-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Cabdi Cawar being forced to leave boosaaso by Farooles admin .
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
So faroole thinks that Abdiweli gaas shouldn't be allowed to visit his constituency or maybe the imam thinks Bosaaso is not cabdi welis constituency. -
Dowladda Puntland oo ku amartay Dr. Gaas inuu isaga baxo Boosaaso.OCTOBER 31, 2012 17:19 29 Dr. Cabdweli Maxamed Cali (Gaas) oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso. Boosaaso (HM) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey safar ku marayey Deegaanada Puntland Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Safarka Dr. Gaas ayaa ka soo bilaabmay Gobolka Mudug halkaas oo uu socdaalo kala duwan ku soo kala fidiyey gaar ahaan Degmooyinka Gaalkacayo & Galdogob wuxuuna uga soo gudbay Gobolada Nugaal, Karkaar & Bari oo uu haatan ku sugan yahay waxaana la filayaa inuu booqdo Deegaano ka baxsan Wadada laamiga ah ee Gobolka Bari & Degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag. Ujeedada Safarka Dr. Gaas. Xildhibaan Cabdiweli wuxuu ku sheegay ujeedada socdaalkiisa sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada Deegaanada Puntland oo uu ka tirsan yahay mudanayaasha wakiilka uga ah Baarlamaanka Soomaaliya maadama uusan fursad fiican oo uu Dalka dhan ku soo maro u helin wakhtigii uu ahaa Raysal wasaaraha oo u sheegay inuu ku mashquulsanaa meel marinta khariiradii (Ro’ad map) oo Soomaaliya looga saaray Ku meel gaarka. Ma sheegin Xildhibaanku inuu u sharaxn yahay Madaxtinimada Puntland ama uu ka rajo qabo inuu ku soo biiro masraxa Siyaasada Puntland kamana hadlin xiisada siyaasadeed ee hada ka taagan Puntland taas oo la xiriirta mudo kordhin ay samaysatay Xukuumada Madaxweyne Dr. Faroole. Walaaca Xukuumada. Xukuumada Puntland ayaa iyadu si weyn uga walaacsanayd safarka Dr. Gaas iyadoo u arkaysay mid khatartiisa leh marka loo eego muranka siyaasadeed ee hada ka taagan mudo kordhinta ay Hay’adaha Dowladu samaysteen taas oo dib u dhigaysa Doorashooyinka Madaxtooyada oo la filayey inay qabsoomaan 8 Jan, 2013 waloow Dadweynaha intiisa badan & Siyaasiyiintu ku doodayaan in doorashooyinka wakhtigoodii la qabto. Amarka Xukuumada. Gudoomiyaha Gobolka Bari wuxuu ku amray Dr. Gaas inuu isaga baxo Boosaaso Maanta (Arbaca) gelinkii hore Xukuumada Puntland ayaa ku amartay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) inuu isaga baxo Magaalada Boosaaso isla markaana safarkiisii uu ku marayey Gobolada Puntland uu joojiyo gebi ahaan. Kulan saaka ka dhacay Xarunta Gobolka Bari (Xafiiska Gudoomiyaha) Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Galan ayaa ku wargeliyey Dr. Gaas inuu isaga baxo magaalada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire & Wasiir Ku xigeenka Maaliyada Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo labadu goob joog ka ahaa kulanka ayaa sheegay inaysan wax war ah kala socon Amarka lagu soo rogay Dr. Gaas hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa isagu ku adkaystay in amarkaasi ka yimi Madaxda sare ee Dowlada (Madaxtooyada) loona baahan yahay in loo hogaansamo. Jawaabta Xildhibaan Gaas. Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku gacan sayray inuu u hogaansamo amarka Xukuumada Puntland wuxuuna sheegay inuusan isaga bixi doonin Magaalada Boosaso isla markaana aanu joojin doonin Safarkiisa uu ku mari doono Deegaano ka tirsan Gobolada Bari & Sanaag. Xildhibaan Gaas ayaa ku dooday inuu yahay Muwaadin/ Masuul reer Puntland ah uuna xaq u leeyahay inuu si xor ah ugu dhex noolaado Deeganada Puntland ama ugu kala safro . Wuxuu sheegay inuusan jirin denbi uu Dalka ka galay uuna xaq u leeyahay inuu xogogaal u noqdo Xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin Bulshada reer Puntland oo uu ka mid yahay mudanayaasha u metela Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya isala markaana wax kasta oo dhaca uusan isaga bixi doonin Boosaaso sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo goob joob joog ka ahaa kulanka. Qado sharaf loo sameeyey Dr. Gaas. Gacansatada & Waxgaradka Gobolka Sanaag ayaa maanta u sameeyey Dr. Gaas Qado sharaf taas oo lagaga arinsanayey booqashada uu ku tegi doono maalmaha soo socda Gobolka Sanaag . Goob jooge ku sugnaa kulanka dhex maray Odayaasha reer Sanaag & Xildhibaan Gaas oo ka dhacay Hoteel Juba – Boosaaso wuxuu u sheegay goor dhoweyd Horseed Media in ay odayaashu ku dhiiri geliyeen xildhibaanku inuu booqdo Gobolka iyagoo canbaareeyey Go’aanka Xukuumada Madaxweyne Faroole ku gaartay in aanu xildhibaanku booqan Gobolka Sanaag uuna isaga baxo Degmada Boosaaso. Waxaa ka mid ahaa Isimadii maanta ka soo qayb galay qado sharafta loo sameeyey Xildhibaanka Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland. Amar dhicisoobay. Maxamuud Beeldaaje & Cabdicasiis Siciid Gacameey. Xukuumada Puntland ayaa horay u soo amartay in la soo xiro 12 xubnood oo ka tirsan Siyaasiyiinta, Gacansatada & Waxgardka Gobolka Bari kuwaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadi Gen. Cade & Xukuumada hada talada haysa ee Dr. Faroole waxaana ka mid ahaa xubnahaas Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Xukuumadi Cade Cabdicasiis Siciid Gacamey & Maxamuud Beeldaaje oo ka soo qabtay Xukuumada Madaxweyne Faroole Wasiiru Dowlaha Ganacsiga & Duqa Degmada Boosaso, Ganacsade Liibaan Maxamad Yuusuf (Liibaan Dheere) iyo rag kale oo caanka ah Puntland. Amarka lagu soo xirayo xubnahaa ayaa noqon waayey mid dhaqan gal ah.
-
Its not a registered vote like in 2010 so people present in Somaliland are able to vote if they go there for a holiday during the election season. How ever if they are from the diaspora they need to show their Somaliland ID card or Somaliland passport than they have a chance to vote. But you cant vote from America or the UK or Australia. Ucid Dalsan Umada Wadani Kulmiye Xaqsoor These are the parties only 3 will go through and become actual legitimate Somaliland parties.
