Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. I am not the Garaad group divided people if that is what you are thinking but another native.
  2. Malika Sit down young lady. Sool and Sanaag doesn't need your acknowledgement I am from there and it is part of Somaliland.
  3. http://horseedmedia.net/2013/01/23/shir-hordhac-ah-oo-maamul-loogu-samaynayo-qaar-kamid-ah-gobolada-koonfureed-ee-baydhabo-ka-socda-sawiro/
  4. Shir maamul loogu samaynayo qaar kamid ah gobolada Koonfureed oo Baydhabo ka socda (Sawiro). on January 23, 2013 Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo duqeyti kale ayaa isugu tegey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay si ay uga arinsadaan maamul loo samaynayo qaar kamid ah Gobolada Koonfureed. Sida la sheegay duqeytida ayaa ka kala ymid Gobolada Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool waxaana tiradoodu gaareysaa 50 oday. Odoyaasha ayaa ka arinsanaya sidi loo dhisi lahaa guddi farsamo iyo sidii lagu taabo gelin lahaa shirka lagu dhisaayo maamul goboladaasu ku mideysan yihiin bisha Feberaayo 2013. Shirka Feberaayo ayaa noqonaya goob la isugu keeno dhamaan kuwa danwadaagta ah, si ay uga doodaan fursadaha maamul loogu samaynayo goboladaas, waxaana la sheegay in shirkan ay Dowladda Federaalku wax ka ogtahay ayna ka joogaan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga, waxaana shirkan taageeraya Hay’adda UNDP, waxaana shirkan Amaankiisa sugaaya ciidamada AMISOM ee Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee laba kamid ah Gobolada hadda la sheegay in ay ergooyinku ka joogaan ee Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa ka mid ah kuwa iyaguna shirku uga socdo magaalada Kismaayo isla markaana la doonayo in lagu yagleelo maamul la magacbaxay Jubbaland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan marna dooneyn in Jubbaland ka koobnaato gobolada Jubada Hoose, Gedo iyo Jubada Dhexe, waxaana marar badan soo kala dhexgalay iyada iyo Guddiga kumeelgaarka ah ee Maamula Jubada Hoose mad-madow arrintaas ku aadan, taas oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan giraan dib u laabatey. Dowladda ayaa iska fogeysey marar badan eedaha loo jeedinayo, waxayna sheegeen in dadka dega Jubbooyinku ay aayahooda ka tashan karaan, dhawaan ayey ahayd Markii golaha Wasiiradu sheegeen in loo xilsaarey Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay maamulo kumeel-gaar ah u samayso Gobolada al-Shabaab laga saarey, taas oo ay ka biyo diideen qaar kamid ah dadka degan Jubbooyinka, waxaana lagu wadaa in Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ay maalinta berri ah (Khamiis) ka hadlaan qaddiyadda maamul u samaynta Gobolada al-Shabaab laga saarey. Horseed Media Muqdisho, Somaliya
  5. Does Jawahari speak Somali first of all or May May kkkkk before he dreams about unity with the Hashemite kingdom Somaliland.
  6. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Dhaawacyada-Maleeshiyaadkii-Dagaalka-La-Galay-Ciidamada-Qaranka-Ee-Jiida-Xuddun-Oo-Maanta-Qaarkood-Ku-Geeriyoodeen-Buuhoodle.html
  7. Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Dagaalka La Galay Ciidamada Qaranka Ee Jiida Xuddun Oo Maanta Qaarkood Ku Geeriyoodeen Buuhoodle Buuhoodle (Ramaas) Jan 23,2013 – Cisbitaal ku yaala Magaalada Buuhoodle, ayaa ku hawlan daaweynta dhaawacyo dhowr ah oo shalay Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo la baxday kaga dhaawacmay dagaalkii ay la galeen ciidamada qaranka Somaliland ee aaga Xuddun. Cisbitaalka oo dhaawacyada qaarkood maanta galinkii dambe la gaadhsiiyay ka dib markii ay ilaa xalay Maleehsiyaadku ku hayeen aagaga ay ku dhuumaalaysanayaan, ayaa lagu waramayaa in qaarkood xaaladooda caafimaad aad u liidato. Warka Ramaas ka helayso Buuhoodle, ayaa sheegaya in dhaawacyadaasi oo dhowr ah uu galabta mid ka mid ah ahi u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay dagaalkii Maleeshiyaadku la galeen ciidamada qaranka, kaasi oo dhibaato badani ka soo gaadhay. Dhaawacyada la geeyay Buuhoodle oo kooxda Khaatumo la baxday doonayaan inay ka gadoodaan shacabka maatida ah ee halkaasi ku dhaqan si marka ay cadhoodaan ay gacan ugu siiyaan nabadgalyo darada ay halkaasi ka wadaan, ayaa lagu soo waramayaa inay xaalada dadka rayidka ah wax ka badashay isla-markaana uu jiro dareen ka dhashay xaalada dhaawacyadaasi. Dhanka kale, kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday oo ka hadashay dagaalkii shalay ayaa qirtay khasaaraha soo gaadhay “Laba ilaa saddex nin oo askartayada ah ayaa ku dhintay dagaalkii Xuddun, gaadiidna waa lanaga qabsaday” sidaa waxa yidhi Axmed Karaash. Ramaasnews Desk
