Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,066
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. waleh somaliland duushay mar hada downing street horteeda sidi dawladaha looga mudaharadayo tagtay dhe.
  2. Sheekh Muqtaar Roobow oo Beeniyey Inuu Khilaaf Soo Dhex Galay Madaxda Ururka Al-Shabaab MUQDISHO(OODWEYNENEWS)- Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta beeniyay warar meelmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegay in ay bur bureen Al Shabaab. Sheekh Mutaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta ka hadlayay Magaalada Muqdisho kadib ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalminii u dambeeyay la hadal hayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf bur buriyay Xarakadda Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana uu wararkaasi ku tilmaamay mid ay dhoodhoobeen dad cadow ku ah Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ka midyihiin dowladda KMG iyo AMISOM oo uu sheegay in aanay isaga u banaaneyn in uu u jawaabo. Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha ugu sar sareysa ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab gaar ahaan kuwa maalmahaan la hadal hayay inay is khilaafeen isaga iyo hogaanka ugu sareeya ee AL Shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan qebtii ugu dambeysay ee dagaalkii ay Xarakada AL Shabaab iclaamiyeen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxaana uu mar kale ku baaqay in dagaalkaasi laga qeyb qaato. Sheekh Muqtaar waxaa uu isagoo ka faa’iideysanayay warbaahintii xiligaasi kula sugneyd majisdka uu ka hadalay fariin u diray hogaamiyaha ugu sareeya Urur weynaha Al Qaacida Usaama Bin Laadin, waxaana uu sheegay in wali aysan bur burin AL Shabaab islamarkaana ay mideysanyihiin sida uu carabka ku dhiftay ardayda Al Qaacida ee ku sugan Soomaaliya. Hadalka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ku soo aadaya xili Maalmihii u dambeeyay la hadal hayay warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay masuuliyiinta sar sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamarkaana hogaamiyayaal uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow ay kala baxeen ciidamadooda gobolo ka mid ah koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya walow arinkaasi maanta uu beeniyay abuur Mansuur.
  3. Odayaal Iyo Waxgarad Ku Guulaystay Sii Daynta Shan Nin Oo Afduub Loogu Haystay Degaanka Buuralayda Bariga Sanaag (Dhageyso Warbixin Iyo Wareysi Ku Saabsan ). Burco(Ramaas) Okt.09, 2010 – Odayaal iyo waxgarad ka tirsan bariga gobolka Sanaag ayaa ku guulaystay sii daynta shan nin oo dhawaan lagu afduubay degaankaas, shanta oo markii la afduubay ku gudo jiray hawl shaqo oo ay u hayeen shirkad ka mid ah kuwa isgaadhsiinta ee ka hawlgala degaanka. Haddaba, odayaasha iyo raggii afduubka laga soo daayey oo maraya meel wax yar uun u jirta buurtii afduubka loogu haystay ayaa waxa wareystay weriyaha BBCda ee Burco Xusseen Awjaamac Jibriil Xagar, waxaanu wareysigu u dhacay sidan ee dhageysi wacan:
  4. Abuu Mansuur “Sheekh Usaama Waxaan u sheegeynaa in Ardeydaadii Soomaaliya joogta ay wali mideysan yihiin” posted by: Axmed Kulan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta salaadii jimcaha kadib ka hadlayay Masaajid ku yaal degmada Yaaqshiid oo ay ku dukadeen boqolaal ruux ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka sheegaya khilaafka u dhaxeeya Hogaanka Shabaab.¨ Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanay jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyay Madaxda Shabaab, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la dhoo dhoobay. “Jaahilka in laga aamuso ayaa sax ah, waa been waxa ay sheegayaan, aniga uma jawaabayo Beenaale Bahoku iyo Dowladda Ridada ah”ayuu yiri Abuu Mansuur. Abuu Mansuur ayaa sheegay in dhowaan ay soo qatimayaan dagaalkii ay iclaamiyeen Bishii Ramadaan, isagoo ugu dhamaan dhamaan Mujaahidiinta inay u diyaar garoobaan. “Sheekh Usaama Waxaan u sheegeynaa in Ardeydaadii Soomaaliya joogta ay wali mideysan yihiin”ayuu sii daba dhigay Abuu Mansuur oo tilmaamay in aanay jirin haba yaraatee khilaaf si gooni u jira. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray warar la iska dhexmarayey oo sheegayey in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansur iyo Shiikh Muqtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaan Axmed Cabdi Godane Halkan hoosewaxaad ka sii daawan kartaa ninkii Burundiiska ahaa ee ay dileen Alshabaab