-
Taageereyaasha KULMIYE ee Burco oo banaan baxyo waaweyn ka dhigay Magaaladda Burco October 31st, 2012 Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wafti uu hugaaminaayay oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo golaha baarlamaanka Somaliland ayaa maanta taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer kala qaybgalay ,banaanbaxa ololaha doorashadda golaha deegaanka oo gashay maalintii Sedexaad . Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco banaanbaxa doorashadda ka dhigay oo tiradoodu aad u badnayd ayaa markii danbe isugu tigay fagaaraha Khayriyadda Burco ,halkaasi oo ay kala hadleen musharixiinta golaha deegaanka Xisbiga Kulmiye uga sharaxan degmadda Burco ,waftigan Xukuumadda sare ka socday masuuliyiinta Kulmiye iyo maamulka gobolka Togdheer. Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo fagaarahaasi kala hadlay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyay mashaariicda wax qabad ee Xukuumadda Kulmiye ka fulisay gobolka Togdheer ,waxaanu kula dardaarmay Taageerayaasha in ay xil adag iska saaraan xoojinta nabadgelydada gobolka waxaanu yidhi isagoo arimaahaasi ka hadlaaya . ” Waxaan idin xusuusinayaa waxaad tihiin taageerayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye ,waxa laydiinka baahanyahay tudhaale gaar ah in aad la timaadaan oo aad idinku noqotaan qaar dulqaata oo nabada ilaaliya oo wanaaga dhawra iyo wada noolaashaha waayo masuuliyad gaar ah ayaa idin saaran dhamaana xisbiyada walaalo ayaynu nahay codkana waynu ku tartamaynaa ,waal-nimada shacabka iyo isku xidhnaantuna dhimanmayso codkeenana waynu la soo baxaynaa qaranimadeenana waynu ilaashanaynaa ” Sidaasi ayuu Md. Duur yidhi. Wasiirka ayaa sheegay mudadii ay xilka haysay Xukuumadda Kulmiye ee Axmed Siilaanyo hugaamiyo in ay dalka waxbadani iska badeleen isla markaana ay mashaariico ka fulisay gobolka Togdheer ,taasi oo uu xusay in ay lacagtii Giinbaaru u horeysay ,waxaanu ku adkeeyay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in ay awooda saaraan sidii ay musharixiinta xisbiga ee Degmadda Burco usoo saari-lahaayeen iyagoo aqoontooda ku dooranaaya . Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku wargaliyay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer in ay awooda saaraan sidii ay codkooda usiin lahaayeen 21-ka musharax ee golaha deegaanka Burco uga sharaxan kuwaasi oo uu xusay in ay khibrad aqooneed u leeyihiin hawsha ay u taaganyihiin ,waxaanu dadweynaha gobolka usoo jeediyay in ay dhinaca aminga kala shaqeeyaan ciidamada booliska . Sidoo kale waxa iyana ka mid ahaa masuuliyiintii Kulmiye ee halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ,Xil. Cali ********* ,Guddoomiyaha Kulmiye ee gobolka Togdheer iyo musharixiinta golaha deegaanka Burco u taagan ee xisbiga Kulmiye waxaaney dhamaantood ka xogwarameen awooda xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer ,waxyaabihii uu qabtay dhawrkii Sano ee uu xilka hayay iyo himilooyinkiisa danbe ,waxaaney u mahad-naqeen sida ay taageerayaasha Kulmiye sida ay cududooda u muujeyeen. Banaanbaxan taageerayaasha Kulmiye maanta ka dhigeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay ururadda siyaasadu Burco ka dhigaan Sedexdii cisho ee uu socday Kaambaynka doorashadda golaha deegaanka.
-
Danjire Cali Ameeriko oo Ka Horyimid Dadka Deegaanka inay Maamul ugu Sameyaan Gobolada Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe “Jubaland” Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Nairobi (RBC) Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay kulan looga arinsanayey doorka hawlgalka ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD ee ku wajahan dhanka rayidka kadib hawlgalada militari ee hadda ay ka wadaan Soomaaliya. Kulanka waxaa dhanka dawlada Soomaaliya uga soo qeybgalay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Kiinya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo hadal ka jeediyey kulanka, kana hadlay arimo fara badan xaalada dalka ah. Danjiraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD sidii ay ucaawiyeen dawlada gaar ahaan dhanka amaanka oo uu sheegay inay gacan fiican ka geysteen. Hase yeeshee wuxuu si adag u difaacay mowqifka Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ku wajahan arinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolkaasi inay tahay arin u taalla dawlada Soomaaliya. “Arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo waxay dawladu wadaa qaab maamul loogu sameynayo, waxaana u aragnaa shaqo u taalla dawladeena, IGAD kaliya waxay ku ekaan doontaa caawimaad oo kaliya” ayuu yiri Danjire Ameeriko. Danjiruhu wuxuu cara baababay in ay jireen kulamo dada deegaanada Jubbooyinka ay wadeen, isla markaana looga arinsanayey arimaha Jubbooyinka isagoo sheegay in arimuhu ay mar walba yihiin kuwo Soomaalida ku eg. Hadalka ee maanta jeediyey danjire Maxamed Cali Nuur ayaa soo baxay xilli shalay dawlada Soomaaliya ay cadeysay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ay wado oo meel dhexe ay marayaan.