  8. http://www.raxanreeb.com/2013/01/guddi-ka-socda-jubbooyinka-oo-wadatashi-u-yimid-garoowe/
  9. Garoowe (RBC Radio) Shiikh Khaliif Guure Cali oo ah Gudoomiyaha Maamul u samaynta jubbooyinka sida uu sheegay iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Garowe iyadoo ay soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Puntland waxgarad iyo Ururada haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka inkastoo Wafdigan imaanshahooda aan horay loo sii shaacin hadana waxaa safarkooda ku wehliyay Masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Shiikh Khaliif Guure oo si kooban Saxaafada ula hadlay ayaa sheegay in Puntland ay u yimadeen sidii ay wadatashi ula samayn lahaayeen Madaxda si ay uga wadahadlaan Dhismaha Maamul loo dhanyahay oo laga yagleelo Gobolada Jubbooyinka taasoo in mudo ahba uu muran ka taagnaa wuxuu kaloo sheegay in ay lasoo kulmeen odoyaasha iyo Samadoonada Magaalada Gaalkacyo sidoo kalena ay wadatashi xoogan la yeelan doonaan Dowlada Puntland iyo Waxgaradka Maadaama Puntland ay talo iyo Faragelinba ku leedahay Gobolada Jubbooyinka sida uu Hadalka u dhigay Gudoomiyuhu. Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda gobolada Jubboooyinka iyo madax uu ka mid yahay Duqa Gaarisa ayaa la filayaa inay kusii nagaadaan Magaalada iyagoo la kulmi doona Madaxda Dowlada Puntland sida ay sheegeen, Imaanshaha wafdigannah wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo in badan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu dhawr jeer ku celcelshay in Gobolada Jubbooyinka loo madaxbaneeyo maamul ay samaystaan isagoo sheegay in Puntland ay ka damqaneyso Xaaladaha ka jira Goboladaasi. RBC RADIO Xafiiska Garoowe
  10. http://www.qarannews.com/2013/01/riyo-run-ma-noqotaa-somaliland-tixgelin-ugama-baahna-xasan-sheikh-muqdisho/
  11. Xasan sheekho war la’aanbaa ku haysa, taariikhda dib ku raac shacabka reer Somaliland cid ay uga daba fidhiisayayaa masiirkooda majirto, markii ay calanka keeneena warla’aan iyo aqoon la’aan ayaa haysay, oo warla’aanbaa colhodaybay ahyeen. Shacabka reer somaliland waxay naf iyo maal ku bixiyeen doonista shata (5) somaliyeed, marki ay mid soo heleena waxay noqotay nin ki yidhi inanta meherkeeda mar wixii iga gaadhay dib layso marin mayo. Shacabka reer Somaliland dib lo qiyaamayn maayo oo muumin laba jeer qod lagama wadada qaniino. Dadka walaalaha ah hay isku dirin nabarka ha damqin boqsadbuu ku dhow yahaye, shacab reer Somaliland waxay goosteen inanay cidna la bahoobin, mid hore u jirayna ma jiro. Somaliland iyo Somalia marnaba may midoobin. taariikhda dib u akhri taa waxa ku cadaynaya markii la siidaayey Col. Xasan Kayd iyo ragisi, ee uu xaakimki HAZALWOOD u yeedhay madaxdi waqtigaa joogtay kuna yidhih hadii aan inamadan had la siidayn midnamadiinu way burburaysa maxaa yeelay saraakiisha ayaa maxkamada ka hor cadeeyey inaanay jirin wax midow ah oo labada wadan galeen. Marku xaakimku u cadeeyeyna sababta burburka keenaysana waxa la siidaayey saraakiishi markaaba aragtay dulmika iyo xaqdarada ka soo socda hadii labada dal midowbaan, waxay noqdee laba dalk oo iskuba qaynuun ahayn. Ilaa saraakiishi qabsadee xaakimki oo ahaa ingiriis, oo ay ku yidhaadeen maxaad nagu xukumaysa ilayn laba dal oo midba mar xornimadiisa qaataybaan nahaye, wax midow ah oo sifo sharci marayna aan jirin haba yaraatee. Hadaba ninka leh Somaliland tixgeli qaar ah la siinmaayo waxaan leeyahay Somaliland tixgeli gaar ah iyo mid kale toona kaagama baahna. Waxaa la yidhi “riyo haday dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayee” adeer Somaliland intaad iska ilowdo taada katali. Inti xukunka moqdisho soo martayba waxay iskaka mid yihiin fekerka qaldan ee ay iska dhaadhiciyeen inay Somaliland keeni karayaan. Horta Somaliland waxay xornimadeeda u soo martay ma karanayaan, xornamada Somaliland waa mid naf iyo maalba lo huray iminkana waa lo horayaa. Ninka xamar jooga waxba laga waydin mayo masiirka ummadda reer Somaliland wixii u ku hadlaana wa iska hadlow ina igare. Shacabka reer somalilandna waxaan leeyahay maraykan iyo xamartoona masiirkiina haga baqina.
