- 
				
Content Count
30,096 - 
				
Joined
 - 
				
Last visited
 - 
				
Days Won
79 
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
- 
	Xukuumadda Somaliland Oo Heshiis Nabadeed La Gaadhay Madax-dhaqameedka Buuhoodle, Ka Dib Markii Ay Shir Ku Yeesheen Khadka Telefoonka Ee Loo Yaqaano (Teleconference) Hargeysa (Ramaas) Feb 25,2012 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa khadka Telefoonka ee “Teleconference”ka loo yaqaano kula hadlay in ka badan labaatan xubnood oo ah Madax dhaqameedka iyo waxgaradka Reer Buuhoodle, iyagga oo kaga wada hadlay in Shir Nabadeed ay isla qaataan haddii taas la helano Ciidamadda Qaranka ee jiidaa degan laga soo qaadi doon si wadahadl intaas ka dheer lo furo. Telefoonkan labada dhinac dhex maray oo ay marka hore wada bilaabeen Wasiir Duur iyo Caaqil Maxamud Xaaji Cumar Camay waxa uu u dhacay sidan: Wasiir Duur:“Ninku marka uu nabad soo jeediyo waa inuu si mudakar ah u yidhaahdo, waxaanan leeyahay nimankaa reer Buuhoodle waa inaan wax dagaal ahi na dhex marin ciidankana xabad joojin ayaan farayaa, idinkuna inaad tidhaahdaan nabadaa waanu la qaadanay waxay noo fududaynaysaa inaanu talaabooyin kale qaadno, dee intaasaanu isla qaadanaye idinka wax mugdi ahi miyuu idinkaga jiraa” Caaqil Camay“inkasta oo aan Odayaash waydiinayo,hadana aniga maxamuud ahaan waxaan qabaa hadii aad nabadaa ku dhawaaqdaan oo ka dhabaysaan inaan ajiibno waxaan qabaa inaan wax dhib ahi ku jirin oo ay si wanaagsan tahay” Wasiir Duur“Haddii aad nabadaa qaadataan oo la wada hadlo talaabada xigta ee aanu qaadaynaa waxay tahay in Ciidankaa goobtii laga qaado” Camay“waayahaye wasiir meesha waxa fadhiya 20 nin oo toban cuqaal tahaye sug aan waydiiyee…. waar sidaa wax miyaad ka qabtaan?. sidaa waanu isla raacnay wasiir ee ka soco” Wasiir Duur “waxaan doonaynaa in xagan nabad lagaga dhawaaqo oo si mug leh loogaga dhawaaqo, idinkuna tidhaahdaan waar nabadaa waanu qaadanay oo waanu ajiibnay, dabadeed labadaa dhawaaq markay soo baxaan ciidamadii goobta laga qaado” Caaqil Camay “hadii aad sidaa ku dhawaaqdaan waanu ajiibaynaa oo sidaa waanu isla garanay” Wasiir Duur: Taasii waa tii aanu maalintii hore isla qaadanay ee ahayd inaan nabada halkii ka sii wadno oo madaxweynuhuna sheegay , dabadeed Itoobiya ayaanu qabanay” Caaqil Camay:“Mayee madaxweynuhu hadalkii la doonayay muu odhane mid kale iminka aan furno” Wasiir Duur: Mayee aniguu Kii Habar-yoonis ayaan leeyahaye qodobkaa waa isla garanay Xaaji Maxamuudow, ee qodobka labaad waxa weeye ma la wada hadli karayaa intaasi haday dhacday” Caaqil Camay:Waar heedhe wada hadalku mar walba waa furanyahaybaan qabaaye horta sow ma ogolid inaan wada hadalno oo waxna isku yeeli karno, waxna isku diidi karno” Wasiir Duur:wada hadalka waxa weeye qolo waliba waxay sidataa waxeeda oo anigu Nin dhaqan yaqaan ahbaan ahay oo Ceerigaabo shaqaaqadii ka dhacday ninkii ka soo shaqeeyaybaan ahay oo in la heshiiyaa shardi maaha, laakiin in la wada hadlaabaa kow ah oo faral ah”. Caaqil Camay:diyaarbaanu u nahay in la wada hadlo oo khasabna aanu jirin, taladuna ay tahay rag wada hadlaya oo waxna ku isku diidi kara waxna isku yeeli kara, walaalo ah oo aan kala maarmi Karin ayaanu balan qaadaynaa wada hadalkana nina nin kale waxaanu ogolayn kuma khasbi karo”. Wasiir Duur: Caaqil aan midh ku idhaahdo, halkan wax khasab la yidhaahdaa ma jiraan cidina isma khasbi karto fikirrada siyaasadeedna waa lagu kala duwan yahay, reerka dhulbahantena waxaan u aqaanaa reer isku kalsoon oo afarta halkan joogaa way naga wada fariidsanyihiin, anigu Baarlamankana waan soo maray maantana wasiiradaan ka mid ahay, markaa raga halkan jooga ee *********** waa rag aan baqan oo walaahi baarlamaanka markaanu ahayn inta idiinku jirta ayaa na hogaamin jirtay, talada Isaaqana maanta hadii *********** si qiimo leh ugu soo fadhiisto inay waxa ka khaldama u toosin lahaayeen ayaan qabaa anigu ama aan leeyahay” Caaqil Camay:“Waar cidina idinma toosin karaysoo tooraybaad sidataane nagadaa” Wasiir Duur:“Caaqil ma I maqlaysaa horta cuqaasha raga la yaqaan ee Caanka ahbaad tahay oo ***** waad toosin karaysaa, isaaqna kaaga turjumaani maayoo ood baad la leedahay oo in cid badani kaala soo xidhiidhaybaa laga yaabaa oo Nin reer oday u ahbaad tahay, dhinacyo badanbaanad iska soo gashaan oo waan garan karaa, markaa maanta Nin ***** ah oo Qabiilnimo ku jirtaa ma jiro ee dawlad yar oo Somaliland la yidhaahdo ayaanu jecelnahay”.
 - 
	
