Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,097
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Salaadii Jimce Oo Culumada Magaalada Laascaanood Ay Kaga Hadleen Nabadgelyada iyo Qaraxyada (Maqal)- Lasanod Online Friday, January 15, 2010 Shiikh C/naasir X.Axmed. Laascaanood,(Lasanod Online)-Salaadii Jimce ee maanta ayaa culumadu si wayn ugaga hadleen xaalada amaan ee magaalada Laascaanood iyo qaraxyadii dhawaanihii ugu danbeeyay magaalada ka dhacayay- Masjidka ugu wayn magaalada Laascaanood ee Masjid Jaamaca ayaa waxaa khudbad salaadii jimce markii laga baxay uu jeediyay Shiikha Magaalada Laascaanood Fadiilatu Shiikh C/naasir Xaaji Axmed wuxuu wax badan ka waramay xaalada amaanka magaalada Laascaanood iyo qaraxyada magaalada ka dhacaya- Shiikhu wuxuu sheegay in qaraxyada dadka gaysanayaa ay yihiin kuwa ilaahay agtiisa ka fogaaday,isagoo umada islaamka ee masjidka ku tukanayay ka codsaday inuu ilaahay umada ka qabto dadkaas. Halkan Ka Dhegayso Khudbadii Shiikha. Wariye: Abdiqani I. Goox admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.
  2. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo lakulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Europe gaar ahaan ku taageera qadiyada Somaliland Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland(Sawiro) (GNS)Brussels:- Gudoomiyahah xisbiga mucaaridka ahee UCId Injineer Faysal Cali Waraabe oo ku guda jira booqashadii uu ku joogay caasimada Europta ee Brussels ayaa Shalay la kulmay xubno muhiim ah oo ka tirsan Baarlamaanka Europe oo iyagu taageera qadiyada Somaliland, isagoo halkaas kusiiyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee Somaliland haday noqon lahayd mid siyaasadeed iyo haday noqon lahayd mid dhaqaaleba. Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo waliba sida wadanka Somaliland ugu soo dabaaleen dimuqraadiyada xisbiyada badan ee sida wayn uga hana qaaday Jamhuuriyada Somaliand . Injineer Faysal Cali Waraabe wuxuu ka codsaday xildhibaanada inay taageera buuxda la garab istaagaan gooni isutaagga Somaliland oo ah buu yiri mid ay gar u leeyihiin,maadaama ay ahaayeen lixdankii Dawlad ka madax banaan koonfurta Soomaaliya. Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Europe ee uu la kulmay Injineer FaysalCali Waraabe ayaa iyaguna dhinacooda balanqaaday inay taageerayaan qadiyada Somaliland, meelkasta iyo goorwalba.Waxaanay soo jeediyeeen in lamideeyo xildhibaanada kala duwan ee dawladaha kala duwan matalaya ee taageersan qadiyada Somalialand si bay yiraahdeen codkoodu intan uga waynaado ,Sida xildhibaanda laga soo dorto dalka Uk oo qaar kamid ah ay taageersan yiihiin qadiyada Somaliland. Ugu danabayn gudoomiyuhu wuxuu aad ugu mahadnaqay soo dhawaynta xildhibaanada ay ku soodhaweeyeen xarunta Baarlamaanka iyo wajiga diiran ee ay ku qaabileen ,isagoo sheegay in fariinta ay soo gaadhsiyeena uu gadhsiindoono cidkasta oo taageerta qaddiyada Somaliland . Gudoomiyaha oo ay baaqashadiisa uu ku yimid xarunta baarlamaanka Europe uu la socday Safiirka Guud ee Somaliland u fadhiya xarunta EECda ee Brussels Mr Maxamuud Dacar . Saciid Cali Dahir (Sacadguray) Gabileynews desk Brussels
  3. i hope Djibsomali can sleep better tonight. Good job somaliland police.
  4. Originally posted by Beer-Gaal: quote:Originally posted by Hassan6734: quote: Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^kula yaabi mayo adiga reer maakhir baad tahay lol. The former Somalia existed for 31 years we failed miserably, invading Ethiopia trying to add Kilinka shanaad to Somalia. Which led to the downfall of the former Somalia. I believe the people of kilinka shanaad should also form their own country and be self determent the same with the people from the Nfd. If it’s in their interest. And try Establish 5 strong countries at the African union At the Arab League at the united nations. Why use the old dead ending policy towards somaliweyn. If we know its not going to be reality . Walalahi thats cool with me, 5 strong somali countries, side by side, working togther for the greater interest of all somali people 1st I have problem with your Map there (somaliland part), secondly i feel you are so narrow minded,you claim somalino when you sponsor (5 strong somali countries), why did British divided somalia in the first place , simple you don't get it! and then Somaliland helping somalia what a thoughtless stuff!!!there is nothing xaasidnimo but its all abt reasoning your thoughts .... There was not even a somalia when the british came and the italians and the french just somali nomads that was about it. there was nothing to divide or to unite
  5. what does this have to do with siyasad?
  6. ^kula yaabi mayo adiga reer maakhir baad tahay lol. The former Somalia existed for 31 years we failed miserably, invading Ethiopia trying to add Kilinka shanaad to Somalia. Which led to the downfall of the former Somalia. I believe the people of kilinka shanaad should also form their own country and be self determent the same with the people from the Nfd. If it’s in their interest. And try Establish 5 strong countries at the African union At the Arab League at the united nations. Why use the old dead ending policy towards somaliweyn. If we know its not going to be reality .
  7. Originally posted by Hassan6734: I view myself as a somali nationalist. Honestly i looks like somalia is going to take a while before it gets back on its feet. Out of somalimo and love to our somaliland brothers. Should we work hard towards somalilands recognition. An independent, peaceful strong somaliland is a postive step for all somali people. Inshalla somaliland could once after becomming a strong governemnt could also help out the rest of us somalis towards peace and goverannce. I think that probably somaliland becoming a UN member could be a postive thing for the rest of us somalis. Somalis would be more powerful having 3 seats at the united nations Somaliland Djibouti And Somalia. 3 seats in the African union 3 seats at the Arab league 3 seats on igad. Somalis in the horn would form a huge strong block. Somaliland and Somalia and Djibouti could work together things concerning the military the economy etc.
  8. Xiinfanin wadaadkass ina cabdulla xassan maxanu is eryanay oo anu is tirinay , laakin wa runta Waxanu maanta wadna inanu ka dhadhicino beesha calaamka inanu Somaliland dhiig badan uu so cabnay xata waagii darawishta , iyo wagaad fardaha aad kori jirteen. Gaalka mar mar ba lala tashada faidadisa iyo kaga aya la is barbar dhiga. halka madanu idinku gaaadhin wali lo.
  9. Originally posted by Mr. Somalia: ^^ War Xaaji, magacyada qabiilada lagu caayo dee meesha ka tirtir...see waaye yaakhay! loool gabaygay ku jirta dee lol. midna ankugu daro magacaasi qallad bay dadku ka fahman wa no nanays. maha magac aflagado run ahanati aniga runti marka magaca la igu yeedho iftiin ba ii muuqda
  10. Originally posted by Ducaysane_87: Hanjuf^^ i don't think that is a good thing. wax fiicnaan lahayd if haadi muslimka kula jiraan instead. Muslimku wa kuwee sxb? Dunidan gaalada loogu kala horeyaa Iyo xidhidka beesha calaamka
  11. Originally posted by xiinfaniin: ^^ Xaaji, yours remind me Master's verses ******** Kufriga wacad Allaw u yaale'e Waa niman walaala tan iyo waaga aakhiro'e what about this one ******ku inu wadda waddal yahay weye inu hanfada wada yahay uu hoos u forara weye inu naarta janahana wadda wadhanyihin weyee odagaysii gabayadiisa wu nugu dhameye lol.
  12. Originally posted by Mr. Somalia: Naag sadex lagu qabo oo royootay maxaa anaga noogu jira? Bal Ilaahay baan idinku dharshey'e, ninkaan reer dhan buu umaqanyahay... Horta niyo marka siyasada laga hadlayo maxaad naag iyo wax la qabo un uga sheekeysa?
  13. Waxaa Dagan maanta Magaalada lascaanood iyadoo xalay uu ka dhacay qarax bambo gacmeed ah oo lala beegsaday Saldhiga daami Posted to the web on Jan 13 S Maanta ayaa dagan Magaalada lascaod ha se ahaatee wali Badwow ayaa ka jirta Dadkuna Aanay isku gudbi Karin. Xaalada magaalada lasano aya iyadu iminka Dagan ka dib Qarax Bambo gacmeed ah markii xalay lala beegsaday Saldhiga Daami Ee magalada lascanod. iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 Askari oo labo ka mid ahi ay ahaayeen kuwo aad u liita guud ahaan saddexdan Askarina waxaa loo qaaday Magaaladda Burco Ee Xarunta gobolka togdheer. Gudidda Nabad-galyadda ee magaaladda Laascaanood waxa ay saaka ku yeesheen guriga Gobalka shir Albaabadu u xidhan yihiin. Qaraxan xalay dhawacay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo maalinimadii shalay ahaydna jeelka magaaladda Laascaanood laga sii daayey 10 ka mid ah dadkii loo haysta dilkii Taliyaha qabyta 12aad cismaan yuusuf nuur Afdhilo waa kuwan magacyadii dadkii la sii daayey. Waxaana wali magaaladda Saaran Bandow iyada oo cid Ka Baxaysa aysan jirin, Se la soo gali karo magaalada. holhol.net holholnews@hotmail.com
