Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa" Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay inay kasoo bixi karto howsha loo dhiibay. Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland, Cabdullaahi Jaamac Cismaan oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheeagy in Fowziyo aysan metelin Somaliland, sidoo kalena aysan imaan karin Somaliland maadama ay ka mid noqotay dowladda Soomaaliya, balse wuxuu xusay inay ka mid noqon karto xubnaha dowladda Soomaaliya u matalaya wadahadallada socda. "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkegyii oo waan ka dhexeeyaa, waxaan filayaa in Alle igu guuleeyo in wadahadalada billowday lagu guuleysto, waxaana u arkaan inaan wax weyn ka qaban karo isku keenidda labada daraf ee uu wadahadalku u billowday," ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo wareysi gaar ah siinaysay BBC-da. Sidoo kale, ma la weydiiyay rajada ay ka qabto inay howsha loo dhiibay kasoo bixi karto ayaa waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay inay howshan kasoo bixi karo maadama howsha loo dhiibay ay tahay mid ay wax badan ka garanayso. "Rajo wanaagsan ayaan ka qabaan inaan xilka kasoo bixi karo, waayo waa howshii aan dooran lahaa, waxaana is leeyahay haween laguma dayin, waayo haweenku waa ka dadaal badan yihiin ragga waana naftood hurayaal marka ay howl timaaddo, waxaana filayaa inaan kasoo bixi karo xilkan," ayay tiri Fowziyo. Hadalka Fowziyo Yuusuf ee ku aaddan dowladda Somaliland ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo mas'uul ka tirsan dowladda Soomaliya uu ku dhawaaqo, iyadoo ay tani ay ka dhigayso in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay Somaliland dowlad gooni ah. Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day labaatan sano ka hor, iyadoo aan weli helin wax aqoonsi caalami ah, waxaase ay weli ku adkeysanayaan madaxda maamulkaas inay ka madaxbannaan yihiin Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. What was funny was she said i am both somalia and somaliland labadaba waxbaan. Raba inan u qabto lol
  3. No this is different all the others used to say they support the union she was asked if she supports the unity of Somaliland and Somalia , she completely avoided the question and said that we will resume the talks between Somaliland and Somalia. If you ask buuba if he supports the union he would have said yes Somalia's unity is non negotiable. This woman was asked the same question and she went on and on about the talks between Somaliland and Somalia. So we shall see how it goes but so far fawziya is not really certain about the union.
  4. Wasiirka Cusub Ee Arimaha Dibada Somaliya Marwo Foosiya Maxay Ka Tidhi Xilka Loo Magacaabay, Goorta Uu Ka Dhashay Iyo Midnimada Somaliya..? Muqdisho (Ramaas) Nov.4, 2012 – Wasiirka cusub ee Wasaaradda arimaha dibada Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, ayaa markii maanta la Magacaabay ka hadashay xilka loo dhiibay. Marwo Foosiya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in Midnimadu aanay ahayn wax xoog iyo dagaal ku imanaysa, waxayna rajaysay inay sii socdaan wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya. Wasiirka oo la hadashay laanta afka Somaliga ee Idaacada VOA, ayaa iyadda oo ugu horeyn ka hadlay sida ay xilkan cusub u aragto tidhi “Xilkani waa xil weyn oo u baahan mutadawac-nimo iyo dedaal weyn si umadda Somaliyeed ee guddo iyo dibadba ku dayacan wax loogu qabto, oo Somalida Milgaheedii iyo karaamadeediiba la soo celiyo” Foosiya oo la waydiiyay wakhtiga ay go’aansatay inay Somaliya xilka ka qabto, ayaa ku jawaabtay “Waxaan isku dayey inaan ka mid noqdo Axsaabta siyaasada Somaliland si aan wax u qabto, laakiin taasi way suurto-gali wayday sababo badan awgeed, markaa aniga oo cilmigayga iyo Caqligaygaba doonaya inaan wax ku qabto oo aan wax hagaajiyo haddii la igu soo daray (Xukuumadda Somaliya), aniga waa isugu kay mid Somaliland, waana meel aan ka dhashay oo aan u dhaxay, waxaanan doonayaa labadaba inaan xidhiidhkii sii waddo si wanaagsana wax ula qabto”ayay tidhi waxayna intaa ku dartay iyadda oo ka jawaabaysa su’aal nuxurkeedu ahaa inay midnimada Somaliya aaminsan tahay “Waxaan rajaynayaa in wada-hadalkii socday uu sii socdo oo guul labada dhinacba ay ku faraxsan yihiin ay ka dhalato, Sidii Madaxwayne Xasan Sheekh sheegayna Midnimadu maaha wax ku imanaya khasab, dagaal iyo xoog”
  5. ^^ Who is bragging he is just posting the news.
