Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Somaliland: Security forces detain three men suspected of carrying out terrorism attacks Posted on 01/09/2011 in Latest Headlines Hargeisa (JSLTimes)-Somaliland Security forces apprehended three men who were suspected of carrying out terrorism attacks in Hargeisathe capital of Somaliland in the wake of Eid ul-Fitr occasion while another man managed to escape from the police. According to sources close to Somaliland security forces based in Hargeisa say that the men were busy with a plot of conducting terrorism attacks targeted at the grand Mosque where the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo was performing the Eid ul-Fitr prayer with thousands of Hargeisa residents. The men were apprehended by Somaliland security personnel right before the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo arrived at the grand Mosque which is located in Hargeisa downtown. “They were suspected of conducting terrorism attacks. They were four men. They were put behind bars. An investigation is under way.” One of Somaliland security forces said this and wished to remain anonymous. The three men who were arrested by security forces are in custody at CID detention center in Hargeisa. According to Somaliland security forces say that the three men are from Southern Somalia. There were numerous attacks foiled by Somaliland police and arrested those who were involved in conducting these attacks.
  2. Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur oo loo magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta soo saaray Digreeto uu jagada wasiirnimo ee wasaaradda arrimaha gudaha ugu magacaabay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur War-saxaafadeedka Madaxwweyne Siilaanyo ku magacaabay xilkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL . Madaxaweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay. Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
  3. Qasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo sii kordhaya Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ku sugnaa halkaasi. Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay 20-kalana way ku dhaawacmeen dagaal maanta Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxo hubaysan ku dhexmaray Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka jireen falal amaan dari ah. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin. Dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana iminka lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid dagan. Mudooyinkii dambe ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa kusoo badanayay falalka amaan dari oo ka dhanka ah Madaxda Maamulka Puntland iyo waxgaradka ku sugan halkaasi
  4. Ciidamada Ammaanka oo ku Qabqabtay Hargeysa Rag Looga Shakiyey inay Munaasibaddii Ciidda Qorshaynayeen Weerarro Argagixiso Last Modified: Thu 01st Sep,2011 Wararka Nin ragga la qabtay la socday oo la sheegay inuu ka baxsaday ciidanka iyo tuhunnada hawlgalka ay qorshaynayeen Hargeysa (Jam)- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo looga shakiyey inay qorshaynayeen weerarro argagixiso ay dalka fuliyaan munaasibaddii ciiddal-fidriga, halka mid afraadna uu ciidanka booliska kaga baxsaday gudaha caasimadda Hargeysa. Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ragga la qabtay ayaa la sheegay in la tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen sidii falal argagixiso uga fulin lahaayeen Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa oo uu maalintii ciidda Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo kula tukaday boqolaal qof. Ragga la hayo oo ciidammadu qabteen wax yar ka hor intii aan Madaxweyne Siilaanyo masaajidkaas gaadhin subaxnimadii ciidda, waxa sida la sheegay saddexda hadda la hayo laga qabqabtay duleedka woqooyi ee Masjid-jaamaca Hargeysa, gaar ahaan dhinaca qiblada oo ku beegan albaabka Madaxweynuhu masjidka ka gelayey. “Waxay ahaayeen dad laga shakiyay inay qorshaynayeen falal argagixiso, waana saddex nin, waxana gacanta ku haya ciidanka oo baadhaya.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha ciidammada ammaanka Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. Haseyeeshee, ilo-wareedyo kale ayaa tibaaxay in mid ka mid ah raggaasi uu baxsaday oo ciidanku baacsadeen markii uu goobtaas ka cararay, balse aanay ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, iyadoo saddexda la qabtayna hadda ku xidhan yihiin xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa. Sidoo wararka Jamhuuriya ka helay dhinaca saraakiisha ciidammada ammaanka, ayaa sheegaya in ragga la qabqabatay yihiin dhaqdhaqaaqooda si weyn loola socday oo beryahanba raadkooda lagu joogay, waxaanay wararka arrintaas la xidhiidhaa tibaaxeen inay nimanka la hayaa ka yimaaddeen dhinaca koonfureed dalka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, isla markaana ka wadaan dagaallada ka dhanka ah dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif iyo ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
  5. Somaliland: Minister of Information unveils when the new radio reaches the country Posted on 31/08/2011 in Latest Headlines | Comments (0) Borama (JSLTimes)-Minister of information and national guidance Mr. Ahmed Abdi Haabsade today unveils that huge radio will be brought to the country within the forthcoming October, and people throughout the country will listen wherever they are. The minister told this at a press conference held at RAYS hotel in Borama, the capital of Awdal province while the ministry is in the region. The minister assured that the radio will reach the country shortly, the government of Somaliland and the people were awaiting the radio to be brought to the country as soon as possible. The minister speaking at the press conference said that the radio will take part when it comes to the development of the country. He further added that his ministry has made the right progress and they will continue. The minister urged reporters from Awdal region that they should serve for the people in good manner, guide the people towards progress, and remain vigilant when it comes to those people who wish to harm the country and the people. The current radio owned by the government of Somaliland is not listened throughout the country due to short wave length. Previous administration led by the former president Riyale did many attempts to buy and bring a radio with large wave length to the country but all their attempts did not work. If the current administration led by incumbent president Siilaanyo achieves to bring the radio to the country, it will allow the government to reach large audiences in nationwide and this will also give the government to inform its policies and programs to the public.
