
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Kismayu: TFG troops capture weapons meant for trouble makers.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
KISMAAYO: Gaari la sheegay inuu rasaas u soo waday Muqdisho oo lagu qabtay Duleedka Degmada Kismaayo Posted to the Web Apr 15, 13:42 Kismaayo (PP) – Gaari nooca xamuulka ah oo wada sida la sheegay Rasaasta qoryaha Daba-jeexa amma BKM-ka loo yaqaan ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo; iyadoo la sheegay inay rasaastaas ku soo jeedday Muqdisho. Sarkaalka xukuma booliiska Gobolka Jubbada Hoose G/sare Xuseen Cali Cabdulle ayaa sheegay inay booliiska ka war heleen in gaarigaas uu ku jeedo Muqdisho lagana keenay duleedka Kismaayo, sidaas daraadeedna ay gacanta ku dhingeen. G/sare Xuseen ayaa sheegay in gaarigii iyo dadkii la socday oo dhan loo taxaabay saldhig ku yaalla Degmada Kismaayo, halkaasoo uu sheegay in su’aalo lagu weydiinayo dadka gaari waday iyo kuwii lahaao oo ku xiran saldhigga booliiska Kismaayo. “Booliisku waxay billaabeen tallaabooyin ay ku baarayaan socodka gawaarida ka baxaya Kismaaya, waxaan baaritaan ku sameynaynaa gaari kasta si loo ogaado waxa uu wado iyo halka uu ku socdo” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali Cabdulle oo ah Taliyaha ciidammada Booliiska Jubbada Hoose. Gaarigaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo rasaas wada oo lagu qabto Kismaayo, mana jirto cid sheegatay inay rasaastaas lahayd, iyadoo la sheegayo inuu ku soo jeeday Muqdisho oo ay dagaallo qaraar ka dhaceen dhawaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com -
Saanad militari oo loo wadey magaalada Muqdisho oo Kismaayo lagu qabtay Saanad militari oo loo adeegsado noocyada kala duwan ee hubka laguna qarinayey baabuur xamuul ah ayaa ciidamada booliiska ee magaalada Kismaayo ay gacanta ku dhigeen. Saanaddan militari ayaa laga buuxiyey fuustooyinka shidaalka waxana booliisku ay gacanta ku dhigeen laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay mas'uul ka ahaayeen iyo wadihii baabuurka xamuulka ah. Waa markii ugu horreysey ee qalab militari oo ku socda Muqdisho lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii ay dawladda federaalku la wareegtay gacan ku haynta gobollada dalka, iyadoo la aaminsan yahay in rasaastaas ku socotey Muqdisho loo adeegsan lahaa carqaladaynta ammaanka magaalada caasimadda ah. Leyla Shiikh Aadan SBC Kismaayo
-
For peace purposes....How about PL gets SOL and SL gets Sanaag
General Duke replied to Lake's topic in Politics
^^Ask the questin again without any insults and you might get an answer. -
For peace purposes....How about PL gets SOL and SL gets Sanaag
General Duke replied to Lake's topic in Politics
The people of SSC do not want to secede, they have chosen to be part of Somalia and Puntland is their local state within the union. You can keep your fake borders the British/Italian divide was done away with since 1960.. -
Bossaso under attack!! (SL troops cross border.....)
General Duke replied to Ex-Xisbiga's topic in Politics
A funny thread indeed, they fired their secessionist minister of defence and have ran past Ceerigabo and yet they still talk. Taako those comments made my early afternoon.. -
DHAHAR : Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland "Waa ay carareen Ciidankii S/land kamana aan harayno ilaa Ceerigaabo" Posted to the Web Apr 15, 15:53 Dhahar:-Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland Cali Jaamac Faarax (Cali-buureed) oo Puntlandpost uu maanta talleefonka kula xiriiray isagoo jooga magaalada Dhahar ayuu sheegay in Ciidankii S/land la jabiyay islamarkaasna ay sii marayaan meel 30Km u jirta magaalada Ceerigaabo. Calib-buureed , wuxuu kaloo sheegay in ciidanka S/land laga dilay ilaa 10 qof , dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ahna ay gubeen , maxaabiis gaaraysa ilaa 5 ay qabteen , kuwo kalan ay reer miyigu hayaan iyakoo firxad ah. Wasiirku wuxuu ii sheegay in aysan mar dambe aysan suurtagalayn in Ciidamada S/land ay ku soo xadgubaan Puntlad , iminkana aysan ka harayn ilaa iyo Ceergaabo. Magaalada dhahar ayaa iminka si buuxda waxaa u maamulaya maamulka Puntland waxaana halkaasi ku sugan iminka masuuliyiin badan oo ka tirsan Puntland oo u badan Wasiiro iyo taliyaal-ciidan. Waa markii ugu horaysay ay si buuxda dagaal wada jira uu maamulka puntland iyo dadka deegaanka Dhahar ay uga soo horjeestaan maamulka isku magacaabay Somaliland. dagaalkan ayaa ahaa mid si guud looga wada-qayb galay si xuna loogu jebiyey ciidamada Somaliland oo dagaalkii Shalay lagu jebiyey, kaddib markii hujuun labaad ay soo qaadeen ayna Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay 3 goobood ka soo wareerareem maleeshiyooyinka ka yimi dhanka Somaliland. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com