  5. WAR DEG DEG AH: Abuu Mansuur "Uma Jawaabayo Dabaalada ilaahey cadawgiisa ah ee waxaan laabta u dejinayaa Shacabka Muslimiinta ah ee Beenta loo sheegay, wax Khilaaf ah oo Mujaahidiinta u dhexeeya majiraan". Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo katirsan hogaanka sare ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa tacliiq dheer ka jeediyay Masjidka Dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid. Abuu Mansuur ayaa shacabka Muslimiinta Muqdisho ugu hambalyeeya ka qayb qaadashada Xamlada Nihaayatul Muctadiin oo lagu wiiqay Maleeshiyadka DKMG ah. "ma doonayo in aan u jawaabo Dabaalada iyo ilaahey cadawgiisa waxaan doonayaan in aan shacabka Muslimiinta Niyadooda dejiyo,ilaahey ayaa qur'aankiisa ku sheegay Cadawgu wuxuu doonayaa in uu Muslimiinta meel walba kala dagaalamo, majiraan wax khilaaf ah oo Mujaahidiinta u dhexeeya bal waxaaba Mujaahidiinta kusoo biiraya kuwa aan horay uga mid aheyn"ayuu yiri Abuu Mansuur. Al-Qaa'id Abuu Mansuur ayaa ka taariikheeyey Xawaadis Ifki ah oo Umadda Muslimka ah soo martay sida dhacdadii Been abuurka aheyd ee lagu sameeyay Gurigii Nabi Muxamed Sallallaahu xaleyhi Wasalama. "Ilaahey Cadawgiisa waxay rabaan in ay Murtidiinta iyo gaalada jabta ku dagaal geliyaan Mujaahidiinta ayaa Iskhilaaftay, waad hoogteen Ismakhilaafin Shacabka Muslimka ahna waxaan ugu bishaareynayaa in dhawaan ay bilaaban doonto Xamllo cusub oo cadawga lagu naafeynayo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Mansuur. Xiligii uu Abuu Mansuur hadlayay waxaa hareertiisa taagnaa Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin oo warbaahinta cadawga ay maalmahan sheegayeen in ay is khilaafanyihiin, Macalin Burhaan ayaa isna jeediyay Khodbad qiima badan oo uu uga hadlayay qaabka loo cilaajin karo Tashwiishka Muslimiinta lagu dhaxfuro
  6. Thankful the united states is a super power they can make things happen. they basically dictate african policy the african union know somaliland has a case it was a seperate Country before it merged with Somalia in 1960 just like that of Eritrea.The african union sooner or later needs to take responsibility for their own shortcomings
  7. Thursday, October 07, 2010 Addis Ababa Ethiopia (APA) - Foreign ministers of the 15 member states of the African Union (AU) ommission Peace and Security Council (PSC) are scheduled to gather on 15 October 2010 in Addis Ababa to discuss about the African Union Mission In Somalia (AMISOM), APA learns here Thursday. The ministers are expected to discuss about AMISOM’s mandate, which is currently restricted to defending itself while making its peace making efforts in Somalia, which remains without a central government for the past 20 years. The ministers gathering in Addis Ababa would also consider the need to give AMISOM a robust mandate, which could give it powers to go after the Al Shabab, which remains a threat to the mission and the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia. According to the Kenyan ambassador to Ethiopia, Monica Juma who is this month’s chair of the PSC, the ministerial session would also discuss the Mbeki Panel and the renewal of its mandate. The UN Security Council is expected to hold a special debate on Somalia on 21 October 2010. Currently, around 5,500 Ugandan and Burundian peacekeeping troops are in Somalia supporting the TFG of Somalia in stabilizing the country. Source: APA
  8. No man that's how it works Alshabaab will try to look like their big brother AlQaeda and sooner or later they will attack US embassies, and other Military bases. We will see how the US government respond to that. Adeero sam walo yaaba Emirki ba u so socda
  9. Emir godane knows America will attack him , if he doesn't attack them preventive strike perhaps
  10. ^^ How do you know he Won't according to him America = Satan.