  6. Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degmada Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaarihiisa oo sii kordhaya Khamiis, September 01, 2011 (HOL) - Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadii hore ee maanta ka bilowday mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo ,waxaana is-rasaasaynta halkaa ka dhacday ay u dhaxaysay dablay hubaysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland. Dad-goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda ,waxaana la weeraray goob lagu duubo canjaadaha diiniga ah oo ku taalla Garsoor ,iyada oo halkaasi ay ciidamadu ka baadi-goobayeen mid kamid ah shaqaalaha xaruntaasi. "Waxaan la kulannay xabad bilaabatay mana garanayno, sababaha arintan oo dhan ay u dhacayaan"ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Gaalkacyo oo aan khadka taleefanka kula xiriiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta la weeraray uu ku sugnaa nin ciidamada amniga ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa falalkii amni xumo ee degmadaasi ka dhacay bilihii ugu danbeeyay. "Dhimashada waxaa ay ahayd qaybtii hore ee dagaalka seddex ruux, balse dhaawaca tiro ahaan ma cadayn karo"ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada amniga Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Ciidamadada ayaa dagaalkaasi u adeegsaday hub aad u cul-culus ,waxaana iminka Gaalkacyo ka dhacaysa is-rasaasayn labada dhinac u dhaxaysa, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaar kamid ah la soo gaarsiiyay cisbitalka wayn ee degmadaasi. Dagaalkan maanta halkaa ka bilowoday ayaa imaanaya ,iyadaa waqooyiga Gaalkacyo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay shirar looga arinsanayo amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb-galayeen wasiiro ka tirsan dowladda.
  7. Waxan xasuusta beri aanu jigjiga joognay oo anu qasaayidki Sheikh abduraxmaan zeylici. Markasto markay dhaxani ama roob nugu da'o waxa la odhan jiraty war saligi inoogu dhufta.
  8. Dagaal xooggan oo ka qarxay Woqooyiga Gaalkacyo Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxo habaysan ayaa iminka waxaa uu ka soconayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. Wararka ka imaanay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubaysan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin. Isku dhacaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku dhinteen inka badan 2-ruux halka 8-ka badana oo mid ka mid ah uu yahay Sarkaal ka tirsan Puntland ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada dadkii wax ku dhaqday dagaalkaasi la gaarsiiyay Isbitaalka Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo wali uu ka socdo dagaal xooggan. Goobjoogayaasha waxa ay ku waramayaan in qasaaraha uu intaasi ka badan yahay hase ahaatee xilligaani waxa aan suurto gal ahayn in si dhab ah loo ogaado halka uu la’egyahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu gaystay dagaalkaasi. Wixii war ah oo kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo.