  12. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Madaxtooyada-Somaliland-Oo-Si-Qabow-Uga-Hadashay-Aqoonsiga-Maraykanku-Siiyay-Somaliya.html
  13. Madaxtooyada Somaliland Oo Si Qabow Uga Hadashay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somaliya Hargeysa (Ramas) Jan 21,2013 – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay Somaliya, waxayna sheegtay in arintaasi aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta ka hadlayay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay aya, ayaa sheegay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya ay ka weyn tahay waxa shacabka Somaliland doonayaan. Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa” Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday “Shacabaka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyada ka shaqeeyaan, oo inaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno, waayo waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn, waxa aynu doonayno ayaa midho dhal noqonaya”ayuu yidhi. Ramaasnews desk Hargeisa
  14. Loss of many lives and properties is not a laughing matter you underage kid.
  15. http://www.qarannews.com/2013/01/somaliland-picture-of-the-week/
  16. Writen by Qaran News | Published: Jan 20th, 2013 at 05:34 PM Hargeisa(Qarannews):- This a picture taken of Hargeisa in 1990 after the destruction caused by the forces of the defunct “Somali Republic”, using heavy artillery and mercenaries flying from the airport to bomb the city and its residents. This is the road that passes in front of City Centre Hotel. This an example of the”benefits” from the union with Somalia in 1960. A reminder to those who hanker for the myth of “Greater Somalia”. This Hargeisa today, rebuilt through the hard work and sacrifice of the people of Somaliland, both at home and abroad. Was Hargeisa ever like this in the 30 year union? The answer is no. During those 30 years it was a politically, socially and economically decimated place, then it was a war zone, then it was a city of constant curfews, and finally, it became the scene for a bitter war to regain sovereignty. Does anyone think anything has changed in Somalia? Do you honestly believe that Somaliland would ever be part of the madness in Somalia? Buildings can be replaced, and Somalilanders will once again tear everything down to protect their sovereignty and independence. Never for a moment doubt that.
  17. Xaaji Xunjuf;910060 wrote: Who is Siilaanyos family? i am not sure Siilaanyos family come on SOL kk.
  18. Daawo Sawirro: Madaxweyne Xassan oo Minneapolis looga Mudaharaaday. http://www.raxanreeb.com/2013/01/daawo-sawirro-madaxweyne-xassan-oo-minneapolis-looga-mudaharaaday-dhageyso/
  19. Xaaji Xunjuf;909167 wrote: Puntland wa laxdi Jubbaland na wa kabti wa wada socdaan adeer naga daa dee
  20. Somalia;909306 wrote: Well done, I support it 100%. This is just like the education scholarships. A clan can't take national institutions for its own athletes and send them to training in the name of Somalia. Correct.
  21. Yet ex USC child soldier Abwaan is dreaming about uniting with Hargeysa his own neighbors are dissatisfied with Mogadishu.
  22. http://www.raxanreeb.com/2013/01/guddoomiyaha-ciyaaraha-gobolka-bari-mustafe-majacase-waan-kasoo-horjeednaa-doorashada-guddiga-olombikada-soomaaliyeed-ee-muqdisho-lagu-qabtaydhageyso/