-
Madaxda Puntland iyo Ciidamada oo ku sugan Degmada Dhahar News/Articles Dhahar:-Waxaa hada Degmada Dhahar ku sugan madaxda maamulka Puntland waxaana ka mid ah wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, wasiirka kalluumaysiga, dekedaha iyo khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage iyo wasiiru dawlaha madaxtooyada Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) iyo labada sarkaal ee ugu sar-sarreeya ciidamada daraawiishta iyo booliiska Puntland. Mas'uuliyiinta Puntland ee ku sugan magaalada Dhahar iyo ciidamada daraawiishta ee ku sugan nawaaxiga iyo gudaha magaalada Dhahar ayaa soo afjareysa Dagaalkii Qawanaa ee ay soo qaadeen Beelaha *****. Ciidamada Daraawiishta ayaa waxay hada ku sugan yihiin guud ahaan gobolka Sanaag waxayna ilaa xalay soo qabteen kuwa ka tirsanaa Jabhadii SNM ta oo carar ahaa kuwaas oo qeybtood la qabtay iyaga oo lugayna oo aan garanayn meel ay u socdaan. Ilaa saaka waxaa meelo badan oo gobolka ka mid ah lagu qabqabtay kuwa ka tirsan Jabhadii SNM oo shalay lagu jebiyey Degmada Dhahar ka dib markii Ciidamada daraawiishta ay soo weerareen. Bahda allsanaag.com Dhahar.
-
Ciidamada Puntland oo la wareegay Degmada Dhahar iyo Khasaarihii dagaalka Last Updated::2007-04-15 13:42:46 Dhahar:- Degmada Dhahar ee gobalka Sanaag oo ay shalay dagaalo ku dhexmareen Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa saaka degen. Ciidamada Puntland ayaa saaka oo Axad ah gudaha u galay magaalada Dhahar isla markaana la wareegay nawaaxiga goobihii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee Bariga iyo Galbeedka magaalada Dhahar. Waxaa soo baxaya warbixino horleh oo la xariira khasaarihii Dagaalkii shalay ayadoo la sheegay in sadex qof oo shacab ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaastii ka dhacday duleedka magaalada. Magaalada Dhahar ayaa ahayd shalay goob dagaal ayadoo Bariga iyo Galbeedka Dhahar ay food isku dareen ciidamo kakala socda Puntland iyo Soomaaliland. Saaka oo Axad ayaa markale waxaa hawada dib ugu soo noqday Telefonkii degmada oo shalay la jaray xiligii ay dagaalada Socdeen. Wararka aanu kasoo xiganeyno dadka deegaanka ku dhaqan ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen in ka badan 12 meyd ah oo kamid ah askartii shalay ka dagaalamay degmada ee ka socday dhinaca Somaliland. Askartaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii ugu horeeyey ee shalay ka dhacay Dhahar kadib markii ay weerar kadis ah kusoo qaadeen ciidamada Puntland. Degmada Dhahar ayey isaga baxeen koox wasiiro ah oo ka socday Somaliland oo ayagu degmada tagay taasina ay keentay dagaalka hada dhacay. Dhinaca Puntland ayaa la xaqiijiyey in ay ka dhinteen labo askari ayadoo ay ku dhaawacmeen sadex kale. Ciidamada Puntland oo xalay seexday hareeraha degmada Dhahar ayaa saaka arooryadii soo galay gudaha Degmada ayadoo ay la socdaan qaar kamid ah Maamulkii degmada Dhahar oo uu ugu horeeyo guddoomiyihii degmada Saladad Xasan Shire. Xassan Ciise
-
Dhahar oo Degan iyo Puntland oo sheegtey in ay Maxaabiis Gacanta ku heyso Last Updated::2007-04-15 13:57:54 Dhahar:-Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay maalintii shalay Dagaal uu ku dhexmarey Ciidamada DG Puntland iyo Ciidamo ka socda MG Waqooyi Galbeed ee Somaliland ayaa Maanta Xaaladeedu ay Daganeyd. Ma’aysan jirin wax Dagaalo ah oo saaka ka dhacay sidoo kale Nawaaxiga Magaalada Hase yeeshee sida ay sheegayaan dadka Deegaanka waxaa jirta in Ciidamo ka socda Deeganada Waqooyi galbeed ay isaga Baxeen Deegaanadi ay horey u joogeen. DG Puntland aya shaaca waxaa ay ka qaadey maanta in ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis ay maalintii shaley Dagaalkii dhacay ay Gacanta ku dhigeen, waxaana ay sheegeen Maamul Goboleedka Puntland in Maxaabiistaan ay Caafimaad Qabaan wax dhibaato ahna aysan haysan. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax ayaa Saxaafada u sheegey in Ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan Guud ahaan awooda Degmada dhahar. Waxaana Maanta ku baxey Deegaanka Dhahar Saxafiyiin ka kala socotey Warbaahinta ka hawl Gahsa Puntland si ay indhahooda ugu soo arkaan waxaa ka dhacay maalintii shalay Goobta Dagaalka, iyo Maxaabiista ay sheegeen DG Puntland in ay Gacanta ku dhigeen. Xiriiro kala Gedisan oo aan la sameeyey Degmada Dhahar ayaan cadeyn in ay jiraan Dad rayid ah oo Dagaalkii shalay wax ku noqotey sida ay shaaciyeen Saxaafada, hase yeeshee waxa la qirey in ay Jiraan Nabarro xoogan oo ku dhacay Ciidamada MG Waqooyi Galbeed kuwaas oo weerar ku soo qaadey Degmada Dhahar, inkasta oo aysan jirin warar dhex dhexaad oo arintaas si dhex dhexaad ah oga warbxinaya. Si kasta oo ay ahaato lama garanayo Talaabada Xigta ee Maamul Goboleedka Puntland uu ka qaadayo Xiisadaha Ka taagan Deegaanka Gobolka Sanaag ka dib markii ay si buuxda awooda Degmada dhahar ay ula wareegeen. Mohamed Ali (Dalmar) Horseednt News Desk
-
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo xilka laga qaaday Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 15 April, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Gaashaandhigga, mudane Aadan Mire Waqaf. Warsaxaafadeed uu galabta ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu ku sababeeyey xil-ka-qaadista Wasiirka, isaga oo sheegay in mudane Waqaf uu bixiyey Awaamiir khaldan oo jaahwareer abuura muddadii weftiga uu ka midka yahay ay joogeen degmada Dhahar. Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Riyaale xidhiidhka dhinaca isgaadhsiinta u jaray Wasiirka, isla markaana Madaxweynuhu la wareegey hoggaaminta ciidanka, maadaama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Aadan Mire Waqaf waxa uu ka mid yahay Wefti dhawr iyo Toban Wasiir ah oo galabta soo gaadhey magaalada Ceerigaabo, kadib markii ay ka soo baxeen degmada Dhahar oo uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Warsaxaafadeedka xil-ka-qaadista oo faahfaahsan iyo warar kale oo ku saabsan go'aamo la filayo in xukuumaddu ka qaadato xaaladda Bariga Sanaag, kala soco halkan, Somaliland.org. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
-
PL oo sheegtey in ay dib u qabsatey Dhahar 14 Apr 14, 2007 - 11:25:21 AM Dagaal aad u kharaar oo u dhexeya Ciidamadda Darawiishta Puntland iyo Kuwa Maamulka la magacbaxay Jamuuriyada Somaliland ayaa galabta ka dhacay deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag. Dagaalkaas oo ahaa mid aad u xoog badan kana socday sadex aag oo isla deegaankaasi ah ayaa markii ugu horaysay waxaa ka hadlay wasiirka dowlahada Hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo sheegay in guulo ay ka soo hooyeen Ciidamadda DGPL dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Dhahar. Ilaa iyo hadda lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkii galabta balse wasiirka dowladaha hoose wuxuu sheegay in Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan shan gaari oo kuwa dagaalka ah. Dhanka kale, wararka aan ka helayno deegaanka Dhahar ayaa sheegaya in wasiiradii Somaliland ay ka baxeen magaalada iyagoo ku sii jeeda dhinaca Hawdka. Deegaanka Dhahar oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxa gacanta ku hayeen Ciidamo ka soo jeeda deegaanka Dhahar oo taabacsan maamulka la magacbaxay Jamuuriyada Somaliland. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Dhahar ay sheegaya in ay gacanta ku hayaan ciidamadda maamulka Puntland kadib Markii ay ka baxeen wasiiradii iyo ciidamadii ka soo jeeday dhanka Somaliland. Dhinaca kale wasiirka warfafinta Somaliland ayaa sheegey mar wareysi siinayay BBC-da in ciidamadii Puntland oo weerarka soo qaadey la jabiyay dibna loo celiyay. Ma jiraan warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac madaama khadka Isgaarsiinta magaalada Dhahar uu go'an yahay. Wixii faah faahin ah ee dagaalka ku saabsan kala soco garoweonline.com Inshaa allaah. Axmad Maxamad,GO
-
21 guns slute to Xalane.