-
Ameeriko: Dowladda ayaa leh maamul sameynta 31 Oktoobar, 2012, 17:26 GMT 20:26 SGA Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM. Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka. Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya. Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan. Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.
-
Oodweyne recovering after suicide attempt due to Fozia Mogadishu trip
Xaaji Xunjuf replied to Abtigiis's topic in Politics
Good point -
Oodweyne recovering after suicide attempt due to Fozia Mogadishu trip
Xaaji Xunjuf replied to Abtigiis's topic in Politics
Apophis;884671 wrote: A "real secessionist"? Like Mr Xaglatossiye? Nothing is real in Somali politics. Xaglatoosiye started as a federalist Puntlandist than found him self fighting as a rebel than eventually became a secessionist We dont know about this lady yet but i think if she becomes a minister she will be much like ina omaar travel around foreign capitals meet leaders, like buuba did under cabdilahi yusuf. I don't think she will much talk about union or independence. -
Oodweyne recovering after suicide attempt due to Fozia Mogadishu trip
Xaaji Xunjuf replied to Abtigiis's topic in Politics
I dont get it what is so important about this woman she founded the raad tv worked as an NGO is a hard working lady she was never part of any Somaliland government since 1991. She helped with the establishment of the Hargeysa university with other Somalilanders other than that she is only the daughter of a legendary Somalilander Yusuf xaaji adan. What is so wrong if she goes to Mogadishu or even becomes a minister of Somalia i don't see a problem. Imisaa rag xamar tagee like Buubaa who was one of the prominent SNM figures or General jamac maxamad qaalib fawziya waba ruux dumar eh. By the way hows ileey doing is he fired yet or is he still partying in the united arab emirates. All in all she is not appointed yet hold you´re horses but if she was we will just congratulate her. -
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Ala Maxay Somali xanuun qufucaysa. -
Osman is a funny dude doesn't he know Laascaanood loogu ma talo galin inay madaxweynayaal dalal kale ka hadlaan tallow goormu fahmi doona
-
Dee Abwaan gabadha daa ha shaqeysato the world doesn't end with Somaliland if she wants to try Somalia why not even if she wants to try Kenya maxa u diidayaa soo kursi siyasadeed uun maha just like ina omaar did Buuba did hussein Arab ciise did dadka daa niyo hawshooda haka qabsaan. Fawziyay edo noolow.
-
Should Mogadishu remain the national capital of Somalia?
Xaaji Xunjuf replied to Tillamook's topic in Politics
^^ Capital is very important its the seat of the government and parliament the symbolic union of the nation. I say Kismayo should be the capital of Somalia since every clan of Somalia claims Kismayo and its on the coast perfect capital city. -
Mogadishu: Xasan Xad Ahmed Diiriye gang angry with the new PM ?
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Elders in Somalia are getting more influential very interesting indeed this was not the case years ago. Somalilands cultural imperialism in the horn is working after all Suldaan duub cadka walaga danbeya haatan. -
She is not a bad woman she is very persistent and very bossy to i wish her all the best luck if she becomes the deputy prime minister and foreign minister. She is also good friends with the current President of Somalia they worked together in hargeysa and Nairobi all in all she is a very ambitious woman.
-
Reer SOl iyo dhamaan umada islaamka meel alaale meel ay joogaan gaar ahaan umada Somaliyeed Ciid wanaagsan inshallah sanadkan sanadkisa alleh caafimaad hanugu gaadhsiyo ehelkeena iyo dhasheena allah ha ino barakeyo ciid wanaagsan meel alaale meel aad joogtaan ba awrta na inu qala idinki ilaahay allahu akbar walilahil xamd. Xaaji Xunjuf.