	
				Somaliland security forces arrest cawar xareed in gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Some guy who was accused of being behind the killings in seemaal in baki district of Awdal last year. - 
	
	
				Somaliland security forces arrest cawar xareed in gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidanka Booliska Gabiley oo ka hadlay Eedaysane Cawar Xareed oo ay gacanta ku dhigeen February 25th, 2012 Gabiley (Somaliland.Org)- Ciidanka Booliska ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa galabta hawl-gal ay fuliyeen waxay gacanta ku soo dhigeen Cawar Xareed oo ka mid ah sagaalkii eedaysane ee xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Tuuladda Seemaal ee u dhaxaysa Gabiley iyo Baki, sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo hawl-galkaasi hoggaaminayay. Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo ka hadlayay hawl-galkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu galabta abaaro salaadii casar gacanta ku dhignay eedaysane Cawar Xareed oo ku jiray Guri laba makhsin ah oo qabyo ah oo magaaladda gudaheedda ah, waxaana ILAAHAY mahaddii ay ciidanka Boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan iyadoo aanay wax khasaare ahi ka dhicin oo aanay qofna xabadi waxba yeelin.” Taliyuhu wuxuu sheegay in markii hore uu ciidanka Booliska ku soo riday rasaas, hase yeeshee aanay waxba cidi ku noqon. Taliyuhu wuxuu sheegay inaanay jirin cid kale oo la joogtay eedaysanahaasi gacanta lagu dhigay. Ismaaciil Rashiid Maxamuud, waxa uu sheegay inay eedaysanahan isla galabta ku wareejiyeen Taliska guud ee Booliska oo lagu xidhay magaaladda Hargeysa, waxaanu ammaan u soo jeediyay ciidanka Booliska Gabiley ee hawl-galkaasi fuliyay. Eedaysanahan waxa lagu xidhay xarunta Ciidanka CID-da ee magaaladda Hargeysa - 
	