-
PM Geedi back in Mogadishu after a successful trip up north.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bidix W/k/xigeenka Maaliyada, W. dib u dhiska, Abaanduulaha guud, Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, W. dekadaha iyo gaadiidka bada Midig taagan Xildhibaan -
PM Geedi back in Mogadishu after a successful trip up north.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
PM Geedi at Mogadishu airport PM GEEDI with the President -
PM Geedi back in Mogadishu after a successful trip up north.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More pics and more people for Xiin to look over. -
^^^Anyhow its a repetition of Riyaales visit to SOOL, run for it.
-
Boosaaso: Puntland oo guulo kasoo hoyisay dagaal galabta ka dhacay Dhahar. 14. april 2007 Boosaaso(AllPuntland)- Maamul goboleedka Puntland ayaa caawa ka hadlay dagaallo galabta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag , halkaasi oo ciidamo ka tirsan Somaliland ay kusoo duuleen fariisimada ciidanka daraawiishta Puntland. Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in dagaalka guulo ay Puntland kasoo hoyisay. Awaare oo caawa waraysi siinayay Radio Daljir ayaa sheegay in shan gaari oo kuwa dagaalka ah lagala wareegay maamulka la baxay Somaliland. Wasiirka dawladaha hoose wuxuu sheegay in ciidamada maamulka la baxay Somaliland duullaankii ay galabta soo qaadeen in dib looga qabsaday deegaannadii ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay joogeen. Cali Cabdi Awaare wuxuu xusay in Puntland ay muujisay dhabar adayg iyo is difaac, asagoo xusay inuu rajaynayo in Puntland mar walba guulaysato maadaama aysan ayadu weerar ahayn oo ay dhulkeeda joogto. Mar wax laga waydiiyay Cali Cabdi Awaare khasaaraha dagaalka wuxuu sheegay inuusan wax intaasi dhaafsiisan ka haynin labada dhinac. Awaare wuxuu sheegay inay saxaafadda si dhaqso ah ugu soo gudbin doonaan wararkii ugu danbeeyay ee Dhahar. Dagaalkan ayaa galabta bilowday ayadoo la sheegay in ciidamda maamulka la baxay oo maalmo ka hor haystay Dhahar ay isku dayeen inay maamulkooda sii fidiyaan. CCC Farayaamo AllPuntland
-
This just shows the lack of knowledge these people have of even how Mogadishu looks like.
-
PM Geedi back in Mogadishu after a successful trip up north.
General Duke posted a topic in Politics
Ra'iisul Wasaare Geedi iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey qaar ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka. Ra'iisul Wasaare Geedi ayaa mudo afar maalmood ah hawlo shaqo u joogay magaalada Boosaaso oo ay kusugnaayeen madaxda Maamul goboleedka Puntland oo kulamo iyo u kuurgalid xaaladaha Garoonka diyaaradaha iyo Dekada kusoo kala bixiyey halkaasi waxaana uu safarkii Prof. Geedi uu ku sheegay inuu kusoo dhamaaday mid guul ah. Prof. Geedi oo kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay ganacsatada iyo maamulka Puntland kala hadlay arrimaha Cashuuraha dowlada Federaalka iyadoo dhamaan la isla afgartay, sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha soo xiray Tababar ay qaadanayeen saraakiil sare oo loogu talo galay in ay casharo siiyaan maleeshiyo laga soo uruuriyey gobolada Dalka si ay u noqdaan Booliis suga nabad galyada taasoo maalgalinteedu ay leeyihiin hay'adaha Qaramada Midoobay ee UNDP. Soo laabashada Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa wasiirada ka dib ayaa kulan waxay wada yeesheen Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf taasoo ay warbixino kala qaadanayeen. Dib usoo laabashada Ra'iisul Wasaare Geedi ayaa kusoo beegantay xili dagaalo goos goos ah ay ka socdaan magaalada Muqdisho waloow ay maanta deganayd magaalada Muqdisho balse maalmihii tagay ay socdeen dagaalo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan Mohamed Siidi Carmooyin.com Muqdisho Somalia -
^^^No these types of issues are not a big deal, the state is not under attack its just a political game, which should be played without much emotive actions. We are used to such things, such claims. The trip is important and it highlights how this is not a serious issue.
-
The secessionist are getting desperate people, like their "government" claims..
-
^^^LOL. You are deluding yourself as before, you control nothing, our envoys are in Badhan right now, so whats this claim you guys are making. Dont get stressed later on like the last time the people chased away your President. Anyhow a fool lives on claims, so keep it going saxib.
-
Qudhac, you are coming back to life but even you must admit you are making a meal out of nothing. SSC will never come to you guys they are Somali's who belong to Somalia.