  14. jacaylbaro bugland was behind it ma maqashay
  15. Dagaal qadhaadh mise dagaal qaraar.
  16. lol me and jidbaale anigu wararka meel walba waan ka so ururiya not one place
  17. Qarax ka dhacay Laascaanood iyo Somaliland oo koonfurta ku eedaysay (Dhageyso) January 12, 2010Waxaa caawa Qarax xoogan ka dhacay bartamaha magaalada Laascaanood, ayadoo qaraxan lala beegsaday saldhig ciidan ayaa keenay khasaaro. Qaraxan ayaa caawa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, halkaasi oo Saldhiga Booliiska ee ku yaal bartamaha magaalada lala beegsaday qarax. Guddoomiyaha Maamulka Soomaaliland ee gobalka Sool, Faarax Askar Xassan oo Horseed Media caawa khadka telefonka ugu waramay qadar yar kadib qaraxaasi markuu dhacay, ayaa sheegay inuu hada baaritaan socdo. Mr.Askar ayaa sheegay inaysan jirin cid loo soo qabtay falkan, balse baaritaan xoogan ay wadaan, wuxuuna Guddoomiyaha Soomaaliland ee gobalka Sool, sheegay in ay jiraan 2 askari oo dhaawac kasoo gaaray. Dhegayso Wareysigii Faarax Askar Xussen: Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha qaraxan ka dhashay. Faarax Askar Xuseen ayaa sheegay in falkan ay filayaan in koonfurta laga soo abaabulay, asagoo sheegay inay ka danbeeyaan dad dano shisheeye u shaqeenaya. Horseed Media oo weydiisay inuu ku eedaynayo kooxaha Koonfurta Soomaaliya ka dagaalamo inay falkan ka danbeeyeen, ayuu sheegay inay sidaa ulla muuqato. Weerarka ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan abaabulka iyo qorsheynta shir balaaran oo beelaha ku dhaqan gobalkaasi cuqaashooda iyo issimadooda ay ku yeelan doonaan deegaanka Holhol ee gobalka Sool. Horey ayey magaalada uga dhaceen weeraro noocaan ah oo bambaano lala beegsaday askarta maamulka Soomaaliland, ee magaalada gacanta ku haya. Waxaan horey weerar bambaano lagu dilay Taliyihii ciidamada Soomaaliland. Dhinaca kale qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliland ay inta badan qab qabtaan dhalinyaro aan wax galabsan markii ay dhacaan weeraro noocaan oo kale ah Source horseed media
  18. haa waxa la yidhi koonfurians ba ka danbeye kuwi baydhabo iyo bakool ka yimi ba ka danbeyaa kuwasanu u xidh xidhayna qaraxyada. gabaygana yaa tiriye ?
  19. Hub cusub baanu yara testgereyneyne wax weyn maha beri magaaladu wa caadi
  20. Hubka Darandooriga U Dhaca Oo lagu Garaacayo Xaafado ka Tirsan Lascaanood (Lascanood) 12.1-10 Waxaa qarax weyni ka dhacay magaalada Laascaanood caawa. waxaan qaraxyada in yar ka dib bilaabatay Hub waa weyn oo lagu garaacayo xaafadaha. Sidoo kale waxaa magalaada ka jira jaha wareer ayadoo aan la garadeyn cida duqaynaysa Magaada xiligan oo ah wakhti habeen ah. ilaa hada wararku way iska so daba dhacayaan , mana jiro war sugan maadaba wariyahaga ku sugan magaaladu uusan awoodin in uu helo meel Acess ah maadab ay wada xidhan yihiin meheradihii interneryadu. Wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayana in sadexda qofi ay yihii Askar aysana jirin cdi dhimatay. Sida uu soo sheegayo weriyaha Widh-widh online ee gobolka Sool qaraxn ma jirto ilaa hada cid ku dhimatay waa warkii ugu danbeeyey hada oo saacada geeska afrika tahay 10:50pm. la soco warar kale