  11. ^^ Not if Emir godane attacks the US embassies in Ugandha and kenya and Yemen and their military base in Djibouti.
  12. oo ma waxa la isku haystey ba gaadhi qudh ah lol
  13. Well done MP amir adan congratulations
  14. i remember a day before Sharif announced his prime minister Cumar Abdirashid in 2009 faroole said the same,,, mark my words Sharif will anounce a prime minister from The pirate state.
  15. Ciidan Ka Tirsan Puntland oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino October 6, 20105 comments| leave your own!Askar ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii uu ku qarxay miino,iyadoo qaraxadaas miinada ay ka dhacdey halka lagu magacaabo Balli Khadar oo hada kahor dagaal ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo xoogaga taabacsan wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam. Wararka ayaa sheegaaya in qaraxadaas miinada ay ku dhaawacmeen askar gaaraya 8-askari oo dhaawacooda lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso oo xilligaan lagu dabiibaayo. Askarta ku dhaawacantay qaraxa miinada ee lasoo gaarsiiyey isbitaalka Bosaaso ayaa la sheegaaya in qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo aad u culus. Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxa miinadaan, Ciidamada dagaalka kula jira Puntland ee uu hoggaamiyo ninka la yiraahdo Maxamed Siciid Attam ayaan weli sheegan in ay ka danbeeyeen qaraxaas, waxaase loo badinayaa in ay iyagu ka danbeeyeen. Ma ahaan markii ugu horeysay Ciidanka Puntland ay ku waxyeeloobaan qarax miino oo noocaan oo kale,waxaana dhowr jeer hore degaano ay kamid tahay Galgala lagula beegsaday qarax miino oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Horseed Media
  16. Africa Own Indeer just because President siilaanyo refused to inform Melez about his cabinet before he announced it, or just because adis ababa didn't like Ina xashi and Dr gaboose and the minister of religious affairs a good mutual relationship between two countries doesn't mean The Somaliland admin should please Ethiopia when ever it comes to it Ethiopia should not interfere with internal issues of somaliland. The relationship with Ethiopia isn't gone bad it's just where is was before rayaale took over power in 2002. As for the security Somaliland new admin works hard on the security issue. So lets wait and see the next comming months.
  17. waxa la isku haysta daraha la dummiyey yaa dib u dhisaya
  18. Originally posted by AYOUB: We should open an Embassy in Xarardheere. are we sure they can protect our Embessy When will waax iyo waadi come
  19. Can't you read afsomali Hargeysa (TogdhNews)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay ka laabtay socdaal muddo 20 maalmood ah qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Qadar, ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar ballanqaaday inay Somaliland ka dhisayo cusbitaal lix dabaq ah oo noqon doona ka ugu weyn mandaqadda bariga Afrika. Xildhibaan Nacnac, waxa uu sheegay in hay’addaas samafalka oo aannu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiinta xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana kala hadleen dhismaha cusbitaalkaas, balse aanay wax war ah dib ugu celin, sidaas darteedna ka soo codsadeen inuu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa caafimaadka farriin arrntaas ku saabsan loo hirgeliyo dhismaha cusbitaalkaas. nacnac is a kulmiye parliamenterian.
