Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. lol@ bugland iis qorqor badana since when did they became a breakaway republic?
  2. The UN will not save somalia from further destruction nor will it rebuilt it for the people when will the people of somalia realize only somalis can fix the current problems somalia is facing not foreigners.
  3. X.Xanjuf & Xudeedi, indeed, mashallah sanaag region is developing day by day , all that is left is a reliable road network connecting most of the regions important districts.
  4. Ceerigaabo(Oodweynenews)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii khamiista (maanta) lagu qabtay isla dhismaha labada dabaq ee iskuulkan cusub ayna kazoo qayb galeen maammulka heer-gobol iyo degmo ee Ceerigaabo. Mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Candlelight iyo ISF Shirkadaha Isgadhsiinta. Boqorro iyo Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa halkaas xadhigga laga jaray Dugsiga Tababbarrada iyo Xirfadaha dhallinyarada ee Candlelight/Erigavo. Madaxa hay’adda waddaniga ah Candlelight(CLHE) ee gobolka Sanaag Mr-Xasan Diiriye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa wuxu ka xog warramay xaaladda waxqabadka hay’addan iyo muddadii 2004—2010 ay gobolka Sanaag ka hawl gelaysey oo uu sheegay in ay fuliyeen mashaariic tiradoodu ka badan tahay siddeed mashruuc oo isugu jira mashaariicda horumarinta bulshada iyo faya-dhawrka deegaanka ee kala duwan iyo gargaarka degdegga ah oo ay ka mid tahay lcag mararka qaarkood loo qaybiyey bulshada danyarta ah iyo weliba gudniinka fircooniga ah. (Livelyhood projects, Emergency, and FGM projects), kuwaas oo sida uu sheegay ay kala qayb qaateen hay’adaha Caalammiga ah ee ay kamid yihiin CARE NOFIP WFP SCF hay’adda Waddaniga ee PENHA iyo hay’adda caalammiga maalgelisey mashruucan ugu danbeeyey ee dugsigan barashada xirfaduhu ka mid yahay ee ISF. Madaxa hay’adda CLHE Somaliland Mrs-Shukri Bandare oo iyaduna munaasibaddan ka hadashay ayaa iyadoo guud ahaan mahadnaq usoo jeedisey madaxda maammulka iyo bulshada Ceerigaabo iyo hay’adaha gacanta ka siiyey fulinta mashaariicdaas intaba, sidoo kalena hawl-wadeennada iyo shaqaalaha CLHE ku ammaantay gudashada hawlaha hay’addan, sidoo kalena ay sheegtay in hay’addan oo 1995 laga abuuray degmada Oodweyne ay maanta ka hawlgasho guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa kaloo hadalladeedii soo jeedinta ahaa ka mid ahaa “Maanta oo dawlad cusubi innoo dhalatay oo weliba aan filayo gobollada bariga in ay wax weyn innoo qaban doonto waxan ku talinayaa in diiradda la saaro saddex arrimood oo ah Biyo ku filan miyi iyo magaaloba gobolka Sanaag sidii loo heli lahaa waayo baahida manta ugu darani waa biyaha, Caafimaad bulshada Sanaag hesho iyo weliba Tacliin socota”. Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxan si weyn uga mahadnaqayaa hay’adaha CLHE iyo ISF waxqabadkan aynu aragno ee ay muujiyeen. Hay’ad kastaana haddii ay intan oo kale innoo qabato horumar la taaban karo ayay noqon lahayd. Innakana waxan leeyahay waa in aynu ka faa’iidaysanno horumarkaas oo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee jira aan lagu cajisin waayo mustaqbalka fursadda shaqo ee dadka xirfadaha kala duwan bartay wuu iman doonaa”. Madaxa shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Axmed Ibraahin oo ka mid ahaa madaxdii munaasibaddan kazoo qayb gashay ayaa wuxu isaguna dugsigan cusub ugu deeqay Telefoon (Wireless) wacitaankiisu lacag la’aan yahay sidoo kalena madaxdii iyo bulshadii munaasibaddan kazoo qayb galay oo tiro badan dhammaan guddoonsiiyey kaadhadhka