-
Content Count
30,097 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Xaflad weyn oo ka dhacday kenya Caasimada Nairobi - In memory of Muj.Lixle
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Mujaheed Maxammad xaashi diiriye Lixle ilahay ku naxariso, halyey qarran january the 3th 1983 the day we declared the war against The Regime of Siad bare. Berigi jeelki maandhera prison break anu xoog ku so furna oo aanu maxabisti u dhashay somaliland ka si deynay xoriyadoodi dib ugu so celinay , mujaaheed Lixle Will always be remembered as the hero of somaliland -
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafti ka Socda Dawladda Britain Written by Qaran news Oct 04, 2010 at 06:59 AM Hargysa,(Qarannews)-Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay'adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte, Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadu, warsaxaafadeedkani oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shabakada qarannews, waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan hoos ku xusan Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cuma.
-
Republic of SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte. Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL War-Saxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte. Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
-
Thanks to Siad Barre and his nationalist government
Xaaji Xunjuf replied to Gallad's topic in Politics
Why is he writing a letter to a dead man -
dee 1991 and the last remaining part of berbera aya la xoreyey after berbera aya borama ba la galay oo borama la xoreyey in 1991 3th of feb laakin koodbuur ma jirin before 1990 koodbuur waxa la asaasay 1990, and sahra halgan claims to helped koodbuur guuto in the mid 80s?????,,, Sayid xamsa 99 afaraad they all existed before 1989.
-
Somaliland former bank chairman Abdi Ducaale freed from housearrest
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xukuumadda oo Joojisay Baadhitaanadii Hanti-dhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore iyo waxyaabaha kalifay Hanti-dhawraha oo fasaxay Guddoomiyihii hore ee Baanka iyo wada-xaajood Beelaysan oo arrinta lagu xaliyay Hargeysa (Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa joojisay Baadhitaanaddii uu Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore ee Rayaale Joojinta Baadhitaanadii uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay dhalisay Xiisado Beelaysan oo gil-gilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Amaanka Guud ee dalka. taasoo keentay in Goboladda qaarkood laga abaabulo isu soo baxyo lagaga soo horjeedo baadhistaasi oo loo arkay in Masuuliyiin gaar ah lagaga Aargoosanayo Inkastoo aanay Xukuumaddu wax War ah ka soo saarin joojinta Hawlgaladii uu Hanti dhawruhu ku baadhayay Masuuliyiintii Xukuumaddii hore hadana waxa ay warar hoose oo aanu ka helnay ilo u dhuun daloola arrintani cadeeyeen in Hanti dhawraha Guud u qoray Guddoomiyaha Baanka qoraal uu kaga qaadayo xayiraadii uu hore u saaray ee uu buuqa ugu weyni ka dhashay. Waxa kale oo uu sheegay joojinta Baadhitaanadaasi inay Suurtogaliyeen Siyaasiyiin hawsha u galay qaab Beelaysan kuwaas oo heshiisiiyay Hanti-dharaha Guud iyo Guddoomiyaha Baanka si ay ugu qanciyaan reerihii kacay in arrintii laga noqday Siyaasiyiintaa ka qayb qaadatay daminta Xiisadaa ka dhalatay Baadhitaanada uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ugu cad-cadaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland kuwaas oo Hantidhawraha iyo Xukuumaddaba ugu hanjabay inaanay Ansixin doonin Hantidhawraha maadaama oo lafilayo in Golaha la horkeeno toddobaadkan si loo Ansixiyo Sidoo kale waxa ka qayb qaatay daminta Xiisadda ka dhalatay Baadhitaankaasi Madaxweynaha Somaliland oo diray Ergooyin kala duwan si looga hortago Mucaaraddada ay arrintani keentay oo Xawli dheeraynaya ku dhaqaaqday isla markaana ku gilgishay Degenaanshihii iyo Xasiloonidii Goboladda qaar gaar ahaana kuwa bari oo ay ka soo jeedaan Masuuliyiinta uu markii ugu horeysay Amarada ku fuliyay Hanti dhawruhu, gaar ahaana Guddoomiyaha Baanka oo aad looga ixtiraamo Joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawrku ku waday Masuuliyiintii hore ee Xukuumaddii dhacday iyo kuwo imika joogaba ayaa si weyn looga dareemay Xarunta Hantidhawrka Guud ee Qaranka taasoo labadii cisho ee ugu danbeysayba uu istaagay dhaqdhaqaaqii iyo hawlagaladii ay wadeen shaqaalaha xaruntaasi oo uu Suuq wyni u soo baxay tan iyo intii Amarka lagu siiyay fulinta hawshaas, kuwaas oo cabsi badan ku abuuray shakhsiyaadkii ay baadheen iyo kuwii u qorshaysnaaba Taalabadan ay Xukuumadda Siilaanyo ku joojisay baadhitaanadii ay ku baadi goobaysay Malaayiinka lacagta ah ee Deymaha ah ee ay Xukuumaddii hore gashay ee ay ku wareejisay ta cusub ayaa keenaysa niyad jabkii ugu weynaa ee ay Dadku kala kulmaan Xukuumadda rajadii ay ka qabeen isla markaana ay God dheer ku dhacday balanqaadyadii ay ka filanayeen Xukuumadda Cusub oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku faani jirtay inay ilaalin doonto Hantida Ummadda isla markaana ay Sharciga Hor-keeni doonto wixii Hanti ah ee laga Lunsado Qaranka Waxa kale oo ay wadada u furaysaa joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore inay fursad u helaan Masuuliyiinta cusub ee talada qabsaday ay ku lunsadaan Hantida Qaranka, maadaama oo ay heleen qiil ay ku baxsadaan ama Dhufays ay dabada Geliyaan oo uu ogolaaday Madaxweynuhu taasoo soo af-jaraysa in cid danbe la baadho. -
Originally posted by NinaNC: ^Awoowe Xaaji Xaanjoow, waan kugu raacsanahay in AMISOM isticmaasho hub culus markey u jawaabaayaan caruurtaan reer miyiga ee Godane iyo Rooboow kaga soo kaxeeyeen been beenta tuulooyinkooda. Laakiinse, waxaa in la isweydiiyo fiican, yaa soo qaada dagaalka, xageyse ka soo qaadaan? waad ogtahay haddii aysan Burindigaan iyo Ugandheeskaan joogi lahayn, Godane ayaan Amir ugu wici laheen saacadaan. Marka, adiga waa kuu jeeda, waxaad dooneysaa inuu ninkaan u taliyo Koonfurta, taasina reer koonfureedka ma aqbalaayaan marna, ileen xornimo ugama baahnin nin waalin. Waxaase kaloo ogaataa, mar haddii koonfurta Godane wada qabsado (big if, unlikely), meesha ku xigta oo u soo dhaqaaqaayo. Marka dan ayaa anaga dhan noogu wada jirta iney AMISOM joogto ilaa kuwan wadanka laga saaro ma garatey. Meel safe ahaaneyso ma laha, xasuuso taas mar walba markaad u sacba tumeyso Abu-Sun. Mayaa ninay , halka aan ku yara toosiyo Amisomtu dan somali ma wadan runti hada la sheego dawladan lic licaysa bay meesha ku ilaalinayan not because somali bey jecelyihin ama odayga sharifka bay jecelyihin waxan africanka ba u igmaday.oo u xil saaray iyaguna shacab somali kama naxayaan ciday dili karan wa dili karan waxa lugu yidhi si kasta oo aad ku difaaci kartin dawladan yar eeh sharifku hogaaminayo tasay iyaguna markanaysa ku doodayaan, anigu kuma odhan Godane wa wiil so daahiray oo lo so diray inu somali mamuulo runti waxyaalo argagax bay sameyaaan iyagu laakin , laakin marnaba shacab iskama weeraaraan laakin qoladan africanka eeh meesha jooga bay xabbada ku iifiyaan runti, hadi la rabbo in la heshiyo wa in meel dhexe la iskugu imaado oo ay dawladu iyo qoladan shabaabku shiran oo ay dalka iyo dadkooda u tudhan oo ay tanasulan xalku halkasu ku jira maha laakin in labbaduba ay ku adkaystan mawqifkooda amisom ba ilaalinaysa ,, oo ciidna u joojin mayo haday kun ku kufiyayaan iyo haday kunku muslimayan ta xal anigu marnaba uma arko.
-
Originally posted by NinaNC: lol@newyorkcityyey...very very original, good one Xaaji Xanjoow. Adeer, AMISON anagaa u yeeranay iney naga qabtaan kuwan isku qarxinaayo meelwalba, ee hadduu Abu-Sun aad u aragto a hero, u yeerta, ha idinka qabto Ethiopian-ka Berbera lacagta reer SL ku laqa. Rooboow ayaaba lafaha u qaadi doono mar dhow haddii aan asaga la qarxin first that is. Godane dhulkiisa ha ka taliyo, dhulkan waa dhul koonfureed, ma la isku ciyaaraayaa dee adeer! naga kaxasta ninkan waashey haddaad aqoonsi dooneysiin. Bal aqri bal news-kan ugu danbeeyey, iina sheeg Horta awoowo waxad yeeleysa , markad somaliya aad xal u rabtid waxa weye inad markastaba aad eegtid Danta shacabka koonfurianska, wamaxay tasi wa inay nabbad iyo xasilooni ku nooladan wan ogahay Al shabaab wa koox mitid ah xagjir ah oo aan dano somaliyeed ku shaqeyn oo meelo kale laga hago qarbaba tora bora ku sheegeye, hasa yeesho Kooxdan amisom shacabka kama naxayaan meel walba hubka noocisa adag bay ku garacayaan waxasi wax lo dul qadan karo runti maha. ina Godane na dee isna wuxu is leeyahay dadka somalida caawi.oo ka xorey qolladan africanka ah eeh xammar fawaxishka ka sameya wax kale maha awoowo
-
Nina Newyorkcityey Abusubeyr sheikh godane wuxu idinka xoreynaya Amison iyo qoladan africanka eeh xammar ku so duulay maxaad ku diidantahay maanta amisomti shacabki xammar wey xasuuqeen run ahaanti kuwasi waxba idin ma so wadan hadaad tihin reer konfureed. Anagu argagxiso lama shaqeyno dhulkayaga na ma so maran awoow marka sida ula soco Nina newyorkcityyey. Ximan iyo xeeb iyo galmudug siminaar baanu u bilabayna
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Walxihii Ay Dhawaan Ciidanka Amaanku Ku Qabteen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera Ku Eedeeyey In Ay Ka Dambeeyaan Kooxda Al-Shabaab. Hargeysa(Ramaas) Okt.03, 2010 - Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal], ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyey hawlgalo ay ciidanka amaanku ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ay ku soo qabteen hub iyo walxaha qarxa, hawlgaladaas iyo waliba cidda ay ku eedaynayaan in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkaas qaraxa-yada ahaa ee la damacsanaa in laga fuliyo magaalooyinka Somaliland. Cilmi Kabaal, wuxuu sheegay in ay dhibaatooyinka ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab oo gacan ka helaysa dad Somalilander ah oo ku sugan dalka gudihiisa, taas oo uu tilmaamay inay doonayaan inay burburiyaan nabadda iyo xasiloonida ka jirta. Taliyuhu waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu amuurtan kaga waramayey oo uu maanta magaalada Hargeysa kula yeeshay Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige. Taliyuhu waxa uu sheegay dhammaan falalka, hubka iyo walxaha qaraxa ee ay ka soo qabteen magaalooyinka Burco iyo Berbera in ay u hayaan dad gaadhaya 16 qof guud ahaan saddexda magaalo-na waxa uu sheegay inay falalkan u hayaan 18 qof. Listen http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4759
-
Xukuumada Somaliland oo Raalligelin Siisay Guddoomiyihii hore Baanka Md. Cabdiraxmaan Ducaale Written by Qaran news Oct 03, 2010 at 04:51 PM Hargeysa (Qaran news)- Warar aannu caawa ka helnay xubno iyo ilo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah dawladda cusub ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu raalli gelin ka bixisay xayiraaddii dhowaan lagu soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed. Toddobaad ka hor ayaa Hanti-dhawraha guud ee Qaranku uu ku amray inaanu MD Cabdiraxmaan dalka ka bixi karin taas oo baajisay socod iyo safar uu guddoomiyuhu ugu bixi lahaa dalka DJabuuti. Dadweynaha Somaliland ayaa arrintaas aad ula yaabay kuna sheegay inay tahay xaalad abuur maaddaaba Hanti-dhawraha guud aanu isagu cid xidhi karin ama xannibi karin oo maxkamadu hawshaas lahayd. Sida la sheegay arrintaas uu ku kacay Hanti-dhawraha guud ee Qaranku maxkamaddu waxba kalama socon. Arrintaas ayaa dawladda cusub sumcad xumo u soo jiidday dadweynahana ku abuurtay werwer iyo kala shaki dadka dhexdiisa ah siiba gobollada bariga Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan ay labaduba ka soo jeedaan. Si kastaba ha ahaatee xukuumada ayaa qoraal ku soo gaadhsiisay raalli gelintaas MD Cabdiraxmaan Ducaale kuna war gelisay inuu dalka ka bixi karo hadduu rabo una sheegtay in arrintaasi ahayd farsamo xumo ka timi dhanka xukuumadda. Qaraalkaas raalligelinta ahi wuxuu ka soo baxay sida la sheegay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka oo isagu markii hore ku soo rogey guddoomiyaha xayiraadda
-
Ximan iyo xeeb galmudug the clan chief of banadir all of them respect and support somaliland add it all up and the koonfurians are getting the picture
-
Zanawi's wife: The First lady of Corruption in Africa.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
War maxaad ku qoslaysa Marwooyinka madaxweynayasha waxay naga mudanyihin sharaf , sharafta na wa in la dhowra. marwo azeb mesfin wa gabadh sharaf leh , in musuq masaq iyo waxa somalidu so qor qoran laga fiican. -
Zanawi's wife: The First lady of Corruption in Africa.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
yaanaan xaasaska madaxweynayasha wax laga sheegin wa hoy wa dignin -
Libaahe i dont't really know Muus bixi cv all i know is that he was an Airforce pilot and studied in Russia and later he joined Ciidanka xooga cirka eeh somalia in 1976 And later joined the SNM in 1982.
-
Libaahe even abdi waraabe graduated and ciiro and ina samaale wey badnayeen ardeydii qalan jabiiyeen lool
-
Originally posted by The Zack: LOOOOOOOOOOOOOOL@almost and almost. Libaahe, update us when something REALLY happens. Till then naga daa the "almost" stories ninyahow. someone almost Throwed a stone
-
so these youth where cawils students lol
-
Ximan iyo xeeb looooooooool iyaga na siminaar beynu u furnay
-
Bosaaso: Business man killed from sool region
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Taleexi: Hadday sheekadu noo hagaagto, idinkana waxba isla waayimayno IA.... Hee ma so mirsatay oodi ab ka dhow bay dadki hore odhan jireen wayahay dadkaga dhinac ka raac -
Alle Ha u Naxariistee waxa Saaka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Xaaji Cali Bootaan Cabdi oo ka mid ahaa Ganacsatada Iyo odayaasha waaweyn ee Somaliland posted by: Webmaster Alle Ha u Naxariistee waxa Saaka geeriyooday Xaaji Cali Bootaan Cabdi Marxuumka oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa, Xaajiga ayaa Yaalay Cusbitaalka Edna . Alleh Ha u naxariistee marxuunka oo ahaa Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland isla markaana ka mid aha Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka Soomalida ahaana Oday qaradin iyo xishmad shacabka dhexdiisa ku lahaa isla markaana lagu xasuusto Qaybtii uu ka qaatay Nabadgelyada ay ku faanto Maanta Somaliland iyo Dhidib u taagida Somaliland ayaa waxaa maanta lagu aasi doonaa magaalada Hargaysa Gaar ahaan Xabaalaha Masalaha isaga oo Marxuumka Maydkiiska Laga qaadi Doono Marka lagaga Tukado Masjidka Alhuda ee Xaafada Guryasamo . Dhamaan Bahda ToggaHerer meelkasta oo ay joogaan annagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh uu ku timid Xaaji Cali Bootaan Cabdi tacsi tiiraanyo leh u diraynaa caruurtii, xaasaskii, Reer Bootaan Cabdi meelkasta oo ay joogaan iyo eheladii kale uu ka baxay marxuumka iyo dhamaan Shacabk somaliland. Waxaana Illaahay ugu baryeynaa inuu Geeyo Marxuumka Jannatul-Firdawsal-Aclaa, Dhamaanteena samir iyo iimaan naga wada siiyo, aamiin aamiin. KULLU NAFSIN THAA’IQATUL MAWT. Warqabadka TogaHerer Hargeisa
-
Bosaaso: Business man killed from sool region
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taleexi wayahay abti isba jeclado ssdf iyo ssc mideyaa oo bada is baaro u dhigta bal ciday caano ka qubanaysa banu ogaan
-
Popular Contributors