  9. Nimankan mad madow miyanay. Xiishooneyn. Ma iyago inta leeg ba la gagabinaya
  10. Wasiirka Cadaalada Oo Kormeer ku soo maray Xabsiga Laascaanood August 31st, 2011 Laascaanood (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Laascaanood ayaa socdaalkiisa ku tilmaamay mid uu ugu kuur gelayo xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga Laascaanood iyo sida uu u shaqeeyo garsoorka gobolku. Wasiirku markii maanta uu gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka oo uu ugu horeeyo badhasaabka gobolka Sool, maayarka degmada Laascaanood, saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool iyo taliyaha xabsiga magaalada Laascaanood iyo dadwayne kale. Xuseen Axmed Caydiid Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland waxaa uu kormeer ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood kaasi oo uu ugu kuurgelayay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee xaalada maxaabiista ku jirta xabsigaasi iyo dhismaha xabsiga. Ka dib markii uu Wasiirku kormeerkaasi ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu ka waramay waxyaabihii uu ku soo arkay xabsiga waxaanu yidhi “Runtii markii aan tegay xabsiga waxaa ii muuqday qolalka ay maxaabiistu ku xidhan yihiin in ay aad u yar-yar yihiin maxaabiistuna ku tiro badan yihiin, taasina ay keentay xabsigii iyo maxaabiistii ku xidhnaa oo kala badan, waxaa kale oo iyadna iiga muuqatay xabsiga gurigii lagu xidhayay qofka dil suga ah oo ay kula xidhan yihiin dad kale oo xukuman taasina ay kaliftay markii dadkii xukunaa ay qolalkii qaadi waayeen in uu xabsigii buux dhaafto. maxaabiistu meesha ay ku jiraan, dhismeyaasha, meesha uu ku yaalo iyo baahidii ayaa kala badan, dayrka wareega ah ee xabsiguna wuu gaaban yahay taasina waxaan u arkayaa in ay kolay dhib badan ku qabi doonaan marka ay maxaabiistu soo baxaan ee ay musqusha tegayaan oo kale, in uu aaminkii ku yaraanayo ciidanka ee ay ku aamini lahaayeen mar haddii uu gidaarkii sidaa u gaaban yahay.” Waxaa kale oo uu wasiirku kormeer ku soo maray xarumaha garsoorka halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta garsoorka ee heer gobol iyo heer degmo, iyada oo uu wasiirku kulankaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jiray dardaaran iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha garsoorka ee gobolka sool gaar ahaana maxkamadaha “Marka hore si aan ku talo gal ahayn ayaan halkan u imid oo aan miisankeedii garsoorka lahayn, runtii sharciga waa in sidiisa loo ilaaliyo, Maxkamadaha dad badan oo dhib sheeganaya ayaa jooga layaabna malaha oo maxkamadihii aynu arinkaa ka xalaalayn lahayn xalin ayay u baahan yihiin, garsoorihii kiiska baadhi lahaa yooyootankan iyo marxaladahan dadkii ay dhibaatada gaarka ahi haysatay .” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladu. Sidoo kale wasiirku waxaa uu kulamo gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobol waxaanu ka waraystay masuuliyiintaasi xaaladaha uu haatan gobolku ku sugan yahay, iyaga oo masuuliyiintaasina ka warbixiyay halka ay wakhti xaadirkan marayaan guur ahaanba xaaladaha gobolka Sool.
  11. Madaxweynaha JSL Oo Hambalyo u Diray Dhamaan Ummadaha Islaamka Gaar ahaan Shacabka Soomaliland Munaasibada Ciid-al-Fidriga Awgee Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu. Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka. Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado xanuunka. Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato waxaanu ugu baaqayna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr qaba ugu soo badalo. Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Soomaalya, ilaahayna waxaanu uga baryayna in uu ka dul qaado abaarta. Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr. Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
  12. Nuune waliga manad maqlin internet banking War wuxu badawsana ma reer miye baa Gudiga gurmadka Jamhuuriyada Somaliland uun baa Accountka ku shubaya Qolyaha dhaqalaha abaaraha Mamuulaha eh Somalia.