ku-hadalka shirkaddiisa SOMTEL. Madaxa hay’adda ISF Finland iyo Somaliland ee maalgelisey mashruuca iskuulkan manta xadhigga laga jaray oo haweeney caddaan ah runtiina xusid mudan hadalkeedii qaybta hore oo Af-Soomaali ahaa ayaa waxay si weyn ugu mahad celisey guud ahaan maammulka dawladda iyo hay’adda mashruucan fulisey kazoo qayb galayasha iyo guud ahaanba bulshada reer Sanaag. Waxana munaasibaddan soo gebagebeeyey Kuxigeenka Badhasaabka gobnolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna dhiniciisa hay’addan Candlelight iyo hay’adaha mashaariicdan horumarineed kala qayb qaatayba halkaas uga mahad celiyey sidoo kalena bulshada Sanaag iyo dadka xirfdahan fursadda u helay iee bartay ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan, bulshadoodana ugu adeegaan aqoontan ay barteen. Kaddibna Maayorka Ceerigabo ayaa Iskuulkaas cusub halkaas xadhigga kaga jaray. Madax-dhaqameedyadii iyo xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda.usoo jeediyey maammulka iyo hay’adaha iska kaashaday mashruucan iyo guud ahaanba horumarinta gobolka Sanag, sidoo kalena bulshada iyo dadka xirfadahan la barayo usoo jeediyey talooyin kala duwan. Dhinaca kalena Kulan Xarunta Waxbarashada Ceerigabo ay isugu yimaaddeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Guddoonka Waxbarashada Waalidiinta iyo Macallimiinta dugsiga sare (Haji Aden Secondary School) ayaa laysla qaatay dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo oo saxitaan dartiis laba casho xidhnaa in Sabtida soo socota dib loo furo oo lasoo gebagebeeyey arrimihii dhaliyey hakadka muddada kooban dugsigaas ku yimid.
  5. Laascaanood(Jidbaale.com):-Waxaa maalin sadexaad kulan ku dhexmaray magaalada Laascaanood odayaal ka soo jeeda SSC iyo ninka Malayshiyada Hargeysa ee magaalada Laascaanood haysta ee lagu Magacaabo Dhancade oo ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Burco. Kulankan oo ahaa mid uu codsaday Dhancade ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah odayaashada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, Dhancade ayaa ugu horayn khudbad dheer oo isugu jirta Hanjabaad iyo Tookhid u jeediyey odayaasha isaga oo sheegay in uu maalmahanba ay jireen dhaqdhaqaaq wiilal ka soo jeeda SSC iyo niman ka yimi qurbuhu ka wadaan deegaanka Buurawadal iyo Dharkayn-geenyo waa siduu hadalka u dhigee, wuxuuna Odayaasha ugu sheegay Dhancade in aanay jirin cid ay maanta ka cabsi qabaan, wiilasha iyo tiknikada joogta Dharkayn-geenyo hadaanay odayaashu sida u dhakhsaha badan wax uga qaban ay deg deg u soo qabqaban doonaan. Dhancade ayaa sheegay in ay hore uga dhigeen wax ay qabqabteen iyo kuwo ay Mandheera u dhaadhiciyeen kuwo hore isugu dayey in ay hawlgalo ka sameeyaan Dhaban Saar iyo Hawdka , kuwa hadda isku urursanaya Dharkayn Geenyo iyo Buurawadalna aanay waxba iskaga tirin doonin sidii kuwii horena ay soo qabqabanayaan ayuu yidhi Dhancade. Dhancadde ayaa ku goodiyey in aanay odayaashaasi dib ka soo caban marka ay dagaal ku qaadaan Dharkayngeenyo oo hawlahooda fuliyaan. Odyaasha deegaanka ayaa dhinacooda sheegay in Ciidanka iyo tiknikada ku sugan Buurwadal iyo Dharkayngeenyo ay Gacanta ugu jiraan Rag deegaanka u dhashay isla markaan Hogaan leh sidaas daraadeed aanay iyaga ahayn hawl u taala, ee Haddii Maamulka Hargeysa uu doonayo in uu talaabo qaado uu garanayo goobta ay ku sugan yihiin. Odayaasha ayaa sheegay in Ciidanka ku sugan Buurwadal iyo Dharkayn Geenyo aysan ahayn maamulkii hore ay dagaaladu u dhexmari jireen ee ay kuwani yihiin Shacabkii SSC oo iyagu is abaabulay sidaas daraadeedna iyaga wax gacanta ugu jiraa aysan jirin ee ay iyaga u taalo wixii ay go,aan qaadanayaan, waxaana goobtaas laysku dhaafsaday hadalo kulkul iyada oo uu ku hanjabay Dhancade in ay layn-doonaan wiilshaas sidii kuwii hore aanay wax xabsi u taxaabi doonin, Odayaasha ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in sida muuqata hadda laga gudbay ruwaayadii labada maamul ee hadba dhinaca isula dilaami jiray oo maanta xaalku taagan yahay ragga SSC ka soo jeedo oo doonaya in ay deegaankooda ku soo noqdaan wax ay ka qabankaraana jirin, loona baahan yahay Dhancade in uu qalabkiisa qaato oo uu abbaaro lana arki doona xaal halkuu ku danbeeyo. Odayaasha kulankaas ka qayb galay ayaa waxa ay uga digeen kuwa ka soo jeeeda SSC ee la shaqaysta maamulka Hargeysa in iyaga loo adeegsado weerar lagu qaado deegaankaasi, waxayna u sheegeen ragaas in aanu maanta xaalku ahayn wajigii Maamulada Hargeysa iyo Garoowe ku dagaalami jireen , ee maanta ragga jooga deegaannadaasi yihiin raggii u dhashay deegaanka SSC oo sooc ha, isla markaana aysan ku kad-soomin, weedhahan danbe ayaa ilo xog ogaal ahi sheegeen in uu aad uga gubtay Dhancadde isaga oo sheegay in ay maanta wixii laga bilaabo si feejigan xaaladaha ula soconayaan. Kulankan dhexmaray Dhancade iyo Odyaasha SSC ayaa waxa uu la mid ahaa kulan 2004 ku dhexmaray Tuulada OOG Col Xaaxi nin lagu magacaabi jiray oo ahaa horjoogaha malayshiyada Hargeysa ee xilligaas isla markaana ka soo jeeday Hawdka Hargeysa, kaas oo xilligaas odayaal ugu goodiyey in ay duulaan ku soo ekey- nayaan SSC hasa yeeshee lagu dilay dagaalkii dhacay 29.10.2004 Abeesalay. Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa dareen dheeraad ah ka muujiyey xaaladda ka taagan deegaanka SSC iyaga oo si niyad ah u soo dhaweeyey xoogaga SSC ee haatan ku sugan deegaanka, waxaana magaalada Laascaanood ka dhacay dibad baxyo lagu taageerayo Hogaanka SSC , waxa iyaguna dhinacooda cabsi xoog badani soo waajahday malayshiyada ka soo jeeda Burco iyo Hargeysa iyaga oo dareemay in arrimuhu yeesheen waji kale, kaas oo ay u arkaan in shacabkii deegaanka oo aan cid kale wahelin ay wadaan kacdoonkan dib u sifaynta ah , taas oo iyaga ku ah guul daro weyn oo aanay dhinacan ka filanayn.
  6. Dawladda Denmark oo Sheekh Shariif ugu Baaqday inuu Hannaanka Dib-u-heshiisiinta kaga Daydo SL Written by Togdheernews Sep 22, 2010 Dawladda Denmark oo Sheekh Shariif ugu Baaqday inuu Hannaanka Dib-u-heshiisiinta kaga Daydo Somaliland Kaaliyaha xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Denmark Hargeysa (Qaran news)- Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada dawladda Denmark Ms. Sus Ulbaek, ayaa ugu baaqday Madaxweynaha dawladda ku-meelgaadhka Soomaaliya Sheekh Shariif inuu hannaanka dib-u-heshiisiinta kaga daydo qaabkii Somaliland u martay. Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Denmark oo hoggaaminaysay wefti ballaadhan oo socdaal laba maalmood qaatay ku yimi dalka Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo iyada iyo weftigeedu shalay ku qabteen huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxay sheegtay in Somaliland tahay dal ku guulaystay inuu abuuro nabadgelyo buuxda iyo hannaan dimuqraadiyadeed oo u baahan in lagu taageero, isla markaana waxay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya ugu baaqday inuu raaco tallaabooyinkii Somaliland u martay hirgelinta abuurita nabadgelyada, gaar ahaan dhianca dhaqanka. Ms. Sus ugu horreyn waxay ku tilmaantay socdaalkii ay ku yimaadeen Somaliland mid aad muhiim u ahaa oo guul ku dhammaaday, isla markaana ay wadahadalo midho-dhal ah weftigeedu la yeeshay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan. “Waxaannu halkan (Somaliland) u nimi si aannu qiimayno qaababka dawladda Denmark ula shaqaynayso Somaliland, waxaannuna arrintan soo bandhigi doonaa bilaha soo socda, annaga oo eegi doona iskaashiga dhinaca horumarineed ee Somaliland u baahan tahay xilligan oo ay xasilooni buuxdaa ka jirto, isla markaana ay jiraan fursado badan oo Somaliland ku kasban karto hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay iyo sifihii nabadgelyada ku salaysnaa ee xilwareejintu u dhacday, kuwaasi oo ah tallaabooyin muhiim ah oo Somaliland u qaaday dhinaca horumarka iyo dimuqraadyadda.” Kaaliyaha Xoghayuhu waxa kale oo ay ka hadashay mashaariicda dawladda Denmark ka fuliso Somaliland, iyadoo xustay inay ka shaqeeyaan waxyaabo badan oo ka saabsan horumarinta arrimaha bulshada, caafimaadka iyo ammaanka bulshada, arrimahaas oo ay ku tilmaantay qaar macquul ah oo dawladdeedu ka taageerto Somaliland. Ms. Sus Ulbaek waxa kale oo ay xustay inay safarkoodu ahaa qiimayn ku wajahan sidii dawladda Denmark sare ugu qaadi lahayd arrimaha ay Somaliland Somaliland ka taageerto, isla markaana ay indho-indhanayeen waxyaabaha dheeraadka ah ee laga taageeri karo Somaliland. Intaa kadib Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Denmark oo la waydiiyey in marka laga yimaado mashaariicda Somaliland ka taageerayaan ay gacan ka gaysan karaan ictiraafka Somaliland u baahan tahay, waxay ku jawaabtay, “Aqoonsiga Somaliland maaha mid dawladda Denmark keligeed go’aan ka gaadhi karto, laakiin waa mid u yaala in beesha caalamku go’aan ka gaadho, maalin maalaha ka mid ahna beesha caalamku go’aan bay ka gaadhi doontaa.” Mar la waydiiyey Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Denmark sida ay u aragto xaaladda dalka Soomaaliya, waxay tidhi, “Waxaannu beesha calaamka kala shaqaynaynaa in la koriyo hannaanka siyaasadeed ee Muqdisho yaala, si helo dawlad degan oo dadku ku kalsoonaan karaan, waxaannuna si joogto ah ugu dhiirigelinaynaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu dad badan ka qaybgeliyo dhismaha siyaasadda, waxaan filayaa haddii aynu eegno wixii Somaliland samaysay oo ah in madaxdhaqameedka iyo odayaashu door ka qaataan dib-u-heshiisiinta oo waqti la siiyo sidii xal loo heli lahaa, iyadoo hab-dhaqameed loo marayo sida Somaliland samaysay in la fadhiisto geedka hoostiisa ilaa laga helay xal isu-tanaasul. Sidaa daraadeed waxaannu rajaynaynaa in khibradaas wanaagsan ee Somaliland samaysay in laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya si looga dhimo dhaliyo nabad waarta.”
  7. Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^^ ^^ lol how can you represent Somali sinaan and cadalaad if you’re a clan movement somalidu wa dad aad u funny ah
  8. SOOMAALI SINAAN & CADAALAD? i am confused here wasn't ssc suppose to = sanaag sool cayn? :confused: nice pictures by the way.
  9. lol your paranoid sxb you shouldn't worry about that stuff aslong as the people of somaliland have their destiny in their hands, and not anarchic groups like al shabab & co.
  10. Captain_Mike20, why do you need to inject somaliland everywhere and rub it in people's noses? you do know that is not a good look.
  11. Captain_Mike20 , leave xudeedi and Makhiir alone, they don't need an extra hassle when they are having problems with Faroole and his buntiland crew, however you can handle SSC entity, they are the ones inneed of karbash.
  12. Liibaan, we will see sxb the day SSC captures Las anod or any other important town will be the day they will be seen as a real political contender in the somali peninsula.