	
				Puntland Is It The Next Qatar? By Dr Osman. Analysis and Hawk Eye Review
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
The Kings of Puntland don't mind secession from Somalia as long as they can wear arabic clothing fart around on the beach and drink tequila.But this is unacceptable division based along clan lines the Garowe enclave is part and parcel of Somalia and Somalis will not accept secession. Even if oil is found it belongs to all the people from raaskaambooni to raas caseer.So osman stop comparing you're self to Qatar. - 
	War deg deg ah: Ciidanka Booliska Gabiley oo Goor dhawayd Gacanta ku dhigay Cawar Xareed oo ku Eedaysnaa Dilalkii Foosha Xumaa ee ka Dhacay Deegaanka Seemaal. Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid...... Gabiley (GNS)-Hawl-gal Balaadhan oo ciidamada Booliska Gabiley ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Gabiley ayaa goor dhawayd lagu soo Qabtay Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed) oo ka mid ahaa Eedaysanayaashii Dilkii Seemaal ka dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay. Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid ayaa ku Qabtay Cawar Guri ku yaala Magaalada Gabiley oo uu ku dhuumanayay, ciidanka ayaa gaadh ka qabtay Gurigaasi iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaadhsiinin ayay gacanta ku soo dhigeen. Cawar Xareed ayaa isla markiiba loo gudbiyay Magaalada Hargeisa, Cawar Xareed ayaa ka mid ahaa sagaal nin oo dhawaan wasiirka wasaradda arimaha guduhu magacyadooda ka sheegay warbaahinta isla-markaana sheegay inay ku cadahay inay ka dambeeyeen dilka saddex qof oo dabayaaqadii sanadkii hore lagu dilay deegaanka Seemaal. Taliyaha ciidamadda Booliska ee Qaybta Gabilay ismaaciil rashiid oo warbaahinta u waramayay ayaa xaqiijiyay qabashadda Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed), waxaanu intaasi ku daray in ay hadda u soo gudbiyeen ciidamadda C.I.D ee magaaladda Hargeysa halkaaas oo hadda lagu hayo Waa Markii ugu horaysay ee Hawlgal noocan oo kale ah laga Fuliyo Gudaha Magaalada Gabiley kaasi oo lagu Baadi goobayo Eedaysanayaal Wasiirka Arimaha Guduhu Warbaahinta ka yeedhiyay Magacyadooda isla markaana lagu guulaystay Eedaysanahan oo uu Wasiir Duur sheegay inuu Ahaa Aabaha Eedaysanayaasha lagu tuhunsanyahay Dilkii Seemaal. Cawar Xareed Waxa kale oo uu ka mid ahaa Eedaysanayaal tan iyo xukuumadii Daahir Rayaale kaahin Baadi goobkiisa lagu jiray isla markaana lagu tuhunsanaa dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay Jidka Dilla iyo kala baydh iyo Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhamaadkii sanadkii tagay ka dhacay Seemaal.
 - 
	peasant;794730 wrote: Xaaji wax walba meel ayey ka bilowdan, afar tan nin waxa ay tuseen somali in ay wada fariisan karto wadankoda gudahiisa ayna ka wada hadli karaan sidii xal waara loogu heli lahaa bulsha weynta somaliyed. Xaaji taa keli ah baa amaan mudan kadib inta aan la gudo gelin waxa ay ku heshiiyen. Sidoo kale Xaaji gogoshu somali oo dhan bay u fidsanayd lakiin idinku ma idin iman hadii aad tihiin mamulka somalida waqooyi tasina ma aha mid cid kale lagu eedi karo. Peasant mayaa wa fiicantahay in dalka gudihisa lugu shiro balse ma lo dhama wa mayaa wax aan loo dhamayn in ragi ku dhawaqaan oo ay xeer ka dhigtan in dadka somalia lugu hogaamiyo wa qalad weye. Ama u yeedha hiiraan dadka matala ximan iyo xeeb dadka matala azaniya cida matasha jubaland cida matasha gobolada koonfurta somaliya iyo inta shabatu haysato cid matasha dee ama naga dayaa. Mide labaad shirkani shir somali oo dhan maha ,miya loo yeedhay reer nfd miya loo yeedhay reer somali galbeed miya lo yeedhay Somaliland na looma yeedhin. Shirka Garowe wuxu aha shir ku sahabsan Somalia.
 - 
	Bad move by sh atam faroole will now play the terrorist card.
 - 
	Well said mr xaabsasde
 - 
	Good read and he raised several good points. but I don't think somalis in. Somali galbeed would support the samestruggle even with a name change. The animostiy and miss trust is so high in the region.
 - 
	lool@somalina
 - 
	Perhaps nassir likes this map
 - 
	^^ i know the map is not complete the Caffars are not included and socotra
 - 
	
	
				What Were Somalilands Key Achievements from the London Conference.
Xaaji Xunjuf replied to The Hermet's topic in Politics
In which sadly, this foreign minister seemed to be given us, all the indication, that if it was up to him, he could come around and tell us, that, inter-regional conference of south east Asia is something we in Somaliland should take part in, indeed.. :D But i agree the law was good no need for a change on the other hand Somaliland is very political mature and we have come to that stage that Somaliland independence cannot be disputed in a conference things need to be clear though.Somaliland had a good status at the London conference but Somaliland made it clear we will discuss our future relations with Somalia when Somalia has a functioning government. - 
	
	
				London Conference - Was it worth Silanyo's Trip?
Xaaji Xunjuf replied to Ace of Spadez's topic in Politics
Yes it was worth it - 
	The Turks proposed to mediate between the current government of president Siilaanyo and the TFG government but siilaanyo declined. I prefer an African country though Somalilands case is unique in Africa the only problem is the country they declared independence from doesn't have a government or at least not a functioning government we shall see how it goes.
 