  13. Somaliland oo 600 oo kun oo Dollar u ururisay Dadka Ku tabaalaysan Abaaraha Soomaaliya August 28th, 2011 Hargaysa (Somaliland.Org):- Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ay xukuumada Somaliland u magacawday ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay u soo ururiyeen walaalahooda ku tabaalaysan koonfurta Soomaaliya lacag dhan $600, 000 dollar.sidaasi waxaa sheegay guddoomiyaha guddidaasi Axmed X.Cali Caddami oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa. Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Md Axmed X. Cali Caddami oo ah Gudoomiyaha guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay si mugleh uga qeyb qaateen u gar-gaarida dadkaasi tabaalaysan isaga oo si wayn ugu mahad naqay dadkii gacanta ka gaystay taakulaynta iyo gurmadka dadkaasi tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ee abaaraha iyo macaluushu saamaysay, oo ay xukuumada Somaliland xil wayn iska saatay bishan barkaysan ee Ramadaan fadligeeda in ay ka qayb qaadato una gar-gaarto dadkaasi baahan ee aynu jaarka nahay. Waxaa kale oo uu sheegay Md Caddami in ay haatan soo gaadheen lacag qadarkeedu gaadhayo $600,000 dollar in badan taasi oo ay ugu talo galeen in ay gaadhsiiyaan dadkaasi abaaruhu saameeyeen. Wasiirka Wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wejiga ugu horeeya ee qadarka lacagta soo gaadhay ay ka dhigi doonaan qaybta koowaad taakulaynta gurmadka abaaraha ee dalkaasi Soomaaliya, isla markaana la gaadhsiindoono maalmaha soo socda ee lagu jiro Ciidul Fidriga isaga oo xusay in ay gaadhsiin doonaan deeq intaasi ka badan dadka abaaraha iyo macaluushu saameeyeen ee Soomaaliya . Afhayeenka Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay u gargaaraan dadka abaaruhu saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya isaga oo sheegay in naxariista illaahay ku jirto marka adoomuhu isku naxariistaan, waxaanu si aad ah ugu mahad naqay guur ahaanba dadkii ka qayb galay gurmadkaasi abaaraha dadka tabaalaysan ee Soomaaliya gargaarka loogu ururinayo. Sheikh Maxamed Cali Gadhle iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadwaynaha reer Somaliland ay si balaadhan uga qayb qaateen gurmadka dadka abaaraha iyo macaluushu haleeshay ee Soomaaliya isla markaana ay u mahad naqayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.
  14. Peace Action;743201 wrote: This shows SL is a clan enclave, not even a protest from SL officials and even secessionst in SOL are not protesting. These officials are not true SL officials. . Still I do believe they will be released and the 10 year sentenace is just ridiculus. I am calling on PL authorities to release these officials immediately with a warning not to cross the borders again. Dawladda Somaliland oo Shir Xaasaasi ah Maanta ka Yeelanaysa Mowqifkeeda la Xidhiidha Go’aankii Puntland ku Xukuntay Masuuliyiinta Gobolka Sool Last Modified: Sun 28th Aug,2011 Aamusnaanta xukuumadda muddada dheer qaadatay iyo shacbiga oo ka dhursugaya tallaabada laga qaadi doono farogelinta Puntland Hargeysa (Jam)- Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay Axadda maanta shir xaasaasi ah ka yeelato mowqifka ay qaadan doonaan tallaabo Arbacadii toddobaadkan ee taariikhdu ahayd 24 August 2011 uu Maamul-goboleedka Puntland xukunno culus oo xadhig ah ugu riday masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sool ee Somaliland oo ku xidhan xabsi ku yaal magaalada Garoowe. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey shalay in dawladdiisu maanta shir ka yeelan doonto aragtidooda ku wajahan xukunnada kala duwan ee maamulka Puntland ku riday masuuliyiin iyo askar reer Somaliland ah oo 10kii bishan August 2011 laga qafaashay degaanka Taleex ee Gobolka Sool, kadibna loo dhaadhiciyey dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo ilaa hadda ku xidhan yihiin. Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo sababta xukuumaddu afka uga xidhatay qafaalashada madaxda iyo askarta reer Somaliland ee lagu haysto Garoowe, waxa uu sheegay inay arrintaas shir ka yeelan doonaan, “Berrito (maanta) ayaannu ka shiraynaa waxaannu ka yeelayno [masuuliyiinta reer Somaliland ee Puntland xukuntay],” ayuu si kooban u yidhi Md. Xaabsade. Hase ahaatee, Wasiirka Warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland ma uu caddayn, wax faahfaahin ah oo intaa dheerna kamuu bixin nooca shirkaas iyo sababaha ay muddada dheer xukuumaddu ugu aamusnayd arrintaas, balse sida ilo-wareedyo kale tibaaxeen shirkan la filayo inuu maanta qabsoomo ayaa noqonaya mid aad uga dib dhacay xilligii loo baahnaa, maadaama masuuliyiin iyo askar reer Somaliland sifo sharci-darro ah ugu xidhan yihiin xabsi ku yaal magaalada Garoowe. Maxkamadda Derajada 1-aad ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa Arbacadii xadhig toban sannadood ah ku xukuntay afar nin oo ka mid ah madaxda Gobolka Sool ee qafaalashada loo haysto, halka afar askari oo weftigaas la socdayna midkiiba lagu xukuumay shan sanno, arrintaasi u muuqata mid wejigabax ku ah xukuumadda Somaliland, iyada oo dadweynuhuna ilaa hadda ka dhursugayaan tallaabada dawladdu ka qaadi doonto farogalinta qaawan ee maamulka Puntland ku soo qaaday ciidda Somaliland, isla markaana ku qafaashay madax ka tirsan maamulka dawladda, halka masuuliyiin kale oo oo ka tirsan Gobolka Sool-naa lagu laayey hawlgalka lagu qafaashay masuuliyiinta hadda la xukumay.