  13. Ceerigaabo (Ceerigaabo.com) Talaalka Caruurka Da’ doodu ka yar tahay 5ta Sanadood ayaa Maal mahan danbe ka Socday degmooyinka Tuulooyinka gobolka Sanaag guud ahaanba’ Barnaamujkan oo Iska kaashadeen Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Wasaaradda Caafimadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ‘ Waxa Sanad walba laga Fuliyaa dhamaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Qaar Mida Shaqaalaha Caafimaadka Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sanaag ee Xarunteedu Tahay Magaaladda Ceerigaabo ayaa noo Xaqiiyey In Barnaamujkan ay Si Joogto Ah Isaga Kaashadaan Hay’adda Caafimaadka adduunka ee Magaceeda la yidhaahdo World Health Organiation (WHO) Iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyadoo ay Ku wahaliyaan Hay’adda Kale oo daryeelka Caafimaadka ka Shaqeeya Sida UNICEF. Ujeedada looga Danleeyahay Talaalkan ayaa ah sidii Caruurta looga Talaali lahaa Lixda Cudur ee Dilaaga Kuwaas oo sababa Dhimasho Ilmaha Yar ‘ ama Aafo aanu kazoo aayoodsan Karin kaga tegi kara. Hadaba Barnaamujkan ayaa Si Habsami Heersare ah uga Socda Dhamaanba degmooyinka Waaweyn ‘ Kuwa yar yar’ Tuulooyinka iyo Waliba Meelkasta oo cidi Ku Nooshahay oo gobolka Sanaag Ka mida. Sidoo kale Barnaamujkan Talaalka Caruurta Wuxu ka Socda guud ahaanba Wadankan Jamhuuriyadda Somaliland Sida aanu Ku Helayno Ilo Xogo gala ah. Si kastaba ha ahaatee Iyadoo ay dhinac Socoto Wacyi-galin dheeraad ah ayaan Arkaysaa Shaqaalaha Caafimaad oo kooxo u wada Socda oo gudanaaya Howlahooda Magaalada Ceerigaabo Waliba Degaamada Ka Baxsanba .
  14. This is SSC business is getting boring , buhoodlba ma so dhaafayan.
  15. Xaji_Xunjuf, Yes i did listen to it reminded me of Cali Duux's famous poem.
  16. Is that Xinne Xiiray the funny oldman in picture 6 lol, a great entertainer when it comes to poems.
  17. Atleast Maslax is from south somalia, it means no more puntland intervention in southern somalia affairs, not a bad choice by sheikh dalxis.
  18. Xaji_Xunjuf, indeed this is a victory for sheikh shariif, i wonder where Omar Abdirashiid will retire perhap yemen?
  19. Somali PM quits over differences Omar Abdirashid Sharmarke says he has stepped down after being unable to work with the country's president. Prime Minister Omar Abdirashid Sharmarke resigned after weeks of tension with the president [EPA] Omar Abdirashid Sharmarke, Somalia's prime minister, has resigned after a prolonged dispute with Sheikh Sharif Ahmed, the country's president. Sharmarke said on Tuesday he "resigned as the prime minister of the transitional federal government of Somalia after being unable to work with the president". "After considering the political crisis in the government and increasing insecurity in Somalia, I have decided to resign from my post as prime minister," Sharmarke said. Ahmed said he welcomed Sharmarke's decision to quit and said he would nominate a new prime minister as soon as possible. Al Jazeera's Mohammed Adow, reporting from Nairobi, the capital of neighbouring Kenya, said the resignation followed "pressure that had been building up on the prime minister for the past few months". He said the resignation will suprise few Somalis and that many had little hope in Sharmarke as head of government to restore peace and security. "This is the third prime minister to leave office ever since the transitional federal government was created in 2004 in Nairobi," said our correspondent. "If you look at the perception the people of Somalia have about this government, it won't be anything big in terms of news. "It's not going to worry many people because many Somalis have already lost all hope that this transitional federal government will be the one that will bring their country peace and security. "So not much, I would say, of a reaction in terms of surpise or people feeling bad that Prime Minister Sharmarke has resigned." The federal government has failed to end a three-year insurgency by hardline Islamists who now control much of the capital and huge chunks of south and central Somalia. Some analysts say that a beleaguered Ahmed has been looking for a scapegoat as he tries to reassert his authority over a brittle administration and a disillusioned nation. Parliament had been due to hold a vote of confidence on Sharmarke's leadership on Saturday but there were insufficient legislators to form a quorum and the session was postponed. Source: Al Jazeera and agencies
  20. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Strong message from the vice president. Indeed.