Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. As for Awdal Borama this was today " frameborder="0" allowfullscreen>
  2. I am not talking about President rayaale i am saying there is no dictatorship in Somaliland one man one vote that's the motto in Somaliland.
  3. Tonight a party at Madaxtooyada all the Somaliland heavyweight politicians are present.
  4. ^^ Somaliland is build on dictatorship looooooooooooooool
  5. A_Khadar;831575 wrote: Ciidamadu wa wajiib iyaguna inay doorkooda ka ciyaaraan waleh meeshi daahirtay:D
  6. Great stuff maalin sidan u qaali ah wa muhim nadafada dalka qeybo dalka na si xawli ah ba loo nadiifinaya muwadinin iga dhe reer Buhoodle. " frameborder="0" allowfullscreen>
  7. Mashallah Muwaadinin dhab ah maalintan oo kale in dalka la nadiifyo wa haboontahay.
  8. President Axmed SIilaanyo's speech At beerta xoriyada " frameborder="0" allowfullscreen>
  9. Waauw Mashallah thanks for sharing Dabrow love the fertile land
  10. Goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May May 18th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan ayaa maanta laga xusay munaasibadda 18-ka May ee ka soo wareegtay sanad-guuradda 21-aad ee ka soo wareegtay dib ula so noqoshadda madax banaanidda Somaliland. Magaalooyinka sida weyn looga oogay dabaal-dega munaasibadda 18-ka may waxa ka mid ah Magaalooyinka Burco, Berbera, Boorame, Ceerigaabo, Laas-caanood, Bali-gubadle , Gabiley, Caynabo iyo Sheekh. Waxaana fagaareyaasha magaalooyinkaasi kala hadlay dadweynaha masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo madaxda goboladda iyo degmooyinka dalka. Xaflad balaadhan oo lagu qabtay fagaraha khayriyadda ee magaaladda Boorame, waxa ka soo qeyb galay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladdaasi, waxaana dadweynaha khudbado u jeediyay wefti Wasiiro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal. Wasiirka Beeraha Somalilnd Md. Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay dabaal-degaasi ayaa dadweynaha gobolka Awdal uga mahad celiyay sida weyn ee ay ugu soo baxeen munaasibadda 18-ka May oo uu xusay in qaranimadda Somaliland ay adkaatay oo ay 21 jirsatay isla markaana aanay ka daalaynin inay dedaalka ay ugu jirto baadi doonka aqoonsi ay ka hesho caalamka. Wasiirku waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay ilashadaan nabad-gelyadooda isla markaana xukuumadda Somalilnd kala shaqeeyaan horumarinta. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirrada Cadaaladda, Dib u dejinta, Boosaha iyo isgaadhsiinta kuwaasi oo ka waramay sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo xaqa ay u leedahay madax-banaanideedda. Wasiirraddu waxay bulshadda u soo jeediyeen inay indho-dheer u yeeshaan adkaynta nabadgelyadda isla markaana ay ciidammadda ammaanka kala shaqeeyaan wixii ammaanka iyo xasiloonida gobolka wiiqaya. Xaflad weyn oo loogu dabaal degayay munaasibadda 18-ka May ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyadda ee magaaladda Burco, waxaana dadweynaha kala qeyb galay Wasiirrada Xanaanadda xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo masuuliyiin kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxman Maxed C/laahi (Cirro) oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa si weyn ugu ammaanay bulshadda gobolka Togdheer oo ku bogaadiyay sida aan kala hadhka lahayn ee ay ugu soo baxeen munaasibaddan, waxaanu tilmaamay in gobolka Tog-dheer ay magac u tahay in madax-banaanida Somaliland lagaga dhawaaqay magaaladda Burco. Guddoomiyuhu wuxuu shacbiga Togdheer u soo jeediyay inay iska daayaan qabyaaladda oo uu xusay inay dib u dhac u horseedayso. Waxaanu ugu baaqay inay iskaashadaan oo u soo jeedsadaan horumarinta adeegyadda bulshadda. Wasiirradda waxbarashadda, xanaanadda xoolaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si weyn uga warbixiyay qiimaha maalintan iyo marxaladihii ay soo martay Somaliland. Waxaanay dadweynaha u soo jeediyeen inay nabad-gelyadda ilaaliyaan isla markaana xukuumadda ka gacan siiyaan horumarinta adeegyadda bulshadda. Masuuliyiintaasi waxa kale oo ay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay wax badan ka qabatay adeegyadda bulshadda ee dalka muddo laba sano ku dhow oo ay xilka qaranka haysay. Geesta, kale, siday ku soo waramayaan weriyeyaashayadda ku sugan goboladdu waxay sheegeen in dabaal-degyo waaweyn oo lagu xusayay 18-ka may lagu qatay magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Bali-gubadle, Caynabo, Gabiley, Salaxley iyo magaalooyin kaleba.