  20. That's good news reer sool need more schools and more stuff like this, well done somaliland.
  21. That's good news Xildhibaan nacnac is hard working parliamentarian
  22. Cabdirashiid Ducaale Qambi Oo Talooyin Ujeediyey Garaaddada Iyo Qurbo-joogga reer ssc Xukuumadda Somaliland Iyo Jabhadda SSC. Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa Xukuumadda Somaliland iyo madax-dhaqmeedka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool inay xal degdeg ah u helaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka aloosan Gobolka Sool iyo Buuhoodle. Cabdirashiid Qambi oo shir jaraa’id shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Oog oo Jabhadda Hubaysan ee SSC si gaadmo ah ugu dileen hal Askari oo Ciidanka Qaranka ka tirsan, mid kalena ku dhaawaceen, halka ay hal qof oo shicib oo maalmo ka dib markii ay arrintaasi dhacday la soo daayeyna ka afduubeen, isla Tuulada Oog. Taas oo uu Cabdirashiid Ducaale Qambi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah nabadgalyada Somaliland iyo Ciidammada Qaranka ee sida nabadgalyada ah u jooga jiiddaas, isla markaana waxa uu xusay inaanay dadka ku dhaqan deegaanka Oog reer Buuhoodle ka mutaysan tallaabooyinka lagula kacay oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid aad u fool-xun. Mr. Qambi waxa uu sheegay inaanay siyaasadda Kooxda la baxday SSC ahayn mid dani ugu jirto guud ahaanba dadka Sool iyo Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqay dadka Gobolka Sool iyo Buuhoodle dibad iyo gudo meel ay joogaanba inay ka shaqeeyaan horumarinta dadkooda iyo deegaannadooda, kana feejignaadaan tallaabo kasta oo dhaqaale loogu ururinayo cid nabadgalyada burburinaysa, xasilloonidana ka soo horjeedda, oo aanay wakhti iyo hanti toona iskaga lumin taageerada SSC. Cabdirashiid Ducaale Qambi waxa uu si wada-jir ah baaq ugu diray Xukuumadda Somaliland, Jabhadda SSC iyo Beelaha uu ka soo jeedo ee Sool iyo Buuhoodle.“Waxaan doonayaa SSC inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland inaan hal idhaahdo, Qurba-joogga Dhulbahantana inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay ballan-qaadkii aad ballan-qaaddeen oo illaa imaka intaan ka war hayo Guddi la saaray la igu yidhi warkoodii iyo wixii ay qabeen waxay u gudbiyeen Madaxweynaha, Madaxweynuhu sidii uu ballan-qaaday wax loo socod-siiyo oo Xukuumaddu u socodsiiso oo wadahadalkii iyo gogoshii Madaxweynuhu fidiyey la socodsiiyo oo laga midha-dhali, oo aanay noqon arrin caajis gala, taas ayaan Xukuumadda odhanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashadii Qambi. Cabdirashadii Qambi oo la hadlaya Beeshiisa iyo SSC, waxa uu yidhi; “SSC waxaan odhan lahaa, reer Buuhoodle dagaal uma baahna, SSC Laascaanood hawlgal kama fuliso, Xudurna kama fuliso, Taleex kama fuliso, Sanaag kama fuliso, Fiqi-fuliyana kama fuliso, Awr-boogeysna kama fuliso, markaa waxaan leeyahay SSC reer Buuhoodle nabad bay u baahan yihiin, haddaad Boorama eegto xaaladda ka jirta iyo meeshaasi horumarka ay gaadhay ee ay nabad ku gaadhay, siyaasad ku gaadhay ee ay danteeda ku gaadhay ee meesha waxa ka jiraan ay garteen, Buuhoodle Dhakhtarkiisi wuu xidhan yahay, oo Iskuulladiisi way xidhan yihiin oo haddaad magaalada aragto yaab baa Illaahay kuu keenayaa.” “Waar haddaad tidhaahdaan Itoobiya waannu soo oodaynaa, oo