin,Cidii doonaysa inay na caawiso waxaan ugu baaqaynaa inay wada hadalka iyo si nabadi ku jirto inay noo caawiyaan ayuu Sh.Shariif oo hadalkiisa caro xoogan laga dareemayey. Axmed Xayrdaac
  19. Waxaan diyaar u nahay inaan dagaal la galno Ciidammada Ethiopia ee ku suga gudaha Somalia, waana mid naga go'an, waayo wax walba waxay u baahan yihiin isku tashi iyo kalsooni" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intas ku daray: "Waxaan haysanna awood nagu filan oo aan isaga caabin karno Ethiopia iyo xulufadeeda".
  20. Alleged military support to the ICU In November 2006, a UN arms monitoring group released information that all groups in Somalia were given logistical support by a dozen countries.[30] Those countries rejected those allegations. These are the allegations documented by the UN monitoring group: Djibouti: According to that report, the government of Djibouti has provided military uniforms and medicines in support of the Islamic Courts Union (ICU). On July 30, 2006, a Djibouti Airlines aircraft landed at an airport in Mogadishu with medicines and military uniforms intended for ICU. The true nature of the cargo was disguised, and it was presented as being from the Red Crescent Society of Djibouti to conceal its origins. After the cargo was unloaded, the aircraft proceeded to Mogadishu's main airport. Egypt: The government has allegedly provided training in support of ICU. On July 26, 2006, a meeting took place in Mogadishu between officials from ICU and visiting Libyan, Egyptian and Eritrean senior military officers at the residence of ICU finance chief Abdulkadir Abukar Omar Adani. According to the report, the meeting resolved that military training be provided to about 3,800 fighters at the Hilweyne military barracks, near Bal'ad town, north of Mogadishu. Eritrea: The Eritrean government allegedly provided at least 28 separate consignments of arms, ammunition and military equipment. It also gave troops and training to the Islamic Courts Union. On April 26, 2006, a shipment of arms destined for ICU consisting of AK-47 assault rifles, PKM machine-guns, RPG-7s and ammunition arrived on a dhow at the seaport of El Ma'an. On May 6, 2006, an Eritrean Antonov military aircraft landed at Dhusamareeb in the Galgaduud region of Somalia. Awaiting the landing were about 75 people, five lorries and two Land Cruisers. The aircraft carried anti-aircraft guns which were loaded onto the lorries. On May 9, 2006, a dhow arrived at the El Ahmed seaport, and on board were fighters from Pakistan and the Oromo Liberation Front of Ethiopia. The fighters remained on the dhow. Five of the 75 people associated with the receipt of the anti-aircraft guns on May 6, 2006, boarded the dhow, along with some of anti-aircraft guns. ICU member Aden Hashi Farah "Eyrow", one of the leaders of the Hizbul Shabaab (youth movement), took possession of the arms and military uniforms. Hezbollah: The Hezbollah movement has been reported to provide military training to ICU and has made arrangements with other states on behalf of ICU for the latter to receive arms. In mid-July 2006, ICU apparently sent about 720 men to Lebanon to fight alongside Hezbollah against the Israeli military. The Somali force was personally selected by ICU's Hizbul Shabaab (youth movement) leader Aden Hashi Farah "Eyrow." One of the selection criteria was an individual's combat experience, which might include experience in Afghanistan. In exchange for the contribution of the Somali military force, Hezbollah arranged for additional support to be given to ICU by the governments of Iran and Syria. Iran: The UN monitoring group stated that Iran has provided at least three consignments of arms and ammunition and medical supplies and the services of three medical doctors to ICU. On July 25, 2006, an aircraft containing a shipment of arms arrived at the Baledogle airport and was met by ICU head of the security affairs, Sheikh Yusuf Mohamed Siyaad "Indohaadde," and the chairman of the Dayniile Islamic Court, Sheikh Hussein Janaqow. The UN monitoring team says that the arms shipment consisted of machine guns and M79 grenade launchers. On August 17, 2006, a large dhow containing foods and arms destined for ICU arrived in El-Adde seaport, Mogadishu. The arms consisted of 80 man-portable, shoulder-fired, surface-to-air missiles and rocket launchers. Libya: Furthermore, the UN monitoring report states that the Libyan government has sent military aircraft to Somalia and has provided training, funds and at least a consignment of arms in support of ICU. On July 24, 2006, a delegation of military officers arrived at the Baledogle airport and on July 26, 2006, participated in a meeting in Mogadishu with ICU officials and visiting Egyptian and Eritrean senior military officers at the house of ICU finance chief Abdulkadir Abukar Omar Adani. On July 31, 2006, a vessel with arms and foods for ICU docked early in the morning at the seaport of El-Ma'an. Saudi Arabia: Furthermore, the document states that Saudi Arabia has given logistical support in the form of foodstuff and medicines intended for use by the ICU. On June 11, 2006, a C-130 aircraft left Jazan for the Baledogle airport. But the government said the flight had taken place for "medical" reasons. On August 14, 2006 , seven trucks containing logistical supplies, including foods and ammunition, left Mogadishu for an ICU location in the central regions of Somalia. Accompanying the convoy were 320 ICU fighters sent to reinforce fighters in the central regions. Syria: On July 27, 2006, 200 ICU fighters were transported by aircraft to Syria for training in guerrilla warfare.
  21. We will fight fiercely to the death any intervention force that arrives in Somalia," he said. source Waxaan ugu baaqayaa Muslimiinta caalamka in u diyaar garoobaan jihaad, waxaana u fasaxeynaa Muslimiinta caalamka iney yimadan gudaha dalka Somalia" ayuu yiri Madaxa Amaanka ee Golaha Maxkamadaha Islamiga Yusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo intaa raaciyay in ay la jihaadi doonaan ciidamo shisheeye oo dalka Somalia yimaada.
  22. Master Abdiqasin audio a few years back.. audio :eek: