Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Kuun-Kuun-Laminaa, most of the fighting is taking place in the ethiopian side of the border so obvisiouly it's ethiopia's job to finish them off.
  2. BBC laanta afka soomaaliga. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/09/100914_ethiopia_cabdi_cumar.shtml
  3. Xariirad-(Lug)-Wararka laga helayo Buuralayda Maar-Maar oo galbeed kaga beegan Magaalada Xariirad ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka halkaas soo galay in hada halkaas ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada S/land iyo Itoobiyaan jooga dhinacooda. Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in ay jiraan maleeshiyo beeleedyo ka tirsan dadka degaanka oo iyagu is abaabulay oo bilaabay inay is berbertaagaan ciidamada JSL. Waxaa xusid mudan in ciidankaasi ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF garabka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo isagu diidan in uu heshiis nabadeed la qaato Itoobiya sida ay cadeeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka S/land oo ka gaabsadey in ay magacooda sheegaan. Waxa ay wararku intaas raacinayaan in jabhadani ay maalmaha ciida ay soo galeen oo ay ka soo dageen meel ka tirsan xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya oo la yidhaahdo Bule Cade una dhaw xaga magaalada Lughaya, waxaanay ay warar sirdoonka ahi sheegayaan in tirade jabhadani gaadhayso ilaa 300 oo nin oo aad u hubaysan inkasata oo wararka qaar sheegayaan tiro intaas ka badan. Waxaa kale oo heegan buuxa la galiyey Ciidanka Booliska eek u sugan magaalada Boorama kuwaas oo laga yaabo dhawaan in la qaado ama la geeyo aaga ay hada wax ka dhacayaan sida ay saraakiishooda qaarkood warbaahinta gudaha u sheegeen. Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya dhinaca caasimada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in shir dagdag ah la isugu yeedhay dhamaan taliyayaasha ciidamada qaranka ee dalka oo dhan.
  4. Abdulahi Yusuf aka Ina Yeey the warmonger i am glad his exiled to Yemen where he will spend the last remaining days of his life.
  5. siddee looga ciiday Magaaladda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag - Video
  6. Indeed good news for sanaag getting it's second university it will benefit the people of sanaag alot as a whole.
  7. lol@ Mike what are you smoking, nobody is talking about somalia or somaliland, i am all for khalifah Islamic state however that is when the sugar oil daddies ( saudi arabia and other islamic countries want to unite all the islamic nations to form the khalifah, other then that we shall never unite with somalia.
  8. Originally posted by Kuun-Kuun-Laminaa: Nice pictures. Ciid qurux badan weeye, masha'alah. Mashallah indeed.
  9. Originally posted by NASSIR: Wow, Huge crowd by Ceerigaabo, the capital of Sanaag region. Will visit it someday Insha'allah. Thanks Libaahe. No problem sxb.
  10. Originally posted by Xudeedi: Very Beutiful, Maasha Alaah. Ceerigaabo residents have proven that Somali's can co-exist and enjoy peace and progress together. Thanks for the photos Indeed Ceerigaabo wa magaalo lagu daydo for it's progress and unity as one.
  11. Captain_Mike20, it's already one of the biggest cities in Somaliland, it has bigger population than Berbera, Buhoodle, Las anod, according to the voter registrations. Mashallah indeed this city is growing fastly.
  12. Ceerigaabo Oo Maanta Si weyn Looga Ciidey.(Daawo) Ceerigaabo(Qarannews) Iyadoo kaddib gudashadii Soonka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay maanta ahayd maalin si isku mid ah looga wada ciidey dhammaan daafaha dunida ee Muslimiintu ku sugan yihiin ayaa subaxnimadii hore si aan kala hadh lahayn waxa dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay ay u dareereen fagaaraha garoonka kubbadda cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay ku tukadeen Salaaddii Cuudul-fidriga. Kasokow culimadii fagaarahaas takbiirta iyo wacdiga ka jeediyey ayaa waxa kale oo fagaarahaas dadweynaha kala hadlay Maayorka Ceerigaabo oo hadal kooban oo hanbalyo iyo duco ah halkaas ka yidhi iyo Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isagu safar muddo dheer qaatay oo uu ku tegey caasimadda Somaliland ee Hargeysa islamarkaasna xukuumadda cusub ee Somaliland mar kale usoo magcawday guddoomiyaha gobolka Sanaag kaddib laba habeen ka horn soo gaadhey Ceerigaabo oo isaguna dhiniciisa dadweynaha usoo jeediyey waano iyo talooyin la xidhiidha in ay isku duubnaadaan oo wanaagga ka shaqeeyaan islamarkaasna aanay isugu gargaarin xumaha siiba dhiigga iyo magaha iwm, sidoo kalena halkaas hanbalyada ciiddan iyo duco farabadan guud ahaan bulshada Somaliland iyo gaar ahaanba gobolka Sanaag uga jeediyey. Dadweynaha halkaas isugu soo baxay oo ay salaaddaas kala qayb galeen Maayorka degmada Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa gaar ahaan haweenka iyo carruurta da’yarta ah waxa ka muuqatey bilicda iyo dhalaalka midabbad kala duwan ee huga ay xidhnaayeen, iyadoo intaas ay usii dheerayd ray-raynta iyo farxadda carruurta yaryar oo laga maqlayey dhawaaqyada kala duwan ee waxyaabaha ay ku cayaarayeen. Dhinaca kalena dadweynaha kale oo salaadda kaddib saxaafaddu makroofoonka la dhex qaadday ayaa iyaguna dhinacooda hanbalyooyinka farxadda ciiddan oo kala duwan hawada isaga tebinayey. Guddoomiyaha Suxufiyiinta Sanaag oo ka mid ahaa dadkii hanbalyada tebinayey ayaa yidhi "Anigoo ku hadlaya magacayga C/laahi Xuseen Darwiish iyo magaca Ururka Suxufiyiinta (Sanag Media Group) ee aan guddoomiyaha u ahayba waxan ugu horrayn hanbalyo manta u dirayaa guud ahaan ummadda reer Somaliland meel ay jogaanba iyo gaar ahaan suxufiyiinta reer Somaliland oo aan leeyahay ciiddan ciiddeeda Eebbe haydinku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Waxan kaloo hanbalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Md-Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan ku hanbalyaynayo qaab-dhismeedka xukuumadda cusub iyo gaar ahaan dib usoo magcaabista Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo aan leeyahay bulshada reer Sanaag xukuumaddu arrintaas kalsooni badan iyo wada shaqayn ayay kaga kasbatay". Qarannews/Ceerigaabo.
  13. Big Deal, at the end of the day mogadishu is his land the sameway a somalilander has above rights in hargeysa as his capital and can call for the eviction of all the non somalilanders whenever they want.
  14. Land_Soldier, it's not only that the map claims also claims many places pirateland don't even control nor can step their foot in lol such as las anood district, badhan, Caynabo, Southern Galckayo etc.
  15. Your map is a joke, Caynabo part of puntland lol?
  16. Professor Abdi Samatar wa a joke walle lol in another article wuxu yidhi the capital should be moved to hargeysa, like it's going to solve somalia's woes?
  17. Land_Soldier, who said he will run for kulmiye? it says his only having ambitions to become the next future leader of somaliland.
  18. Dr.Gaboose Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday In Hamigiisa Siyaasadeed Yahay Inuu Mar Uun Noqon Doono Madaxwayne Somaliland Hargeysa(Oodweynenews) – “Yurub caruurtu marka ay yaryartahay waxa la yidhaahdaa, maxaad doonaysaa inaad noqoto Mustaqbalka?, Qaarba waxay bay ku jawaabaan, midbaa yidhaahdaa, anigu waxaan jeclaan lahaa inaan dhakhtar noqdo, anigu waxaan jeclaan laha inaan askari noqdo, mid kala waxa uu yidhaahdaa anigu waxaan jeclaan lahaa inaan madaxwayne noqdo sida Obama oo kale ah, aniguna mabda’ayga idinka qarin maayee, halkuu Siilaanyo gaadhay ayaan doonayaa inaan gaadho.” Sidaa yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose), oo hadalkaa ka sheegay shirjaraa’id oo isaga iyo Wasiiro kale ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa Hargeysa. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu ka hadlay mowqifiisa ku aadan ururadii siyaasadeed ee uu ku doodi jiray, “Anigu in ururo siyaasadeed la furo waa mabda’a aan aaminsanahay waa mabda’a uu Madaxweynuhu aaminsan yahay intooduba waxay ku soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed oo ay ku ololeeyeen oo ay lahaayeen codkiina na siiya haddii aanu soo baxno ururada waanu furaynaa.” Ayuu yidhi yidhi Dr. Cabdi Gaboose, Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ururada siyaasadeed oo la furaa waxa ay la imanaysaa guulaha ugu waaweyn ee dalkeena horumarkiisa siyaasadeed, waxay siinaysaa fursada boqolaal masuul noqon kara oo karti, dadnimo iyo qiyam siyaasadeed leh oo jid ay u maraan inay dalkooda hogaan ka noqdaan la’aa.” Waxa uu tilmaamay in furista Ururada siyaasadeed ay qayb ka qaadanayso xoojinta dimuqraadiyada, “In albaabada loo furo oo ay is-tijaabiyaan oo uu halyey fiicanina ka dhex dhalan karo, arintaasi waxa ay xoojinaysaa dimuqraadiyada dalkeena ee curdinka ah waayo xisbi waliba marka uu si ogaado inta ku waddada jirtaana tahay in is-ogol, waayo kaan ogolaynina uu urur ka furan karto.” Ayuu yidhi Dr. Caboose. Dr. Caboose waxa uu hoosta ka calmaadiyey in xisbiyada jiraa ay ku dadaalayaan inay is-dhisaan, “Xisbi walba waxa uu ku dadaalayaa in uu dhiso, gudihiisa, barnaamijkiisa iyo wadajirkiisa, tartankana meel fiican ka galo. Xisbi furashaduna may ahayn hebel iyo hebel xisibi loo furayo ee waxay ahayd xuquuq ummadda somaliland oo dhan mugdi kaga jirtay oo xisbiga Kulmiye uu balan qaaday.” Ayuu hadalkiisa ku so af-meeray Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose), Arrinta uu ka dhawaajiyey Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose), ayaa daaha ka rogaysa hanka iyo damaciisa siyaasadeed halka uu gaadhsiisan yahay, isaga ka mid ah siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee Somaliland ee inta badan ku soo jiray saaxada siyaasada, isla markaana dhibaato kasta u soo maray inuu ka midho-dhaliyo ujeedooyinkiisa siyaasadeed uu hiigsanayo.
  19. Land_Soldier,Dr.Gaboose is more somalilander then all the part time somalilanders combined no matter where he was born.