  15. We should first discuss whether Somalia's government is a parliamentary system or presidential System its not clear whether the TFG has adopted the Parliamentary System or a presidential System. Currently Abdiweli operates as vice president with less executive power, it seems perhaps the TFG uses a semi presidential System. Because Sharif Appoints the the Army Chiefs and the Ambassadors of the Country.
  16. Famine Soon to Worsen in Somalia, Report Predicts By Charlene Porter U.S. Department of State Saturday, August 27, 2011 A new analysis of food security in the Horn of Africa reports that the level of acute malnutrition for people in some areas of Somalia exceeds 50 percent. Food insecurity will worsen to become famine in most areas of southern Somalia within four to six weeks, according to an August 24, 2011 report from the Famine Early Warning Systems Network (FEWS NET). With backing from the U.S. Agency for International Development (USAID), FEWS NET keeps watch on the status of food security in more than 30 nations. Using data from trained observers in the region and satellite and scientific data, FEWS NET predicted the onset of famine in the Horn of Africa as much as a year ago. It is considered among the most authoritative sources on current conditions and what's to come. Drought is widely known to be the cause of the poor harvest and the resulting hunger in the region, but the latest FEWS NET report details just how sparse the season has been this year. The rainy period from April to June, known as the Gu, usually creates conditions for agriculture productivity in the arid region, but not this year. "Gu 2011 cereal production in southern Somalia is estimated at 37,600 [metric tons]," the report says. "This is the lowest Gu cereal production in the last 17 years and represents only 26 percent of the 1995–2010 post-war average." The report says poor irrigation infrastructure and high irrigation competition also helped to diminish harvest yields, along with crop pests and diseases. While Somalia's crop yields were poor this year, the herders had a better year. The report notes average pasture and water conditions, allowing Somalis practicing a pastoral livelihood to follow normal livestock migrations where herds can adequately graze. A combination of low incomes and high cereal prices has also put food farther out of reach for average Somalis. "Food prices are exorbitantly high for the majority of households," the report says. FEWS NET monitors about 30 famine-prone countries around the world. It collects data from diverse sources to constantly evaluate levels of food security and issue warnings in the event of dangerous food shortages. The drought is considered the region's worst in about 60 years. Food shortages are being experienced in neighboring countries beyond Somalia, and malnutrition is thought to be the worst in 20 years, touching an estimated 12.5 million people across the Horn of Africa, including Ethiopia, Kenya and Djibouti. It's been estimated that close to $2.5 billion will be needed to address the region's humanitarian crisis, but so far donors have pledged only about $1 billion. Nations of the African Union (AU) came together August 25 in a pledging conference, where additional commitments for $350 million were made. It was the first time the AU had attempted to organize its members for this type of appeal. While the needs of the moment are great, many are trying to look beyond the current crisis for longer-term solutions to Africa's food security. "We must ensure that we address the root causes and not simply throw money at it and wait for another emergency in a few years," said Jerry Rawlings, special representative of the AU for Somalia. The United States has pledged to contribute about $580 million for humanitarian relief in the Horn of Africa, and as Rawlings suggests, has developed a program called Feed the Future, which aspires to create greater food security in the region with better agricultural skills, techniques and infrastructure development. Source: State Department