  6. ^^ When Somaliland is mentioned Timur needs to inject his garowe clan enclave in order to feel relevant
  7. Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Foosiya xaaji Aaadan oo sheegtey in wadahadaladi Somalia iyo Somalia uu sidisii u sii soconaayo( Waraysi Comming soon? Wasiirka Arimaha dibada ahna raisal wasaare ku xigeenka Somalia foosiya xaaji adan qabile ayaa sheegtey in ay taalo hawl baxaad leh oo ay ka dabaalan karto sidoo kalena waxay sheegtey in wada hadaladi Somaliya iyo Somaliland uu sidisi u sii soconaayo Wasiirka ayaa ka jawaabtay fikirkani inay noqoto wasiir ka mid ah Somalia goorta uu ku dhashay iyo halka ay ka bilaabi dooonta hawsheeda http://togaherer.com/wasiirka-arimaha-dibada-somaliya-foosiya-xaaji-aadan-oo-sheegtay-in-wadahadaladii-somaliya-iyo-somaliland-uu-sidiisii-u-sii-soconaayowaraysi-comming-soon/
  8. This will not happen this movement is illegal in Garowe
  9. Afarta Wasiir ee ugu muhiimsan Qabiiladooda akhriso Posted by Pi on November 4th, 2012 Afarta Wasiir ee ugu muhiimsan oo kala ah wasaaradaha Gaashaandhiga, Arimaha Dibada ,maaliyada iyo Arimaha Gudaha ayaa loo kala qaybiyay sidaan hoose. Wasiirka arimaha diibada ahna Raysal wasaare ku xigeen fowsiya yusuf xaaji Aaden- Somaliland Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi- bay and bakool Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuled- Galmudug Wasiirka Maaliyada iyo qorsheynta Cawil Maxamuud Xasan Suleymaan, Puntland Wasiirka Gaashaandhiga ayaa horey usoo qabtey jagadaan hada loo magacaabey, Wuxuuna ka tirsanaa Xukuumadii Farmaajo. Wasiirka Maaliyada oo Reer Puntland ah wuxuu degan yahay UK, waayadaan dambe wuxuu ganacsi kulahaa Zambia, wuxuuna bartey dhaqaalaha. Siyaasadana horey uguma jirin. Wasiirada Arimaha Dibada oo ah qof aaminsan gooni isutaaga Soomaaliland waxay ka timid Mareykanka. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
  10. War Deg-deg: Golaha Wasiiradda Somaliya oo hada lagu dhawaaqay iyo Foosiya Xaaji Aadan oo laga Dhigay Wasiirka Khaarajiga Mogadisho (waaheen)Raysal Waaradaha Dawlada Federaalka ee Somalia mr Saacid ayaa ku Dhawaaqaey 10-Wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadiisa oo Muddo Dheer Laga Sugayey. Shir jaraa’id oo wasiirada lagu shaaciyey ayaa ka socota aqalka madaxtooyada ee Somaliya .10- wasiir ee la Magacaabay oo ay ugu Horeyso Gudoomiyihii ururka NDP Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabile ayaa kala ah Sida:- 1-Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada 2-C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta 3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga 4-C/xakiin Xuseen GuuleedWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka 5-Maxamuud Xasan Suleymaan CawilWasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta 6-C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaarada Kheyraadka 8-Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Howlaha guud iyo dib u dhiska 9- Maryan Qaasim Wasiirkii hormarinta adeega bulshada 10-Prof Axmed Maxamuud Wehliye Xiji Wasiirka Warshadaha wiixi warar ah ee ka soo kordha kala soco goor dhaw waaheen.com
  11. The tribe pays the highest price every single time how many times have u seen a political leader touring the west America Europe and the clan community rents entire 5 star hotels to welcome him as a lost son. And people sing and compose poems old Somali ladies and they collect and sponsor him,for what you are making a rich politician feel like a king while he returns little to the community. But Somali tribes will support their guy whether he is wrong or right they will support him because they have no trust in the system. Now we are hearing about jam jadiid a supposed group the president and his allies belong to, now they are being portrayed as the elites.
  12. Yes che you are correct the meaning of government and governance should be explained to the people its more than just President prime minister and a few Ministers its about the governing structure of how the state operates, and how the rule of law applies to all of its citizens and how the highest body of the nation preserves the authority over the country and protect its citizens. Its more about just a few cabinet sessions a government is for the people by the people. The reason che why people are so anti government sometimes is every one want to be a siyad bare no one wants to be a victim. Every one thinks use the governmental resources to screw other clans and protect his or her Clan/ Community status along the way. Thats why u see people blindly following political leaders there is no trust in the system why because Somalia functions not as a normal country and there are no governmental institutions.
  13. Che Somalis don't really do much the IC organizes and tells them to do stuff if it was up to them they would exclude entire communities and one group would've run the entire country. But that would be unhealthy to because you will get the famous saying (looma dhama)
  14. Oba do you mean faroole or the Puntlandpost editors
  15. Well Somalia needs these troops its crucial for the government to have strong AMISOM troops until they establish strong Military forces. So i can understand where the PM is coming from.
  16. A man who goes by the name of Libaan gabayre i think he is the son of the late general salaad gabayre
  17. Yeah man its a organization they hold gatherings about development and the future of the horn and Somalia in particularly nothing illegal though.
  18. oba hiloowlow;885657 wrote: the government is working under HAG we have to fight it. :eek: i kinda like HAG they support Somaliland Quest for statehood they once invited me to one of their gatherings