Somaliland waa soo oodaynaa oo Puntland waa soo oodaynaa, dee meel loo socdaan jirin. Waar ragga dibadda jooga ee lacagta rasaasta ku bixinayaa inay Qalin ku bixiyaan baa wanaagsan, inay Buug ku bixiyaan oo Iskuul ku bixiyaan oo ay ummaddooda meel walba laga xidhay sadaqad ku siiyaan oo wax ugu kordhiyaan baa wanaagsan, Balse in la yidhaahdo Xagla-toosiye ayaa meel noo fadhiya oo waannu dagaallamaynaa meel walba waannu iska soo oodaynaa caqli iyo cilmi toona maaha.” Ayuu yidhi Cabdirashadii Ducaale Qambi. “Dadkii dhulka maraayey ee Caafimaadka u socdey shaki ayaa galay, waxaannay ilaa Hargaysa, Caynabo iyo Qorulugad ay Dadka joogaa ka shaqaynaayeen wannaag in Wiil yar oo Gaadhi wata haddii la yidhaahdo soollaa habari heshay oo Sool illaa Qorulugad ilaa Coobadley Wallaahi oo Bilaahi oo Talaahay in aanay sidaas Nabadgelyo ku haagayn.” Ayuu hadalkiisa ku ladhay Mr. Qambi. Cabdirashiid Qambi oo la hadlaya la hadlaya dadka ay isku deegaanka yihiin, waxa uu yidhi; “Dadka dibadda jooga ee reer Sool, Buuhoodle, Taleex, Ceerigaabo, Fiqi fulliye, Xuddun, Badhan, Laasqorey, Ceelaanyo iyo Dhahar waxaan odhan lahaa waar Dadka dibada joogaa xaaladoodu waxay maraysaa halkii 88-kii, waxa maanta yaalla Hargaysa, Burco iyo Berbera waxa halkaas yaallaa Dadkaasi aan sheegay ma ahaayaan, waar Dadka iyo dalka waxa lagu dhaqi karaa Nabadgelyo oo lagu wadda hadli karaa oo lagu heshiin karaa oo lagu midoobi karaa oo lagu kala tagi karaa sidda aad jecel yihiin, wax aan nabad ku dhalanna xumaan kuma dhashaan, Masuul xilka ka haya Xukuumadda Somaliland oo u hadlaya ma ihi ee Muwaadin reer Somaliland ah ayaan ahay oo Muwaadin Soomaaliyeed ah oo Buuhoodle ah oo Muwaadin reer Dhahareed ah ayaan ahay, waxaan odhan lahaa waar halkan waxa yaallaa iyo waxa aad ku haysaan dibadaha way kala fog yihiin, halkii SNM ay maraysay 88-kii ayaad maraysaan dhulkana Nabad ayaa taalla oo la isku dhex marayaa oo lagu wadda joogaa oo la isku dhaqayaa.” “Waxaan arkaayey Niman reer Buuhoodle ah oo leh waa nala gumaysanayaa oo waa nala haystaa Walaahi in aanay jirin cid cid gumaysan karaa oo qasab ku haysan karaa Soomaali reer ugu yar-na dhahoo cidbaa gumaysan kartaa ma jirto, wax waliba Nabadgelyo iyo xalbay ku shaqayn karayaan, Nimanka la yidhaahdo SSC camalka ay ku shaqaynayaan maaha mid *********** iyo reer Buuhoodle wax u taraaya maaha wax ka qabta ummadaha ay jaarka yihiinna maaha.” “Inta Oog wax lagu laayo oo dad laga soo afduubto in Buuhoodle lagu soo dhuunto oo dadka lagaga furfuro wax ummadda jaarka ah qabta maaha, Puntland waxay ka shaqaynaysaa Nabadgelyo, Somaliland-na waxay ka shaqaynaysaa waa nabadgelyo, markaa Nimanka dibadaha jooga ee leh intaas oo dhan waanu soo oodaynaa waxa ka wannaagsan inay lacagta ay rasaasta ku soo dirayaan ay Qalin ku bixiyaan oo ay Buug ku bixiyaan ayaa ka wanaagsan sidda ay hada waddaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale Qambi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin in la yidhaahdo Xagla Toosiye ayaa meel noo fadhiya oo Oog soo weeraraya oo Askar masaakiin oo diiday inay lafahoodu galaan carro *********** ayaan laynayaa addeer waxaan leeyahay Ragga Garaadada ah ee bud-dhiga u ah SSC ummadda ka daaya fidnadda oo waxaad waddaan ma qabbo reer Buuhoodle sidaas ayaan soo jeedinayaa inagoo ah reer Buuhoodle.”